Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,245
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah kan ugu dambeeya xukuumadda hadda jirta ayaa ka furmay Muqdisho, inkastoo khalalaaso la galiyay khudbadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadana waxaa jiray hadal jeedin ay lahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise kaas oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saluugay sida ay xukuumadda hadda jirta uga jiifatay hanaanka doorasho iyadoo ilaa iyo hadda aan la garaneyn nuuca doorasho uu dalka gali doono. Kalfadhiga Baarlamaankii ugu dambeeyay ayaa maanta furmay iyadoo xildhibaanada aysan aqoon nuuca doorasho ee dhaceysa, waxaana xusid mudan iney meel mariyeen sharciga doorashada. Xildhibaanka Xuseen wuxuu kasoo horjeedaa in muddo kororsi loo sameeyo laamaha kala duwan ee dowladda. “Doorasho qof iyo cod ah inaan la qaban karin in cudur daar looga dhigo xanuunka COVID19 waa wax aan suuragal aheyn, wakhti hore ayaa la dayacay, fayris-kaan dhawaan ayuu soo ifbaxay, waxaase iga su’aal ah saddex sano iyo bar ah maxaa la qabnayay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Ciise Carab.
  2. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay saamaynta uu koronuhu ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxaanu ku taliyey in dadka loo caawiyo siday u kala jilicsan yihiin. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Guddida Covid 19 ee uu Madaxweyne ku xigeenku Guddoomiyaha ka yahay runtii wey dadaalaysaa, si joogto ahna wacyigelinta ka hor taga xanuunka Covid 19 way u soo daysaa, umaddana way ku wacyi-gelisaa, si la iskaga ilaaliyo, markaas waxaa dadka looga baahan yahay inay farriimaha wacyigelinta qaatan, aad iyo aadna iskaga ilaaliyaan Covid 19”. Mar uu ka hadlayey saamaynta uu Covid ku yeeshay nolosha dadka iyo caawimadooda ayaa wuxuu yidhi “Deegaan kasta iyo Gobol kastaba hadda waxaa ka jira Guddiyo is abaabushay, dadkii uu sida gaarka ah saamaynta ugu yeeshay xanuunka Covid 19, gaar ahaan Macalimiintii, sida loo caawiyey ee wax loo taray aad baan ugu faraxsan nahay, dadka danyarta ee jilicsan in si gaar ah hoos loogu eego oo wax la taro ayaan soo jeedinayaa, waliba marka hore waa in iyaga laga fuudh yeelaa, oo wixii karash iyo raashin ahba lagu caawiyo, dadku siday u kala jilicsan yihiin waa in loo caawiya”. Qaran News
  3. Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ayeyo Sirad Nuur Yusuf Aabo Moxamed Cisman Fadal iyo xaaskiisa Seinab Yusuf X. Adan Siciid Moxamed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa FilsanMoxamed Cisman Fadal Haweya Moxamed Cisman Fadal iyo seygeeda Siraad Moxamed Cisman Fadal Amina Cisman Fadal iyowiilkeeda Yasin Cali Mataan Axmed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Jaamac Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Fosiya Cisman Fadal iyo inanteeda Hodo Ibrahim Ciid Cabdirizaaq Cisman Fadal, xaaskiisa iyo caruurtiisa Ilma Moxamoud Cisman Fadal iyo hooyadood Ayan Axmed Buluxaar Cabdifatax Cisman Fadal Fadumo Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteed Nacima Cisman Fadal seygeedaiyocaruurteeda Khadar Cisman Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Axmed Yusuf Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Moxamoud Yusuf Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Roda Yusuf Fadal saygeedaiyocaruurteeda Hodan Moxamed Fadal saygeedaiyocaruurteeda Samiya Mohamood Fadal saygeeda iy ocaruurteeda FardousMoxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda iyo dhammaan qoyska reer Fadal Ismaciil meelkasta oo ay joogaan waxay hambalyo iyoduco iyo duco u dirayaan Cabdifataax Daahir Nuur Jaamac Iyo Muna Moxamed Cisman Fadal oo meher koodu ka dhacay maanta oo sabti ah bishaJuun 6 deedii, 2020, Hotel Ambassador Hargeisa Waxaanay Ilaahay ugabaryayaan Muna iyo Cabdifataax in ay noqdaan qoyskii hodma iskuraaga isku reeya ubad khayrqabana Ilaahay kala siiyo Qaran News
