Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dawlada Federalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $50,000 oo doolar ka guddoontay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, taasi oo loogu tala galay hawlaha ladagaallanka cudurka Karoonaha (COVID-19). Deeqdan ayaa ka timid Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation). Munaasabadda wareejinta lacagta deeqda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka. Dr. Fawziya Abiikar Nuur, Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay deeqda soo gaartay, waxa ayna goobta ka sheegtay in lacagtan ay Wasaaraddu toos ugu wareejin doonto Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir si loogu kabo, looguna xoojiyo adeegyada caafimaadka ee uu bixiyo Isbitaalka Benaadir. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. July 19, 2020 W/Q Cabdi Faarax Juxaa Bishii Febraayo 8-dii, 2017 waxaa labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya fadhi wadajir ah, oo dooarasho dadban oo mugdi [...] The post HON JUXA : – DOORASHADII FARMAAJIHII LABADA KOOFIYADOOD LAHAA- MUQDISHU 2017/2021 appeared first on . Source
  3. DHUSAMAREB (HOL) - President Mohamed Farmaajo and regional leaders held preliminary talks in Dhusamareb Monday ahead of the grand meeting where the two sides are expected to announce a way forward on the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  4. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo Soomaaliya 2020/2021-ka. Ilo ka tirsan mas’uuliyiinta la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi saacadihii tagay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey iney jirto kala aragti duwanaanshiyo ku saabsan qaabka doorashada oo u dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu dadka la kulmay u sheegay in la gaaray xilligii Soomaalida go’aan ka gaari lahaayeen dadkii matali lahaa, isla markaana uu rajeynayo in riyadaas uu u dhabeeyo. Arrintan ayaa loo fasirtay in madaxweynaha uu raadinayo waqti kordhin hey’adaha dastuuriga ah si ay u suuro-gasho doorasho qof iyo cod ah. Muddo kordhinta ayaa noqon karta inta ay guddiga doorashada dalbadeen ilaa 2 sano. Dhankooda, madaxda dowlad goboleedyada ee la kulmay madaxweynaha iyo xataa xubnaha bulshada rayidka ah waxaa ay madaxweynaha u sheegeen in laga tashto jidka ugu haboon ee doorasho loo geli karo, loona baahanyahay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda. Caqabaddan oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee hortaagan inuu shirka furmo ayaa laga shaqeynayaa in laga gudbo, oo lagu qanciyo madaxweyne Farmaajo in xilligan aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah, loona baahanyahay in laga tashto badal fiican. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Minneapolis (HOL) - Healthcare providers are worried about the decline in the number of young children receiving life-saving vaccines during the global pandemic, increasing the likelihood of outbreaks in the community that can further exacerbate an already fragile health sector. Source: Hiiraan Online
  6. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta baarlamaanka dalkaasi siiyeen awood dheeriya oo uu ciidamo ku diri karo, kadib markii ay maanta si rasmiya u ansixiyeen xildhibaanada golahaasi. Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu awood u leeyahay inuu ciidamo u diro dalka Liibiya, iyagoo ku lifaaqay ansixintaasina xiliga uu si rasmiya u fulinayo arrinkaasi. Baarlamaanka ayaa sheegay in Masar ay ciidamo u diri karto dalkaasi ay dariska yihiin, haddii ciidamada Turkiga uu taageerayo ay u dhaqaaqan qabsashada Sirte, taasi oo kaga sii dareysa xiisada ka taagan dalka Liibiya. Al-Sisi ayaa ansixinta kadib awood buuxda u yeelanaya inuu ciidamo u diri karo Liibiya, isla markaana uu faro-gelin millateri oo ka dhan ah Turkiga uu ka qaado dalkaasi. Masar ayaa iyadu ku doodeysa inay ka hortagayso duulaan uu Turkigu kusoo qaado galbeedka, maadama dowladoodu gacan saar la leedahay ciidamo fadhigoodu yahay aagaasi, sida uu wariyey Wargeyska Al-Ahram ee dowladda Al-Sisi. Liibiya ayaa iyadu wajaheysa qalaalaso daran tan iyo markii ay gaashan buurta NATO ay 2011-kii riday hogaamiye Qadaafi, oo markii dambena la dilay, taasi oo sababtay in dalkaasi u kala qeybsamo gobolo dhowr ah. Waxaana daanta galbeedka ee dalkaasi gacanta ku haya falaago uu hormuud u yahay Generaal Haftar, halka bariga ay maamulaan dowlad uu caalamku aqoonsan-yahay, iyada oo labada dhinacba ay la safan-yihiin dowladdo kala duwan.
