Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeeyey laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Af-Barwaaqo ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ka soo wada jeeda dhinaca maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib dil nabadoon loogu geystay halkaasi, waxaana xigay weerar ay qaadeen mid ka mid ah maleeshiyaadka diriray oo ka carooday dilkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay. Xaaladda saaka yare degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Puntland. View the full article
  2. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay . Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Xeraale waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan socdaalka uu ku tegay Xeraale iyo sawiradiisa. Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulka deegaanka, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, isagoo warbxino ku saabsan xaaladda amni iyo baahiyaha ay qabaan ka dhageystay, una balan qaaday in wax badan laga qaban doono arrimaha ay soo gudbiyeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  3. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 19 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,444. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 7, iyo Gobolka Banaadir 16 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,106. Bukaannada cusub 18 ka mid ah waa rag 5-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. View the full article
  4. Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa muddo dheer kadib Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Axmed Madoobe iyo Oomaar ayaa horey isugu qabtay doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo oo mar kale dib Madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xusid mudan in Oomaar uu kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay doorashadaas. Tallaabadii keentay inuu aad usii xumaado xiriirka labadaan shaqsi ayaa aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka ay ku dhawaaqday in la joojiyey duulimaadyadii Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, sidoo kalana la amray diyaaradaha u socdo Kismaayo iyo deegaanada Jubbaland inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Ujeedadii ugu weyneyd ee diyaaradaha Kismaayo loo xayiray ayaa aheyd in la baajiyo xafladdii Caleema saarka ee Axmed Madoobe, balse ugu dambeyn waxaa dhacday xaflad ay kasoo qeyb galeen siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Sheekh Shariif. Qoraal kooban oo uu Wasiir Oomaar soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu Garoowe kula kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe, hayeeshee uu weli sidiisii yahay kala ragti duwanaanshihii ka dhaxeeyay. “Caawa iyo Martisoor Garoowe. Kala duwanaashaha fikirka siyaasadeed waa halkiisii” sidaasi waxaa yiri Wasiir Oomaar oo qoraalkaan kooban soo dhigay Bartiisa Facebook, waa mid uu ugu jawaabayay hadal heynta kulanka ka dhalatay. Kulanka oo aan weli faah faahin rasmi ah laga bixin ayaa waxaa sidoo kale wararka aan helay ay sheegayaan inay jiri doonaan kulamo kale oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka dhici doono shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
  5. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada millaterigga Soomaaliya ee degmada Buuloburte, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Dadka ku nool degmada Buuloburte ayaa waxa ay u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay, maadaama ay xilli habeen ah aheyd. Wararka saaka laga helayo degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee ciidamada dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaasi. View the full article
  6. Minneapolis first adopted ranked choice voting, a largely unfamiliar and controversial system, for the 2009 city election. It has been used to elect officials in 22 city offices including park board, mayor, and city council positions. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-17072020.mp3 View the full article
  8. Kenya’s candidate for top post at the World Trade Organisation (WTO) has said she will push for reforms in the global trade refereeing body, even as she pledged to remain guided by the member states. Source: Hiiraan Online
  9. Waxaan hambalyo iyo duco waalid u diraya Prof Axmed Bashe iyo marwadisa Habon Salebaan oo meherkoodi ka dhacey Saw hotel Borama. Laga Bilaabo bidix. Khalid Bashe, Yousuf Gaboobe, Abaadir M Jaamac Abdi Koore, Aniga, Ahmed Bashe, Calawi Gaboobe Ayaanle Abd koore, Siciid Gaboobe, Ilyaas A koore. Khalid Qaran News
