-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Afgooye ee Sh/ Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga Shabelle. Shariif ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in si deg deg ah loo caawiyo shacabka ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay qeyb qaadan doonaan gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye, isaga oo ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii dadka uu sameeyay wabiga Shabelle ay u heli lahaayeen gargaar. “Shacabka Afgooye waxaa saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle , waan in loo wada gurmadaa”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 oo Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys. Dhanka kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Shirka looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay weli qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhoweyso tallaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. View the full article
-
Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u hogaamin doonta dhamaadka sanadkaan taliska wadajirka ah ee burcad-badeeda kula dagaalamaya gacanka cadmeed iyo hareeraha xeebaha Soomaaliya. Sabtidii qoraal kasoo baxay wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay in isbadalka hogaanka taliskaan uu soo bilowday dhamaadkii bishii lasoo dhaafay, wuxuuna dhamaanayaa isbuuca labaad ee December. Hawlgalkaan waxaa ku wada jira wadamada: Mareykanka, Cuman, Pakistan, Turkiga, Brazil, Baxreyn, Britain, Japan, Koonfur Kuuriya iyo Kuwait. Sida la ogyahay ciidamada badda Turkiga waxey tan iyo horaantii sanadkii hore ka qeyb qaadanayeen hawlgalladaan wadajirka ah ee lagu baacsanayo burcad-badeedda. Hawlgalkaan oo lasoo bilaabay 18-sano ka hor ayaa ujeedadiisa ugu weyn ay tahay in bariga afrika, bariga dhexe iyo koonfur Asia ay kula dagaalamaan argagixisada sida ku xusan heshiiska wadamadaan. Gacanka Carabta, Gacanka Cadan, Badda Carabta, Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayuu hawlgalkaan ku qotomaa.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Salaaso ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland, oo ka qalin-jebiyay dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle. Munaasibad kooban, oo ay ku qalin-jebinayeen Cutubyadaas, oo ka kala socday ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale ee Ciidamada Somaliland, ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka degaanka Mandheera ee Lixle. Madaxweynaha Somaliland, waxaa Munaasabadda kala qayb-galay Taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maamulka iyo macallimiinta dugsiga Tababarka Mandheera ee Lixle. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa bogaadiyay ciidamada cusub ee uu tababarku usoo dhammaaday, waxana uu kula dardaarmay in ay gutaan waaajibaadka ka saaran Amniga iyo Difaaca Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo Tababar u soo xiray Ciidamo horleh appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shaqooyin badan oo aheyd in laga qabto arimaha doorashooyinka 2021 in la dayacay,isagoo sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay Madaxda Dowladda Fedraalka ugu baaqayaan in waqtigeeda la qabto doorashada. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Arinta Doorashada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Markii seddaxaad ayaa todobaadkan loo balansan yahay in Weriye Cabdicasiis Gurbiye uu hortago Maxkamada gobolka Banaaadir, halkaas oo ay ka socoto dacwada Weriyaha. Dacwadan oo dabada ay ka riixayso Madaxtooyda Soomaaliya ayaa sharciyaqaanada waxa ay sheegayaan in ay baalmarsan yahay dastuurka dalka Guddoomiyihii hore Bank-ga Dhexe ee dalka Maxamuud Culusow ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in madaxweyne Farmaajo oo wax ku soo bartay dal Dimuqraadi ah uu maanta horseed ka noqdo caburinta warbaahinta “ Waa nasiib daro in Farmaajo uu maanta durbaanka u gaarco ku tumashada xoriyadda hadalka , waxana uu ku gefay Weriye Cabdicasiis Gurbiye” sidaas ayuu Goobjoog u sheegay aqoonyahan Maxamuud Culusow. Danjire Maxamed Caalim ayaa oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa sheegay in Dowladda Farmaajo hore ay u caburisay madaxdii dalka soo martay xiligan aysan biyo u kabanaynin Gurbiye. “U maleyn mayo in Dowladda Federaalka ay dhawrayso xoriyada hadalka , waxa taas u daliil ah iyada oo hore u diiday in madaxdii dalka