Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa aad loo adkeeyey goobaha ay ardeyda ku galayaan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee guud ahaan dalka. Magaalada Muqdisho meelaha amniga la adkeeyey waxaa ka mid ah jidadka Maka Al-mukarama, Wadnaha iyo 30-ka iyo inta badan degmooyinka Xamarweyne, Yaakhshiid, Kaaraan, Waaberi, Warta Nabadda, Hawl-wadaag, Hodan, Wadajir, Dharkenley iyo degmooyin kale. Imtixaanka oo ay u fariisan doonaan in ka badan 30 kun oo ardey waxaa gacanta ku haya wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu baaqay iney si wadajir ah uga hortagaan dadka shaqada ka dhigtay dhiigga shacabka masaakiinta ah inay dalka Itoobiya ku daadiyaan. Dr Abiy Axmed oo warmurtiyeed qoraal ah uu la wadaagay warbaahinta dalka Itoobiya uu ku sheegay dowladda waajibkeeda si ay u gudato in loo baahan yahay iney shacabku dowladdu ku garab istaagaan dadaallada ay waddo. Qaamuuska siyaasadeed ee soo jireenka ah ee dalka Itoobiya waxaa ka buuxay ereyada ay ka mid yihiin “dil, garaac, jarjar” iwm iyada oo dalka Itoobiya ay siyaasaddiisu qarniyo sidaa ku dhisneyd. Xaaladda siyaasadeed uu dalku haatan ku sugan yahayna waa mid aynu ka dhaxalnay dhaqanki noocaas ahaa ee aan soo caadeysannay. Haddii aan dooneyno inaan dalkeenna gaarsiinno horumarka aan rabno inaan tiigsanno waxaa loo baahan yahay inaan iska tuurno isla-markaana ka xorowno dhaqanki noocaasi ahaa ee marweliba dhibaatada noo horseeda. Haddaba xukumadda hadda jirta waxay dadaal adag ugu jirtaa sidi aan dhaqankaasi ugu beddeli lahayd nidaam cusub oo bulshooyinka dalka Itoobiya ku wada nool u horseedayo aragti siyaasadeed oo cusub gabi ahaanba beddelo xaaladda siyaasadeed uu qarniyo dalka Itoobiya ku soo dhaqmayey. Miinooyinka iskudhacyada ee dalka Itoobiya qaybahiisa kala duwan lagu aasay xilliga ay qarxayaan, miinadaasi iskudhaca looga tala galay, xilliga ay qarxeyso, halka lagu aasay iyo cidda aastay dadaallada lagu ogaanayo ma ah mid uu waajib uu ka saaran yahay koox gaar ah ama dowladda oo keli ah balse waa waajib dhammaanteen na saaran”. Ogaanshaha oo keli ah xal uma noqonayo, maxaa yeelay dadku iney isaga horyimaaddaan, qowmiyad iyo diin ahaan oo ay dadku isdilaan, hantida dalkana lagu burburiyo waxaa ka dambeeya kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka masaakiinta. Wixi hadda ka dambeeya uma dulqaadaneyno, mana oggolaaneyso, kooxaha noocaasi ah iney dhexdeenna ku noolaadaan. Maalmo ina dhaafaya, dhaawacyo aan bogsaneyn iney noo geystaanna ma aha inaan u oggolaanno. Source
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee maalaha fog-fog laga hago ayaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Bunti lagula bartilmaameedsaday deegaanka Buurane. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan ay fureen ciidamada AMISOM, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lagu warramayaa in qaraxa lala eegtay ciidanka Burundi ee AMISOM ka tirsan inuu ka soo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa labo askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan. Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi ka howl-gala gobolka Shabeelaha Dhexe. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka.
