-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay fadhigoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Ajendaha kulanka oo xalay farriin qoraaleed loogu diray Xildhibaannada ayaa lagu sheegay Doodista xeerka Qoondada Haweenka oo ka mid ah Afartii Xeer ee loo gudbiyay Golaha. Xildhibaannadu waxay si adag uga doodi doonaan habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamanka in la gaarsiiyo %30. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta ka doodaya Xaqiijinyta Qoondada Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa ku dhowaaqday inay taageereyso dowladda Libya ee sidoo kale Turkiga ay taageeraan, taasi oo ay is-hayaan fallaagada uu hogaamiyo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar. Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif, oo shir jaraa’id la qabtay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay Istanbul. “Waxaan raadineynaa xal siyaasadeed oo loo helo xasaradda iyo dagaalka Libya,” ayuu yiri Zarif. “Waxaan taageereynaa dowladda sharciga ah ee Libya. Arrinta Libya waxaan kala aragti nahay Turkiga, oo doonaya in lasoo geba-gebeeyo xasaradaha Libya iyo Yemen,” ayuu ku daray. Taageerada Iran ee dowladda Libya ayaa ka duwan dalka ay xulufada yihiin ee Syria oo taageeraya dagaal-ooge Khaliif Xaftar. Xaftar ayaa waxaa taageera Ruushka oo ay xulufo yihiin Syria, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta iyo Masar. Dagaalka Syria ayaa toddobaadyadii dhowaa is-beddel weyn uu ku yimid ayada oo maleeshiyada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar laga qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla galbeedka Libya. Guul-darrooyinka gaaray Khaliifa Xaftar ayaa meesha ka saaray damicii iyo duulaankii uu waday 14 bilood, ee uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya ee Tripoli.
-
Dawlad goboleed cusub oo laga abuuray Itoobiya Qowmiyada Sidaama oo kamid ah Qowmiyahada dega dalka Itoobiya ayaa ku guuleesatay in ay yeeshaan dowlad goboleed u gaar ah, kadib markii afti laga qaaday dadka Qowmiyadaasi sidaasi u codeeyeen. Go’aankan dowlad goboleedka cusub loogu abuuray qowmiyada Sidaama oo ah tan shanaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay dalab qowmiyadaasi ku dooneysay in ay yeelato ismaamul u gaar ah. Rabshado dad badan ku dhinteen ayaa sanadkii hore ka dhacay gobolka Qowmiyadaasi ku badan tahay, waxa ayna dadkan mudo dheer u dagaalamayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ismaamul lamid ah kuwa Qowmiyadaha kale ee Itoobiya. Qowmiyado badan oo kunool dalka Itoobiya ayaa dalbanaya in ay yeeshaan ismaamul iyaga u gaar ah, waxaana dalkaasi ka jira maamulo ku dhisan qaab qowmiyado ah, iyadoona ay ka dhaxeyso dowlad dhaxe oo Federaal ah. Qaran News
-
Xog xasaasiya:Dalka sacuudi Carabiya oo ay soo foodsaartay Xasarad Dhaqaale+Amaaho & Deyman lagu yeeshay Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Al-Jaddaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay soo amaahan doonto 58 billion oo dollar sanadkan. Ku dhawaaqistu waxay tooshka ku shiday deyn codsiga sii badanaya ee dalka iyo su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee xukuumadda Riyadh, gaar ahaan markii Boqortooyadda lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka caalamka ee lagu leeyahay deynta ugu yar. Sacuudigu waa dalka ugu dhaqaalaha badan dunida carbeed, waana dalka keliya ee carbeed ee ka tirsan G20, waxaa intaas dheer in uu yahay dalka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Saameynta Gobolka Barwaaqadda dhaqaale ee Boqortooyadda ayaa soo jiidatay shaqaale shisheeye si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha Sacuudiga iyo hey’adaha dowladda. Dhaqaale bur-burka ku yimaada Boqortooyada waxaa uu saameyn doonaa gobolka oo dhan. Xilligan oo lagu jiro xasarado dhaqaale oo caalami ah, kuwaas oo uu sababay cudurka Coronavirus, ayuu Sacuudigu wajahay hoos u dhac weyn oo qiimaha saliidda ah iyo booqashooyinkii diimeed ee Makka iyo Madiina oo istaagay, malaayiin qof ayaa awoodi waayay in ay Sacuudiga u safraan sanadkaan si ay gutaan cibaado diini ah. Xitaa ka hor inta aysan xasaraduhu soo ifbixin bilihii u dambeeyay, Bangiga Aduunka ayaa muujiyay in deynta dibadda looga leeyahay Sacuudiga ay ahayd $183 billion 2019-kii, taasi oo $151 billion ahayd sanadkii 2018-kii. Tiradaas waxay kordhi doontaa sanadkaan. Tiradaasi