-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay inaysan marnaba Somaliland saameyn ku yeelan doonin kulamada ka dhanka ah ee ay ku howlan tahay dowladda federaalku. Wasiir Faratoon ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka cusub ee Somaliland la yeelatay Taiwan uusan waxba ka badaleyn kulankaasi ka dhacay Muqdisho, oo si gaara diirada loogu saarayey xiriirka iyo heshiiskaasi cusub. “Waa wax aan fili karno, labadooda taas ayey ka wada duulayaan, laakiin annaga ma ahan wax na khuseeyo, waxey iyagu ku heshiiyeen iyo waxey ka wada hadleenba lama socono mana ahan wax aan ku raacsanahay oo iyaga ayey danahooda tahay, anaga iyo Taiwan waxaa naga dhaxeeya dano kale,” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamed Faratoon oo la hadlayay idaacadda VOA. Faratoon ayaa sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dano isku mid ah kala dhaxeeyan, isla markaana ay khuseyn oo waxba yeelayn kulamada dowladda federaalka iyo Shiinaha ee la xiriira heshiiiska cusub ee dhawaan ay kala saxiixdeen. Heshiiska cusub ee ay dhawaan kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland ayaa abuuray xiisad cusub, maadama ay labada dhinac kala sheeganayaan inay qeyb ka yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxaa la fahamsan yahay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya (Qin Jian) iyo madaxweyne Farmaajo ay labaduba ka mideysan iney xad gudub tahay xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara labada maamul.
-
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta xariga ka jaray xarumo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay. Dhismahan cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa waxaa hirgeliyay Dowladda Qatar. Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xarigga ka jaray xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka. Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka. “In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta. Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka. “Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xurntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya. Xarunta maanta la daahfuray ayaa ka shaqeyn doonta sadaasha iyo la socodka halis wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado raacsan Qaramada Midoobay. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa looga hadlay dilkii maanta loo geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow. Xildhibaanka ayaa lagala dagay gaari uu saarnaa oo kusoo jeeday Muqdisho, waxaana dilka sheegtay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhamaan dowladda Goboleedka Hirshabelle geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Maxamed Siyaad, waxaan alle uga baryeynaa inuu Janadiisa Fardowso hoy uga dhigo, samir iyo iimaan naga wada siiyo” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay gudoonka sare Baarlamaanka Hirshabelle. Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu dhamaan xildhibaanada Hirshabelle ka codsaday ineysan ku safrin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar. Halkaan ka akhrio qoraalka Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle. Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho. Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa hawlgal amniga lagu sugayay oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso kusoo qa-qabtay rag ay uga shakisan yahiin iney ka tirsan yahiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Warbaahinta gudaha ayey saraakiisha hawlgalkaan hogaaminayay u sheegeen iney sameynayeen hawlgal lagu xaqiijinayay amaanka isla markaana guri guri loo baarayay xaafado ka tirsan Boosaaso. Toban ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo iyo iney ka tirsan yahiin Daacish ayaa lagu qabtay hawlgalka sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha hogaamineysay hawlgalka. Wararka waxey intaas ku darayaan in qaar ka mid ah guryaha laga helay hub iyo jaakadaha qaraxyada kuwaas oo sida la sheegay la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka gobolka Bari. Saldhigga dhexe ee Boosaaso ayaa lagu xiray dadkii lagu qabtay hawlgalka, waxaana lagu sameyn doonaa baaritaanno dheer iyadoo lasii deyn doono qofkii dambi lagu waayo. Boosaaso waxaa horay uga dhacay falal amni xumo oo uu ka mid ahaa weerar is ismiidaamin ah oo lagu dilay gudoomiyahii gobolka Bari iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta billowday dhageysiga eed ka dhan ah askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey ahaa oo halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi. Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay marxuumka lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa Sigaar. Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen, Cabdullaahi Buule Kameyn ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin. Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonto Maxkamadda. View the full article
-
Dalalka UK, Denmark iyo Netherland ayaa Somaliland la saxeexday heshiis lagu fulinayo afar mashruuc oo muhiim ah kuwaas oo qayb ka ah wajiga labaad ee SDF. mashaariicdan ayaa kala ah dib u dhiska waddada isku xidha Berbera iyo Burco. mashruuc lagu horumarinyo Beeralayda Awdal iyo Maroodi-jeex. Biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa ayaa ah mashruuca saddexaad. Mashruuca Afraad ayaa ah dhismaha Deked yar oo Kalluumaysi taas oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Maydh ee gobolka Sanaag. saddexda Safiir ee Waddamadan u qaabilsann Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdan lagu saleeyay Qorshaha horumarinta Qaran ee Somaliland. https://www.gov.uk/government/news/uk-denmark-and-netherlands-approve-agreements-with-somaliland-government-on-critical-infrastructure-to-improve-peoples-lives https://www.gov.uk/government/news/uk-denmark-and-netherlands-approve-agreements-with-somaliland-government-on-critical-infrastructure-to-improve-peoples-lives Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Nuur Daahir Geeddi oo si bareer ah u dilay Cumar Xasan Macallin 16-kii June, dilkaasi oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta. Marxuumka ayaa ahaa 70 jir nolosha ka maareynayay iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Somali ah oo sigaar kaga iibsanayay. Eedeysane Nuur ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas dilka ah. Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka. Askarigaan oo ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa qareenadiisa soo jeediyay in eedeysanaha uu ku jiray xiligaasi xaalad kale. Ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa si naxariis daro ah shacabka bilaa macna daro ugu dila magaalada. Halkaan ka daawo Muuqaalka.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii fulinta xisbiga oo muddo 4 billood ah aan qabsoomin. Shirkan ayaa lagaga hadlay Arrimaha qabsoomidda doorashooyinka, xulashada xildhibaannada xisbiga, dar-dar galinta hawlaha xisbiga iyo sidii haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasiga ah ee ka maqan Sida oo kale waxa la iskaga xog waraystay arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, dib u habaynta qaab dhismeedka xisbiga oo ay ugu horeeyaan dib u habaynta Gobollada iyo garabka Dhallinyarada. Waxa kale oo la iskaga xog waraystay waxqabadka xisbiga ee muddadii aanay shirarku qabsoomin COVID 19 awgii Qaran News
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta kula wareegtay magaalada Cadaado hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad. Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo goobta kula hadlay maleeshiyada ayaa sheegay in ay ka mid noqon doonaan askarta loo diyaarinaayo in ay noqdaan Daraawiishta Galmudug, tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonaan wixii maanta ka dambeeya. Qorshaha ay wasaaradda amniga Galmudug ku sharciyeyneyso Maleeshiyo Beeleedyada ayaa ka soo billowday magaalada Gaalkacyo, waxaana ujeeddada laga leeyahay ay tahay inay qeyb ka noqdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Diyaarad shil ku gashay Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Somalia+Sawirro Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi shil ku gashay diyaarad nooca yar yar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Diyaaradan oon wali la shaacin waxa ay waday ayaa shil aan khasaaro nafeed geysan ku gashay garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana diyaarada oo nooceedu yahay 5Y-WFC soo gaadhay waxyeelo. Sida wararka aan ka helay diyaaradan tibaaxayaan xabadka ay dhigatay garoonka diyaarada degmada Baardheere, waxaana diyaaradan shilka gashay iska leh shirkada lagu magacaabo Buff Air . Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada duuliista hawada Xukuumada Farmaajo oo ku saabsan shilkan diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Baardheere. Qaran News
