-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay guddoonka golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Maxamed Axmed, ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka sidii looga wadatashan lahaa. Madaxweyne Xasan ayaa guddoonka golaha uga mahadceliyey sida ay ugu dadaalayaan in ay dhacdo doorasho ay kawada tashtaan dowladda, doowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka ee saluugsan siyaasadda dowladda. Dhanka kale guddoonka ayaa uga mahadceliyey dhankiisa madaxweyne Xasan sida mar weliba uu shacabka Soomaaliyeed u siiyo talooyinka maasiiriga ah ee dalka iyo sida dalka uu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
FESOJ ayaa taageertay ishor istaagga ay dalbadeen qareennada kiiska weriye Cabdicasis Gurbiye tifaftiraha guud ee Goobjoog Media Group. “ Waxaan ku baaqeynaa in la laalo eedeymaha ka dhanka ah Cabdicasis Gurbiye waayo, sharci ahaan ma aha qaar waaqici ah ” sidaasi waxaa lagu yiri qoraal ay FESOJ soo dhigtay barta Twitterka. Agaasime ku-xigeenka Goobjoog Cabdicasis Gurbiye ayaa maanta tagay maxkamadda gobolka Banaadir isaga oo wajahaya eedeymo been ah oo ka socda dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa agab caafimaad ka gudoomay shirkada Dubai Ports World (Dp World) ee dalka Imaaraatka Carabta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Agabka Caafimaad Ee Lagu Wareejiyay Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-som.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa ka diidday Shiinaha dalab uga yimi kaas oo ahaa inay xidhiidhka u jarto jasiirradda Taiwan. Warkani, oo lagu daabacay mareegta Raadiyaha caalamiga ah ee Taiwan ( Radio Taiwan International), ayaa waxaa lagu sheegay inuu Shiinuhu cadaadis ku saaray Somaliland sidii ay xidhiidhka ugu jari lahayd jasiiradda Taiwan, kadib markii Somaliland iyo Taiwan ay si rasmi ah u shaaciyeen xidhiidhkooda, iyagoo xafiis-wakiileedyo ka kala samaysanaya labada geesood. Warar ay qortay warbaahintani, ayaa sheegay in danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya uu laba jeer la kulmay masuuliyiin ka socda Somlailand, isagoo isku dayay inay Somaliland xidhiidhka u jarto jasiiradda Taiwan, taasi oo aanu Shiinuhu ogolayn inay madax bannaani buuxda ka qaadato dhulkiisa. Wararka lagu daabacay mareegta Radio Taiwan International, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalabka dawladda Shiinaha ay kamid ahayd, in haddii Somaliland xidhiidhka ay u jarto Taiwan, uu shiinuhu ka furan doono xafiis magaalada caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa. Mareegta Radio Taiwan International, ayaa sheegtay in madaxwaynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ay u sheegeen masuuliyiintii Shiinaha ahaa inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta dalalka oo dhan, kuwaas oo uu xitaa Shiinuhu kujiro, balse waxay diideen dalabkii Shiinaha ee ahaa inay xidhiidhka u jaraan Taiwan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeyay Shirka Maamul Goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ee looga hadlayo xaaladda siyaasadda ee dalka, iyo inay ka xun yihiin in dowladdu ka maqan tahay shirkaas. Sidoo kale waxey war murtiyeed ay soo saareen ku sheegeen iney ka xun yahiin baaqashadii kulankii ay 5-ta Luulyo yeelan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah Federaalka kaas oo ay tilmaameen iney caddeyn u tahay fashilka ay hogaanka sare ee dalka ku suganyahiin. Madasha ayaa sidoo kale muujiyey inay ka xun yihiin in madaxda dowladda ay ka maqnaadaan shirkaas taasi oo aan muujineyn ifafaaalo wanaagsan sida ay sheegeen. “Madasha Xisbiyada Qaran wax wanaagsan uma arkaan in madaxda dowladda dhexe ay ka maqnaadaan shirka ka dhacaya Dhusamareeb, waxeyna madaxda dowladda kula dar-daarmeen iney u istaagaan gudahashada waajibaadka ka saran hawlaha Dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka “Madashu waxa ay dhiirrogelineysaa dedaal walba oo keeni kara isu soo dhawaansho iyo garawshiyo maangal ah” ayuu intaas ku daray qoraalka war-murtiyeedka kasoo baxay madasha xisbiyada qaran. HALKAAN KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN:
-
