Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war cusub ka soo saaray hadalkii dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ee ahaa in waqtigeeda ay ku dhici doonta doorashada 2020/2021. Qoraalka xisbiga Wadajir ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aadan qabsoomida doorashooyinkaasi oo isugu jira baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Sidoo kale xisbiga ayaa ka dalbaday Khayre inuu hadalkiisa u bedalo ficil, isla markaana xukuumaddiisa ay qaado tallaabooyin lagu abuuri karo jawi wada-hadal oo dhex mari karo madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale saamileyda siyaasadeed ee dalka. Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu dhiira-gelinayo fahamka Ra’iisul wasaare Khayre ee mudnaantiisu tahay doorashada iyo muhiimada ay u leedahay xasiloonida dalka in afartii sano mar la qabto doorasho la isku raacsan yahay. Ugu dambeyn xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqalad ku ah doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso:-
  2. (SLT-Addis Ababa)-Suudaan ayaa u yeedhatay wakiilkeedii Itoobiya iyaga oo ka muddaharaadsan waxa ay ku sheegeen faragelinta soohdimaha ay leeyihiin oo ay soo galeen maleeshiyaad Itoobiyaan ah. Waxaana labada dal u socday wadahadallo ku saabsan xiisadda ka dhex taagan dhanka kale ee biyo xidheenka webiga Niilka, kolkaas oo Itoobbiya sheegtay inay dhamaystirkiisii ku dhawdahay. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Khartuum, ayaa sheegtay dagaalyahanno ka tirsan maliishiyaad Itoobiyaan ah – oo ay taageerayaan ciidanka Itoobiya – ayaa si sharci darro ah uga tallaabeen xadka. Tani waxay dhalisay isku dhacyo horaantii todobaadkan, ka dhex dhacay labada dal, isla sidoo kalena lagu diley askari reer Suudaan ah iyo wiil yar, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Addis Ababa. Muddo sannado ah beeraleyda reer Suudaan waxay ku eedeeyeen dhiggooda Itoobiya inay qabsadeen dhul beereedyo u dhow soohdinta dalkaasi la wadaago Itoobbiya. Arrinta ayaa suuragal ah inay hadda noqotay mid deg deg ah sababta oo ah xiisad kale oo ka dhaxaysa deriska ayaa hor u jirtay -taas oo ahayd dhismaha biyo xidheen ballaadhan oo ku yaalla galbeedka Itoobiya. Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ku doodaya in ay luminayaan biyaha muhiimka ah ee Wabiga Niil, haddii Itoobbioya xidhato Source
  3. (SLT-Garoowe)-Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Isimada maamulka Puntland ay bilaabeen dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay. Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa la sheegay inay aqbaleen dalabka dhex dhexaadinta Isimada, kaddib kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen, waxayna ogolaadeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda. Kulamada ka socda magaalada Garowe ayaa waxaa qeyb ka ah xubno horay xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Isimada ku howlan dadalaada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Saleebaan Garaad maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed. Ma aha markii u horreysay ee khilaaf soo kala dhex galo Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, waxaana khilaafkan uu ka dambeeyay, markii Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash uu ka hor-yimid magacaabis uu sameeyay Madaxweyne Deni, kuna tilmaamay in aan lagala tashan. Source
  4. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay shir guddoomiyay kulamka joogtada ah xubnaha guddiga qaran ee xakameynta cudurka safmarka ah ee COVID19, kaas oo habeen walba si joogta ah u qabsooma. Shirka oo u qabsoomay hab muuqaal Internet-ka aha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha caafimaad ee gobolada dalka, gaar ahaan Coronavirus iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa amray in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo. Horey ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay gurmad caafimaad oo kala duwan u gaarsiisay gobolada dalka oo laga helay kiisas ka mid ah cudurka faafa Coronavirus, sida magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Jowhar, Garoowe iyo deegaano kale. View the full article