waxay ahaan doontaa mid aan muuqan haddii aan la bar-bardhigin xilliyadii lasoo dhaafay. Tirada ku kordheysa deynta ayaa ka muhiimsan wadarta guud. Deynta cirka isku-shareertay Deynta dalka dibadda looga leeyahay ayaa cirka isku shareertay shantii sano ee lasoo dhaafay, dhamaadka sanadkii 2014-kii, billo yar ka hor inta uusan billaaban dagaalka Yemen, waxay deyntu ka yareyd 12 billion, taasi oo muujineysa in kororku uu kor u kacay in ka badan 1500 boqolkiiba shanti sano ee lasoo dhaafay. Muddo shan sano ah, keydka lacagta ayaa hoos u dhacay. Warbixino ka yimid maamulka lacagta ayaa muujinaya in hantida kaydka ah ee wadanka lagu qiyaasay $732 billion dhamaadka sanadkii 2014-kii, laakiin waxaa ay hoos u dhacday $449 billion dhamaadka sanadkii 2019-kii. Waxaa kharash isu bedelay $233 billion muddo shan sano ah. Tirooyinkaasi waxay muujinayaan in shantii sano ee lasoo dhaafay, Sacuudigu uu dibadda ka soo deynsanayay tobanaan billion dollar, sidoo kale waxay tiro lamid ah kala baxaysay hantida kaydka ah. Dhamaan tirooyinkaasi waxay dib ugu laabanayaan dabayaaqada sanadkii 2019-kii, waa ka hor inta uusan hoos u dhicin qiimaha shidaalka iyo inta uusan dillaacin Coronavirus iyo weliba hoos u dhaca ku yimid ganacsiga iyo isu socodka dunida. Hadaba, halkey lacagtaas oo dhan ka baxday? Dagaallada qarsoon Inkasta oo aysan caddeyn meesha saxda ah ee lacagtaas oo dhan lagu agaasimay, isbedelka deg-degga ah waxaa uu dhacay markii la bilaabay dagaalka Yemen sanadkii 2015-kii. Colaadaha kale ee Liibiya iyo Siiriya ayaa sidoo kale ahaa aag dagaal ee qarsoon, oo ay gacanta kula jireen dhowr dal oo Khaliijka ku taalla. Xukuumadda Riyadh waxay dhowaan ku dhawaaqday gunti-isku-giijis dhaqaale oo ay ku jirto 8 billion oo dowladdu ay ka jareyso hiigsigeeda isbedelka ee 2030-ka, kaasi oo muhiimad u leh dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. Qaran News
-
Hobyo (Caasimada Online) – Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa xaqiijiyay in saddex ka mida dagaal-yahanada Ururka Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka. “Saddex dagaalame oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Al Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, Qaybta 21-aad ee fadhiisinka ku leh deegaanka Bacaadweyn, oo hoostagga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Taliska Qaybta 21aad uu ku leeyahay Facebook. Taliyaha ayaa sheegay tallaabada ay xubnahaasi isu soo dhiibeen in ay ka dambeysay, ka dib markii ay arkeyn buu yiri xasuuqa iyo dhibaatada nabadiidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Isa soo dhiibidooda waxaa ay timid, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu Arbacadii sheegay in ay cagta marin doonaan Shabaabka galaangalka ku leh nawaaxiga Hobyo. “Nawaaxiga Hobyo waxaa lagu sheegaa argagixisada inay meelaha ka dhow yihiin, soo sheega, lana soo wadaaga hay’adaha amniga. Ilaahay idinkii kama hawlgeli doonaan, lugna kuma yeelan doonaan wadankan. Sidoo kale haddii waa’ burcad badeed iyo wax noocaas lagu sheegi jiray u ogolaan mayno taako ka mida Galmudug. Nooma kala soocna argagixiso, burcad badeed iyo waxa lamidka ah, waan dabar-goyneynaa. Hobyana waxay noo sii tahay istiraatiiji, muhiim gaar ah ayayna noo leedahay. Waa la isugu yimid, wixii fitno u jooji jirayoo ka tashada oo ka tagga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
-
Xafladii daahfurka dekadda Hobyo Magaalo xeebeedka qadiimiga ah Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay ka dhacday munaasabad lagu daahfuray dhismaha dekadda Hobyo. Munaasabada waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaano ka tirsan Federaalka oo ay hoggaaminayeem Guddoomiye ku xigeenada labada Aqal Abshir Bukhaari iyo Mahad Cawad, siyaasiyiin, ganacsato iyo odoyaasha dhaqanka. Xi. Bushaari, M. Qoorqoor iyo Xil. Cawad Madaxweynaha Galmudug oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dekadda Hobyo lagu dhisayo isku tashi, islamarkaana codsaday in ganacsatadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageero u fidiyaan. Saabir Nuur Shuuriye’ Wasiirla dekadaha Galmudug Wasiirka Dekeddaha iyo Kaluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo wasaaradiisu soo qabanqaabisay munaasabada ayaa tilmaamay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dekadda Hobyo oo ay maalganiyaan reer Galmudug. Dhismaha dekadda Hobyo, waxaa