-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Last batch of joint aid lands in Yemen amid UN funding cuts
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The last of three large shipments of medical supplies landed in Yemen on Friday, organizers of the cargo flights said, following a joint initiative by the world organization and multinational corporations to boost the war-devastated country's health care system as it battles the coronavirus. Source: Hiiraan Online -
Bayaan goordhow kasoo baxay cidda iska leh kursiga golaha shacabka ee BF, Numberka yahay 00124 ee hadda uu ku fadhiyo matalaaddiisa xildhibaannimada Cabdiraxman Kulmiye Xersi Dheere ayaa diiday in doorashada kursiga laga wareejiyo Kismaayo oo la geeyo gobolka Gedo iyaga oo farriin u diray madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland, waxaa sidoo kale ee Dheere ku eedeeyeen waxqabad la’aan iyo inuu kursiga isku dhejinayo. Bayaan Ku: Guddoonka Golaha Shacabka Ku: Guddoonka Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda –Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ku: Raysulwasaaraha Jamhuuriyadd- Xasan Cali Khaire Ku: Taliyaha Nabad sugidda Qaranka- Fahad Yasin Ku: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Mohammed Islaam (Ahmed Modobe) Ujeedo: Caddayn Khalad astayn Kursi 00124 Kursiga summaddiiso tahay 00124 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirxmaan Kulmiye Xirsi Dheere dadka lagu matalo waxaa degaan doorasho u ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Kismaayo. Sida ku cad qodobka koobaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka nidaamka dowliga ee dalku wuxuu ku dhisanyahay matalaad iyo caddaaladda ijtimaaci ah. Haddaba, waxaa khalad ah in kursi dhan loo raro deegaan doorasho aan kiisii ahayn si aan waafaqsanayn dastuurka, deegaan doorashada, xuquuqda, iyo rabitaanka dadka lagu matalo kursiga. Arrintan khaladkeeda koobaad iyo ceebteed waxaa iska leh Guddiga Diyaarinta Sharciga Dhammaystirka Doorashooyinka Qaranka. Si gaar ah waxaa u ceebaysan guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Ibrahim Isaq Yarow oo runtii muujiyay sida uu ugu nugul yahay Musaqa iyo xilkisanimad la’aanta markii mas’uuliyadda qaran la saaray. Sidoo kale, baaritaan aan samaynay waxaan ogaanay in ay jiraan kuraas kale oo loo raray degaan doorasho aysan lahayn. Arrintan waxay marqaati ka tahay in hannaanka dowliga ah uu wali ku socdo qowlaysi , musuqna maherid u noqday. Haddaba, annaga oo ah dadka kursigan lagu matalo , deegaan doorashadiisuna tahay Degmada Kismaayo, waxaan guddoonka Golaha shacabka iyo guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka Qaranka ka codsanaynaa in si degdeg ah kursiga loogu asteeyo deegaan Doorashadiisii. Dhinaca kale, Madaxada Qaranka ee hadda talada haysa sida Madaxweynaha, Raysulwasaaraha, iyo taliyaha Nabadsugidda waxaan u soo jeedinaynaa in ayna Cabdirxmaan Dheere dulmi iyo arrin caqliga, iyo hannaanka dowliga ah ka soo horjeedda ku taageerin. Si gaar ah Madaxweyanaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo markasta u janjeera dhinaca shacabka waa in uu garoowsdaa baaqan, dibna u eegaa sooyaalka Cabdirxmaan Dheere iyo qofka uu yahay. Cabdirxmaan Dheere: Mudane Cabdirxmaan Kursiga muddo dheer ayaad ku fadhiday oo seddex kal ah. Kursigu wuxuu kaa mudnaa in aad danta dalka iyo dadka aad matasho ugu adeegto . Nasiib darro, midna maadan ku qabanin. Sidoo kale, dad ayaad ku dhibaatayso oo kalkii ugu danbeeyay kursiga dhiig ayaad ku gashay. Maanta ma ahayn in aad tirahaado kursiga gobol iyo degaan uusan lahayn ayaan gaysanayaa adiga oo og xaqiiqada ah sida dadka aad matasho kaaga quusteen. Kursiga 00124 ma ah hanti shaqsi ah ee waa mataalad bulsho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Facebook oo hawada ka saaray xayeysiin loo sameeyey ololaha doorashada Trump+Sababta Facebook ayaa hawada ka saartay xayaysiin la xiriirta ololaha doorashada ee madaxweyne Trump, xayaysiintaas oo ay kasoo muuqatay calaamad Naziyiinta ay adeegsan jireen oo saddex gees ah. Calaamadda ayay shirkaddu sheegtay iney tahay mid looga soo horjeedo kooxaha garabka bidix oo Trump uu qaswadayaal ku tilmaamay dhawaan. Kooxda ololaha doorashada ee Trump ayaa sheegay in ujeedka ay u adeegsadeen calaamadas ay ahayd mid ay uga soo horjeedaan kooxda antifa hase yeeshee Facebook ayaa sheegtay in xayaysiintaas ay kasoo