  5. A powerful roadside bomb has ripped through a passenger bus in the outskirts of the capital Mogadishu causing unknown casualties, police and witnesses said. According to an eyewitness the blast which has resulted from a remote controlled landmine struck a minibus ferrying passengers near “Hawa Abdi” village lower Shabelle region, some 18 km south of Mogadishu. He said the bus which was heading to Mogadishu ran over the landmine causing deaths and injuries. There was no immediate confirmation of the casualties as the area is sealed off by the police and ambulances are on the scene to transport the victims to the hospitals. He added There was no immediate claim of responsibility for the explosion Developing story, more to come soon.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib qarax saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo marayey halkaasi, waxaana saarnaa dad shacab ah oo u badnaa ganacsatada Qudaarta ka keenta degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ka bad-baaday kaliya gabar yar oo ka mid ah aheyd rakaabka, islamarkaana dhammaan dadkii kale ee gaariga la socday oo gaarayey illaa 20 qof ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gurmad u fidiyeen dadkaasi, islamarkaana ay u soo qaadeen dhaawacyada daran isbitallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye kula eegata ciidamo dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo dad shacab ah uu qarax ku haleelo jidka dheer ee xiriiriya gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso codka guddoomiyaha Ceelaha Biyaha. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Qarax-.mp3
  7. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo u badan ganacsatada Quduaarta, xilli uu marayey deegaanka Xaawo-Cabdi ee gobolka Sh/Hoose. Guddoomiyaha maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta gaaray ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyey qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof, sidoo kalena ay ku dhaawameen tiro intaasi ka badan. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-gudoomiyaha-amniga-deegaanka-ceelasha-.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu dhex-maray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ku sugan kontoroolka Tarabuunka iyo sidoo kale ilaalada guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun. Wararka qaar ayaa sheegaya in is-rasaaseynta ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiye Dhagajuun, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xarunta caafimaad oo ku taallada magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku guuleystay inay kala qaadaan ciidamadaasi. Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ee ka dambeysa dagaalka u dhexeeyey labadaasi ciidan, balse waxaa loo badinayaa is faham-waa soo kala dhexgalay labada dhinac. Weli ma jiro sidoo kale wax faah faahin oo laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey iska hor imaadyada dhexmara askarta dowladda e ku sugan Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa rayidka.
  9. Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhalinyaradii lagu laayey deegaanka Gololey. Odawaa ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalku aysan wax lug ah ku laheyn falka xasuuqa ah ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baaritaano horudhac ah ay ku ogaadeen in falkaasi arxan darrada ahaa aysan ka dambeyn ciidamada milatariga Soomaaliya. Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan howlgal dhacdadaasi ku aadan, islamarkaana natiijada ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-310520-sx.mp3 View the full article
  11. Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose waxaa ay ku toogteen nin oday ah oo ay gacanta ku hayeen. Ninkaas oo lagu magacaabi jiray, Abuukar Xaaji Cumar ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu ahaa nin ku shaqeysan jiray Sixirka, waxaana fagaaraha lagu toogtay ku sugnaa qaar ka mid ah dadka deegaanka. Abuukar Xaaji Cumar ayaa caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Al-Shabaab ay sheegeen in muddo 5 sano ah uu Sixirka ku shaqeysanayay. Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay goob fagaarayaal ah ku oogteen dad badan oo qaarkood ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda shisheeye. View the full article
  12. Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyey hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre, oo muujiyay in ay Xukuumaddiisa ka go’antahay, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo. Xisbiga ayaa sheegay, in uu dhiirri-gelinayo Fahamka Ra’iisul wasaaraha ee mudnaanta siinaya, in afartii sanaba mar dalka ay ka qabsoonto doorasho loo dhanyahay, oo xasilooni ku dhacda. Qoraal ka soo baxay xisbiga, ayaa sidoo kale loogu baaqay xukuumadda Khayre, in ay hadalka ficil u rogto, oo ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo abuuri kara jawi wada-hadal dhexmara saamileeyda siyaasadda dalka, si looga wada-xaajoodo hannaanka doorashadu u dhacayso. Qoraalka ayaa hoosta ka xarriiqay, in wakhtiga kooban ee xukuumadda u harsan, ay waajibtahay in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo dalka looga badbaadinayo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana ay ka shaqayso in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto PUNTLAND POST The post Xisbiga Wadajir oo taageeray hadal ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Khayre appeared first on Puntland Post.
