Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xili ay socdaan banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha. Xaaska duuliyaha oo u warantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xirtay gabar 16-jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay. Xariga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xoogan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xariga iyo cadaalad darada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha. Wixii warar ah ee kasoo kordha xiisada ka dhalatay duuliyaha & banaan-baxyada Jabuuti, isha ku hay Caasimada Online.
  2. Dalka Maraykanka waxaa gees ka gees ruxay dibadbaxyo ay dhigayaan dadweyne ka caraysan dil ay booliiska Minneapolis (Minnesota) u geysteen George Floyd oo ah nin madow, kaddib markii baraha bulshada la soo dhigay muuqaal uu ka duubay qof ka ag dhowaa goobta dhacdadaas. Muuqaal-duubayaasha ku rakibnaa goobaha ganacsiga iyo cajalada uu duubay qofka dul taagnaa waxay muujinayaan silcinta ay booliiska u geysanayeen George Floyd iyo inaysan booliiska danayneyn nolosha muwaadhinka, maadaama ay iska dhegatireen cabaadka iyo baryootanka ka soo yeeraye George iyo dadkii goobta ka dhowaa. Baaritaan madax-bannaan ayaa sheegaya in George Floyd uu u dhintay “hawo-la’aan (asphyxiation) ka dhalatay xoogga cadaadiska joogtada ah,” markii qoortiisa iyo dhabarkiisaba ay isku cadaadiyeen saraakiisha booliiska Minneapolis. Baaraha Caafimaadka ee Degmada Hennepin wuxuu ku soo gabagabeeyey baaristiisa in dhimashada George Floyd ahayd dil, (CNN 2/06/2020). Baarista caafimaad ee madaxbannaan waxay ka horimaanaysaa baarista booliiska ay soo bandhigeen markii uu dilka dhacay, taasoo sheegaysay inuu George Floyd uu u dhintay xanuun wadnaha ah. Inkastoo baarista madaxbannaan kaddib ay booliiska degmada Hennepin soo saareyn baaris la mid ah tan madaxbannaan. Shacabka banaanbaxaya waxay dalbanayaan qabashada (xarigga) saraakiisha ku lugta leh dilka George Floyd iyo isbeddel nidaam ah oo joojinaya naxariis darrada booliiska. Dhimashada George Floyd waxay kicisay hurgumooyin, cadho iyo ciil horey bulshada madowga uga tirsanayeen habka caddaala-darrada iyo habdhaqanka gurracan ee booliiska. Dalabka dadka laga tira badan yahay ee Maraykanka [madow, latino, iwm] ayaa ah inay helaan caddaalad iyo ixtiraam la mid ah kan ay helaan Maraykanka kale [cadaan]. Gabar ka mid ah shacabka waddooyinka Los Angeles ka dhigaya dibadbaxyada ayaa tiri “Farriinta aan dirayo ayaa ah in uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya bulshada caddaanka ah iyo kuwa madowga ah ee Maraykanka.” Waxay kaloo sheegtay inay si joogto ah kala kulanto hagardaamo booliiska “waxaan ahay qof Jaamacad (college) ka qalinjabisay, shaqaysata, waligeed aan denbi gelin, misna waxaa si joogto ah ii joojiya booliiska, sababtuna waxay tahay gaadhigayga oo ah mid cusub oo aan iibsaday 2020 [Tuhun inaysan gaariga lehayn. Ama Siddebay ku yeelan kartaa gaarigan]” (ABC 7 – 30/05/2020). Michael oo ah arday dhigta Jaamacadda ayaa yiri “Markii aan arko gaadhi booliis ah oo i hareer-socda, ama mid i dabasocda, candhuuf ayaa afkayga buuxinaysa, boodyahayga ayaa jaraynaya waxaa suurtoggal ah inaan lumiyo xakamaynta gaadhiga, waxaan ka baxaa waddada, waxaan ku nastaa daqiiqado goobta munaasibka ah, si aan nafta u xasiliyo, si ay u nabad galaan nafsaddayda iyo shacabka waddada aynu wadaagno.” “Waa fashal naxdin leh in dad badan oo Afrikan-Mareykan ah, gaar ahaan dhallinyarada, la dhibaateeyo oo loogu bahdilo dalkooda. Waa awood marka ay mudaaharaadayaan, oo ay ilaalinayaan sharciga, waxay u bannaan-baxayaan mustaqbal wanaagsan.