ay cabiran ra’iyooda , waxaan leeyahay Gurbiye waa in uu cadaalad helaa ‘’ ayuu yiri Maxamed Caalim. Si kasta Hay’adaha caalamka ah iyo kuwa u dooda xuquuqda warbaahinta Soomaaliya ayaa ka dhawr sugaya waxa uu noqon doono go’aanka ka soo bixi doona Maxkamada Gobolka Banaadir oo markii seddaxaad ka soo muuqan doona Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kiisk Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laba Dal oo wada qorshe Ciidamo Soomaali ah lagu geynaayo Liibiya+Halka Ciidankaasi Hadda Joogo+Hawshay qaban doonaan Dalka Liibiya waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamo daacad u ah dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay iyo ciidamo ka amar qaata Jeneraal Khalifa Haftar oo doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya. Labada dhinac ee ku dagaalamaya dalka Liibiya ayaa taageero kala duwan ka helaya qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana dowlada Liibiya taageeraya Turkiga iyo Qadar halka Khaliifa Haftar taageero ka helayo Masar, UAE , Ruushka iyo dowlado kale. Wargeyska Libya Review ayaa qoray in dowladaha Turkiga iyo Qadar wadaan qorshe Liibiya lagu keenayo ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaata dagaalka dowlada Liibiya ku qaadeyso magaalada istaraatiijiga ee Sirta. Sida uu qoray Wargeyska ciidamadan Soomaalida ah ee laga yaabo in loo qaado Liibiya ayaa ah ciidamo lagu tababaray dalka Qadar kuna sugan, waxaana ciidankan dhaqaalo badan ku bixisa dowlada Qadar oon la ogeyn ujeedka ay ka leedahay. Qorshahan ciidamada Soomaalida lagu geynaayoo Liibiya ayaa soo if baxay kadib booqasho deg deg ah oo uu Doxa ku tagay Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar oo kulamo albaabada u xidhnaayeen la qaatay Amiirka dalka Qadar . Dowlada Turkiga ayaa ciidamo milatari ah, hub culus iyo diyaarado geysay dalka Liibiya si ay u taageerto ciidamada dowlada ee dagaalka xoogan kula jira ciidamada ay taageerayaan Masar iyo Imaaradaka Carbta. Dalka Qadar waxaa ku sugan ciidamo badan oo Soomaali ah oo dalkaasi tababar ku qaatay, ciidamadan ayaana sannado badan ku sugan dalka Qadar oo ay ku qaataan mushaar badan Qaran News
-
Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar khasaare geystay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ugu yaaran hal qof aya ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo caruur ay ku jiraan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolkaasi. Inta badan waxaa Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro ay geystaan koox maleeshiyaad ah oo ku sugan gobolladaasi, kuwaas oo mararka qaar dagaalama. View the full article
-
Iyada oo wargeys ka soo baxa dalka Liibiya uu qoray in wadamada Qatar iyo Turkiga ay doonayaan in dagaalka ka socda dalkaasi ay u adeegsadaan dhalinyaro Soomaali ah oo lagu tababaray dalalkaasi ayaa waxaa arrintaasi ka digay Prof. Cabdiraxmaan Daqare. Daqare oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in haddii ay jirto arrintaasi ay dhabar jab xoogan ku noqon doonto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dalka inay baaris ku sameeyaan waxa ka jira arrintaasi, isaga oo kula taliyey inay dhex-dhexaad ka noqdaan xiisada Liibiya. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-cadani.mp3 View the full article
-
Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaato ba’an oo ay wajahayaan Qoysas badan oo ku nool deganada gobolada Shabbeelooyinka. Xasan Sheekh Maxamud waxa uu sheegay in xoogga la saaro sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaas Soomaaliyeed ee guryahooda uga cararay fataahadaha goboladaas ka jira. “Ma aha in aan wax ka sugno Hay’ado ama koox gaar ah ee waa in aan isu gargaarnaa dhaxdeena ”sidaas waxa saaxafadda u sheegay Madaxwaynihii hore dalka Xasan Sheekh Maxamed. Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana codkiisa ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna sheegay in muhiim ay tahay in il gaar ah lagu hayo goobaha fatahaaduhu ay ka jiraan. ‘’Waa in la sameeyaa goobo loogu tala-galay gurmadka deg deg ah si marka masiibooyinka ay dhacaan jawaab deg deg ah loogu bixiyo’’ ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Hoggaamiyaha Madasha Qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hadal-hayn ka dhalatay booqashada Abiy Axmed ee Eritrea Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo booqasha laba malmood ah ku soo maray dalka Eritrea ayaa wuxuu booqday saldhigga ugu weyn ee lagu tababaro ciidamada Eritrea ee Saawa. Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afwarqi oo wada socda oo booqday saldhiggaa lagu tababaro ciiddamada Eritrea ee Sawa waxay la kulmeen dufacaddii 33-aad ee ciidamada Eritrea oo iisu diyaarinayo qalinjabintooda. Dugsiga tababarka ciidamada Saawa oo la aasaasay 1994-kii ayaa 26 sano ee ugu dambeeyey ahaa dugsi ay ciidamada ugu badan Eritrea tababar ciidan ku qaataan. Abiy Axmed oo marar badan Eritrea booqasho ku tagay waa marki ugu horreysay uu dugsigaasi booqdo. Hadalhaynta ugu weyn ee ka dhalatay booqashada Abiy ee Sawa ayaa ah madaxda caalamka ee booqashada ku taga dalka Eritrea inaan looga baran iney saldhiggaasi si toos ah u booqdaan, taasoo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ka dhigeyso hoggaamiyihi ugu horreeyey oo si rasmi ah u booqdo saldhiggaasi. Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gabre-mesqal wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray madaxda labada dal in dugsiga Saawa ay si kadis ah u booqdeen balse booqashadooda uusan ahayn mid horay u qorsheysnaa. Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo la sheegay iney ka wadahadleen arrima la xidhiidha siyaasadda geeska Afrika haddana labada dowladoodaba kama soo bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan wadahadalkoodaasi. Kulammadoda oo u muuqday mid albaabbada uu u xidhnaa oo aan la shaacin wixi ay ka wada hadleen. Warbahinta dowladda Eritrea waxay baahiyeen oo keli labada hoggaamiye iney ka wada hadleen arrima quseeya siyaasadda geeska Afrika ee ay labada dal ka mideysan yihiin. Haseyeeshee, dadka u dhuundaloola siyaasadda labada dal waxay sheegeen iney booqashada Abiy qayb ka tahay dadaal uu Madaxweyne Isaayaas wado oo uu ku dhexdhexaadinayo Itoobiya iyo Masar isaga oo dhawaan booqday dalka Masar. Tan labaadna ay noqon karto labada hoggaamiyey iney ka wadahadleen khilaafka arrimaha xadka ee labada dal u dhaxeeyey oo u baahan in xal waara la gaaro iney ka wada hadleen. Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afawarqii oo bishi February telefishiinka dalkiisa la hadlay wuxuu sheegay arrimaha ka socda gudaha dalka Itoobiya iney faraha ka laabaneyn, hadalkaasi oo lagu tilmaamay xidhiidhka labada dowladood u dhaxeeya inuu soo xoogeystay. Madaxweynaha deegaanka Tigreega Debre-tsion Gebre-sillase oo kulankan ugu dambeeyey ee ay yeeshen labada hoggaamiye walaac ka muujiyey wuxuu sheegay inuu xisbiga deegaankaasi hoggaamiya ee TPLF iyo xukumadda degaanka Tuigreegaba ay soo gaarayaan cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba uga imanayo. Wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu cadaadiska ugu badan uga yimaaddo seeddex kooxood “Xisbiga barwaaqo ee talada dalka Itoobiya haya, Xisbiga Shacbiya ee Eritrea hoggaamiyo iyo xoogag labadaasi u shaqeeya” ayuu yiri. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore arrimaha dibedda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa mu baaqay in wax laga beddelo qaabka ay u socdaan wada-hadallada Dhuusamareeb oo hadda ku kooban madaxda dowladda iyo madax goboleedyada. Yuusuf Garaad ayaa madaxda ku sugan magaalada Dhuusamareeb kula taliyay iney wufuuda la socota ka qeyb galiyaan go’aamada ay gaarayaan. Danjiraha wuxuu dareemayaa in madaxda ugu sarreysa dalka iyo hogaamiyayaasha shanta maamul ee xubnaha ka ah Federaalka ay u muuqdaan kuwa isku koobaya go’aamada ay ka gaarayaan arrimaha dalka. Sidoo kale wuxuuu sheegay in dadka ku kulmay Dhuusamareeb ay yahiin dad leh maskax, aqoon iyo waayo aragnimo buuxda, wuxuuna u sheegay ineysan madaxdu noqon kuwa ay ka bilaabato howsha kuna dhamaato. Halkaan ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad: Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubarada yahay. Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed. Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan. Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo can ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay. Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay. Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan. Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda. Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah. Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkan go’aan looga gaari karo. Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.
