-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI (HOL) - The international community in Somalia has welcomed the agreement by political parties in Somaliland to hold elections this year after delays which has not seen a parliamentary election in nearly 15 years. Source: Hiiraan Online
-
Urur Siyaasadeedka Dowladda Puntland ee KAAH, oo ku gudaha jira Shirweynihiisa kowaad, ayaa Galabta si rasmiya u doortay Guddoomiyaha Ururka iyo labadiisa ku xigeen. Ergooyin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo isaga yimid dhammaan Gobollada Puntland, ayaa Guddoomiyaha Rasmiga ah u doortay Maddaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa isna loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. PUNTLAND POST The post Urur Siyaasadeedka KAAH oo hoggaan Rasmiya doortay appeared first on Puntland Post.
-
Shirweynaha Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo Garoowe ka furmay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shirweynaha Kowaad ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, ayaa Maanta oo Sabtiya kuna beegan 18 July 2020 si rasmiya uga furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Shirweynaha waxaa ka qayb-galay As’aasayaasha Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, Ergooyin ka tirsan Ururka oo isaga yimid Sagaalka Gobol ee Puntland, Siyaasiyiin, Culimaa’uddiin, Aqoonyahanno, Ganacsato, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka MIDEEYE. Shirweynaha oo mudda laba maalmood ah socon doona, waxaa Furitaankiisa ka hadlay xubno kala duwan oo kamid ah As’aasayaasha Ururka, Ergooyinka Gobollada ka yimid, Siyaasiyiin miisaanleh, Aqoonyahanno iyo Ganacsato, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay Shirweynaha Ururka, islamarkaana u rajeeyay in uu Guul ku soo dhammaado. Waxaa sidoo kale Shirweynaha maanta lagu ansixiyay, Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE iyo Xeerka Ururka, oo ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen Ergooyinka MIDEEYE, oo isaga yimid dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. Sidoo kale, waxaa Shirweynaha Maanta lagu soo bandhigay Muuqaal Dukumintari ah oo ka warbixinaya Hawlaha baaxadda leh ee u qabsoomay Ururka MIDEEYE iyo sida looga soo dhaweeyay Gobollada Puntland. Halkaan hoose ka eeg Sawirada Shirweynaha MIDEEYE PUNTLAND POST The post Shirweynaha Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ku howlan daminta xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka ah ee lagu sheegay in xal looga gaaray khilaafkii doorashooyinka. Heshiiskaasi oo la sheegay inuu si rasmi ah u badalayo midkii ay saddexda xisbi qaran wada-gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan, ayaa dhigaya in cabashada ka taagan saami-qeybsiga aan dhag jalaq loo siin, isla markaana doorashada lagu galo sidii hore. Qaar kamid ah Shacabka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskaasi, iyaga oo u arkaya in aan la tix-gelin cabashada beelo kamid ah kuwa Somaliland, oo iyagu qaba inaysan helin kuraastii ay xaqa u lahaayeen. Gudaha Somaliland ayaa waxa laga dareemaya xiisadaasi, taasi oo ay xukuumada Muuse Biixi isku dayeyso inay dejiso, maadama ay beelaha qaarkood oo u badan kuwa darafyadu ay qaadaceen inay ka qeyb galaan doorashadaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Khilaafka ka dhashay doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda mid waji cusub yeeshay, isaga oo xiligii hore u dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda, wallow uu hadda u muuqdo mid ka dhex aloosan beelaha dega Somaliland iyo xukuumada oo ay la safan-yihiin xisbiyada mucaaridka. Xisbiyada mucaaridka oo iyagu laftigoodu hore ugu ololeyn jiray in wax ka badal lagu sameeyo arrinka Saami-qeybsiga, isla markaana hoos loo eego cabashooyinka beelahaasi ayaa hal mar heshiis ka dhan ah arrinkaasi la saxiixday xukuumada Biixi, taasi oo la rumeysan yahay in taageero badan ay ku lumiyeen. Doorashooyinka Somaliland ee xisbiyada iyo xukuumada Muuse Biixi ku heshiiyeen in la qabto ayaa waxa dul saaran calaamad su’aal? maadama ay ka hor-yimaadeen qabashadeeda qaar kamid ah beelaha dega Somaliland.