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore George W Bush (CBC News 2/06/2020). Falanqeeyaasha siyaasadda Maraykanka, waxay saadaalinayaan in dibad-baxyadu sii socon doonaan in muddo ah, taasoo ay sabab uga dhigayaan xirnaanshaha dugsiyada, jaamacadaha iyo in malaayiin qof ay la soo deristay shaqo la’aan, taasoo fursad u siinaysa ka qeyb-galka mudaharaadyada. Waxaa intaas dheer, in Covid-19 abuuray jahawareer iyo xasillooni darro nafsiyadeed, kaddib markii dad badan ku waayeen dadkii ay jeclaayeen xanuunka Covid-19. Dalka Maraykan waxaa ka jira dhaqdhaqaayo aan diiwaangashaneen, kuwaasoo xambaarsan aragtiyo iska soo horjeeda, sida “White supremacist iyo ANTIFA,” iyo kooxo kale, lana aaminsan yahay inay ku soo dhexdhuunteen dadka dibadbaxaya si ay u geystaan fadqalallo iyo xasillooni darro. Taageero midnimo loogu muujinayo dibadbaxayaasha Maraykan ayaa ka kala dhacay daafaha caalamka Australia, New Zealand, UK, France, Germany, Holland, Spain, Brazil, Filastin, Idlib Syria iyo dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaal. Hadabba, su’aasha taagan ayaa ah: Goormay soo afjarmi doontaa u sinaan la’aanta sharciga, iyo naxariisdarrada booliiska Maraykanka ay kula kacayaan qaar ka mid ah muwaaddiniinta Maraykan? Shaki kuma jiro, in Maraykanka uu u baahan yahay dibuhabayn in lagu sameeyo hannaanka caddaalada, hanaanka loo maro qorista booliiska, iyo hanaan isbeddel taabanaya nolosha dadka laga tiro badan yahay, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqooyinka. Soomaaliya waxay ka baran kartaa meel aysan caddaalad jirin, nabadi ma jirto. Sidoo kale, meel aysan rajo jirin nolol ma jirto. Haddii dadka Somaaliyeed nabad, iyo barwaaqo doonayaan waa inay ilaaliyaan u sinnaanta caddaalada iyo kala dambeynta sharciga, islamarkaasna diiradda la saaro ciribtirka dhaqanka xun ee haybsooca ah, nin tooxsinimada iyo dowlad xumo. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada iyo mideynta beesha Mudulood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayey go’aankii Ugaaska beesha, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kaas oo uu uga soo horjeestay in gobolka Banaadir 7-xubnood laga siiyo golaha Aqalka Sare, iyadoo lagu qeyb sanayo nidaamka 4.5. Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana ka hadlay xubno ka socday guddiga dhameystirka sharciga doorashooyinka, odayaal dhaqan, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada, waxaana si weyn loogu taageeray hadalkii Ugaaska beesha Mudulood. Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka ah ee arrimaha dooraashooyinka, isla markaana loo xil saaray inay si gaar ah uga soo tala bixiyaan arrimo uu ku jiro maqaamka gobolka Banaadir , ayaa sheegay in uusan jirin go’aan mideysan oo arrimaha gobolka Banaadir ay ka soo saareen xubnaha guddiga. “Xubnaha guddigu waxay isla sheegeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Dr. Dufle. Sidoo kale Senator Dufle ayaa sheegay in guddigu isla gartay in todobadaas xubnood la hor geeyo baarlamaanka, maadaama loo baahnaa in gobolka Banaadir metelaad helo, balse marnaba aysan xubnaha guddigu soo saxiixin ‘4.5 halagu qeybsado metelaada gobolka Banaadir.’
