Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said A. Deni will pay a visit to Qardho to conduct preliminary assessment on post-flooding relief efforts. President Deni will meet Karkaar regional administration and visit areas affected by April flash floods that caused displacement, loss of life and wealth in Qardho. President Deni will visit families who complained of neglect by the Karkaar administration despite financial assistance from the Federal Government, and donations from major businesses, Somali regions and the Somali Diaspora. A report on the economic impact of floods estimated the flood damages to have cost Qardho US$ 40 millions. In April Puntland State Government appointed a Committee tasked with coordinating relief efforts for 2600 families affected by floods. Qardho district administration grapples with several problems including delay in planning decisions about which part of the district where families will be resettled and what assistance they will get to rebuild lives. In May President Deni vowed that his administration would ensure funds for Qardho flood victims would be used transparently. “Puntland State Government will not use money from the Fund for flood victims. Expenses to be incurred by government employees while working on the responses to the emergency will come directly from Puntland State coffers” President Deni said. Puntland State has not earmarked a budget for natural disasters. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND GOVERNMENT TO REVIEW POST-FLOODING RELIEF EFFORTS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
  2. Jabuuti ( Caasimada Online ) – Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti. Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xoogan, isagoo ku amaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee wadankaasi. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jir-dilay, kadibna lagu xiray musqul ama suuli. Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha.
  3. African Development Bank bows to US pressure over inquiry into alleged wrongdoing Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - A prominent cleric has joined the chorus of calls in condemning Ethiopia's Prime Minister for his role in extraditing a Djbouti military pilot to his country as he sought political asylum in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  5. Militeriga Faransiiska ayaa dalka Mali ku dilay Abdelmalek Droukdel oo ahaa, hogaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Waqooyiga Africa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Faransiis ah. Ciidamada Faransiiska ayaa muddo 7 sano ah ku raad joogay Droukdel, oo ahaa dagaal yahan muhiim ah oo ka tirsan kooxdan Islaamiga ah, sida ay sheegeen saraakiishu. Howlgalka uu hogaaminayay Faransiiska ee ka dhanka ahaa Droukdel ayaa waxaa taageero dhanka sirdoonka siinayay howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sida uuTaliska Africom xaqiijiyey. Saraakiisha ayaa sheegay in Droukdel, oo lagu yaqaanay in uu ku lug lahaa dhammaanba hawlgallada al-Qaacida ee gobolka Maghreb uu doonayey in uu ballaariyo dhulka ay kooxdu gacanta ku heyso iyo kordhinta weerarada ay qaaddo. Ku dhawaaqista in la dilay Droukdel ayaa timid 6 bilood ka dib kadib markii awoodda ciidan ee Faransiiska iyo kuwa dowladaha gobolkan ee Faransiisku soo gumeystay la isku biiriyey oo la hoosgeeyey hal talis si diiradda loo saaro dagaalka lagula jiro xagjiriinta xiriirka la leh ururka Daacish ee xadka ay wadaagaan dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Afrika appeared first on Puntland Post.
  6. War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya. Qaraxyadan oo gaarayay 6 islamarkaana ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobalka Baay ayey Al shabaab waxa ay sheegeen inay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya ee gobalkaasi ku sugan waxaana weerarkan qaraxyada ahaa uu dhacay gabal dhicii shalay. Al shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 3 askari oo Itoobiyaan ah halka ay dhaawaceen 11 kale sida ay sheegteen waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in ciidanka ay qarxiyeen ay isbuucii la soo dhaafay sahay u gudbiyeen degmada Qanasaxdheere ee gobalkaasi. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gobalkaasi oo ay uga hadlayaan in askar iyaga ka tirsan lagu dilay weerar dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab ay fuliyeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay wajahaan weerraro kala duwan oo uga yimaada Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ee ku xooggan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online ) – Mas’uuliyiinta madasha xisbiyada qaran ayaa xalay shir xasaasi ah ka yeeshay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madaashaasi oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan kuwooda ugu saameyta badan. Intii uu socday shirka oo ahaa dhinaca internedka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la qabto xilligeeda. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa dalbatay in doorashada la qabanayo ay noqoto mid xor iyo xalaala ah, si looga gaashaanto xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. “Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.” ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay Madasha. Hadalka ka soo yeeray madasha xisbiyada qaran ayaa ku soo aadayo, iyadoo maanta uu furmayo kalfadhiga todobaad ee labada ee baarlamaanka kaas oo lagu cadeyn doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020-ka illaa 2021-ka.
