-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo xalay kulan la qaatay Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Boosaaso ayaa ku amaanay Ganacsiga iyo Horumarka ay ka sameeyeen Degaannada Puntland gaar ahaanna Magaalada Boosaaso. Guddoomiye Abwaan wuxuu sheegay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ay la xaquuq yihiin kuwa u dhashay maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo deggan qayb kamid ah Dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Mudane Cabdisamad Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed lagu tilmaamo Jaaliyad isagoo xusay in qof Soomaali ah oo Dhulkiisa jooga aan loo isticmaali Karin kalmaddaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ay Boosaaso kaga soo horreeyeen kuwa badan oo haatan sheegtay in Boosaaso ay u dhasheen sida Guddoomiyuhu hadalka u dhigay. Ugu dambayntii Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bulshada Reer Koonfur Galbeed aan lagu shaabbadayn Karin haddii qof iyo laba ka soo jeeda uu Puntland dhibaato ka gaysto maadaama Dadka Ami-darrada ka shaqeeya aysan Degaan gaar ah la hayn. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Abwaan: Dad badan oo Boosaaso sheegta waxaa uga soo horreeyay Dadka Reer Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeey agagaarka degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Caracase oo qiyaastii 30- km u jirta Beled-Xaawo, iyadoona ay si wadajir ah howlgalkaasi u qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad iyo ciidamada nabad sugida qaranka Soomaaliya. Taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo horkacayey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ciidamadu cagta mariyeen fariisimo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda. Sidoo kaled wuxuu intaasi ku daray in u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab ka soo abaabulaan duleedka Beled-Xaawo. Kooke ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay inay si aad ah ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi, balse xaaladda ayaa saaka ah mid aad u degan.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban sanadkan loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Wasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka degan gudah Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, loo ogolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sannadkan ka imaneysa dibedda. “Go’aankan waxaa loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka loo guto si nabdoon iyada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yidh qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka. Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaadhaya 2.6 milyan oo qof. Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah. Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan iyada oo sannad kasta uu soo xareeyo lacag gaadheysa 6 bilyan oo dollar. Sacuudi Carabiya marna ma joojin Xajka muddo 90 sano ah, tan iyo markii dalkaas la aas-aasay. Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof. Source
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa saaka oo Talaado ah ka dhacay saldhiga Ciidamada Militariga Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee TURKISOM halkaas oo lagu tababaro Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Qaraxa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay in uu isku miidaamiyo dhalinyaro saf ku jiray oo loo diyaarinayay tababar inkastoo aysan u suura-gelin in uu safka isku qarxiyo. Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadu ay toogteen qofka is qarxinayay ka hor inta uusan dhex galin safka dhalinyarada tababarka loo diyaarinayay taasina ay khasaaraha yaraysay. Qofkii isqarxiyay oo keliya ayaa la sheegay in uu goobta ku dhintay halka ay dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah askarta xeradaasi ku sugnayd. Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo waxaana lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Somaliland, ayaa ogolaaday in aan la carqaladayn isku socodka dadweynaha gobollada Waqooyi Galbeed ee la baxay Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya. Qodob kamid ah Heshiiskii dowladda Federaalka iyo Somaliland ku gaareen waddanka Jabuuti, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in aan carqaladayn isku socodka dadweynaha iyo xiriirka bulsho midna. Isu-socodka la xiriira dhaqanka, Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Ganacsiga ayaa lagu heshiiyay in aysan dhinacna carqaladayn, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland. Balse, Somaliland waxay si cad sheegtay in aysan ogolayn dhammaan wixii siyaasad la xiriira, waxaana ay diidday in dib loo furo isu-socodka siyaasiyiiinta labada dhinac oo xayirnaa tan iyo markii Somaliland sheegatay in ay dalka intiisa kale ka go’day 1991-dii. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ogolaatay in dib loo furo isu-socodka dadweynaha labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
Booliska gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu magacaabo Haramacad oo kaashanaya ciidanka Nabad sugidda ee ku sugan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Beled Xaawo. Hawlgal qorshaysan oo ciidankaasi ka fuliyeen Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km u jirt degmada Beled xaawo ayay sheegeen in ay ku burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaankaas. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga Degmada Beled xaawo oo mararka qaarkood ay Al-shabaab weeraro ka gaystaan. Sidoo kale waxay shacabka degaanka uga mahadceliyeen sida ay ugala shaqeeyaan sugidda Amniga iyo la-dagaallanka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhig ay leeyihiin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Somalia's ministry of foreign affairs office has told the BBC that they had no comment to make in response to US President Donald Trump's criticism of the country during a campaign rally on Saturday night. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya oo diiday inay jawaab ka bixiso hadalkii xanafta lahaa ee Trump kasoo yeedhay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida. Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la’aan, amni la’aan ah iyo boolis la’aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka kongarayska. Warbaahinta BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump. Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka. Qaran News
-
Last July, President Trump made headlines by lashing out at a group of progressive congresswomen—among them Representative Ilhan Omar (D-Minn.), the first Somali elected to Congress—and told them to “go back and help fix the totally broken and crime-infested places from which they came.” Source: Hiiraan Online
-
(KDRTV) – Political Activist Boniface Mwangi has raised critical issues on Eldas MP Adan Keynan, who was appointed as the new Secretary to the Jubilee Coalition on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya! Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya! Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Ee Dalka Sacuudiga Oo Shaacisey In Xajka Sannadkan La Xajin Doono Kaasoo Weliba Ah Xaj Maxduud (Tiro Kooban) Waa Dadka Ku Nool Ama Imminka Jinsiyadaha Kala Duwan Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Sacuudiga Hay,adda Culumada Ugu Sareysa Ee Sacuudiga Oo Taageeray Amarka Boqortooyada Sacuudiga Kaasoo La Fasaxay Xajka Sannadkan Oo Noqon Doono Xaj Muxadad Ah Muwaadiniinta Sacuudiga Iyo Jindiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Oo Keliya! Taasoo La Og Yahay In Adduunka Oo Dhan Ka Dilaacay Cudurka Dilaaga Ee Karoona Feyraska Asiibayna 180 Dal Isla Markaana U Dhintay Dad Ka Badan Nus Milyoon, 7 Malyanna Cudurku Asiibay Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Iyadoo Ka Fakiraysa Ilaalinta Xujayda Dibadda Ammaankooda Iyo Caafimaadkooda Inay Si Raaxa Leh U Gutaan Waajibaadka Xajka, Kolkaa Sannadkan Waxaa Loo Oggol Yahay Oo Keliya Jinsiyadaha Muslimiinta Gudaha Dalka Sacuudiga Ku Nool Oo Weliba Tiro Kooban Ah Si Loo Ilaaliyo Kala Fogaanshaha Iyo Si Loogu