  4. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 5th June 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, June 5, 2020/ — New cases: 169 Active cases: 1522 Severe cases: 18 New recovered: 12 Total recovered: 262 New deaths: 1 Total deaths: 19 Total cases: 1805 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay arinta muranka badan dhalisay maqaamka Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda la iska hor keenayo dadka reer Muqdisho, iyadoo la siyaasadeynayo. Sidoo kale Taliye Ismaaciil ayaa sheegay in tirada xubnaha lasoo bandhigay ee la sheegay in gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ay tahay mid lagu maja xaabinayo maqaamkii gobolka, taas oo uu sheegay inay keeni karto in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo. ”7-da xubnoo ee la sheegayo in Aqalka sare laga siinayo gobolka Banaadir, waa arin la doonayo in lagu majaxaabiyo maqaamkii iyo mataaladdii uu gobolku lahaa, waxayna keenikartaa in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo bulshadana la isaga horkeeno” ayuu yiri. Ismaaciil Daahir oo u waramay TV-ga Dalsan, isaga oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa sheegay in aan laga bixi karin dagaalka siyaasadeed ee qabaa’ilada Soomaaliyeed ka dhaxeeya, inta uu qabyo yahay dastuurka dalka, isla markaana lagu dhaqmayo nidaamka 4.5, oo sida uu sheegay sad bursi badan uu ka muuqdo. “Dastuurka hada dalka lagu dhaqo waa mid ku meel gaar ah oo aan afti loo qaadin, dowladda hada jirtana waxaa laga rabay inay dhameystirto dastuurkan oo ay qabyada ka bixiso, isla markaana ay wadanka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah labadiiba way ku guul dareysatay, marka si looqariyo guul darrooyinkaas, ayaa la rabaa hada in xasarad siyaasadeed laga dhex abuuro dadka degan gobolka Banaadir” ayuu yiri Ismaaciil Daahir. Sidoo kale sarkaalkan ayaa madaxda dowaldda federaalka ku eedeeyay in aysan dooneyn ku dhaqanka nidaamka dalku qaatay ee federaalka si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed. “Cabsida ugu badan waxay ka taagantahay in baarlamaanka loo gudbiyo 7-dan kursi ee la sheegay in Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir, baarlamaankuna uu ku dhiirado in uu ansixiyo, taas oo keeni karta kacdoon shacab, kaas oo keeni kara in dalku dib ugu laabto rabshado hor leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyntii Taliye xigeenkii hore ee NISA ayaa baarlamaanka Soomaaliya kula taliyey in aysan ku dhiiran ansixinta qorshahan cusub ee la sheegay in maqaam lagu siinayo gobolka Banaadir, sidoo kale madaxda dowladda ayuu kula taliyey inay ka waan toobaan danaha siyaasadeed ee arintaas ay ka leeyihiin, si looga baaqsado kacdoon iyo rabshado ka dhasha.
  6. DJIBOUTI (HOL) - Revelations of indefinite detention and torture of a military pilot in Djibouti has sparked protests amid claims the officer who had escaped the country was arrested in Ethiopia and handed back to Djibouti government. Source: Hiiraan Online
  7. The magnitude of a disaster varies from country to country, but a prolonged drought is the most acute human tragedy causing famine, which most of the time ends in an inescapable delusion. When drought is felt in the developed nations it does not cause famine as it happens in the third world, the reason for that is that they are well prepared. Source: Hiiraan Online
  8. Jabuuti (Caasimada Online) – Xariga ay dowladda Jabuuti kula kacday Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa waxa door weyn ka qaadatay dowladda Itoobiya, sida uu shaaciyey raadiyaha Faransiiska ee RFI. RFI ee fadhigeedu yahay caasimada dalka Faransiiska ee Paris ayaa baahisay in dowladda Itoobiya ay u gacan gelisay dowladda Jabuuti Duuliye Fu’aad oo xiligaasi u baxsaday caasimada dalkaasi ee Addis-Ababa, maadama uu ka cabanayey cadaalad daro baahsan oo lagula kacay. Duuliye Fu’aad ayaa 27-kii bishii Maarso u talaabay dhanka dalka Itoobiya, xiligaasi oo uu wajahayey cadaalad daro baahsan oo uu sheegay inay ka dhex jirtay Milatariga dalka Jabuuti, midaasi oo ku kaliftay inuu ka baxsado dalkiisi hooyo. Fu’aad