horjeedo siyaasadaha ka dhanka ah naceybka ee u degsan shirkadda. Madaxweyne Trump ayaa dhawaan ku eedeeyay kooxda antifa in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay dalka Mareykanka, rabshadahaas oo ka dhashay dilka nin boolis ah uu u geystay nin Afrikaan Amerikaan ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd. Ururka antifa ayaa ah dhaqdhaqaaq ay siyaasadiisu diidan tahay Naziyiiinta iyo qolyaha caddaan-nimaada ay ku weyn tahay, waana koox abaabulan oo aan lahayn hogaamiye la ogyahay. Trump ayaa bishii hore sheegay in uu kooxdaas uu u aqoonsan doono urur argagixisa ah oo ka jira gudaha Mareykanka, balse khubarada dhanka sharciga ayaa su’aal geliyey awoodda u madaxweynaha u leeyahay tallaabadaas. Qaran News
-
Somalia oo war lama filaana ka soo saartay Loolankii ay Kenya kaga guuleysatey Jabuuti Kursiga Golaha Amaanka Wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay guushii ay Kenya ka gaartay Jabuuti, kadib markii ay uga adkaatay tartan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay oo Kenya ay ku heshay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twiter-ka ayaa hambalyo u diray Kenya, isaga oo ku hadlayey magaca dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin in Kenya ay ka shaqeynayso danaha gobolka, warkaas oo ah mid lama filaan ah maadaama uu Soomaaliya xilligan Kenya kala dhexeeyo muran dhinaca badda ah oo ay dacwaddiisu taallo maxkamadda ICJ. Kenya ayaa Afrika kuma tali doonta kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay in xubinimadaasi aysan u adeegsan doonin xiisada kala dhexeysa Soomaaliya. Hadalka wasiir Cawad ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horey u taageereysay Jamhuuriyadda Jabuuti oo looga adkaaday tartan codeyn ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay. Qaran News
-
Ksimaayo (Caasimada Online) – Safiirka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho, Xasan Xamza Asad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqday magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Socdaalka wafdiga Qatar ayaa yimid wax ka yar un toddobaad kadib markii Villa Somalia ay sheegtay inay madaxweyne u aqoonsatay madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe. Qatar waa dalka ugu weyn ee taageera dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Rashiid Cabdi, oo ah cilmi-baare iyo fallanqeeye siyaasadeed oo ku xeeldheer gobolka, islamarkaana horey ula soo shaqeeyey hay’adda xasaradaha caalamiga, International Crisis Group (ICG), ayaa socdaalka wafdiga Qatar ku macneeyey mid ay Doha ku xoojineyso saameynteeda muhiimka ah ee Soomaaliya. Rashiid ayaa sheegay in danahaa Qatar ee Jubaland ay yihiin:- 1 – In la dheereeyo heshiiska Villa Somalia iyo Axmed Madoobe. 2 – In Qatar ay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, ayada oo xildhibaano badan laga soo dooran doono Jubaland. 3 – Diyaarinta musharaxiin ay taageerto [Qatar ma dooneyso inay isku haleyso hal musharax]. 4 – Iyo inay noqoto dhex-dhexaadiyaha Kenya iyo Soomaaliya oo ay ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qatar isku dayeyso inay wanaajiso xiriirka qaar ka mid ah mamaul goboleedyada dalka ee ay isku xun yihiin Villa Somalia, ayada oo ujeedkeeduna yahay inay badsatao kaararkeeda siyaasadeed ee Soomaaliya, si aysan cidlo ugu soo dhicin haddii doorashada looga adkaado Farmaajo.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay nin ajanabi oo ku dhintay magaaladda Hargeysa, kaas oo sida uu dhigayo Dhaqankoodu lagu gubay duleedka Waqooyi Ee Magaalada Hargeysa. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland waxa ay sheegtay in ninkaasi oo u dhintay xanuunka loo yaqaano leukemia oo ah xanuun sababa dhiig la’aan uu dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka China. “Horta Ninka dhintay wuxuu ahaa Nin U Dhashay China,waxaanu Ninkaasi udhintay cudur la yidhaahdo leukemia Oo dhiiga raaca, dabadeedna qof dhiig la’aani ay kudhacdo oo dhiigba laga waayo, cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysana wuu ku dhintay. haddii uu qof ajanabi ahi dhinto waxa lala xidhiidhaa Jaaliyadahooda, Jaaliyadii China waxa ay yidhaahdeen Dhoofin Kari mayno ee xeerkayagu waa caynkaas ee ka hawl gala, caafimaadkana shaqadoodaba maaha in ay qofka gubaan ama aasaan midnba” ayuu yidhi Afhayeenka uhadlay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland. Waxa uu