  13. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Lafoole, islamarkaana ay la socdeen dad u badan ganacsatada Qudaarka keenta Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in khasaare u badan dhimasho uu ka dhashay qaraxaasi, islamarkaana uu haatan socdo gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kala duwan ka soo gaartay qaraxaasi. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-.mp3 View the full article
  14. Minneapolis (Caasimada Online) – Waxaa kasii daraya rabshadaha ka socda magaalooyin badan oo ka mid ah dalka Mareykanka, kuwaasi oo ka dhashay dilka uu askari caddaan ah u gaystay nin madow ahaa. Dibad-baxyada ayaa xalay ka socday magaalooyin ay ka mid yihiin Minneapolis, Denver, Chicago, Los Angeles, Seattle, Washington DC, New York, Philadelphia, Pittsburgh, Atlanta, Milwaukee, Louisville, Columbia iyo magaalooyin kale. Baabuurta booliska ayaa la gubay, waddooyinka waa weyn ayaa la xanibay, daaqadaha dhismooyinka ayaa la burburiyey, waxaana mas’uuliyiinta ay adeesgsanayeeen sunta gaaska ee dadka ka ilmeysiisa iyo xitaa xabadaha caagaha ah, si ay ugu kala eryaan dibad-baxayaasha, Qaar ka mid ah barasaabyada gobollada ayaa soo kiciyey ciidamada loo yaqaan Ilaalada Qaranka ama National Guard, waxaana Bandow lagu soo rogay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Atlanta, Louisville, Denver iyo Milwaukee. Magaalada Seattle ayaa waxaa loo yeeray 200 oo ka mid ah ciidamada Ilaalada Qaranka oo aan hubeysneyn. Magaalada Los Angles ayaa soo rogtay Bandow, hase yeeshee ma adeegsan ciidamada Ilaada Qaranka. Magaalada caasimadda ah ee Washington Dc, dibad-baxayaasha ayaa waxay isku dhaceen ciidamada ilaalada madaxweynaha ee loo yaqaan Secret Service kadib markii ay isku dayeen inay jebiyaan xeendaabka Aqalka Cad. Magaalada Chicago, dibad-baxayaasha ayaa ku xoomay dhismaha Trump Tower, halka magaalada Philadelphia, ay dibad-baxayaasha jebiyeen dhisme ku yaalla xarunta lagu xukumo magaalada kadibna ay dab qabadsiiyeen. Carrada shacabka, gaar ahaan kuwa madow ayaa ka dhalatay markii askari caddaan ah uu inta madaxa dhulka u dhigay, jilib ka saaray luqunta George Floyd oo madow ahaa, ilaa naftu ay ka baxdo. Askarigaas, oo lagu magacaabo Derek Chauvin, ayaa maalmo kadib la xiray, balse xaaladda ayaa kasii dareysa. Waxaa jira khasaare hantiyeed oo weyn, sida goobo ganacsi oo la bililiqeystay iyo qaar la gubay. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac balse tirada saxda ah ayaan la hubin. Hoos ka daawo sawirradii ugu dambeeyey rabshadaha
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida qorshaysan saaka oo Axad ah la kulmaya qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo ku hawllan dhex-dhexaadinta khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan. Isimada oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa saaka madaxweynaha kula kulmaya xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe si looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa. Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegaysteen qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay Muranka isaga iyo Madaxweyne Deni. Dadaallo hore oo lagu doonayay xallinta Khilaafka labada Hoggaamiye ayaa fashil ku dhammaaday waxaana haatan Isimadu wadaan dadaalkii u dambeeyay si loo dhammeeyo isfaham-waaga Deni iyo Karaash oo gaarsiisan heer aysan salaanta iska qaadin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo saaka la kulmaya Isimadii dhex-dhexaadinta waday appeared first on Puntland Post.
