-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray 30-Juun 2020 garoonka Stadium Muqdisho,isagoo sheegay in aad ugu faraxsanahay dib u soo celinta iyo qurxda maanta ka muuqata garoonka Xulka Qaranka,wuxuuna sheegay in ay u mahad celinayaan Dolwadda Norway iyo Midawga Yurub oo ka qeyb qaatay dhismaha iyo qurxinta gegida Muqdisho Stadium. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Farmaajo Oo Sharaxaad Ka Bixinaya Soo Celinta Garoonka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-web.mp4 Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Garoonka Stadium Muqdisho Warbixin:-Bahda Ciyaaraha Soomaaliya Oo Dowladda Kaga Mahad Celiyay Furitaanka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano ah oo ka socda dowladda Kenya ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Xubnaha xildhibaanada ee gaaray Hargeysa waxaa horkacaya hoggaamiyaha xildhibaanada laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Kenya Junet Mohamed. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in u jeedkooda uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Kenya kala dhexeeya Somaliland. Sidoo kale xildhibaanada ka socda baarlamaanka Kenya ayaa la kumay mas’uuliyiinta xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee maamulkaasi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dhinac. Socdaalka wafdigan ka socda wadanka Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ay booqdeen magaalada caasimada ah ee Nairobi, halkaas oo ay kulamo kala duwan kula soo qaateen xubno ka tirsan dowladda Kenya. Si kastaba ha’ahaatee dhaq-dhaqaaqa ay haatan Kenya ka wado Somaliland ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya isku qabteen kiiska badda ee ay dacwaddiisu hor-taallo maxkamadda caalamiga ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-02072020.mp3 View the full article
-
Waa kuma Jawaar Maxamed, Siyaasiga Xadhiggiisu sii huriyay rabshadaha ka oogan Itoobiya? Jawaar Maxamed Dalka Itoobiya waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka fannaan u dhashay qowmiyadda Oromada oo maalma kahor lagu toogtay caasimadda Addis Ababa. Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo milateri ah soo dhoobtay waddooyinka caasimadda, si ay gacan uga geystaan xakameynta xaaladda, waxaana rabshadaha ka taagan dalkaas ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Itoobiya, kuwaas oo ka qeybgalay baroordiiq loo sameeyay Hachalu Hundessa oo heesahiisa ay qeyb weyn ka qaateen kacdoonkii ka dhacay dalka Itoobiya. Dilka fannaanka oo ay da’diisu ahayd 34 sano jir ayaa waxaa ka dhalatay caro baahsan, waxaana ay horseeday in rabshado ay ka dhacaan meela badan oo Itoobiya. Booliska Itoobiya ayaa sheegay in 35 qof oo uu kamid yahay Jawaar xabsiga loo taxaabay, taas oo sii hurisay rabshadaha ka taagaan caasimadda iyo dowlad deegaanka Oromoda. Dhammaadka sanadkii 2019-ka, Jawaar Maxamed mar uu la hadlay teleefishinka Al Jazeera waxaa uu u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro siyaasadda Itoobiya, kana fikiraya in uu tartamo doorashada xigta ee la filayo in dalkaas ay ka dhacdo sanadka dambe, inkastoo aysan kala caddeyn xilka uu doonayo in uu u tartamo. Jawaar oo qaatay dhalashada dalka Mareykanka ayaan la ogeyn in uu iska celiyay iyo inkale, maadaam dastuurka dalka Itoobiya uu dhigayo in qof heysta dhalashada dal ajnabi ah uusan xil ka qaban karin dalkaas. Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed? Jawaar Maxamed Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama. Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta. Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005. Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaada, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha. Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-ka. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media neywork. Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray “dhibaatooyin” uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya. Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoona hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada. Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay. Kacdoonkii isbadel doonka Jawaar Maxamed Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo. Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi. Qaran News
-
Taalada Haile Selassie oo la burburiyay Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London. Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada. Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah. Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa. Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga. Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah. Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay. Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed Qaran News
-