ayaa ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti, muddo ka badan 9-sanno, isagoona muddooyinkii dambe wajahayey cadaalad daro, sida uu ku sheegay muuqaal uu iska soo duubay ka hor inta uu ka firxan Jabuuti. Itoobiya ayaa Fu’aad kasoo qabatay magaalada Addis-Ababa oo uu xiligaasi ku sugnaa, iyada oo usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu hore uga tirsanayey inay kula kacday gabood fal. Duuliyaha ayaa loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, xili uu ku howlanaa gudbinta codsi uu ku dalbanayey magan-galyo, maadama uu caasimada dalka Itoobiya ee Addis-Ababa uu baxsad ku joogay. Talaabada Itoobiya ay Jabuuti ugu gacan galisay duuliyaha ayaa u muuqata mid ay ku raali-gelinayso dowladda Jabuuti oo kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, iyada oo dhinaca kalena u muuqaneysa mid door weyn ka qaadatay gabood falka ka dhanka ah Fu’aad, Fu’aad ayaa dhawaan xabsi uu ku jiray oo Suuli dhexdiisa ahaa kasoo duubay muuqaal qiiro leh, midaasi oo sababtay kacdoon shacab oo ka dhan ah dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Saacadihii udambeeyay ayaa waxa magaalada Jabuuti gil-gilay mudaharaadyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha, oo isagu hore uga gadooday cadaalad daro uu ka tirsanayey ciidamada, iyada oo dowladuna kasoo saartay hanjabaado ka dhan ah.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalka hay’adda isgaarsiinta qaranka, ayaga oo ka digay isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weyn uu ka taagnaa dhismihiisa. Qoraal ay soo saareen shirkadaha isgaarsiinta ayaa lagu yiri “Waxaa marag-­madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta.” War-saxaafadeedka shirkadaha oo dhameystiran hoos ka aqriso Shirkadaha Isgaarsiinta oo Walaac Weyn Ka Muujiyay Xaalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mogadishu, June 05, 2020 – Kulan deg deg ah ee uu qabanqaabiyay Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha adeegyada Isgaarsiinta dalka iyo dhibaatooyinka jira iyo guud ahaan xoojinta horumarka Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ee qeyb weyn ka ah horumarka dalka. Gabagabadii Kulanka ururku waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan: Dhamaan Shirkadaha ku mideysan USIS waxay walaac ka muujinayaan, kana digeen isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weynuu ka taagnaa dhismihiisa. Waxaa marag-­‐madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta. Iyadoo aan ogsoonahay in Xubnaha Guddigan oo intooda badan (75%) ay yihiin xubno ka tirsan Shirkado bah-­‐wadaag ah. Taas oo ka hor imaaneysaSharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay. Ururka Isgaarsiinta Soomaaliyeed wuxuu mar kale cadeynayaa in magacaabistii Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay markii horaba si toos ah uga hor imaneysay Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad “Iska-­‐hor imaadka Danaha Is-­‐diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda. Waxaa ayaandaro ah in Wasiirka Wasaaradda uu dhinac ka noqday mushkilada isagoo la saftay Guddigii sharci darada ah, islamarkaana uusan tixgalin madax banaanida Hay`adda sida ku Qod.7aad ee Sharciga Isgaarsiinta. Hay`adda Isgaarsiintu waa Hay`ad Qaran oo ay door wadatashi ku leeyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhinacyada ka shaqeeya Isgaarsiinta marka ay timaado magacaabista xubnaha Guddiga Hay`addu yeelanayso sida ku cad Qodka. 30aad ee Sharciga Isgaarsiinta. Ururku wuxuu baaq u dirayaa XFS in laga hortago murankan hareeray Hay`adda dhexdeeda iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira, lana dhiso Guddi cusub oo waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo xalaal-­‐ noqoshada Hay`adda. ==DHAMAAD==