intaasi ku daray in jaaliyada wadanka China Ka joogta Soomaaliland ay xidhiidho la sameeyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta somaliland iyo xeer ilaalinta “Jaaliyadii waxa ay laxidhiidhay Wasaaradda awqaafta iyo Xeer Ilaalinta, markaa waxa ay ku yidhaahdeen sidii aad ka yeeli jirteen qofka idinka ka dhinta ka yeela oo ahayd in la gubo, laakiin waxa aan loo calamaadinin meel gaar ah oo ay ku gubaan, sidaas ayaana lagu qaaday oo waxa lagu gubay meeshaas ku taala baraha bulshadda” ayuu yidhi Dr. Xuseen waxa uu intaas ku daray in kooxdii halkaas ninka ku soo gubtay ay kaga yimaadeen qalabkii iyada oo dadka qaarkoodna ay sheegeen buu yidhi in la arkay qaybo ka mid ah jidhkii qofkaasi. hasayeeshee dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa ay ka hawl gashay sidaasna hada lagu soo nadiifiyay. “Hargeysa Waligeedba Waa Lagu Gubi Jiray Baaniyaaladda (Hindida),laakiin waxa ay noqonaysaa in meelgaar ah loo cayimo” ayuu yidhi Source
-
Maxaa ka jira inuu is-casilay taliyaha booliska Soomaaliya?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada, oo sheegayay inuu xilka iska casilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Wararkaas ayaa saacidihii tegay aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange oo war qoraal soo saaray ayaa ku tilmaamay kuwa aan waxba ka jirin. Hoos ka akhriso qoraalka afhayeenka Waa Been Abuur sal iyo raad toona laheyn Wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee la xiriira in uu shaqada iska Casilay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Waxa baraha bulshada lagu daabicin daabacay qoraal been abuur ah oo lagu sheegay in taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar uu iska casilay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliye Xijaar oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in layaabay markuu arkay qoraalada been abuurka ah ee Baraha bulshada la isku dhaafsanayay, islamarkaana ula jeedku yahay in YouTube-yada magac looga raadsado Comments-yana lagu helo been abuurka intaa la eg. Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa ku gudajira shaqada uu qaranka u idmaday wuxuuna galabta shir guddoominayay kulanka todobaadlaha ee saraakiisha talisku isaga xog wareystaan howlaha guud amniga dalka. Hahda Saxaafadda Soomaaliyeed oo aan ku ammanayo shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan waxaan ku boorinayaa in ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn, si looga fogaado in ay lunto kalsoonida ay umaddu ku qabaan. -
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa fasax rasmi ah siisay isticmaalka maandooriye halis galin kara bulshadeeda oo qaar kamid ah dunidana laga mamnuucay, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxeysa in ogolaanshiyo rasmi ah ay xukuumada Muuse Biixi ka heleen qolooyin cadaan ah oo lagu sheegay Hay’addo caalami ah oo gacan ka helaya ganacsato Somaliland ah. Maandooriyaha ay xukuumada Somaliland u fasaxday in lagu isticmaalo gudaha deegaanadeeda ayaa lagu magacaaba “Tobacco LYTE Nicotine”, oo ah Tubaako aad u sareeya la qabsigiisu, isla markaana ay ku jirto maado uu qabatinkoodi uu sareeyo. Wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa waraaq fasax ah siisay isticmaalka iyo ka ganacsiga Tubaakadaasi halista bulsho wadata, iyada oo ay arrinkaasi kala qeyb qaateen Wasaarada horumarinta maaliyada, Hay’adda dhowrista Somaliland iyo weliba ciidamada ilaalinta canshuuraha, sida ay ogaatay Caasimada Online. LYTE Nicotine ayaa ah Tubaako uu qabatintoodi uu sareeyo, iyadoona khal-khal galineysa macdanta jidhka ku jirta, isla markaana ku qasbeysa qofka caba inuu raadiyo markasta, haddii uu waayana ay wax weyn ka badaleyso shaqada wadnaha, maskaxda iyo weliba ruuxda aadamaha. Waraaqda lagu fasaxayey Tubaakadaasi halista caafimaad u horseedi karta bulshada Somaliland ayaa si toos ah ugu socotay Maamulka madaarka Hargeysa ee Cigaal International ee Wasaarada ganacsiga. Waxa xusid mudan in Caasimada Online ogaatay in hore loo hakiyay arrinka Tubaakadan oo muddo soo socotay, balse ugu dambeyntii ay fasaxday Wasaarada ganacsigu, taasi oo ku saxiixnaa Agaasimaha guud ee wasaaradaasi. Xukuumada Somaliland ayaa ku dooda inay la dagaalanto maandooriyayaasha la keeno deegaanadeeda, xili ay si cad u fasaxday Tubakadan ay halista badan ku jirto, isla markaana halis weyn ku ah bad-qabka caafimaadka dadkeeda.