la sheegay in wajiga kowaad ay ku bixi doonto 90 Milyan oo doolar, waxaana intii munaasabadu socotay lacago ugu yaboohay qaar kamid ah dadkii ka soo gaybgalay daahfurka. July 4, 2018: Wafdi ka socday Wasaarada Dekadaha Qadar oo booqday Hobyo Bishii July ee sanadkii 2018, waxaa Hobyo booqday wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehelinayeen Wasiirka Dekedaha dowladda Federaalla Soomaaliya iyo madaxweyihii hore ee Galmudug, waxaana booqashadaas lagu sheegay qiimeyn lagu sameynayay dhismaha dekadda Hobyo. Bishii Agoosto sandkii hore 2019, dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay bilaabayso dhismaha dekadda Hobyo oo loo dhisayo qaab casri ah, ayna ku maal-galinayso wajiga kowaad lacag dhan 174 Milyan oo doolar, balse ilaa iyo hadda ma jiro wax ka hirgalay balantii Qadar. Agoosto 19, 2019: Ra’iiusul Wasaare Khayre iyo Wasiirka Arrimaha dibada Qadar, munaasabadii shaacinta dhismaha dekadda Hobyo Dowladda Qadar waxay hadalkan ku shaacisay munaasabad xiligaas ka dhacday Muqdisho, oo ay goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynihii hore Galmudug Xaaf iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyanaha Galmudug ee dhawaan la doortay oo isbedel weyn ka sameeyay degaanada Galmudug ayaa hadda dhexda u xiray dhismaha dekadda Hobyo oo muddo dheer sugaysay maalgalinta dal shisheeye. PUNTLAND POST The post Miyuu fashilmay qorshihii Qadar ee dhismaha dekadda Hobyo? appeared first on Puntland Post.
-
International Organization for Migration (IOM) PRESS RELEASE Coronavirus – Djibouti: International Organization for Migration (IOM) Assists Thousands of Migrants Stranded in Djibouti due to COVID-19 The migrants, mainly Ethiopians, were in transit to Saudi Arabia and other Gulf countries seeking work DJIBOUTI CITY, Djibouti, June 19, 2020/ — More than 1,200 young migrants are stranded in Djibouti due to COVID-19 border closures and movement restrictions. The migrants, mainly Ethiopians, were in transit to Saudi Arabia and other Gulf countries seeking work. Among the migrants is 26-year-old Ahmed. He spent 20 days travelling from Ethiopia to Djibouti on foot, bound for the coastal town of Obock – a common departure point for crossing the Gulf of Aden to Yemen, and then onward to Saudi Arabia. This migratory route last year saw over 138,000 young Ethiopian migrants, according to the International Organization for Migration (IOM)’s Displacement Tracking Matrix – but it is not without risk. Ahmed, an Ethiopian, was abandoned by smugglers and was stuck in Obock for a month. “The borders closed shortly after I reached Obock,” he explained, “and the smugglers abandoned me there with no food, water or shelter. I do not have any money and I am desperate to go home to my family.” Besides Ahmed, another 68 have been living in a Migrant Response Centre operated by IOM, which assists stranded migrants in the town of Obock. Fourteen are minors. IOM Djibouti is providing life-saving support. Since the pandemic started, thousands have been helped by IOM. Migrants are also receiving psycho-social support to cope with the stress and anxiety caused by being stranded in Djibouti. Moreover, the number of stranded migrants in Djibouti is rising. More than 200 arrived from Yemen just in the last few weeks. Some made it as far as Yemen but were unable to continue and had to travel back to Djibouti. IOM is working with the Djibouti officials to assist these individuals. So far this month over 400 migrants affected by COVID-19 have been provided with food, water, shelter, hygiene kits and other essential items here in Djibouti’s capital, as well as in Obock, and in the towns of Tadjourah, Dikhil and Ali Sabieh, where other displaced migrants are staying. In another aspect of IOM’s response to COVID-19, over 600 migrants living in government-led quarantine centres are being assisted. Migrants in quarantine are provided with food and personal hygiene kits while being checked for symptoms of COVID-19. “The migrants who are currently stranded in Djibouti are eager to return home and to reunite with their families after a failed attempt to reach the Gulf countries. We will continue to work hand in hand with the Government of Djibouti to provide life-saving assistance to these migrants,” said Stéphanie Daviot, IOM Djibouti’s Chief of Mission. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). View multimedia content SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