-
Wafdigaan oo hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdoinuur Maxamed Axmed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. “Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug”ayuu u sheegay warbaahinta qaranka Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha wasiirrada Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta wafdiga hordhaca ah. “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beesha caalamka oo taageero u muujisay Somaliland + Sababta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland, kaasi oo xal looga gaaray khilaafka doorashooyinka. Dalalka beesha caalamka ee sida weyn ula dhacsan nidaamka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, ee dhanka doorashooyinka ayaa garab istaag buuxa ugu muujiyey heshiiska cusub ee laga gaaray qabsoomida doorashooyinka. Dalalkaasi oo ay kamid yihiin Mareykanka, Norway, Sweden, Canada iyo UK oo ay ku wehlinayaan hay’addo caalami ah oo ay hor kaceyso Qaramada Midoobay ayaa si wada-jir ah ugu sacabo tumay in doorasho loo dhan yahay ay ka qabsoomto Somaliland. “Saaxiibada caalamiga ah ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland waxay soo dhaweeyeen heshiiska ay gaadheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ee la saxeexay 12 Julay 2020 si doorashada baarlamaanka iyo deegaanka loo qabto 2020” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay si wada-jir ah usoo saareen in ka badan 15-dal iyo ururo caalami ah. Waxa kale oo lagu yiri war-murtiyeedkaasi “Heshiiskan taariikhiga ahi wuxuu fursado cusub siinayaa in hore loo sii wado diyaar garowga doorashada waxaana looga baahanyahay guddiga doorashada inay 14 cisho gudahood waqti farsamo ee jadwalka ku keenaan oo ka bilaabmayay 12 Julay 2020”. Dalalkaasi ayaa sidoo kale heshiiska laga gaaray khilaafka doorashooyinka Somaliland u arka mid si gar ah fursad u siinaya dhallinyarada haweenka iyo ragga leh ee aan weligood dooran wakiiladooda ay doortaan, maadama dhowr jeer loo muddo kordhiyey. Ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha, xisbiyada siyaasadda, Baarlamaanka, guddiga doorashada iyo maxkamadda sare ugu baaqeen in dadka laga tirada badan yahay lagu daro inay codeeyaan oo ay murashixiin noqdaan, xili la isku af-gartay in wax badal lagu sameyn saamiga doorashada ee beelaha Somaliland. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay jawhareer siyaasadeed oo ka dhashay dib udhac badan oo ku yimid doorashooyinka, inkasta oo dhawaan laga gaaray heshiis saddex geesood ah oo lagu xalinayo xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka. -
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa Sabtida maanta ah sheegay in 25 milyan oo reer Iran ah uu ku dhacay cudurka COVID-19, iyadoo 35 milyan oo kalana ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurkan. Tirakoobyadan oo uu Rouhani sheegay in ay salka ku hayaan warbixin cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa aad uga badan tirada rasmiga ah ee ay Iran soo warisay oo ah 269,440 oo kiis. Rouhani oo hadalkan ku sheegay khudbad laga sii daayay televishinka ayaan ka hadlin farqiga u dhexeeya tirada cusub iyo tii hore loo soo wariyay. Dalka Iran oo ay ku nool yihiin in ka badan 80 milyan oo qof ayaa ah wadanka ugu daran ee gobolka Bariga Dhexe ee uu sida aadka ah ugu dhuftay COVID-19. “Qiyaasteenna ayaa ah in ilaa 25 milyan oo reer Iran ah uu ku dhacay cudurkan, isla markaana qiyaastii 14,000 oo qof ay ku waayeen noloshooda qaaliga ah,” ayuu Rouhani ku sheegay khudbaddiisa. “Waxaa suurtogal ah in tiro u dhaxeysa 30 illaa 35 milyan oo kale ay khatar ugu jiraan qaadista cudurkan,” ayuu yiri. “Guud ahaan, dad ka badan 200,000 oo qof ayaa la dhigay isbitaallada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasaaradda Caafimaadka ee Iran ayaa Jimcihii sheegtay in 13,791 oo qof ay u dhinteen cudurka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay webiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolkaasi. Webiga ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan Afgooye, waxaana ka bilowday barakac xoogan, sida uu Shabelle u sheegay guddoomiyaha degmadaasi, Ibraahim Qaasim Cumar. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhuu tilmaamay in webigu uu gaaray xaafado uusan weligiis ku fatihin oo ka tirsan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ibraahim Qaasim Cumar ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe, K/Galbeed iyo hay’adaha samafalka inay gurmad la soo gaaray dadka shacabka ah ee dhibaateysan. Xaaladda magaalada Afgooye ayaa haatan mid aad u cakiran, waxaana ay biyuhu gooyeen jidadkii magaalada oo dhan, sidoo kale xaafadaha ayaa kala xirmay, waxaana dadka shacabka ay haatan ay ku dhibaateysan deegaano duleedka ka ah degmadaasi. View the full article