  10. MOGADISHU (HOL) - Abdi Tahlil Warsame whose songs and poetry conveyed praise of the Siad Barre regime but also warned of a uncertain future has died in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (HOL) - Abdi Tahlil Warsame whose songs and poetry conveyed praise of the Siad Barre regime but also warned of a uncertain future has died in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta deegaanka adduunka, dabaaldeggan ayaa ku soo aadaya xilli dalkeena ay dhibaatooyin badan heystaan deegaanka. Maanta oo halkudheggu yahay “waa waqtiga dabeecada” ayaa waxaa olole loogu jiraa in la dhiirigeliyo waxyaabaha dabeecada ku saabsan. Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed waxaa la sheegayaa in badankeed ku tiirsan tahay xoolaha nool, dalagga beeraha iyo khayraadka kale sida dhirta, taasi oo qasab ka dhigeysa ilaalinta dhirta iyo daaqa, oo ay deegaanka ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa. Dhanka, meelaha ay dhibaatada ka jirto waxaa ka mid ah gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, taasi oo in badan laga dhoofiyo koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay sidoo kale in laga hortago. Maalinta deegaanka waxaa muhiim ah in dhir lagu beero guryaha, lagu dadaallo nadaafadda deegaanka laguna dadaalo fayodhowrka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hor-yimid warqad lagu amrayo shirkadaha isgaarsiinta qaranka inay qaataan rukhsadda dowladda, taasi oo kasoo baxday maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta qaranka. Qoraalka wasiir Canshuur ayaa loo diray shirkadaha Hormuud, Somtel, Golis, Telsom iyo Amtel, waxaana wasiirka uu ku wargeliyey in rukhsadaha uu soo saaray Maareeyaha aysan waafaqsaneyn sharciga Isgaarsiinta oo aysan ku dhaqmi karin shirkadaha, sida uu hadalka u dhigay. Arrintan ayaa banaanka usoo saartay loolan xooggan, oo la rumeysan yahay inuu dhaqaale salka ku hayo, oo u dhaxeeya wasiirka iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka. Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku doodaysa inay tahay hay’ad u madax banaan fulinta howlaha loo igmaday oo ay ku bixin karto ogolaanshaha rukhsadaha, waxayna cuskaneysaa qodobka 7aad ee Sharciga Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka. Xubno ka tirsan hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in maareeyuhu ay howshiisa tahay bixinta ogolaanshaha rukhsadaha, wasiirkuna uusan faro-gelin karin. Waxay sidoo kale ku doodeen in wasiirka shaqo ku laheyn arrimaha rukhsad bixinta, balse uu leeyahay oo kaliya la socosho, laguna war-geliyey arrintan. Inta badan shirkadaha Isgaarsiinta ayaa u hoggaansamay warqadii ka soo baxday Maareeyaha, iyagoo shubay lacagtii laga rabay ee ogolaanshaha rukhsadaha shaqo. Hoos ka aqriso warqadda wasiirka
  14. Forces loyal to Libya's internationally recognised government said on Friday they entered Tarhuna, the last major stronghold of commander Khalifa Haftar in the west, capping the sudden collapse of his 14-month offensive. Source: Hiiraan Online
  15. To the surprise of many, African governments have responded swiftly and boldly to the COVID-19 crisis. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dawo u helay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, kaasi oo sidoo kale dad badan ku dilay gudaha Soomaaliya. Sheekh Suldaan Muxamad Aala-Muxamad oo kamid ah mas’uuliyiinta Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan dawooyin dabiici ah oo lagula tacaali karo cudurka safmareenka ah, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Suldaan ayaa sheegay illaa afar dawo oo dabiici ah, oo uu sheegay in qaarkood ay kusoo urureen axaadiis laga weriyey rasuulka NNKH. Dawooyinka dabiiciga ah ee Sheekhan uu xusay, oo badankood ku sheegay af-carabi ayaa waxaa ka mid ah: Cuud al Qisdi, huruurdda oo lagu darrayo biyo kulul, geed luquudda carabiga lagu yiraah Cirqusuus, iyo geed uu ku sheegay Luubaan-Dakar. Waxaa xusid mudan in dawooyinka Shabaabka ay sheegeen ay yihiin kuwa aan calmi saynis ahaan la xaqiijin inay daweeyaanfayruska, sidaas darteedna ay muhiim tahay in qof kastauu dhaqtarkisia kala tashto dawo kasta oo uu qaadanayo. Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ee uu cudurka soo shaac baxay beenisay inuu ka jiro Soomaaliya, waxayna sheegtay inuu yahay cudurka loogu talo-galay in lagu laayo gaallada. Si kastaba, Shabaabka ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood oo la tacaala cudurka.
