Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ukraine targeted the Russian capital on Tuesday in its biggest drone attack so far, killing at least one and wrecking dozens of homes in the Moscow region and forcing around 50 flights to be diverted from airports around Moscow. Source: Hiiraan Online
  2. Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaankii ay ka qaaday macalimiinta Soomaaliyeed Sida ka muuqata Natiijada ay Wasaarado shaacisay waxaa loo baahnaa Saddex kun oo macalin balse hadda laba kun ayaa soo gudbay. Tirada guud ee soo codsatay: 26,570 Tiradan waa tirada guud ee dadka codsaday in ay ka qeybgalaan imtixaanka balse qaarkood waxa ay ku hareen hubinta Shahaadooyinka. Tirada dadka imtixaanka usoo gudbay: 13,252 Ka dib marka dadka ay soo gudbaan qaybta hore ee imtixaanka, tiradan ayaa ah dadka xaq u yeeshay inay galaan imtixaanka dambe qoraalka ah. Tirada dadka imtixaanka galay: 10,333 Tani waxay muujineysaa tirada dadka dhamaantood ee galay imtixaanka dambe, kuwaas oo loo diyaariyey in ay ka qaybgalaan qaybaha kala duwan ee imtixaanka. Tirada dadka imtixaanka Afka usoo gudbay 2,098 Tiradan waxay muujineysaa dadka soo gudbay qaybta imtixaanka Afka ah oo ah qeybta ugu dambeysa. Source: goobjoog.com
  3. New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle oo hadal ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, isaga oo farriin culus u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah. Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay waddamada qaybta ka ah howlgalka sii dhammaanaya ATMIS inay dhowraan madax-banaanida Soomaaliya oo uu tilmaamay inay tahay lama taabtaan. Waxaa kale oo uu ku booriyay inay waddamadu u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka, si looga hortago xiisad horleh oo ka dhacda Geeska Afrika. Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in danaha dalalka ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar gelin kara xasiloonida dalka iyo guud ahaan gobolka. “Haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, waxaa dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abuukar Baalle. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka, taas oo ku xadgdubtay madax bannaanida Soomaaliya, kadib heshiis sharci darro ah oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed horraantii sanadkan 2024 la galay Somaliland. Si kastaba, xiisadda ayaan haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo iyana heshiis difaac la gashay Soomaaliya, waxaana ka carootay dowladda Itoobiya oo ay xukuumadda Qaahira isku hayaan arrinta Wabiga Nile oo muddo dheer soo taagneyd. The post DF oo dalab culus u dirtay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  4. 10000000_409380498462160_3592257694332772844_n Qaran News
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika. Itoobiya oo la sheegay in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia la gashay maamulka la baxay Somaliland. Xiriirka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Nile. “Nala taaban maayo! Si kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa. “Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay. Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay “qalqaliyaan xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo Muqdisho. Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda loo yaqaan ATMIS. Itoobiya ayaa hadda gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Balse dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda dhuleed. Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo. Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha. The post Abiy Ahmed oo hanjabaad cusub diray xilli ay kasii dareyso xiisadda gobolka appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamulkeeda yeelato, lakiin ay rabto in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula gasho dekeda Tojora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si ka duwan balanqaadkiisii hore sheegay in anay Itoobiya siinayn dekeda Tojora, lakiin ay rabaan in ay wada maamulaan. “Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tojora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf. Waxa uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku baxday dhismaha dekeda Tojora, lakiin anay bixin karin mushaarka shaqaalaha ka hawlgala, sidaas darteedna ay rabaan in ay ka dhigaan deked ganacsi, si ganacsiga Itoobiya aanu ugu wareegin Somaliland iyo Eriteria. “Bari waxa furmi doonta marsada Casab oo xamuulka qaar ayaa halka u guuri doona, waxa dhici karta in qaar kale u wareegaan Somaliland, innagu waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga Itoobiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo dajiyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidookale, waxa uu dhawaan sheegay in anay Itoobiya siin doonin saldhig badeed, lakiin ay iyagu yihiin ganacsato, isla markaana khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ay labada dowladood ka xaali doonaan. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Xamza ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland. “Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MoU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yir. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka. “Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco. The post XAMZA oo war culus kasoo saaray xiisadda Itoobiya iyo arrinta Masar appeared first on Caasimada Online.