Nin Yemeni Ah Oo Magaalada Hargeysa Lagu La’yahay Muddo Dhawr Maalmood Ah+Goobta Laga Kaxaystay Nin Dhalashadiisu tahay waddanka Yemen oo muddoba deganaa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa muddo dhawr habeen ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii gaadhi ay wateen niman aan la aqoonsani kaga kaxaysteen Meherad Ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sida ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah asaxaabtiisu, Ninkan Yemeniga ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cabducasiis Muxsin oo ka mid ahaa Yemanida ku soo qaxay waddanka Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey la la’yahay iyada oo ay wararku sheegayaan in laga kaxaystay Meheraddiisa lana ogayn cidda kaxaysatay iyo meel lala tagay toona, walina eheladiisa iyo asaxaabtiisu baadi doon uga jiraan iyaga oo ku war geliyay ciidamada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Maxamed Cali Cabdulcasiis Muxsin oo meherad Ganacsi ku haystay Xaafadda 150-ka, Degmada 26-ka Juun ee Caasimadda Hargeysa waxa goor ku dhawaad Salaaddii Maqrib ah albaabka meheradiisa soo joogsaday gaadhi yar oo Tagsi ah, kaasi oo nimankii watay ay saareen sidaana kula tageen walina aan la garanayn waxa ay raggaasi ahaayeen iyo waxa ay ka rabaan ninkan toona. “Waxa ay ahayd goor Maqrib ah. Ninkani waxa uu meherad Ganacsi ku haystay xaafadda 150 ka. Ma garan karno meel lala tagay iyo cidda kaxaysatay toona balse waxa meheraddiisa lagaga kaxaystay gaadi saddex maalmood ka hor. Gaadhiga ayaa la soo hor joojiyay oo lagu qaatay lamana oga meel ay la tageen. Waxaana la war galiyay oo arrintaa laga sugayaa ciidamada dambi baadhista Somaliland iyo guud ahaan laamaha ammaanka ee qaranka”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa asaxaabta Muxsin oo arrinta ninkan nooga warramay. Ehelada iyo asaxaabta ninkan Yemeniga ah ee la la’yahay ayaa waxa ay xukuumadda iyo gaar ahaan laamaha ammaanka ka codsanayaan in ay dardar galiyaan baadhitaanka ninkaasi iyo sidii kiiskiisa loo ogaan lahaa iyaga oo sheegay in aanay wali helin wax raad ah oo ay raacaan. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku sugan qaxooti u dhashay waddanka Yemen oo sannadihii ugu dambeeyey ku soo qulqulayay tan iyo markii uu dalkaasi Yemen sannadkii 2011 ka qarxay dagaaladii Gu’ga carabta oo markii dambe sabab u noqday in xukuumaddii waddankaasi Yemen ee Cali Cabdalla Saalax xukunka laga tuuro, isaga oo dalkaasi Yemen wakhtigan ku sugan xaalad bani aadamnimo tii ugu darnayd iyo dagaalo ka holcaya. Qaxootiga reer Yemen ayaa Somaliland ka helay amni, iyo deganaansho si weyn loogu soo dhaweeyey waxaanay intooda badani hab muruq maal ah uga xoogsadaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka, halka kuwo kale oo badanina ay ganacsiyo waaweyn ku haystaan sida Huteellada, Bacadlayaal, Magaasaano iyo goobo ganacsi oo kale. Waxaanay leeyihiin jaaliyad xaaladdooda isku xidha oo Hargeysa xafiiskoodu yaha Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka. Xildhibaanka oo uu warramay Somali Cable TV ayaa sheegay in loo baahan yahay inay wada-hadlaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, ka hor doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadnka sanadkan 2020-ka. Faarax ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in xal siyaasadeed la gaaro, si aydoorashooyinkaasi u noqdaan kuwa wada gol ah oo u dhaca si xor iyo xalaal ah. “Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka inay wada-hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka iyo jiritaanka qaranimadeena waxyaabaha la isku heysto doorashada waa mid ka mid ah, doodda waxay tahay, haddii wixii la rabay la qaban waayo, waqtigii la rabay lagu qaban waayo waxaynu u baahanahay in aynu tashano”ayuu yiri Xidhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in lala tashao dadka talada wax ku leh, sida siyaasiyiinta, gaar ahaan hoggaanka xisbiyada ka jira dalka. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka ay qaadaceen ka qeybgalka shirka uu dhowaan iclaamiyey, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
-
Dib u eegis lagu sameeyey qodobbo dastuuri ah ayaa ka dhacday dalka Ruushka, codadka ilaa hadda la tiriyey 77.9% waxaa ay taageereen in wax laga badalo, sidaasi waxaa sheegay guddiga doorashada. Dib u eegista waxaa ay meesha ka saareysaa madaxweyne Putin oo muddo xileedkiisu kama dambeyta ah uu dhammaanayo 2024, waxa ayna ka dhigeysaa inuu isa soo sharaxo 6 sano kale. Hadda, Putin waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee Ruushka cusub tan iyo xilligii hoggaamiyaha Joseph Stalin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
China 'resolutely opposed' to Taiwan-Somaliland partnership
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Chinese Embassy in Somalia has expressed its disapproval to Taiwan and Somaliland's decision to strengthen their relations on Monday, reiterating their 'One China' policy. Source: Hiiraan Online -