  10. New satellite measurements are offering valuable tools to study the tectonic rift in one of the most geologically unique spots on the planet. Source: Hiiraan Online
  11. Khilaafkii ugu weynaa Abid oo ka dhex qarxay Farmaajo & Khayre+Halka Sartu ka qudhuntay Waxaa banaanka u soo baxaya khilaafkii ugu adkaa uguna weynaa oo afar sano kadib soo kala dhaxgala madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonada baarlamaanka, waxa uuna sameeyay hay’adaha fulinta iyo Golaha baarlamaanka. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in habeen hore xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre ayna ka soo horjeesteen qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ah in loo laabto doorasho dadban. Villa Somalia ayaa abaabulaysa in baarlamaanka iyo wasiiradaba diidaan qorshaha Ra’iisul wasaaraha oo ah in laga wada hadlo doorashada Soomaaliya nuuca ay noqoneyso iyagoo Madaxweynaha ka taageraya qorshahiisa qof iyo cod ah, ee aan dalka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsi. Ra’iisul wasaaraha ayaa u tegay Dhuusomareeb inuu madax goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashada, waxaana la rumeysan yahay inuu kaga aragti yahay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Lama oga sida uu noqon doono xaalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa sii xoogeysanaya khilaafka madaxda dowladda, kaas oo ku saabsan doorashada Soomaaliya. Qaran News
  12. The state Department of Employment and Economic Development is sorting through applications for $2.5 million in grants for operators of cultural malls, much of which could go toward forgiving rent for tenants. Source: Hiiraan Online
  13. Jawaar Maxamed oo xabsiga lagu sii haynayo & xiisada ka taagan Itoobiya oo ka sii dareysa Maxkamadda sarre ee dalka Itoobiya ayaa maanta go’aamisay inuu sii xirnaado Jawaar Maxamed, oo ah hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, taasi oo uga sii dareysa xiisadii cakirneed ee muddooyinkii dambe ka taagneyda dalkasi. Jawaar Maxamed ayaa bilowgii bishan xabsiga loo taxaabay, xili uu socday iska hor imaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenimo la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan. Maxkamadda sarre ee Itoobiya ayaa go’aamisay in muddo labo toddobaad oo kale xabsiga lagu sii hayo Jawaar Maxamed, oo la rumeysan yahay inuu xarigiisu dab kusii qabtay xiisada ka dhalatay dilka fanaanka Oromada ahaa. Maxkamadda ayaa go’aankan ku macneeysay mid ay bileyska fursad dheeri ah u siineyso inay baaran Jawaar, oo ay dowladda Itoobiya u xirtay tuhun ahaa inuu qeyb weyn ka qaatay abaabulka banaan-baxyadii gil-gilay dalkaasi. Jawaar oo sidoo kale ah aas-aasaha warbaahinta Oromia Medi Network, ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira rabshadaha Itoobiya oo galaaftay nolosha ku dhawaad 200-ruux. Dhageysiga kiiska Jawaar ayaa dhici doonta dhamaadka bishan, iyada oo loo muddooyey 30-July ee sanadkan 2020, sida ay sheegtay Xeer-beegtida dalkaasi. Xariga ay Maxkamaddu u kordhisay Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshado dalkaasi ka taagna, iyada oo kuwa hor leh dib uga istaadhmi karaan gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada. Qaran News
  14. WASHINGTON (Reuters) - Europe can do more in Libya by designating Russian military contractor Wagner Group and calling out Moscow and other countries such as the United Arab Emirates and Egypt that are violating a U.N. arms embargo, a senior U.S. diplomat said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxaya khilaafkii ugu adkaa uguna weynaa oo afar sano kadib soo kala dhaxgala madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonada baarlamaanka, waxa uuna sameeyay hay’adaha fulinta iyo Golaha baarlamaanka. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in habeen hore xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre ayna ka soo horjeesteen qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ah in loo laabto doorasho dadban. Villa Somalia ayaa abaabulaysa in baarlamaanka iyo wasiiradaba diidaan qorshaha Ra’iisul wasaaraha oo ah in laga wada hadlo doorashada Soomaaliya nuuca ay noqoneyso iyagoo Madaxweynaha ka taageraya qorshahiisa qof iyo cod ah, ee aan dalka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsi. Ra’iisul wasaaraha ayaa u tegay Dhuusomareeb inuu madax goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashada, waxaana la rumeysan yahay inuu kaga aragti yahay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Lama oga sida uu noqon doono xaalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa sii xoogeysanaya khilaafka madaxda dowladda, kaas oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.