-
REER AWDAL MA XUQUUQ AYAA KA MAQAN MISE QUQUUQ DHEERAAD AH AYAY DOONAYAAN?. tabashooyinka sami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee Somaliland, waxay ka imanaysaa sedddex jaho oo kala ah:- dadka laga tirada badan yahay, dumarka iyo gobolada aan ku qanacsanayn tirada xubnaha golaha wakiilada ay hadda ku haystaan. Waxaan se halkan si kooban isu-dultaagi doonaa haddii Alle idmo tabashada gobolka Awdal. Gobolka awdal waxa uu ka mid yahay, gobolada uu ka jiro saluuga ugu badan, marka la eego saamiga uu hadda ku haysto goloha wakiilada. Waxa kale oo aynu ognahay in markasta oo la soo hadal qaado doorashada golaha wakiilada ay xaraaradda siyaasada ee gobolka awdal cirka isku shareerayso. Hadaba su’aashu ugu mudani waxay tahay, gobolka awdal ma xaq uu leeyahay baa ka maqan, mise waxa uu doonayaa in xaq dheeraad ah loogu daro saamiga uu hadda ku haysto golaha wakiilada?. Inkasta oo laga yaabo in su’aashaa jawaabteeda lagu kala duwanaado, oo ay dadka qaar dhinac kale ka eegi-karaan, anigu se waxaan si dhiirasho leh u odhanayaa, gobolka awdal waxa uu doonayaa in la siiyo sad ka badan inta uu xaqa u leeyahay, waana midda ay salka ku hayso tabashada baasan ee ka jirta gobolka awdal. Waxa jira halbeegyo ay dunidu wax ku qaybsato, marka laga hadlayo saamiga kuraasta xubnaha golaha wakiilada ee uu gobol waliba ka heli karo tirada guud ee uu qaran leeyahay. Waxa halbeegyadaa ugu caansan oo aynu soo qaadan karnaa, waa ta lagu saleeyo tirada bulsho ee gobol walba ku nool. Hadaba iyada oo ay jirto in aan Somaliland wali laga sameynin tirakoob dad weyne oo dhamaystiran, kaa soo lagu ogaan lahaa tirada dhabta ah ee gobol walba ku nool, hadana waxa jira minqiyaasyo kale oo gundhig u noqon kara is bar-bar-dhig lagu sameeyo, kala badnaanshaha tirada bulsho ee gobol walba ku nool. Waxaanaynu soo qaadan karnaa diiwaangalinihii iyo doorashooyinkii faraha badnaa ee Somaliland ka soo hirgalay 18-sano ee ugu den-beeyay. Iyada oo gobolka sool iyo sanaag bari mooyaana inta kala ay si fiican uga qabsoomi jireen doorashooyinkaa iyo diiwaan-galinaha aynu soo marnay. gobolka maanta ugu cabasho badani waa gobolka awdal, oo marka laga hadlayo arrinta sàami-qaybsiga golaha wakiilada ay meel xaa-saasi ah ka marayso. Hadaba haddii aan soo qaato tirada kaadhadhka ka qaadatay gobolka awdal diiwaan galintii 2008-kii, oo waliba barigaa reer awdal loogu daray wakhti dheeraad oo ka badan intii markii hore loo qoondeeyay, waxay tirada boqolleyda (percentages) reer awdal ka ahaayeen 16.5% oo muujinaysa inta ay ka yihiin bulshada reer Somaliland. 2017-kii dadkii kaadhadhka qaatay waxay reer awdal ka ahaayeen 14.5% tirada boqolleyda (percentages). Haddii average-ka labadaa tiro lasoo saarana waa 15.5%. Marka tirada boqolleyda ay haystaan reer awdal lagu dhufto tirada xildhibaanada golaha wakiiladu uu hadda ka kooban yahay, waxay tirada saami ee ay reer awdal golaha wakiilada ka heli karaan noqonayaa 15.5%×82= 12.71 xildhibaan. Halka ay imika ka haystaan 13-xildhibaan. Waxaanay arrintaasi farta ku fiiqaysaa in aanay reer awdal wax ka maqani jirin marka laga hadlayo tirada ay hadda ku haystaan goloha wakiilada. Bulshada ku dhaqan gobolka awdal iyo kuwa ku dhaqan gobolada kaleba baahida ay qabaan, way ka dhumuc weyn tahay, kuraas ay ku fadhiistaan shaqsiyaad kooban, oo waliba marka ay ku fadhiistaan dheefta ay ka helaan guryahooda oo qudha ku koobnaandoonto. Waxa haboon in aynu busho ahaa la nimaado dhabihii ayn ku horumarin la hayn dowladnimadeena iyo dhaqaalaheen. Sidoo kale aynu dhisi la hayn bulsh ilbax ah ooh an iyo himilo xab=mbaarsan. Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com. Qaran News