  8. Hey’adaha amaanka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud oo saacadihii la soo dhaafay howlgaallo kala duwan ka waday magaaladaasi ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen khamri fara badan iyo raggii watay oo hadda xabsiga ku jira. Taliyaha booliska degmada Guriceel Daahir Faarax Axmed oo warbaahinta kula hadlayay meel fagaare ah oo lagu soo bandhigayay kahmrigan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nuucyada waa weyn iyo kuwa yaryar ee khamriga iyo nuuc ka mid ah xashiishka, waxa uuna sidoo kale taliyuhu xusay in waxyaabahan maanka dooriya ay ka soo galaan magaalada dhinaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya. Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo 6 eedeysane kuwaas oo haatan gacantooda ku jira, waxa uuna shacabka degmada Guriceel ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in falkasta oo xun ay sabab u yihiin. Qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya howlgallo lagu baacsanayo dadka waxyaabaha maanka dooriya keena deegaannadaasi iyada oo laamaha amaankana ay muujinayaan feejignaan ku aaddan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalkaasi oo bulshada caafimaad ahaan iyo amni ahaanba aan u wanaagsanayn. Qaar ka mid ah gobalada dalka ayaa si joogta ah loo geeyaa waxyaabaha maanka dooriya iyada oo dowladda Soomaaliya aysan la imaan tallaabooyin looga baaqsanayo sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online ) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo maanta oo Axad soo saartay warbixinteeda maalinlaha ku shaacisay in deegaanada maamulkaasi laga diiwaan-geliyey kiisas hor leh oo cudurka faafa ee Coronavirus ah. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 48-kii saac ee u dambeeyey la baaray dad gaaraya 150 qof, balse cudurka laga helay illaa 29 ruux oo uu ku jiro hal qof oo Ajnabi ah, kaas oo u dhashay wadanka Hindiya, kuna noolaa deegaanada Somaliland. Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 19 ka mid ah bukaanadaasi ay yihiin rag, halka 10 kalena ay dumar yihiin, kuwaas oo ku kala sugan yihiin magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley iyo Buuhoodle. Sidoo kale waxay wasaaradu sheegtay in dadka laga helay Covid-19 ay da’doodu u dhexeyso:- (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 7 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa xustay inay cudurka u dhinteen labo qof oo hor leh, taas oo tirada guud ee dadka xanuunkan u geeriyootay ka dhigeysa 24-ruux.
  10. Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood. Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran horeyna dalka uga soo noqday madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiyay shir ay dhinaca internedka ah ku yeesheen masuuliyiinta madasha, ayaa soo hadal qaaday ahmiyadda ay dalka u leedahay inay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaala ah. “Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta facebuugga ee madasha xisbiyada qaran. Axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa iyagu had iyo jeer farta ku fiiqa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay xilli wali aan la ogeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta balse madaxda hadda talada heysa ayaa waxa ay ku adkeysanayaan inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Dalabkan ka yimid madasha xisbiyada qaran islamarkaana ku aaddan doorashooyinka dalka ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta la filayo inuu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo wixii markan ka dambeeya xoogga lagu saari doono doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa war ka soo saaray qaraxyo shalay Ciidamada Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay( Koonfur Galbeed Soomaaliya). Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay inn qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Qansaxdheere kuna sii jeeday Bardaale halkaasna khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Itoobiya. Al-shabaab waxay sheegtay in ay ilaa lix qarax la beegsatay kolonyadaas inkastoo aysan faahfaahin nooca qaraxyada in ay ismiidaamin ahaayeen iyo in ay miino la aasay ahaayeen. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya lagu dilay qaraxyadaas halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ha yeeshee Taliska Ciidamada Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyada lala eegtay ciidamadooda iyo sheeshagashada Al-shabaab midna. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in qaraxyo is xigay ku weerartay Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  12. Baydhabo (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ayaa waxa ay ka soo baxayaan weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee koonfurta Somalia. Qaraxyada oo ahaa noocda miinada ee maalaha fog-fog laga hagao ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi lagula bartilmaameedsaday inta u dhexeysa magaalooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ku dhinteen ku dhowaad shan askari, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka tirsan ciidamada wadanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Baay oo ku aadan weeraradaasi loo adeegsaday qaraxyada. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
  13. Shirweyne Nabadayn ah oo lagu xallinayo Colaadda laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Shalay ka furmay degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug. Shirkaas oo socon doona mudda 5 cisho ah waxaa Furitaankiisa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood. Furitaankii Shirka waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta heer Federaal iyo xubno ka socday Galmudug waxaana lagu gorfaynayay sidii loo xallin lahaa Colaadda labada dhinac. Degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaa horay marar kala duwan u soo weeraray malayshiyaad ka soo gudbay dhinaca Galmudug kuwaas oo daba socday colaad u dhexaysa labadaasi beelood. PUNTLAND POST The post Shir lagu Nabadaynayo beelaha ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka furmay Bandiiradleey appeared first on Puntland Post.
