Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali Health Ministry on Monday confirmed 34 new cases of COVID-19, bringing the total tally of infections to 1,455. Fawziya Abikar, the Health Minister of Somalia, said one more patient succumbed to the disease, bringing the total number of fatalities to 57. She said 11 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who had been discharged from hospitals to 163. The minister said 21 of the latest cases are male while 13 others are female persons and the cases are largely due to community transmission. She called for unity among the people in order to successfully control the spread of the disease, saying the government has put measures in place to contain the spread of the pandemic. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  2. Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha. View the full article
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Gobolka Mero ee dalka Kenya oo Qaadka looga soo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa faqri xoogan lugaha la galay, tan iyo markii ay dowladda federaalka ay joojisay qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray dhinaca dalka dalka Kenya. Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Meru oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofin jireen oo la joojiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya labda dal. Sidoo kale ganacsatada ayaa KA dalbaday dowladooda inay wax ka qabato arrintaasi, iyagoo sheegay in Qaadka la’aantiisa magaaladoodu ay ku noolaan doonto faqri xun. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu istaagay ganacsigii Qaadka ee xaafadda Islii oo ay Soomalida ay ku badan tahay, kadib markii lagu soo rogay banow saameeyey isku socodka xaafaddaasi. Ugu damgbeyn isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee wadanka Kenya ayaa waxa ay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka ee loo soo gudbiyo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa lacag fara badan waxa uu ka soo galaa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagi jiray maalin walba diyaarado sida Qaad fara badan oo laga keenayey gudaha dalkaasi.
  4. Somalia's coronavirus lockdown has led to a huge increase in female genital mutilation (FGM), with circumcisers going door to door offering to cut girls stuck at home during the pandemic, a charity said on Monday. Source: Hiiraan Online
  5. Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dilka askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo si gaadmo ah ku toogtay marxuumka. Ilo lagu kalsoonyahay oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay si aayar ah goobta uga baxsatay dhacdada kadib. Sidoo kale ciidamo ka tirsan amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi. Ammaanka Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyey faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Dilkii u dambeeyey ayaa waxaa loo geystay Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ahaa guddoomiyihii ciyaaraha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
  6. Ciidamada Amaanka Gobolka Mudug oo Labadii todobaad ee lasoo dhaafay howlgal ka waydey Magaalada Gaalkacyo ayaa soo qabqabtay ku dhowaad 30 Qof oo looga shakisan [...] Source
  7. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga , gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay howlgal ka sameeneeyn deegaanka Wargalo ee gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku qaadeen guri ku yaalla deegaankaasi oo lagu tuhmayey xubno ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay la kulmeen iska hor imaad kooban, islamarkaana looga dhaawacay hal askari, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay nin hubeysnaa oo ku sugnaa guriga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Ninka la qabtay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameedka howlgalka, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse gacanta lagu dhigay. Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
  8. (SLT-Kampala)-Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo shalay looga dabaal-degay dalka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, kaasi oo ciwaan looga dhigay “Somaliland waxa ay u dabaal-degtay 29 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanideeda.” Waxaanu East Africa Business Week sheegay in xannuunka Covid 19 ee caalamka faraha baas ku hayaa uu saameeyey xusaskii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku muuneyn laheyd Munaasibadda 18ka May. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in 18ka May ay Somaliland u tahay maalin ay qiimeyso waxyaabaha u taabogalay, isbeddelka caqabadaha dalkan curdinka ahi uu waajahayo, isla markaana laga hadlo qorsheyaasha mustaqbalka si uu horumar iyo barwaaqo ugu naaloodo muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in Xuska 18ka May uu yahay maalin la muujiyo midnimada Somaliland iyo Hadafyada guud ee dalka. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska East Africa Business Week, in Somaliland ay si aan kala go’ laheyn caalamka uga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan. Waxa kaloo Wasiir Sacad tilmaamay inkastoo aanay Somaliland deyn ka helin baanka Adduunka, haddana ay wax ka qabato baahiyaha dadkeeda. East Africa Business Week waxa uu xusay in Somaliland laga furay sannadkii 2012kii Wershada Coca Cola oo noqotay maalgashiga ugu ballaadhan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay tan iyo markii Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, waxaanu xusay in wershada sharaabka SBI lagu maalgeliyey 17 Milyan oo Doolar. Waxa kaloo uu ka hadlay Shirkadda Dahabshiil ee Somaliland oo uu ku sifeeyey horyaalka xawaaladaha lacagta ee Afrika, taasi oo ka shaqeysa 150 dal oo caalamka ku yaalla. Sidoo kale, Shabakadda Eagle Online ee dalka Uganda ayaa daabacay qormo dheer oo lagu faahfaahiyey sooyaalkii siyaasadeed ee marxladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay gaar ahaan xiligii ay ahayd mustacmaradii Ingiriiska, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya. Waxana qormadaas qoray Ismaaciil Yuusuf Aadan oo ka qalin jabinaya Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu ku iftiimiyey inay Somaliland tahay qaran istaahila in la aqoonsado isla markaana ay dhammaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan. Source