-
Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay dad isugu jira rayid iyo ciidan. OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo qoysaska dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaasi. Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aadan ficillada lax iriira qaraxyada, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin mar-walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka la xiriira qaraxyada. Dhinaca kale War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho. Dowladda Qatar ayaa tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo. Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay dowladda federaalka la garab taagan tahay taageero lagaga hor-tagayo weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka. View the full article
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay ku hoobteen xaafadda Siimow oo ay dagan yihiin dad shacab ah, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay halkaasi ugu yaraan labo caruur ah, iyadoona ay sidoo kale dhaawacantay hooyadood, kadib markii uu gurigooda ugu tegay madfac. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey madaafiicdaasi iyo sida ay tahay xaaladda deegaanka. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Cod-Janaale.mp3 View the full article
-
Sawirka haweeneyda ka tirasan saraakiisha ilaalada Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday mid ay aad u hadal hayaan dadweynaha sacuudi Carabiya ee baraha bulshada isticmaala, waxaana uu horseeday falcelino kala duwan oo u dhaxeeya taageerayaasha in dumarka ay qeyb noqdaan saraakisha sar-sare ee ammaanka iyo mucaaradka diidan fikraddaasi. Dood kulul oo uu horseeday sawirka haweeneyda ayaa bilaabatay, ka dib markii uu daabacay Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Bin Khaled Al Saud. pic.twitter.com/RRcKKS2Vfv — سطام بن خالد آل سعود (@sattam_al_saud) June 25, 2020 Sawirka muranka badan abuuray ayaa muujinaya haweeneey xiran dareeska ilaalada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu bar-bar taagan yahay askari kale. Waxay taagnaayeen albaabka goob la aaminsan yahay iney tahay gudaha Qasriga Boqortooyada ee magaalada Riyaadh. Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa soo dhaweeyay fikradda ah in haweenka ay ka mid noqdaan Ilaalada Boqortooyada sida ragga oo kale, waxayna qorshahaasi ku tilmaameen mid-waangsan oo dhiira-gelin u ah guud ahaan dumarka. Waxay sheegeen in tallaabadani ay sidoo kale bulashada u horseedeyso sinaanta jinsiga. مشاركة المرأة في #الحرس_الملكي تسر الناظرين، المرأة لابد ان تحظى بالثقة في قدراتها وهذا أمر لا يخالف شرعنا وثقافتنا، ولا يرى عكس ذلك الا متخلف *دينياً، ابحثوا عن (أم عمارة) والتي دافعت عن النبيﷺ في غزوة احد *ثقافياً، ابحثوا عن البطلة السعودية غالية البقمية التي دحرت العثمانيين pic.twitter.com/PDbuHXioO8 — إبراهيم المنيف (@altamimi14) June 25, 2020 وفق الله بنات الوطن في خدمة دينهم ووطنهم .. المرأة السعودية امرأةٌ صبور ، كلما دخلت في وظيفة جديدة لها لاقت استهزاء من بعض أطياف المجتمع ومع ذلك تثبت جدارتها واستحقاقها .. شجعوهنّ وادعموهنّ ولا تلقوا لأوهام الصحوة بالاً ، فتاريخهم معروف ، وأساليبهم لم تتغيّر! #الحرس_الملكي pic.twitter.com/GYBizxewzc — كالعرجون القديم (@H_abdullah86) June 25, 2020 Dhanka kale qaar ka mid ah dadka adeegsada barta Twitter-ka ayaa ka soo horjeestay fikrada ah in haweenka ay ku biiraan gabi ahaanba ciidamada ammaanka halka qaar kalana ay ku doodayaan ineysan sinaan ahayn haddii haweenka lagu daro ciidamada Ilaalada Boqortooyada. #الحرس_الملكي المرأه السعودية من زمان لها مكانها في المجتمع وفيه امثله كثير لاكن لكل مقام مقال وربي خلقنا ذكر وأنثى ماكان عجزان يخلقنا كلنا جنس واحد!