Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-18052020www.mp3 View the full article
  2. Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government has relaxed the lockdown ahead of Eid Al Fitr. The relaxation of the lockdown will come into effect today. According to a statement released by Puntland Committee for Covid-19 Prevention, “restrictions on travel and business has been relaxed from 18 May 2020.” The Committee has lifted the moratorium on khat businesses. “People selling or buying khat must follow the health advice and wear a face mask and maintain two-metre social distancing” the statement reads. After the end of the Holy Month of Ramadan the Committee for Covid-19 Prevention will review the decision to relax the lockdown. Puntland has seen an increase in the number of people, including Cabinet Ministers, who had fallen ill with Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND STATE RELAXES THE LOCKDOWN appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlay Taageerada dhanka Amniga ah ee Beesha Caalamku siiyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Taageeradaas aysan waxba ka soo gaarin Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dalalka ku bahoobay Beesha Caalamka, aysan Puntland wax taageero ah ku siin dhinaca Amniga, islamarkaana marar badan ay Puntland taageero ka dalbatay, balse ka wayday Dalabkaas. “ Waxaan runtii aad uga xumay, international community-ga ee marar badan hafra in ay Amniga Soomaaliya ka shaqeeyaan, waxaan u sheegaya in Puntland aysan wax Amnigeeda ah ka shaqayn” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha, ayaa sheegay in Beesha Caalamku aysan diyaar u ahayn, in ay Puntand ka taageeraan Arrimaha Amniga iyo Dhismaha Ciidamada kala duwan, si lo helo Ciidamo ku filan Nabadgelyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay Soomaaliya la doonayaan isbeddel qalliban, oo ku dhisan in la burburiyo Nidaamyadii horay u jiray, kadibna kor wax laga soo dhiso, isagoo xusay in taasi aysan ka turjumayn Nidaamka Federaalka. Mudane Deni, ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka Reer Puntland ay isku tashadaan, oo aysan waxba ka sugin Beesha Caalamka iyo cid kale toona. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni: Beesha Caalamku waa na hafrayaan ma jiro Amni ay nagala shaqeeyaan appeared first on Puntland Post.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inay khafiifiyeen amaradii xayiraada ee ay horay ugu soo rogeen deegaanada maamulkaasi. Jaamac Faarax Xasan ayaa sababta ku sheegay munaasabadda Ciidul-Fidriga ee fooda inagu soo heysa, sidaas awgeed ay garteen in la khafiifiyo xayiraadda. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in la fasaxay dhammaan isku socodka xuduudaha iyo Qaadka la soo geliyo maamulka Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in aan Jaadka lagu iibin karin agagaarka xarumaha maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, sababo la xariira ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ma shaacin wasiirka caafimaadka Puntland in Ciida Soon-Fur kadib dib la soo celinayo bandowga iyo in kale, balse wuxuu xusay inay dib uga fakiri doonaan go’aamadaasi. “Guddiga ayaa arrintan dib u fiirin doona ciida kadib, inshallah” ayuu yiri wasiir Jaamac Faarax Xasan. Puntland ayaa bandowga soo rogtay 27-kii Maarso, si loo xakameeyo fidista Coronavirus oo laga helay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.