  4. War qoraal ah ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo kumaandooska Soomaaliya ay dileen madaxii Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Mudug. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ruuxa la dilay oo aan magaciisa la sheegin uu Al shabaab u qaailsanaa qaraxyada lagu dilo masuuliyiinta gobalka Mudug islamarkaana uu lug lahaa qaraxyo lagu dilay masuuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug. Dhanka kale waxa ay Puntland sheegtay in xubintan ka tirsanayd Al shabaab ee ay dileen inuu qorsheynayay qaraxyo kale oo lagu waxyeelo masuuliyiin sarsare waxaana ay intaas ku dareen in shaqsigan ay dabagal ku hayeen ciidamada amaanka. “Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu ,kaaas oo ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug,haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland. Dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ayaa weeraro kala duwan ka fuliya qeybo ka mid ah gobalka Mudug iyaga oo gobalkaasi ku dilay masuuliyiin uu ugu dambeeyay guddoomiyihii gobalkaas ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Heavy fighting between Somali troops and Al-Shabab militants reported in Bakool region, southwestern Somalia on Saturday morning , residents said. The battle erupted after Alshabab fighters mounted an attack on a military base manned by Somali forces in Abal village, about 20 km East of Xudur town. The attack was followed by heavy fighting between the two warring sides reportedly resulting in casualties and injuries. According to a local resident, Al-Shabab militants attacked the military base leading to a gunfight. “We could hear the sound of heavy weapons exchanged by the two sides and the residents panicked but the gunfire has stopped,” said the local resident. “There are casualties from al Shabaab and government forces, but we have no exact figure,” he added. Tension in the area is reportedly high, neither the government nor Alshabab commented on the fight. Recently, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Qaida linked group in some central and southern regions in the Horn of Africa nation. The southern parts of Somalia have been the epicenter of clashes between government forces and al-Shabab militants who were forced out of the capital Mogadishu in August 2011 by the Somali army and African Union Forces.
  6. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu xidhnaa muddo sannad ka badan.Coldoon ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne. Xoggo ku taxaluuqa siideynta weriye coldoon ayaa tibaaxaya inay Xisbiyada mucaaradku aad uga shaqeeyeen sii deyntiisa. Qaran News
  7. Warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa loo diiday inay tebiyaan kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu furo Madaxweyne Cabdullahi Farmaajo. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-2.mp4 Source: goobjoog.com
  8. Farmaajo oo lagu oriyey+ Xidlhibaano ka tirsan Barlamaanka Somalia oo carqaladeeyay khudbad uu jeedinayey Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey. Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu oriyey. Qaran News
  9. I believe resignation can actually be an act of leadership from people in power right now. To everyone fighting to fix our broken nation: do not stop.https://t.co/LWI1OnCaVi — Alexis Ohanian Sr. (@alexisohanian) June 5, 2020 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey. Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu oriyey. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
  11. Warar goor dhow aan helnay ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo u xirnaa Soomaaliland. Mubaarak oo la dhashay Cabdimaalek ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey siideyntiisa isaga oo intaa ku daray in ay dib ka hadlidoonaan. Sii deynta weriyaha oo muddo hal sano ah xirnaa ayaa timid ka dib markii dhowr jeer baaqyo kala duwan loo diray madaxwene Biixi oo ku aadnayd in uu xorriyaddiisa dib u helo Colddon oo sidoo kale ahaa samafale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hargeysa (Caasimadda Online) Wariye C/Maalik Muuse Coldoon ayaa xabsiga laga sii daayay kadib muddo ka badan sanad uu u xirnaa maamulka Somaliland. Madaxweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay wariye Coldoon kaas oo sidoo kale ah Samafale. Wariye Coldoon horay waxaa loogu eedeeyay inuu kasoo horjeestay qaranimada maamulka Somaliland, balse dadaallo badan kadib dib ayuu banaanka ugu soo baxay. Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay wariye Coldoon. Dhawaan ayey aheyd markii baarlamaanka yurub ay maamulka Somaliland ka codsadeen iney sii daayaan C/Maalik Muuse Coldoon.