  8. UNITED NATIONS (HOL) — Somalia's Permanent Representative to the United Nations, Abukar Dahir Osman, has called on African Union troop-contributing countries to follow international law and respect Somalia's territorial integrity strictly. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal dheer soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay ka hadlay xiisadda Itoobiya, isaga oo la saftay xildhibaanadii taageeray Itoobiya. “25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu shalay yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka. Jaamac oo jawaab ka bixiyay hadalkan ayaa tilmaamay in SYL ay tahay astaan gobonimo oo mudan in la sharfo, maadaama ay tahay taariikh ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka Koonfur Galbeer ee u banaanbaxay Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay in loo hoosaaseeyo cadow uu sheegay inay horay u diideen awoowayaasheen. “Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo” ayuu yiri. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran;’- GOBANNIMADA QARANKA SOOMAALIYEED Waajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo. Wax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah. Ma jiro qof xaq u leh in ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee ummadda soomaaliyeed. Taariikhda difaaca qaranka soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya. Si gaar ah, waxaan ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, marna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo. Cabdulqaadir Sakhaawadiin Sh Uweys oo ahaa wiil Tunni ah, Digil ah reer koonfurgalbeed ah ayaa ahaa aasaasihi SYL iyo hoggaamiyihi 13ki halgamaa ee gobannima doonka casriga ah hoggaamiyay. SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca qaranka soomaaliyeed. Waxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah, kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa. Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena. ALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA; IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY; OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY; The post Wasiir Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  10. 459103566_2047414509010292_7118994491574837979_n Qaran News
  11. 459093460_1059957268858356_7969521324808895811_n Qaran News
  12. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller. Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas. Danjiraha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo ay ugu horreey Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlanyahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Waxa uu baaq culus u diray dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran. “Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray “Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.” Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda. Dib-u-dhiska wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kamid ah qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh, si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo farriin culus diray kadib tallaabo uu maanta qaaday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Mohamed Abduba Dida oo u tartamay madaxtinimada Kenya sannadihii 2013 iyo 2017, ayaa hadda ku qaadanaya xabsi toddobo sano ah oo ku yaalla xabsi ku yaalla dalka Mareykanka, ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira daba-gal iyo caga-jugleyn. Dida, oo 50 jir ah, ayaa xukunka xabsiga kaga shaqaynaysay Xarunta Asluubta ee Big Muddy ee Illinois ilaa Noofambar 18, 2022, ka dib markii lagu helay laba eedaymood. Midka ugu horreeya, oo lagu tilmaamay inuu yahay daba-gal iyo hanjabaad gudbin, wuxuu ku muteystay 2 sano oo xabsi ah. Midda labaad, daba-galka aadka u daran iyo ku xad-gudbida amarka xakamaynta, waxay keentay xukun 5-sano ah. Dembiyada ayaa lagu galay degmada McLean, Illinois. Dida ayaa si kastaba ha ahaatee bilaabay cabasho ku saabsan ku xadgudubka xuquuqdiisa dastuuriga ah, oo ay ku jirto xaqa ku dhaqanka diinta Islaamka iyo ilaalinta jadwalka maalinta Islaamka ee salaadda. “Dacwooduhu wuxuu sheeganayaa in hadda Big Muddy loo oggolaaday inuu noqdo imaam tabaruc ah, laakiin waxaa loo oggolaaday hal salaad oo jimce ah. “Si kale ayaa loo diiday salaadda ka hor iyo ka dib qorrax-soo-baxa iyo qorrax dhaca, waxaana loo diiday saddex duco oo dheeraad ah,” ayaa lagu yiri dacwad sharci ah oo laga gudbiyay Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Degmada Koonfurta Illinois. Dida waxa kale oo uu ka cawday in uu u baahday qubeys buuxa maalinta jimcaha salaada ka hor, laakiin in kastoo kulamo badan oo arrintan ku saabsan, uu awoodi waayay in uu diyaariyo. “Waxa uu sheeganayaa in xitaa hal dhibic oo kaadi ah ay burinayso salaaddiisa, taas oo ka dhigaysa dhibaato in lagu tukado qol ay ku yaalliin musqulo,” ayay raacisay cabashadu. , Source: goobjoog.com
  15. Maamulaha shirkadda Amal Bank ee magaalada Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere) oo saaka laga af-duubtay Qardho ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in laga sii daayo kooxdii qafaashay. Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolkaasi oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in dib xoriyadiisa loo siiyo maamulaha Amal-Bank Qardho Yuusuf Dheere oo saacado kooban af-duubnaa. Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay in ay af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso. Dhinaca kale waxaan weli xorriyaddiisa helin oo ku xiran xarunta PSF Boosaaso Eng. Cabdirashiid Yaasiin oo ahaa xiriiriyaha shirkadda dhisaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Maamulaha shirkadda Amal Bank ee magaalada Qardho oo laga sii daayay koox saaka af-duubtay appeared first on Puntland Post.