-
Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga 2-aad shir ay ku madlan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Dhuusamareeb waxaa haataan ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Xukuumadda iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Ajandaha shirka ayaa ah in la’iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho ee ay tahay in dalka ay ka dhacdo. Waxa soo baxayay warar sheegaya in shirkan uu noqon doono mid aad loogu kala feker duwan yahay, maadaama madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro, sidii ay doorashada dalka u noqon laheyd mid qof iyo cod ah, halka madaxda dowlad goboleedyada ay iyaguna u ololeynayaan in doorashadu noqoto mid dad-ban, balse waxa arrintaasi beeniyay wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle. Wasiirka oo la hadlay Shabelle ayaa in arrintaasi ay tahay wax been ah oo ay madaxda isku mowqiif ka wada yihiin arrimaha laga wada hadlayo, sida uu hadalka u dhigay. Shirka Dhuusamareeb oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa isha lagu wada hayaa go’aamada ka soo biixi doono, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. View the full article
-
SOMALILAND , DOORASHO KALE OO JUJUUB AH WAXA DHAANTA MID LA ISAGA RAALI YAHAY, REER AWDALNA GAR BAY KU TAAGAN YIHIIN ! Somaliland nidaamkeega dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka in la fashiliyo ayaa loogu talogalay , oo uu istaago iyada oo la eeganayo dano kooban , mudo kordhin iyo maslaxado siyaasadeed oo marba cid gaar ahi wadato. Sanadkii 2005 markii la galayey doorashadii Golaha wakiilada waxa lagu gallay xal doorasho oo hal mar lagaga gudbayey , kaasi oo ahaa sida uu xeerku sheegayo in halkaasi mar oo kaliya lagu gali doono , waxii ka dambeeyaana dalka laga sameyn doono tirakoob dadwayne oo guud si wax loogu qaybsado. Hawshii 15 sanadood halkii lagama qaadin oo waa kaa hadalkeegii maanta taagan yahay, taasina maaha wax qabanaysa shacabka Somaliland guud ahaan oo u baahan cadaalad iyo sinaan gobol waliba uu helo waxa uu xaqa u leeyahay, masuuliyadeedana waxa leh xukuumadihii tan hadda ka horeeyey iyo goleyaasha xeer dejinta qaranka. Ma jiro gobolada Somaliland gobol ku qanacsan tirada kuraasida ee looga qoondeeyey golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland iyo qaabka loo qaybiyey 82 kursi ee golaha wakiilada oo ka soo jeeda 33 kursi ee golihii wakiilada 1960kii oo 2.5 lagu dhuftay Gobol/Degmo waliba waxii ay lahayd xiligaasi oo lafteeda aan loo bisleyn doorashooyin dadku aanay fahansanayn . Golada Somaliland waxa ay u kala heleen tirada kuraasida gobol waliba soo buuxin doono sidan; Gobolka Maroodijeex 20 kursi Gobolka Awdal 13 Kursi Gobolka Saaxil 10 kursi Gobolka Togdheer 15 kursi Gobolka Sool 12 kursi Gobolka Sanaag 12 Kursi Diwaangalinta guud waxa ay u dan tahay dalka Jamhuuriyada Somaliland oo dhan , sababtu waxa ay tahay marka la helo tirada tirada tirakoobka dadka dalka ku nool ayaa waxa lagu jaangoyn doonaa in xildhibaanku codka uu ku soo baxayo la jaangooyo , dhacdooyinka layaabka leh waxa ka mid ah xildhibaan baa 6000 oo cod Hargeisa ku waayey kursi , halka gobolada qaar ay xildhibaano kaga soo baxeen 2000 oo cod ! , taasina waxa keenay nidaamkan xalka ahaa . Gobolada Awdal iyo Selel xaq bay u leeyihiin in ay yidhaahdaan doorashadii hore xal baa lagu galay ee tan wax ka wanaagsan hala helo , sababta oo ah inta markaa lagu galo xal ayaa gidaar la isaga tiirin doonaa sidii hore u dhici jirtay oo arinkaasi cid damaanad qaadeysaa ma muuqato . Axsaabta siyaasada Somaliland kaliya iyaga waxa u cad in ay doorasho iyo kuraasi helaan , xiligani lagu jiro oo ah marxalad kala guur ah isla markaana ay bilo koobani ka hadheen xiligii la furi lahaa ururada siyaasada ee Somaliland waxa aanu aaminsanahay in aanay kaligood noqon karin sadexda xisbi qaran daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ay talada la leeyihiin muwaadiniinta u diyaarka ah in ururo siyaasadeed ay furtaan iyo dadka Jamhuuriyada Somaliland. Mohamed Abdi Jama Hogaamiye Dhimbiil Qaran News
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xil kii looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Cali. Bishiir ayaa horay uga soo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena waxay walaalo yihiin guddoomiyaha xil ka laga qaaday, Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xilka ula wareego, islamarkaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira degmadaasi. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The UN has welcomed the ongoing talks between the Federal Government and Federal Member State leaders in Dhusamareb calling for compromise among the leaders. Source: Hiiraan Online
-
Wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi la yeeshay danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire David Shinn oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika. Danjire David Shinn, wuxuu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan, mawqifka uu xidhidhkan ku cambaareeyay China iyo doorka Maraykanka. Danjire Shinn oo uu tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), la yeeshay waraysi dheer, ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay qoraal kooban oo 9 Jullaay lagu baahiyay barta twitterka ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka. Waraysigaas danjire David Shinn, oo bahda Geeska Afrika u soo turjumeen Soomaali, wuxuu u dhacay sidan: Diblomaasi ahaan, maxaad ku macnayn kartaa xidhiidhka cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan? Taiwan waxa ay ogolaatay inay ka furato Hargeysa “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office), Somaliland na waxa ay ogolaatay inay ka furto Taipei “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office). Waxa muhiim ah in la fahmo inaan tani la mid ahayn aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic recognition). Taiwan waxa hadda si rasmi ah u aqoonsan shan iyo toban dal, oo hal dal keliya ka yahay Afrika — waa dalka Eswatini. Dhinaca kale Taiwan waxa ay Afrika ku leedahay shan “xafiis ganacsi” (trade offices), oo ku kala yaala Johannesburg, Algiers, Cairo, Nairobi, iyo Lagos. Waxa ay sidoo kale ku leedahay “xafiisyo isku-xidh” (liaison offices) Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay iila muuqataa in “Xafiiska Wakiilnimo (Representative Office) ee laga aasaasay Hargeysa iyo Taipei ay la mid yihiin “xafiisyada isku-xidh” (liaison offices) ee ka jira Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay u muuqan kartaa in yoolka Taiwan iyo Somaliland labaduba uu yahay inay balaadhiyaan gaadhistooda arimaha