  14. Warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa loo diiday inay tebiyaan kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu furo madaxweyne Farmaajo. Haddaba falkaas waxaa baaq ka soo saaray ururada u dooda saxaafadda madaxa bannaan iyaga oo ku baaqay in labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay ka noqdaan go’aankaasi. SJS oo ka mid ah urrurada u dooda saxaafadda oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay cambaareeyeen falkaasi iyaga oo sheegay in saraakiisha ka tirsan labada aqal islamarkaana qaabilsan arrinkan ay ixtiraamaan dastuurka ku meel gaaraka ah ee dalka u yaal gaar ahaan qodobka 32-aad. “Waxaanu cambaareyneynaa go’aanka lagaga horjoogsanayo tebinta madaxa-bannaan Kalfadhiga Baarlamaanka Labada Aqal ee loo qorsheeyay in uu dhaco Sabtida 6da Juun. Waxaanu ugu baaqeynaa saraakiisha baarlamaanka ee arrintan shaqada ku leh inay ixtiraamaan Qodobka 32aad ee Dastuurka Dalka oo damaanad qaadaya xaqa helista xogta ay Dowladdu heyso, isla markaana Baarlamaanka ay go’aankooda uga noqdaan si shuruud la’aan ah,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri. Dhanka kale ururka SOMA ayaa isagana guddoonka labada aqal ugu baaqay inay ka laabtaan go’aankaasi waxaana xoghayaha ururkan Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi uu yiri “Haddii aan nahay Warbaahinta Soomaaliyeed Waxaan ka codsaneynaa dowladda gaar ahaan maamulka baarlamaanka in ay arintaasi dib uga laabtaan, Warbaahinta gaarka loo leeyahay waa tan bulshada u gudbisa xogaha muhiimka ah, sidda aan ognahay baarlamaanku waa matalaha Shacabka,marka in laga mamnuuco in ay soo tabiyaan kulanka Muhiimka ee furmaya waa wax ay warbaahinta Soomaaliyeed aad uga xun tahay aana Sharci aheyn”. Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Farmaajo saxaafadda madaxa bannaan ayaa la kulmeysay xarig, handadaad, jirdil, faafreeb iyo in laga hor istaago kulamada muhiimka ah si ay bulshada ugu soo tebiyaan xogaha jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha waddanka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ku hanjabay in dalkiisu uu ka baxayo xubinnimada hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweynaha ayaa hay’adda ku eedeeyay in ay siyaasadeysay ka hor tagga xanuunka COVID-19 kaas oo kiisaska laga helay dalkiisa ay sii kordhayaan. In kabadan 34,000 oo qof ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay gudaha dalka Brazil taas oo ka dhigtay wadanka 3-aad oo dadka ugu badan xanuunkan ay dunida oo dhan ugu dhinteen. Kiisaska laga helay guud ahaan caalamka ayaa ka batay 6.7 milyan ooxaladood halka dad ku dhaw 400,000 oo qofna ay u dhinteen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Brazil oo ku hanjabay in uu dalkiisu ka baxayo xubinimada WHO appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga 7-aad, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ah kii ugu dambeeyey ee xildhibaanada labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kalfadhigan ayaa waxaa baarlamaanka 10-aad horyaalla Ajandayaal muhiim ah oo ay ugu weyn tahay doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-gali doono gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada oo lagu casuumay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale furi doono kalfdhigan, wuxuuna u jeedin doono xildhibaanada iyo senatorada khudbad dastuuriga ee uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale wixii u qabsoomay dowladdiisa. Ammaanka qeybo badan oo ka mid ah caasimadda ayaa loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la soo dhigay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale wariyeyaasha madaxa banaan ayaa loo diiday ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya, ka gadaal markii