والمساواه عمرها ماكانت ب مزاحمه الرجال في وظايف في النهايه هو رجل وانتي امراه! باقي الرجال يحمل ويولد بس — (@l0xo0xol) June 25, 2020 قال رسول الله "لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة" وهذا ليس انتقاص لقدرات المرأة القيادية ولكنه توجيه لقدراتها التوجيه الصحيح حفاظاً عليها من الضياع في أمر لا يلائم طبيعتها النفسية والبدنية ولا يتوافق مع أحكام الشريعة الإسلامية الأخرى التي حفظت المرأة من الفساد والإفساد #الحرس_الملكي pic.twitter.com/vpa7yZ8fR7 — أبو منيف الخالدي (@khaldee_ksa) June 25, 2020 Dadka qaar waxay aamisan yihiin in Sacuudi Carabiya aysan weli gaarin heerkii ay ku ogolaan lahayd in haweenka ay ku biraan ciidamada amniga sababtoo waxay aaminsan yihiin in tallaabadaasi ay ka so horjeedo caadada iyo dhaqanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Sannada ka hor, dhaxal-sugaha Sacuudiga Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa isku dayay inuu hagaajiyo sumacadda dalkiisa ee caalamka isagoo bilaabay olole ku aaddaan hiigsigiisa 2030-ka, kaasi oo dad badan u arkeen inuu amiirka isbadal badan sameyay oo ay inta badan ka faa’iideen haweenka Sacuuudiga. Waxay heleen xornimo iyo dhaqaaq aysan markii hore haysan. Qaran News
-
Diyaarad nooceedu yahay Fokker 50, kuna diiwaan-gahan 5Y WFC5Y-WFC, islamarkaana ay leedahay shirikada Buff Air ayaa maanta shil Ku gashay garoonka magaalada Baardheere. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay waday shinaxad ay leedahay mid ka mid ah ha’yadaha samafalka ee ka howl-gala magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax khasaare ah uusan ka dhalan shilkaasi diyaaradeed. Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay shilka, balse saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
UK, Denmark and Netherlands approve agreements with Somaliland Government on critical infrastructure to improve people’s lives The new agreements, supporting projects on roads, agricultural systems, water facilities and fisheries, will spur economic growth, helping to support a secure and prosperous Somaliland Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region Under Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, the UK, Denmark and the Netherlands have approved four agreements with the Somaliland Government to improve critical infrastructure to support economic growth. These projects were prioritised by Phase II of the Government of Somaliland’s National Development Plan, and will improve the lives of hundreds of thousands of people across Somaliland. The new agreements, supporting projects on roads, agricultural facilities, water systems and fisheries will spur economic growth benefitting the region and helping contribute towards a stable, peaceful and resilient Somaliland while improving its resilience to future pandemics through enhanced water, sanitation and hygiene (WASH) infrastructure. These projects include: Project 1:Rebuilding of Burao–Sheikh-Berbera road in Togdheer and Sahil regions The rebuilding of the Burao to Berbera road will include 82km of full asphalt concrete overlay, the resurfacing of bridges and renewal of drainage systems. Improving connectivity between Somaliland’s port and its second largest city will reduce travel time and costs benefiting the 50,000 members of the public who use this road regularly and contributing to economic development by enhancing service delivery and boosting trade, particularly in the livestock, agriculture, and fishery sectors. Project 2:Sustainable land management in Awdal and Maroodijeh regions: The project will improve the agricultural production of small farmers through soil and water conservation, research, extension and farmer training. This project will target the agricultural areas of Durdur Ad Upper Catchment in Awdal and Maroodijeh Upper Catchment in Maroodijeh. Project 3: Support to the Hargeisa Water Agency, supplying water to the people of Hargeisa. The SDF2 will continue its support to the Hargeisa Water Agency (HWA), which supplies clean water to the people of Hargeisa. This project will allow HWA to extract an additional 4,000 m3 of water each day from Laasdhure aquifer. This project will increase the water available in Hargeisa by more than 20%, to 23,000m3 per day – enough to meet the needs of an additional 200,000 people. Project 4: Construction of Maydh fishing jetty in the Sanaag