Hortago Cudurkan Koofid-19! Xajkan Fursad Weyn Waxay U Noqonaysaa Dadka Haysta Sharciga Degganaanshaha Sacuudiga Oo Aan Weligood Xajin Ama Dadka Shanta Sano Ugu Danbaysay Ee Aanan Xajin. Ali Sheikh Adan Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa faallo uu ku qoray wargeyska The National Interest ee Mareykana waxa uu si kulul ugu weeraray madaxweyne Farmaajo, dowladda Qatar iyo hay’adda NISA iyo Fahad Yaasiin. Sanbalooshe ayaa sheegay in Farmaajo oo adeegsanaya lacagta Qatar iyo hay’adda sirdoonka ee NISA uu meel xun dalka gaarsiiyey muddadii uu xilka hayey. Waxa uu sheegay in isaga oo taageero ka helaya Qatar, uu Farmaajo baabi’iyey nidaamkii federaalka dalka. “Qatar waxay Farmaajo siisay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo oo kuwa Farmaajo daacad u ah madax looga dhigay qaar ka mid ah maamul goboleedyada sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug,” ayuu yiri. Qoraalka Sanbalooshe ayaa intaas ku daray in Farmaajo iyo Qatar ay sidoo kale ka shaqeeyeen sidii loo wiiqi lahaa nidaamkii isla xisaabtanka ee dowladda, ayada oo baarlamanka uu noqday mid u taagan un in wixii la doono laga saxiixdo kadib markii meesha laga saaray afhayeenkii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sanbalooshe ayaa ka digay in Farmaajo uu hadda isku dayayo inuu si sharci-darro ah xukunka kusii joogo. “Ayada oo muddo xileedka Farmaajo uu sii dhamaanayo, wuxuu garowsaday inuu noqday sun. Kuwii xulufada la ahaa mar, oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka tegaya, halka mucaaradkiisana ay isu abaabulayaan inay kursiga ka tuuraan,” ayuu Sanbalooshe ku qoray wargeyska The National Interest. “Nasiib darro, naf la caarinimada ah inuu ka dheeraado guul-darro bahdil ah ayaa ku hoggaamin karta inuu ku shubto doorashada dhaceysa, ama uu si aan dastuuri ah muddo xileedka u dheereysto, isaga oo abuuraya xaalad deg deg ah oo uu alifay.” Sanbalooshe waxa uu intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayayo inuu noqdo Siyaasa Barre-ha cusub, qorshahaas oo aan dhici karin balse ay suurta-galin karto lacagta Qatar. “Soomaalida marnaba ma ogolaan doonto taas, hase yeeshee saameynta iyo lacagta Qatar ayaa suurta-galnimada taas ka dhigtay mid la hamiyo oo suurta-gal ah,” ayuu yiri.
-
Maalgelintii Baanka Dhexe ee Madbacadda Qaranka oo Midho Dhal Noqotay Marka hay’addaha dawliga ah ee waxsoosaarka leh la maal geliya isla markaana ay dawladdu maal geliso loona horumariyo si ka casrisan sida meelaha shaqo ahaan ay isu mid yihiin ee gaarka loo leeyahay,waxaa hubaal ah in hay’ddaha qaranka ee wxsoosarku ay noqonayan kuga ugu horumarsan isla markana loo soo doonan karo adeegyada ay qabtaan . Baanka dhexe ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay bilawgii snnadkan ku dhiiraday in lacag dhan hal milyan oo Dollar in uu ku maal geliyo Madbacadda Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay dhanka tartanka madbacadaha la dhaafay oo laga qalab iyo mishiino wacnaaday kolkii ay la jaan qaadi kari waayeen mishiinadeeda daabacaadu kuwa gaarka loo leeyahay. Maalgelinta ballaadhan ee Baaanka dhexe ee Somaliland ku maal geliyay Madbacadda qaranka ayaa noqoay maalgelintii ugu ballaadhnayd ee Madbadda qaranka lagu sameeyo muddadii ay jirtay. Waxaana malelinta Baanka dhexe ku maal geliyay lacagta dhan halka Milyan ee Dollar ay isugu jirtay qayb dhismeyaal ah iyo qayb Madbacadda loogu diray mishiino casri ah oo wax daabaca isla markaana noqda kuwa ugu casrisan ee dalka yaalla si ay hormuud ugu noqoto dhanka daabacaadda casriga ah ee dalka dawlad iyo shibna ay ku soo hiran karaan qalanka loo keeno tayadiisa. Haddaba iyadoo maalgelinta Baanka dhexe maal geliyya Madbacada qaranka wakhti aan sidaa usii gogyn oo ah bilawii sannadkan ayay durba dalka soo gaadheen mishiinadii daabacaadda ee loo maal geliyay oo ah kuwii ugu casri sanaa ee dalka yimaadda isla markaana uu maanta la wareegay maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin Maareeye Raago oo kala wareegay shirkadda MMG qalab dhan 15 Mishiin oo casri ah, kuwaasi oo ay qaarkood yihiin