Axmed Abuu Al-Qeyd Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geele uu ku martigaliyey shirkii dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo bishan June 14keeda ku qabsoomay caasimada Jabuuti. Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyd dhambaal uu u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada, uuna u xaqiijiyay in Jaamacadda Carabta ay garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan, isagoona balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyt uu dhambaal qoraal ah u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, uuna ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka. PUNTLAND POST The post Jaamacadda Carabta oo taageero u muujisay shirkii Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay meyd maalmo ka hor lagu gubay duleedka Waqooyi ee magaalada Hargaysa, arrintaas oo shacabka degaanka uu cabasho ka muuujiyay. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in qofkaasi u dhintay xanuunka loo yaqaano “leukemia” oo ah xanuun sababa dhiig la’aan, uuna ahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka China. “Horta ninka dhintay wuxuu ahaa nin u dhashay China, waxaanu ninkaasi u dhintay cudur la yidhaahdo leukemia oo dhiiga raaca, dabadeedna qof dhiig la’aani ay ku dhacdo oo dhiigba laga waayo, cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysana wuu ku dhintay. Haddii uu qof ajanabi ahi dhinto waxa lala xidhiidhaa Jaaliyadahooda, Jaaliyadii China waxa ay yidhaahdeen dhoofin kari mayno ee xeerkayagu waa caynkaas ee ka hawl gala, caafimaadkana shaqadoodaba maaha in ay qofka gubaan ama aasaan” ayuu yiri sarkaal u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland. Wuxuu intaas ku daray in jaaliyada wadanka China ka joogta Somaliland ay xiriiro la sameeyeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo xeer ilaalinta. “Jaaliyadii waxa ay la xidhiidhay Wasaaradda Awqaafta iyo Xeer Ilaalinta, markaa waxa ay ku yidhaahdeen sidii aad ka yeeli jirteen qofka idinka ka dhinta ka yeela oo ahayd in la gubo, laakiin waxa aan loo calamaadinin meel gaar ah oo ay ku gubaan, sidaas ayaana lagu qaaday oo waxa lagu gubay meeshaas ku taala baraha bulshadda”. Sidoo kale sarkaal u hadlay Wasaarada Caafimaadka Somaliland wuxuu tilmaamay in kooxdii halkaas ninka ku soo gubtay ay kaga yimaadeen qalabkii iyada oo dadka qaarkoodna ay sheegeen in la arkay qaybo ka mid ah jirkii qofkaas, balse waxa uu xusay in dawladda hoose ee Hargeysa ay markii dambe ka hawlgashay oo nadiifisay. Qaar kamid ah Culumida Somaliland ayaa maanta oo jamce ah masaajidda Hargeysa ka sheegay in aysan bannaanayn in la gubo meyd. PUNTLAND POST The post Somaliland oo hadashay meyd lagu gubay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku baxay dagaal dhowaan ka dhacay deegaan ku yaallo xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka. Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan nabadgalyada iyo cadaaladda dowlad deegaanka, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha hoggaanka Dr Xuseen Xaashi, iyada oo deegaanka siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigaan ayaa dabajoogay dagaal ka dhacay deegaanka Abaaley oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer, kaas oo ay ku dhinteen dad gaarayo ilaa lixruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tirio kale. Xaalada degaanka Abaaleey oo ka tirsan degmada feerfeer ayaa degan, waxaana lagu wadaa sida wararka lagu helaayo la in Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar uu halkaasi tegi doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga Maxamed Al-Jaddaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay soo amaahan doonto 58 billion oo dollar sanadkan. Ku dhawaaqistu waxay tooshka ku shiday deyn codsiga sii badanaya ee dalka iyo su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaale ee xukuumadda Riyadh, gaar ahaan markii Boqortooyadda lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka caalamka ee lagu leeyahay deynta ugu yar. Sacuudigu waa dalka ugu dhaqaalaha badan dunida carbeed, waana dalka keliya ee carbeed ee ka tirsan G20, waxaa intaas dheer in uu yahay dalka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Saameynta Gobolka Barwaaqadda