  17. Ciidamada Dawladda Libya oo magaaladii ugu muhiimsaneyd Maanta ka qabsaday Dagaal ooge Khalifa Haftar Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Tarhouna ee ku taalla koonfurta bari ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, taasi oo Jeneral Khalifa Haftar ka saareysa halkii ugu xoogganeyd ee ugu dambeysay ee uu kaga sugaa Galbeedka Libya. Tarhoun waxay ahayad magaalada uu Khalia Haftar kasoo qaadayey weeraradii socday 14-ka bilood ee uu doonayey inuu ku qabsado Tripoli. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Khalif Haftar iyo ciidankiisa oo ku aaddan ka bixitaankooda magaalada, taasi oo timid maalin kadib markii laga riixay goobihii ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen caasimadda. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo magaalada caasimadda ka wada saarta ciidamada Jeneral Khalifa Haftar. Dagaalka Libya ayaan weli fari ka qodneyn, maadaama ciidamada Khalifa Haftar ay maamulaan Bariga dalkaas, oo ay ka dhiseen dowlad kale, iyo koonfurta dalka, oo ah halka ay ku yaallaan goobaha saliidda laga soo saaro. Haftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Qaran News
  18. Soomaali lagu tuhsan yahay inay ku lug lahaayeen afduubkii Haweenayda Talyaaniga ah ee Muslintay oo la qabqabtay Ciidamada ammaanka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay afar dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney maal-galiyeen afduubkii sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano. Qoraal kasoo baxay dacwad oogayaasha ayaa lagu sheegay in dadkan ay maal-geliyeen kooxda Al-Shabaab oo afduubatay Silvia, iyo kooxda ONLF ee dalka Itoobiya. Afarta dhalinyarada ah laba ka mid ah waa Itoobiyaan halka labada kale ay yahiin Soomaali, saddex ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay 23-jir halka midka mid ah oo 29-jir ah xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay dagan tahay Silvia. Xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ayaa lagu xiray, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ay dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiska. Warbixinta waxey sidoo kale sheegeysaa in goobahii laga soo qabtay dhalinyarada laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa la baahiyay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab. Intaas kaliya laguma soo koobine, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney lacago u aruurin jireen ururka xoreynta ogaadeeniya (ONLF), lacag ka badan 10,000 (Toban kun) oo yuuro ayey direen, sida la sheegay. Baarayaasha kiiskaan waxey sheegeen in lacagahaas loo diray wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana lagu iibiyay hub. Bishii May 2019 ayaa lasoo qabtay ragaan la tuhunsan yahay, waxaana la filayaa iney maxkamad kasoo muuqdaan dhawaan. Wakaaladda wararka talyaaniga (ANSA) ayaa faafisay magacyada shaqsiyaadka la tuhunsan yahay, waxayna kala yihiin (Isidiin Axmed, Cabdiqani Cusmaan, Saciid Maxamed iyo Rashiid Dubbad). Silvia Romano oo mar dambe la baxday (Caa’isha) waxey heshay xoriyadeeda inta lagu jiro sanadkaan kadib 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kooxahii ka qafaashay gudaha Kenya. Qaran News
  19. Gabadh uu dhalay duuliyihii Jabuuti ee Jeelka Fiidiyowga ka soo diray oo Xabsiga la dhigay Dowladda Jibuuti ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay. Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran. Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray Khamiistii ay ku jirta gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay. Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin. Muuqaallo la sheegay inay yihiin dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa la soo dhigay baraha bulshada. #Djibouti : des manifestants réclament la libération du lieutenant Fouad #Youssouf Ali qui s'était enfui en #Éthiopie le 27 mars après avoir dénoncé les injustices dans l'armée de son pays. Emprisonné en #Éthiopie, il a été renvoyé de force à #Djibouti. pic.twitter.com/YRYeMUGLAR — Christophe RIGAUD (@afrikarabia) June 5, 2020 Qaran News
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda mar kale ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo weli ka soo kabanaysa khasaaraha Fatahaaddii Roobabka. Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kormeer iyo u kuur-gelid ku soo samayn doona, xaaladda ka jirta magaalada iyo saamaynta ay reebtay fatahaaddii daadadka Roobka, taas oo khasaare laxaadleh gaarsiisay Qardho. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale qiimayn buuxda ku samayn doona sida loo maareeyay gurmadka ka socda Qardho iyo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii ku hanti-beelay daadadka, kuwaas oo qaarkood sheegeen in aysan weli waxba ka soo gaarin gurmadka socda. 27-April ee sannadkan 2020, Fatahaaddii daadadka ee ka dhacday magaalada Qardho, waxa la xaqiijay in ay ku dhinteen sideed ruux oo saddex kamid ah ay carruur ahaayeen, waxaana ku barakacay dad gaaraya 2600 oo qoys. Fatahaadda ayaa sidoo kale saamaysay ilaa 5000 oo guri, kuwaas oo ay ku jiraan 750 guri oo gebi ahaanba ku dumay daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 1020 xarumood oo Ganacsi. Qiimaynta Khasaaraha guud ee magaalada gaaray, waxaa lagu qiyaasay $40 milyan oo Dollar sida laga soo xigtay warbixin ay diyaariyeen guddiga gurmadka Qardho. 