  5. There has been a "sharp decline" in the number of coronavirus patients in Tanzania's hospitals, the president said, four days after the US embassy in the country reported that many hospitals had been "overwhelmed". Source: Hiiraan Online
  6. Addis Ababa intends to start filling reservoir in July despite lack of agreement from Egypt and Sudan Source: Hiiraan Online
  7. Kenya Defence Forces soldiers on Saturday killed five al Shabaab militants during a foiled attack on Somali Security Forces (SSF) stationed in Bilis Qooqani. Source: Hiiraan Online
  8. The European Union has announced €105.5 million in aid to Horn of Africa nations facing not just the coronavirus pandemic but also ongoing conflict, Source: Hiiraan Online
  9. Emirates Group is planning to cut about 30,000 jobs to reduce costs amid the coronavirus outbreak, which will bring down its number of employees by about 30% from more than 105,000 at the end of March, Bloomberg News reported on Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. Waanwaan laga dhex wadaySiciid Deni & Axmed Karaash o fashil ku dhamaatey Warar saacadihii u dambeeyay soo baxay, ayaa sheegay in ay fashil ku dhammaatay waan-waantii laga dhex waday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo sida la sheegayo saacadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixiyay xallinta khilaafkaas, ayaa ugu dambeyntii ku guul-darraystay dhex-dhexaadintii labada mas’uul. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in Deni iyo Axmed Karaash mid kasta uu ku adkaysanayo mowqifkiisi hore, islamarkaana aan dhinacna tanaasul iyo isu’ soo dhawaansho muujin, sidaasi darteedna uu ku fashilmay dadaalkii Guddoomiyaha Baarlamanka. Khilaafkan cusub ayaa bilowday 14-kii bishan May-2020 kadib markii Madaxweyne Deni magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan. Mudane Axmed Karaash, ayaa sheeegay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu amar ku siiyay Taliye ku xigeenkii Madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista, balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. Qaran News
  11. Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18-May 2020 ay khafiifisay bandowgii la xiriiray xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in la khafiifiyay go’aannadii la xiriiray bandowga COVID-19 sida isu-socodka gaadiidka iyo xarumaha ganacsiga ee degaannada Puntland. “waxaa la khafiifiyey go’aamadii Bandowga ee 27kii March 2020 kasoo baxay Guddiga Covid19 Puntland,sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, guddiga ayaa dib u fasaxay iibinta iyo ka ganacsiga Qaadka, balse waxay dadka ka ganacsada xasuusiyeen in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19 sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada. “Dadka Qaadka kala iibsanaya iyo kuwa Ciida isu diyaarinaya, waxaa uu guddigu xasuusinayaa in ay ilaaliyaan talooyinka Caafimaad ee ku saabsan Covid-19, sida af-xirashada, gacmo gashiga, isu jirsiga masaafo iyo ilaalinta nadaafada.” Ganacsatada Qaadka, ayaa lagu wargeliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta nadaafadda, islamarkaana aysan Jaadka ku hor-gadin xarumaha dowladda kuna dhaqmaan talooyinka caafimaadka. “Gancsatada Qaadka waxaa lagu wargelinaya inay masuuliyad ka saarantahay illaalinta nadaafadda, in aan lagu horgadin qaadka xarumaha Dowladda iyo inay ku dhaqmaan talooyinka Caafimaad ee aan kor kusoo sheegay” Go’aankaas Khafiifinta bandowga xanuunka COVID-19, ayaa dib u-eegis lagu samayn doonaa iidda Soon-fur kadib, sida ay sheegeen guddiga ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19 ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo khafiifisay go’aannada la xiriira bandowga COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan Beesha caalamka u dirtay fariin ay ku cadeynayso mowqifkeeda ku aadan qorshaha cusub ee ay ku wajahayaan wada-hadalada Mas’uuliyiinta dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku. Somaliland ayaa si weyn uga hortimid qorshe ay Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto ku rabaan inay dib ugu soo celiyaan midnimadii Soomaaliya, xili ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan. Sida ay tibaaxayaan warar hoose oo aanu helayno, Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay xiriiro kala duwan la sameysay dalalka beesha caalamka ee xiriirka wanaagsani kala dhaxeeyo, kuwaasi oo ay u gudbisey mowqifkooda ku aadan arrinkaasi. Xukuumada Somaliland ayaa sidoo kale dalalkaasi beesha caalamka u sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya, balse aysan ogoleyn qaabka leexsan ee dhawaan loo wajahay wada-hadaladaasi. Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo inta badana u dooda Madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, ayaa isagun dhawaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay wadaan qorshe ay midnimo qasab ah uga dhex sameynayaan Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili uu si xawli ah u socdo qorshe cusub oo ay iska kaashanayaan Abiy Axmed iyo Donald Yamamoto, kaasi oo ku aadan sidii ay si deg-deg ugu furmi lahaayeen wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka dhalato midnimo.