dhaqaale ee Boqortooyadda ayaa soo jiidatay shaqaale shisheeye si ay ugu shaqeeyaan shirkadaha Sacuudiga iyo hey’adaha dowladda. Dhaqaale bur-burka ku yimaada Boqortooyada waxaa uu saameyn doonaa gobolka oo dhan. Xilligan oo lagu jiro xasarado dhaqaale oo caalami ah, kuwaas oo uu sababay cudurka Coronavirus, ayuu Sacuudigu wajahay hoos u dhac weyn oo qiimaha saliidda ah iyo booqashooyinkii diimeed ee Makka iyo Madiina oo istaagay, malaayiin qof ayaa awoodi waayay in ay Sacuudiga u safraan sanadkaan si ay gutaan cibaado diini ah. Xitaa ka hor inta aysan xasaraduhu soo ifbixin bilihii u dambeeyay, Bangiga Aduunka ayaa muujiyay in deynta dibadda looga leeyahay Sacuudiga ay ahayd $183 billion 2019-kii, taasi oo $151 billion ahayd sanadkii 2018-kii. Tiradaas waxay kordhi doontaa sanadkaan. Tiradaasi waxay ahaan doontaa mid aan muuqan haddii aan la bar-bardhigin xilliyadii lasoo dhaafay. Tirada ku kordheysa deynta ayaa ka muhiimsan wadarta guud. Deynta cirka isku-shareertay Deynta dalka dibadda looga leeyahay ayaa cirka isku shareertay shantii sano ee lasoo dhaafay, dhamaadka sanadkii 2014-kii, billo yar ka hor inta uusan billaaban dagaalka Yemen, waxay deyntu ka yareyd 12 billion, taasi oo muujineysa in kororku uu kor u kacay in ka badan 1500 boqolkiiba shanti sano ee lasoo dhaafay. Muddo shan sano ah, keydka lacagta ayaa hoos u dhacay. Warbixino ka yimid maamulka lacagta ayaa muujinaya in hantida kaydka ah ee wadanka lagu qiyaasay $732 billion dhamaadka sanadkii 2014-kii, laakiin waxaa ay hoos u dhacday $449 billion dhamaadka sanadkii 2019-kii. Waxaa kharash isu bedelay $233 billion muddo shan sano ah. Tirooyinkaasi waxay muujinayaan in shantii sano ee lasoo dhaafay, Sacuudigu uu dibadda ka soo deynsanayay tobanaan billion dollar, sidoo kale waxay tiro lamid ah kala baxaysay hantida kaydka ah. Dhamaan tirooyinkaasi waxay dib ugu laabanayaan dabayaaqada sanadkii 2019-kii, waa ka hor inta uusan hoos u dhicin qiimaha shidaalka iyo inta uusan dillaacin Coronavirus iyo weliba hoos u dhaca ku yimid ganacsiga iyo isu socodka dunida. Hadaba, halkey lacagtaas oo dhan ka baxday? Dagaallada qarsoon Inkasta oo aysan caddeyn meesha saxda ah ee lacagtaas oo dhan lagu agaasimay, isbedelka deg-degga ah waxaa uu dhacay markii la bilaabay dagaalka Yemen sanadkii 2015-kii. Colaadaha kale ee Liibiya iyo Siiriya ayaa sidoo kale ahaa aag dagaal ee qarsoon, oo ay gacanta kula jireen dhowr dal oo Khaliijka ku taalla. Xukuumadda Riyadh waxay dhowaan ku dhawaaqday gunti-isku-giijis dhaqaale oo ay ku jirto 8 billion oo dowladdu ay ka jareyso hiigsigeeda isbedelka ee 2030-ka, kaasi oo muhiimad u leh dhaxal suge Maxamed bin Salmaan.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmiya uga hadashay xariga muwaadin reer Somaliland ah oo loo dhiibay dowladda Jabuuti, isla markaana u xiran muddo ku dhow 7-sanno. Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah muwaadinka loo gacan galiyay Jabuuti, ayaa waxa qorshaha dhiibistiisa fuliyay xubno ka tirsanaa xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa sheegay inuu arrinka Cabdillaahi Sheekh kala hadlay madaxweynaha Jabuuti, xili uu dalkaasi u tagay wada-hadaladii madhaleyska noqday ee Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa xusay in ninkaasi ay dowladda Jabuuti u haysato falal la xiriira Argagixiso, balse xiligan dib loo eegi doono kiiskiisa, maadama uu tirsanayo in si cadaalo daro ah loo xukumay. “Waxa jira Nin Muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo 7 sano Jabuuti ku xidhnaa oo falal Argagixiso u xidhnaa oo tirsanaya in Caddaalad-darro lagu xukumay oo aanu tiisii helin” ayuu yiri Madaxweynuhu. Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu kala hadalnay Dawladda Jabuuti, faylkiisa dib loo furayaa. Iisha Allaah isaguna natiijo wanaagsan ayuu ku gaadhi doonaa”. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdillaahi Sheekh ayaa kamid ahaa rag ay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo usoo qab-qabatay qarax ka dhacay caasimada dalka Jabuuti, xili ay isaga oo kaliya ay u dhiibtay dowladda Jabuuti. Mana jirto meel si cad loogu soo bandhigay kiiska Cabdillaahi ee muddo ku siman 7-sanno ka hor loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, iyada oo aan warbaahinta loo soo bandhigin xarigiisa iyo eedeymaha loo haysto oo aan ka aheyn falalka argagixiso ee loo dhiibay.