  16. India oo ka cabaneysa dhibaato ay sheegtay inay uga timi dhanka Somalia Hindiya ayaa ka cabaneysa dhibaato ay sheegtay inay uga timid dhanka Soomaaliya oo ah Ayax kasoo qaxay kadibna soo maray Pakistan oo ugu dambeyn dalkeeda soo gaaray. Wargayska Hindustan Times ayaa qoray in lagu arkay Bhuj oo ka tirsan Gujarat ayax fara badan oo ka soo dagaagay Soomaaliya, soona maray Pakistan, waxaanna wargaysku xusay in ayaxani uu dhibaato ku hayo beeralayda Gobolka Rajestan, ayna suurtagal tahay inuu gobolo kale oo hor leh ku sii fido. “Waxaa suurtagal ah in ayaxan Soomaaliya uu ka soo qaxay, soona maray Yeman, kaddibna Yeman uu kaga sii gudbay Pakistan, sidaana uu ku soo gaaray Hindiya, wuxuu soo raacay Badwaynta Hindiya” Ayuu yiri Dr. K. L. Gurjar oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda beeraha dalkaas, oo uu wargaysku soo xiganayay, wuxuuna intaasi raaciyey inay diyaargarow ugu jiraan sidii ay ayaxaasi hawada uga rushayn lahaayeen. Wargaysku waxaa kale oo uu sheegay in hay’adda cuntadda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo FOA ay horay kaga digtay suurtagalnimada xilliyada kulaylaha in gobolkaasi uu soo gaari karayo ayax ka soo hayaama Soomaaliya. Qaran News
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Maxkamadda sarre ee dalka Itoobiya ayaa maanta go’aamisay inuu sii xirnaado Jawaar Maxamed, oo ah hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, taasi oo uga sii dareysa xiisadii cakirneed ee muddooyinkii dambe ka taagneyda dalkasi. Jawaar Maxamed ayaa bilowgii bishan xabsiga loo taxaabay, xili uu socday iska hor imaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenimo la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan. Maxkamadda sarre ee Itoobiya ayaa go’aamisay in muddo labo toddobaad oo kale xabsiga lagu sii hayo Jawaar Maxamed, oo la rumeysan yahay inuu xarigiisu dab kusii qabtay xiisada ka dhalatay dilka fanaanka Oromada ahaa. Maxkamadda ayaa go’aankan ku macneeysay mid ay bileyska fursad dheeri ah u siineyso inay baaran Jawaar, oo ay dowladda Itoobiya u xirtay tuhun ahaa inuu qeyb weyn ka qaatay abaabulka banaan-baxyadii gil-gilay dalkaasi. Jawaar oo sidoo kale ah aas-aasaha warbaahinta Oromia Medi Network, ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira rabshadaha Itoobiya oo galaaftay nolosha ku dhawaad 200-ruux. Dhageysiga kiiska Jawaar ayaa dhici doonta dhamaadka bishan, iyada oo loo muddooyey 30-July ee sanadkan 2020, sida ay sheegtay Xeer-beegtida dalkaasi. Xariga ay Maxkamaddu u kordhisay Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshado dalkaasi ka taagna, iyada oo kuwa hor leh dib uga istaadhmi karaan gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada.