lagu wargeliyay in aysan qayb ka aheyn dhinacyada lagu casuumay in ay tagaan hoolka uu ku shirayo baarlamaanka. Sida ay wararku ay sheegayana kaliya waxaa loo ogolaaday warbaahinta dowladda iyo muuqaal duubayaasha madaxda iyo baarlamaanka. Arrintaan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey hay’adaha iyo ururada ay ku mideysan yihiin warbaahinta, iyaga oo ka horyimid sababaha loo cuskanayo in war-tabiyeyaasha looga reebay kulanka baarlamaanka federaalka ee lagu wado inuu maanta furmayo. Baarlamaanka 10-aad oo uu haatan gabagabo yahay muddo xileedkiisa ayaa kaldhiga todobaad oo ah koodii ugu dambeeyey waxaa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ama go’aamiyaan noocada doorashada ee dalka ka dhaceysa sanadkaan 2020 illaa 2021-ka.
  17. Kalfadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabtiya ka furmaya Muqdisho. Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in uu Khudbaddiisa Dastuuriga ah ka jeediyo Kalfadhiga islamarkaana uu kaga hadlo Arrima kala duwan. Sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka. Kalfadhigaas ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamanka Soomaaliya marka loo eego mudda-xileedkooda rasmiga ah oo ku eg bisha December ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa saacadaha soo aaddan lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu ka furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgeli doono furritaanka kulankan madaxda ugu sareysa dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu si toos ah u furo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah waxaana kalfadhigan uu noqonayaa midkii ugu dambeeyay eee ay yeeshaan xildhibaanada labada aqal inta uga harsan muddo xil heyntooda. Marka uu si toos ah u furmo kalfadhigan ayaa waxaa la filayaa in xildhibaanada qaranka ay dedejiyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho taas oo aan wali la ogeyn nuuca ay tahay. 27-ka bishana yaa sidoo kale waxaa baarlaamanka Soomaaliya hortegi doona guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka kuwaas oo cadeeyn doono nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (WASHINGTON) — Scores of retired military and defense leaders are denouncing President Donald Trump and accusing him of using the U.S. Armed Forces to undermine the rights of Americans protesting police brutality and the killing of George Floyd. Source: Hiiraan Online
  20. 'I think it's powerful when you have the head of government taking a knee,' Minister Ahmed Hussen says Source: Hiiraan Online
  21. Young adults mobilized a neighborhood patrol and organized a food shelf to support the neighborhood. Source: Hiiraan Online
  22. Activist and artist Aysha Jones organised an online demonstration at the US Embassy in Stockholm last Tuesday together with the organisation Stop Afrophobia, Afro-Swedes Forum for Justice and the Afro-Swedes Association. Source: Hiiraan Online
  23. Maayirka madow ee Washington DC oo dhisme u bixisay ‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay’ Qoraalka ‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay’ ayaa lagu xardhay laba wado oo gala Aqalka Cad Maayirka magaalada Washington DC ayaa waxa ay magacii ka badashay dhisme ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad oo waxa ay u bixisay “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” arrintaas oo ay ku muujinaysay carada ay u qabto Madaxweyne Trump. Maayir Muriel Bowser, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sidoo kale waxa ay daaha ka rogtay qoraalka “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu xardhay laba wado oo gala Aqalka Cad. Sidoo kale waxa ay dalbatay in Mr Trump uu ciidammada federaalka ka qaado Washington. Maayiraddu waa ay gadoodsan