Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online ) – Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, islamarkaana ka howlgala gobolka Gardafuu ayaa sheegay inay ka goosteen maamulkaasi, kadib muqaal ay iska soo duubeen oo lagu baahiyey baraha bulshada ay ku kulanto ee Internet-ka. Muuqaalka oo uu ka soo muuqday sarkaal sheeganaya inuu yahay taliyaha gobolkaasi iyo ciidamo hubeysan oo xiran dharka tuutaha milatariga ayaa shaaciyey inay ka go’een Puntland, islamarkaana ay yihiin haatan wixii ka dambeeya ciidamo deegaanka ah. Sidoo kale saraakiisha u hadashay ciidamadaasi ayaa sababta ku sheegay faro-gelin lagu hayo gobolka iyo in loo gacan dhaafo waxgaradka iyo aqooyahannada deegaanka. Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay diiddan yihiin in ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF la geeyo Gardafuu, maadaama uu gobolkooda yahay mid nabad-gelyo ah. Ugu dambeyn waxa ay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbadeen inay gacan siiso, islamarkaana ay taagreerto, iyagoona ballan qaadeen inay diyaar u yihiin midnimada Soomaaliya iyo difaaca dalkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan hadalka ka soo yeeray ciidamadaasi. Si kastaba ha’ahaateen ma’ahan askartii ugu horreysay ee ka goosata Puntland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaasi oo horey ugu biiray Somaliland.
  2. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Maanta kulan la qaatay Dalladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA. Dalladda PUNSAA ayaa Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uga mahad-celiyey soo af-jaridda kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland, taas oo xalliyeen Isimada Dhaqanka iyo Guddoonka Baarlamanka. Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wakiillada iyo Ururada Bulshada rayidka ah. Guddoonka Golaha Baarlamanka Puntland ayaa uga mahadceliyey booqashada ay xarunta Golaha ku yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah, waxayna balanqaadeen in ay markasta soo dhaweynayaan talooyinkooda ku aadan maslaxadda dalka iyo dadka Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoonka Baarlamanka Puntland oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  3. Soomaaliland ayaa maanta oo ah Arbaco 03-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1481 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 18 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 6 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan jirin cid xanuunka u geeriyootay. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 54 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 22 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 376 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo waxaana la sheegay in weerarkaasi uu ka badbaaday guddoomiyihi degmadaas. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen rasaas xooggan oo ay isweedaaesanayeen Al shabaab iyo ciidanka dowladda federaalka ah waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Warka soo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Cabdullaahi Shariif uu si dirqi ah uga badbaaday mana jirto ilaa iyo hadda war ka soo baxay maamulka degmada uu weerarku ka dhacay. Xaaladda degmada Buurdhuubo ayaa hadda ah mid degan waxaana halkaasi ka soconayo howlgallo kala duwan oo ay wadaan ciidanka dowladda kuwaas oo ay ku xaqiijinyaan amnaaka degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo ka dhacay halkaasi. Qoraal ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanadooda lalal beegsaday xarunta degmada Buurdhubbo, xilli ay ku sugnaayeen mas’uulyihiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo saraakiil ciidan. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay la damacsanyed inay ku disho guddoomiyaha Buurdhuubo Cabdulllaahi Shariif, balse uu dirqi uga bad-baaday. Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay inay dib u gurteen, iyagoo nabad ah dagaalyahanadii qaaday weerarkaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa saaka degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo oo ku aadan weerarkaasi.
