Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa socda abaabulka iyo isku keenista xidigihii hore Soomaaliya waxaana dhallinyaro kala joogta gudaha dalka iyo dibadda ay abuureyn koox lagu magacaabo Mideynta waxayna ka shaaeyndoonaan horomarinta,is dhaxgalka,dhiiri gelinta iyo kor u qaadida ciyaaraha. Sheekh Maxamuud Caddow oo ah xoghayaha ururka SOCSA ayaa ka mid ah aas aasayaasha koooxda Mideynta wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxa ka dhaliyay barnaamijkan iyo hadafkooda fog. Axmed Maxamed Colow oo ka mid ahaa xidigihii hore Kooxda Batroolka Batroolka ayaa ka mid ah tababarayaasha naadiga Mideynta wuxuuna sheegay in barnaamijka uu yahay mid aad u wanaagsan oo wax tar u noqondoono guud ahaan bahda isboortiga. Kooxda Mideynta ayaa shantii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa ka waday tartamo kala duwan oo lagu xusayo xidigihii soo maray Soomaaliya ee geeriyooday waxaana howlan isxaanqaana ka mid celiyay bahda isboortiga,iyagoo bogaadiyay in la sii wado howlahan. Ismaaciil Malaaq Senegal oo horay ugu tirsanaa Xulka Qaranka ayaa isna ka mid ah kooxda Mideynta wuxuuna sheegay in hadafkooda uu yahay isku keenista iyo isku xirka laacibiintii hore kuwii dhexe iyo kuwa iminka soo koraya, si la gaaro guulo waaweyn. Si kastaba maamulka iyo qubarada ku midoobay kooxda Mideynta ayaa rajaynanya in ay noqdaan dalada wax badan ku soo kordhisa geedi socodka iyo kobaca ciyaaraha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Midaynta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa goordhow waxaa uu ansixiyey xeerka kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ama Somaliland. Weriyaha Goobjoog News ee golaha waxaa uu sheegayaa in coddeynta dhacday ay ogolaadeen ilaa 167 xildhibaan halka uu hal xildhibaan ka aamusay. Qodobadkan waa kii 2-aad oo todobaad gudahii ay ansixiyaan, waxaa ay horay u meelmariyeen arrinta kootada haweenka, waxaana u haray matalaadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Somaliland ayaa goordhow waxaa ay ku dhawaaqay in ay qaadday dhammaan xayiraadaha la xiriiray Covid 19 ee ay horay u soo rogtay. Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Hargeisa, xayiraadda la qaaday waxaa ay kulmineysaa guud ahaan oo ay ku jiraan duulimaadyada, waxbarashada, ganacsiga, isu imaatinka iyo arrimaha kale. Wixii faahfaahin ah, kala soco. Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday dhammaan xayiraadii ay soo rogtay ee lagaga hortagayay faafitaanka Corona Virus. Waxyaabaha la fasaxay waxa ka mid ah Duullimaayada, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay. Madaxweyne Ku-xigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in keliya dadweynuhu muujiyaan Taxadar dheeraad ah, halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xariira arrimaha shidaalka Soomaaliya, xilligaan oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada 7-da xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya. Madasha ayaa shaacisay in lagu jiro xilli doorasho, islamarkaana ay suuragal tahay in dowladdu wax weliba oo gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada. “Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa uga digtay dowladda dhexe iyo shirakadaha shidaalka in aysan ku deg-degin heshiis gadashada xirmooyin shidaal waqtigan kala guurk ah.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto, Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyey qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay banaanka hore saldhigga tababarada Turkiga ee magaalada Muqdisho. Odowaa ayaa shaaciyey in qaraxaasi laga hortagay, islamarkaana ciidamada ammaanka ay toogteen nin doonayey inuu isku dhex- qarxiyo dhalinyaro Jaamacadaha ka soo baxay oo ku biireysay saaakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa laba qof oo midkood uu arday ahaa. “Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Odowaa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudaha caasimadda. Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.