debedda (foreign outreach). China wuxuu saldhig ku leeyahay Djibouti oo ay Somaliland jaar yihiin, imikana Somaliland waxay martigelisay xafiiska diblomaasiyadeed ee Taiwan, dawladda Soomaaliya iyo dawladda China, labaduba si adag ayay uga horyimaadeen xidhiidhkan diblomaasiyadeed ee bilaabmay. Arrintani maxay ku soo kordhin kartaa siyaasadda Geeska Afrika? Xaqiiqda ah in Shiinuhu ku leeyahay saldhig ciidan Djibouti waxa ay noqon kartaa inaanu wax raad ah ku lahayn Somaliland. Somaliya waxa ay arinkan soo kordhay uga soo horjeedda sababo iska cad. Waxa ay [Somaliya] aqoonsan tahay Beijing islamarkaana waxa ay u aragtaa in Somaliland tahay qayb ka mid ah Somaliya. Shiinuhu sababo sidoo kale iska cad ayuu uga soo horjeedaa. Tan iyo sanadkii 1949 Shiinuhu wuxuu u ololaynayay mabad’a’ “Shiine mid keliya ah” (Once Chine) islamarkaana wuxuu si joogto ah uga soo horjeeday in aqoonsi diblomaasiyadeed la siiyo Taiwan. Dhinaca kale, waxa uu aqbalay [Shiinuhu] xafiisyada ganacsi ee Taiwan (Taiwan’s trade) iyo xitaa xafiisyada isku xidh (liaison offices) ee u qaabaysan inay gaadhaan yoolal aan siyaasad ahayn iyo kuwo aan diblomaasiyad ahayn (non-political and non-diplomatic goals).Maraykanka iyo Taiwan xidhiidh dhow ayay leeyihiin, imikana waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku lug leedahay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Miyaad rumaysantahay in bilowgan diblomaasiyadeed uu gacan ka gaysan doono wada hadalada? Qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, 9kii July ayaa yidhi: (Waa arin wayn inaan aragno Taiwan oo kor u qaadaysa xidhiidhkeeda Bariga Afrika waqti ay jirto baahi wayni. Taiwan waxa aanu iskaashi wayn kala leenahay caafimaadka, waxbarashada, caawimada farsamo iyo in kaloo badan!” Inkasta oo ay tani tahay tebin aan caadi ahayn (most unusual communication), ma muujinayso in Maraykanku uu arinkan wax dheeraad ah oo kale ku darsanayo. Waxaynu fahansanahay ficiltanka u dhaxeeya Maraykanka iyo China, China hadda wuxuu isku dayi karaa arrimo ka dhan ah Somaliland. Ma filaysaa in Maraykanka amaba dalalka kale ee reer galbeedku ay taageeri doonaan Somaliland haddii uu China ku soo qaado dagaal diblomaasiyadeed? Shiinuhu diblomaasiyad ahaan wuu ka soo hor jeedsan doonaa dedaal ay Taiwan iskugu daydo inay la yeelato Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic relations). Balse sida aan sare ku xusay, shan iyo toban dal ayaa Taiwan la leh xidhiidh diblomaasiyadeed, halka kuwo kale oo badani ay la leeyihiin xafiisyo ganacsi (trade offices). Dalal yar oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Koonfur Afrika ayaa ku leh Taiwan xafiisyo isku xidh (liaison offices). Shaki ayaan ka qabaa in Shiinuhu wax badan ka samaynayo arinta Somaliland, inkasta oo ay u badan tahay in Hargeysa laga saari doono in wax tixigelin ah laga siiyo deeqaha debedda ee Beijing. Dawladda Soomaaliya oo ay taageeraan reer galbeedku hadda waxay taageeraysaa China. Waxa ay dawladda Muqdisho u ogolaatay shirkadaha China inay ka kalluumaysan karaan biyaha Soomaaliya. Geesta kale haddii aynu eegno, dawladda Maraykanku waxay taageere weyn u tahay Soomaaliya. Dhammaan mashaariicda USAD waxa la geeyaa Muqdisho, iyadoo la iska indho tiray in la caawiyo shacabka reer Somaliland. Ma u malaynaysaa in Maraykanku dib u eegis ku samayn doono mucaawinadooda? Waxa aan u haystaa in USAID ay xooga caawimo ah siiso Somaliland, inkasta oo inta