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale xalay ka tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii gobolka Mudug AUN Axmed Muuse Nuur oo shalay qarax ismiidaamin ah lagu dilay ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo kala duwan leh. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in mudda laba bilood gudahood ah la dilay Guddoomiyaashii Mudug iyo Nugaal taasina muujinayso in weerar hadafyo iyo wejiyo kala duwan leh uu ku socdo Puntland balse gacan bir ah lagala hor-tegi doono kuwa falalkaasi ka shaqaynaya. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo dilalka Guddoomiyaashii Gobollada Mudug iyo Nugaal iyo sidoo kale fal kasta oo lagu dhibaateynayo mas’uuliyiinta Puntland. Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay dad kala duwan u hayaan dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana ay dhowaan sharciga sharciga marin doonaan isagoo xusay in goob fagaare ah lagu toogan doono. Sidoo kale dilkii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayuu sheegay in lagu wado baaritaan cid kasta oo ku lug yeelatana sharciga la hor-geyn doono si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo iyo weji kala duwan leh appeared first on Puntland Post.
  14. Imaaraadka Carabta oo calooshood u shaqeystayaal reer galbeed ah u kireeyey inay Turkiga kula dagalamaan Liibiya Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u taageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal kula jira Dowladda ay taageerto Qaramadda Midoobay, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Qaramadda Midoobay. Wabixinta oo ay labo diblamaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloomberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh laba shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jeneral Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli. Labada shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka. Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar kadib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala Talyaaniga. Qaramadda Midoobay ma aysan sheegin sababta halkaas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ayaa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska. Hafter, in uu la warego Libya waxaa ku tageera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Qaramadda Midoobay aqoonsantahay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah. Meel ay calooshood u shaqaysteyaal buuxiyen Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay noqoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay wadanka si ay uga dagaalamaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la hadlay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa ay balanqaadeen inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsanaya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaarado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee Qaramadda Midoobay. Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen in ay la shaqaynayaan Qaramadda Midoobay si ay u sameyso baaritaan kale. Qaran News
  15. Ururka caalamiga ah ee midowga culimada Muslimiinta, International Union for Muslim Scholars (IUMS) ayaa maanta ku baaqay in dhammaan dunida iyo dalalka Islaamka ay u istaagaan inay ka hortagaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Falastiin. Xoghayaha guud ee IUMS, Ali al-Qaradaghi ayaa ku eedeeyey Israel inay ka faa’iideysaneyso kusii jeedka caalamka ee cudurka Coronavirus, iyo taageerada maamulka Trump, si ay ugu dhaqaaqdo siyaasadaheeda gardarrada ku dhisan ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. “Culimada Muslimiinta waxay ku baaqayaan in la garab istaago shacabka Falastiin, iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay arrimahooda go’aan ka gaaraan iyo inay xorreeyaan dhulkooda la haysto,” ayuu yiri al-Qaradaghi. Waxa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu si buuxda mas’uul uga yahay ansixinta qorshaha Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Qudus iyo dhulalka kale ee Falastiin. Goosashada Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ayaa dhici doonta 1-da July, sida ay isku raaceen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo ninka ay doorashada ku loolameen ee Beny Gantz. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka bixi doonaan heshiisyada wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Israel, haddii ay ku dhaqaaqdo qorshahan, taasi oo wiiqi doonta dadaallada lagu raadinayo xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel. Goosashada Daanta Galbeed ayaa qeyb ka ah waxa loogu yeeray “Heshiiska Qarniga”, oo 28-kii Janaayo uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Qorshahan ayaa Qudus u aqoonsanaya “caasimadda aan la kala qeybin” ee Israel, wuxuuna Israel siinayaa madax-banaanida qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Falastiiniyiinta iyo ururka dalka Islaamka ayaa si weyn uga hor-yimid qorshahan. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya digniino ay soo saareen mas’uuliyiinta ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lala wadaagay ciidamada amniga iyo shaqsiyaad muhiim ah oo ku jira dowladda Somalia. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in la tuhunsan yahay in magaalada Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 5 qof oo lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo damacsan iney galaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in hoteellada Muqdisho qaarkood oo aan bandowga saameyn ku yeelan loo sheegay iney muujinayaan feejignaan dheeraad ah. Mas’uuliyiinta amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay badaleen qorshihii qaraxyada kadib markii ay gaadiid soo gelin waayeen Muqdisho, islamarkaana ay billaabeen in shaqsiyaad ay qaraxyo ku soo xiraan. Al-Shabaab ayaa hore isku qarxiyay maqaayad ay dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka Sayidka, waxayna Qaraxaas u adeegsadeen qof ismiidaamiyay, arintaas ayaa abuurtay walaac iyo wal wal cusub. Muqdisho ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ka xasilooneed qaraxyada iyo weerarada tooska ah markii laga reebo weerarada hoobiye ah iyo dilalka qorsheysan.