  9. (SLT-Boorama)-Ehelada Marxuumkii U Horeeyay Ee ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Somaliland sheegtay In uu Magaada Boorama Ugu Dhintay Cudurka Covid 19 ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay. Qoyskan Oo Warbaahinta la Hadlay Waxay sheegeen in TB u geeriyoday Waxayna dhaliilo adag u soo jeediyeen Wasaarada Caafimadka Awdal Iyo Cusbitaalka Wayn Ee Boorama Sidoo Kale waxay sheegeen In Ay soo Dhamaysteen Karantiimayntii 21 Cisho ahayd Dhamaantoodna ay Wada Caafimaad Qabaan. Dhanka kalan waxay beeniyeen in dawladu u Aastay Marxuumkii Waxayna Sheegèn In ay Iyagu Aasteen Source
  10. (SLT-Washington)-Heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray Mareykanka iyo Iran ayaa dhabbaha u xaadhay in Mustafa al-Kadhimi laga dhigo ra’iisul wasaaraha Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska fadhigiisu yahay London ee Middle East Eye. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah, in Tehran ay taageerto al-Kadhimi, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Ciraaq, taa beddelkeedna Washington ay joojiso xayiraadda hantida Iran ee taalla Yurub, sida uu sheegay wargeyska. Magacaabista Mustafa al-Kadhimi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeeday kooxda Iran ay taageerto ee Shiicada ah ee Kataib Hezbollah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta saree e Shiicada Iraq. Si kastaba, kooxahan ayaa aqbalay magacaabistiisa kadib markii ay Iran amartay inay garab istaagaan, taa beddelkeedna laga qafiifinayo qaar ka mid ah xayiraadaha culus ee Washington ay saartay dhaqaalaha Iran, sida ay ilo-wareed siyaasadeedyo sare oo Iraqi ah ay u sheegeen Middle East Eye. Mustafa al-Kadhimi iyo ogolihiisa wasiirada ayaa codka kalsoonida ee baarlamanka helay 7-dii May, si ay u beddelaan dowladdii is-casishay ee Adel Abdul-Mahdi. Mustafa al-Kadhimi ayaa ku guuleystay inuu dowlad soo dhiso kadib markii laba siyaasi oo horey la magacaabay, Mohammad Allawi iyo Adnan Al-Zurfi, ay ku guul-darreysteen inay helaan tagaeero ay dowlad kusoo dhisaan. Ciraaq ayaa waxaa ka qarxay banaan-baxyo xooggan bishii October, kuwaas oo looga soo horjeedo heerka nololeed ee hooseeya iyo musuq-maasuq dalka, waxaana ay qasbeen inuu is-casilo ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi Source
  11. (SLT-Nairobi)-Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran. Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka iyadoo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada dalka Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya. Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeedhay inay xayiraada ka qaado qaadka. Ganacsatada oo farriin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun. Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xooggan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas. Source
  12. (SLT-China)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu taageerayo baaqa Caalamka ee ah in la sameeyo baadhitaan saynis ah oo madaxbanaan oo ku saabsan asalka Cudurka Coronavirus, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore laga wada shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa cudurka. Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay Shirka Sannadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Ilaa 100 waddan oo caalamka ayaa ku baaqay in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyay asalka halka uu ka yimid Cudurka. Madaxweynuhu ayaa difaacay habka waddankiisu u maareeyay faafitaanka Cudurka, waxaana uu sheegay in si daacad ah ay uga warbixiyeen khatarta cudurka iyo faafitaankiisa. Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa doonaya in Shiinaha dhabarka loo saaro in uu masuul ka yahay Coronavirus, islamarkaana waxay ku baaqayaan in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyo asalka Cudurka. Fayraska Covid-19 ayaa ka soo shaac baxay magaalada Wuhan, ee dalka Shiinaha, bishii Diseembar, waxaana uu dilay dad ka badan Saddex Boqol oo kun qof ayaa u dhintay Cudurka, waxaana uu saameeyay dad ka badan 4 Milyan oo qof. Source
  13. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu u dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan maamullada dariska ee Puntland iyo Galmudug, waxaana xoogiisa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka oo ahaa mid culus la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac oo horay ugu dagaalamay halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaan ku geeriyooday ugu yaraab laba qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale oo dhamaan ah dhinacyadadiid diriray. Dagaallada u dhexeeya maleeshiyada labada dhinac ayaa marar badan ku soo laa-laabtay gobolka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.