  6. Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 qof Somaliland. Sideed iyo toban qof (18) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somaliloander . Bukaanadan 10 qof waa rag, 8 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (1jir ilaa 9jir = 1 qof) (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 6 qof) (30jir ilaa 39jir = 3 qof) (40jir ilaa 49jir = 2 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) (70jir ilaa 79jir = 1 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo konton (54) Tirada guud ee dadka laga helay COVID 19 ayaa ah 376 Source
  7. Kolka kooxi ciyaarayso ragga qaar baa ciyaartoo dhan ciyaara sagaashanka daqiiqadoodba (90 minutes) halka ragga qaarna daqiiiqadaha danbe ayeey soo galaan ciyaarta oo waxaaba laga yaaba inay goolka guusha dhaliyaan. Hadhow kolka koobka la siinayo, kooxdoo dhan baa guusha la wada siiyaa ee lama yidhaahdo hebelna maalintaasuu maqnaa, hebelna ciyaartii finalka ayuu ka maqnaa. Imika qabyaaladdii Waxay socotaba in halgankii la kala sheegto ayeey maraysaa oo mid walba ka aan reerkiisa ahayn ka dafiro xaqii iyo taariikhdii uu lahaa. Waxaan u arkaa ciyaar suunka hoostiisa laga dagaalamayo (below the belt). Waa kalsooni daro bulashadda lagu kala fogeynayo. Hadduu qofku taariikh sheegayo waa inuu cilmi baadhis qoto dheer soo gudbiyaa oo halka uu soo xiganayo uu si cad bulshadda ugaga waramaa. Laakiin maxaan ula yaabi dadka taariikhdaba waxay iyagu jecel yihiin ayeey u haystaane. Taarikhihii dhowr sano ee aan anigu u soo joogay ayaaba anigaygan idinla hadlaya been cad lagu sheegay buug anigana laygu soo daray Oo weliba laygu soo casumay kkkk iyadoo la leeyahay Jamaal baanu sidaa Kula talinay oo ay tahay been ay buug ku qoreene. Dad Ilaahay ka baqanaya maaha. Waar dareenka shakhsi maaha taariikh. Waar anagu anagaaba nool Oo kuwaa u jawaabiye, bal kuwan dadkii dhintay u diidan intii ay lahaayeen maxaad ka sugaysaa. Very Sad!!! W/Q Jamaal Cali Xuseen Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guulaha amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri karaan dib-u-noqosho haddii aysan tallaabo degdeg ah ka qaadin beesha caalamku, si ay uga caawiso in mas’uuliyiinta guduhu ay ka hortagaan dhibaatooyinka waawayn ee bani’aadamimo ee ay sababeen isugaynta raadka ay reebeen daadadka ba’an ee ayaxa iyo saamaynta baahsan ee cudurka COVID-19. War qoraal oo xalay ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), kuna saxiixnaa Justin Brady, Isku duwaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya ahna Madaxa Hay’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii tagay. Soomaaliya hababka wax qabsashadu aad ayey uga yar tahay kuwa dalalka deriska la ah. Sidaa daraadeed, saamaynta [daadadka, ayaxa iyo COVID-19] maahan mid bani’aadamnimo oo fudud, balse waxay leedahay suurtagalnimo inay dib-u-celiso qaar ka mid ah guulihii amni iyo kuwii siyaasadeed ee ay beesha caalamku maalgelisay tobankii sanadood ee tegey, ”ayuu yiri Justin Brady oo ka tirsan QM Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya. “Waxaan u baahan nahay inaannu sii wadno wada shaqaynta isla markaasna ballaarino iskaashiga aannu la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelanno qurba joogta,” ayuu ku daray MdBrady, oo ah madaxa xafiiska OCHA ee waddamada Geeska Afrika. Ku dhawaad 500,000 oo dad ayaa ku barakacay fatahaadihii dhowaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, xilli waddanku uu la tacaalayo ayax daran oo beeraha galay kaas oo khatar ku ah amniga iyo nafaqada cunnada dad badan. Isla waqti ay Soomaaliya wax ka qabanayso faafitaanka safmarka COVID-19. Md. Brady ayaa sheegay in digniinta QM ay tixgalineyso daciifnimada qaab dhismeedka Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa dalka mid aad uga nugul wadamada kale ee gobolka, wuxuuna ku baaqayaa “in cududda la iskugu geeyo si looga hortago waxa ugu xun.” Dad ka barakacay fatahaadaha Laga soo bilaabo bishii Nofeembar ee sannadkii lasoo dhaafay, QM waxay si dhow ula shaqaynaysaa maamullada gudaha iyo saaxiibada, si loo go’aamiyo isla markaasna loo gaaro baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaaduhu, kuwaas oo ay ku jiraan in la diro agabka gargaarka degdegga ah iyo bixinta adeegyo nafo-badbaadin ah, iyadoo loo marayo saaxiibbada goobta joogga ah. Gargaarka ayaana illaa maanta socda. “QM waxay bixisaa hoy iyo agabyo aan cunto ahayn sidoo kale waxay eegeysaa suuragalnimada cudurrada faafa sida shuban-biyoodka, daacuunka iyo nafaqo-darrida oo inta badan soo ifbaxa waqtiyada fatahaadaha,” ayuu yiri Md Brady.