-
Sawirkan waa Ceedaahir Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta oo Jimce ah halkaasi uu ka socdo Muddaharaad looga horjeedo Hannaanka loo qeybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso. Qaar kamid ah Dadweynaha muddaharaadka samaynaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Barmaamijkaas oo sida ay sheegeen lagu saleeyay Hab Qabiil ku dhisan oo ka baxsan Cadaaladda islamarkaana aan la aqbali Karin. Dadka muddaharaadka dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa socdaal ku maraya waddooyinka qaar waxaana ay dalbanayaan in Caddaalad lagu saleeyo Barnaamijkaas Dowladdu waddo haddii kalena uusan ka hirgeli doonin Boosaaso. Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ayaa isku dayaya in la xakameeyo Muddaharaadka waxaana Ciidamo kala duwan lagu daadiyay gudaha Magaalada Boosaaso si ay u joojiyaan Muddaharaadka inkastoo aysan ku guulaysan. Degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari ayaa isna waxaa Maanta ka socda Muddaharaad kaasi lamid ah oo looga horjeedo Hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha Boosaaso. PUNTLAND POST The post Muddaharaadyo ka bilowday Boosaaso iyo Ceeldaahir appeared first on Puntland Post.
-
Sawirro: Dibad-bax ballaaran oo ka socdo magaalada Boosaaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Boosaaso (Caasimada Online ) – Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyaga oo dhigaya dibad-bax cabasho ah. Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeedaa, hanaanka ay Puntland u qeybisay afarta waax ee ay ka kooban tahay magaaladaasi. Dibax-baxayaasha oo ku qeylinayo erayo ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa taayaro ku gubayo waddooyinka waa weyn ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale mudaharaadkan oo hore loo sii qorsheeyey inuu maanta oo Jimco ah dhaco ayaa saameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland oo loogu talagalay inay ka hortagaan banaan-baxaasi, balse ay ku guul darreysteen. Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan aqbali doonin dibad-bax ka dhaca gudaha Boosaaso, iyadoo guddomiyaha gobolka Bari uu shaaciyey in dadka abaabulaya ay la mid ah Al-Shabaab. -
Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudahah ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriyey oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey shirarkii ugu dambeeyey guddiyada farsamo ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay Jabuuti. Wasiirka ayaa sheegay in kulamadaasi ay u dhaceen sidii loogu talagalay, islamarkaana laga gaaray guullo horu dhac ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu ballamay in labada dhinac ay isku soo dhawaadaan, kana wada- hadlaan sidii loo dhammeystiri lahaa kulamada soo socda waxyaabaha miiska saaran. Sabriye ayaa intaasi ku daray inay ka go’ an tahay dowladda federaalka ka gun-gaarista wada-hadallada haatan dib uga bilowday dalka Jabuuti. “Shirka ujeedadiisu waa in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac, waa howl adag, waana dadaalnay oo waxaa naga go’an ka gungaarista waxyaaaha miiska saaran ee guulaha horudhaca ah laga gaaray.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo guddiyada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ay ku sheegeen war-murtiyeedkii ay soo saareen in 15 cisho, kadib dib loogu laaban doono gudaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti, si loo sii wado wada-hadaladaasi oo dib u bilowday todobaadkan.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia and Djibouti have hailed Kenya’s election for a non-permanent seat at the UN Security Council expressing confidence in her ability to represent the region’s interests. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka hadlayey xaaladda gobolkaasi ayaa soo hadal qaaday cabashada shacabka ku dhaqan Boosaaso ee ku aadan sida loo qeybiyey afarta waaxood ee ay ka kooban tahay magaaladaasi. Abwaanka ayaa sheegay in hannaanka lagu qeybiyey waaxahaasi aan lagu saleynin nidaamka Qabiilka, balse lagu qorsheeyey nidaamka dowliga ah ee la xiriira daadajinta adeegyada dadweynaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in nidaamkaasi ay soo hindiseen golaha deegaanka ee Boosaaso. Guddoomiyaha gobolka Bari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan jirin wax cabasho ah oo ka soo gaaray shacabka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay la fariisan doonaan cid kasta oo tabasha qabta. Waxa kale oo uu tilmaamay inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid alaala oo sameysa fal kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dadka mudaharaadyada ka abaabulaya magaalada Boosaaso ay la mid yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay guushii ay Kenya ka gaartay Jabuuti, kadib markii ay uga adkaatay tartan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay oo Kenya ay ku heshay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twiter-ka ayaa hambalyo u diray Kenya, isaga oo ku hadlayey magaca dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin in Kenya ay ka shaqeynayso danaha gobolka, warkaas oo ah mid lama filaan ah maadaama uu Soomaaliya xilligan Kenya kala dhexeeyo muran badda oo ay dacwadiisu taallo maxmkamadda ICJ. Kenya ayaa Afrika kuma tali doonta kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay in xubinimadaasi aysan u adeegsan doonin xiisada kala dhexeysa Soomaaliya. Hadalka wasiir Cawad ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horey u taageereysay Jamhuuriyadda oo looga adkaaday tartan codeyn ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee QM
-
Waxa sharaf ii ah in aan mar labaad idinla wadaago farriinta natiijadda baadhitaanka Covid-19 oo aan sameeyey 18/06/2020 kadib markii 01/06/2020 June la iga helay caabuqa Corona fayras. Muddo 15 cisho ah oo aan ku jirey karantiin (self-qurantine) inaga oo raacaya tilmaamihii iyo talooyinkii ay i siiyeen hawl-wadeenadda caafimaadku waxa natiijadda baadhitaankeygu soo baxdey ‘negative (Recovered)’. Waxa aan mahadnaq ballaadhan u jeedinayaa bahda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u horreeyaan Maamulka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Kooxda Baadhista Caabuqa Covid-19 oo run ahaantii muujiyey karti, xirfad iyo waayo-aragnimo wax-ku-ool ah oo ay ku maaraynayaan hawshan oo ah mid aad u culus oo ay tahey in aad loogu ixtiraamo. Xanuunka COVID-19 illaahay ha inaga badbaadiyee waa dilaa dahsoon (silent killer). Haddii uu qofka ku dhaco waxa looga baahan yahay in uu si joogto ah ula socdo xaaladda caafimaadkiisa, gaar ahaan neef-mareenka, sanbabada iyo ogsajiinta ilaa inta uu ka bogsanayo. Waxa aan mar labaad ugu baaqayaa bulshadda Somaliland in aanay dhayalsan xanuunkan islamarkaana ay ku dadaalaan tilmaamaha hawl-wadeenadda caafimaadku inna siinayaan si aan aniguna u badbaadno bulshadana u badbaadino. Ugu danbeyntii, waxa aan halkan uga mahadnaqayaa dhamaan cid kasta ila soo xidhiidhay ii ducaysay isla markaan si dhow ula socotay xaaladayda Fiiro-gaar ah: Waxa aan si gaar ah u adkaynayaa in aynu ilaalino dadka waaweyn iyo dadka u nugul xanuunkan. #Badbaadi Naftaada, Nafta dadka aad jeceshahay iyo nafaha Bulshada. Waad mahadsan tihiin Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabulka isku day mooshin oo ka dhan ah guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia. Villa Somalia ayaa ka carrootay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka, inkasta oo madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka. Qorshaha mooshinka looga keenayo Cabdi Xaashi ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo aad u adkeynaya in lagu guuleysto, kuwaasi oo durba la dareemayo. Caqabadda koowaad ayaa ah sidii lagu heli lahaa taageerada senatoro ku filan oo diyaar u ah inay mooshinka qeyb ka noqdaan, ayada oo la rumeysan yahay in saameynta Villa Somalia ee Aqalka Sare ay aad u yar tahay marka