  18. DALKA DADKII LOO DOORTAY BAA HAGRADAY OO XEERARKII DOORASHOOYINKA SAMEYN WAAYEY , GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO XUKUUMADIHII KALA DAMBEEYEY AYAANA HALKAA INA DHIGEY !!! Ogaalkay Gobol ku qanacsan tirada kuraasida golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee uu hadda ku leeyahay golaha fadhiya ma jiro , xeerkii lagu gallay doorashadii hore ee golaha wakiiladuna waxa uu qorayey in halkaasi mar oo kaliya lagu gelayo doorashada waxii ka dambeeyana la sameeyo tirakoob guud oo dadka Somaliland oo dhan ah si gobolwaliba inta uu dad ahaan noqdo wax loogu qaybsado sida metelaada goleyaasha ee dunida dimuqaradiga ahi wax u qaybsato uguna saxsan. Waxa isweydiin leh 15 sanadood ka dib in maanta ay taagan tahay caqabadii oo aan la xalin iyo sababta xil la isaga saari waayey , waxa wax lala yaabo ah in aan hal talaabo oo xalka doorashooyinka ah aan la xalin ee caqabaduhu dadka qaar u yihiin fursado , Somaliland oo 29 sanadood jirtay waxa ay ku tahay ceeb in waxii iyo nidaamkii doorashooyinka dalka laga shaqeysiin kari waayaa. Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland waxa lagu qaybiyey 82 kursi xal laga soo min guuriyey doorashadii golaha wakiilada ee 1960kii oo ay Somaliland lahayd 33 kursi , oo intii barigaa Gobol/Degmo waliba haysatay lagu dhuftay 2.5 , waxa jirtay in xataa xiligaa aan lagu wada qanacsanayn ama aanay dadka Somaliland doorashooyinka iyo tartanada noocan ah metelaadooda garanayn. Hadii aan isku dayo in xalka aan wax ka idhaahdo dhawr siyaaboodba waa la yeeli karaa inkasta oo ay u baahan yihiin tacab iyo xili ku filan oo si daacadnimo ah looga hawlgalo ; 1- Waxa la yeeli karaa in dalka Jamhuuriyada Somaliland tirakoob dadwayne laga hirgaliyo oo wax lagu qaybsado oo Gobol waliba ku qanco waxii ay dadkiisu noqdaan inta kursi ee uu uga jaro tirada kuraasida golaha wakiilada ee ah 82 kursi. 2- in lagu heshiiyo in markana sidii hore lagu gallo oo la isku tanaasulo , si doorasho u dhacdo , oo la balanqaado in arinkani noqdo mid xil la iska saaro oo aanu noqon gole kaga kac qaara 15 sanadood oo dambe sidii kii hore. 3- in beelo wax lagu qaybsado oo laga guuro nidaamkan dimuqaradiga iyo goboleysigan oo aynu dib u noqono , isla markaana beelaha Somaliland dega beelwalba wax loo qorsheeyo oo xal la isku waafaqsan yahay uu noqdo. Dadka qaar baa ku dooda dastuurka hala furo oo kuraasta golaha ee 82 ka ah inta la kordhiyo gobolada wax tirsanaya ha loogu darro , horta furista dastuurka dalku waxa sheegaya qodob dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ka mid ah in wax laga badeli karo waana qodobka 126naad , laakiin waxa isweydiin leh ujeedooyinka loo furayaa maxay noqonayaan ? Tusaale ahaan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka hadlaa qof muwaadin Somaliland ah iyo xuquuqihiisa , uma kala saaro gobol , dagmo , qabiil , midab , jinsi , iwm , haddaba hadii uu sidaa wax u dhigay , dadka uu dastuurka Somaliland u yaqaano muwaadiniin waxa ay leeyihiin xaq iyo xuquuq isku mid ah oo siman. Hadii xubnaha la kordhiyo waxa ay noqonaysaa in iyagana loo qaybiyo sida shuruucda dalku dhigayso oo ah in tirakoob la sameeyo oo gobol waliba tirada dadkiisa wax ku qaato kuna goosto , isku soo wada xoori oo Somaliland waxa u muhiim ah in la isla garto wax lagu wada qanco oo aan noqon geed kaga kac sidii 2005 dhacday , cidwalba oo ka hadashaa in wax ka maqan yihiina xaq bay u leeyihiin tabashadooda. Dalka dadkii loo doortay baa hagraday oo xeerarkii doorashooyinka sameyn waayey iyo wax walba oo ay u baahnayd doorasho , golaha wakiilada Somaliland iyo xukuumadihii kala dambeeyey ayaana ku ceebaysan oo ay tahay in lagula xisaabtamo sababta ilaa maanta uu dalku uga bixi laayahay hawl ay masuuliyadeeda lahaayeen oo ahayd in ay mar hore geed ku tiiriyaan. Ayaan daro ayey inagu tahay dal dimuqaradi sheeganaya oo ay hor fadhiyaan goleyaal mudo dhaafay oo qaar ay fadhiyaan kuraasida mudo 23 sanadood ah halkii laga