-
Soomaaliya waxay wajaheysaa xilli doorasho waxaana dhow muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, dadweynaha iyo saamileyda siyaasadda waxay sugayaan qorshaha doorashada iyo mowqifka hoggaanka talada haya. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinga qaran ee madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil oo ka hor hadashay Golaha Shacabka ayaa tiri “waxaan caddeyneynaa in doorashada ku dhacayso nuuca biometric ah inay ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah kana billaabaneysa July 2020 kuna dhammaaneysa August 2021”. Cilmi-baareyaal iyo falanqeeyaal siyaasadeed oo hadal jeedinta Xaliimo faaqiday ayaa ku soo hooriyay in ay ka dhigan tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah ayna ka dhici karin, loona baahan yahay in laga tashado hannaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2021. Mar walba oo doorasho loo baxayo waxaa la xalliyaa oo la dhammeeyaa khilaafka siyaasiga ah ee abuurma muddada uu hogganka talada haya soo maamulayay dalka si loogu midoobo hannaan doorasho, loona aado doorasho ay qeybaha siyaasadda ka mideysan yihiin. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu hayey hoggaanka dalka waxaa khilaafyo siyaasadeed dhex mareen maamullada dalka, afhayeennada baarlamaanka, madaxtooyada iyo hoggaanka mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii soo maray dalka. Dhawaan ayuu khilaaf siyaasadeed u baaqday shirka Golaha Amniga oo uu madaxweynuhu ku casuumay Muqdisho madaxda maamul goboleedyada. Si la mid ah waxaa khilaaf ku kala maqan guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka waxaana hakad galay diyaarinta sharciyada doorashada. Si loo helo heshiis siyaasadeed iyo mid doorasho yey ahayd inay qaadato hoggaaminta? Talada Hannaanka Doorashada Si looga tashado hannaan doorasho ee dalka ka dhacda waxaa qaatay hoggaminta wadatashiga dowlad goboleedyada, waxayna maamul goboleedyada dalka shir wadatashi ah isugu yimaadeen Galmudug iyagoo ka soo -saaray war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa labo qodob:- In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Maalin ka hor furitaanka shirka wadatashiga maamul goboleedyada, waxaa shir ay golaha wasiirrada Soomaaliya yeesheen hadal ka jeediyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo yiri “waxaan ku guda jirnaa xilligii doorashada sida wasiirrada badankood sheegeen oo ay tahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi si aan u xaqiijinno rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, shirka golaha wasiirrada waxaa ka soo baxay maanta marka in golaha wasiirradu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dardar-gelinta fududeynta sidii ay ku dhici lahayd doorasho ay ummadda Soomaaliyeed isla oggoshahay”. Villa Somalia ayaa iyana warqad ay soo-saartay ku taageertay hadal jeedinta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa aqbashay casuumaadda ka soo baxday shirka wadatashiga dowlad goboleedyada waxaana Dhuusamarreeb tagey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre, iyadoo la filayo inuu madaxweynuhu gaaro Dhuusamarreeb. Xallinta Khilaafaadka. Khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya Villa Somalia, Baarlamaanka, maamullada iyo asxaabta siyaasadeed ayaa hareeyay dalka saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga fadhiyay inuu xalliyo khifaadka siyaasiga ah si dadku uga heshiiyo hannaanka doorasho ee dalka 2021. Aqalka Sare warqad uu soo-saaray taariikhdu markii ay ahayd 24-06-2020 ayuu ku sheegay in guddoonka aqalka hoose ka been sheegay xeerarka doorashooyinka oo ay isla soo diyaariyeen guddi ka kooban labada aqal, isla markaana meesha laga saaray doorka aqalka sare. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal oo u jawaabayay warqadda Aqalka Sare ayaa yiri “doorashooyinka iyo guddiga diiwaan-gelinta, sharciga axsaabta siyaasadeed sharuucdaas golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa iska leh. Waxaan rabaa mid in aad ku baraarugtaan maaddaama uu dastuurkannagu ku jiro dib u eegis haddana uu ka dhaxeeyo khilaaf Golaha Shacabk iyo Aqalka Sare annaga waxaan go’aansannay in si loo helo wadajir Aqalka Sare wax uusan siineyn dastuurka aan dhahno nagala shaqeeya laakiin qodobka 47 markaa akhrisaan aqalkan (golaha shacabka) ayaa iska leh shaqadaas”. Aqalka Sare oo ka jawaabay hadalka guddoomiye Mursal ayaa 07-07-2020 soo-saaray warqad ciwaan looga dhigay “raacsiin go’aankii guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo baxday 24/06/2020 kuna saabsaneyd been abuurkii laga sameeyay afartii xeer ee ay soo diyaariyeen guddigii wadajirka ahaa ee labada aqal BFS” ayna ku sharraxeen doorka Aqalka Sare, ayaa lagu yiri:- “Iyada oo la tixraacayo go’aankii guddoomiyaha Aqalka Sare ka soo baxay 26/06/2020, kuna aaddanaa; Been abuurkii lagu sameeyay xeerarkii ay guddigii wadatashiga ee BFS u soo gudbiyeen guddoonka labada aqal ee BFS kuna saabsanaa dhammeystirka sharciga doorashooyinka qaran ee heer federaal. Inay wax-ba-kama-jiraan yihiin afarta xeer ee qabya-tirka u ahaa sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federaal haddii aan la waafajin habraaca xeer dejinta dalka. Inta laga saxayo xeerkaas, in guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka qaranku aysan xeerarkaasi u isticmaali karin doorashooyinka qaranka”. Si loo dhammeeyo khilaafka ka dhex jira hoggaanka sare ee labada gole ee BFS, maamullada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa kulammo gooni gooni ah la yeeshay guddoomiyaasha baarlamaanka, madaxweyne Farmaajo, axsaabta siyaasadda iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada hoggaamiyaasha bulshada rayidka ah. Waxaan wali muuqan dhaqdhaqaaq dhex dhexaadin oo ay isku hawshay Villa Somalia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdigaan oo hordhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hor kacayay agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. “Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug”ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ku xigeeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha wasiirrada Galmudug uga mahadceliyay soo dhaweynta wafdiga hordhaca ah. “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug” View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo gaaray magaalada Cadaado
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo ka soo duulay Garoowe ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo boqolaal shacab ah. Ujeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda magaalada Cadaado oo taariikh weyn ku leh, maadaama Aabihiis Sheekh Maxamed Islaam uu daaci ka ahaa muddo badan halkaas, waxaana jirta inuu wakhti ku noolaa magaladaasi. Sidoo kale wuxuu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Ammaanka ayaa sidoo kale loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayey gudaha Cadaado, kuwaas oo ka qeyb qaadanayey soo dhoweynta madaxweynaha Jubbaland. View the full article -
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee maalaha fog-fog laga hago ayaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Bunti lagula bartilmaameedsaday deegaanka Buurane. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan ay fureen ciidamada AMISOM, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lagu warramayaa in qaraxa lala eegtay ciidanka Burundi ee AMISOM ka tirsan inuu ka soo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa labo askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan. Taliska AMISOM weli wax war ah kama soo saarin qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi ka howl-gala gobolka Shabeelaha Dhexe. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
-
Shamso Maxamed oo Umul ah ayaa Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dowladda ku gashay saakay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay dhawaan ku dhashay, xilli maanta loo fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Gabadhaan oo warbaahinta gudaha ay ku booqdeen isbitaalkii ay ku dhashay kuna gashay imtixaanka ayaa waxa ay u sheegtay in codsi ay dugsigii ay dhiganaysay u direen wasaaradda waxbarashada ay suura gelisay in maanta ay qeyb ka noqoto kummanaankii arday ee u fariisatay imtixaanka dowladda iyada oo xustay inay aad ugu faraxsantahay sheekadaan. Gabadhaha wax ka barta dalka ayaa qaarkood ah hooyooyin saas oo ay tahay kama baaqsadaan inay galaan imtixaanaadkooda marka ay xaaladaha nuucaan oo kale ah ku jiraan. Si aad aah ayaa loo hadal hayaa sheekada Shamso Maxamed oo iyada oo umul ah maanta ka qeyb gashay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Arinkaa Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qosheysan oo si wadajir ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helay kuwa Faransiiska ay xalay uga fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe. Howl-galka ayaa waxaa xigay iska hor imaad dhex-maray ciidamada huwanta oo saq dhexe diyaarado ku tegay halkaasi iyo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa sheegay in howl-galkaasi ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo waxyaabaha qarxa lagu keydiyo, islamarkaana ay ku gaarsiiyeen khasaare dhimaasho dhaawacba leh. Xaaladda ayaa hadda ah mid YARE degan, waxaana howl-galkan weli ka hadlin dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Somalia. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlad goboleedka Galmudug. Madaweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa siweyn garoonka diyaradaha ugu soo dhweeyey, mas’uuliyiih ka tirsan maamulka Cadaado iyo Galmudug. Madaxweyne Axmed ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada, halkaas oo kulamo kula qaadan doono bulshada iyo mas’uuliyiinta degmada iyo gobolka Galgaduud, waxaana la filayaa inuu saxaafada uu la hadlo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa Maanta oo Sabtiya si rasmiya uga furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirweynaha waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo labadiisa ku xigeen, Guddoonka ku meel gaarka ah ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Mas’uuliyiin ka socday Golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland, Ergooyin ka tirsan KAAH oo isaga yimid dhammaan Sagaalka Gobol ee Puntland, Siyaasiyiin, Culimaa’uddiin, Aqoonyahanno, Ganacsato, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo dadweyne fara badan oo taageerayaal u ah Urur Siyaasadeedka KAAH. Ugu horrayn, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ahna Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley), oo Munaasabadda hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka KAAH ay wada leeyihiin dhammaan Muwaadiniinta Reer Puntland, islamarkaana uu weli u furanyahay muwaaddin kasta oo Puntland ah in uu ku soo biiri karo. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Urur Siyaasadeedka KAAH Xil. Fu’aad Abshir Axmed, oo isna ka warbixiyay Hawlaha u qabsoomay Ururka, ayaa sheegay in ay Xarumo ka furteen dhammaan Sagaalka Gobol ee Puntland sidoo kale Ururka mudadii uu jiray ay iska diiwaan-geliyeen kumanaan kamid ah Muwaadiniinta Puntland. Mudane Fu’aad Abhsir, wuxuu intaasi raaciyay in Ajandaha iyo hawlaha horyaalla Shirweynaha Ururka ay Maalinta berriya bilaaban doonaan, balse Maanta uu furitaan keliya ahaa, isagoo xusay in Shirweynahan gudihiisa lagu dooran doono Hoggaanka Sare ee Ururka sidoo kalena lagu dejin doono Xeerarka iyo Shuruucda ka dhimman. Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Labadiisa Guddoomiye ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame iyo sidoo kale dhammaan ka qayb-galayaashii Shirweynaha, ayaa si isku mid ah u bogaadiyay Hawlaha u qabsoomay Urur Siyaasadeedka KAAH oo uu kamid yahay Shirweynaha Ururka ee Maanta furmay. Halkaan ka eeg Sawirada Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH PUNTLAND POST The post Shirweynaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo ka furmay Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-18072020-ok.mp3 View the full article
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado, soo dhaweyn heer sare ah ayaana loogu sameeyay. Axmed Madoobe ayaa saddex maalmood ku sugnaa magaalada Garowe halkaas oo uu uga qeyb galay aaskii madaxweynahii hore Puntland (Maxamed Cabdi Xaashi ) iyo Ra’iisul Wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Safarka uu madaxweynaha ku tagay magaalada Cadaado laba arrin ayey dadka falanqeeya siyaasadda ku sheegeen. Sababta ugu horreysa waxaa lagu sheegay in Axmed Madoobe iyo magaalada Cadaado ay ka dhaxeyso taariikh weyn maadaama aabahiis Shiekh Maxamed Islaam uu daaci ka ahaa muddo badan halkaas, waxaana jirta inuu wakhti ku noolaa magaladaas. Waxaa jirta sabab kale oo ay dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika aad u hadal hayaan taasoo ah inuu isaga mashquulinaayo soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo oo galabta kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb. Xiriirka u dhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaan wanaagsaneyn tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Jubbaland, waxaana jira khilaaf xoog leh. Si kastaba labadaas arrin ayaa loo sababeynayaa safarka madaxweynaha Jubbaland ee magaalada Cadaado.