Kismayo ( PPM) – The Federal Government of Somalia last month changed its policy of non-recognition for Jubaland Administration led by Ahmed Mohamed Islam. The new policy grants a two-year tenure for the incumbent administration that claims to have legitimacy bestowed upon it by its parliament whose MPs elected the Jubaland President last year. Jubaland Administration has rejected the two-year term offer of which one year has elapsed. The International Community has questioned the outcome of the 2019 Jubaland election. The rift between Mogadishu and Kismayo had begun when the Federal Government tried to persuade the Jubaland Government to accept Federal Interior Ministry electoral guidelines. Parallel elections took place in Kismayo, with a reform group electing a rival president against Jubaland President. The political deadlock seemed to have come to an end when a group of politicians from the reform group had signed an agreement with President Ahmed in Nairobi. The agreement had come to be viewed by many as “a deal struck by politicians from the same clan”. Jubaland President (left) might attend a summit to be chaired by President Farmajo (right) Jubaland relations with the Federal Government have deteriorated after Kismayo supported a call from the Speaker of the Upper House to hold consultations between the Federal Government of Somalia and Federal Member States. The Federal Government organised a summit to form a consensus on elections. The impending summit will bring together Federal Member States and the Federal Government. Jubaland President is said to be on horns of dilemma about attending the summit. Jubaland is a Federal Member State which many different clans inhabit. Al-shabaab controls its administrative capital, Bu’aale. The Federal Government has a plan to dislodge Bu’aale from Al-shabaab with help from AMISOM. If that plan comes to fruition, Jubaland Administration’s legitimacy could be further weakened. President Ahmed fears a compromise on his term of office will deny him the opportunity to select who could succeed him after his “ four-year term” comes to an end. He won three successive elections, the last election being the most controversial. Gedo is a part of Jubaland but is run as a separate region where the Somali Army division is based. It is not clear which will blink first, the Federal Government or Jubaland President. © Puntland Post Monthly, 2020 The post JUBALAND ADMINISTRATION’S LEGITIMACY ON TENTERHOOKS appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska. Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa. Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan. Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa si ay u dejiyaan xaaladda. View the full article
-
Addis Abaab (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska. Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa. Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan. Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa, si ay u dejiyaan xaaladda. Xaaladda Itoobiya ayaa haatan u qasan, waxaana xiisadu ka sii dartay, kadib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa oo toogasho lagu khaariyey.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada xooga dalka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Howl-llada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomalaiyeed, kuwaas oo ka howl-gala gobolkaasi. Ciidamada ayaa si gaar ah dhaq-dhaqaaqyadaasi uga sameeya inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in laga soo abaabulo weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah. Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, waxaana ay weeraro qorsheysa ka fuliyaan degmooyinka gobolkaasi, sida Beledweyne, iyaga oo beegsaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladda ay ka sii dartay, kadib rabshado xoogan oo ka dhashay dilkiii Addis Ababa loogu geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa. Rabshado aad uu xogan oo ka dhashay toogashadaasi ayaa weli ka socda caasimadda Addis Ababa iyo sidoo kale magaalada Ambo ee gobolka Oromada. Sidoo kale dadka ku dhintay rabshadahaasi ayaa korortay, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay tiradu gaartay illaa 81 qof, sida ay warisay warbaahinta dalkaasi. Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa sidoo kale la dhigay jidadka Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysay, si ay uga hortagaan rabshadahaasi. Dilka fanaanka Haacaaluu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa sii huriyay xiisada haatan ka taagan Itoobiya, waxaana halis ku jirta xasiloonida dalkaasi. Dowladda ayaa sheegtay inay xirtay illaa 2 qof oo lagu tuhmayo toogashadii lagu dilay fanaankaasi oo ku caan-baxay mudahaaradyadii sanado ka hor ka dhacay Itoobiya. Waxaa kale oo la xiray rabshadaha kadib in ka badan 30 ruux oo uu ku jiro siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed, tallaabadaasi oo uga sii dartay xiisada taagan. Hundeesaa oo ahaa heesaa aad loo jeclaa ayaa dhanka kale lagu wadaa in maanta la aaso, waxaana dilkiisa ra’iisul wasaare Abiy uu ku sheegay shirqool loo dhigay Itoobiya.