doortay 6 sano oo kaliya waxaa ku dheeraad ah 17 sanadood waa Guurtida , wakiiladuna waxa ay fadhiyaan 15 sanadood oo waxa la doortay 5 sano oo kaliya waxa ku dheeraad ah 10 sanadood. Golihii hore ee deegaanku waxa ay dadhiyeen 10 sanadood halka laga doortay 5 sanadood oo kaliya , Madaxweynihii 3aad ee Somaliland waxa uu fadhiyey 8 sanadood halka xiliga la doortay ahaa 5 sanadood oo kaliya , golihii wakiilada ee hore waxa ay fadhiyeen 8 sanadood halka la doortay 5 sano oo kaliya , madaxweynihii 4aad ee Somaliland waxa uu fadhiyey 7 sanadood mudada la doortayna waxa ay ahayd 5 sano , golaha deegaanka ee maanta jooga waxa la doortay 5 sanadood waxaana ay fadhiyaan 8 sanadood. Dalka noocaasi ahi ilama aha in uu is mahadiyo , waxaasi oo mudo kordhin doorasho ah ma jirto mid kaliya oo asbaabaha iyo duruufaha shuruucda dalka ku xusani ay tilmaameen dhacday oo loogu kordhiyey , arimahani dhamaantood waxa ay ragaad ka dhigeen nidaamkii dimuqaradiga ahaa dalku qaatey waxaana ay niyad jab ku abuureen shacbiga Somaliland. Mohamed Abdi Jama Hogaamiye Dhimbiil Qaran News
  19. Delhi (Caasimada Online) – Hindiya ayaa ka cabaneysa dhibaato ay sheegtay inay uga timid dhanka Soomaaliya oo ah Ayax kasoo qaxay kadibna soo maray Pakistan oo ugu dambeyn dalkeeda soo gaaray. Wargayska Hindustan Times ayaa qoray in lagu arkay Bhuj oo ka tirsan Gujarat ayax fara badan oo ka soo dagaagay Soomaaliya, soona maray Pakistan, waxaanna wargaysku xusay in ayaxani uu dhibaato ku hayo beeralayda Gobolka Rajestan, ayna suurtagal tahay inuu gobolo kale oo hor leh ku sii fido. “Waxaa suurtagal ah in ayaxan Soomaaliya uu ka soo qaxay, soona maray Yeman, kaddibna Yeman uu kaga sii gudbay Pakistan, sidaana uu ku soo gaaray Hindiya, wuxuu soo raacay Badwaynta Hindiya” Ayuu yiri Dr. K. L. Gurjar oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda beeraha dalkaas, oo uu wargaysku soo xiganayay, wuxuuna intaasi raaciyey inay diyaargarow ugu jiraan sidii ay ayaxaasi hawada uga rushayn lahaayeen. Wargaysku waxaa kale oo uu sheegay in hay’adda cuntadda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo FOA ay horay kaga digtay suurtagalnimada xilliyada kulaylaha in gobolkaasi uu soo gaari karayo ayax ka soo hayaama Soomaaliya. Cabdishakuur Cilmi Xassan – Waxaad kala xiriir kartaa Email: shakuurcadde73@hotmail.com
  20. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: COVID-19 Situation update for the WHO African Region South Africa is now the eighth most affected country globally BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), July 16, 2020/ — The coronavirus disease 2019 (COVID-19) outbreak continues to evolve in the WHO African Region since it was first detected in Algeria on 25 February 2020. Since our last External Situation Report 19 issued on 8 July 2020, a total of 108 098 new confirmed COVID-19 cases (a 27% increase) was reported from 45 countries from 8 to 14 July 2020. Of the 108 098 reported new cases, the majority, 76% (82 437), were recorded in South Africa, which remains the epicentre of the COVID-19 outbreak in the region. South Africa is now the eighth most affected country globally, with its cumulative number of cases (298 292) exceeding that for the United Kingdom (290 137) and Iran (Islamic Republic of) (259 652), which previously reported the highest numbers and are now in the ninth and tenth position, respectively. On 11 July 2020, the WHO African Region and South Africa recorded their highest daily case counts of 17 232 and 12 349, respectively. Download Report: https://bit.ly/2Zz3u2v Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  21. Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Tacliinta Sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdulaahi Maxamed Muuse ayaa maanta waxay booqasho ku yimaadeen Puntland. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni [...] The post Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya appeared first on . Source