  9. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Mythbusters_PSA-1.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Kulan todobaadle ah oo maamulka gobolka Banaadir yeeshay ayaa booliiska gobolka Banaadir looga mahadceliyey sida ay u sugeen amniga caasimadda inta lagu jiray bishii Ramadaan. Kulankan oo ahaa midkii todobaadlaha ahaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, waxaana ku sugnaa madaxda iyo mas’uuliyiinta booliika gobolka Banaadir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisa aheyd dardargelinta Amniga iyo arrimaha nadaafadda. Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la ganaaxi doono kuwa bacaha dhiga jidka si looga hortago arrimo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimad Online ) – Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay inay suur-gal tahay inuu kooxda Al-Shabaab u gacan galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday dowladda federaalka ah ee Somalia. Macow oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in labo hab ay Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada uga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkaan oo ay ku jiraan kuwa culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka yar-yar ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isaga oo sheegay in hubka waa weyn loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay, iyagoona wax ka weydiin doono hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Wareysi-Kornel-Macow-sarkaal-hore-oo-Nisa-ah.mp3
  12. Ciidamo hubaysan oo saaka muuqaal isaga soo duubay gudaha Gobolka Gardafuu oo ku yaalla bariga fog ee Puntland ayaa sheegay in ay ka go’een dowladda Puntland islamarkaana ay noqdeen ciidamo degaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay ciidankaas ayaa sheegay in ay caddaalad-xumo ka tirsanayaan xukuumadda Puntland oo sida ay sheegeen dhegaysan wayday cabashooyin ka jira Gobolka Gardafuu sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay ka baxaan Puntland. Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diiddan yihiin in Ciidamada Badda Puntland ee PMPF la geeyo Gobolkaasi Gardafuu maadaama sida ay sheegayan Gobolka aysan ka jirin Kooxaha Argagixisada ah ee PMPF-tu la dagaallanto. Sidoo kale waxay baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in ay taageerto ciidamadooda inkastoo aysan wax gaar ah ka codsan. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ciidamo ku sugan Gobolka Gardafuu oo sheegay in ay ka go’een Puntland appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa ku ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dil ay u geysteen ciidamada Booliska ee wadankaasi. Ganacsadaha Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa magaalada Pretoria in ay Boolsika ugu tageen goobtiisa ganacsi, kadibna ay jir-dil xoogan u geysteen. Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay in sababta loo jir-dilay ay tahay in uu ka mid ahaa dadka aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay magaalada, sababo la xiriira cudurka faafa ee Cronavirus, islamarkaana muwaadinka Soomaaliyeed uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dilka loo geystay. Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa waxay dhaawac ugu geysteen xaafadda Uitsig ee Cape Town, muwaadin kale oo Soomaaiyeed, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed ayaa waxaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka Tygerburg, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa, iyaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay haatan tahay mid wanaagsan. Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool, waxaana kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda. View the full article
  14. Loading bags of wheat at Dar Es Salaam Harbour in Tanzania. COVID-19 is an opportunity to expedite the launch of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) Agreement, argues FAO’s Jean Senahoun. Photo: ©FAO/Giuseppe Bizzarri When the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) Agreement was launched on 21 March 2018, African leaders did not imagine that the tenets of the agreement could possibly save the continent from a pandemic-fueled food and economic crisis. The world has been grappling with the crippling economic effects of the COVID-19 pandemic since February 2020. The crisis persists, threatening to affect the entire food system, especially in Africa. The pandemic has created shocks globally with negative impacts on intra-African trade, with GDP expected to drop precipitously from 2.4 percent in 2019 to -2.1 to -5.1 percent in 2020 according to the World Bank, marking the first recession in the region in 25 years. Most African economies, especially those of commodity exporting countries, will be the hardest hit. However, there is a lifeline for Africa. One of the principal objectives of the AfCFTA is to expand intra-African trade, improving the flow of goods and services across countries and boosting economic growth through increased agro-processing and a strategy of diversification and industrialisation. Since its signing by 54 states, few tangible results of AfCFTA can be identified and most states are still in the ratification process. The process has been slow, with the bureaucracies of countries and existing economic blocs churning to make it a reality. Africa is a net importer of food, with staple foods such as wheat, rice and maize being some of the largest imports. With current lockdowns leading to delays in ports and critical connection points for trade, Africa faces the risk of disruption to its critical