  7. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyey in dameer uu sababay shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ciidamada AMISOM lagu ogaaday in burburka diyaaraddaas uu ka dambeeyey duuliyihii waday. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-jamac-gobolka-hiiraan.mp3 View the full article
  8. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle. Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys. Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Kenya is among country’s whose real estate sector is highly used for laundering proceeds from graft and international financial flows, a report has shown. Source: Hiiraan Online
  10. A second teenager has been arrested on suspicion of the murder of Hassan Jama in Highfields, Leicester at the weekend. Source: Hiiraan Online
  11. Sida ka muuqta Clip-kan yar waxaa laga dheehan sidii qalafsaneyd ee Mucaaradkii uu hogaaminaayey Raisal Wasaare Cabdiwali Sheekh Maxamuud ( Yuulka ) oo ay weheliyaan, [...] The post Daawo sidii Raisal Wasaare Abdiweli Yuulka oo ay weheliyaan Siyaasiyiinta Mudulood ay ula hadali jireen M/weyne Xasan Sheekh wakhtigii doorashada appeared first on . Source
  12. Maamulka deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa faah-faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo qabsaday Dhul Beereed badan oo ku yaalla deegaankaasi. Wararka laga helayo Wisil ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 beerood ay gubteen, sidoo kalena ay dhinteen 20 neef oo Geel ah. Guddoomiyaha deegaanka Wisil, Cali Xasan oo warbaahinta Shabelle la hadlay ayaa baaq u diray hay’adaha, dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug, isaga oo ka dalbaday inay ka jawaabaan dhibaatada soo gaartay dadka ku hanti beelay dabkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-cadani-dabka.mp3 View the full article
  13. Turkey will lead the command of Joint Task Force CTF-151 to combat piracy in the Gulf of Aden and off the coast of Somalia in the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  14. DHUSMREEB (HOL) - Regional state presidents held a closed door meeting with Prime Minister Hassan Khaire Sunday evening ahead of a joint meeting with President Mohamed Farmaajo Monday. Source: Hiiraan Online
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay gudaha degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Baay iyo ka degmada Buurhakaba oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahnada Al-Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada. Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo amniga Qaranka. Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Khayre iyo dhammaan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xiriirka cusub ee Masar, oo ay dhawaan xogtiisa baahisay Caasimada Online. Masar ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd sidii ay xiriir diblumaasiyadeed iyo heshiis cusub ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland, xili ay taagan tahay xiisada webiga Nile-ka ee kala dhaxeysa Itoobiya, oo ay Somaliland xiriir diblumaasiyadeeda kala dhaxeeyo. Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in xiriirka cusub ee Masar uu yahay iskaashi labada dhinac dhex-mari doona, kaasi oo kor u qaadaya Dhaqaalaha iyo Ganacsiga labada dhinac. Liibaan ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Masar ay la yeelaneyso uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin midkii ay hore ula laheyd dowladda Itoobiya, oo iyadu xasaasiyad gaar ah ka qabta xiriir xiligan dhex-mara Somaliland iyo Masar. Wasiirka ayaa xusay in wafdi ka socda dowladda Masar uu yimid Somaliland, iyada oo dhawaan ay baahisay Caasimada Online xog ku aadan wafdigaasi iyo waxyaabaha ay u socdeen. – Halkan riix oo ka aqriso Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in mowqifka Somaliland ee xiisada webiga Nile-ka uu yahay mid dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay dalbanayaan in sida ugu dhaqsaha badan jawi nabadeed ugu furdaamiyaan xiisadaasi u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya. Wuxuuna si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay si weyn ugala shaqeyn doonto dadaalada ay Somaliland ugu jirto Ictiraaf raadinta, maadama ay ka tirsan tahay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka Somaliland ee ka hadlayey arrintan ayaa marnaba si cad u xusin rabitaanka dowladda Masar ee ku aadan in saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo dhawaan wafdigii Masaarida ee tagay Hargeysa uu arrinkaasi kala hadlay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay ogaatay Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul ada Federaalka Somaaliyeed ayaa maanta kulan horudhac ah oo [...] The post Maswirka maanta iyo Puntlandi : – Kulan Boring ah oo murugo ka muuqato appeared first on . Source
  19. Kulankaan wuxuu hordhac uyahay Furitaanka Shirka weyn oo lagu wado beri oo Talaado ah, Ma jiraan wax natiijo ah oo ilaa hada la isku raacsan [...] The post Kulan gaaban oo maanta dhexmaray Madaxda ku sugan Dhuusamareeb appeared first on . Source
  20. These days we regularly hear and read in the news reports about the failed Mudulood conference. Political leaders of the Mudulood that display corrupt behaviour and whose power has risen to the head. The statement “corrupting power” does not come out of the blue. However, if our leaders prove incapable of resolving these differences, a crisis can arise, a period of discomfort for most of us, and realisation that the existing paradigm is insufficient. I don’t know how people who, without doing anything, suddenly became powerful and just got to say in the community. Getting into a dominant position, therefore, requires the necessary preliminary work and some essential competences. However, Not everyone with the competencies needed to rise on the ‘ladder of power’ has arisen. Therefore, its dangerous mix of circumstances and personality traits that can lead to unethical leadership. Self-overestimation and contempt for others are significant causes of unscrupulous leadership behaviour. Examples of lousy leadership like lying to and belittling and berating community members and criticising them in public are abundant. The character of the leader determines how ethically he acts. If his self-image is above all that he is the right person and that moral behaviour is essential, the more empathy he will have for the people he represents. Unfortunately, this is not a law of the Medes and Persians; leaders who consider moral behaviour of paramount importance can still start to show bad behaviour. The tendency to look down on others also appears to be a good predictor of abuse of power and poor leadership. The dire security, political, social, economic, and environmental situation of Mudulood in general and especially Abgaal live in, is the results of bad political leadership. The sad state of affairs related to the negligent from political leadership. Our leaders create an environment in which our society does not feel well, does not feel treated fairly, and that they cannot receive the optimal rights most other clans enjoy. For instant to appease leaders of Puntland region, both Sheikh Sharif and Hassan Sheikh during their presidency denied Mogadishu the right of representation while president Farmaajo gives it. How do we feel when our leaders do not know what we expect from them? Again how do we, as members of Abgaal, react when we see leaders doing all these wrongs without affecting their standing in the society? HOW DO WE EVALUATE OUR LEADERS? Within the clan, it must be clear what role and responsibilities the leader have, and these standards must maintain. Traditional leaders, together with the community leaders, must take the right action if they expected standard from the leader is broken. However, if our traditional leaders do not take appropriate action against inadequate leaders (as its customary from all other Somali clans), it sends the following message to our political leaders: the standards are not essential and relevant. Standards here I mean representing the interest of the group. As soon as rules neglected, there will also be a dip in performance and results. People will respect a traditional leader when he shows strength, integrity and a sense of justice. Our political leaders have a clear picture of success for themselves but not for the community they nominally represent. They will not know if what they achieved is good or bad for their community. If not booed, they consider that as a good job well done because members of Abgaal communities do not understand how to express themselves and communicate with their leaders. Also, they do not know how to fill in expectations with more confidence- assuming their expectations are realistic. Most of our political leaders have been able to manipulate, intrigue and control divide-and-rule politics and respond well to social fear and polarisation of population groups, with allies (such as an `old boys’ network ), who lives on old money. Of course, again, there are always people who piggyback on the power of others. I think that leaders who are unsure about their position, like to gather people who are ‘lying at their feet’ almost without criticism. We can all name examples. A strong community leader paints a clear picture of what he expects from the political leaders and creates an environment in which the chances of success greatest is. Our traditional, as well as our political leaders, must be open to receive feedback about their performance. People find it hard to give the best when they work in ignorance. If you don’t take the time to tell people about your progress, how can they know whether their expectations can be met or not? If they receive regular feedback, they will better understand what to do to achieve their goals, either a continuation of current work or a correction. If the input provided in a constructive, objective and calm way, it is a great way to let people grow and improve. NOT EVERYONE IS WELKOM MENTALITY There is a saying, “knowledge is power.” Sharing knowledge helps build people’s trust and makes them part of the team. Not sharing knowledge is a quick way to frustrate people, leaving them in the dark about problems related to their role in the clan. When plans and other community activities treated as secrets that should not be shared with all concerned members of the group, it is easy to understand how this cannot lead to unity. Keeping things within small groups play an essential role in not achieving the intended goals, which is to unite and improve the general situation of Muduloods. Clear communication of vision and objectives plays an indispensable role in enhancing community engagement. If people are to embrace the leaders objective, they must feel that they are part of the decision-making process. Weak leaders think that they must have all the answers and that all decisions must be made at the top and imposed on the rest of the community. Of course, the final decision must be made at the top. Still, firm leaders can engage their communities by asking the opinions and the relevant aspects that influence their daily lives before making a decision. It is often the case that people close to the fire have the knowledge and experience to know what is required in certain situations. It makes sense to ask for their feedback when deciding on a particular action. WHY DO I THINK THIS CONFERENCE IS IMPORTANT? The answer to this is very painful: Mudulood will not change unless they wake up from the infinite coma they live in. I believe that Abgaal hit rock bottom on all fronts of life. I can’t imagine that we could drop any longer than the level we have reached, simply because this is the lowest point. This conference is an opportunity to reflect on what went on wrong and find a solution. The purpose of this conference should be to inspire our society with hope. We have had enough despair and frustration. We should bring out new social, economic and political ideas, as a society to live and work for that idea, and do our best for this idea. And finally, I’m sure if we make up our minds, we will undoubtedly reach our goal whatever it may be. And this must be what we strive to realise. To get up, you have to free yourself. We must continue to build our willpower. We must identify our purpose and how we can able to reach it. We were selfless people concerned about the well-being of the country for decades without being thanked for; this time, let us start caring for ourselves and then the country. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  21. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka. Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Halkan Ka Daawo Sawiradda Kulamadii Ugu Danbeeyay Madaxda Ku Shirsan Dhuusamareeb Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-200720.mp3 View the full article
  23. Testimony by Dr. EJ Hogendoorn, Former Deputy Program Director, International Crisis Group, for Hearing of the Senate Committee on Foreign Affairs on “Somalia’s Security and Stability” I would [...] The post International Crisis Group :- The election of Farmaajo 2017 has been replaced by acute anxiety. Reform are unmet and politics remains as fractured as ever appeared first on . Source
  24. Kulankii kowaad ee Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmiya uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Kulankaas ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021. PUNTLAND POST The post Kulankii kowaad ee Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmay appeared first on Puntland Post.