Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — The Somali government is under fire after a recent directive from Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe that bans lawmakers from holding press conferences on parliamentary grounds. The decision, announced amid escalating political tensions, has led to accusations of media suppression and sparked concerns about government transparency. Source: Hiiraan Online
  2. Ethiopia has said Egypt “must abandon its aggressive approach” towards a controversial hydroelectric dam on the River Nile as tensions between the two countries continue to escalate. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa hortegay guddiga arrimaha diinta ee golaha shacabka oo su’aalo adag ka weydiiyey arrimo ay ku lug leedahay wasaaradda uu hoggaamiyo. Xildhibaanada ayaa Wasiir Mukhtaar Roobow weydiiyey sababta uu shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay ugu casuumi waayey culimada Ahlusunna. Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wada Ahlusunno yihiin, sidoo kale wuxuu sheegay in culimada Suufiyada ay metelaad ku lahaayeen shirarkii loo qabtay culimada. “Ahlusunna waxaan la dhihin Soomaaliya kama jiraan, dadka Soomaaliyeed oo dhan waa Ahlusuno, laakiin duquuqu Suufiya shirkaas waa yimaadeen mashaa’ikh badan ayaa ka joogtay, hadii qof kasta yiraahdo meeshii anigaa ka maqan waa dhibaato, dadka dhana lama wada qanci karo, hoolka Hotel Jazeera culimada Soomaaliyeed ma wada deeqo,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Wasiir ayaa carabka ku adkeeyey in culimada Soomaaliyeed ay shirkaas u dhamaayeen, “waad ogtihiin Nabigii ilaahey soo diray ayey dad ka hor yimaadeen oo wax ka sheegayeen, anaga maxaa naloo maleynayaa,” ayuu yiri Wasiir Roobow. Wuxuu qiray in culimada Duruuqu Suufiya ay wadankaan u soo halgameen, isla markaana ay shir guddoon ka ahaayeen shirweynihii culimada Soomaaliyeed ee dowladu qabatay, “Sheekh Suufiyare ayaa guddoomiye ka ahaa guddigii shirka culimada soo abaabulay, Sheekh Maxamed Baari oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Suufiyada ayaa joogay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray “Qof shakhsi ah tabasho waa qabi karaa, laakiin dhamaanteen ayaa Ahlusunno ah, culimada Suufiyadana waa joogtay shirkaas, culimada waxaa naga go’an inaan isku wadno, waa noo siman yihiin dhamaan culimada Soomaaliyeed.” Culimada Ahlusunna ayaa shirkaas ka qabtay tabasho badan maadaama aan lagu casuumin intooda badan, sidoo kale waxay mar kasta ka cabtaan Wasiir Mukhtaar Roobow oo sida ay sheegeen aad u diidan jiritaankooda, inkastoo ay toos u dagaalameen waayihii uu Mukhtaar Roobow ku jiray Khawaarijta Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiir Mukhtaar Roobow oo si cajiib ah uga hadlay qadiyadda Ahlusunna appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib u doorashadiisa. Labada madaxweyne ayaa wadahadalkooda hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal. Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune ayaa dib loo doortay markii Afaraad, sidoo kale waa mid ka mid ah hoggaamiyaasha sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dib loo doortay ee Aljeeriya waxay wadahadalkaan si qota dheer ugu lafagureen caqabadaha hareeyey Afrika iyo danaha ay wadaagaan labada dal. Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka Geeska Afrika, taasi oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Masar oo muddo dheer uu khilaaf kala dhexeeyey Itoobiya ay hadda dib uga soo biirtay xiisadda. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa galay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya loo qiray inay kaga guuleysatay Itoobiyaanka, waxaana hadda laga cabsi qabaa gacan ka hadal saddex geesood ah oo Masar iyo Soomaaliya oo dhinac ah ay ku jiraan. Madaxweynaha Algeria, Abdul Majid Tebboune, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya caawa ku dhiirigeliyey in xiisadda la qaboojiyo ilaa xad, lagana baaqsado dagaal toos ah. The post Xasan Sheekh oo la xiriiray madaxweynaha Algeria – Maxay ka wadahadleen? appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana kulanka goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha. Labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarinta xarriirka iyo wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Mareykanka, ayadoo xoogga la saarayo iskaashiga amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda wararka ee SONNA. Howlgalka AFRICOM ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, ayagoo kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada dowladda taageera. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda. Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maareeyaha Dakadda Muqdisho, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Xubno matalayay Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamulka Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka iibka qaranka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maareynta Maamulka Maaliyadda Guud, waxa uu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo kobcin lahaa daqliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale. Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne cabdulmajiid Tabbuun ayaa dhowaan mar kale loo doortay Madaxweynaha dalkaasi Aljeeriya ka dib doorasho dhacday lixdii bishan aanu ku jirno ee September. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwo ka dhan ah dowladda Masar oo ay ku eedeysay ‘hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday oo iyaga ka dhan ah’ waxayna Itoobiya codsatay in Masar ay tixgeliso. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa maanta warqad u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay. Sida ku cad qoraalka uu diray Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Taye Atzik-Salase wuxuu dowladda Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn ee ku saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadii’da caalamiga ah. Warqada ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor sidaan oo kale dowladda Masar u dirtay warqad kale. Wasiirka arimaha dibadda Masar, Dr. Badare Abdulati ayaa warqad sidaan oo kale uu ugu diray madaxweynaha Golaha Ammaanka wuxuu ku sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Sidoo kale warqadaas Masar waxay ku sheegtay in aysan si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance. “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga Qaramada Midoobay, si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay Masar u dirtay golaha Ammaanka, kaasi oo ka horeeyey kan maanta ay dirtay Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka, iyagoo midba midka kale uu eedeynayo, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii ay Masar ciidankeeda keentay Soomaaliya, taasi oo cabsi iyo walaac nadan ku abuurtay Itoobiya. Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya, waxayna isku diyaarineysaa inay bedesho doorka howlgalka gudaha Soomaaliya, iyadoo bedeleysa ciidanka Itoobiya oo gabi ahaantiisba laga saarayo Soomaaliya. The post Itoobiya oo warqad calaacal ah u dirtay Qaramada Midoobey, codsina u jeedisay Masar appeared first on Caasimada Online.
  9. Musharsxa xisbiga Waddani ee u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Somaliland dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maanta ka hadlaayay shirkii golaha dhexe ee maanta xisbiga Waddani uga furmay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan marnaba aanu xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya aanu mad madow gali doonin . Musharax Cirro ayaa la saadaalinayaa in uu ku guulaysto doorashada madaxweynaha ee dhici doonta 2 bilood ka bacdi iyada oo uu haysto tageerada dhamaan gobollada dalka oo dhan Halkan hoose ka daawo khudbaddii musharac Cirro oo dhamays tiran 458502030_1556745688581685_3333186715014889210_n Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Muqdisho uga qeyb-galay shirka amniga iyo isbeddelka cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga. Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay dadaal xooggan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Waxa uuna ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan. Ugu dambeyntiina wuxuu soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan. The post Maxaa maanta ka socda magaalada Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  11. Kenya's finance ministry will seek suggestions from the public on new legislation to boost revenue and tackle other challenges, Finance Minister John Mbadi said on Monday, after protesters forced the government to withdraw its financing law. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ku celisay inuu dhaqangali doono heshiiskii arrimaha badda ee horraantii sanadkan ay la gaareen dowladda Itoobiya. Heshiiskaas oo ballanka uu ahaa in 30 cisho rasmi looga dhigo ayaa illaa hadda far loo qaadin kadib markii carro xooggan ka muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan deegaanada Somaliland ku maraya safarkiisi ololaha dib u doorashada ayaa ka hadlay arrimaha heshiiska ay la gaareen dowladda Itoobiya, imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, wada-hadalladii iyaga iyo dowladda federaalka iyo qodobo kale. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay jirin wax bad ah oo ay siinayaan dowladda Itoobiya, balse heshiiskooda uu yahay mid ay badda kaga kireynayaan, waxaana uu dhinac iskaga riixay dadka ku eedeynaya inuu dhul ama bad Soomaaliyeed bixinayo. Yaa kireynaya? oo ah dooda u weyn ee hadalkiisa ka dhalaneysa dhowr jeer oo hore ayuu Muuse ka jawaabay, waxaana markale sheegay in aanay Somaliland cidna fasax uga rabin arrimaha la xiriira deegaanadeeda. Wuxuuse weli Muuse is-ilowsiinaya in aan maamulkiisa la aqoonsaneyn. Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu soo hadal qaaday ciidanka ka imaanaya dhinaca waddanka Masar, kuwaas oo aqbalay inay kamid noqdaan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay Biixi in Masar xasillooni darro soo wado, oo ay kordhineyso dhibaatada gobolka oo ay duullaan tahay, waxaana uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu dhalleeceyay tallaabadaas. Waxa uu intaa ku daray Muuse Biixi Cabdi in aanay jirin fursad wada-hadal ah oo u hartay dowladda federaalka ah iyo Somaliland, si kooban wuxuu u yiri “ninka Masaari iisoo watay nabad igama rabo”. Muuse Biixi wuxuu kale u jawaabay dad uu sheegay inay heshiiska diimeeyen oo ay isaga ku eedeeyeen inuu dowlad kiristaan ah heshiis la galay. “Sharciga Sacuudiga u ogolaaday inay heshiis la galaan Shiinaha iyo Mareykanka ee annaga noo diiday waa kitaabkee,” ayuu yiri Muuse Biixi. Si walba, Xiisaddii ka dhalatay heshiiskii uu Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoobiya ayaa weli taagan, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku guuleysatay inay go’doon siyaasadeed galiso Itoobiya, wallow maamulka Abiy Axmed ku adkeysanayo inuu dhaqangal noqdo is-afgaradkii ay Muuse Biixi la gaareen ama uu wax kale u gooyo. The post Muuse Biixi oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee badda appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa si adag u difaacay Xildhibaannadii Reer Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee degaannada Maaamulkaasi. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo Maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kadib safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa bogaadiyay mowqifka Xildhibaannada Reer Koonfur Galbeed ee taageerada u muujiyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Maamulka Koonfur Galbeed. “25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed, Xasaanada waxay ku matalaan dadkooda Koonfur Galbeed ee qabiil kale kama qaadi karo kumana matalaan, dalku waa fedaraal” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Odayaasha Beelaha Muqdisho ee colaadda u muujiyay dadka Reer Koonfur Galbeed “Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa kasoo yeeray waa wax ceeb ku ah midnimada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Lafta Gareen. Halkaan ka daawo Madaxweyne Lafta Gareen PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo si adag u difaacay Xildhibaannadii Reer Koonfur Galbeed ee taageeray Joogitaanka Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  14. 458989184_1026402965473200_532531405684242450_n Qaran News
  15. Baidoa (HOL) — Southwest regional state leader Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen commended federal lawmakers from Southwest on Monday for their endorsement of pro-Ethiopian troop protests in the Bay and Bakool regions. Source: Hiiraan Online
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta dalka dib ugu soo laabtay safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Baydhabo. Lafta-gareen oo soo dhaweynta kadib hadal u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay hadalladii dhawaan kasoo yeeray caasimada, taas oo ula jeedo xiisaddii ka dhalatay taageeraddii shacabka reer Koonfur Galbeed iyo xildhibaannadooda u muujiyeen ciidamada Itoobiya. Khilaafkan oo maalmo ka taagna baarlamaanka ayaa xal laga gaaray, wuxuuna hadalka Lafta-gareen u muuqda mid dib loogu istaadhayo xiisadda, isaggoo sheegay in beegsiga reer Koonfur Galbeed lagula kacay ay wax u dhimeyso midnimada, sida uu hadalka u dhigay. “25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba midnimo iyo inay ka shaqeeyaan danaha deegaankooda, isaggoo si weyn u amaanay tallaabaddii ay qaadeen xildhibaannada maamulkaasi oo dhawaan xiisad ka abuuray baarlamaanka Soomaaliya. Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli ay xildhibaannada Koonfur Galbeed ay aqbaleen raali-gelin uga timid xildhibaanada beelaha Mogadishu Clan, iyagoo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay horay wax uga tabanayeen. Xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad warkooda fursad ka dhex arkeen ay abuureen xiisad weyn oo ayaga lagu dhibaateynaayo. Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Mogadishu Clan ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya. Shir jaraa’id oo dhawaan ay si wadajir ah u qabteen xildhibaanada labada garab ee is raali geliyey ayaa qolo kasta waxay cadeysay in wixii dhacay halkaas looga gudbay oo warka intaas lagu dhameeyo, bulshada Soomaaliyeed oo isku duubana laga doonayo inay dalkooda difaacdaan. The post Lafta-gareen oo dib u istaadhay khilaafkii BF iyo arrin cusub uu maanta ku dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.