  7. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay Ciidamadii ka dacwoonayay Mushaar la’aanta ayaa wuxuu Xukuumada ku eedeeyey in la dayacay Ciidamada. [...] The post Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in Ciidanku helaan Xaqooda appeared first on . Source
  8. Taliyaha ciidmada Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raage ayaa ka hadlay qarax ismiidan ah oo saaka ka dhacay Saldhigga Turkisom ee Muqdisho. Taliye Odowaa ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Saldhiga Turkisom ay toogteen nin xiran walxaha qarxa oo ay ka shakiyeen markii u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada, kaas oo rabay uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka. “Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Gen. Odaywaa. Qaraxa, sida ay xajiijiyay dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku dhintay labo qof oo midkood ka mid ahaa arday doonaysay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay qaraxa. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo saldhigga Turkisom. Saldhigga Turkisom ee Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo oo lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri, waxaana gacanta ku haya Turkiga. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse Al-shabaab ayaa weearada noocaan ah ka geysta Soomaaliya, iyaga oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr weerar ku qaaday xarumo dowladeed. PUNTLAND POST The post Gen. Odowaa oo k hadlay qaraxa Saldhigga Turkisom appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiyada diyaarinta xeerka dhameystirka doorashooyinka iyo GDMQ, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021, iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsa guddiyada joogtada ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Guddoomiye Mursal iyo xubnaha kale shirka ka qeyb-galay ayaa si gaar ah uga wada arrinsaday go’aankii ka soo baxay shirkii ay shalay yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in baarlamaanka uu joojiyo howlaha doorashada inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Sida ay ogaatay Caasimada Online wax go’aan ah laguma gaarin shirkan, balse waxaa lagu ballamay kulama kale, si loo falanqeeyo go’aanka wadajirka ah ee ka soo baxay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu jiro maxalad kala guur ah, islamarkaana uu socdo diyaar garow ku aadan doorashada 2020/2021, inkastoo aysan weli cadeyn nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama uu waqtiga sio dhamaanayo. Hoggaanka xisbiyada mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya arrimaha doorashada, iyaga oo horey uga digay muddo kororsi hor leh.
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – War kooban oo ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa markale looga hadlay wada-hadallada todobaadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti. Qoraalkan ayey Somaliland ku sheegtay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka shacabka koofurta iyo waqooyiga ee isaga kala gooshaya labada dhinac. Qodobkaasi ayaa la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse kuma jiraan siyaasiyiinta. Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay, sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. “Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka la’eego qodobada ku jira murtiyeedka ka soo baxay shirkii Jabuuti qodobkaan waa midkii ugu cuslaa ama ugu xasaasisanaa, iyada oo ay Somalliland ay tan iyo markaasi ka fakireysa ogolaanshiyihiisa, waxaana la sheegay inay dan ugu jiray labada shacab. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo afartii sano ee la soo dhaafay haakad ku jiray ayaa markale todobaadkii la soo dhaafay dib uga bilodway wadanka Jabuuti.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu fuliyey ruux isku xiray jaakadda qaraxyada, kaas oo ‘toogasho’ lagu dilay. Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga, gaar ahaan goob ay saf-dheer ugu jireen dhalinyaro Leyli saraakiil loo diyaarinayey. Wararka ayaa sheegaya in qofka is-qarxiyey oo dhaq dhaqaaq badan sameynayey ay ka shakiyeen marka hore ciidamada amniga, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo rayid ahaa iyo qofkii is-qarxiyey, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kooban oo ka dhashay qaraxaasi, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Ma jirto illaa iyo hadda ci sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudah caasimadda. Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ku sugan Qardho ayaa kulamo ballaaran ka bilaabay magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa madaxweynuhu uu la qaatay odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulashada ee degmada Qardho. Sidoo kale waxaa kulamadaasi qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan degmada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Soomnaaliyeed ee Puntland. Intii ay socdeen shirarkaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xireen loo sameeyo Qardho si looga gashaanto daadadka ku soo fataha magaalada oo ugaysta khasaare naf iyo maal-ba leh. Siciid Deni oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday ka qeyb galayaasha shirka in ciidamada amniga ay kala shaqeeyaan xasiloonida nabad-geylada. Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay culeyso siyaasadeed iyo kuwa amni aad u xoogan intaba.