  4. Waxaa maanta qeybo badan oo dalka ah ka dhacaya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee mideysan kaas oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ah. Maamul goboleedyada, oo laga reebay Puntland ayaa ka mid ah meelaha lagu galayo imtixaannada, sida kuwa Hirshabelle, Galmudug, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir. Waxaa la filayaa in la adkeeyo amniga goobaha imtixaanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Qaahira)-Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa hal sano oo xabsi ah ku xakuntay jilaaga caanka ah ee Mohamed Ramadan, kadib markii lagusoo eedeeyay dembi ah gef Aflagaaddo ah. Waxa lagu eedeeyay ugu horreyn in diyaarad gaar ah uu saarnaa uu duuliyahii ka codsaday inuu galo halka diyaaradda laga hago. Kadibna uu iska duubo muuqaal, kuna baahiyay baraha arrimaha bulshada. Arrintaasi ayaa dhalisay in duuliyahii diyaaradda lagala noqdo cashuurtii duuliyannimada. Intaas kadib duuliyahii ayaa waxa uu ku andacooday inuu Ramadan ka Aflagaadeeyay telefashinka, isagoo sheegay in duuliyaha uu lacag weydiistay isaga oo ka dalbaday inuu shaqadii laga ceydhiyay uu mag dhow ka siiyo. Hase-ahaatee maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Mohamed Ramadan loo xidhay dembi ah Aflagaadeyn, balse aysan aheyn inuu galay halka diyaaradda laga hago. Source
  6. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ku aan lagu qasbi doonin inay xidhaan maaskarada ama afxidhka si looga hortago cudurka Covid 19. Madaxweyne Trump oo hore u diiday xidhashada maaskarada ayaa sabtidii la soo dhaafay lagu arkay markii ugu horeysay isagoo xidhan maaskarada ama afxidhka. Hase yeeshee wereysi uu siiyay warbaahinta Fox News, ayuu Trump ku sheegay aanu marnaba ku raacsanayn in dadka khasab lagaga dhigo xidhashada maaskaraatiga sabata oo waxa uu yidhi dadku waxay u baahan yihiin xornimo. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafa ee dalka Dr Anthony Fauci uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xidhashada maaskarada. Qaar ka mid ah gobollada Mareykanka ayaa waxaa sare u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanaya fayraska corona. Tirada guud ee uu ku dhacay fayraska dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 3.6 milyan oo qof, halka dhimashaduna ay ka sare martay 139,000 oo qof taasi oo Mareykanka ka dhigeyso dalka u dhimashada badan dunida oo dhan. Source
  7. Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Facebook, ayaa si rasmiya u shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo uu Gelinka dambe ee Maanta oo Sabtiya gaari doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Qoraalka ayuu sidoo kale ku sheegay, in Madaxweynuhu Dhuusamareeb uga qayb-galayo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo halkaasi ka furmi doona, isagoo xusay in Shirkaasi looga arrinsan doono laba Qodob oo kala ah Wada-shaqaynta Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Arrimaha Doorashooyinka soo socda. “Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” Ayuu Qoraalkiisa ku yiri Agaasime Cabdinuur. Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo haatan Garoowe ku sugan, ayaa isla Maanta gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay uga sii gudbayaan Magaalada Dhuusamareeb ee Shirku ka furmayo. Magaalada Dhuusmareeb, waxaa hadda ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo Ajandaha Shirka Dhuusmareeb laba Qodob ku soo koobtay appeared first on Puntland Post.