  16. Over 90,000 mosques in Saudi Arabia reopened their doors to worshippers on Sunday morning after over a two-month closure as part of an ease in the curfew restrictions to prevent the spread of the novel coronavirus. Source: Hiiraan Online
  17. Joyce Beatty was trying to deescalate a confrontation with police. Source: Hiiraan Online
  18. Maxkamad ay leeyihiin malayshiyaadka Al-shabaab oo ka dhisan gobolka Shabeellada hoose ayaa laga soo xigtay in ay xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay saaxirnimo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee shalay xukunkaasi ka dhacay fagaare ku yaalla degaan hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose. Al-shabaab ayaa xukunkaasi dilka ah ku fuliyay marxuum Abuukar Xaaji Cumar oo da’diisa lagu sheegay 50-sano jir kadib markii sida ay sheegeen lagu helay dambi saaxirnimo ah Maxkamadda ayaa laga soo xigtay in marxuum Abuukar uu si cad u qirtay in uu mudda 5-sannadood ah ku shaqaysanayey tafaaful (sixir) islamarkaana uu dhibaato u gaystay dad badan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ku eedaysnaa Tafaaful appeared first on Puntland Post.
  19. 1 – Kheyre kolkii uu hadlayey waxaa ka muuqday hadalkiisa go’aan ah in doorasho la qabto noocii ay doonto ha noqotee uusan ahayn mid isaga iyo Madaxweynuhu isla ogyihiin, wuxuuna ku koobay golihiisa fulinta. 2- Waxa uu meesha ka saaray qodobkii ahaa in doorasho qof iyo cod ah (One man one vote) dooorasho ah ay dalka ka dhacdo, baddelkeesa waxa uu yiri doorasha loo dhan yahay, sida ugu macquulsan ku dhacda! 3 – Kheyre waxa uu isticmaalay ereyga Villa Somalia laga neceb yahay ee ah “Saamiley”( Stakeholders) doorasho ay ku wada qanacsanyihiin, taas oo meesha ka saaraysa in kaliya dalka lagu hoggaamiyo qodobbada sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, guddiga madaxa-bannaan iyo baarlamaanka in loo daayo howsha. 4- Arrinta kale ee lagu ogaan karo kala aragti-duwanaanta waa in hadalka Kheyre aysan soo dhawayn, ka hadlin ama dareenkooda aysan dadka la wadaagin la-taliyayaash Madaxweynaha, warbaahinta xafiiska Madaxweynaha iyo Xildhibaannada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo. 5- Ciddii xasuusata waraysigii Madaxweynaha looga qaaday Addis Ababa, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sharci-darro ku tilaamay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016-2017 dalka ka dhacay, halka Kheyre u muuqdo in uu u ololeynnayo doorashadii 2016 oo wax lagu kordhiyey. Gebogebo! Soomaali badankeed, inteeda waxgaradka ah, maanta waxa ay ka mideysanyihiin in ay lagama maarmaan tahay doorashoyin loo dhan yahay, heshiisna ay ku yihiin saamileydu siyaaaaddu, xilligeedana ku dhacda. Waxaana mowqifkaa lala wada qabaa RW Kheyre. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Djibouti's Ministry of Health on Saturday announced 280 new COVID-19 cases, bringing the total number of confirmed cases in the Horn of Africa nation to 3,194 as of Saturday afternoon. Source: Hiiraan Online
  21. London — In July last year Google initiated the Equiano cable. The announcement of the 2Africa cable which involves Facebook completes the second generation cable build announcements. Russell Southwood talked to Ibrahima Ba, Network Investments Lead at Facebook about how it might work. Source: Hiiraan Online
  22. Along the trail of looting and vandalism left by a violent outburst of protest against the police killing of a black man, immigrant business owners on Friday swept broken glass, boarded up windows and counted their losses. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay jidka dheere ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen ku dhowaad 25 qof, kuwaas oo waxyeelo ay soo gaartay. Gaariga oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaraxa uu ku qabsaday agagaarka deegaanka Xaawa-Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegaan Caasimada Online, waxaa khasaare u badan dhimasho uu soo gaaray rakaabkii saarnaa gaariga qarxay, waxaana sidoo kale jira dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurma loo fidinaayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay miinadaasi kula qaraxday duleedka magaalada Muqdisho. Faah faahinta kala soco:- Caasimada.net
  24. They came from all walks of life and many beliefs. Source: Hiiraan Online