supply chains. If this happens, the most vulnerable 200 million people in Sub-Saharan Africa, identified by FAO as already food insecure, will be the ones to bear the brunt of this shortage. There is also the potential disruption in the supply of crucial agricultural inputs (fertilizers, pesticides, livestock feed, etc.), crippling local production. COVID-19: an opportunity to expedite the launch of the AfCFTA COVID-19 presents an opportunity for African countries to accelerate the shift towards a single market and for the continent to make a paradigm shift to be able to fend for itself and reduce its dependence on food imports. This will open up continental trade routes and economic opportunities in the long-term, but presents an even greater short-term advantage: it allows African countries to keep their food systems alive to avert what could be one for the worst food crises in its history. The question is, how can countries do this? Lowering intra-regional import tariffs facilitates the movement of agricultural products that will help address the immediate concern around the possibility of low food supplies and general food insecurity, while laying the foundation for long-term policies. Africa’s agricultural exports comprise mostly cash crops like cocoa, coffee and spices, which have relatively limited markets in Africa, while basic food products are imported, indicating the need to prioritise a more diverse trade basket of goods. Governments must also build buyer-supplier networks, connecting small and medium scale producers, including smallholder farmers, to buyers locally and regionally. A large part of this step is the removal of discretionary constraints such as import and export restrictions that distort trade, to connect these producers to their markets. It is essential to remove non-tariff barriers like transport and logistics bottlenecks, which have long been a deterrent for the efficient movement of goods and services between African countries. Finally, governments must implement policies to support local production. These policies must seek to develop regional value chains, strengthening national food production capacities and linkages to regional markets, which in turn provide a strong basis for countries to export and boost inter- and intra-regional trade in the long-term. AfCFTA provides a viable platform for import substitution, promotion of regional agricultural value chains and more diversified supply chains, and local production and consumption of goods and services. This is a golden opportunity to expedite the launch of the AfCFTA in phases to mitigate the food-system and economic effects of the COVID-19 pandemic. Regulatory bodies must ensure that governments do not use trade-related measures such as import and export restrictions irresponsibly, keeping the spirit of the agreement at the forefront of its implementation. The circumstances are unfortunate and the stakes are high, but if handled properly, Africa could emerge from the shadow of COVID-19 a stronger, more self-reliant continent. ENDS The post Rising from a crisis – A more self-reliant Africa after Coronavirus? appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,Maxamed Siciid C/laahi ayaa sheegay mar uu ka hadlayey saameynta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya in tiro sax ah oo baaritaano cilmiyeysan lagu ogaaday aysan heyn dowladda federaalka Somalia Hadalkan ayuu wasiirku ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Shabelle, wuxuuna ka hor imaanayaa warbixino ay isla wasaaradda uu mas’uulka ka yahay si maalinla ah ula wadaagto shacabka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo kiisaska Covid19. Wasaarada caafimaadka ayaa kiisaska xanuunkan u kala qaada marka ay dadweynaha la wadaageyso dad uu hayo cudurka, kuwo u dhintay iyo in ka bogsootay, balse wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqay in tirada ay hoos u sii dhaceyso. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-1-soofeysane-.mp3 View the full article
  16. Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka mid ah saraakiishii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in dalal badan oo uu ka mid yahay Mareykanka ay walaac xoogan ka muujiyeen in hub ay Masar ugu deeqday Soomaaliya u gacan-galo dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka. Sarkaalkan ayaa carabka ku dhuftay in hubkaasi oo ah mid culus lagu soo galiyey suuq madow gudaha Soomaaliya,maadaama ay saaran tahay cunaqabateyn hubka ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in 2 qaab ay Al-Shabaab ku qabsan karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan ciidanka, kadibna ay ka furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuqa madow, iyagoo ka faa’iideysanaya daruufta askariga Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Wareysi-Kornel-Macow-sarkaal-hore-oo-Nisa-ah.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrinta maqaam u sameynta magaalada Muqdisho oo weli uu muran ka taagan yahay. Taabid ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan dad diidan inuu matalaad yeesho gobolka Banaadir, inkastoo uusan shaacin dadkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay cadaalada ku jirto in dadka Muqdisho ay doortaan cida u noqoneysa hoggaankooda heer gobal iyo heer qaran. Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Taabit Cabdi Bartiisa Facebook. Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan. Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan. Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka. Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.