  17. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Calooshood u shaqaysteyaal Reer Galbeed ah oo ku xiran shirkado fadhigoodu yahay Imaaradka Carabta ayaa la geeyay Libya si ay u taageeraan General Khaliifa Hafter oo dagaal kula jira Dowladda ay taageerto Qaramadda Midoobay, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Qaramadda Midoobay. Wabixinta oo ay labo diblamaasi si kooban ugu dul mareen warbaahinta Bloomberg ayaa sheegeysa in koox calooshood u shaqayteyaal ah oo xiriir la leh laba shirkadood uu fadhigoodu ayahy Dubai ay Libya u safreen bishii June 2019-kii, iyagoo ku socda qorshe militari oo aad loo maalgeliyay kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu taageero isku dayga Jeneral Khalifa Hafter iyo ciidankiisa LNA ay doonayaan in ay ku ridaan dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli. Labada shirkadod ee Lancaster 6 DMCC iyo Opus Capital Asset Limited FZE ayaa hagaya howlgalka si ay Haftar u siiyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo awooda internet-ka. Koox rag ah oo ku dhow 20 ayaa ka degay Libya dabayaaqadii June 2019. Maalmo yar kadib laba doomood ayaa lagu qaaday waxaana la geeyay Malta, oo ku taala Talyaaniga. Qaramadda Midoobay ma aysan sheegin sababta halkaas looga dejiyay. Balse qareenadda ragga ayaa sheegay in raggaasi ay bixinayeen adeeg ku saabsan saliidda iyo gaaska. Hafter, in uu la warego Libya waxaa ku tageera Imaaraadka Masar, Ruushka iyo Dowlado kale. Dowladda ay Qaramadda Midoobay aqoonsantahay waxaa taageera Turkiga iyo Dowlado kale oo Reer Galbeed ah. Meel ay calooshood u shaqaysteyaal buuxiyen Sanadihii lasoo dhaafay, Libya waxaa ay noqoneeysay meel uu ka socda dagal daahsoon. Kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, oo u dhashay Ruushka, Sudan iyo Syria ayaa la geeyay wadanka si ay uga dagaalamaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta la hadlay Bloomberg, calooshood u shaqaysteyasha lagu sheegay warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa ay balanqaadeen inay joojin doonaan hubka uu Turkigu geynayo Tripoli, iyagoo adeegsanaya doomo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca. Warbixintu waxay sheegeeysaa in lix diyaarado militari ah la geeyay Libya, taasi oo xad gudubku ah cuna-qabateynta hubka ee Qaramadda Midoobay. Qareenada Calooshood u shaqaysteyaasha ayaa Bloomberg u sheegay in deeymaha loo soo jeediyay Shirkadaha Opus and Lancaster 6 aysan xaqiiqo ahayn, waxayna intaas ku dareen in ay la shaqaynayaan Qaramadda Midoobay si ay u sameyso baaritaan kale.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Somalia ayaa joojiyay dadka aan la aqoonin ee mara wadada hormarta Madaxtooyada Somalia. Ciidankaan ayaa dadka lugeynaya weydiiya aqoonsi ama qof damiin ah haddii ay keeni waayaan waxaa loo diidaa in ay maraan wadadaas lamana sheegin sababta. Xalay ayaa ugu darneyd waxaana la joojiyay dhamaan dadkii wadadaas marayay oo ay qaarkood aqoonsiyo heestaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta inay suurta gal ay tahay in magaalada ay qaraxyo ka dhacaan. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa is weydiinaya sababta arrintaan keenta balse ilaa hadda ma jirto qof uga jawaabay. Shacab badan oo dagan xaafadaha nawaaxiga Madaxtooyada ayaa geli waayay guryahooda, waxayna dantu qasabtay iney dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen. Cabsi xoog leh ayaa Muqdisho ka jirta 48-dii saac ee la soo dhaafay waxaana aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka soo gala madaxtooyada Somalia oo markii hore dadka lugeynaya ku qabin dhibaatooyin badan.