  8. Galkayo (HOL) - Mudug police have announced the arrest of a suspect wanted in connection with a gruesome mass murder against a family. Source: Hiiraan Online
  9. Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey Somaliland inay colaad hurin kaa waddo gobolka Sool oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay labada maamul. Dr Jaamac Faarax Xasan Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambaysay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, islamarkaana ay ka hor istaagay in ay taggaan deegaankaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyey. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya gacan ku heynta degmooyin iyo deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Somalia. View the full article
  10. MINNEAPOLIS — Suud Olat has been the target of online abuse and anti-Muslim posts since he announced his candidacy for Minneapolis City Council earlier this year. Source: Hiiraan Online
  11. Air crash investigators have flown to Somalia to probe an accident involving a Kenyan plane. “We have received a notification from the Somalia government to assist with the investigations. Our team will visit the site and make a report,” Mr Martyn Lunani, the director and chief investigator of accidents at the Aircraft Accident Investigation Department, told the Nation on Thursday. Mr Lunani’s team is travelling to Somalia amid a rise in air accidents involving Kenyan pilots and aircraft, with the latest being a fatal crash of a Kenya Defence Forces helicopter at Kanyonga in Masinga, Machakos County. After the Somalia crash, the pilot, Captain Farah Ahmed, and First Officer, Shukri Farah, both Kenyans, were flown back to Nairobi. “The captain sustained minor injuries in the legs. The First Officer and another passenger did not sustain any injuries. They flew back to Nairobi using an aircraft operated by 748 Air Services,” Maj-Gen (Rtd) Lucas Tumbo, Kenya’s Ambassador to Somalia, told the Nation. BLUE BIRD AVIATION The plane, registered in Kenya as 5Y-VVU and operated by Blue Bird Aviation, had been contracted by the UN to deliver foodstuff and other humanitarian supplies to Beledwyene in Central Somalia. Officials said the plane, a Fokker, had flown in with the goods from Djibouti City. But as it approached the murram runway of the local airstrip in Somalia, around 1.30pm, it encountered mechanical problems. Maj-Gen Tumbo, Somali Transport minister Mohamed Omar, Somali Civil Aviation Authority director-general Ahmed Moalim Hassan, a representative from BlueBird Aviation as well as local security agencies on Wednesday visited the scene of the accident. “The black box and other recorders were retrieved from the wreckage and will be flown to Nairobi for processing during investigations,” the envoy said. Preliminary information showed the plane hit a heap of murram on the left side of the runway as it landed. It broke the left wing, but the pilot struggled with it for some 300 metres before losing control. The incident came two months after another Kenyan plane was shot down as it approached an airstrip in Bardale. All the six passengers and crew were killed. CRASHED CHOPPER Meanwhile, KDF on Thursday announced that investigations into the crashed chopper had started. The chopper that crashed on Tuesday was being flown by Major Robert Ngombwa and Major Jacob Agunda, who have been described by their colleagues as experienced and highly-trained pilots. View the full article
  12. Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hosoe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ay fashiliyeen qaraxyo, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabab. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidamada nabad sugida maamulkaasi, waxaana ay gacanta ku soo dhigeen waxyaabo qarxa. “Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan aaga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska. Sidoo kale ciidanka Nabad suggida Jubbaland ayaa xusay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Yoontoy. Si kastaba ha’ahaatee ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ayaa maalmihii dambe kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Halkan hoose ka hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada nabad sugida Jubbaland ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen waxyaabo qarxa iyo sidoo kale rag ka tirsan Al-Shabaab. War ka soo soo baxay taliska nabad sugida ee dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen bambaanooyin iyo miino. “Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan aaga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska. Sidoo kale taliska ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Yoontoy ee gobolka Jubbada Hoose. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
  14. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa xaqiijiyay in xubnahaas lagu soo qabtay hawlgallo maalmihii la soo dhaafay ay Booliisku ka sameeyeen gudaha Magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah degmooyinka kale ee Gobolka Bari. Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in qaar kamid ah kooxda gacanta lagu soo dhigay xilli ay doonayeen in ay u gudbaan Buuraleyda Calmiskaad halka qaar kalena laga soo qabtay xaafado ku yaalla gudaha Boosaaso. Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa wada hawlgallo xiriir ah oo lagu beegsanayo kooxaha Amni-darrada ka gaysan jiray Gobolka gaar ahaanna Magaalada Boosaaso waxaana marar kala duwan halkaasi lagu qabtay shabakado doonayay in weerarro ka fuliyaan. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.