badan caawimada Maraykanku ay tagto Somaliya. Si kasta ha noqotee, ma aaminsani in xidhiidhka ay Taiwan la yeelatay Somaliland uu wax raad ah ku yeelan doono sida ay u socoto deeqda dawladda Maraykanku ay siiso Geeska Afrika. Aqalka cad ee Maraykanku wuxuu taageeray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u bilaabmay. Maxaad ku macnayn kartaa? Ma jirto wax badan oo aan ka qaadan karo qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka. Waxa laga yaabaa inaanay jiri doonin wax kale oo intaas ka badan oo ay arinkan ka tidhaahdo dawladda Maraykanku, balse maamulkani [Maamulka Trump] waa mid arimo yaab lehi ka soo baxaan (full of surprises) oo waan qaldanaan karaa. Qaran News
-
Magaalada Dhuusmareeb waxa ka soconaya shirar gooni- gooni oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka , xubnaha maamul goboleedyada iyo bulshada rayidka. Shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ah mid looga hadlayo doorashada 2020/2021 iyo naaca ay noqon doono, maadama dowladda ay ku adkeynayso doorasho qof iyo cod ah. Bulshada rayidka ayaa dhankooda waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in la muujiyo isu –tanaasul iyo in dalka ay ka dhacdo nooc doorasho oo la isla ogol yahay. Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah Bulshada Rayidka ee ku sugan Dhuusmareeb oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in shirarka badankooda ay salka ku hayaan sidii dowladda looga dhaadhacin lahaa in dalka xilligan ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah Halkan Ka Daawo Waraysi DR.Xasan Sheekh Uu Siiyay Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Salaasa ah ayaa lagu wadaa kulan dhanka Internetka ah ay yeeshaan Midowga Afrika iyo dalalka isku haya biyo-xidheenka wabiga Nile ee Itoobiya, Masar iyo Sudan. Guddoomiyaha Xiligan ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shir-gudoomin doona kulankan khadka internetka ku yeelanayaan madaxda, waxaana lagu wadaa inay sidoo kale ka qeyb galaan hogaamiyayaasha wadamada Itoobiya (Abiy Ahmed) iyo Masar (Cabdifatah Al Sisi). Dhex dhexaadinta Midowga Afrika wado ayaa ah middii ugu danbeysay oo la doonayo in lagu xaliyo xiisada ka dhex taagan dalalkan Afrikaanka ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay heerkii ugu xumaa gaadhay. Dowlada Itoobiya ayaa xiisadaha xiligan ka taagan gudaha dalkeeda ku eedaysay inay ku lug leedahay dowlada Masar, halka dowlada Masar dhankeeda u tabaabushaysaneyso tilaabadii ay qaadi lahayd hadii Itoobiya hawlgeliso biyo-xidheenka. Dalalka Masar iyo Sudan ayaa ka walaacsan in hoos u dhac ku yimaado biyaha ay shacabkooda ku nool yihiin hadii la hawlgeliyo biyo-xidheenka Itoobiya ee loo yaqaan Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD). Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-210720.mp3 View the full article
-
Jahweerar dhanka siyaasada iyo Khilaafaad aan dhamaan ayaa weli ka taagan nooca Federaalism-ka ee ay Soomaaliya qaatay,khilaafka ugu badan ee soo lab- laabta wuxuu u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ,isla markaana salka ku haya awoodaha oo aan si cad u kala qeexin Dastuurka KMG ah. Cabdirisaaq Aadan Maxamed oo ah Cilmi Baare ka tirsan Heritage oo Goobjoog Wareysi gaar ah siiyay ayaa sharaxaya nooce Federaalism-ka ee ay qaadatay Soomaaliya iyo caqabadaha jira Halkan Ka Daawo Warysi Oo Cabdirisaaq Aadan Siiyay Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
