-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Josep Borrell, the European Union's Vice President and Head of Foreign Affairs, warned of a looming humanitarian disaster in Gaza, drawing comparisons to Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay Masar siin doonaan 1.3 bilyan oo doolar oo kaalmo militari ah, taas oo meesha ka saareysa walaaca laga qabo xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah xuquqda aadanaha ee lagu eedeeyo dowladda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi. qayb ka mid ah gargaarkaas ayaa ku xirnaan doonta shuruudo u baahan in ay fuliso Masar, kuwaas oo ku saabsan hagaajinta xuquuqul insaanka, Islamarkaana ay wax ka qabato xadgudubyada ka dhanka ah mucaaradka iyo shaqsiyaadka madaxweyne Siisi ka aragtida duwan, balse xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u sheegay Congress-ka in kaalmada militari aysan wajihi doonin shuruudaha caadiga ah. Intaas ka dib afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sharraxay in shuruudahaas lagu dhaafay magaca amniga qaranka, waxaana go’aankan lagu sheegay mid muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo kaalinta Masar ee xal u helidda xasraha Bariga dhexe sida dagaalka Qasa. Masar oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaartay wada xaajoodyada xabad joojinta ee socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda hubaysan ee Falastiin ee Xamaas, iyadoo hoggaamiyeyaasheedu ay doonayaan in la soo afjaro dagaalka marinka Qasa. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Mogadishu University has emerged as the winner of the Somali International Humanitarian Law (IHL) Competition, securing its place to represent Somalia at the All Africa IHL Competition in Nairobi this November. The event was held in Mogadishu on Wednesday and was the first in-person edition after two years of virtual competitions. The mock trial saw Mogadishu University outshine Somali National University in a heated final round. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Gaalyeel oo hoostaga magaalada Godinlabe ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in dablay hubaysani ay xalay halkaas ku dileen nin iyo xaaskiisa. Falkan oo la xariira aano qabiil ayaa kamid ah dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee ay sababeen colaadaha beelaha ee gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo laamaha nabad-gelyadu ay arrintan ka soo saareen. Gobalka Galgaduud ayaa kamida meelaha ay colaadaha beeluhu aanfeeyeen, waxaana maalmo ka hor dagaallo lagu hoobtay ay ka dhaceen deegaanno ku yaalla waqooyiga gobolka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay illaa 10 eedeysane oo loo haysto inay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Eedeysanayaasha oo sawirradooda lala wadaagay warbaahinta ayaa loo haystaa inay gaysteen dil, dhaawac iyo dhac, isla markaana ay qalqal-gelinayeen amniga caasimada. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla markaana lagu soo qabtay howlgalladii ugu dambeeyay. “Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay,adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 xubnood, kuwaas oo geestay falal iskujira Dil,Dhaawac iyo dhac dadweyne ka geestay, Dagmooyin kala duwan ee Caasimadda” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska Booliska. Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in raggan lala tiigsan doono sharciga, lana horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, “Waxaa ku socota baaris waxaana la mar siindoonaa cadaaaladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir. Dhinaca kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan halis kasta, “Waxaa shacabka Caasimadda ku nool laga codsanayaa in ay nala soo wadaagaan cidwalba oo ammniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanak Boliiska Soomaaliyeed 991 amma banadir@bolice.gov.so.” ayaa lasii raaciyay qoraalka Booliska. Maalmihii u dambeeyay waxaa caasimda ka socday howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd, sidoo kalena lagu fashiliyay weeraro qaraxyo ah. The post Sawirro: 10 nin oo loo haysto dambiyo culus oo lagu soo bandhigay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis, MN (HOL) — Indian Congress leader Rahul Gandhi's meeting with U.S. Congresswoman Ilhan Omar (D-Minn.) during his visit to Washington has drawn sweeping condemnations in India, particularly from the ruling Bharatiya Janata Party (BJP). The BJP has accused Gandhi of aligning with individuals perceived to be "anti-India," citing Omar's outspoken criticism of India's policies on Kashmir, religious intolerance, and human rights abuses. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka bilowday degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug. Dagaalka oo u dhexeeya laba mileeshiyo beeleed ayaa weli soconaya waxaana laga soo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac. Dagaalka ayaa daba socday iska hor imaad khasaare geystay oo shalay labada beelood ku dhexmaray degaanka hadda lagu dagaallamayo sida ay sheegayaan dadka degaanka. Ugu yaraan 10 ruux oo kamid ah dhinacyada dirirtu u dhexayso ayaa ku dhintay dagaalka oo weli socda halka in ka badan 20 kalena ku dhaawacmeen. Marar kala duwan ayaa la isku dayay in waan-waan nabadeed lagu xalliyo colaadda labada beelood oo soo noq-noqotay balse ilaa iyo hadda laguma guulaysan dadaalladii socday. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed xooggan oo saaka ka socda nawaaxiga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa. Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland. “Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah,” ayuu yiri Ciise Kayd. “Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri. Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya. Maxay tahay maktabaddan? Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan. Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah. Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen.” Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed. Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah. “Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay. Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas. Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore,” ayuu yiri Maxamed. Isha: BBC The post Xog: Sababta rasmiga ah ee SOMALILAND ay u xirtay maktabaddii Masaarida appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Food security experts from Somalia, the United Nations (UN), and other international agencies on Wednesday resolved to take proactive steps to mitigate the impacts of prolonged dry spells on the East African country. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has introduced its first-ever national laboratory strategic plan to enhance its public health system by improving disease diagnostics and health crisis response. Developed in partnership with the Africa Centers for Disease Control and Prevention (Africa CDC), the plan addresses critical gaps in the country's health infrastructure, which has long been weakened by decades of conflict. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya degaan xeebeedka Gabbac oo qiyaastii 30 dhinaca bari ka xiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen afar carruur ah kadib markii uu ceel liqay. Carruurta oo dhammaantood wiilal ah islamarkaana la waayay galabnimadii ayaa xalay meydadkooda laga helay ceel ku yaalla degaankaasi Gabbac sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoysaskooda. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhammaantood ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 10 oo kan ugu weyn uu ahaa da’da 7 sano jir. PUNTLAND POST The post Afar carruur ah oo ku dhintay ceel ku yaalla degaan ka tirsan degmada Eyl appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland ayaa shaacisay inay albaabbada u laabtay Maktabadda Dhaqanka ee dalka Masar ee magaalada Hargeysa. Maktabaddan oo uu ku socday dayactir ayaa waxay ku taallaa meel u dhow Madaxtooyada Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in sababo dhanka ammaanka ah loo xiray maktabadda, isla markaana muddo loo qabtay in shaqaalaha ka shaqeynayay ay isaga baxaan Somaliland. “Waxaa jira oo dowladda Somaliland ay aqoonsatya walaacyo amni oo halis ku ah qaranka, sidaa darteed wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay go’aansatya in lagama maramaan ay tahay in si joogto ah loo xiro Maktabadda Dhaqanka ee Masar, kuwa ka shaqeeynayana dalka laga saaro muddo 72 saacadood ah. “Go’aankan ma aha mid fudud, laakiin badbaadada muwaadiniinteenna waa mas’uuliyad qaran oo muhiim ah. Waan ognahay Masar hubka ay kusoo daldashay dowladda Muqdisho oo aan aaminsannahay inay waxyeeleyso nabadgelyada iyo xasiloonida mandiqadda,” ayuu yiri. Dr Ciise Kayd ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhammaaday heshiiskii is afgarad ee badda ee horraantii sanadkan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya. Maxay tahay maktabaddan? Maktabaddan oo haatan uun la doonayay in dib loo furo ayaa waxaa ku socday dhisme. Qalabkii iyo buugaagtii lagu furi lahaa ayaa waxay haataan yaallaan Dekedda Berbera, dhawaan ayaana la filayey in la soo raro, sida uu BBC u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Shaqaalaha meesha ka shaqayn jiray ee shaqaale ahaanta ugu qoran ayaa gaaraya ilaa shan. Maxamed Cabdi Daa’uud oo ah taariikhyahan ku nool magaalada Hargaysa oo BBC la hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee Masaaridu ay tageen Hargeysa ay tahay qiyaastii bilowgii 1964, iyagoo xilligaas furay madraso bilaash ah. Maxamed oo qudhiisa mar ka mid noqday ardaydii madrasada ayaa yiri: “Iskuulka muddo ayuu socday ilaa 1969. Waxay sidoo kale sameeyeen maktabad wixii ka dambeeyay 1966 meelahaas, waxayna ka fureen meel u dhow Shaleemadii Qaranka Hargeysa oo ay kireysteen,” ayuu