Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warlord Khalifa Haftar no longer has legitimacy in Libya and should not have a seat at the table, Turkey’s foreign minister said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. Muna Ahmed said she was sexually assaulted at 19. Now 23, she’s speaking out for the first time. “I’m fed up with shame culture and shaming victims,” she told Sahan Journal. Source: Hiiraan Online
  3. The Tigray People Liberation Front (TPLF) will not hold any separate talks on national issues with the ruling Prosperity Party (PP), excluding other political forces, Chairperson of the front Debretsion Gebremichael has said. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya shalay ayaa ku guulaysatay kursi aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay codadkii loo baahnaa ka heshay tartankii kala dhexeeyay Jabuuti. Nairobi ayaa wareegga labaad ee doorashada heshay 129 cod, halka Jabuuti ay heshay 62 cod. Hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya, Adan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta ammaanka caalamka, gaar ahaan kan gobolka. Ducaale oo BBC laanta af-Soomaaliga u warramay ayaa sheegay in dalkiisa aanu kursiga u adeegsan doonin khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee salka ku haya muranka xuduud badeedka labada dal. “Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii noo codeeyay markii aan [musharraxa] ka ahayn Midowga Afrika…. Arinta badda waxay hor taallaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go’aamiso, anagana sidoo kale. Dalal walaalo ah ayaan nahay, mana kala go’ayno,” ayuu yiri Adan Barre Ducaale. Guusha Kenya ayaa ka dhigan in bisha January 2021 ay muddo laba sano ah kamid noqon doonto 15-ka xubnood ee golaha ugu awoodda badan marka laga hadlayo ammaanka iyo xasilloonida caalamka. Go’aannada ay Kenya ku lug lahaan karto waxaa kamid ah cunaqabateynta, adeegsiga awood milateri si loo ilaaliyo nabadda iyo weliba doorashada xaakimiinta maxkamadda cadaallada adduunka (ICJ). Loolanka xooggan ee dhexmaray Kenya iyo Jabuuti ayaa daaha ka rogay khilaafka u dhexeeya qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa taageertay hamiga Jabuuti ee kursigaasi, kadib markii uu dalkaasi yar ka horyimid go’aankii Midowga Afrika uu ku taageeray musharraxnimada Kenya. Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya muran ku aaddan xuduud badeedka labada waddan, kaasoo hadda horyaalla maxkamadda ICJ.
  5. 45 maalin ayaa laga joogaa diyaaddii ku dhacday Bardaale, tan iyo xilligaas ma jirin cid sheegatay masuuliyadda shilkaas inay, lama oga natiijadii baaris ay sameeyeen guddiga saddex geesoodka ahaa iyo dadaallada la sameeyay. Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa baaris ku sameysay sababta keentay dhicitaanka diyaaradda, ayadoo la hadashay ehelada dadkii diyaaradda ku dhintay, shirkadii lahayd diyaaradda, xubno ka tirsan guddiga baadhista ee saddex geessoodka ah, wasaaradda duulista ee Soomaaliya iyo dad goobjoogayaal ah. Waxaa is weydin mudan, maxayse dowladda uga aamustay shilka? ma la helay sanduuqii madoobaa ee diyaaraddu oo laga heli karo xogta sidii ay diyaaradu u dhacday? sido kale yaa ka masuul ah shilka?. Dhicista Diyaaradda: May 4th 2020 saacaddu markay ahayd 15:30 pm ayay diyaarad xamuul ah oo nuuceedu yahay Embraer 120, numbarkeeda diiwaan-gelintuna ahaa 5y-AXO lagu soo riday garoonka diyaaradaha ee degmada Bardaale halkaa oo ay u sidday qalab caafimaad. Wasaaradda Duulista Dowladda Soomaaliya ayaa soo-saartay warqad ay ku sheegayso inuu dhacay shil diyaaradeed ayna sameyn doonto baaritaan iyada oo aan faahfaahin ka bixin dadka ku dhintay iyo cidda ay u rarneyd diyaaraddu. Diyaaradda dhacday ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya, laanta socdaalka hawada ee Kenya oo warqad soo-saartay May 5th 2020 ay ku sheegeyso inay heyso xogta dhicidda diyaaradda ayna ku dhinteen 6 ruux, iyada oo intaa ku dartay inay xiriir la sameyn doonto laamaha ay quseyso ee Soomaaliya. May 5th 2020 war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay inay labada Madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo ka wada hadleen baaris lagu sameeyo shilka diyaaradeed ee Bardaale, dhanka kale dowladda Soomaaliya aya sheegtay in la sameynayo guddi saddex geesood ah, Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya. War qoraal ah oo ay AMISOM soo-saartay May 5th 2020 ayay ku sheegtay in diyaaradda dhacday markii ay dageysay ay ka degtay jiho qaldan, waxayna ku dartay warbixintu intaa in ay halkaa joogeen ciidammo aan ahayn AMISOM oo Itoobiyaan ah. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay inay shilka ku dhinteen shaqaalaha diyaaradda oo ahaa shan qof una kala dhashay Kenyan oo 3 qof ah iyo 2 qof oo Soomaali ah. Marka la eego waraaqaha ka soo kala baxay Kenya iyo AMISOM waxaa ka muuqata kala duwanaanta khasaaraha dhimasha ee ka dhashay dicidda diyaaradda, dowladda Soomaaliyana ma sheegin tirada dadka ku dhintay diyaaradda. Diyaaradda dhacday oo xamuul ahayd ayaa sababtay dhimashada lix qof oo kala ah:- Cali Xasan Cabdi – Soomaali Saciid Cabdi Maxamed – Soomaali Omar Abdalla Jamal – Kenyan Mabrouk Islam Mabrouk – Kenyan Hassan Amir Musa – Kenyan Charles Nganga – Kenyan Xiriir lala sameeyey qaar ka mid ah ehelka iyo qareennada marxuumiintii ku dhintay diyaaradda ayay dhammaan isku raaceen ineysan jirin cid ka socota dowladda Soomaaliya ama guddiga baarista oo la wadaagtay xog ku aaddan dhicista diyaaradda,iyo cidda riday. Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah ehelada mid ka mid ah dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed ee Bardaale ayaa yiri “ dowladdii aan ka tirsaneyn illaa hadda nooma tacsiyeyn, meynan na soo raadin wey iska amusan yihiin, wax ay noo qabteenna ma aragno, waxaana u baahan-nahay caddeyn maaddaama ay dhibaato dhacday oo dhibaatadaas la geystay qofkiina uusan soo noqoneyn, laakiin waa in aan helno dadkii qaladka geystay iyo inaan helno magdhaw Ayaan dalbaneynaa”. Xariir lala sameeyey masuuliyiin ka tirsan shirkadda African Express ayaa lagu ogaaday ineysan jirin xog rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya la wadaagtay shirkadda, waxayna intaa ku dareen inay cabsi iyo walwal ka qabaan inay waayaan caymiska ay shirkaddu ku jirtay sabab la xadhiidha dowladda oo aan war rasmi ah ka soo-saarin sida diyaaraddu u dhacday iyo cidda leh masuuliyadda shilka dhacday. Mas’uul qariyay magaciisa oo ka tirsan African Express ayaa yiri “ waxaan wali dowladda ka la’nahay xitaa warqad noo qora aad ku caddeyneysaan in diyaarad lagu soo riday Bardaale, si aan u helno xaqa dadkii ku dhintay diyaaradda”. Sidoo kale waxuu sheegay ineysan jirin wax warbixin ah oo ay shirkaddu ka heshay guddiga baarista iyo wasaaradda. Idaacadda Goobjoog waxay sidoo kale xiriir la sameysay xubin ka tirsan guddiga baarista oo aan magaciisa qarinay sababo amni dartood ayaa noo sheegay in la kala diray guddigii baarista ee ka koobnaa dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya taariikhdu markey aheyd May 24th 2020. Waxa uuna intaa noogu daray inay guddigu warbixin u gudbiyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Xubinta guddiga oo la hor-dhigay su’aal ah maxaa ka jira wararka sheegaya in guddiga baarista aysan helin sanduuqa madow ee diyaaradda ayaa ka meermeeray inuu si cad uga jawaabo waxa uuna ku gaabsaday inay guddigu gudbiyeen warbixin loona sheegay inaysan ka hadlin arrinkaas, isla su’aashaan ayaan weydiinay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uuna warkiisa ku soo koobay “waa la heli karaa waana la weyn karaa”. Xidhiidh aanu la sameynay wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar ayuu noosheegay in aysan weli dhameystirney warbixinta, balse waxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo in la kala diray guddigii uuna hayo warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga. Xogta ayaa muujineysa in ciidanka Itoobiya maamulayeen hawada inta u dhaxaysay Baydhaba iyo Bardaale. Faadumo Xasan Buulo oo ka mid ah dadka deegaanka Bardaale ayaa xaqiijisay iney maqashay dhawaqa rasaas ka hor inta aysan diyaaraddu dhacin. Weydow Cali Xasan guddoomiyihii hore ee degmadda Bardaale ayaa yiri “ cagadhigashadii diyaaradda waxay aragtay ciidan ku jira garoonka, markay kor u kacday gaari suug ah (lidka diyaaraddaha) oo meesha joogay ayay dulmartay gaarigiina xabad ayuu la helay sidaa ayay diyaaradda ku soo dhacday”. Soomaaliya ma la ha sharciga maamulka hawada, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga Febaraayo 10th 2020, waxa uuna horyaalaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Su’aalaha u baahan jawaabo xaqiiqo ah Maxaa ka hor-taagan Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixinta dhabta ah ee diyaaradda lagu soo riday Bardaale? Yaa iska leh masuuliyadda dhicitaanka diyaaradda? Yaa lagu leeyahay magdhawga iyo qasaaraha maaliyadeed ee soo gaaray shirkadda African Express? Waa maxay Saameynta ay ku yeelaneyso duulimaadyada Soomaaliya soo dhicidda diyaaradda African Express? Ma run baa in aan la hayn sanduuqii madooba ee diyaaradda? Xigasho: Goobjoog News
  6. Turkiga oo diyaariyey qorshe uu ku qabsanayo Greece iyo Armania Turkeya ayaa diyaarisay qorshe ay ku qabsaneyso Greece intii uu socday dagaalka Syria, sida laga ogaaday dokumentiyo si hoose loo dusiyey. Dokumentiyadan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray qorshe lagu qabsanayo Armenia. Qorshooyinkan ayaa waxaa loogu magac daray taliyihii ciidamada militariga Turkiga ee qarnigii 11-aad, sida uu weriyey wargeyska Nordic Monitor, oo arkay dokumentiyada. Dokumentiyada ayaa sida lagu warramay qeyb ka ahaa qorshe loo soo bandhigayey Taliska Ciidamada Turkiga, si ay dib u eegis ugu sameeyaan. Greece iyo Turkey ayaa ah laba dal oo cadaawad iyo xifaaltan xooggan u ka dhaxeeyo, waxaana dhex-maray dagaallo dhowr ah, gaar ahaan horaantii qarnigii 20-aad. Qorshooyinkan ayaa waxaa xuddun u ahaa joogteynta weerarka iyo si-difaaca Turkiga ee aagga galbeed, xilli ciidamo badan loo diyaariyey Syria 2014-tii, xilligaas oo si xooggan uu u socday dagaalka dalkaas. Qorshahan ayaa loogu magac daray Qorshaha Ciidamada Hubeysan ee Howlgalka Qorshyesan ama ‘TSK Çakabey Harekât Planlama Direktifi’, waxaana uu ku taariikheysan yahay 13-ka June 2014, xilligaas oo ahaa markii ugu darneyd dagaalka Syria ee sanaddii 2011 ku billowday gu’ga carabta. Illaa iyo hadda ma cadda halka uu ku dambeeyey qorshaha, balse wargeyska Nordic Monitor ayaa sheegay inuu ruumeysan yahay inuu weli taagan yahay. Turkiga ayaa sidoo kale diyaariyey qorshe lagu qabasanayo Armania oo loogu magaca daray ‘TSK Altay Harekât Planlama Direktifi,’ kaasi oo ku taariikheysan 15-ka August 2000. Qorshooyinka oo sir ahaa ayaa waxay kusoo shaac baxeen kiis maxkamadeed oo la xiriira afduubkii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July 2016. Labad qorsheba lagama helin wax faah-faahin oo ku saabsan sida loo fulin lahaa. Qaran News
  7. Kililka 5aad ee Somalida Itoobiya oo Madaxweyne-xigeen Cusub doortey Gudiga Xiriirinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad degaana Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa go’aamiyay in Ibraahim Cismaan uu noqdo Madaxwayne ku-xigeenka DDS. Masuulkan cusub ayaa bedelaya Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida oo loo doortay dhowaan gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya. Sidoo kalena afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa loo magacaabay Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela) Golaha Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa la horgeyn doonaa xubnaha la magacaabay kuwaasoo loo dhaarin doono xilalka marka goluhu ay siiyaan codka kalsoonida. Qaran News