  13. MOGADISHU (HOL) - A suicide bomber who disguised himself as recruit has blown himself up at the Turkish-run military training academy in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (HOL) - A suicide bomber who disguised himself as recruit has blown himself up at the Turkish-run military training academy in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kulanka ayaa dabajooga xeerkii shalay la horgeeyey golaha. Golaha ayaa waxaa ay dood adag ka yeesheen xeerka matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelan doono, Baarlamaanka soo aadan 11-aad. Golaha ayaa lagu wadaa in maanta ay dib uga doodaan xeerka kuraasta gobolada Wooqooyi kasoo galaya Baarlamaanka soo aadan iyo halka la dhigayo deegaan doorashadooda. Kulanka ayaa kamid ah kalafadhigga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya, waxaana golaha horyaallo arrimo dhowr ah, sida dib u eegista dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Iyada oo la tix-raacayo Shirkii Wada-tashiga Heerka Sare ahaa ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay Jabuuti 14 June 2020, ayna hogaaminayeen dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland, Guddidii Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ay magacaabeen hogaamiyeyaashu waxa ay kulmeen 15-17 June 2020. Wufuuddii heer wasiir ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay si diiran iyo jawi walaalnimo ku falan-qeeyeen arrimaha laga wada-hadlayey, iyada oo uu goob-joog yahay Dhex-dhexeediyaha shirka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti iyo Fudaydiyayaashii shirka ee ka socday Dalka Maraykanka iyo Ururka Midowga Reer Yurub. Waxa lagu heshiiyey in Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ka kooban 14-ka xubnood ee dhawaan la yagleelay, Soomaaliyana uu hogaaminayey Mudane, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka Somaliland uu hogaaminayey Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Arrimaha Dibedda, ay hogaamin doonaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya hadda wixii ka dambeeya. Muddadii saddexda cisho ahayd ee ay socdeen wada-hadalladu, labada dhinac waxa ay is-waydaarsadeen aragtiyo dhawr ah oo ku saabsan arrimo xasaasi ah. Waxa ay ku heshiiyeen nidaamka si wada-jir ah loogu wadi karo wada-hadalka (Common Conduct of Meetings), iyaga oo ay taageerayaan Dhex-dhexaadiyaha iyo Fudaydiyayaasha shirku. Waxa ay muddo dheer ka doodeen tallaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida oo fure u ah horumar kasta oo laga sameeyo wada-hadallada. Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in ay ka fogaadaan ficil kasta oo marin-habaabinaya wada-hadallada. Marka laga hadlayo gar-gaarka bini-aadamnimo iyo deeqaha dhinaca horumarka, labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen mabdi’iyan in aan la siyaasadayn arrintan, faah-faahinta arrintan waxa loo dhaafay Guddi Hoosaad Farsamo oo ka soo shaqaysa. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada. Waxa intaas dheer, waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in la yagleelo Guddi Hoosaadka Farsamo ee dhinaca amniga si ay uga xaalaan arrimaha la xidhiidha amniga. Dhammaan Guddi Hoosaadyadan Farsamo waxa ay muddo laba wiig ah gudihii ku kulmi doonaan Jabuuti si ay uga shaqeeyaan in hore loo socdo iyo fulinta qodobbadii lagu heshiiyey. Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadalladu waxa ay dib ugu kulmi doonaan muddo 45 cisho gudaheed ah Jabuuti si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan war-bixinaha Guddi Hoosaadyada iyo guud ahaan horumarka wada-hadallada. Ugu dambayn, labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay daruuri tahay in la joogteeyo wada-hadalka iyo in lagu dhex shaqeeyo jadwal shaqo oo leh wakhti cayiman oo la isla ogol yahay si looga gaadho is-fahan wada-jir ah dhammaan arrimaha taagan iyo arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya. War-murtiyeedku waxa uu ka soo baxay dalka Jabuuti, 22 June 2020. Source
  17. Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya uu ka harsanyahay xeer hoosaadyo uu leeyahay dhawaana la soo gabagabey doono taasi oo ka dhalan doonto in dowladda Soomaaliyeed ay awood uyeelato diwaan galinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadidda diyaaradaha oo ay Soomaaliya bixin muddo 30 sano ku dhaw. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo ay dowladda Soomaaliya bixin muddo ka badana 25 sano taasine ay ka dhalain doona hormarkale oo ay dadka Soomaaliyeed ku talaabsan doonaan. “Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenya iyo itoobiya, balse hadda ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanay dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka Oomaar. Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) waxa uu sheegay in hada ay fududahay in lasoo celiyo diyaaradii Soomaali Airlen ka dib heli taankii ay dowladda Soomaaliyeed ay diwaan galin karto diyaaradaha isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaan waxaana uu intaa ku daray inay yihiin laba qodob oo isku xeran. “Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaaji ayaa saxiixay 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula falgaleyso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya ay ka dhimman yihiin xeer hoosaadyo u fududayn doona dowladda Soomaaliya in ay awood u yeelato diiwaan-gelinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadida diyaaradaha. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo aysan Soomaaliya bixin tan iyo burburkii kadib 1991-dii. “Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenyada iyo itoobiya balse hada ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanayay inaan dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu yiri wasiirka Oomaar. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in haatan ay fududahay in la soo celiyo diyaaradii Soomaali Airline ka dib dhammaystirka Sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaas. “Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar. Madaxweyne Farmaajo ayaa 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula shaqaynayso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo soddon sano kadib bilaabaysa bixinta Leysinka Diyaaradaha appeared first on Puntland Post.