tahay, hasayeeshee ficilladeeda waxa ay yimadeen xilli dibadbaxyo kale dabayaqaada todoba la filayo inay ka dhacaan Washington DC. The section of 16th street in front of the White House is now officially “Black Lives Matter Plaza”. pic.twitter.com/bbJgAYE35b — Mayor Muriel Bowser (@MayorBowser) June 5, 2020 Dibadbaxyada ka dhacayay Washington tan iyo todobaadkii tagay ayaa waxa ay jawaab kulul ka bixiyay Aqalka Cad, oo Mr Trump ayaa amray in kumannaan ciidammada federaalka ah la keeno magaalada. Madaxweynaha ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay inuu mas’uuliyiinta amray inay si qasab ah u kala kaxeeyaan dibadbaxayaal si nabad ah uga dhacayay fagaare ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad, si uu u jaro wadada si uu sawir ugu galo bannaanka hore ee kaniisad meesha ku taal. In fagaaraha ka soo horjeeda Kaniisadda St John Jimcihii lagu calaamadeeyo astaanta “Dhismaha nafta dadka madow macne ayey leedahay”, ayey Ms Bowser sheegtay: “Dadka reer Washington haddaanu nahay waxaannu dhammaantayo doonaynaa inaynu halkan isugu nimaano oo aan si nabad ah aynu ugu dibadbaxno Ameerika, si ammaan ah waad isugu iman kartaan, walwalka aad qabtidna waad ugu gudbin kartaa dowladaada, waxaadna dalban kartaa isbadel”. Maayirka ayaa sidoo kale barteeda Twitterka soo dhigtay muuqaalka farshaxan wayn oo muujinaya “‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu qoray waddo gasha Aqalka Cad oo midab jaalle ah lagu buufiyay. “Todobaadkan waxaa jiray muran ku saabsanaa cidda waddooyinkaas iska leh,” madaxa shaqaalaha maayirka John Falcicchio ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay markii farshaxankaas la daah furayay. “Maayir Bowser ayaa waxa ay doonaysaa inay caddayso in wadadaas ay leedahay Washington DC laguna sharfay dibadbaxayaashii sida nabdoon u mudaharaadayay fiidkii Isniintii.” #BlackLivesMatter pic.twitter.com/OQg6977n5r — Muriel Bowser #StayHomeDC (@MurielBowser) June 5, 2020 Ms Bowser ayaa Khamiistii warqad u qortay Mr Trump, iyadoo waydiisanaysa “inuu ciidammada dheeraadka ah ee ammaanka ilaaliya ee federaalka iyo kuwa milateriga ka saaro Washington DC.” Warqadeeda ayaa waxa ay ku qeexday in bandowga lagu soo rogay magaalada Washington ay tahay in la qaado wixii loo gaaro subaxa Jimcaha, iyo in booliska magaalada ay la tacaali karaan dibadbaxyada nabadda ah ee weli socda. “Daabulaadda ciidammada ammaanka ee federaalka iyo qalabka milateri waxa ay sii hurinayaan dibadbaxyada waxa ayna walaaca ku sii badinayaan dadka sida nabadda ah u dibadbaxayay ee doonaya isbadalka iyo in wax laga qabto cunsuriyadda iyo nidaamka habacsan ee lagu dilayo dadka madow ee Ameerikaanka ah,” Ms Bowser ayaa qortay. Sidoo kale waxa ay dhaleecaysay ciidammada in aanay soo xiran wax haybtooda qeexaya, taas oo u ogolaanaysa inay u dhaqmaan haba ka baxsan “nidaamka degsan,” ayey tiri. “Waxa ay ila tahay in ciidammada ammaanku ay aheyd inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Mareykanka, ee aanay ahayn inay xuquuqdaas xaddidaan.” Ms Bowser ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay iskudhaceen Aqalka Cad tan iyo markii Isniintii fagaaraha Lafayette oo ku hor yaal Aqalka Cad laga kaxeeyay dibadbaxayaasha, si Mr Trump uu kaniisad u booqdo. Waxa ay go’aanka ah in la qulqulateeyo dibadbaxyada ay tahay “ceeb”. Sidoo kale waxa ay ku gooddisay inay dacwad sharciga waafaqsan ay ka diyaarin doonto taagdarrada maamulkiisa kaddib markii saraakiisha Trump ay isla soo qaadeen fikirka ah in ammaanka magaalada lagala wareego ciidammada booliska ee Washington. Sida lagu daabacay Washington Post, ugu yaraan 16 wakaaladood oo ciidammada ammaanka iyo milateriga ayaa iyagoo hubkoodii wata waxaa loo diray Washington. Qaar ka mid ah ciidammada ma