-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay deeq lacageed oo dhan 55 Milyan oo dollar oo wax looga qaban la talaacidda Covid-19, laguna taageeri doono siyaasadaha dhiirrigelinta ganacsiga gaarka ah isla markaana miisaaniyadda lagu kabayo. Lacagtan ayaa kamid ah deeqaha caalmka bankiga uu siiyo, si wax looga taageero dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha dib u habeynta si loo sameeyo siyaasasado lagu dhiirigelinayo ganacsiga gaarka ah. Lacagta uu Bangiga uu ansixiyey ayaa loogu talo galay in wax looga qabto xaalada caafimaadka ee ku aaddan xanuunka COVID-19, oo Soomaaliya ay kamid tahay goobaha uu saameeyey ku yeeshay wadamada Afrika. Halkan Ka Daawo Bankiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay 55 Milyan Oo Dolar https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-maaliyadda.mp4 Goobjoog Business Source: goobjoog.com
-
In recent months negotiations have stalled and there has been an escalation of tensions on the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) that impacts, Ethiopia, Egypt, and Sudan. The Congressional Black Caucus (CBC) encourages the continued cooperation and peaceful negotiations of all stakeholders in the construction of the GERD. These negotiations should be based on mutual benefit, good faith, and the principles of international law. The multi-billion-dollar GERD project was announced in 2011, and will have a positive impact in the region by providing Africa’s biggest hydropower dam that will generate approximately 6,000 megawatts of electricity, thus allowing Ethiopia to export power to neighboring countries. The Congressional Black Caucus urges the United States and all other international actors to respect the 2015 Declaration of Principles trilateral agreement signed between Egypt, Sudan, and Ethiopia, and to continue to play an impartial role, only seeking the counsel of the African Union and diplomats on the ground in the region. In particular, the African Union has a pivotal role to play by expressing to all parties that a peaceful negotiated deal benefits all and not just some on the continent. The GERD project directly affects the flow of water, the supply of energy, and the food security of Egypt, Ethiopia, and Sudan. Recently, the region’s agriculture sector has suffered due to abnormal precipitation droughts. With Egypt’s rapidly growing population nearing 100 million, the GERD will help improve water supply and take pressure off the Nile river, which supplies an overwhelming majority of the country’s fresh water. In Ethiopia, the country is currently facing a drought that is expected to directly impact nearly 20 percent of its population combined with a locust outbreak that has eaten more than 80,000 acres of crops in recent months. In Sudan, the GERD dam will contribute to the country’s water regulation and sediment reduction, and expand agricultural projects, increase hydropower production, and provide flood control. The GERD project will have a positive impact on all countries involved and will help combat food security and lack of electricity and power, supply more fresh water to more people, and stabilize and grow the economies in the region. The Congressional Black Caucus supports a peaceful negotiation to the implementation of the GERD project, and stands ready to support the African Union and all stakeholders on peacefully achieving a mutually beneficial agreement. Source: Congressional Black Caucus The post Congressional Black Caucus Statement on the Ethiopian Renaissance Dam appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga Aduunka oo Ansixiyey in 55 malyuun oo dollar la siiyo Somalia Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in dowlada Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 55 milyan Dollar oo Caawimaad , lacagtan ayaana loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaystay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay. Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay sarreeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Halkan Ka Aqriso Taliyaasha Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo oo Bedelay Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka, Halka La Magacaabay Taliye Cusub Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Taliyaasha La Magacaabgay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sava.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Dalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar oo xubno ka ururka Jaamacada Carabta ayaa ganafka ku dhuftay qorshe ay dawladda Masar ku dalbanaysay in lagu taageero kiiska Biyaha Wabiga niilka ee ka dhanka ah Biyo Xidheenka Abay oo ay Dawladda Ethiopia qorshihiisa wado. Kulan ay isugu yimaadeen wadamada xubnaha ka ah ururka jaamacada Carabta oo qabsoomay shalay ayay hadhaysay xiisada ka jirta dalka Libya iyo muranka u dhaxeeya Wadamada Ethiopia iyo Masar. Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dalka Qadar, oo ah waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacada Carabtu, waxay diideen inay u hogaansamaan go’aanka Jaamacadda Carabta ee taageeraya Masar kiisaska biyaha wabiga Niilka. Dhanka kale, Safiir Ku-xigeenka Koofurta Suudaan ee Itoobiya, David Ding ayaa walaac ka muujiyay cabashadii labaad ee Masar oo ay u gudbiyeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo dalbaday in faragelin lagu sameeyo arrimaha GERD. Source
-
Sida ku cad Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr.77/2018), Waxbarashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaaddin kastaa leeyahay. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muwaaddinka siinaysaa waxbarasho ujeeddadeedu tahay in la dhiso “bulsho” ama “ummad” kuna salaysan dhaqanka Diinta Islaamka, aqoon ahaan, anshax ahaan, akhlaaq ahaan iyo cidhibtirka jahliga. Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyada oo ilaalinaysa xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta si waafaqasan shuruucda dhaqangalka ah ee dalka, waxa reebban in carruurta lagula kaco xadgub ama tacaddi jidheed, jinsi, maskaxeed ama niyad ahaaneed ba. Sidaa awgeed, tacaddi kasta oo ka dhan ah ardayda wax loo mari doonaa dariiqa sharciga ah, iyada oo ay reebban tahay in lagu xalliyo habdhaqan kasta oo luminaya daahfurnaanta hab caddaaladeedka dhibbanaha. Sidoo kale, masuul kasta oo qayb ka ah xadgudubka ama tacaddiga ardayga ku dhaca ama sameeya dayac maamul ama qariya xog tacaddi ama ku kaca is hortaag caddaaladeed, waxa lala tiigsan doonaa sharciga. Masuuliyadda ilaalinta iyo bedqabka ardaygu waxa ay saaran tahay maamulka iyo macallimiinta goobaha waxbarasho. Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay faraysaa dhammaan goobaha waxbarasho ee dalka in ay muhiimad gaar ah siiyaan ka warhaynta iyo bedqabka ardayda inta ay ku jiraan goobaha waxbarasho iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, waxa la farayaa maamulka goobaha waxbarasho in ay qiimeeyaan xaaladda ardayga marka uu goobta waxbarasho yimaaddo, arday kasta oo tacaddi la kulmayna ay warbixintiisa u gudbiyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha awoodda sharci u leh si ardaygu u helo adeeg sharci iyo mid caafimaad, iyada oo la ilaalinayo xogta gaarka ah ee wax u dhimaysa sumcadda dhibbanaha. Ugu danbayn, xogaha la xidhiidha waxbarashada iyo bedqabka ardayda, waxa saacadaha shaqada lala soo wadaagi karaa Xarunta Wicitaanka ee WW&S oo ah: 9666. Ilaahay baa mahad leh. Ahmed Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta maamulkaasi. oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaallo magaalad Addis Ababa ee dalka Itoobiya Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yi ” Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida . Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waraaq kasoo Baxdey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo gaartay Puntlandi.com ayaa Aqalka Sare ku cadeeyey in Waraaqihii loo qaybiyey Baarlamaanka hoose aysan ahayn Kuwii ay [...] The post Breaking News— Aqalka Sare oo shaaciyey in Hanaankii Doorashada ee Labada Aqal Saxiixeen Mid aan ahayn loo Qaybiyey Baarlamaanka appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sharci darro ku tilmaamay sharciyo ay ansixiyeen golaha shacabka ama dood ka wadaan. Shuruucdan oo loo saaray guddi ka wada tirsanaa labada aqal ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay guddigu keeneen, sidaa darteedna waxa socda aaney sharci aheyn. Halkan Ka Aqriso Warka Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabweynaha reer Somaliland, ayaa si weyn uga dareen celiyay heshiiskii ka soo baxay dalka Jabouti 22/ 06/ 2020ka ee ku saabsanaa qodobadii ay isla gaadheen Somaliland iyo Soomaaliya. Rayalcaamka shacabka oo ku kala aragti duwanaa, ayaa qaar ka mid ahi u arkayeen in aanay shido ku jirin haddii la aqbalo in inta ka hadhsan siyaasiyiinta xilalka haysa ama iyagoon xilal hayn u ololeeya isku darka labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya. Kuwa aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in Somaliland aanay ahayn quraarad jabaysa oo ay wax yeeli karto dad shacab ah oo ka soo danaysta Muqdisho ama fanaaniin reer Somaliland ah oo bandhigfaneedyo ku soo qabsada dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, sida ay ugu soo qabsadaan dalka Jabouti, xitaa haddii ay maalmaha qaranka Soomaaliya la xidhaan calankooda, sida ay ula xidhaan xafladaha reer Jabouti ama ay kooxaha fanaaniinta ah ee reer Soomaaliya inoola weyneeyaan maalmaha qaranka Somaliland sida 18 May. Aragtida noocan ah kuwa qaba ayaa ku doodaaya in qadiyada Somaliland ay tayay n laga soo dhiraandhiriyo dalka aynu kala baxayno ee 30ka sano aynu dawlada qudha wada ahayn. Fikirka dadkaasi waxa si weyn uga soo horjeeda qaar kale oo aaminsan in qodobada laga soo daba-saaray wefdigeena inuu ahaa dabin loo maleegaayo shacabka reer Somaliland oo lagu niyad jebinaayo si ay hoos ugu dhacdo iimaankii ay ku qabeen in ay noqdaan qaran madaxbanaan oo ay 30kaa sanadood wax walba u hureen. Dhabahaantii waxa faaqidayaasha arrintan ka faaloonayay 2dan cisho ay aaminsan yihiin in fanaaniinta iyo kooxaha ciyaaraha oo is weydaartaa ay qayb ka tahay barnaamijkii Villa Soomaaliya ee ahaa “is dhexgalka bulshada”, ee ay indhawyd xukuumaddeenu inooga degi jirtay, kaasi oo dhalinyaro badani xabsi ku galeen, qaar Somaliland u dhashayna loogu masaafuriyay Soomaaliya. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaynu u deyn doonaa jawaabta arrintan bulshada iyo wakhtiga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka ee guddida doorashooyinka u matalayay xisbiyada mucaaridka ayaa soo gaadhay xarunta golaha wakiiladda. Waxaa ay shir albaabadu u cidhan yihiin oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay kula jiraan, guddida arrimaha gudaha nabadgeliyada iyo difaaca ee golaha wakiiladda Somaliland. Kulan xogwateysiga ah ayaa ah kii labaad ee ay guddidani la qaataan. Xubnahan ayaa la filayaa in la ansixiyo maalinta Sabtida, ee todobaadka inagu soo foolka leh. Source
-
Waxa mar keliya habeen hore saqdii dhexe lagu baraarugay war-murtiyeed ay dawladda Djibouti ka soo saartay shirkii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan qodobo aanay Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti oo shirka martigelisay midkoodna hore u sheegin in la isku afgartay. Warka ayaa lagu baahiyay bogga madaxtooyada Somaliland. Qodobada war-murtiyeedkan oo u muuqda inay dhinaca Soomaaliya dan u yihiin ayaa waxa ka mid ah isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo arrimaha siyaasadda, waxaana dhinacyada la ogolaaday ka mid ah dhaqanka, aqoonyahanada, ciyaaraha iyo ganacsiga. Qodob kale oo xaasaasi ah ayaa isna ku jira oo ah in laba guddi oo ka kala socda labada dhinac ay isla eegi doonaan sidii si wada jir ah loogu maamuli lahaa hawada Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay inuu qodobada maamulka hawadu yahay khalad madbici ah oo ay dawladda Djibouti sixi doonto. Waxase wax lala yaabo ah in bogga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo midka madaxtooyadaba, lagu baahiyay qoraalka ay dawladda Djibouti soo saartay ee uu wasiir Faratoon ku tilmaamay khalad madbici ah. Shalay barqadii oo uu Wasiirku hadlay, ilaa xalay cawayskii dambe ma jiro wax sixitaan ah oo ay dawladda Djibouti ku soo samaysay khaladka madbici ee uu wasiir Faratoon ku dooday. Hadalka Wasiir Faratoon maaha mid u cuntamay oo ay dhagaysanayaan shacabka reer Somaliland intooda badani, sababtoo ah arrimahan uu wasiirku sharaxayaa maaha arrimo siyaasadeed ee waa arrimo masiiri ah, shacabkuna waxa ay masiirkooda u doorteen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Mudane Madaxweyne, waxa ugu horayn lagaaga baahanyahay inaad shacabkaaga u sharaxdo sababta loo qariyay war-murtiyeedkan saqda dhexe