  14. Demada Waabari ayaa xalay guul weyn u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Waabari oo u gudbtay wareega afar dhamaadka ayaa keensatay 8 dhibcood, halka Marka ay la timid 2 buundo oo kaliya, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Dhinaca kale waxaa caawa la guda-geli doonaa wareega Sama-Finalka ee tartanka oo ay isugu soo hareen illaa afar degmo oo kala ah Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Waabari, waxaana lugta ugu horreysa ku ballansan Wadajir iyo Hoodan ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  15. Machadka arrimaha amniga wax qora ee Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal 4 bille ah uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ay kordheen dilalka qorsheysan ee dhacay bilihii tagay ee sanadkan marka loo eego dhiggooda sanadkii hore. Dilalka shirqoolka ah waxaa ay quaterka hore ee sanadkan ku sheegteen 47 oo ka dhigan kor u ka coo 33 aheyd xilligan oo kale sanadkii hore. Sidoo kale waxaa la sheegay iney jireen weerarada tooska ah, bambooyinka, kuwa qaraxyada iyo noocyada oo dhammaan ay Al-shabaab horay u isticmaali jireen. Qoraalka waxaa ku jiray in 15-kii bil ee tagay ay hoos u dhacday taktikada iyo dilalkii badnaa ee Al-shabaab oo hadda bustoolado adeegsadaan. Al-shabaab waxaa weli ay si joogta ah u bartilmaameedsanadaan sida ay u kala horeeyaan ciidamada xoogga dalka, AMISOM, booliiska, shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada iyo odeyaasha dhaqanka. Waxaa ku jira qoraalkiinna in Al-shabaab weerarada ugu badan ee lagu qaado ay yihiin kuwa duqeybta Mareykanka iyo waxyar oo Danab iyo Gorgor ah. Warbixinta ayaa imaaneysa iyada oo uu fashilmay qorshihii amniga ee lagu soo heshiiyey shirkii London 2017-kii iyo iyada oo dhowr bil ka hor doorasho guud oo la filayo iney Soomaaliya ka dhacdo, waxaana shaki weyn ku jiraa sugidda amniga deegaannada doorashada, ergada iyo murashaxiinta. Waxaa kale oo aan weli muuqan qorshaha ka dhan ah Al-shabaab ee maamulka Farmaajo oo horay u balanqaaday in 2 sano kusoo afjari doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran. Hoos Ka Akhriso Wareegtada Cafiska loogu fidiyay Maxaabiista. Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan Arkay: soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khuseyso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka ah oo ay xalay saq-dhexe diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha si gaar ah diyaaraduhu ay ula beegsadeen deegaano ka tirsan degmooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weeraradaasi dhanka cirka ah uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duqeymahaasi, kuwaas oo kala ahaa Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaaka ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo shacab ahaa, iyadoona dadkaasi uu gantaal ugu tegay Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Cows-Qurun oo qiyaas ahaan illaa 70 KM dhinaca koonfur ka xiga magaalada Ceel-Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo. Lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi rayidka ah ee ay Kenya xalay ku leysay duqeynta, iyadoona horay ciidamadeeda ay dhibaato uga wadeen gobolkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ma jiro weli wax hadal ah ka soo baxay maamulka gobolka Gedo, Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku aadan duqeymahaasi.
  18. Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in bandow guud maalmaha Ciidda Soonfur lagu soo rogay dhammaan gobollada dalkaasi laga bilaabo Sabtida soo socota si looga gaashaanto faafidda Xanuunka COVID-19. Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in bandowgaasi guud uu socon doono mudda afar maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota islamarkaana ku eg maalinta Talaadada ah ee isla todobaadkaas si loo hakiyo isu-imaatinada dadweynaha ee maalmaha Ciidda Soonfur. Mr Erdoğan ayaa dadweynaha Turkiga ugu baaqay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan bandowga maalmaha Ciidda lagu soo rogay dalka sidoo kalena ay dhaqan-geliyaan dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga xanuunka COVID-19 si looga feejignaado cudurkaas. Balse madaxweyne Recep Erdoğan ayaa xusay in dadka da’doodu ka weyntahay 65-sannadood loo ogolyahay in ay socdaan lixda saacadood ee u horraysa maalinta ay kow tahay Ciidda oo sida uu sheegay bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda. Sidoo kale Salaadaha Jimaacada ayuu sheegay in masaajidda lagu tukan karo Salaadda Duhur iyo tan Casar oo keliya mudada uu socdo bandowgaasi guud. PUNTLAND POST The post Dalka Turkiga oo bandow guud lagu soo rogay maalmaha Ciidda appeared first on Puntland Post.