aanay xirnayn wax aqoonsi ah Ciidammada ayaa waxa ay ka kala tirsan yihiin Wasaaradda Amniga Gudaha, FBI-da, Socdaalka iyo Kastamyada, Milateriga iyo Ilaalada Qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa ciidammada ay isfara saareen dibadbaxayaasha todobaadkii la soo dhaafay. Washington DC ma ahan gobol, maayirkana ma ay laha awoodaha barasaabyada gobollada kuwaas oo go’aan ka gaari kara marka iyo qaabka loo daadgurayn karo ciidammada Ilaalada Qaranka. Ciidammada Ilaalada Qaranka ee Washington DC ayaa waxa ay toos u hoos tagaan Xoghayaha Milateriga. Qaran News
  24. Waa kuma duuliyaha gadooday ee ka soo dhex hadlay xabsiga Jabuuti Fu’aad Yuusuf Cali Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay. Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”. Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo. Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa. Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin. Taariikhda Fu’aad oo kooban Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti. Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood. Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa. 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig. 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti. “Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay. “Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa. Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: “Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa”. Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan. Bishii aynu soo dhaafay, qareen ay qoyskiisa u xilsaareen ayaa helay fursad uu ku booqdo xabsiga Gabood, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo markii si khasab loogu celiyay Jabuuti, sida ay werisay warbaahinta RFI. Soo musaafurinta khasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanaya qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayaan in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa. Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday. Dibadbaxyada lagu dalbanayo sii deynta Fu’aad Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa maanta deggan ka dib markii ay shalay halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caraysan askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dalka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti. Wararka waxay sheegayaan in booliska ay tiro dad ah u qabqabateen inay banaanbaxyadaas mas’uul ka ahaayeen, “waxaana qaar ka mid ah dadkaas lagala baxay guryahooda, waxaana loo kaxeeyay meel magaalada ka baxsan oo xero ciidan ah oo la yiraahdo Nagaad,” sida ay BBC u xaqiijiyeen dad ku sugan Jabuuti. “Shalay iyo xalay waxaa dhacay mudaaharaadyo foolxun oo dhibaato geystay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh. Wuxuu intaa ku daray: “Dadweynaha waxaan ogeysiinayaa in marka mudaaharaad la sameynayo, dariiqyo loo maro uu leeyahay. Ruqsad baa la weydiistaa, dariiqaa baan marayaa baa la yiraahdaa, halkaa baan gaarayaa baa la yadhaa”. Wasiirka ayaa isu soo baxyadii shalay ku tilmaamay “kuwa aan sharciyeysnayn oo dad badan ay wax ku waayeen”. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan gawaari la jejebiyay iyo tukaanno la bililiqeystay. “Dadweynaha waxaan uga digeynaa in mudaaharaadyada ceynkaas oo kale ah aysan dib ugu noqon”, ayuu u diray dadka. Maanta waxaa qeyb ka mid ah magaalada Jabuuti lagu arkayay booliska ka hortaga rabshadaha si ay amniga u sugaan. Dowladda Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin arrintan balse wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa shaley bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dambi ay tahay oo lagu ciqaabo karo ciddii ku dhawaaqda kacdoon ama rabshado inay waddanka ka sameyso. Wuxuu intaas ku daray “Dowladda ayaa mas’uul ka ah amarka iyo kala dambeynta, waxayna xaqiijin doontaa in la xushmeeyo sharciga”. “Cid kasta oo sharciga ku xadgudubta waala soo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa”, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh. Ma uusan soo hadal qaadin xarigga Fu’aad Yuusf Cali iyo waxa ay ka yeelayaan xaaladdiisa. Waxaa jiro warar sheegaya in dowladda Jibuuti ay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay. Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran. Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xaley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay. Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin. Qaran News
  25. Gabadhii uu dhalay George Floyd oo farriin murugo abuurtay usoo dirtay caalamka Gianna Floyd, oo 6 jir ah wali ma oga sababta rasmiga ah ee uu aabaheed u geeriyooday, laakiin waxay dunida u dirtay farriin murugo leh oo dad badan qalbiyadooda taabatay. Kaddib markii ay fahantay sheekada ku saabsan aabaheed ee caalamka oo dhan qabsatay, hooyadeed ayaa u sheegtay inuu geeriyooday, sababtana waxay ugu soo koobtay inuu neefsan waayay oo kaliya. Roxie Washington ayaa warbaahinta u sheegtay inay gabadheeda ka qarisay runta ka careysiisay dhammaan dadka ku nool Mareykanka iyo qeybo badan oo ka mid ah caalamka, si aysan maskaxdeeda dhibaato usoo gaarin. Iyadoo la hadleysay barnaamijka “Good Morning America” ee ka baxa Telefishinka ABC u sheegtay in Gianna ay aabaheed tabeyso, laakiin aysan ka war qabin inuu ku geeriyooday gacanta ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Minneapolis. Gabadha yar ayaa la weydiiyay su’aal ahayd waxa ay dunida u sheegeyso. Iyadoo ay murugo wajigeeda ka muuqato ayey sulaashaas uga jawaabtay jumladda ah “Waxaan robaa inay ogaadaan inaan u xiisay aabahay.” Roxie Washington waxay dooneysaa inuu seygeeda caddaalad helo Hadal kale oo ay ka muuqatay awood ayey gabadha 6 jirka ah ku sheegtay muuqaal uu Talaadadii barta Instagram-ka soo dhigay Stephen Jackson, oo horay u ciyaari jiray kubadda kolayga, sidoo kalena saaxiib la ahaa George Floyd. “Aaabahay wuxuu baddalay dunida”, ayey tiri Gianna. Kaddibna waxaa la maqlayay Jackson oo dhahaya “haa waa runtaa wuu baddalay dunida”. Gabadha yar hooyadeed waxay sheegtay in Mr Floyd uu aad u daryeeli jiray Gianna, mar kastana uu la ciyaari jiray. Magaalada Minneapolis ayuu u guuray si uu sare ugu qaado nolosha qoyskiisa. Geeridiisa ayaa Mareykanka ka abuurtay dibadbaxyo dalka oo dhan ku faafay oo looga dhiidhinayo ficillada ku saabsan midab takoorka. ‘Waxaan doonayaa caddaalad’ Xaaskii uu ka geeriyooday George Floyd oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta City Hall ee magaalada Minneapolis ayaa sheegtay inaysan fariisan doonin ilaa ay ka hesho seygeeda xaqiisa. “Waxaan rabaa inuu caddaalad helo, wuxuu ahaa aabbe wanaagsan oo aan u qalmin inuu dhinto isagoo wajigiisa uu dhulka yaallo, gacmaha ay ka xiran yihiin askari boolis ahna uu xoog ugu cadaadinayo culeyskiisa,” ayey tiri. War-fidiyeenka ayey u sheegtay in ay dooneyso in dhammaan afartii askari ee ku lug lahaa dhimashada seygeeda ay maraan ciqaabta ay ku muteysteen dilkiisa. “Markii ay xaaladdu dagto, qof walba wuxuu ku laabanayaa gurigiisa iyo qoyskiisa, laakiin Gianna ma heysato aabbe. Waligiis ma arki doono iyadoo weynaatay, oo wax baratay. Waligiis garabkeeda masoo istaagi doono.” Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishan May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky. Derek Chauvin, oo ah askarigii jilibka luqunta uga hayay Floyd markii uu dhimanayay ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Sidoo kale waxaa dacwado wajahaya dhowr askari oo goob joog ka ahaa dhacdadaas. Qaran News