-
(SLT-Yemen)-Nin Dhalashadiisu tahay waddanka Yemen oo muddoba deganaa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa muddo dhawr habeen ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii gaadhi ay wateen niman aan la aqoonsani kaga kaxaysteen Meherad Ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sida ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah asaxaabtiisu, Ninkan Yemeniga ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cabducasiis Muxsin oo ka mid ahaa Yemanida ku soo qaxay waddanka Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey la la’yahay iyada oo ay wararku sheegayaan in laga kaxaystay Meheraddiisa lana ogayn cidda kaxaysatay iyo meel lala tagay toona, walina eheladiisa iyo asaxaabtiisu baadi doon uga jiraan iyaga oo ku war geliyay ciidamada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Maxamed Cali Cabdulcasiis Muxsin oo meherad Ganacsi ku haystay Xaafadda 150-ka, Degmada 26-ka Juun ee Caasimadda Hargeysa waxa goor ku dhawaad Salaaddii Maqrib ah albaabka meheradiisa soo joogsaday gaadhi yar oo Tagsi ah, kaasi oo nimankii watay ay saareen sidaana kula tageen walina aan la garanayn waxa ay raggaasi ahaayeen iyo waxa ay ka rabaan ninkan toona. “Waxa ay ahayd goor Maqrib ah. Ninkani waxa uu meherad Ganacsi ku haystay xaafadda 150 ka. Ma garan karno meel lala tagay iyo cidda kaxaysatay toona balse waxa meheraddiisa lagaga kaxaystay gaadi saddex maalmood ka hor. Gaadhiga ayaa la soo hor joojiyay oo lagu qaatay lamana oga meel ay la tageen. Waxaana la war galiyay oo arrintaa laga sugayaa ciidamada dambi baadhista Somaliland iyo guud ahaan laamaha ammaanka ee qaranka”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa asaxaabta Muxsin oo arrinta ninkan nooga warramay. Ehelada iyo asaxaabta ninkan Yemeniga ah ee la la’yahay ayaa waxa ay xukuumadda iyo gaar ahaan laamaha ammaanka ka codsanayaan in ay dardar galiyaan baadhitaanka ninkaasi iyo sidii kiiskiisa loo ogaan lahaa iyaga oo sheegay in aanay wali helin wax raad ah oo ay raacaan. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku sugan qaxooti u dhashay waddanka Yemen oo sannadihii ugu dambeeyey ku soo qulqulayay tan iyo markii uu dalkaasi Yemen sannadkii 2011 ka qarxay dagaaladii Gu’ga carabta oo markii dambe sabab u noqday in xukuumaddii waddankaasi Yemen ee Cali Cabdalla Saalax xukunka laga tuuro, isaga oo dalkaasi Yemen wakhtigan ku sugan xaalad bani aadamnimo tii ugu darnayd iyo dagaalo ka holcaya. Qaxootiga reer Yemen ayaa Somaliland ka helay amni, iyo deganaansho si weyn loogu soo dhaweeyey waxaanay intooda badani hab muruq maal ah uga xoogsadaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka, halka kuwo kale oo badanina ay ganacsiyo waaweyn ku haystaan sida Huteellada, Bacadlayaal, Magaasaano iyo goobo ganacsi oo kale. Waxaanay leeyihiin jaaliyad xaaladdooda isku xidha oo Hargeysa xafiiskoodu yahay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa uga digay dadka ajaanibta ah ee Qaxoontinimada ku jooga dalka in aanay wax shirar jaraa’id ah oo siyaasadeysan qaban karin. Cabdinaasir Caydiid Maxamed, waxaa uu sheegay in dadka magan geliyada ay siisay Somaliland in ay dalka si nabadgeliyo ah ugu noolaadaan ugana shaqeystaan, balse aanay marnaba ka ogolaan doonin in shirar siyaasadeysan iyo abaabulo ka dhex sameeyaan gudaha Somaliland. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo shalay magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa hadalkiisu daba socday kadib markii habeen hore warbaahinta gaarka loo yahay ay baahiyeen dad ka tirsan Qoomiyada Oromada ee Hargeysa degan oo ka hadlayay qulqulatooyinka waddankooda ka socda. Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan uga digaynaa dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland cid siyaasad kagala hadli karta ama warbaahin soo istaagi kartaa ma jirto. Dadka magan geliyo aanu siinay, waa inay si nabadgeliyo ah uga shaqeystaan, oo ay u joogaan, balse umaanaan siin inay dagaalo ka dhex abuuraan oo mucaaridnimo ka dhex sameeyaan dalkan. Intii habeen hore dhacday digniin ayaanu uga dhigeynaa, laakiin marka xiga ee qof ajaanib ah lagu qabto isaga oo abaabul ka dhexwada waddanka ama warbaahinta maxaliga la hadlaya uma dulqaadaneyno.” Geesta kale wasiirku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu si gaara carabka ugu dhuftay qaar ka mida dadka ajaanibta ee degan magaalada Hargeysa. “Waxaa aanu uga digeynaa in qofkasta oo ajaanib ahi, uu si caadiya isaga shaqeysto dadkana ula noolaado, qaarkood ayaa la sheegayaa in shirar ay abaabulayaan hadii ay shirkaasi qabsadaan oo ay dhab noqoto talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa, ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan ha noqdaan, ama ajaanib kaleba ha noqdaan, cidkasta oo ajaanib ah oo waddanka Somaliland joogta waxaa aanu fareyna in ay si nabadgeliyo ah u joogaan, una shaqeystaan, ugana ganacsadaan”Ayuu yidhi Cabdinaasir Caydiid Maxamed. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse ayaa ka hadlay xayiraadda laga qaaday iyo khatarta uu leeyahay xanuunka Koronuhu, waxaanu ku baaqay in lagu dedaalo ilaalinta caafimaadka aadna looga feejignaado khatarta xanuunka Koronaha. Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhaweeynayaa xayiraaddaas la qaaday ee aad ha la isku ilaaliyo, oo aad ha loo feejignaado, xanuunka Koronuhu weynu aragnaa inuu yahay xanuun aad ugu baahaya Adduunka, oo waliba sababay dhimasho dad aad iyo aad u tiro badan, ee haddii xayiraaddii la qaaday yaan la is dhigan, ee taxadar badan ha la sameeyo, oo xaalad kasta oo xanuunkani ku fidi karo aynu iska ilaalino ILLAAHAY baa wax ilaaliye, oo mar kasta aynu ogaano baryada ILLAAHAY, mar kastana waanu ducaynaa, ee ILLAAHAY xaqa ha ina waafajiyo” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Buuri dhawaan dalka la keenay ayaa durba si xawli leh ugu dhex fiday dalka iyada oo dhallinyaro iyo dad waayeelka lihi ay durba ku ibtiloobeen si xunna ula qabsadeen taasi oo halis weyn oo caafimaad leh. Somaliland oo marka horeba dhibaato weyni ka taagnayd balwadaha umadda aafeyey ee ay ka mid yihiin Qaadka, Shiishadda, Khamriga, Xashiishadda iyo kuwo kale ayaa waxa uu Buuriga casriga ah ee LYFT noqday aafo kale oo ku soo korodhay qaranka oo halis weyn oo caafimaad iyo mid bulsheedba leh. Zizuu Zidane Caamir oo ka hadlayay dhibaatada buurigani caafimaadka Bulshada u leeyahay waxa uu yidhi: “Isticmaalka Tubaakada Lyft waa mid kamid ah waxyaabaha ugu awoodda badan ee keena “Oral Cancer” ama kansarka ku dhaca Afka. Sidoo kale waxay keeni kartaa Kansarka ku dhaca Caloosha iyo xanuuno badan oo uu kamid yahay Wadna xanuunka, gaastariga iyo kuwo kale. Tubaakadani Waxay ka samaysan tahay maadada “Nicotine and other Chemical components”. Kuwaas oo qabatin leh isla markaana halis wayn ku