28-April 2020, madaxweyne Deni oo socdaal deg deg ah ku tegay magaalada Qardho kadib fatahaaddii daadadka waxa uu durbadiiba magacaabay guddiga guud ee gurmadka Qardho oo ay ku midaysan yihiin guddi-hoosaadyo kala duwan. Mudane Deni, ayaa sidoo kale maalmo halkaasi u joogay dadaalladii iyo gurmadkii dowladdu wadday, kaas oo lagu gurmanayey shacabka ku waxyeelloobay dhibaatadii dhacday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qiimayn ku samaynaya sida loo maareeyay gurmadkii Qardho appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (PP News Desk) — Abdi Tahlil Warsame, a legendary Somali singer, passed away today in Mogadishu after long illness. The Somali Federal Ministry of Information confirmed the death of the singer. Born in 1952 in Wardheer district in the Somali region of Ethiopia, Warsame came to artistic prominence through Onkod, a song written by the Somali playwright Ahmed Suleyman Bidde. A patriotic singer: Abdi Tahlil Warsame singing at the 2000 Somali Reconciliation Conference held at Arta in Djibouti He joined Waaberi troupe before being transferred to Danan, the newly formed troupe of the former Somali Revolutionary Youth Organisation. Known for his distinctive vocalist’s voice, Warsame entertained several Somali generations who listened to his songs or went to plays he had participated as an actor and singer. The Federal Government of Somalia sent a message of condolence to the family of the late singer. He was buried in Mogadishu today. At the funeral Abdirisaq Ahmed Geddi, a playwright and Somali literature lecturer, paid a moving tribute to Abdi Tahlil Warsame. Warsame is survived by thirteen children and a wife. © Puntland Post, 2020 The post A LEGENDARY SOMALI SINGER PASSES AWAY IN MOGADISHU appeared first on Puntland Post.
  22. Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Tarhouna ee ku taalla koonfurta bari ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, taasi oo Jeneral Khalifa Haftar ka saareysa halkii ugu xoogganeyd ee ugu dambeysay ee uu kaga sugaa Galbeedka Libya. Tarhoun waxay ahayad magaalada uu Khalia Haftar kasoo qaadayey weeraradii socday 14-ka bilood ee uu doonayey inuu ku qabsado Tripoli. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Khalif Haftar iyo ciidankiisa oo ku aaddan ka bixitaankooda magaalada, taasi oo timid maalin kadib markii laga riixay goobihii ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen caasimadda. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo magaalada caasimadda ka wada saarta ciidamada Jeneral Khalifa Haftar. Dagaalka Libya ayaan weli fari ka qodneyn, maadaama ciidamada Khalifa Haftar ay maamulaan Bariga dalkaas, oo ay ka dhiseen dowlad kale, iyo koonfurta dalka, oo ah halka ay ku yaallaan goobaha saliidda laga soo saaro. Haftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Isha: VOA
  23. Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) PRESS RELEASE Coronavirus: African Union rolls out Partnership to Accelerate COVID-19 Testing Africa has recorded more than 150,000 cases of COVID-19 and conducted just about 2.4 million tests ADDIS ABABA, Ethiopia, June 5, 2020/ — The Commissioner for Social Affairs, H.E. Mrs Amira Elfadil Mohammed, today rolled out the Partnership to Accelerate COVID-19 Testing (PACT) at the African Union Commission headquarters in Addis Ababa, Ethiopia. In his message to participants in the rollout event, the Chairperson of the African Union Commission, H.E. Moussa Faki Mahamat, said: “We have set four goals for PACT: to scale up testing for COVID-19, to continue training healthcare workers on the continent, to establish a platform for pooled procurement at Africa CDC, and to deploy one million community workers who will help trace contacts of confirmed cases. PACT is a vital component of the continental response to COVID-19 and it is the key to ensuring that we unlock our economies in a safe manner.” Anchored on the African Union Joint Continental Strategy for COVID-19 endorsed by Africa health ministers and the Bureau of Heads of State and Government of the African Union, PACT is an initiative to help prevent transmission and deaths, and minimize the social and economic harm due to COVID-19. It seeks to implement well-coordinated actions and strong partnerships to strengthen the effectiveness of response across Africa. “Until today there is no treatment or vaccine for COVID-19. This leaves us with only prevention, and when it comes to prevention our choices are limited. We must prevent more transmission by doing more testing and tracing and this is what PACT is about. That is why we are supporting Member States to do more testing, to trace, and to identify and isolate infected persons. In this way we will be able to control the virus and limit transmission on the continent,” said H.E. Amira Elfadil Mohammed, Commissioner for Social Affairs, African Union Commission. PACT has