Gabadh Soomaaliyada oo cabitaan ay iibsatay loogu dul qoray magaca kooxda ISIS Gabadh Soomaaliyeed oo kunool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa xadgudub loogu geestay maqaayad kutaala magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka Minnesota xili ay cabitaan ka iibsaneysay. Gabadhan oo magaceeda kusoo koobtay Caa’isha ayaa sheegtay xili ay cabitaan ka iibsaneysay maqaayadda Starbucks ee ku dhax taala xarunta Ganaci ee Target loogu qaray cabitaanka magaca Kooxda ISIS . ”Ereyga lagu qoray cabitaanka waa erey dhaawac weyn u geestay sumcada muslimiinta kunool dhamaan caalamka,markaan cabitaanka soo qabsaday aad ayaan u naxay, waxaan layaabay waqtigan la joogo in qof ku dhiirado in magaca ISIS dad ugu dul qoro cabitaan la iibsaday, ayey tiri Caa’isha. Gabadhan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in ay u dacwootay maamulihii maqyaada balse uusan siin jawaabtii ay fileysay, waxa ayna xustay Caa’isha in maamulaha maqaayada la saftay shaqaalihii xadgudbka u geestay. Hay’adda CAIR ee u doodda xuquuqda muslimiinta Mareykanka ayaa si kulul u cambaareesay xadgudbkan loo geestay gabadhan Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay masuul u hadlay Hay’addan in ay sii kordhayaan tacadiyada ka dhanka ah Muslimiinta. Ugu Dambeyn gabadha Soomaaliyeed ee xadgudubka loogu geestay gudaha maqaayada Starbucks iyo Hay’ada CAIR ayaa si wadajir ah u dalbaday in shaqada laga joojiyo shaqaalihii xadgudubka geestay. Qaran News
-
.@UNSomalia welcomes planned Federal Member States (FMS) leaders' meeting in #Dhusamareb, a prelude to the upcoming Federal Govt.-FMS summit and part of the essential #dialogue on pressing national priorities, including #elections, #security and review of the #Constitution. pic.twitter.com/JXIILcj4P0 — UNSOM (@UNSomalia) July 7, 2020 Qaran News
-
Turkey oo wacad ku martay jawaab ka dhan ah Midowga Yurub Turkey ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus. “Haddii Midowga Yurub ay go’aano dheeraad ah ka qaataan Turkey, waa inaan ka jawaabnaa,” ayuu yir Cavusoglu oo shir jaraa’ida Ankara kula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell. Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus, Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”. Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baaritaan arrintan ku saabsan. Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan NATO ayaa ku xumaaday dagaalka Libya, halkaasi oo Turkey ay taageerto dowladda caalamka uu aqoonsan yahay, ayada oo Faransiiskana ku eedeysa inay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Faransiiska way beeniyeen inay taageeraan Haftar. Qaran News
-
Dr Xasan Sheekh “ Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in qof kasta uu cabiri karo ra’igiisa isaga oo dhowraya Dastuurka Dalka ” Halkan Ka Daawo Hadal Uu DR.Xasan Sheekh Ka Jeediyay Maxkamada Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/xasan-sheekh-whats.mp4 Source: goobjoog.com
-
“Eeddii laga keenay Weriye Cabdicasiis Gurbiye waxaan ku sameynay Is-hortaag sharciga waafaqsan ’’ Sidaas waxa saxaafadda u sheegay Abukaate Daahir Carab. Halkan Ka Daawo Hadal Uu Abuukaate Carab Ka Jeediyay Maxkamada Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/what-daahir-carab.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha FESOJ Macalimuu “Waxaa Nasiib Dara Ah In Cabdicasiis Gurbiye Loo Cuskado Qodobo Ka Mid Ah Xeerka Ciqaabta Oo Madaxweynuhu Sheegay In Ay Dhaceen ’’ Halkan Ka Daawo Hadal Uu Macallimow Ka Jeediyay Maxkamada Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-mmml.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha SJS Cabdalla Muumin “Eedeymaha loo haysto Gurbiye waxa ay Ka Imaanayeen Madaxtooyada ,Waxaa Nasiib Dara Ah In Seddax Jeer La Bedelay Qodobada Eedeynta’’ Halkan Ka Daawo Hadal Uu Cabdalla Muumin Ka Jeediyay Maxkamada Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-sjs.mp4 Source: goobjoog.com
-
Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdirxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta ka qeyb galay shirka loogu magac daray hormarinta maaliyadda dalka, kaas oo sedex geesood ahaa. Shirka oo ku qabsoomay habka la iska arko ee maqalka iyo muuqaalka Internetka ayaa waxaa ka qeyb galay hey’adda lacagta addunka IMF iyo Word Bankiga. Wasiir Bayle ayaa sheegay in kulanka ay uga wadahadleen waxyaabahii usoo qabsoomay dowladda dhinaca dib-u-habeynta maaliyadda dalka. “Waxa aan maanta shir Gudoomiyay kulankii billaha ahaa ee #FGC oo aan uga hadalnay horumarka Maaliyadda iyo waxii inooga qabsoomay dib-u-habeynta Maaliyadda” ayuu yiri wasiir Beyle. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa uga mahadceliyay hay’adaha dhaqaalaha aduudka ee shirka qeyb galay sida IMF iyo World Bank sida ay ugarab taaganyihiin dowladda Soomaaliyeed oo haatan dib u kabasho ku jirto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ee loo soo gaabiyo UNSOM, ayaa soo dhoweeyay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Qoraal Salaasada Maanta ah ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu soo dhoweeyay Shirka Khamiista todobaadkan Madaxda Dowlad Goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb. UNSOM, waxay Shirkaasi ku tilmaantay mid muhiimad gooniya u leh Arrimaha Mudan in laga hadlo, oo ay kamid yihiin Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, Amniga iyo Dib u-eegista Dastuurka, sida lagu xusay Qoraalka. Sidoo kale, waxay sheegtay in uu hordhac u yahay Shirweyne kale oo ay dhowaan isu’gu imaan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kaas oo looga wada-xaajoon doono Arrimaha Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post UNSOM oo soo dhowaysay Shirka Dhuusamareeb uga furmaya Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ka hadlay shirka ay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya dhowaan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. UNSOM ayaa barta twitter-ka soo dhigay qoraal ay Qaramada Midoobe kusoo dhaweyneyso shirka ay maamul goboleedyada ku qabsan doonaan Dhuusamareeb. Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in shirka gaarka ah ay yeelanayaan maamul goboleedyada uu hordhac u yahay shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee looga hadlayo Doorashooyinka, Xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka. “Xafiiska Qaramada Midoobe wuxuu soo dhaweynayaa shirka ay qorsheeyeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo hordhac u ah shirweynaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo looga wada xaajoonayo arrimaha aas-aasiga ah ee muhiimka u ah qaranka oo ay ka mid yahiin: Doorashooyinka, xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ay ku heshiiyeen iney 9-ka bishaan ku kulmaan magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan masiirka siyaasadda dalka iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka amniga qaranka. Iyadoo uu jiro saluug siyaasadeed oo ay qabaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hadana laga dhaadhiciyay iney gaaraan Galmudug si looga wada hadlo arrimo badan iyo sidii loo dar-dar galin lahaa arrimaha doorashooyinka.
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sharci-darro ku tilmaamay Xeerarkii Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya oo ay dhowaan ansixiyeen Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka. War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin Afarta Xeer ee Qabya-tirka Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Aqalka Hoose haddii aan la waafajin Habraaca Xeer-dejinta Dalka. War-saxaafadeedka Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in Guddiga Doorashooyinka Dowladda Soomaaliya aysan isticmaalin xeerarkaasi inta lagu samaynayo dib u sixid si loo waafajiyo Habraaca Xeer-dejinta Baarlamaanka. Xeerarka uu Sharci-darrada ku tilaamay Aqalka Sare waxaa kamid ah xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir oo qeexaya in Gobolkaasi Aqalka sare laga siiyo 13 xubnood oo lagu sheegay Matalaadda Banaadir. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare oo Sharci-darro ku tilmaamay Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta shir guddoomiyaya kulanka hormarinta Maaliyadda dalka oo hab muuqaalka ku qabsoomay kaas oo ay ka qayb-galeen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo World Bank. Wasiir Bayle ayaa sheegay in kulanka maanta ay uga wadahadleen waxyaabahii usoo qabsoomay dowladda dhinaca dib-u-habeynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa uga mahadceliyay hay’adaha dhaqaalaha Aduudka ee shirka qeyb galay sida IMF iyo World Bank sida ay ugarab taaganyihiin dowladda Soomaaliyeed oo haatan dib u kabasho ku jirta Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in hay’addaha dhaqaalaha ee IMF iyo World Bank ay taageereen nidaamka ay dowladda Soomaaliyeed ku habeyneyso dhalaaha dalka. PUNTLAND POST The post Wasiir Bayle oo Shir Guddoomiyay Kulanka Hormarinta Maaliyadda Dalka appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - A bill regulating medical practice and training in Somalia has been approved by the country’s parliament. Source: Hiiraan Online
-
War ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhoweeyay shirka dowlad goboleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay madasha ka walaacsan tahay baaqashada shirkii amniga qaranka ee madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka. Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa nasiib daro iyo fashil ku tilmaamtay in madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka maqan yihiin shirka Dhuusamareeb. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiye oo maanta dib loo dhigay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dacwadda loo heysto Wariye Cabdicasiis Gurbiye kadib maarkii maanta lasoo taagay Maxkamaddaasi. Qareenka u doodayey Wariyaha ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwadda loo heysto Wariye Gurbiye ka gadaal markii ay caddeeyeen in aan loo adeegsan karin xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed. Sidoo kale qareenka ayaa tilmaamay inay ka war-sugayaan go’aanka ay gaari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inuu noqon doonto inuu halkaas kiiska uu ku soo dhamaado ama in la sii wado. Kiiska Wariye Gurbiyey oo ah Tafaftiraha Goobjoog FM ayaa muddo 2 bil socda, isaga oo xabsiga la dhigay 14-kii bishii April, kadib markii ay soo eedeysay Villa Soomaaliya. View the full article