  8. Wanlaweyn (Caasimada Online) – Kufsi, jirdil, toogasho toos ah, barakacin, dhaca dadka iyo cabsi gelin ayaa si joogta ah uga jirta degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeelada Hoose. Degmadaas waxaa la dagay dagaalada qabiilka, waxaana si xun isugu laaynaya labo kamid ah beelaha waa weyn ee degmada oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu dagaal ka dhaxeeyey. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobalka Shabeellada Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in Wanlaweyn ay noqotay magaalo marti gelisa xadgudubyada bani’aadinimada iyo tacadiyo ay ka siman yihiin qof kasta oo nool oo degaanka ku sugan, gaar ahaan bulshooyinka ka soo jeeda beelaha dagaalamaya. “Ku-simihii guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka ayaa gacantiisa dil iyo dhaawac ugu geestay dad shacab ah, maalin kasta dhiig ayaa ku daada nolasha waa sii adkaaneysaa” ayuu yiri Cabdifataax. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi u saartay dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn kaas oo lagu gubay maydad caruur, dumarna lagu laayay, hase yeeshee arrinta ayaa u muuqata in ay ku dhamaatay afdaboolan dahab oo aan cidna wax iska weydiinin. Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Wanlaweyn oo ay dadkeedu wajahayaan nolal adag iyadoo ay magaaladaasi si buuxda gacanta ugu haayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
  9. Loolankii Kenya & Jabuuti ee Kursiga Golaha Amaanka QM oo lagu kala calaf qaaday Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kenya oo laga doonayey inay hesho 128 waxay heshay 129, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62 cod. Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, kadib markii dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyntii loo qaaday. Codeyntii shalay ayaa waxa ay Jabuuti heshay 78 cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin 128-ka cod ee loo baahnaa in la guuleysto, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale. Waa markii saddexaad oo ay Kenya ku guuleysato kursiga, waxayna ku fadhin doontaa laba sano, waxayna xoojineysaa galaangalka Kenya u leedahay sheegashada badda Somalia iyo dacwada hortaala Maxkamada ICG. Qoraalkii M/weyne Geelle:- We extend our congratulations to Kenya as the newest representative of our region at the @UNSC. I am convinced they will bring valuable contributions to the debates during their tenure in the Security Council. My congratulations to H.E Uhuru Kenyatta and the Kenyan nation. — Ismail Omar Guelleh (@IsmailOguelleh) June 18, 2020 Qaran News
  10. Somali lagu tilmaamo shakhsiga 3aad ee ugu awoodda badan dawladda Kenya oo shaaciyey inaanu aqbaleyn in Somalia qaadato badda Kenya muranku kala dhexeeyo Ducaale ayaa lagu tilmaamaa shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku shaaciyay mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxa uu madax ka yahay tirada ugu badan ee xildhibaannada baarlamaanka ugu jira xisbiga talada haya ee Kenya, waxaana uu si aad ah ugu dhow yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto. Aadan Ducaale(Midig), Uhuru Kenyatta(Dhexda), William Ruto(Bidix) Dad badan ayaa isweydiinayay mowqifka uu ka taagan yahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Wareysi uu maanta oo Isniin ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu Aadan Ducaale ku sheegay in mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda uu kala mideysan yahay dowladdiisa. “Nin Soomaali ah baan ahay laakiin waxaan ahay Soomaali reer Kenya ah, waxaan ahay waddani qeyb ka ah dowladda Kenya, mowqifkeyguna waa in dhulka ama badda ay Kenya leedahay uusan qof kale qaadan karin, ha ahaato Soomaaliya, Tanzania ama waddan kaleba”, ayuu yidhi Aaadan Ducaale. Hase yeeshee, Ducaale ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay in uu jecelyahay sidii khilaafkaas loogu dhammeyn lahaa hannaan diblomaasiyadeed oo ay nabad ku dheehan tahay. Wuxuuse si cad u sheegay in xalka uusan ahayn mid ku fiican in maxkamad loo raadiyo. “Maadaama annaga iyo walaalaheenna Soomaaliya uu naga dhaxeeyo xiriir dheer oo ah xagga dowladda iyo xagga shacabkaba, mar walba waxaan dhihi lahaa khilaafkaas waa in lagu xalliyo si wanaagsan, oo labada dowladoodna ay arrinta hoos u dhigaan, maxkamadaha iyo buuqa kalena waa laga fiican yahay, sababtoo ah Soomaalidu waxay dhahaan labada qof ee walaalaha ah khilaafkooda inuu dariska ogaado xitaa looma baahna”, ayuu yidhi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in isagu shakhsi ahaan uu dadaal ugu bixinayo, kana shaqeynayo sidii arrintaas loo soo afjari lahaa, madaxweynaha Kenyana uu diyaar u yahay in uu is afgarad dhex maro labada dowladood. “Wanaagga u dhaxeeya labada wadadan ayaa ka badan khilaafka, marka aan u badnaanno dhinaca wanaagga”. Hadalka Ducaale ayaa yimid xilli uu meeshii ugu adkeyd marayo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada waddan, kaasoo salka ku haya muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah biyaha u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan gaaska naqaska ah. Xildhibaan Aadan Ducaale iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaan inta badan ka hadlin xurgufta labada dal, inkastoo ay ku adkeystaan inay yihiin muwaadiniin u dhashay Kenya. Isbuucii lasoo dhaafay, ku xigeenkii hore ee afhayeenka baarlamaaka Kenya, Faarax Macallin Dawaara oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Soomaalida Kenya uusan waxba ka khuseynin khilaafka labada dowladood, wuxuuna ka digay in Kenya ay waxyeello u geysato dadka Soomaalida ah ee muwaadiniinta ka ah Kenya iyadoo marmarsiiyo ka dhiganeysa xiisadda. “Annagu haddaan nahay Soomaalida Kenya waxaan soo marnay cadaadin badan, dhac iyo dil. Mar allaale markii ay dhacdo dhibaato yar oo u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, ama nin burcad ah hadduu waddo istaago oo uu dilo askar Kenyan ah, dhaqan aan qarannimo ku saleysneyn ayey leeyihiin dadkan aan ku dhex nool nahay, kaasoo ah in lagu soo laabto dadka Soomaalida ah, dhib ayeyna noo geystaan iyagoo aan kala saareynin kii burcadka ahaa iyo kii qarannimada Kenya jeclaaba”, ayuu yidhi Dawaara. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayaa bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxayna mas’uuliyiinta labada waddan hawada isu mariyeen mowqifyadooda ku aaddan in mid walba uu ku adkeystay inuu leeyahay milkiyadda biyaha lagu muransan yahay. Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka(ICJ), oo Soomaaliya ay u gudbisay dacwad arrintan ku saabsan ayaa laga dhowrayaa inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah. Qaran News