region: The Maydh Jetty will improve interconnectivity by sea between Berbera and the 750,000 people living in the hinterland of Sanaag and parts of Togdheer, spurring regional economic growth as well as facilitating the transport of fish to markets. This support will boost food security, employment and incomes. The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: The UK is committed to supporting Somaliland lay the foundations for sustainable economic growth. We are announcing today a set of major infrastructure investments in four sectors across Somaliland. We will be upgrading the road from Burco to Berbera, supporting agricultural production in Awdal and Moroodijeh, increasing by 20% the water in Hargeisa, and building a jetty in Maydh to enable exports from Sanaag and Togdheer. These projects will improve the lives of hundreds of thousands of people by creating jobs and unlocking the region’s economic potential. At a time of huge challenges for Somaliland, including tackling COVID-19, this demonstrates the UK’s commitment to the people of Somaliland. The Danish Ambassador to Somalia, Mette Knudsen, said: Denmark warmly welcomes the approval of these four important SDF projects and the solidarity shown by the Government of Somaliland and SDF donors to identify priority needs, ensure regional and sectoral balance, and align SDF investments with the priorities of Somaliland’s NDPII. The investments are particularly timely in the face of the Covid-19 pandemic and its economic effects that are only just beginning to emerge. We are confident that these investments will have catalytic effects to spur Somaliland’s economic development and to help support and sustain Somaliland’s economic recovery from this terrible pandemic. The Netherlands Ambassador to Somalia, Frans Makken, said: The Kingdom of Netherlands has enjoyed cordial and collaborative relations with the Somaliland Government over many years; and through the projects in the SDF2, the Netherlands is happy to be part of the contribution to strengthening the social contract between the government and its people. These projects will strengthen the positive social and economic growth trajectory of Somaliland. Source Gov.uk Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-EE-05072020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii fulinta xisbiga oo muddo 4 billood ah aan qabsoomin. Shirkan ayaa lagaga hadlay Arrimaha qabsoomidda doorashooyinka, xulashada xildhibaannada xisbiga, dar-dar galinta hawlaha xisbiga iyo sidii haweenka iyo bulshada laga tirada badan yahay u heli lahaayeen xuquuqdooda siyaasiga ah ee ka maqan Sida oo kale waxa la iskaga xog waraystay arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, dib u habaynta qaab dhismeedka xisbiga oo ay ugu horeeyaan dib u habaynta Gobollada iyo garabka Dhallinyarada. Waxa kale oo la iskaga xog waraystay waxqabadka xisbiga ee muddadii aanay shirarku qabsoomin COVID 19 awgii Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Ugu yaraan 166 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Ethiopia, kuwaas oo ka dhashay Dilka fanaankii ka soo jeeday Qoomiyada ugu badan wadanka Ethiopia ee Haacaaluu Hundeessaa. sidaas waxa shalay oo sabti ahayd sheegay ciidamada Booliska ee wadanka Ethiopia, kuwaas oo ka warbixinayay khasaarihii dhacay. “Kadib DhimashadiiHaacaaluu, 145 qof oo rayid ah iyo 11 ciidamada amaanka ah ayaa naftooda ku waayey qalalaasaha ka jira gobolka,” ayuu yidhi Girma Gelam, kuxigeenka taliyaha booliska ee gobolka oromia, kaas oo u waramayay Fana Broadcasting Corporate oo ka tirsan gobolka. waxa uu intaasi u ku daray Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska ee Deegaanka Oromia dad gaadhaya 167 qof oo kale ay ka soo gaadheen dhaawacyo rabshadahaasi, iyada oo ay ciidamaduna gacanta ku dhigeen in ka badan 1,084 oo loo aanaynayo in ay ahaayeen maskaxdii ka dambaysay dibadbaxyadda. Girma ayaa xusay in ay hadda guud ahaanba joogsadeen dibadbaxyadii ka dhashay dilka fanaanku. Magaaladda Addis ababa ayaa sida uu ku waramayo Wargeyska The Gaurdian la rumaysan yahay in ay sidoo kale toban qof oo kale kudhinteen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirkii hore