  19. Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan. Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay tahay ka fogaansho, faafitaanka xanuunka COVID-19, iyadoo laga diiwaan geliyeyey 161,005 dalka xaaladood oo cudurka Caronavirus ah iyo 1,307 dhimasho ah. “Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb qudan doonta waajibaadkaas” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda Boqortooyada Sucuudiga. 2 milion oo Muslimiin ah kuna susan gudaha dalka, ayaa ka faaiideysan doono Xajka, kuwaas oo aan u dhalan Sucuudiga , waxaana uu nasiibku u saamaxay in ay gutaan waajibaadka Xajka. Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa horay u joojisay isku imaatinka Muslimiinta ee Xarameynka, sababo la xiriira xanuunka COVID-19, waxaana dalka laga diiwaan geliyey kiisas badan, waxaana jiray tiro dad ah oo u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidiin ahaa oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turk-Som oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday saraakiil cusub oo tababar loo qaadayey, iyadoona la soo wariyey inuu fuliyey qof naftiis halige ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la toogtay is-miidaamiyaha ka hor inta uusan dhex-gelin dhalinyaro saf ku jiray oo leyli saraakiil loo diyaarinayay. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxaan, sida ay soo sheegayaan dad gooobjoogayaal ah, balse weli ma cadda inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.
  21. Somalis, both at home and abroad, were optimistic when Mohamed Abdullahi Farmajo was elected Somalia’s president in February 2017. Diplomats and the development community shared this optimism, believing Farmajo to be honest, energetic, and reformist. Forty months’ of Farmajo’s rule shows that initial optimism to be misplaced if not naïve. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markale muddo kordhin hor leh u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo xilligaan dhinacyo kala duwan ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in UNSOM ay howsha ay sii wadi doonto illaa inta laga gaarayo 31-ka bisha August. Sidoo kale waxaa UNSOM loogu baaqay inay xoojiso howlaheeda Soomaaliya, iyada oo ka fulineyo Muqdisho iyo dhammaan magaallo madaxda dowlad goboleedyada dalka. Golaha ammaanka ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay QM in door weyn ka qaadato doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021-ka. UNSOM ayaa Soomaaliya ka howl bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa nabadda, dib u heshiisiinta, dib u eegista Dastuurka iyo qaban-qaabada doorasho iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee muddo kordinta cusub ee loo sameeyey xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana la qorsheynayo in dhammaadka sanadkaan la’aado doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka oo dusha ay kala socon doonaan Qaramada Midoobay, xubnaha beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia.
  23. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa kormeer ku tagay xarunta ciidanka xoogga qeybta 21-aad ee deegaanka Baacadweyn ee gobolka Mudug. Madaxweynaha oo uu wehliyey wasiirka amniniga gudaha Galmudug ayaa ugu horeyn wuxuu salaan uu ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada, madaxweynaha ayaa taliska ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladaha ciidanka. Madaxweynaha ayaa ciidanka iyo hoggaankiisa la wadaagay hadal-jeedin isugu jirta ammaan, duco iyo dardaarran, xerada ciidanka uu booqday madaxweynaha ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Kulan khadka Onlinr Video-ga ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Raysal wasaaraha ayaa looga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka. Madaxda Maamul [...] The post Kulankii shalay Khadka Online-Video-ga Ku dhex maray Saamilayda Siyaasada, qaarkood oo muran ka dhashay appeared first on . Source