-
Taliska ciidamada booliska gobolka Bare ee Puntlland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag la sheegay in ay tirsan yihiin ururka Daacish ee fariisimaha ku leh buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Taliska qeybta booliska gobolka ayaa sheegay in raggaan la soo qabtay, kadib howlgallo laga sameeyey magaalo xeebeedka Bosaso, oo muddooyinkaan uu ka socday hoowlgallo lagu xaqiijinayo amniga. Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladu ka sii socan, doonaan Bosaso , isla markaana uu jiro tuhun badan oo qabaan, kaas oo ah in xubno badan oo Daacish ah ay ku dhuumaaley-sanayaan gudaha magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdi hordhac u ah safarka madaxweynaha ayaa gaaray Dhuusamareeb, waxaana hogaaminaya agaasimaha madaxtooyada Abdinuur Maxamed Ahmed oo bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal iyo sawiro uu ku muujinayo iney hordhac u yahin wafdiga madaxweynaha ee maanta galinka dambe gaaraya halkaas. Qoraalka uu soo dhigay agaasimaha madaxtooyada wuxuu u qornaa sidan: Dhuusamareeb ayaan soo gaarnay annaga oo hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta kusoo wajahan Galmudug. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne K/Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada ee sida diirran noogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug. Galmudug waa hoyga martisoorka. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaas uga qeybgalo wajiga labaad ee shirkii dhawaan ka dhacay Dhuusamareeb markaas oo ay kulmeen madaxda shanta maamul ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka. War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkaas ayaa lagu casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaas oo isna goor hore halkaas gaaray inkastoo uu Garowe u gudbay si uu kaga qeyb galo aaskii allaha u naxaristee Ra’iisul Wasaarahii hore Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.
-
(SLT-Hargeysa)-Kalffadhigii 43-aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furmay, ka dib markii ay mudanayaasha golahaasi ka soo noqdeen fasaxoodii dastuuriga ahaa. Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ugu horayn waxa uu mudanayaasha kula dardaarmay in ay kala fogaadaan isla markaana ay xidhaan af-saabka si looga taxadaro fiditaanka xannuunka Coronavirus, wuxuuna guddoomiyuhu u mahad celiyey xildhibaanadii fadhigaas ka soo xaadiray, isaga oo mudanayaasha fadhiga ka maqnaana u soo jeediyey inay ka soo xaadiraan fadhiyada dambe si goluhu u guto waajibaadkiisa qaran una dhamaystiraan xeerarka qabyada ah ee golaha horyaala. Waxaana mudanayaasha fadhigaas loogu qaybiyey ajandaha kalfadhigooda 43-aad, oo ka kooban saddex iyo toban xeer oo ay ka mid yihiin xeerka guud ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wax ka bedelka xeerka shaqaalaha rayidka ah, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka maamuuska madaxweynaha iyo baarlamaanka, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka asxaabta siyaasadeed xeer. Lr.14, wax ka bedelka xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga, xisaab xidhka 2018, xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, xeerka saxaafadda iyo xeerar kale oo qaranka u muhiim ah. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal ay si wadajir u fuliyeen ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa Faransiiska ee jooga ee Soomaaliya, kuwaas oo xalay iyaga oo wata saddex diyaaradood ku daatay duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab. Howl-galka oo ahaa ballaaran ayaa waxaa xigay dagaal culus oo labada dhinac ku dhex-maray degmada Jilib, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda oo qeyb ka ahaa howl-galkaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa inay gacanta ku soo dhigaan hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa halkaasi, balse waxa ay sheegeen inay dagaal kala kulmeen dagaalyahanno ilaalo ahaa. Sidoo kale saraakiisha ka hadlay howl-galkaasi ayaa xusay in dagaalka ay ku dileen labo sarkaal iyo 16 dagaalyahaan oo ilaaladooda ka mid ahaa, sida ay hadalka u dhigeen. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo kale ay gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi la soo wariyey in khasaare badan lagu gaarsiiyey. Xaaladda degmada Jilib ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya halkaasi.