-
Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeeray xarumaha CiIdamada Ammaanka heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed ee ku yaala dagmada hobyo ee gobalka Mudug halkaas oo haatan ay ku sugan yihiin Madax kala duwan oo isugu jiro heer fadaraal iyo heer dowlad Gobaleed kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad. Kormeerka wasiirka ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay sida ay usocoto shaqada CiIdamada amniga qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedka ee la xariirta sugida iyo adkeynta amniga dagmada hobyo iyo deegaanada hoostaga xiligaan ay ka wadaan. Wasiirka ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray booqday xarumaha ciidanka booliiska iyo kuwa CiIdamada badda ee ay ku leeyihiin dagmada Isagoona warbixino ku aadan qorshaha sugida amniga ka dhageystay saraakiisha CiIdamada uu xaruumahooda kormeerka ku tagay Axmed Macalin Fiqi wasiirka Amniga Galmudug ayaa bogaadiyay sida ay u shaqeeynayaan CiIdamada Amniga waxaana uu sheegay in Galmudug xiligaan ay ka go’an tahay sugida iyo adkeynta Amniga guud ee deegaanada Galmudug iyo sidoo kale in Al shabaab mustaqbalka laga xoreeyn doono deegaanada Fara ku tiriskaa ee ay kaga sugan yihiin Galmudug ayuuri wasiirka, Kormeerka xarumahaan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha wasaarada amniga Galmudug iyo ku dar dar galineyso la dagaalanka kooxda caadeeystay dhiiga shacab ee Al shabaab iyo sugida Amniga guud ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nearly 80 million people, half of them children, were displaced from their homes at the end of 2019, forced out by conflict, food insecurity and economic upheaval. That’s nearly twice as many as a decade ago, according to a new report from the United Nations refugee agency UNHCR, released to coincide with World Refugee Day. Source: Hiiraan Online
-
GENEVA — The head of the World Health Organization said the coronavirus pandemic is “accelerating” and that more than 150,000 cases were reported yesterday — the highest single-day number so far. Source: Hiiraan Online
-
Tea prices at the Mombasa auction have remained at this year's lowest selling price for a second week running even as traded volumes increased. Source: Hiiraan Online
-
Khadar Rigaax (bidix); Jaabir Siciid Ducaale (dhexe) iyo Khadar Tarabi (midig). | SAWIRKA: SJS. Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray saddex weriye oo lagu xirtay Somaliland. Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ku xiray weriyeyaasha kala ah Khadar Rigaax, Jaabir Siciid Ducaale iyo Khadar Tarabi, kadib markii ay tabiyeen cabasho dadweyne. Hoos ka Akhriso war-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS). MUQDISHO, Soomalyia, 19 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag. Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taxaabay weriyayaasha kala ah: Khadar Maxamed Tarabi oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable iyo Khadar Rigaah Axmed, oo ka howlgala Telefshinka Universal TV maalinimadii Talaadada 16 Juun, abbaare 9:00 subaxnimo. Xarigga weriyayaasha ayaa yimid xilli ay ku howlanaayeen soo tebinta isu imaatin dadweyne cabasho ka qabay shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland u dhexeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti. Suxufiyiinta ayaa lagu hayay xabsiga dhexe ee Laascaanood, waxaana xorriyadooda ay dib u heleen maalinnimadii Arbacadii 17 Juun abbaare 5:30 galabnimo iyagoo wax dembi ah aanan lagu soo oogin. Booliska dembi baarista ee CID-da magaalada Ceerigaabo ayaa xiray weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala telefishinka Horyaal24 TV maalinnimadii Talaadada ee 16 Juun isagoo markaasi ku howlanaa tebinta warar la xiriira cabashooyin laga muujinayay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Weriyaha ayaa la sii daayay maalinnimadii Arbacada 17 Juun iyadoo shuruud looga dhigay in uu boolisku xiligii ay u baahdaan ay u yeeri doonaan. Dhanka kale, maamulka gobolka Gedo ayaa magaalada Buurdhuubo ku xiray weriye Bishaar Ibraahim Adan 10 Juun, 2020. Sida uu weriyaha iyo labo saxafi oo kale u sheegeen SJS, xarigga ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay weriyaha in uusan si wanaagsan u tebinin wararka u xaglinaya maamulka gobolka Gedo ee ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Suxufiga ayaa