ee Somaliland u qaabilsnaa Urur Gobolleedka IGAD, Aadan Muuse Jibriil ayaa ka hadlay Dariiqyada Somaliland Beesha Caalamku ku qiimaynayso ee u sahlaya inay hesho Dariiqa loo maro Ictiraafka ay ku raad-joogto. Aadan Muuse Jibriil waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka dhex maray Somaliland iyo Dawladda Taiwan, waxaanu sheegay in xidhiidhkani aanu ahayn mid cusub, balse uu hadda sii xoogaystay, inkasta oo xilliga uu ku soo beegmay la taagan Xaalad Dunida u diyaar-garoobayso Dagaalkii Qaboobaa isla-markaana loo kala fadhiyo ‘Reer Galbeed iyo Reer Bari’. Ambassador Aadan Muuse Jibriil oo ugu horrayn ka hadlaya waxyaabaha Midnimada Dadku ka mid tahay ee Somaliland looga baahan ayaa yidhi “Ictiraafku waa inaad dalkaaga Hantidid, midnimada dadkaaga iyo Wada-jirkiisa iyo xaq qaybsigiisa, hadday tahay dhinaca Maamulka, dhinaca dhaqaalaha inay isku dheeli-tiran tahay Maamulka dalkaaga.” Aadan Muuse waxa kale oo uu sheegay “Innagu Somaliland ahaan 30-kaa sanadood waxaynu ku jirnay halgan ah sidaynu u xoojino Dawladnimadeena, mar walbana Mushaakil wuu jiraa, is-qabad baa jira oo Nolosha ayuu ka mid yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dunidu waxay eegaysaa oo ay indhaha ku haysaa saddex Waxyaabood, inaad amniga dalkaaga inaad sugayso, Midnimada dalkaagu inay sugan tahay iyo inaad Istaraatiijiyad leedahay, inaad leedahay Qorshe dheer oo meesha uu u socdo la garan karo.” Aadan Muuse Jibriil oo u warramay Telefiishanka Saab ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ee dhawaan soo shaac-baxay uu muddo dheer jiray “Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan imika muu bilaabmin Runtii, illaa 20 sano ayuu jiray, laakiin wuxuu ahaa xidhiidh aan la shaacin oo hoose, dhallinyaradeenu Jaamacadaha Taiwan wax way ka dhiganayeen waxay ina siinayeen Waxbarasho (bilaash ah), laakiin kan imika bilaabmay waa mid kii hore ka qoto-dheer oo ka ballaadhan.” Ambassador Jibriil wuxuu ka hadlay sida muhiimka u tahay in Shacabku ogaado in sida Dunidu sii qaybsamayso isla-markaana qoloba dhinac isku bahaysanayso “Arrinta loo baahan yahay in Dadkeenu ogaado waxa weeyaan markaynu xidhiidhka la samaynay Taiwan Cid baynu dooranay inaynu xidhiidh la samayno Cid kalena waynu ka tagnay, waxa la yidhaahdaa Meesha aad Nin ku qaadanayso Nin baad kaga tagaysaa, taasina aad bay xidhiidhka Arrimaha dibedda muhiim ugu tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaalad baa Maanta jirta uu bilaabmayo Dagaalkii Qaboobaa, dunidii way kala safatay, Reer Galbeed iyo reer Bari ayay u kala safatay, dhinac waxa taagan Shiinaha iyo Ruushka oo ah Quwado xoog leh oo imika soo baxay oo Cid walba isha ku hayso, dhinaca kale waxa taagan Dawladihii reer Galbeedka ee Dimuqraadiga ahaa, haddii innaga laga hadlo Somaliland ahaan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, dimuqraadiyadda Xisbiyada badan ku dhisan ayaynu u taagan nahay, waxaad mooddaa Adduunkaa cusub ee samaysmaya inaynu meel ka galayno ama meel ka galnay..” Source
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Diyaarad laga leeyahay wadanka Kenya ayaa maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Shilkaan ka dhacay deegaanka hoostaga maamulka Jubbaland ayaan la ogeyn waxa sababay, wuxuuna dhacay subaxnimadii hore. Sida wararka lagu helayo diyaaradda nuuceedu waa Fokker 50 kuna diiwaan-gahan 5Y WFC oo ay iska leedahay shirkadda duulimaadyada Buff Air Service ee bixisa adeegyo badan oo isugu jira in la daabulo rakaabka, agabka kale iyo qalabkaba. Maamulka gobolka Gedo oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay iney wali socdaan baaritaan la xiriira sababta shilka keentay, waxeyna sheegeen iney dib ka faah-faahin doonaan wax walba. Sawirada laga helay diyaaradda shilka gashay waxaa ka muuqanaya dhaawacyo badan, balse ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay, dhawaan ayeyna aheyd markii diyaarad laga leeyahay Kenya ay soo rideen ciidamada Itoobiya ee aan ka mid aheyn AMISOM iyadoo ku sugan magaalada Berdaale. Shirkadda Buff Air Service waxey ka hawlgashaa garoonka Wilson Airport ee ku yaalla magaalada Nairobi, balse inta badan waxey diyaaradaheeda aadaan gobolada kala duwan ee dalka Kenya. DAAWO SAWIRADA:
