Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka walwalsan nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada Afgooye. View the full article
  2. Kulankii Maanta oo Arbaco ah ay yeesheen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan,waxaana goobjoog ahaa 142 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa dood dheer kaddib u codeeyay wax ka bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka waxaana ogolaatay 137,waxaa diiday 3, halka 2 xildhibaan ay ka aamuseen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu ansax yahay. PUNTLAND POST The post Golah Shacabka Soomaaliya oo ansixiyay Wax ka bedelka Sharciga Xisbiyada Dalka appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-22072020.mp3 View the full article
  4. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo gelinkii hore ee Shalay ka dhacay Degaanka Timirshe oo hoosyimaada Degmada Isku dhuban ee gobolka Bari kaas oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda Daacish. Dagaalka aya yimid kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ay weerar qorshaysan ku qaadeen goob ay isku urursanayeen kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleeyda Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo kooxdu ku dhuumaalaystaan. Ilo wareedyo dhanka Ciidanka ah waxay Puntland Post u sheegeen in 8 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay Dagaalkii Shalay islamarkaana lagu burburiyay laba gaari oo ay wateen kooxda inkastoo ay ka gaabsadeen haddii uu jiro khasaare dhankooda gaaray. Marka laga reebo Xogta ay Saraakiisha bixiyaan waxaa adag in xog sugan laga helo Dagaallada dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo Kooxda Daacish oo inta badan ka dhaca dhul Buuraley ah cidlaa. PUNTLAND POST The post Khasaraha ka dhashay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka ee laga soo doorto deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay Dhuusameeb ayaa ahaa mid is Xog-wareysi ah oo uu madaxweynuhu ku marti qaaday xildhibaanadaas oo maalmahan ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Sidoo kale kulan ayaa ahaa mid uu madaxweynaha Jubbaland kala tashanayey xubnahaasi xaaladda guud ee dalka. Mid ka mid ah xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay oo lagu magacaabo, Maxamed Xasan Idiris ayaa ka warbixiyey waxyaabihii laga wada-hadlay. “Waxaan Kulan kala warqaadasho iyo is-xog wareysi la qaadaney Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubballand anagoo ka kooban Xildhibaanada Labada Aqal BFS ku matala DG Jubballand ee ku sugan Dhuusamareeb, waxaan iska xog wareysaney Xaalada guud ee dalka uu marayo, wuxuu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku nuux nuuxsadey inuu Xildh: ku marti qaaday Inay Dib ugu Soo laabtaan Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.“ ayaa yiri xildhibaan Maxamed Xasan Idiris. Kulamadaan gooni-goonida ah ayaa ku soo aaadaya xilli weli la’isku fahmi la’yahay shirka magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ee ka jira dalka.
  6. MOGADISHU (Xinhua) -- Flash floods caused by heavy rains have affected about 37,000 people in Somalia, causing a humanitarian crisis in the regions affected, the Somalia's Ministry of Humanitarian Affairs said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  7. There was a breakthrough between Ethiopia, Sudan and Egypt on the filling and annual operation of the Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD), according to a statement Tuesday from the Ethiopian prime ministry. Source: Hiiraan Online
  8. July 21 (UPI) -- South Korea and Japan joined Spain in an anti-piracy drill off the coast of Somalia amid ongoing tensions over history and trade. Source: Hiiraan Online
  9. The 'NO BAN Act' has broad support among Democratic legislators and is likely to pass despite Republican opposition. Source: Hiiraan Online
  10. Ethiopia’s prime minister said Tuesday his country, Egypt and Sudan have reached a “major common understanding which paves the way for a breakthrough agreement” on a massive dam project that has led to sharp regional tensions and led some to fear military conflict. Source: Hiiraan Online
  11. Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay diyaarinta saaxadii lagu geli lahaa wadaxaajoodyo lagu guulaysto oo ay yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Sidaasna waxa xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka, oo uu kaga hadlay Dib u bilaabista Guddiyadii farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in dalkiisu ku foogan yahay diyaarinta saaxadii ay ku qabsoomi lahaayeen wadahadal taabogal ahi. Wasiirka Khaarajiga Jabuuti wuxuu soo jeediyey in ay lagama maarmaan tahay in samir loo yeesho, inta meesha laga saarayo caqabadaha wiiqi kara geddi-socodka wadahadalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirkan ayaa ahaa hawl fududeeyihii hagayey shirarkii Somaliland iyo Soomaaliya iskugu yimaadeen 14kii illaa 18kii Bishii June 2020. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen inuu martigeliyo Wadahadalladan jiitamay. Iyadoo la weriyey shirkii Guddiyada farsamo ee lagu waday inay Jabuuti ka furmaan badhtamihii bishan July ay Dawladda Farmaajo soo dalbatay in dib loogu dhigo. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku guulaysatay wadahadalkii u dambeeyey,kadib markii la oofiyey baaqeedii ahaa in shirka ay goob joog ka noqdaan beesha caalamku isla markaana la helo ergo dhexdhexaadineed oo si dhow ula socota miiska Wadahadalka. Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi shirkii u dambeeyey ka jeediyey khudbad adag oo uu ku soo bandhigay sharciyadda caalamiga ah ee ay Qaddiyada Somaliland waafaqsan tahay. Source
  12. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ka walwalsanyahay nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele. Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ku baaqay in si wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan qoysaska ay saamaysay Fatahaadda webiga Shabeelle, kuwaas oo ku dayacan Degmada Afgooye iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolkaas “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka Degaanka taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee deegaannada Afgooye. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo gurmado Dadka ay saamaysay Fataahadda Webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.
  13. OTTAWA -- Two million Canadians could have their benefits interrupted if they don't file their 2019 tax return quickly enough, according to the Canada Revenue Agency. Source: Hiiraan Online
  14. U.S. federal safety regulators are moving closer to letting the grounded Boeing 737 Max fly again with changes that Boeing made to the plane after two deadly crashes. Source: Hiiraan Online
  15. The Ugandan military on Tuesday announced it will deploy combat aircraft to support peacekeeping operations in war-torn Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli la isku mari la’yahay wada-hadallada ka socda Xarunta madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Sida aan xogta ku helnay waxay badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda. Madaxweyne Farmaajo wuxuu diidan yahay inuu ka tanaasulo doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, taasi oo xaaladda ka dhigtay mid cakiran. Haddaba haddii la kala tago maxaa xiga? Maxamed Maxamuud Cadde, oo ah weriyihii hore ee BBC ayaa sheegay haddii lagu kala tago shirka Dhuusamareeb in uusan jiri doonin shir kale oo ay yeelan doonaan dhinacyadu haddii aan la saarin culeesyo dibadd ah. Maxamed Maxamuud Cadde, ayaa sheegay in xaalad aad u adag ay ka taagan Dhuusamareeb islamarkaana aysan jirin tanaasul ku saabsan qodobada la isku haayo. “Haddii aysan dhinacyadu isu tanaasulin oo shirka lagu kala tago, waxaa dhici karta in hay’adaha dowladda wadashaqeynta joojiyaan, maamul gobaleedyada degaanadooda xirtaan waana halis,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo ah falanqeeye arimaha siyaasadda. “Madaxda dalka waxaa la guddoon tanaasul iyo dabacsanaan, kuwa maamulada sidoo kale, balse waxa laga soo sheegaya dhuusamareeb xaalad aan lagu farxin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Maxamuud Cadde. Sidoo kale qaar kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasada ayaa sheegay in haddii shirkaan lagu kala tago ay faraha ka bixi doonto talada madaxda dalka oo loo yeerin doono go’aan ay gaareen beesha Caalamka. Lama oga sida uu noqon doono natiijada Shirka hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in la soo mari la’yahay shirkaasi.
  17. Dawlada Sacuudiga oo karantiil galiyay dhammaan xujaajta sannadkan 2020 Xajinaya Xujaajta loo xulay in ay gutaan waajibaadka xajka sanadkan ayaa bilaabay in ay iskarantiilaan muddo 7 cisho ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Sacuudiga. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dhowr tallaabo oo la qaaday si loo hubiyo badbaadada xujaajta inta lagu guda jiro Xajka, iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka coronavirus. Dad ka kala socda 160 dal oo kala duwan oo hadda ku nool Boqortooyada ayaa loo xushay inay xajiyaan sanadkaan. Tirada guud ee xujeyda ayaa si weyn hoos loogu dhigay si loo hubiyo in la raaco talaabooyinka kala fogaanshaha bulshada. Xujayda ayaa looga baahan doonaa inay qaataan karantiil labaad marka ay gutaan waajibaadka Xajka. Qaran News
  18. Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka oo ballanqaaday inuu qaadayo xayiraada saaran Muslimiinta ay Soomaalidu ku jirto Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ee Joe Biden. ayaa ku booriyay Muslimiinta Mareykanka inay codeeyaan, isagoo ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin islaam nacaybka Trump. Joe Biden wuxuu wacad ku maray in haddii loo doorto madaxweynaha inuu soo afjari doono xayiraadda safarka muslimiinta maalintiisii ugu horeysa ee xafiiska. Isaga oo ka hadlayey shir ay soo qabanqaabiyeen Gudiga waxqabadka siyaasadeed ee muslimiinta, wuxuu u sheegay wufuudda iyo xubnaha dhagaystayaasha in muslimiinta Mareykanka codkooda ay muhiim u yihiin doorashada madaxtinimada ee November. “Bulshooyinka muslimiinta waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dareemayay weerarkii Donald Trump ee bulshooyinka madow ee dalkan iyadoo laga mamnuucay xoriyada safarka,” ayuu yiri Biden. Mid ka mid ah ficillada ugu horeeya ee madaxweyne Trump uu sameeyay sanadkii 2017 wuxuu ahaa inuu saxeexo amar fulineed oo xaddidaya safarka ka imanaya toddobo dal oo muslimiin ah oo kala ah, Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado qoysasku gobolka Shabeellada Hoose ee wabigu ku fatahay, gaar ahaan degmada Afgooye. “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka walwalsan nolosha qoysaska ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose ee uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadkeena dhibaataysan” ayaa lagu yiri qoraalka. Sida lagu sheegay warkan, Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka Wabiga Shabeele, isaga oo faray Xukuumadda in ay degdeg uga howlgasho ka jawaabidda iyo maareynta musiibadan. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kunool magaalooyinka uu maro wabiga Shabeelle, waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan fatahaadaha, maadaama lagu guda jiro xilli roobaad” ayuu yiri. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa bogaadiyey “Gurmadka iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, taas oo kaalin mugleh ka qaadatay samata-bixinta nafeed ee qoysaska iyo dadkeenna nugul ee degmada Afgooye.” Warkan ka soo baxay Villa Somalia, waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii u dambeeyey ay fatahaadihii ugu cuslaa ku dhufteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaano kale oo hoos taga, Sidoo kale boqolaal qoys oo ku noolaa Afgooye ayaa u hayaamay dhulka howdka ah ee wabiga ka fog, waxayna biyuhu harqiyeen dhamaan magaalada. Sidoo kale inta badan magaalooyinka uu wabiga Shabeelle ka maro gobolka Shabeellada Dhexe ayaa wajahaya fatahaado xoog leh oo wabigu uu sameynayo, waxayna guryahoodii biyo ka saareen boqolaal qoys oo gurmad dalbanaya, balse laguma xusin baaqaan soo dahay ee madaxtooyada ka soo baxay.
  20. On the resumption of the Somalia Somaliland talks at the technical committees level , Djibouti is preparing the ground for successful negotiations . It is necessary to be patient , prudent , and remove all obstacles that could detail the process . — Mahmoud Ali youssouf (@ymahmoudali) July 21, 2020 Qaran News
  21. Qaahira (Caasimada Online) – Baarlamanka Masar ayaa Isniintii meel-mariyey suurta-galnimada in ciidamo la geeyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, kadib markii madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi uu ka hadlay inay dhici karto in howlgal militari ay ka fuliyaan dalka Libya. Sharci dejiyayaasha ayaa ansixiyey “u dirista xubno ka mid ah ciidamada militariga howlgallo dagaal oo ka baxsan xuduudaha Masar, si amniga qaranka looga difaaco maleeshiyooyinka hubeysan iyo unugyada argagixisada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay baarlamanka. Cod bixintii dhacday Isniintii ayada oo baarlamanka ay albabaabada u xiran yihiin ayaa xubnaha waxay kaga doodeen “halista dalka uga imaneysa” dhinaca Galbeed, halkaasi oo Masar ay xuduud kula wadaagto Libya. Cod bixinta ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Masar uu la kulmay Golaha Difaaca Qaranka, oo ay ku jiraan afhayeenka baarlamanka, wasiirka difaaca, wasiirka arrimaha dibedda, iyo taliyeyaasha ciidamada. Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in Masar “asyan la hari doonin wax dadaal ah si ay u taageerto Libya” waxayna ku ku celiyeen sida ay uga go’an tahay in la helo xal siyaasadeed oo lagu xalinayo xasaradaha ka taagan dalkaas. Madaxweyne Sisi ayaa horey uga digay in ku siqitaanka ciidamada dowladda Libya ee magaalada Sirte ay ku qasbi karto in militariga Masar ay faro-geliyaan dalkaas. Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa taas ku qeexday “iclaamin dagaal”. Masar ayaa ayada oo ay wehliyaan Imaaraadka Carabta iyo Ruushka waxay taageertaa ciidamada uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar, halka dowladda Libya ay taageero ka hesho Turkiga iyo Qatar.
  22. Abiy Ahmed oo ku shaaciyey war weyn oo la xidhiidha Biyo-xidheenka xiisadda dhaliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa, Masar iyo Sudan ay “is-faham weyn gaadheen, taasi oo dhabbaha u xaadheysa heshiis rasmi ah” oo laga gaadho biyo-xidheenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Bayaanka caawa kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa yimid ayada oo muuqaallo lagu qaaday satellite-ka ay muujinayaan in heerka biyaha ee biyo-xidheenka ay gaadheen meeshii ugu sarreysay muddo afar sano ah. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo buuxa ay ugu wacan tahay roobab xooggan oo da’ay, waxaana bayaanka Abiy lagu sheegay “inay caddahay in labadii toddobaad ee tegay ee xilli roobaadka ay ku guuleysteen buuxinta sanadka koowaad ee biyo-xireenka.” Itoobiya waxay hore sheegtay inay si rasmi ah bishan u billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka xitaa haddii aan heshiis la gaadhin. Hase yeeshee bayaanka Abiy ayaa lagu sheegay in hogaamiyeyaasha saddexda dal ay isku raaceen inay wada-xaajood farsamo oo dheeri ah ka yeesheen buuxinta, una dhaqaaqaan gaadhista heshiis buuxa.” Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xidheenkan uu yahay fursad 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool looga saaro saboolnimada, ayada oo Itoobiya ay noqoneyso dalka ugu weyn qaaradda Afrika ee dhoofiya korontada. Hase yeeshee Masar oo inta badan ay dadkeeda ku nool yihiin biyaha webiga Nile ayaa biyo-xidheenka ku sheegtay inuu halis ku yahay. Masar iyo Sudan midna kama jawaabin warkan cusub ee caawa kasoo baxay Abiy Ahmed. Halkan ka akhri Bayaanka ka soo baxay Xafiiska Abiy oo dhameystiran Qaran News
  23. Buuhoodle: Shillinka Somaliland oo Noqday lacagta Keliya ee Wax lagu kala iibsado,laguna…… Muddo badaan ayay soo martay marxalado kala duwan dhanka isticmaalka lacagaha wax lagu kala iibsado magaalada Buuhoodle oo ah magaalo xuduudeed xarun u ah gobolka Buuhoodle ee Somaliland. Waxaana xilliyada qaar xoog ku lahaa oo lagu isticmaali jiray lacagta shillin Soomaaliga ah oo kala duwan isla markaana kala ahayd lacag laga isticmaalo Xamar caasimadda Soomaaliya iyo gobolo kale oo Soomaaliya ka mid ah iyo lacag Shillin Soomaali ah oo kale oo ay soo daabacdeen maamuladii kala dambeeyay ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo shaqsiyaad ganacsato ah oo la sheegay in ay Puntland iyo Soomaaliya lacago faalso ah ku daabacan jireen. Waxaa kale o lagu isticmaali jiray lacagta dalka Itoobiya ee Birta iyo dollarka. Lacagaha kala duduwan ee shillin Soomaaliga ah ayaa muddo badan ragaadiyay ganacsiga iyo wax kala iibsiga Buuhoodle. Taasina waxay sababtay in dad badan oo ganasiyo kala duwan ku lahaa magaalada Buuhoodle in ay gacantooda ku faalsoobaan lacago badan oo shillin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan shaqsiyaad iyo maamulo kala duwani usoo daabacdeen. Taasina waxay sababtay in dadka ganacsatada ahi inay xoog u dareemaan hoos u dhac dhaqaale oo soo food saaray iyo lacagaha faalsada ah ee lagu qaatay hantidooda,muddo badan ayaanay ku jireen arrintaa qasaare u joogga ah ee shillin Soomaaliga la iska daba keenay ay wax ku iibinayeen. Balse imika arrintaa qasaare u joogga ahayd ee ay wax ku iibinayeen xalkeedii way heleen waxaana hadda magaalada Buuhoodle wax lagu kala iibsadaa oo lacagta koobaad ka ah lacagta Shillinka Somaliland oo si sharci ah uga shaqaysa ka dib markii ay noqotay lacagta keliya ee lagu kalsoonaan karo ee dadku ay wax ku iibin karaan. Mid ka mid ah ganacsatada Buuhoodle oo ka hadlayay dhibaatada dhaqaale ee ka soo gaadhay isticmaalka shillin Soomaaliga iyo siday hadda u garwaaqsadeen in ay Shillinka Somaliland wax ku iibiyaan,ayaa yidhi. “lacagtii Shillin Soomaaligu waxay noqotay wax cid waliba ay iska soo daabacato oo inta hantidaadii lagu iibsado aan kaa soconayn cidina aanay kaa qaadanayn markaa waxaanu muddo badan ahayn dad hantidooda qashin lagaga iibsado magac lacageed sidata,laakin imika dhibaatadaa waanu ka baxnay oo waxa magaalada wax lagu kala iibsadaa lacagta Shillinka Somaliland,waana lacag baan dhexe leh oo aanay ku jirin wax falso ah ama cid si gaar ah u soo daabacataa,midda kale ciidanka qaranka iyo shaqaalaha kale ee gobolka ayaa mushaharkooda ku qaata oo waa lacag sharciyan sax ah oon kalsooni ku qabno in ay tahay lacag sharci ah oo aan nalagu diidayn.” Ayuu yidhi Ganacsade Jaamac Cali Saalax. Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata.”anigu siyaasad kama hadlayo oo ganacsade ayaan ahay waxaanan u baahanay in lacagta aan wax ku iibiyo in anna ay iga socoto oo wax an ku soo iibsan karo,laakiin lacag midba mel gaar ah lagu soo daabacday oon dal iyo dawlad iyo baan dhexe oo kaaga masuul ahi aanu jirin waxaanu go,aan sannay in aanaan waxba ku iibin.” Waxaa kale oo uu sheegay in marka ay u baahdaan in lagac badan oo Somaliland ah in ay lacag adag u bedeshaan in ay u furan yihiin suuqyada dhammaan Somaliland iyasoo intaa raaciyay in Caynaba iyo Laascaanood ba Baanka dhexe ee Somaliland ay wada shaqayn leeyihiin. Tallaabada Buuhoodle lacagteeda koobaad ay u noqotay lacagta shillinka Somaliland ayaa ah tallaabo uu qaday baanka dhexe ee Somaliland oo ah guul qaran oo uu baanka dhexe ku tallaabsaday. Waxaanay tallaabadaasi soo korodhay muddadii uu talada dalka hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isla markaana uu baanka dhexe hoggaaminayay Cali Ibraahin Jaamac(Baqdaadi). Qaran News
  24. Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Suudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa maanta lasoo taagay maxkamad, iyadoo maxkamadeyntiisu ay bilaabatay kadib markii lagu xiray Khartum. Madaxweynihii mudada dheer xukumayay Sudan ayaa waxa loo haysta dacwado kala duwan oo bini-aadantinimo, iyo weliba afgambigii uu talada dalkaasi kula wareegay sanadkii 1989-kii. Cumar Al-Bashiir ayaa inqilaab millateri kula wareegay talada dalka Suudaan, isagoona meesha ka tuuray dowlad si dimuquraadi ah loo soo doortay, midaasi oo uu maxkamadeynta wajahayo. Al-Bashiir ayaa wajahi doona xukun dil toogasho ah hadii ay si dhab ah ugu cadaato kiiska musuq-maasuq ee loo haysto iyo afgembigii uu dalka Sudan ku qabsaday, iyada oo ay baadi-goobeyso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa sidoo kale waxa ku wehlin doona ilaa 16-qof oo kamid ahaa mas’uuliyiinta xukuumadiisi la riday 2019-kii. Millateriga Sudan ayaa bishii April ee sanadkii hore ku dhawaaqay inuu xilka ka tuuray Al-Bashiir, isagoona xabsiga dhigay, kadib isku soo baxyo waaweyn oo ay sameeynayeen dadweynaha dalkaasi.