  11. Dowladda Itoobiya waxa ay leedahay Ciidamo u badan Militari, kuwaas oo qaarkood ka tallaabay soohdinta dalkaas uu la wadaago wadamo kala duwan si ay u farageliyaan dalalka dariska sida Soomaaliya iyo Suudaan. Itoobiya waxa ay ka faaiideysaneysaa fursadda ah in ay tahay Hoyga Midowga Afrika, waana halka lagu gaaro go’aamada Ururka, iyada oo aan marti ka ahayn fadhiyada ayay codkeeda ka dhiibataa. Dadka dalkaas waa 109.2 Milyan oo ruux sida ku cad xog baarista Bangiga Adduunka uu ka sameeyay dalkaas (2018), waana dal sanadba sanadka ka dambeeyo sii kordhinaya awoodda dhanka ciidanka. Loolanka Itoobiya waa uu ka tallaabay Bariga Afrika, Jamhuuriyadda Carabta Masar oo dhacda Waqooyiga Qaaradda ayay isku heystaan hab maamulka Biyaha Wabiga Nile oo ay labaduba kawada faaiideystaan. Soomaaliya waxa ay soo galeen marar kala duwan, ciidamada xooggooda waxa ay soo galeen horaantii sanadkii 2006-dii, kolkaas oo ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku xoogeysteen Midowgii Maxaakiimta. Sanadkii 2009-kii, ayay isaga baxeen Gudaha Soomaaliya inkasto oo aysan si rasmi ah kaga tallaabin soohdinta, balse markale ayay soo galeen Gobolada dalka ee xiga dhanka Dowladda Federaalka itoobiya. Waxa dadaal badan u galeen sidii Ciidamada Itoobiya loogu biirin lahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, maadaama dalalka dariska la ah Soomaaliya laga joojiyay iyada oo dhinacyo kala duwan laga eegay. Intaa kuma aysan harin Dowladda Itoobiya, waxa ay shukaanta u qabatay Hoggaaminta Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana xilkaan loo magacaabay Gen. Tigabu Yilma, si hoose waxaa ula shaqeynaya saraakiil u dhalatay dalkiisa. Itoobiya Soomaaliya waxaa ka joogo Askar tiro ahaan u diiwaangashan Howlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, balse waxaa jira Ciidan kale oo aan xirneen Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta AMISOM. Howlgalkaan waxaa ku jira Dalalka kala ah Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya waana qaybta Militariga ah ee howlgalka Ururka Midowga Afrika, halka kuwa Booliiska ay ka kala socdaan dalalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia. Hamiga Itoobiya ee howlgalka Midowga Afrika ayaa halkiisa ah, oo Dowladda Kenya waxa ay isu kala badalaan Guddoomiyaha iyo Xoghahaya Urur Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka dhaca Bariga Afrika. Suudaan ayay dhawaan galeen, waxaana dacwad ka gudbisay Xukuumadda Khartuum, kadib markii ay ka carootay tallaabada Ciidamada Addis Ababa ay sameeyeen, sidoo kale mar waxa ay gudaha u galeen Koofurta Suudaan. Sanadkii 2002-dii, Ciidamada Militariga Itoobiya waxa ay ka yaraayeen tirada ay haatan yihiin, 18-sano kadib 162,000 oo aan ku jirin kuwa keydka sida ku cad bogga Wasaaradda Gaashaandhigga. Damaca Itoobiya waa uu kasii tallaabayaa ciidanka Dhulka iyo kuwa cirka, waxa ay tababaray Ciidamada Badda, inkasta oo aysan lahayn Bad, haddana waxa ay xoog lacagba gelineysaa diyaarinta Ciidamada badda oo leh agab ciidan oo ku filan. $330 Milyan oo doolar ayaa ku baxdo miisaaniyadda Ciidamada, waxaana intaa dheer Lacago kale oo ay ku kala helaan Howlgalada Qaramada Midoobay ee Koofida Buluugga ah iyo kan Midowga Afrika ee Koofida Cagaaran. Miisaaniyadda sanadkii 2015-kii waa ay kasii badaneysaa marka waayahaan la eego oo waxaa ku kordhay 0.8%, sababtu waa dhalinyarada ku biireysa Ciidamada dalkaas oo il dhaqaale u noqotay Xukuumadda Addis Ababa. Itoobiya waxa ay isu diyaarineysaa in ay ciidamo gaar ah oo wata maraakiib dagaal ay geyso Badda Cas iyo qayb kamid ah biyaha Caalamiga, taasi waxa ay beertay shaki ku saabsan in ay hoggaanka u qaban doonto ilaalada Xeebaha iyo kuwa biyaha Caalamiga ah. Mustaqbalka dhaw iyo kan fogba, Dowladda Itoobiya saameyn intee la eg ayay yeelan doonaan Ciidamadeeda? Xigasho: Radio Mustaqbal
  12. Somaliland and Somalia Talk End Result The host summit between Somalia and Somaliland in Djibouti has ended on June 17, 2020, with little progress. This is better than nothing. Five points were reached: Creating the code of conduct, confidence building, airspace administration issue, humanitarian aid and foreign investment issues, and the security cooperation issue. The foreign investment issue is the biggest issue that instigated the summit. The IMF was conditioned in order to release the debt relief by implementing the resumption of Somalia and Somaliland’s dialogue. The IMF and World Bank are intended to finalized debt relief as well as commence a new debt to the Somalia government, which is the reason Somaliland vowed to be part of the delegations. The summit set up a new subcommittee of the three above mentioned points. As foreign minister of Djibouti demonstrated, the subcommittee will be coming back to Djibouti after fifteen days, in order to resume the meeting again. After forty-five days the ministerial committee of both countries will also be meeting in Djibouti to examine the outcomes of the subcommittees’ meeting. Somaliland is the only democratic nation in the horn of Africa. Somaliland has been exercising all basic democratic values such as implementing electoral process and pluralism, political participation, functioning government, civil liberty and political culture. Somalia and Somaliland were two different countries that had two different colonies. Somaliland was a British protectorate while Somalia was an Italian colony. They unified both countries after they received their independence in 1960. After the elders met in Burao, on May 27, 1991, they unliterally declared the independence of Somaliland. Somaliland withdrew from the unity of Somalia. In 2002, Somaliland established the multiple party system, after conducting the first local elections and formed three parties: United of Democratic People Party (UDUB), Peace, Unity, and Development Party (Kulmiye), Justice and Welfare Party (UCID). These were the first formed parties. In 2003, again presidential election ensued, and finally parliament election was fulfilled. Let us talk and make remarks of the neighboring countries to Somaliland. Ethiopia