ah Caafimaadka Waana mid daanka la dhigo. Hase ahaatee waxa halis badan marka lays garab dhiggo iyada Tobacco-da snus ama Lyft iyo Sigaarka. Sida ay sheegaan khubarada Caafimaadka sigaarka ayaa ka khatar badan. Dadka qaar waxay damcaan in sigaarka la qiijininayo ay ku beddelaan noocyada Tobacco-da afka laga qaato balse waa “Kud ka guur oo Qanjo u guur”. Sirkadda (BAT) British American Tobacco ee Maandooriyaha Sigaarka iyo Tubaakadda soo saarta waxay samaysay suuq-gayn ay ugu yeedhay “Next Generation Products” (NGPs) wax soo saarka Jiilasha soo socda taas oo maal gellin xooggan ku socod siinaysa Alaabteeda ahna inay badeecaddeeda ku faafiso meel walba oo ay dhaqaale kaga helayso isla markaana lagu Aafeeyo dhalinyarada. Waxayna ku dooddaa marka laga horyimaaddo Buurigeeda in la habeeyay oo laga yareeyay maadada Halista ah ee Nicotine, taasina waa been. Buurigan waxa aad looga isticmaala Wadamada Scandinavian-ka ee qaaradda Europe sida Sweden oo ku caanbaxday Buuriga canka la dhiggo ee Snus iyo Maraykanka. Waddamadaas dadkoodu ay isticmaalan laftoodu way garwaaqsan yihiin inay khatar ku tahay Caafimaadka Tobacco-da Lyft. Iyadoo marka horeba dhibaatooyinka Jaadka, Sigaarka, Buuriga iyo Maandooriye-yaasha kale ay bulshada ku hayaan xad dhaaf tahay loona baahnaa in la xakameeyo haddii kuwo kale oo hor leh la ogolaado in bulshadu lagu dhex faafiyo waa mid murugo xanuun badan leh. Lyft Waxay Aafaynaysaa dhalinyarada oo Cuudka iyo Caafimaadkaba ka qaadaysaa. Sidoo kale dhaqaalaha dalka way wiiqaysa. Qofka dhallinyarada ah ee isticmaala ma korayso maskaxdiisu qofka wayna haba sheegin!. Gudaha Somaliland bilihii ugu dambeeyay waxa aad looga qayliyay halista maandooriyaha Tubaakada lagu magacaabo Lyft haday tahay Masaajidada oo Culimaa’u ddiinku kaga hadleen iyo hadday Warbaahinta ama baraha bulshada ah ay bulshadu kaga cabatay si looga joojiyo dalka cidda ka ganacsatana ama lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaado. Markasta oo Maandooriyayaashu soo bataan waxa faraha kasii baxaya Amniga, mustaqbalka dhalinyarada iyo guud ahaan akhlaaqdii bulshada, sidaa awgeed Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland haday tahay Wasaaraddaha ganacsiga iyo arrimaha gudaha, diinta iyo awqaafta, iyo guddida wanaagsan faridda waa in laga hawl galaa sidii loo joojin lahaa Maandooriyaha cusub ee la maagan yahay in dalka lagu faafiyo oo durba dhibkiisu muuqdo”. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gibiley ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhafay ciidanka Booliska maamulka Somaliland ay xir-xireen dhalinyaro ku soo labisatay dharka calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugna halkaasi. Dhalinyarada xabsiga loo taxaabay ayaa xirnaa funaanado ka sameysan Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in ciidamadu ay qabtaan, kadibna ay xiraan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray dhalinyaradaasi ay tahay kaliya labiska ay xirnaayeen ee Calanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhalinyaradasi ay qeyb ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed ee u dabaal-dagayey maalinta Qaran ee kowda Luulyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Somaliland oo ku aadan falkaasi xariga ah. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga soo saaray warmurtiyeed xasaasi ah oo uu ku jiro qodob ka hadlayey is-dhexgalka bulshada.