  15. One person died of Covid-19 in Mandera Fridau, with authorities raising the alarm over the increase in new cases in the county. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudan Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Xasan Abshir Faarax oo aas Qaran loogu sameeyay Garoowe. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yiri sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Walaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkiisaba, geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu duugay Garoowe. Madaxweynuhu, magaciisa ka Xukuumadda iyo kan shacabka Jabuuti ayuu Eebbe uga baryayaa in uu Marxuumka ka dhigo marti la jecelyahay, ummadda iyo ehelkii uu ka baxayna Samir iyo Imaan Allaha ka siiyo. Marxuum xasan abshir faarax ayaa kugeeriyooday dalka turkiga oo in muda ah uu kuxanuunsanayay waxaana ugu dambeen meytkiisa lakeena gudaha Somalia oo aas qaran loogusameeyay magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
  17. GREENVILLE, S.C. -- The Greenville Triumph will start its season on Saturday after about four months of games being postponed. Players say they’ve missed the rush of adrenaline, the fun of competing and the joy of being on the field with their teammates. And for two of those players, the bond they share on the field is even more special because they’re family. Source: Hiiraan Online
  18. Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka lagu wadaa in si rasmi ah looga fariisto imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya kaas oo ay u fariisanayaan in ka badan 34-kun oo arday. Ammaanka Xarumaha imtixaanka lagu galayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo si gaar ah u ilaaliya amniga goobaha, sidoo kale kormeerayaal ka socda wasaaradda waxbarashada iyo iskuulada ayaa la geeyay xarumaha kuwaas oo loogu talogalay inay ilaaliyaan Imtixaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka sannadkii 6-aad oo xiriir ah kaddib burburkii dowladdii dhexe ee dalka, waxaana sannadkaan wasaaradda waxbarashadu ay ku soo kordhisay imtixaanka dugsiga dhexe oo ay qaaday toddobaadkii hore. View the full article
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ammaanka Dhuusamaree ayaa lagu soo warramayaa in saaka si weyn loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka waa weyn ee magaaladasi. Wararka ayaa sheegaya in Dhuusamareeb uu maanta ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweynaha ayaa laga dareemayaa halkaasi Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xal u helista arrimaha doorashada ee 2020/2021 Lama oga natiijada soo ka soo bixi karta shirkan oo si foolka fool ah ay iska hor imaan doonaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe. Si kastaba ha’ahatee waxaa weli muran xoogan uu ka taagan tahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan iyo kan xiga ee 2021-ka
  20. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ka socota gudaha Dhuusamareeb, iyadoona meelaha muhiimka ah lagu dhajiyey sawirkiisa. Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka waa weyn ee caasimadda maamulka Galmudug Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlada goboleedyada oo ka dhacaya halkaasi. Shirkaan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-180720.mp3 View the full article
  22. Wabiga Shabeelle ayaa waxa uu ku fatahay labada dhinac ee degmada Afgooye si gaar ah waxa uu aad u saameeyay xaafadaha 21-ka October iyo Dhagaxtuur, iyadoo dadkii daganaaana halkaasi ay ka barakaceen. Dadka ka barakacay fatahaadda ayaa waxaa haatan heysata xaalad nololeed oo aad u liidata, iyagoo u baxay banaanka magaalada halkaas oo ay ku heyso guryo la’aan. Maamulka gobolka Shabelaha Hoose ayaa wada dadaal lagu xakamenayo biyaha, iyadoo jawaano carro ah oo lagu celinayo biyaha ay gaarsiyeen xaafado ka mid ah Afgooye. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Garoowe ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda Hargeysa, taas oo saalka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybi ka mid ah gobolka Sool. Wasiirka caafimaadka Puntland,Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lagala dhex-galo maleeshiyaadka diriraya ee ku sugan Sool. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wada guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidan badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Somaliland. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobolladaasi.
  24. ATLANTA (AP) — John Lewis, a lion of the civil rights movement whose bloody beating by Alabama state troopers in 1965 helped galvanize opposition to racial segregation, and who went on to a long and celebrated career in Congress, died. He was 80. Source: Hiiraan Online
  25. Status check: How big or small could another economic impact payment be, if Congress approves the money in the next three weeks? Here's the update on the situation. Source: Hiiraan Online