  13. (SLT-Hargeysa)-Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu xidhnaa muddo sannad ka badan. Coldoon, ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne. Wararka aanu ka helayno cafiska Wariye Coldoon waxa ay sheegayaan inay ka shaqeeyee asxaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameed beesha bariga Burco ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ma jiro war ka soo baxay labada dhinac ee kulanku dhex-maray laakiin wararka ay heshay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in saaka uu kulan saacado qaatay dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo inta badan madax-dhaqameedka beesha Habar-jeclo. Madax-dhaqameedka kulanka la yeeshay Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inay hoggaaminayeen Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire. Madax-dhaqameedkan oo marar kala duwan Hargeysa u yimid inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaanay u suurto-galin. Ma jiro illa xogo dheeraad ah oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac, balse waxa muddooyinkii ugu dambeeyay jiray saluug ay beesha Habar-jeclo ka muujinaysay hanaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maamulayo dalka. Wixii warar ah ka soo kordha kulankan iyo arrimaha laga wada hadlay kala soco Somalilandtoday Source
  15. Laamaha Amniga Dowladda Puntland ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, oo kaashanaya Taliska Ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya hawgal qorshaysan ku dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga Puntland, oo kaashana Ciidanka DANAB ay hawlgal qorshaysan ku dileen, Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, inkastoo aysan shaacin magaca Sarkaalkaasi. Qoraalka PSF, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug, haatanna uu qorshaynayay in uu qaraxyo kale ka fuliyo gudaha Magaalada Gaalkacyo. Laamaha Amniga, ayaa sidoo kale u mahadceliyay Shacabka, oo sida ay sheegeen Macluumaad ka siiyay, Daba-galka Sarkaalkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo dishay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  16. ” Aqoonsi maantuu inoogu dhawyahay ”. Dagaalkii webiga niil wuu sii xogaystay , Sodan konfureed iyo soodaan waqooyi waxay la safteen Masar , xaaladda jabuuti iyana waa qasan tahay , sidoo kale Kenya iyo Itoobiya iskuma wanaagsana , Qaahirina Mogdisho ayay hubaynaysaa. Intaa waxaa dheer , dagaalkii qaboobaa ee aduunka oo garaacaya albaabadda geeska , shiinaha oo bayskiisa jabuuti ku maalgelinaya 8 biyan oo doolar isagoo ka dhigaya sal-dhig wayn oo baaxadle , Maraykanka oo shiinaha kula loolamaya geeska kana soo horjeeda is balaadhinta shiinaha . Sidaa markay tahay , Somaliland waxay joogtaa halkii Etoobiya joogtay 1896 ama shiinuhu joogay 1950, waxaana la rabaa inay degdeg u qaabayso siyaasadeeda ku saabsan ictiraaf raadinta iyadoo sal-dhig uga dhigaysa saamaynteeda gobolka , kana gudbaya siyaaadii horre ee ku salaysnayd nabad baanu dhisnay iyo dimuqraadiyad , xoogana saartaa , kobcinta dhaqaalaha , dhismaha haayadaha amniga iyo kordhinta dhaq-dhaqaaqyadda diblomaasiyadeed ee danaha ku dhisan . Waxaas oo dhana waxaa muftaax u ah in madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad adag oo ka midho dhalin karta waqtigan adag . Source