  16. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo dhawaan u yaboohday Itoobiya inay si toos ah ula wareegto dekedda Tadjoura, si xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib uga laabatay, iyada oo banaanka usoo baxay qorshe qarsoon oo ay ka laheyd arrintaasi. Jabuuti ayaa sii deysay hadal ay ku sheegtay in aysan ka wadin in Itoobiya ay siinayso deked ee ay ula jeeday in suuqa dekedda Tadjoura kor loo qaado, islamarkaana ay isticmaalan Itoobiyaanka si aysan u waayin macaamiishooda u weyn ee Itoobiya. Itoobiyaanka ayaa hadda ku tiirsan ganacsi ahaan dekedda Jabuuti, oo ay wax kala soo dagaan, waxayna dowladda Jabuuti uga dan laheyd inay sii xajisato Itoobiyaanka, si aysan ugu guurin Somaliland iyo Eritrea. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu hadalkiisu ahaa in Itoobiyaanka usoo bandhigayeen in ay wada maamulaan waxna kala degto dekeddaasi, taas oo ka fog hadalkii uu horey usii daayay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd in ay haystaan macamiishooda u weyn ee Itoobiya, si aanay ugu guurin Somaliland iyo Eritrea, isaggoo meesha ka saaray in dhawaaqooddii hore uu ahaa in dekedda Tadjoura ay siinayaan Itoobiyaanka. Itoobiya ayaa wax jawaab ah ka bixin tan iyo markii uu soo baxay yabooha Jabuuti, waxaana muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka laheyd tallaabadaasi, kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay. Itoobiyaanka ayaa iyagu raba deked aan kiro aheyn oo ay milkiyaan, waana midda illaa maanta ay ugu dhagan yihiin is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland, kaas oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya. Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal. The post Ujeedo qarsoon oo Jabuuti ka laheyd yaboohi Itoobiya ee dekedda oo banaanka yimid appeared first on Caasimada Online.
  17. This First Person column is the experience of Linda Ewack, who lives in Regina. For more information about CBC's First Person stories, please see the FAQ . Source: Hiiraan Online
  18. Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed. Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii Augost ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan. 1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah. 3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah. 4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida. Source: goobjoog.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran. “Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”. Waxa uu sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda. Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) — Djibouti has announced it will not grant Ethiopia complete control over the Port of Tadjoura, offering instead a joint management agreement to secure trade relations between the two nations. This decision reverses earlier plans to transfer complete oversight to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  21. Baardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus, waxaana lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhamaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo. Garoomada muhiimka ah ee ciidamada Itoobiyaanka la saldhigteen ayaa waxaa kamid ah kuwa degmada Luuq, Doolow, iyo Baardheere. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar lagu beddelo ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya, oo ayagu jooga inta badan gobollada xaduudaha la’leh Itoobiya. Itoobiyaanka ayaa haatan kalsooni ka haysata maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horyimid in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda, xilli ay shaacisay dowladda Soomaaliya in aysan sii joogi doonin dalka haddii aysan ka laaban is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland. Tallaabadan ayaa daba socot mid ay horey dowladda Itoobiya ay ciidamo badan oo gaashaaman ugu sool daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Tan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda. Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar. Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya. Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weyn usii kala fogaadeen. The post Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  22. Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya. Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay golaha ammaanka qaramada midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga qaramada midoobay BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah. WarqadDaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad. Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo waxa ayna ku soo aadday ka dib markii sida ay warbaahinta qaar tebiyeen diyaarado ciidan oo Qaahira ka yimid ay ka dageen Muqdisho waxaana sii korortay xiisadda gobolka. Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen Qaahira iyo Muqdisho, Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya. Dhanka kale Danjire Taye Pagume, ayaa isna warqad u qoray madaxweynaha golaha ammaanka sanadkii 2016, waxa uuna sheegay in uusan aqbalin eedeynta Masar ay u jeedisay Itoobiya. Warqaddaas ayay Itoobiya ku muujisay mowqifkeeda ah in go’aanka ka faa’iidaysiga kheyraadka uu yahay mid ay maamulaan dalal, wixii khilaaf ah ee yimaadana lagu xalliyo xiriirka labada dal ama urur-goboleedyada. “Itoobiya, waxay doonaysaa inay si aan leexleexad lahayn u xaqiijiso in isticmaalka biyaha Masar ama mashruuc kasta aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin saamiga saxda ah, sharciga ah iyo saamiga ku habboon ee Itoobiya ee biyaha Niil”. Danjire Taye ayaa xasuusiyay in markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqasho rasmi ah ku tagay Qaahira bishii Luulyo 2015, uu la gaaray Madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi in la qabto wadahadal saddex geesood ah oo ku saabsan buuxinta biyaha iyo ka shaqeynta biyo xireenka. Qoraalka sawirka,Masar iyo Itoobiya ayaa warqado u qoray golaha ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo Si kastaba ha ahaatee, “in kasta oo Itoobiya ay si buuxda ugu diyaargarowday inay sii waddo wada-xaajoodka; Masar waxay ku dhawaaqday inay ka baxday wada xaajoodkii saddex geesoodka ahaa,” ayuu yidhi. Waxa uu sheegay in Masar ay hareeyeen wada xaajoodyadii saddex geesoodka ahaa iyo in ay warqado isdaba joog ah u diraan golaha ammaanka ay tahay caqabad kale oo hortaagan dadaallada lagu doonayo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal. Safiirka ayaa sheegay in Masar ay dooneyso inay si gaar ah u isticmaasho biyaha Niilka. Dhawaan Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa yiri ‘Mashruuc kasta oo horumarineed oo dal kasta laga sameeyo waa in loo sameeyaa si aan waxba u dhimin ama aan la dhimin saamiga biyaha ee wabiga Niilka ee Masar’ iyada oo lagu hagayo shuruuc gumaysi oo aanay dalalka kale ee dooxadu ku jirin ama aanay ku raacsanayn, ayuu danjire Taye u diray warqad. Danjire Taye ayaa sheegay in Itoobiya ay muujinayso sida ay uga go’an tahay in la gaaro heshiis lagu heshiisiin karo cid walba, wuxuuna muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii wado wadahadallada saddex geesoodka ah ee ay garwadeenka ka tahay midowga Afrika ama iyadoo la raacayo sharciga guud ee iskaashiga. Gorgortanka biyo-xidheenka Renaissance Bishii Diseembar 2016, wadahadallada ay Itoobiya, Masar iyo Suudaan wadeen dhowr sano oo ku saabsan dhismaha iyo hawlgalka Renaissance. Waxaa lagu xasuusan doonaa inuu kala diray oggolaansho la’aan. Masar iyo Itoobiya waa ay awoodi waayeen in ay heshiis gaaraan, sababo la xiriira kala duwanaanshaha aasaasiga ah ee biyo xireenka. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka ku yimid wada xaajoodka. Masar iyo Suudaan ayaa ku doodaya in heshiis dhab ah la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya billaabin buuxinta biyo-xireenka weyn oo dhismihiisa socday muddo 13 sano ah. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa biyo-xireenka ka dhigaysa in uu biyo xidho iyada oo aan la gaadhin heshiis dhab ah oo sheegaya in ay ka faa’iidaysato saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Niil. Bbcsomali Qaran News
  23. Mogadishu (HOL) — After breaking Somalia's 36-year absence in the CAF Champions League, Dekedaha SC now confronts one of African football's most daunting tasks: back-to-back matches against Tunisia's Esperance, with both legs taking place in hostile territory. Source: Hiiraan Online