-
(SLT-Hargeysa)-Rabshadaha ka socda Itoobiya, ee ka kacay fanaanka ka soo jeeda Qoomiyada Oromada Haacaaluu Hundeessaa oo lagu dilay Addis Ababa ayaa samaayn ku yeeshay ganacsiga Qaadka ee Somaliland. Qaadka oo Somaliland uga yimaadda dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanada Qoomiyadda Oromada, ayaan shalay gabi ahaanba soo galin dalka, inkasta oo meelo ka mid ah Suuqa lagu arkayey Dad iibinaya Qaad hore u yaallay iyo Qaadka gudaha Somaliland ka baxa ee loo yaqaanno Waddaniga. Dhanka kale, Marahedaha suuqyada Magaalooyinka Somaliland ayaa shalay la buux-dhaafiyey, gaar ahaan Huteellada Cuntada laga cuno ayaa Mashquul noqday. Dalka Itoobiya, gaar ahaan Caasimadda Addis Ababa ayaa waxa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ka socday Rabshado ay dhigayaan Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaasi oo ka cadhaysan dil loo geystay Fanaan Qoomiyadda ka soo jeeda oo Addis Ababa lagu toogtay, halka Magaalooyinka kale ee Qoomiyaddaasi ka degto Itoobiyana uu ka jiro dhaqdhaqaaq xooggan oo xidhiidh la leh ka Addis Ababa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dowladda Shiinaha ayaa war kasoo saartay xidhiidh dublimaasiyadeed oo ay sameysanayaan Taiwan iyo Somaliland iyada oo Shiinuhu u aqoonsantahay Taiwan qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha. Taiwan ayaa waxa ay sheegtay in ay xafiis ka furanayso magaalada Hageysa ee caasimadda Somaliland, iyada oo tallaabadaas uu si deg deg ah uga hadlay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya. Labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan ayaa la sheegay in ay Taleefoonka kaga wadahadleen nooca xidhiidhka dhexmaraya iyaga oo ku heshiiyay is aqoonsi iyo in midba midka kale Baasaboorkiisa uu ku tago Soomaaliland ama Taiwan. Dhinaca kalan dowladda China ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, in kasta ay madaxbanaani sheegato. Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrintaan waxaana uu tilmaamay in warkaan aanu aheyn mid aan cuntami doonin sida uu hadalka u dhigay. “Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yidhi bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dowladda Itoobiya Abiye Axmed ayaa xiligan la tacaalaya xiisadda iyo rabshadaha ka dhashay dilka loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay qawmiyada Oromada kana mid ahaa mucaaridkiisa. Rabshadaha ka dhacay caasimada Addis Ababa ayey illaa iyo hadda ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada. Fanaan Hundeessaa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ahaa mid qorsheysan. Salaasadii ayey magaalada Addis Ababa ka bilaameen kacdoon ay sameenayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi. Waxaana lagu wadaa in maanta oo khamiis ah fanaankan lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Ambo oo 100km dhanka Galbeedka ka xigta caasimada Addis Ababa. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo aanu magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee. Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sannadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay. Source
-
Ciidamo Militari ah oo tiro badan ayaa lagu daadiyey saacadihii tagay gudaha caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa iyaga oo baaraya xaafadaha. Tani, waxaa ay ka dambeysay kadib markii ay dhaceen dibaxbaxyo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof oo ka soo horjeeday dil loo geystay fanaanka Haacaaluu. Waxaa kale oo qalalaaso ka socdaa gobollada ay Oromada degto, oo fanaanka la dilay ayaa ahaa qowmiyaddaas, waxaa kale oo rabshadaha sii huriyey xariga hoggaamiye mucaarad oo isla Oromo ah waana Jawar Maxamed. Waxaa ay arrimahan oo dhan saameyn ku yeesheen ganacsiga iyo isu socodka, waxaa kale oo la jaray korontada iyo Internet-ka. Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya Tigreega iyo xataa qowmiyadda uu dhashay Oromo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan iska hor imaadkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb. Falagle ayaa wareysigan ku sheegay in dagaalka uu yimid, kadib kala shaki soo kala dhex-galay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan shaqaaqadaasi, islamarkaana ay guddi u saareen. Dagaalkii shalay ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo NISA, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. View the full article