  17. (SLT-Jabuuti)-Dibed-baxyada ka socda Dalka Jabuuti ayaa yeeshay Weji kale oo cusub. Dadweynaha ku nool Magaalada Jabuuti iyo Gobolka Cali Sabiix ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay waday dibed-baxyo ay ku dalbanayaan in xorriyaddiisa loo soo celiyo Fu’aad Axmed Cali oo ka mid ah Ciidammada Cirka Jabuuti, kaasi oo muddo laba bilood ah ku xidhan Suuli ku dhex yaalla Xabsiga Gabood ee dalka Jabuuti. Dadweynaha ayaa Jidadka iskugu soo baxay, ka dib markii baraha Bulshada lagu baahiyey Muuqaal uu Fu’aad ku soo dhex duubay halka uu ku xidhan yahay. Laakiin, Isku soo baxyada Rayidku dhigayaan waxa ka dambeeyay Kacdoon si hoose uga dhex bilaabmay Ciidammada Jabuuti, sida Millatariga. Khamiistii iyo Jimcihii Shalay waxa dirayskii Ciidammada iska dhigay isla-markaana sheegay in dulmi lagu hayo Laba Askari oo Rag iyo Dumar ah. Deeqa Ciise Duhur oo sheegtay inay Ciidammada ka mid ahayd ayaa tidhi “Shacbiyoow, Idinka dartiin ayaa dirayska u xidhay, idinka dartiina hortiina ayaa ku dhigayaa.” Deeqa waxa ka dambeeyay Askari ka mid ah Millatariga Jabuuti, waxaanu sheegay in dhibaato ka dhex jirto Ciidammada, dhibaatadaana ay wadaan 4 Qof oo ka mid ah Madaxda Jabuuti. Askarigan ayaa isagoo Muuqaal iska duubaya dhulka dhigay Derajadii uu xidhnaa. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Faransiiska ee ku sugan Dalka Maali ayaa dilay Hoggaamiyihii Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika, Abdelmalek Droukdel. Sidaana waxa caddaysay Dawladda Faransiiska oo sheegtay in hawl-galka Ciidammadu ku dileen Hoggaamiyaha Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika ay ka qayb-qaateen xulafadooda Gobolkaasi. Wasiirka ciidammada qalabka sida ee Faransiiska, Florence Parly, ayaa sheegtay in Cabdulmaalik Droukdel lagu dilay howlgal Arbacadii la saameeyay isaga iyo dhowr qof oo ka mid ah dadkii aadka ugu dhawaa. Cabdilmaalik Droukde waxa uu Al-Qaaciidda u qaabilsanaa waqooyiga Afrika, sidoo kale waxa uu abaanduule u ahaa ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Source
  19. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu mudda sannad ah u xirnaa maamulka Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyay Wariye Coldoon. Somaliland ayaa horay xukun ugu riday Coldoon ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedda Qaranimada Somaliland. Bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Hay’addaha Xuquuqul Aadanaha ayaa ka codsaday in Madaxweynaha Somaliland uu Cafis u fidiyo Coldoon taas oo ugu dambayn hirgashay. PUNTLAND POST The post Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dib u helay xorriyaddiisa appeared first on Puntland Post.
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka , gaar ahaan guutada 9-aad iyo dagaaylayahanada Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Abal oo 20 kiiilo mitir dhinaca bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), kuwaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa halkaasi Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku waaday saldhigyada ciidamada dowladda ee gobolladaasi.
  21. Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka labada aqal ee loo igmaday diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu si adag uga hadlay wararka sheegaya in 7-da kursi ee la sheegay in gobalka Banaadir uu ku yeelan doono aqalka sare lagu qeybsanayo nidaamka 4.5. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wh-1.mp4 Source: goobjoog.com
  22. Prof.Maxamed Xasan Doob oo sheegay in duubabka Gobolka Banaadir waa in ay ka miradhaliyaan sidii loo heli lahaa maqaamka caasimada Muqdisho. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Sequence-18.mp4 Source: goobjoog.com
  23. Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/madasha.mp4 Source: goobjoog.com
  24. War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-1.mp4 Source: goobjoog.com