  19. Muqdisho ( Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr, Suleymaan Maxamed Maxauud oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen kiis la xariira musuq-maasuq oo ka bilowday wasaaradda caafimaadka, lugahana la galay wasaarado kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya . Dr Suleymaan ayaa tilmaamay in cadeymo lagu hayo mas’uuliyiinta xiran oo isugu jira agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka in xafiiskiisu uu musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta uu ka taagan yahay meel aad u adag, sida la-dagaalanka Al-Shabaab oo kale, sida uu hadalka u dhigay “Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taaganyahay meel aad u adag la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taaganyihiin”ayuu yiri Dr Suleymaan. Dhinaca kale wuxuu digniin u diray shaqsiyaad uu carabka ku dhuftay inay difaacayaan mas’uuliyiinta xiran, islamarkaana ay dano gaar ah ka lee yihiin arrintaasi, “Qof Meelahaa ka hadlaya oo dhahaya kiiska waa la siyaasadeyay iyo siyaasadbaa ku jirta waa qof iska hadlay booliisbaa jooga xeer ilaalinbaa shaqeynaysa”. ayuu sii raaciyey. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay xiran yihiin illaa 20 qof oo u badan dad mas’uuliyiin ah, kuwaas oo loo heysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.
  20. BEESHA CAALAMKA , DAWLADAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA MIYEY MOOGAN YIHIIN TAARIIKHDA IYO DHACDOOYINKA SOMALILAND IYO SOMALIA SOO KALA MARAY ? Waxa sanadahan ugu dambeeyey aad moodaa in ay muuqato in beesha caalamka iyo dawladaha Gobolka Geeska Africa ay duudsi iyo yaraysi ku hayaan qadiyad umadeed oo lixdan sano soo socotay sidii loo sixi lahaa dibna loogu soo celin lahaa milgihii iyo maamuskii ay dawladnimo ee dadka Somaliland. Dadka Somaliland waxa ay Somalia ku darsadeen dal iyo dawladnimo ay ka qaateen gumeystihii boqortooyada ingiriiska oo ay Somaliland u ahayd maxmiyad maamulkiisa hoos tagta loona yaqaanay Somaliland British Protectorate taasi oo ay ka qaateen 26 June 1960kii isla markaana ay 1 July 1960kii kula bahoobeen Somalia iyada oo ujeedada loo socday ahayd midnimo shan soomaaliyeed. Midnimadii Somaliland iyo Somalia hungadii iyo cadaalad daradii ka dhashay ee aan loola macaamilin laba dawladood oo wax isku darsaday , waxa ay cadaynaysay niyad wanaaga iyo kalgacaylka dadka Somaliland u hayeen midnimo soomaaliyeed iyo sida ay uga daacada ahaayeen . Mararka qaarna waxa loo qaadan karaa ilduuf siyaasadeed iyo taloseeg ku dhacay wax-garadkii iyo Aqoonyahankii reer Somaliland ee xiligaa talinayey oo aan waxoogii xeer iyo xero midna gashan dhamaantoodna markii dambe ka dayriyey waxii dhacay iyo sidii loola dhaqmay . Taasi oo qaadatay in lagu soo celiyo xoog iyo xeelad waxii la awoodayey ka dib markii la arkay cadaalad darada iyo hungada lagala kulmay midow oo macno weyn lagu dhisan oo dhinac ka rarnaa , markii la isku dayey in wax gudaha laga saxona dhaliyey cunfi iyo cadaadis lagu sameeyey dadka Somaliland iyo sidii loo baabiin lahaa. Cadaadiska iyo tirtirka taariikhda iyo wadajirka dadka Somaliland waxa loo maray siyaasad qoto dheer oo marka hore loogu talo galay in iyaga la qoleeyo oo beelo laga dhigo , siyaasadaasi oo la rabay in la yidhaahdo beel baa wax diidan oo qadiyada umada Somaliland lagu kala jabinayey , waxaana ka mid ahaa sameyntii gobolada sool iyo awdal . Markii arimahani lagu guuleystay