  17. Baaritaan bilow ah oo lagu sameeyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka dalka Tanzania ayaa lagu ogaaday in la garaacay oo lagu shubay aashito, sida uu sheegay xisbigiisa. Meydka Cali Maxamed Kibao, oo xubin ka ahaa xoghaynta xisbiga ugu wayn mucaaradka Chadema, ayaa la helay Sabtidii, maalin ka dib markii laba nin oo hubaysan ay ku qasbeen bas ka yimid magaalada Daaru-Salaam, kuna sii jeeday Tanga ee waqooyi bari. Baaritaanka hordhaca ah la sameeyay, waxaa ka muuqata in Cali Kibao la dilay ka dib markii si xun loo garaacay oo xitaa aashito wajiga looga shubay, sida ay wariyaasha u sheegeen xubno ka tirsan xisbigiisu. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  18. . Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha ay u baaqdeen arrimo jiray oo guddoonka uu ku howlanaa xalintiisa kuwaas oo hada lagu guuleystay. “Waxaan idinka raali gelineynaa labadii kulan ee baaqday sababtuna waa inaan ku howlaneyn arrimo ka dhex jiray Xildhibaanada inaan xalino waan xalinnay waana ku guuleysanay, Xildhibaanada sharafta leh runtii waan idin kaga mahadcelinayaa dadaalkiina, dalkan dowlad dhiskiisa iyo horumarkiisa qeyb libaax leh oo muhiim ah ayaad kaga jirtiin waana ku mahadsantihiin”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Ajendaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo. Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa xubnaha guddigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeesheen kulankii 12-aad ee kalfadhiga shanaad oo ku saabsanayd arrimaha matalaadda Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Timacadde oo tilmaamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka. Source: goobjoog.com
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhawaan dowladda Jabuuti ayaa ugu yaboohday dowladda Itoobiya inay siinayso deked ay si buuxda u maamushaan oo xigta dhanka xadka Jabuuti ay la wadaagto Eritrea, si loo soo afjaro khilaafka gobolka xasillooni darrada galiyay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa wareysi ku sheegay ballan-qaadkan, wuxuuna raaciyay inay sababta tahay sidii loo kala bad-baadin lahaa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Balse yaboohaasi qaaliga ah illaa hadda kama soo jawaabin dowladda Itoobiya, sidoo kale Itoobiya ayaa horey u diiday inay qaadato saami 19% ah oo laga siiyay dekedda magaalada Berbera sanadkii 2018, markaas oo maamulka dekedda lagu wareejiyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Inay Itoobiya diiday inay qaadato saamiga laga siiyay dekedda magaalada Berbera, haddana ay ka aamusto dalabka dekedeed ee uga yimid dowladda Jabuuti waxay muujineysa in aysan Itoobiya raadineyn marin ganacsi. Sida iska cad Itoobiya laba hadaf ayey leedahay, mid waa deked ay toos u yeelayo iyo midda labaad oo ah saldhig ciidan, waana midda keentay in aanay kasoo jawaabin farriinta Jabuuti, sidoo kalena aanay qaadan saamigii ganacsi ee laga siiyay dekedda Berbera. Dekedda ay Jabuuti ugu yaboohday Itoobiya waa fahamsan tahay Addis Ababa in aysan toos u qaadan karin balse ay tahay mid ganacsi, sidoo kalena aanay ka dhigan karin saldhig ciidan. Maamulka Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida waa inay tani baraarug ku ridaa. Ciddii maanta Itoobiya u fasaxda biyaha Soomaaliya waa hubaal in aanay berri ka kicin karin. Yabooha dekedeed ee ka yimid Jabuuti wuxuu sii fashiliyay qorshaha Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuu fagaareyaal badan ka sheegay in 120 milyan ee Itoobiyaanka ah inay xaq u leeyihiin inay helaan bad ay ku ganacsadaan. Laakiin hadda si fudud ayey Jabuuti u tustay caalamka in uusan hadalka Abiy Axmed sax aheyn oo doonistooda ganacsi ku eekeyn. Xiisada u dhaxeysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli taagan, waxaana la filayaa in bartamaha bishaan inay markale labada waddan isku arkaan magaalada Ankara ee waddanka Turkiga, xilli aanay wax weyn oo macno leh kasoo bixin wejiyadii hore ee wada-hadallada. The post Jawaab la’aanta Itoobiya ee yaboohii Jabuuti oo muujinaysa damac halis ah appeared first on Caasimada Online.
  21. 457149966_856788669875115_1532661665911059349_n (1) Qaran News
  22. Xafiska Tirakoobka Jabuuti ayaa soo bandhigay natiijada Tirakoobkii Saddexaad ee Dadweynaha iyo Guriyeynta dalka Jabuuti, kaas oo Muujinaya in dadka reer Jabuuti ay kor u dhaafeen 1 milyan oo qof. Agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka Jabuuti Ibrahim Cabdi Xaddi oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in si aad ah ay u sugayeen in tirada dadka reer Jabuuti ay gaarto 1 milyan oo qof. Tirada dadka ku nool dalkaasi ayaa hadda ka talawday oo hal milyan oo qof kor u dhaaftay sida uu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska Tirakoobka dalkaasi Ibrahim Cabdi Xaddi. “Maanta waxaan u sheegaynaa dadwaynaha Jabuuti dhammaan inaan hal milyan lix iyo lixdan kun sideed boqol iyo sagaal qof(1.066,809) aan nahay Jabuuti” ayuu yiri Ibraahim Cabdi Xaddi. Sida ku cad tirakoobka tirada dumarka ayaa ka badan ragga ku nool dalka Jabuuti waxaana ay yihiin %50.3 dumarku halka tirada ragga ay tahay boqolkiiba %49.7 PUNTLAND POST The post Tirada guud ee dadka Reer Jabuuti oo gaartay in ka badan hal milyan oo qof appeared first on Puntland Post.