Offsets Full Color. Qalabkan oo isla shalay soo gaadhay xarunta madbacadda Qaranka ayaa ugu horrayn waxaa ka hadlay shirkaddii ku guulaysatay tartanka keenista qandaraaska mishiinadan, Maareeyaha shirkaddaasi Maxamed Cali oo ka hadlay keenista msihiinadan ayaa tilmaamay in tirada guud ee qalabkani ay ahaayeen labaatan mishiin, haddana ay keeneen 15 mishiin, inta hadhayna ay keeni doonaan todobaadkan isla markaana ay yaalaan gudaha dekeda Berbera. Maareeyaha Madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage oo si rasmi ah ula wareegay qalabkan ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayaa ILLAAHAY, mar labaad waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aanay la’aantii hawshani suuro-gasheen, kana jawaabay soo jeedintayadii aanu in badan qabnay, oo ahayd in aanu qalab ku filan daabacaada helno. Waxaan leeyahay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi taariikhda ayaa usi doonta, waana markii ugu horraysay ee madbacadda qaranku hesho qalabka tiradaa leh, taasina waxay suurto gal ka dhigaysaa ina y madbacadda qaranku si fiican u gudato waajibaadkii ay qaranka ugu xil saarnayd oo ah daabacaada iyo xafidaada dukmantiga dawladda. Ku dhiirashada Maalgelinta Madbacadda qaranka ee uu Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland ku maal geliyay Madbacadda Qaranka ayaa noqotay guul qaran iyo midho dhal deg deg ah oo muddo kooban dalka ku soo gaadhay iyadoo dhawaanna la filayo in mishiinada 20 ka ah ee Madbacadda qaranka loo soo iibiyay iyo dhismaha ballaadhan ee loo dhisay in xaflad loo sameeyo dhakhsana ay u shaqo bilawdo. Maalgelinta baanka dhexe oo Guddoomiye Baqdaadi uu ka sheegay maalintii dhismaha la dhagax dhiyay ayaa noqotay mid guulaysatay isla markaana wakhti kooban ay dalkaku soo gaadheen qalabkii mishiinada ahaa ee loo diray Madbacadda qaranka iyadoo dhismihiina uu dhammaaday oo uu hadda diyaarsan yahay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa habeen hore kulan muhiim ah la qaatay xubno kamid ah odayaasha iyo siyaasiinta beeshiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo gaar ahaa lagu qabtay hoteel uu wasiir Ducaale ku leeyahay Muqdisho, waxaana la sheegay in arrimo muhiim ah ay ka wada hadleen. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in wasiirka uu beeshiisa gaar ahaan Imaamka uu kala hadlay arrimo la xariira baajinta shir la filayo in ay Muqdisho ku yeeshaan Mudullood, arrimaha masiirka gobalka Banaadir iyo qodobo kale oo gaar u qoseeya beeshooda. Xogo hoose oo la helay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan aysan ku qanacsaneen arrimo ka socda gobalka Banaadir islamarkaana ay doonayaan in beel ahaan uga dhaadhicayaan odayaashooda. Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeeno ka hor Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay Imaamka Mudulood, islamarkaana uu kala hadlay baajinta shirka Mudulood oo qorshuhu ahaa in la qabto 13-kii bishaan balse dib u dhacay waxaana magaalada ka socda qaban qaabada shirkaas. Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan shirka Mudulood, waxaana muuqanaysa in ay xoog saareyso dowladda Soomaaliya baajinta shirkaas.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban sanadkan loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Wasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka degan gudah Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, loo ogolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sanadkan ka imaneysa dibedda. “Go’aankan waxaa loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka loo guto si nabdoon ayada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka. Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaaraya 2.6 milyan oo qof. Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah. Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan ayada oo sanad kasta uu soo xareeyo lacag gaareysa 6 bilyan oo dollar. Sacuudi Carabiya marna ma joojin Xajka muddo 90 sano ah, tan iyo markii dalkaas la aas-aasay. Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof.