markii dambe xorriyadiisa dib u helay iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin. “Xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ku guda jira waajibaadkooda shaqo iyo in xabsiga lagu hayo iyagoo wax dembi lahayn iyadoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo tebinta wararka madaxa-bannaa, ma ahan kaliya xadgudub ka dhan ah xuququuqdooda aas-aasiga ah ee ku saleysan xorriyadda hadalka iyo tan fikirka ee lagu damaanad qaaday Dastuurada Dowladda Federaalka ah iyo kan Somaliland, ee waxaa ka ratibmaya xadgudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadanimo ee ay leeyihiin warfidiyeenkaasi,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoo ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xurmeeyaan xaqa helista xogta, una ogolaadaan suxufiyiin inay ku shaqeeyaan deegaan nabdoon iyagoon wax cabsi ah ka qabin aargoosi. The post Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka hadlay weriyeyaal lagu xiray Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Gudiyadda cusub ee loo xilsaari doono in ay ka midho dhaliyaan qodobadii lagu heshiiyey Shirkii Jabuuti 18/6/2020 Waa in ay noqdaan Gudiyo culus oo xul ah, Waxaa Madaxweynaha Somaalilaan looga fadhiyaa in uu soo xulo gudiyo rug cadaa ah oo leh sifeyaashan hoose: 1- Waa in ay lahaadaan gudidu kas waayeel iyo ku dhac geesimino 2- Waa in ay lahaadaan Gudidu karti wax qabad iyo kalaan aftannimo 3- Waa in ay lahaadaan keyd waxbarasho oo ay ku dheehan tahay waayo aragnimo dheeraad ah oo khusaysa howlaha loo xilsaaray 4- Waa inay aqoon u leeyihiin istiraajiyada wada hadalada iyo xirfadaha loo adeegsado xaaladaha kala duwan ee wada hadalada 5- Waa in ay aqoon dheeraad ah u leeyihiin danaha beesha caalamku ka dhex raadinayso wada hadalada Somaaliya iyo Somaalilaan. 6- Waa in ay Somalilaan metelaan koox waayo arag ah oo garanaaya mawduuca ay ka hadlayaan iyo siday u dhigayaan 7- Waa in la soo xulaa koox ku hubeysan aqoon wadaninimo ku waas oo iibin kara Astaamaha lagu xusuusan karo soo jiritaankii Somaalilaan 8- Waa in la soo xulaa shaqsiyaad xogogaal ah oo ku hubeysan taariikhda soo jireenka ah ee Somaalilaan leedahay. 9- Waa in ay noqdaan shaqsiyaad abuuri kara kalsooni wadareed wada shaqeyneed oo midho dhali karta 10- Waa in ay noqdaan shaqsiyaad jaan’goyn kara arimaha masiiriga ah ee loo xilsaaray ee hor yaala. looma baahna in uu madaxweynuhu ku soo daro gudida shaqsiyaad aan miisaan culus ku laheyn dalka gudihiisa laakiin lagu ixtiraamaayo xilka ay qaranka u hayaan maanta. Saddexda guddi hoosaad ee la rabo in ay Somaalilaan soo xulato waxay diirada saari doonaan oo ka hadli doonaan qodobadan hoose oo miisaankooda leh. 1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan loona dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac ee godka ku dhacday. 2. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saari doonaa Guddida koowaad, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiri doona waddanka Jabuuti. 4. Gudida Labaad waxay ka wada xaajoon doonaan Arrimaha Hawada, kuwaasi oo iyana muddo shan iyo toban cisho ah ( 15 days ) ku shiridoona waddanka Jabuuti. 5. Waxaa ay labada dhinacba soo xuli doonaan Guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada iyo nabad-sugida mandaqada. Waxay gudidanina ku shiri doonaan dalka Jabuuti mudo shan iyo toban cisho gudahood ah. Dhamman Saddexdaa guddiba shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan dalka Jabuuti, waxaana lagu magacaabi doonaa guddiyadaa (Technical sub committee). Guddida guud ee farsamada wada-hadalada ee hore loo magacaabay waxaa loo bixiyey (Join Ministerial Committee), Waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan dalka Jabuuti si ay u qiimeeyaan wax qabadka ay ku dhaqaaqeen guddi hoosaadyada cusub ee hawshaas loo igmaday mudada kooban. Somaalia waxaa heshiisyadan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaalilaan uu u saxeexay mudane Proff : Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ah Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaalilaan. Guulaha laga rajeynaayo shirarka dhawaan dib uga bilaabmidoona dalka Jabuuti waxay ku xidhan tahay Tayada, aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida ay yeelan doonaan Gudiyadaa Sadexda ah ee Madaxweynuhu uu soo magacaabidoono dhawaan inshaa Allah. Gebo Gebo: Midnimada Soomaaliyeed maaha mid Somaalilaan oo keliya u taala ee waa mid u taala 5-ta Somaaliyeed. Somaalilaan iyada ayaa ikhtiyaarkeeda u tagtay Xamar 1960 iyada ayaana ikhtiyaarkeeda ku goosatay oo kula soo noqotay Xornimadeedii 18 May 1991. Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab- dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta. Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka. “Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xaruntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir oo ka mid ahaa masuuliyiin kormeer ku tagtay xarunta ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay mid ka mid ah guulaha wax ku oolka marka ay timaado wax ka qabashada iyo yareynta musiibooyinka sida abaaraha, fatahaadaha iyo dabeylaha. ”30 sano ayaa naloo sheegayay xog kala dhiman oo ku saabsan halisyada dhaca, mararka qaarna waxaa xogtaasi naloo sheegayay marka wixi dhici lahaa ay dhacaan, manta ka dib Dowladda Soomaaliya waxey, iyada oo adeegsaneysa agab horumarsan, ogaaneysaa sii odorasaysaa halisyada soo fool leh iyado oo loo diyaar garoobi karo waxna laga sii qaban karo.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayri. Sadaasha iyo la socodka halis wadareedka ayaa xaruntan ka hor bixinayay hey’ado raacsan qaramada midoobay.Xaruntan ayaa la rajeynayaa in ay ka mid noqoto mashaariicda la dhammaystiray ee dhawaan ay xarigga ka jiri doonto xukuumadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray saxafiyiiin lagu xiray Somaliland gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag,Khadar Rigaax Jaabir Siciid Ducaale (dhexe) iyo Khadar Tarabi,xilli ay soo tebinayeen banaanba ay dhigayeen dad Shacab ah oo cabasho ka qabay Shirka Jabuuti, ururka ayaana siweyn u cambaareeyey falka lagu xiray wariyaasha maalinimadii Talaadada 16 June 2020-ka. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS). Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag. Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taxaabay weriyayaasha kala ah: Khadar Maxamed Tarabi oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable iyo Khadar Rigaah Axmed, oo ka howlgala Telefshinka Universal TV maalinimadii Talaadada 16 Juun, abbaare 9:00 subaxnimo. Xarigga weriyayaasha ayaa yimid xilli ay ku howlanaayeen soo tebinta isu imaatin dadweyne cabasho ka qabay shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland u dhexeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti. Suxufiyiinta ayaa lagu hayay xabsiga dhexe ee Laascaanood, waxaana xorriyadooda ay dib u heleen maalinnimadii Arbacadii 17 Juun abbaare 5:30 galabnimo iyagoo wax dembi ah aanan lagu soo oogin. Booliska dembi baarista ee CID-da magaalada Ceerigaabo ayaa xiray weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala telefishinka Horyaal24 TV maalinnimadii Talaadada ee 16 Juun isagoo markaasi ku howlanaa tebinta warar la xiriira cabashooyin laga muujinayay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Weriyaha ayaa la sii daayay maalinnimadii Arbacada 17 Juun iyadoo shuruud looga dhigay in uu boolisku xiligii ay u baahdaan ay u yeeri doonaan. Dhanka kale, maamulka gobolka Gedo ayaa magaalada Buurdhuubo ku xiray weriye Bishaar Ibraahim Adan 10 Juun, 2020. Sida uu weriyaha iyo labo saxafi oo kale u sheegeen SJS, xarigga ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay weriyaha in uusan si wanaagsan u tebinin wararka u xaglinaya maamulka gobolka Gedo ee ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Suxufiga ayaa markii dambe xorriyadiisa dib u helay iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin. “Xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ku guda jira waajibaadkooda shaqo iyo in xabsiga lagu hayo iyagoo wax dembi lahayn iyadoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo tebinta wararka madaxa-bannaa, ma ahan kaliya xadgudub ka dhan ah xuququuqdooda aas-aasiga ah ee ku saleysan xorriyadda hadalka iyo tan fikirka ee lagu damaanad qaaday Dastuurada Dowladda Federaalka ah iyo kan Somaliland, ee waxaa ka ratibmaya xadgudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadanimo ee ay leeyihiin warfidiyeenkaasi,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoo ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xurmeeyaan xaqa helista xogta, una ogolaadaan suxufiyiin inay ku shaqeeyaan deegaan nabdoon iyagoon wax cabsi ah ka qabin aargoosi. Goobjoog News Source: goobjoog.com