ayaa cadaadiskii dadka Somaliland lagu hayey waxa loogu daray xasuuq isir iyo beeleed ( ethnic genocide ) lagu tirtirayo beesha dhexe ee Somaliland iyada oo loo adeegsanayo calankii cududii iyo waxii ay somaali wada lahayd oo dhan taasi oo lagu baabiiyey waxii ay duunyo iyo daaro dhisanayeen intii ay soo noolaayeen , lagu xasuuqay maatidii iyo haweenkii oo lagu duqeeyey madaafiic iyo diyaarado ciidan . Arimahani iyo dhacdooyinkani waa kuwii ka dhacay Kosovo oo kale ee Bosnia iyo Serbians kii maamulayey Jamhuuriyadii burburtay ee Yugoslavia ku laayeen dadka reer Kosovo looguna geystay xasuuq ba’an oo ku qotoma isir dabargoyn. Si kastaba ha ahaatee taariikh dheer oo hirdano hoose iyo halgano muuqda lahayd ayaa waxa lagu soo celiyey qaranka Jamhuuriyada Somaliland 18 May 1991kii markii jabhadii SNM ka xoreysay dalka nidaamkii kalitaliska ahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre horaantii sanadkaasi , iyada oo dib ula soo noqoshada dawladnimada Somaliland ahayd go’aan shacbi oo ay gaadheen waxgaradkii iyo aqoonyahankii beelaha Somaliland wada degani dibna loogu heshiiyey in xanafihii iyo xurgufihii nidaamkaasi ka tagey xalay dhalay laga noqdo , iyada oo ay si rasmiya ugu dhawaqeen madaxdii nidaamkii maamul ee u dhisnaa jabhadii SNM. Mar kale ayaa 31 May 2001 dadka Somaliland u codeeyeen dastuur qaran oo afti dadwayne lagu ansixiyey 97% kaasi oo qeexaya qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka uu yahay , halka uu ku yaallo , xuduudihiisa , habkiisa maamul , ganacsi , dhaqaale , siyaasadeed, xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo wax waliba oo dastuur qaran oo dal leeyahay qeexo kana hadlo . Haddaba in beesha caalamka garwaaqsan waayaa qaranimada Somaliland xuquuqda dadka Somaliland iyo dawladnimadooda oo ay labadii dhinac ee wax isku darsaday dhinac raacaan waxa ay noqoneysaa duudsi iyo dambi laga galay dadka Somaliland oo aduunku ula badheedhay taasi oo meel ka dhac ku ah umad dhan oo aayaheega ka tadhatay. Lagama fiirsan xataa in xafiisyadii dawladaha aduunka , ururada caalamiga ah iyo urur goboleedada laga wada furo magaalada muqdisho , taasi oo gef cad ku ah Hargeisa iyo Jamhuuriyada Somaliland una muuqata go’doomin siyaasadeed oo lagu hayo umada Jamhuuriyada Somaliland iyo dawladnimadeeda iyo waxii ay u soo hurtay naf iyo maalba in ay soo ceshato qarankeegii oo madax banaan . Malahayga beesha caalamka dadka metalaya iyo dawladaha aduunka ee muqdisho fadhiyaa waxa aanay hayn taariikhda Somaliland iyo Somalia iyo waxii la soo kala mutay soddon sano oo midnimo lagu wada jiray taasi oo noqoneysa maah-maahdii soomaaliyeed ee odhanaysay ; ” Xaajo nimaan ogeyni indhuhuu ka ridaa ” . Sidaasi oo kale ayaa aduunku iska indho tirayaa waxii ay dadka Somaliland qabsadeen sagaal iyo labaatan sanadood iyada oo aan cid wax ku taageertay jirin noloshana dib uga soo bilaabay seeska ilaa ay ay soo gaadhay qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee dimuqaradiga ah ee waxa uu mudan yahay iyo kaalinta muhiimka ah ee uu geeska Africa kaga jiro la yaqaano. Mooganaantani waa mid sababaysa in aan xalka Somaliland iyo Somalia la helin ilaa dhex laga noqdo arimahani aan kor ku soo xusay oo dhan oo aan lagu galin xaalad xogogaalnimo iyo cadaaladeed , waxaana jira shaqsiyaad Somaliland ka soo jeeda oo muqdisho iyo aduunkaba qaar joogaan oo aaminsan aragti ah midnimo , kuwaasi oo aan ku qancin karin xataa qoysaskooda marka wax kale laga yimaado, cidii ku go’aan qaadataa ama u haysata in ay umad masiirkeed matali karaan waa cid aan xal rabin. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  21. The Somali health ministry on Sunday confirmed 64 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,421. Fawziya Abikar, the health minister said the majority of the latest cases were recorded in Banadir which have 33, Somaliland 16, Galmudug eight, and Southwest seven. Abikar said one patient succumbed to the respiratory disease as the death toll so far since the first infection remains at 56. She said four people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 152. The minister said 45 of the latest cases which were tested in the last 24 hours are male while 19 others are female persons and the cases are largely due to community transmission. The spike in the COVID-19 cases comes at a time Somalia is also facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The UN has warned that if the virus transmission is not contained rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal dhowr ah iyo saraakiil caafimaad oo kala duwan oo la hadlay Caasimada Online, waxaa maalin walba Suuqa-Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laga qaadaa tobaneeyo qof oo u badan caruur iyo dumar kuwaas oo suuxsan. Dadkaan ayaa la sheegay iney neef qabad-soomaan kadib markii kumanaan dad ah ay isugu tageen Suuqa-Bakaaraha, kuwaas oo doonaya iney u adeegtaan maalmaha dabaal dagga ee Bisha Soonfur. Kuleyl darran, ciriiriga oo saa’id ah, dadka oo is-dul qaadaya, haweenka oo ay ku jiraan kuwa uur-leh, qaar xanuun iyo caruur aan awoodin iney galaan ciriiriga saa’idka ah ayaa la sheegay iney wajaheen xaalado halis ah. Sidoo kale arintaan ayaa la sheegay iney si fudud u faafin karto qatarta Covid-19. Qof kamid ah ganacsatada Suuqa-Bakaaraha ayaa tirada dadka maalintii yimaada Suuqa ku tilmaamay tobaneeyo kun. Sidoo kale, ganacsatada ayaa sheegay dadka Isbitaallada loo qaado ee Neef-qabad soomay iney ka badan yihiin kuwa banaanka loo soo saaro ee biyaha lagu shubo waxayna arintaasi sababi kartaa dhimasho badan. Maaliyiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa u diyaar garoobaya dabaal dagga Ciidul-Fitriga oo ku beegan maalmo kadib waxaana suuqyada Muqdisho ku arkeysaa kumanaan qof oo caruur iyo dumar u badan oo adeeganaya. Sawirro muujinaya mashquulka Bakaaraha
  23. An African Union Mission in Somalia (AMISOM) unit in Bilis Qooqani town on Friday stopped a late-night attack on Jubaland Security Forces (JSF), killing and arresting several terrorists in the process. AMISOM forces recovered several AK 47 rifles and rounds of ammunition from Al Shabaab elements who were neutralized during the foiled attack. The two Jubaland Forces wounded in the ensuing battle are currently receiving treatment at the AMISOM Forward Operating Base (FOB) in Bilis Qooqani. “At about 00:30 hours, Jubaland Security Forces stationed in Bilis Qooqani were attacked by about 20 Al-Shabaab terrorists from three different directions. Our Bilis Qooqani defense points immediately responded by dispatching one platoon to support our Somali counterparts. Three Al-Shabaab militants were killed and several others wounded during the attack which was successfully repelled,” Brigadier Paul Njema, AMISOM Sector 2 Commander said. Sector two is the southernmost AMISOM frontline sector based