has never exerted democracy, it has been ruled by absolute monarch, communists, and dictatorship. Ethiopia has never had elections and the people of Ethiopia did not know what election meant. If you asked the average person in Ethiopia, what does it mean to have election he/she could not explain because he/she has never practiced it. Ethiopia is the second largest populated nation in Africa, and they still have not exercised the liberty, freedom and democracy. Djibouti is the second neighboring country to Somaliland, it took its independence from the French colony on June 27, 1977. Since that day Djibouti has two presidents, the first was Hassan Gouled Aptidon, from June 27, 1977 to May 8, 1999. Their second president is Ismail Omar Guelleh and he took power on May 8, 1999 and still holds the position. Ismail has changed the constitution twice so that he can tailor to fit his political positions. Djibouti administration has no tolerance for free of speech, free press, and freedom of peaceful assembly. Somalia is also a neighboring country to Somaliland and has been an anarchy, chaos and lawless for almost 30 years. It is a failed state. The foreign force has maintained the security of the country since 2007. Somalia does not have a good government, army forces, effective parliament, and good quality leaders. On the top of that, Somalia leaders have claimed the sovereignty of Somaliland for that of 30 years. The problem is not the Somalia leaders claiming sovereignty of the Somaliland, but rather the international community. Those who I refer to on the top are asserted and exercising the ultimate power of the regions and want to shut off the light of the oasis at the horn of Africa. Instead of promoting the democracy, liberty and freedom of the horn Africa, they preferred to ruin and destroy it. A good example is this garbage outcome of a summit that initiated Ismail Gulled and Aby Ahmed as well as the United States with IMF and World Bank. By Osman Awad waaba2003@yahoo.ca As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  13. The United States military has not adequately investigated two air raids in Somalia earlier this year that have killed at least seven civilians, including a child, according to the Human Rights Watch (HRW). In a report released on Tuesday, the rights group said the killing of the civilians was in apparent violation of the laws of war. The HRW was referring to incidents on February 2 and March 10 in Jilib and Janaale, where no evidence of a military target involving the al-Shabab armed group was found, according to the report. Al-Shabab is an al-Qaeda-linked group fighting to overthrow Somalia’s internationally recognised government. It once controlled much of the country, but it was forced out of the capital, Mogadishu, in 2011 and has since lost most of its other strongholds. Its fighters, however, regularly stage attacks in Mogadishu and elsewhere. The air raid in Jilib, a small farming town in southern Somalia that is controlled by al-Shabab, killed a young woman and wounded several others. On March 10, another raid near Janaale, some 95km (59 miles) south of Mogadishu, hit a minibus. Six civilians, including a child, were killed. According to HRW, relatives of those killed in both incidents publicly denied the US Africa Command’s (AFRICOM) designation of their relatives as al-Shabab members and called on the US forces and the Somali government to meet them. The HRW said neither AFRICOM nor the Somali government is known to have contacted family members to investigate the attacks. “Reaching out to civilians seeking redress is not only the right thing to do, it will also help make its civilian casualty assessments more accurate,” Laetitia Bader, HRW’s Horn of Africa director, said. “AFRICOM seems determined not to uncover whether its air strikes killed civilians or violated the laws of war. The military chain of command should recognise that not only does it have a legal obligation to investigate, but that basic decency toward the families of those harmed means providing financial assistance and an apology, not silence,” Bader said. ‘Stop killing innocent people’ Between February and May, HRW said it interviewed 14 people by phone, including “relatives of those killed in the February and March attacks – four of whom visited the scene in its immediate aftermath – and assessed publicly available information about the air strikes”. “We request that they stop killing innocent people,” a relative of a boy killed in the minibus attack was quoted as saying by HRW. “They have to make sure is it a soldier or a civilian, they need to identify exactly [who they target] before they launch the attack. We also request that there be compensation, from Somali government and US government with help of Somali government.” Although AFRICOM recently established an online public reporting portal on which alleged civilian casualties can be reported, HRW noted that this reporting mechanism is “not accessible for many Somalis living in remote areas or where the internet is banned”. In Jilib, the victim’s father, Kusow Omar Abukar, told Al Jazeera by phone that his family was huddled over dinner outside their tin-roof house when the strike hit, completely destroying his home. HRW also noted that the legal frameworks under which the US uses “lethal force” in Somalia, including its standards for assessing civilian harm, are unclear. The US carried out its first drone attack in Somalia in 2011. But the frequency of these attacks has significantly surged since President Donald Trump came to power in 2017. Once he assumed office, Trump relaxed some of the rules limiting civilian casualties and designated large swathes of land in the country, including Jilib, as “areas of active hostilities”. HRW urged AFRICOM to take all necessary measures to minimise civilian loss of life, investigate allegations of laws-of-war violations and include, as well as review methodology used in its assessments for distinguishing between combatants and civilians. The US did not immediately respond to the report.