  19. Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal gaar ahaa ka fuliyeen Guri ku yaalla deegaanka Wargalo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa wax ay sheegeen in ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay galeen Guriga, isla markaana ay is rasaaseyn kooban dhex-martay ciidamada dowladda iyo nin hubeysan oo ku sugnaa hoygaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana saraakiishu aysan weli wax faah faahin ah ka bixin u jeedka howlgalka looga fuliyey Gurigaas iyo waxa uu ahaa ninka dagaalamay ee ku sugnaa. Ciidamada dowladda ee ku sagan deegaanada Galmudug ayaa dhowr jeer waxa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Camaara, waxaana jiray dagaal ay la galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi View the full article
  20. Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday agagaarka magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo. Inta la xaqiijiyey waxaa duqeymahaasi ku dhintay saddex ruux oo kala ahaa Hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay, halka qof kale oo rayid ah uu isna ku dhaawacmay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Cows-Qurun oo 70 KM dhinaca koonfur ka xiga degmada Ceel-Waaq. Lama oga hebta diyaaradaha dagaal ee fuliyey weerarkaasi, balse inta badan diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo culus ka fuliya gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Waa habeen labaad oo xiriir ah oo duqeymo laga fulinayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaa kuwa ku dhow-dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. “Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.
  22. Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay AMISOM ku wareejisay saldhig cusub oo halkaas laga dhisay kaas oo wax badan ka tari doona amniga gobolka. Saldhigan waxaa maalgeliyey dalka Denmark, waxaana la sheegayaa in barnaamijkan uu qeyb ka yahay tabta ay ciidamada AMISOM amniga ugu wareejinayaan Soomaalida. Brigadier Paul Njema, oo AMISOM madax ah uga ah Sector 2, ayaa wareejiyey saldhigga isaga oo ku hadlaya magaca ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in Dhoobley ay noqotay magaalo weyn, marka ay magaalo kortana waxa ay wadataa caqabado una baahan amni”. Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.” Qorshaha ciidamada Soomaalida ay amniga kala wareegayaan AMISOM waxaa uu bilowday April 2018, waxaana lagu wadaa inuu socda ilaa 2021, kolkaas oo lagu wado in AMISOM ay Soomaaliya isaga baxdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-190520.mp3 View the full article
  24. ADDIS ABABA, Ethiopia - The Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat welcomed the news of what he described as a “landmark arrest” of Felicien Kabuga, who is considered to be the financier of the genocide against the Tutsi community in Rwanda in 1994. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ka carrooday arrimo uu ku lug leeyahay safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid, oo diyaarad loogu soo kireynayo Soomaali ku xayiran dalkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online. Safiirka ayaa diyaarad gaar oo kiro ah u raadinaya Soomaali ku xayiran Turkiga oo u badan ganacsato, kuwaas oo iska diiwaan-geliyey safaaradda ayaga oo la baxaya lacagta. Cod uu Jaamac Caydiid soo dhigay group WhatsApp ah, oo dadkan la isugu geeyey, ayuu ku sheegayaa inuu lacag dhan 933 dollar oo qofkiiba ah kusoo helay diyaarad dadka kasoo qaadeysa Istanbul, islamarkaana geyneysa magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu aad uga carrooday codkan kadib markii uu dhageystay, islamarkaana dalbaday sharaxaad. Inkasta oo howsha uu qabanayo safiirka loo arki karo mid wanaagsan, haddana wararka aan helnay ayaa sheegaya in qalad loo arkay in safiirka uu si shaqsi ah ugu lug yeesho arirntan iyo in safaaradda ay lacagta diyaaradda ka qaado shacabka. “Waxay ahayd in howshan ay galaan shaqsiyaad ka hooseeya safiirka sida qunsulka, ku-xigeenka, xogheenada iyo saraakiisha kale, laakiin safiir howshiisu tahay diblomaasiyad ma ahayn inuu arrimahan ku lug yeesho, weliba kaaga sii daran’e in codkiisa uu meelaha soo dhigo waa qalad anshaxa oo aad u weyn,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. “Tan kale, in safiirku dadka yiraahdo lacagta kusoo shubo akoonada safaaradda waxaa ka dhallan kara in macno qaldan laga bixiyo, waxay ahayd in dadka soo baxaya iyo shirkadda diyaaradda in la isku xiro oo toos ay tiket-ka uga goostaan, sida ay sameysay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,” ayuu yiri. Ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in madaxweynaha oo safiirka ay aad isugu dhow yihiin uu arrintan aad uga xumaaday. Hoos ka dhageyso codka safiirka