three key components: Test, Trace and Treat. Testing to diagnose cases, tracing to identify cases and their contacts, and treating to provide treatment and supportive care to cases. “The intention of PACT is to focus on some specific aspects of the response that we must do very quickly. We want to test so we can find where the virus is hiding in the community. When we test, we expect to see more cases and we must trace the contacts and treat those who are infected, otherwise the testing will be of no value,” said Dr John Nkengasong, Director of Africa CDC. With a population of about 1.2 billion, Africa has recorded more than 150,000 cases of COVID-19 and conducted just about 2.4 million tests. To achieve its testing goal of 8000 tests per million population, Africa needs to intensify testing to identify and isolate cases and trace their contacts, and this requires huge resources that cannot be mobilized without the strong partnerships that PACT will facilitate. “PACT is the game changer that will help capacitate Africa and enable it to build the strong partnerships needed to mobilize resources and support to defeat COVID-19 on the continent,” said Dr John Nkengasong. Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
  24. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Govt reports 124 news cases of COVID-19 Nairobi, Thursday June 4, 2020 The positive cases include, 119 Kenyans, two Somalis, two Tanzanians and one Eritrean National NAIROBI, Kenya, June 5, 2020/ — The Government has reported 124 new cases of coronavirus from 2,640 samples that were tested in the last 24 hours, bringing the total number of positive cases to 2,340. So fat the Government has tested a total number of 87, 698 samples, the Cabinet Secretary for Health Mutahi Kagwe disclosed today when he announced the results of the tests. The positive cases include, 119 Kenyans, two Somalis, two Tanzanians and one Eritrean National. Out of the 124 cases 100 are males and 24 are females with the youngest being one-year-old and the oldest 80. Mombasa has the highest number of cases at 40, Nairobi has 38, Busia 26, Kajiado six, Kiambu three, Garissa and Taita Taveta, two cases each while Muranga and Elgeyo Marakwet have one case each. “ Elgeyo Marakwe becomes the latest county to report a COVID-19 case, bringing the total number of counties that have been affected to 36,’ the CS said The 40 cases in Mombasa are from Mvita 14, Kisauni 11, Changamwe six, Jomvu and Nyali one case each. Nairobi cases are from from Kibra 25, Kamukunji four, Dagoretti North five, Westlands , Langata and Embakasi East have one case each. All the cases from Busia are of truck driver, 18 of them from Malaba border Point, four from Busia border and four from Alupe mandatory quarantine center. In Migori, the five cases are from Kuria West which as four cases and Suna East one case while in Kiambu, the three cases are from Ruiru, Lari and Kikuyu. In Garissa the two cases are from Daadab, in Taita Taveta the two cases are from Taveta, while in Muranga, the one one case is from Kiharu, Muranga town, Elgeyo Marakwet, has one case of a truck driver from Keiyo North. Today, the CS also reported that the government has discharged 39 patients from various health facilities, bringing the total number of recoveries to 592 but also announced the death of four patients to the disease, bringing the total fatality number to 78. He cautioned the truck drivers against causing delay at the border points because of not being tested 48 hours prior to departure. “Some of our truck drivers travel all the way to Busia passing through all the road blocks without the valid document just to reach at the border point and have to wait to be tested since they cannot pass through the other side. This is purely indiscipline, and unacceptable, and will not be tolerated. I am urging our law enforcers to take appropriate action against any such drivers, flouting these measures,” Kagwe said. He also emphasized that the fight against COVID-19 is not yet over since it is firmly rooted within our communities, with the level of the spread being in the villages, estates, and homes. The Acting Director General of Health, Dr. Patrick Amoth, added that the Government is able to account for everyone based on the cumulative numbers and disclosed that the government is exploring the possibility of community isolation through the home based care and community based facilities that the government will be launching soon, to decongest and prevent health care facilities from being overwhelmed. “Remember majority of our cases are asymptomatic, so it makes no business sense to be able to manage this people in a hospital facility,” he said and added that this has worked before during the early days of HIV pandemic where low middle income countries were able to work out on interventions of home based care with very good success. Dr. Amoth stressed that it has been known that patients recover best at home because they are familiar with home environment rather than a hospital facility. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News