  14. This is the ontology upon which the Somali nation state was constituted. These are still the tenets which bind us together as Somalis. Source: Hiiraan Online
  15. This is the ontology upon which the Somali nation state was constituted. These are still the tenets which bind us together as Somalis. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), oo Caawa wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa sheegay in hannaankaasi ay soo hindiseen Golaha Degaanka Degmada Boosaaso, islamarkaana ujeedkiisu yahay Maamul daadejinta, si loo xaqiijiyo Amniga Xaafadaha Boosaaso. Mudane Abwaan, wuxuu sidoo kale caddeeyay in Barnaamijka Waaxyaha Degmada Boosaaso aan lagu qaybin Hannaan Qabiil, balse lagu saleeyay Nidaamka Dowliga ah ee daadejinta Adeegyada dadweynaha. Guddoomiyaha, oo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay Cabashada Shacabka qaar ka muujiyeen Barnaamijkaas, ayaa sheegay in aysan jirin cid cabasho u soo gudbisay Dowladda, haddiise ay jiraan laga dhegaysan doono Cabashooyinkooda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in aan la aqbali doonin in la siyaasadeeyo Barnaamijka, isagoo ku hanjabay in cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Amniga Boosaaso tallaabo adag laga qaadi doono. Mar wax laga weydiiyay muddaharaad la sheegay in laga abaabulayo Boosaaso, ayuu ka digay arrintaas wuxuuna sheegay in dadka ku hawllan ay lamid yihiin kuwa is qarxiya, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland: Dadka muddaharaadka ka abaabulaya Boosaaso waxay lamid yihiin kuwa is qarxiya appeared first on Puntland Post.
  17. Ankara (Caasimada Online) – Turkeya ayaa diyaarisay qorshe ay ku qabsaneyso Greece intii uu socday dagaalka Syria, sida laga ogaaday dokumentiyo si hoose loo dusiyey. Dokumentiyadan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray qorshe lagu qabsanayo Armenia. Qorshooyinkan ayaa waxaa loogu magac daray taliyihii ciidamada militariga Turkiga ee qarnigii 11-aad, sida uu weriyey wargeyska Nordic Monitor, oo arkay dokumentiyada. Dokumentiyada ayaa sida lagu warramay qeyb ka ahaa qorshe loo soo bandhigayey Taliska Ciidamada Turkiga, si ay dib u eegis ugu sameeyaan. Greece iyo Turkey ayaa ah laba dal oo cadaawad iyo xifaaltan xooggan u ka dhaxeeyo, waxaana dhex-maray dagaallo dhowr ah, gaar ahaan horaantii qarnigii 20-aad. Qorshooyinkan ayaa waxaa xuddun u ahaa joogteynta weerarka iyo si-difaaca Turkiga ee aagga galbeed, xilli ciidamo badan loo diyaariyey Syria 2014-tii, xilligaas oo si xooggan uu u socday dagaalka dalkaas. Qorshahan ayaa loogu magac daray Qorshaha Ciidamada Hubeysan ee Howlgalka Qorshyesan ama ‘TSK Çakabey Harekât Planlama Direktifi’, waxaana uu ku taariikheysan yahay 13-ka June 2014, xilligaas oo ahaa markii ugu darneyd dagaalka Syria ee sanaddii 2011 ku billowday gu’ga carabta. Illaa iyo hadda ma cadda halka uu ku dambeeyey qorshaha, balse wargeyska Nordic Monitor ayaa sheegay inuu ruumeysan yahay inuu weli taagan yahay. Turkiga ayaa sidoo kale diyaariyey qorshe lagu qabasanayo Armania oo loogu magaca daray ‘TSK Altay Harekât Planlama Direktifi,’ kaasi oo ku taariikheysan 15-ka August 2000. Qorshooyinka oo sir ahaa ayaa waxay kusoo shaac baxeen kiis maxkamadeed oo la xiriira afduubkii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July 2016. Labad qorsheba lagama helin wax faah-faahin oo ku saabsan sida loo fulin lahaa.