  18. Ottawa (HOL) - As unrest continues throughout America as a result of the brutal death of George Floyd at the hands of Minneapolis police, the city of Ottawa is bracing itself for the conclusion in a similar case involving the murder of a black man at the hands of its police force. Source: Hiiraan Online
  19. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulanka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha saldhigyada iyo taliye qeybeed yada gobolka Banaadir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir. Shirkan oo dhowr qodob looga hadlay ayaa looga mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka, waxaa sidoo kale looga hadlay qodoba ay kamid yihiin arimaha wacyigalinta Covid-19, Canshuuraha,iyo Nadaafada. “Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka sidoo waxaan bogaadinayaa doorka aan ka qaadanay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo saameyn ku yeeshay Caasimada ‘ayuu ku daray Guddoomiye Cumar (Filish). View the full article
  20. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin la tirsan gobollada Jubbooyinka. Saraakiil ciidan ayaa sheegay in duqeymaha ay ka kala dhaceyn degmooyinka Jilib iyo Jamaame, islamarkaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen in duqeynta Jilib lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay hoggaamiyihii degmadaasi, Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil kale. Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DANAB oo kaashana saaxibada Soomaaliya ee ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, wallow aan faah faahin rasmi ah weli laga helin duqeyntaas. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababarn ayaa inta badan duqeymo diyaaradeed ka fuliya deegaano iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  21. Pretoria (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalkaasi ay si arxan darro ah u jir-dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa wadankaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawaca loo geystay. Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Koonfur Afrika. Sababta loo jir-dilay ee uu marxuumka u geeriyooday ayaa waxaa lagu sheegay inuu jabiyey bandowga lagu soo rogay wadankaasi, sida ay Boolisku sheegeen. Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay ka dhacday magaalada Pritoria oo ay Soomaalida ku badan tahay, iyadoona Maxamed loogu tagay goobtiisa ganacsuiga “Maxamed waxa uu ahaa qof firfircoon, waxaa jirdilay Ciidamada Booliiska oo ugu dambeyn u geeriyooday waxyeelada gaartay, dalkaan waxaa saaran bandow saacado ah, Askarta waxa ay garaacaan guud ahaan dadka jabiya ama socda xiliyada Bandowga.” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koofur Afrika. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxo burcad ah saacadihii la dsood haafay muwaadin kale oo Soomaaliyeed ay ku dhaawaceen dalkaasi, gaar ahaan Cape Town. Ruuxa la dhaawacay oo magaciisa lagu sheegay, Ismaaciil Axmed ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan xaaladiisu ay tahay mid yare wanaagsan. Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaasi.
  22. Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin Warsame, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay xallinta kala ra’yi duwanaantii u dhexaysay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan, ayaa lagu bogaadiyay bisaylka Siyaasadeed ee labada mas’uul u muujiyeen Shacabka Puntland iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, maadaama ay ka heshiiyeen Kala aragti duwanaantii dhexdooda ahayd. “Dabeecadaha hoggaanka fiican bay ka mid tahay in marka ugu danbeysa go’aan la wada qaato oo hal aragti lagu midoobo” ayaa lagu yiri Qoraalka Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga. “Xalka waara waxa uu ka bilowdaa kala aragti duwanaansho, kadibna xalka waxa laga dhex helaa dooda wada-tashiga, isku tanaasulka iyo turxaan-bixinta, halkaas oo go’aan lagu midoobo ama looga danbeeyo hogaanka ugu sareeya” ayuu sii raaciyay Qoraalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen xallinta kala aragti duwanaantaasi u dhexaysay Madaxda sare ee Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Xisbiga Hayaan oo bogaadiyay xallinta Kala ra’yi duwanaantii Madaxda sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subx-03062020.mp3 View the full article
  24. VANCOUVER (NEWS 1130) – Many Americans believe our prime minister is doing a better job than their president in handling the COVID-19 pandemic — and they apparently want to trade. Source: Hiiraan Online