in the border town of Dhobley which sits across the common border between Somalia and Kenya. The sector is manned by Kenya Defence Forces (KDF) who have forward operating bases in 10 other towns apart from Bilis qooqani which came under attack. Ambassador Madeira, SRCC and Head of AMISOM, hailed AMISOM Kenyan forces for the courage, bravery and professionalism displayed in Bilis Qooqani. He congratulated them for yet another victory against Al Shabaab, as they fulfill AMISOM mandate in Somalia. AMISOM MEDIA
  24. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta galinkii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lala eegtay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Gaarigii guddoomiyaha Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, xili uu Guddoomiyihu ka baxay xafiiskiisa, waxaana loo adeegsaday gaari Nooha ah (Toyota Noah minivan), kaas oo ku dhacay gaariga Guddoomiyaha. Qaraxa waxaa ku dhintay dadku ku dhow 10 qof oo ku jiro guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa. Bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah Dad rayid ah ayaa qaraxa ku dhintay waxaana kamid ah sida ay goobjoogayaal u sheegeen Puntland Post, 2 haween ah oo saarkaa Mooto Bajaab maraysay wadada, kuwaas oo hilbahoodii googo’een, halka wadihii Bajaajbta uu soo gaaray dhaawac culus. Sidoo kale dad rayid ah oo marayey hareerara wadada weyn ee bartaha Gaalkacyo oo ahayd meeshii qaraxu ka dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, inkastoo oo aan tirakoobkood rasmiga ah aan la ahayn. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddaa qaraxa, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ayaa cambaareeyey qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Dad rayid ah oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  25. The Kenya Defence Forces (KDF) launched sustained overnight airstrikes targeting Al-Shabaab militants following an attack at Khorof Kharar Police Post in Wajir on Saturday morning. According to a security official, the airstrikes were directed at possible hideouts of the militants along the Kenya-Somalia border. In an interview with the Nation, Wajir County Commander Thomas Ngeywa said that the terrorists might have suffered an unknown number of casualties following the airstrikes. HEAVY CASUALTIES “Our counterparts from the KDF launched aerial strikes against the Shabaab militants at night in response to an earlier attack and we suspect they might have suffered heavy casualties in the process,” said Mr Ngeywa. “We however can’t tell the exact number of the casualties,” he added. During the raid, the militants destroyed a Safaricom communication mast in what appeared like a simultaneous attack aimed at disrupting communication in the area. The Al-Qaeda-linked militants also looted an armoury and made away with three rifles according to a security official. The militants are also said to have planted Improvised Explosive Devices (IEDs) on the Qarsa-Konton route. It is believed that some officers might have sustained injuries after their vehicle ran over an IED. TERROR ATTACKS He said that security forces will step up their war against the Somalia-based terror group. The number of terror attacks in the region have increased this year. Khorof Kharar is currently among the terror hotspots in Wajir County. It is about 30 km from the Kenya-Somalia border. Source: Daily Nation