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo goordhoweyd oo maanta ah kusoo laabtay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay shirkii maalmihii u dambeeyay uga socday dalka Jabuuti. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay in shirkaasi xalay lagu kala kacay, xili la isku mari waayay qaar kamid ah qodobada laga doodayay, kuwaasi oo ay ku adkeysanayeen guddiga Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay dowladda Jabuuti ay soo kala dhex-gashay kadib markii labada dhinac ay ku kala kaceen shirkaasi, isla markaana ku qasabtay inay qodobo hordhac ah soo saaran. Muuse Biixi ayaa xusay in Mas’uuliyiinta u matalaya dowladda federaalka inaysan aheyn dad fahansan waaqica laga doodayo iyo waxyaabaha la isku haysto, xili Mas’uuliyada shirkaasi uu ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxa uu Biixi sheegay in shirkaasi ay bad-baadiyeen dowladdaha Jabuuti iyo Mareykanka oo isagu lahaa abaabulka shirkaasi, isla markaana suurta-galisay kulamada ka socday dalka Jabuuti. Shanta qodob ee laga soo saaray Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah kuwo aan macno badan laheyn, isla markaana si toos ah u abaareyn waxyaabaha dhabta ah ee ay isku mari laayihiin labada dhinac. Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo aan weli si dhab ah looga midho dhalineyn, maadama ay labada dhinac ay ku kala adkeysanayaan midnimo iyo gooni goosad.
  19. Summary The contest between Kenya and Djibouti headed to the second round of voting Thursday after the first phase saw Nairobi’s victory insufficient to win [...] The post Kenya wins UN Security Council seat appeared first on . Source
  20. 45 maalin ayaa laga joogaa diyaaddii ku dhacday Bardaale, tan iyo xilligaas ma jirin cid sheegatay masuuliyadda shilkaas inay, lama oga natiijadii baaris ay sameeyeen guddiga saddex geesoodka ahaa iyo dadaallada la sameeyay. Goobjoog News waxay baaris ku sameysay sababta keentay dhicitaanka diyaaradda, annago la hadalnay ehelada dadkii diyaaradda ku dhintay, shirkadii lahayd diyaaradda, xubno ka tirsan guddiga baadhista ee saddex geessoodka ah, wasaaradda duulista ee Soomaaliya iyo dad goobjoogayaal ah. Waxaa is weydin mudan, maxayse dowladda uga aamustay shilka? ma la helay sanduuqii madoobaa ee diyaaraddu oo laga heli karo xogta sidii ay diyaaradu u dhacday? sido kale yaa ka masuul ah shilka?. Dhicista Diyaaradda: May 4th 2020 saacaddu markay ahayd 15:30 pm ayay diyaarad xamuul ah oo nuuceedu yahay Embraer 120, numbarkeeda diiwaan-gelintuna ahaa 5y-AXO lagu soo riday garoonka diyaaradaha ee degmada Bardaale halkaa oo ay u sidday qalab caafimaad. Wasaaradda Duulista Dowladda Soomaaliya ayaa soo-saartay warqad ay ku sheegayso inuu dhacay shil diyaaradeed ayna sameyn doonto baaritaan iyada oo aan faahfaahin ka bixin dadka ku dhintay iyo cidda ay u rarneyd diyaaraddu. Diyaaradda dhacday ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya, laanta socdaalka hawada ee Kenya oo warqad soo-saartay May 5th 2020 ay ku sheegeyso inay heyso xogta dhicidda diyaaradda ayna ku dhinteen 6 ruux, iyada oo intaa ku dartay inay xiriir la sameyn doonto laamaha ay quseyso ee Soomaaliya. May 5th 2020 war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay inay labada Madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo ka wada hadleen baaris lagu sameeyo shilka diyaaradeed ee Bardaale, dhanka kale dowladda Soomaaliya aya sheegtay in la sameynayo guddi saddex geesood ah, Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya. War qoraal ah oo ay AMISOM soo-saartay May 5th 2020 ayay ku sheegtay in diyaaradda dhacday markii ay dageysay ay ka degtay jiho qaldan, waxayna ku dartay warbixintu intaa in ay halkaa joogeen ciidammo aan ahayn AMISOM oo Itoobiyaan ah. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay inay shilka ku dhinteen shaqaalaha diyaaradda oo ahaa shan qof una kala dhashay Kenyan oo 3 qof ah iyo 2 qof oo Soomaali ah. Marka la eego waraaqaha ka soo kala baxay Kenya iyo AMISOM waxaa ka muuqata kala duwanaanta khasaaraha dhimasha ee ka dhashay dicidda diyaaradda, dowladda Soomaaliyana ma sheegin tirada dadka ku dhintay diyaaradda. Diyaaradda dhacday oo xamuul ahayd ayaa sababtay dhimashada lix qof oo kala ah:- Cali Xasan Cabdi – Soomaali Saciid Cabdi Maxamed – Soomaali Omar Abdalla Jamal – Kenyan Mabrouk Islam Mabrouk – Kenyan Hassan Amir Musa – Kenyan Charles Nganga – Kenyan Xiriir ay Goobjoog la sameysay qaar ka mid ah ehelka iyo qareennada marxuumiintii ku dhintay diyaaradda ayay dhammaan isku raaceen ineysan jirin cid ka socota dowladda Soomaaliya ama guddiga baarista oo la wadaagtay xog ku aaddan dhicista diyaaradda,iyo cidda riday. Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah ehelada mid ka mid ah dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed ee Bardaale ayaa yiri “ dowladdii aan ka tirsaneyn illaa hadda nooma tacsiyeyn, meynan na soo raadin wey iska amusan yihiin, wax ay noo qabteenna ma aragno, waxaana u baahan-nahay caddeyn maaddaama ay dhibaato dhacday oo dhibaatadaas la geystay qofkiina uusan soo noqoneyn, laakiin waa in aan helno dadkii qaladka geystay iyo inaan helno magdhaw Ayaan dalbaneynaa”. Goobjoog oo xariir la sameysay masuuliyiin ka tirsan shirkadda African Express ayaa ogaatay ineysan jirin xog rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya la wadaagtay shirkadda, waxayna intaa ku dareen inay cabsi iyo walwal ka qabaan inay waayaan caymiska ay shirkaddu ku jirtay sabab la xadhiidha dowladda oo aan war rasmi ah ka soo-saarin sida diyaaraddu u dhacday iyo cidda leh