loo eego tan golaha shacabka. Caqabadda labaad, ayaa ah in xitaa haddii ay dhacdo in la helo taageerada loo baahan yahay, aysan cid qabata mooshinka oo guddoomisa, maadaama Cabdi Xaashi uusan qabaneyn mooshin isaga xilka looga qaadayo. Haddii Cabdi Xaashi uusan qabaneyn, waxaa waajibkaasi uu ku dhacayaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo Villa Somalia aan la is-tusin. Abshir ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u diidan siyaasadda Villa Somalia. Villa Somalia ayaa waxaa ku xiran guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad, hase yeeshee ayada oo uu joogo Abshir Bukhaari ma qaadi karo wax tallaabo ah, haddii uu qaadana waxa noqoneysa sharci-darro. Caqabadda ugu dambeysa ayaa ah beesha caalamka, oo aan ogolaaneyn in xilligan kala guurka ah ee muddo xileedka dowladda ka harsan yahay bilo la galo qalaalse siyaasadeed. Waxaa sidoo kale Cabdi Xaashi loo arkaa sharci-dejiyey oday ah oo xal doonaya, maadaama guddoonka Golaha Shacabka ay noqdeen kuwa laga maamulo Villa Somalia. Haddaba su’aasha ayaa ah, Maxay ayada oo ay jiraan dhowr caqabad oo diiday in xilka laga qaado Cabdi Xaashi, ay haddana Villa Somalia u waddaa isku day mooshin? Senator-ada ayaa rumeysan inay tahay cabsi gelin iyo hanjabaad Cabdi Xaashi loogu sheegayo inuu kusoo darsamo xubnaha laga maamulo madaxtooyada.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey kooxda Macawiisley iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Macawiisley oo ku yaalla deegaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-Hirig oo u dhow garoonka diyaaradaha Balidoogle. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda Macawiisley oo ka war-helay weerarkaasi ay dagaal kala hortageen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in lagu jabiyey dagaalkaasi kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyey khasaare aad u culus. Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay horey u afduubteen afar qof oo shacab ah oo labo ka mid ah uu xusay inay toogasho ku dileen, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan kooxda Macawiisley, iyadoona lagu soo warramayo inay raggii weerarka soo qaaday ay dib u laabteen.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Getachew Reda, Afhayeenka ‘Tigray People’s Liberation Front’, kana mid ahaa hogaankii sarre ee dowladdii Melez Zenawi, ayaa si adag uga hor-yimid dhex-dhexaadinta xiligan uu Abiy Axmed ka wado Somaliland iyo Soomaaliya. Getachew oo u waramayey idaacada VOA laanteeda Amharic-ga ayaa sheegay in xiligan looga muhiimsan-yahay in Abiy Axmed uu ku mashquulo wada-hadaladaasi, maadama uu qalalaase siyaasadeed ka taagan yahay gudaha Itoobiya. Reda ayaa aaminsan in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu deg-degayo, isla markaana uu dalalka geeska iyo Itoobiyaba u horseedayo nabad-galyo daro halis galisaneysa amniga dalalkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Itoobiya waxa Ra’iisal Wasaare ka ah nin aad u deg-degaya oo khatar galinaya nabadda Itoobiya iyo wadamada dariskeeda ah. Waxa ka jira qalalaase siyaasadeed gudaha Itoobiya. Waana taas sababta ay isku casishay Afhayeenka Golaha Federaalka Itoobbiya Keria Ibrahim” ayuu yiri Getachew Reda. Wuxuuna intaas kusii daray “Abiy Axmed inta aanu dhex-galin Somaliland iyo Somalia waa inuu usoo jeestaa waaqica ka jira gudaha Itoobiya, iyada oo qalaalaasaha ay ku sii fideen gobollada gudaha Itoobiya, taas oo ay sabab u tahay doorashooyinka uu dib u dhigay”. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa inta badan lagu dhaliila inuu door weyn ka qaato dedaalada wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, xili ay dalkiisa ka holcayaan xiisado ka dhashay talaabooyin uu qaaday.
-
The European Union (EU) on Thursday announced a 7.2 billion shillings (about 67.4 million U.S. dollars) package to help tackle the health and socio-economic impact of the COVID-19 pandemic in eastern Africa. Source: Hiiraan Online