yiri. Maktabadda ayaa waxaa markaa magaceeda la oran jiray Maktabadda Islaamiga ah ee Masar, sida uu sheegay Maxamed. Muddo kadib ayaa maktabadda loo soo wareejiyay meel u dhow madaxtooyada Somaliland, iyagoo dhisme ku waday fooq ilaa labo dabaq ah. Xigashada Sawirka,Maxamed Cabdi Daa’uud Qoraalka sawirka,Maxamed Cabdi Daa’uud “Filimo af Carabi ah ayaa lagu daawan jiray si bilaash ah, si ay dhalinyarada usoo jiitaan. Dhaqan Masaari ah ayay sideen aflaamta, sida dagaallo iyo heesaha iyo qoob ka ciyaarka dalkaas,” ayuu intaa raaciyay. Maktabaddan oo burburkii Soomaaliya kadib isaga guurtay Hargeysa, ayaa waxaa haatan la doonayay in dib loo furo, iyadoo dhismaha uu ku socday casriyeyn. Somaliland ayaa ku amartay injineerrada iyo shaqaalaha inay degdeg isaga baxaan halkaas. Maxamed ayaa sheegay in sababta ay Somaliland u xirtay maktabaddan ay u muuqan karto inay tahay “Kolley Masaaridu waxay u janjeertay dhanka midnimada Soomaaliya marka la eego taariikhdoodii hore.” Ayuu yiri Maxamed. Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo Masar Qoraalka sawirka,Itoobiya oo dacwad ka dhan ah Masar u gudbisay Golaha Ammaanka Itoobiya ayaa dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay tixgalinta in Masar ay ku kacday “hanjabaado iyo rabshado soo noqnoqday” oo ka dhan ah Itoobiya. Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa ayna uga codsatay in golaha ay ka fiirsadaan hanjabaadaha soo noqnoqday ee Masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay BBC-da ayaa aragtay warqadda uu qoray wasiirka arimaha dibadda, safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah. Warqaddaan ay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka, ayaa ku soo aadeysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad. Hadda kahor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha. Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbalin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo ilaalinta danaha dadkeeda. “ Dhanka kale Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir dhow kaasoo ka caraysiisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis is af garad oo dhanka badda ah. Sidoo kale, bartamihii bishii hore, Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca iyo amniga la saxiixatay dalka Masar, kaaso ujeedkiisu ahaa iskaashi ay yeeshaan wasaaradaha gaashaandhigga labada dal. Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku qaabilay wefdi ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan, oo shir jaraa’id ay wada qabteen Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa waxay sheegeen in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo ka hor hadalkooda wasiirrada difaaca ee labada dal ay wada saxiixeen heshiis difaaca iyo amni ee Soomaaliya iyo Masar. Sidee ayay ku bilaabatay xiisadda Geeska? Itoobiya ayaa 1-dii January qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo badda, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya. Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa. Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad. La taliyaha ammaanka qaranka ee Mr Abiy, Redwan Hussien, ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in arrintan ay sidoo kale Itoobiya u suurtogelin doonto inay hesho “saldhig militari oo kiro ah” oo badda ay ka hesho. Heshiis is af-garad (MoU) ma aha mid sharci ah balse wuxuu waddada u xaari karaa cahdi shuruuc kusoo rogaya dhinacyada kala saxiixday. Xukuumadda Addis Aababa ayaa heshiiskan u aragta guul diblomaasiyadeed oo weyn. Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in “dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah”. Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka. Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwa Somaliland iyo bulshada labada dhinacba. Jawaab sax ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta dhul geyigeeda ka mid ah. Balse telefishinka qaranka Soomaaliya SNTV ayaa shaaciyay inuu jiri doono kulan wasiirrada oo degdeg ah oo maanta oo Talaado ah looga hadli doono arrintan. Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Soomaaliya oo arrintan ka falceliyay ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Qaran News
-
The Italian Ambassador in Mogadishu Pier Mario Daccò Coppi and the deputy director of the Nairobi office of the Italian Agency for Development Cooperation - AICS met the Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre for an update on the forthcoming launch of projects financed by the Towards Peace and Stability in Somalia fund in favour of the areas liberated from Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Colaad beeleedyo ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda inta badan deegaanada maamulka Galmudug kuwaasoo saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada. Galgaduud waxaa dagaal beeleedyo xooggan ka socdaan Kaxandhaale, deegaano u dhow Dhabad iyo Godinle oo dilal ay ka dhaceen deegaano hoos yimaada. Gobolka Mudug dagaal beeleed galay Maalintii labaad ayaa ka socda deegaano ku yaalla inta u dhaxeysa Afbarwaaqo iyo Towfiiq. Ku dhawaad 15 Ruux ayaa ku dhimatay. Ma jirto dadaallo ay waddaan maamulka Galmudug si loo joojiyo dagaal beeleedyada. Xaaladda Galmudug ayaa kasii dartay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyadoo dad badan ay joojiyeen isku socodkii magaalooyinka. Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Israa’iil ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza lagu dilay haween iyo carruur bara-kacayaal ah. Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobey oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda. Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen. PUNTLAND POST The post GAZA: Wararkii u danbeeyay ee Israa’iil oo duqaysay haween iyo carruur bara-kacayaal ah appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza Arbacadi lagu dilay, ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah . Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda. Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. Sidoo kale 18 kale ayay sheegeen in lagu dhaawacay duqeynta. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen. Dhanka Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Israa’il ayaa weerar dhulka iyo cirka ah ku qaaday dhowr degm, iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan malleeshiyaad balse dilay dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Ilaa siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in weeraradaasi lagu dilay. The post Wararkii ugu dambeeyay Falastiiniyiin lagu dilay GAZA iyo Daanta Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Lima (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse markii danbe xabsi u galay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadii geeriyooday. Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa. Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-kii. Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof. Wuxuu kale oo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga. Hase yeeshee, waxaa marki danbe loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga. The post Madaxweynihi hore ee Peru Alberto Fujimori oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa caawa ku hooyanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Taliye Sanbaloolshe ayaa Baydhabo u tagay xalinta xiisada siyaasadeed ee madaxweyne Lafta-gareen iyo Villa Somalia, iyada oo uu diray madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo ku sugan Baydhabo, waxaa haatan kulan u socdaa labada dhinac sidii loo qaboojin lahaa xiisadaas, isla markaana madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen u aqbali lahaa shirka soo socda ee golaha wadatashiga qaran. Lafta-gareen ayaa lasoo warinayaa inuu qorsheynayo qabashada doorasho gaar ah, waxaana la sheegayaa in saraakiisha Itoobiya ee Baydhabo jooga ay ku cadaadinayaan tallaabadaas inuu qaado, xilli uu dhawaan warbaahinta ka beer laxawsaday reer Koonfur Galbeed. Qorshaha Lafta-gareen oo Itoobiyaanka gadaal ka riixayaan ayaa waxaa la sheegay inay uga dan leeyihiin si uu uga furto Villa Somalia iyo qorshaheeda doorasho qof iyo cod, xilli ay Addis Ababa iyo Muqdisho ka dhex aloosan tahay xiisad salka ku haysa is-afgaradkii Abiy uu la gaaray Muuse Biixi. Xiisadda Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Lafta-gareen uu ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee ku aadan sida loo wajahayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibad-baxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya. Sidoo kale waxaa jirtay in xildhibaannada maamulkaasi ay taageereen qorshaha Koonfur Galbeed ku rabto Itoobiyaanka, kuwaas oo iyana uga sii darah xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo uu umahad-celiyay Lafta-gareen. Si kastaba, waxaa haatan isha lagu hayaa waxa kasoo bixi doona kulamada xasaasiga ah ee madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Baydhabo iyo maamulka Koonfur Galbeed uga socda caasimada maamulkaasi. The post Xog: Xamza iyo Sanbaloolshe oo Baydhaba u tegay baajinta qorshe xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
The news this past week that five Somali officers and their family members were allegedly secretly wiretapped and surveilled by the Ottawa Police Service is deeply troubling. Some supposedly have loose family connections who are, possibly, engaged in gang-related activity. Two of the officers say they had no relationship with and had not even seen the cousins in question for years Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) — The Banadir Regional Administration has issued a ban on constructing high-rise buildings near Mogadishu's Aden Adde International Airport, citing security concerns. The new restrictions, which took effect on Wednesday, seek to enhance air traffic safety in surrounding areas. Source: Hiiraan Online