masuuliyadda shilka dhacday. Mas’uul qariyay magaciisa oo ka tirsan African Express ayaa yiri “ waxaan wali dowladda ka la’nahay xitaa warqad noo qora aad ku caddeyneysaan in diyaarad lagu soo riday Bardaale, si aan u helno xaqa dadkii ku dhintay diyaaradda”. Sidoo kale waxuu sheegay ineysan jirin wax warbixin ah oo ay shirkaddu ka heshay guddiga baarista iyo wasaaradda. Goobjoog news waxay sidoo kale xiriir la sameysay xubin ka tirsan guddiga baarista oo aan magaciisa qarinay sababo amni dartood ayaa noo sheegay in la kala diray guddigii baarista ee ka koobnaa dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya taariikhdu markey aheyd May 24th 2020. Waxa uuna intaa noogu daray inay guddigu warbixin u gudbiyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar. Goobjoog oo xubinta guddiga hor dhigtay su’aal ah maxaa ka jira wararka sheegaya in guddiga baarista aysan helin sanduuqa madow ee diyaaradda ayaa ka meermeeray inuu si cad uga jawaabo waxa uuna ku gaabsaday inay guddigu gudbiyeen warbixin loona sheegay inaysan ka hadlin arrinkaas, isla su’aashaan ayaan weydiinay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uuna warkiisa ku soo koobay “waa la heli karaa waana la weyn karaa”. Xidhiidh aanu la sameynay wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar ayuu noosheegay in aysan weli dhameystirney warbixinta, balse waxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo in la kala diray guddigii uuna hayo warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga. Xog ay heshay Goobjoog ayaa muujineysa in ciidanka Itoobiya maamulayeen hawada inta u dhaxaysay Baydhaba iyo Bardaale. Faadumo Xasan Buulo oo ka mid ah dadka deegaanka Bardaale oo la hadahsay Goobjoog ayaa xaqiijisay iney maqashay dhawaqa rasaas ka hor inta aysan diyaaraddu dhacin. Weydow Cali Xasan guddoomiyihii hore ee degmadda Bardaale ayaa yiri “ cagadhigashadii diyaaradda waxay aragtay ciidan ku jira garoonka, markay kor u kacday gaari suug ah (lidka diyaaraddaha) oo meesha joogay ayay dulmartay gaarigiina xabad ayuu la helay sidaa ayay diyaaradda ku soo dhacday”. Soomaaliya ma la ha sharciga maamulka hawada, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga Febaraayo 10th 2020, waxa uuna horyaalaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Su’aalaha u baahan jawaabo xaqiiqo ah Maxaa ka hor-taagan Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixinta dhabta ah ee diyaaradda lagu soo riday Bardaale? Yaa iska leh masuuliyadda dhicitaanka diyaaradda? Yaa lagu leeyahay magdhawga iyo qasaaraha maaliyadeed ee soo gaaray shirkadda African Express? Waa maxay Saameynta ay ku yeelaneyso duulimaadyada Soomaaliya soo dhicidda diyaaradda African Express? Ma run baa in aan la hayn sanduuqii madooba ee diyaaradda? Source: goobjoog.com
  21. New York (HOL) - Kenya has secured a seat at the UN Security Council after defeating Djibouti in the second round of voting. Source: Hiiraan Online
  22. New York (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay tartan adag kula gashay dowladda Jabuuti. Codeyn goor dhaw lasoo gab-gabeeyay ayey Kenya kursigaas uga guuleysatay Jabuuti, waxayna heshay 129-cod, iyadoo laga doonayey inay hesho 128 cod, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62-cod. Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, waxayna dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyn loo qaaday, iyadoo maanta mar kale oo balamay sidaasna ay guushu ku raacday Kenya. Jabuuti ayaa shalay codeyntii dhacday ku heshay 78-cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin tirada codadka lagu soo bixi lahaa oo dhan 128-cod, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale. Kursigan aan joogtada ahayn ee qaaradda Afrika ay ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waa markii seddaxaad oo ay Kenya ku guuleysatay. Waxayna kusii fadhi doontaa labada sano ee soo socota, waa 2021-2022-ka. Kenya ayaa sidoo kale xubin ka ahayd Golaha Ammaanka 1973-74 iyo 1997-98. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay si faah faahsan uga hadlay loolanka kala dhexeeyey Kenya ee ku aadan tartanka ay labada dal ugu jireen kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay oo sanadkan ay u tartameen labadaas dal. Madaxweyme Geelle ayaa sheegay in dowladdiisa ay olole adag u soo gashay helitaanka kursigaasi, si ay ugu matasho guud ahaan qaaradda Afrika. Isagoo tilmaamay, in haddii ay Jabuuti hanato kursigaasi in mudnaanta 1-aad ay siin doonto, sidii looga gudbi lahaa walaaca ay qabaan dalalka qaar ee Afrika.
  23. Aqoonyahan Danjire Caalim oo waraysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Dalalka gadaal ka riixiya Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ay doonayaan in ay fashiliyaan Somaliland. Halkan Ka Daawo Danjire Caalin Oo Waraysi Dhinaca Skyp-ka Siiyay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-56.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay safiirka dawlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad. Wafdiga uu safiirku hogaaminayay oo magaalada Kismaayo u yimid furitaanka mashaariic ay dawlada Qatar ka fulisay Jubbaland waxaa kamid ah masuuliyiin ka socda hay’ada gargaarka dalka Qatar iyo xubno kale. Waxaa madaxwaynahu uu safiirka uga mahad celiyay adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland iyada oo la isku raacay in la dardar galiyo mashaariicda dhiman ee mustaqbalka dhaw oo ay ugu muhiimsanyihiin adeegyada xaafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo garoomada diyaaradaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com