la soo saaray, waxa Madaxweyne lagaaga baahanyahay inaad umada u sharaxdo sababta keentay in hawada Somaliland oo keliya la wada maamulo oo dabadeed noqon karta in dheefta ka soo baxdana la wadaago. Mudane Madaxweyne, maxaad ku bedelatay ee ay Somaliland weydaarsatay isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada dhaqanka, aqoonyahanka iyo ciyaaraha.? Maxaa Somaliland faa’iido ugu jira.? Weliba waxa arrimahan lagu beegay xili uu Soomaaliya ka socdo abaabul doorasho oo la doonayo in metelaad looga sameeyo Somaliland. Waa xaajo cusub oo aan hore loogu sheegin dadka reer Somaliland. Madaxweyne, wada hadalku waa daruuri, waana muhiim inay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan, laakiin waxa muhiim ah in dib loo xasuusto mawqifkii adkaa ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qaatay wada hadalada Somaliland, maxaa sababay iyadoo ay dhawr bilood u hadheen in wada hadalku furmo? Mudane Madaxweyne, maalintii aad ka soo laabatay Djibouti waad aragtay dareenkii ay shacabkaagu kugu soo dhaweeyeen. Abaalgudkoodu waa inaad u waranto. Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne, shacabkaagu kaama sugayaan inaad wasiirkaaga khaarajiga u soo dirto oo uu isku dayo inuu dadka qanciyo, waxase ay sugayaan inaad adigu la hadasho oo aad mawqifkaaga cadayso. Maanta oo kale maaha Madaxweyne maalintii aad aamusi lahayd. Geeska Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay ka baxday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay muddo 8 sannadood ku siman gadhwadeenka ka ahayd. Ma jiro war rasmi ahi oo ay dawladda Turkigu ku cadaysay inay faraha kala baxday arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin bidhaamo muuqda oo ka soo baxay dawladda Turkiga ayaa muujinaya isbedelka cusub ee dalka Turkiga. Ugu horayn ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya danjire Olgan Bekar ayaa bartiisa twitterka ka masaxay shaqadiisii ahayd ergayga Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore si cad ugu qoray, sida aad sawirka ka aragtaan. Geesta kale danjire Olgan oo ay wehelisay agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Turkiga u qaabilan Afrika Nur Sagman ayaa 16 iyo 17 June waxay kulamo kala duwan la yeesheen safiirada Soomaaliya iyo Djibouti ee dalka Turkiga, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo arrimo gobalka khuseeya oo aanay faahfaahin. “Waxaanu ka wada hadalnay dalalkayaga iyo arrimo khuseeya gobalka.” Ayay ku tidhi qoraal ay Sagman soo gelisay barteeda twitterka oo ay kaga hadlaysay kulanka ay iyada iyo danjire Bekar la yeesheen safiirka Djibouti Aadan Cabdillaahi. Sidoo kale kulanka ay la yeelatay safiirka Soomaaliya Jaamac Caydiid, ayaa waxay sheegtay inay ka wada hadleen arrimaha dalalkooda, iskaashiga ka dhaxeeya iyo arrimo khuseeya gobalka. Danjire Bekar ayaa isna qoraalo la nuxur ah kuwan Sagman, wuxuu ku baahiyay bartiisa twitterka, waxaana isaga u wehelisa inuu twitterkiisa ka masaxay shaqadii uu Turkiga u qaabilsanaa ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Geesta kale Qunsuliyada uu Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay Somaliland soo gaadhsiisay dareenka taban ee ay ka qaadatay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Djibouti. Isbedeladan muuqda ee Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo tirinayaa wada hadalka uu Maraykanku kala wareegay ee ay dhawaan martigelisay dawladda Djibouti. Labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeya xifiltan siyaasadeed oo qoto dheer. Turkiga ayaa danjire Bekar magacaabay bishii December ee sannadkii 2018, waxaanu socdaalo kala duwan ku yimid Hargeysa iyo Muqdisho. Danjire Olgan Bekar oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo mawqifka Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu qabsoomay Djibouti iyo isbedelka uu ku sameeyay xilka shaqadiisii ergaygnimo ee wada hadaladan ayaanay noo suurtogelin ka dib markiii uu ka soo jawaabi waayay farriimo aanu u dirnay. Hase yeeshee wada hadalkii Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay saqiireen oo uu kala wareegay dalka Maraykanka oo Djiboutina ugu gacan geliyay inay martigeliso. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tagay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa laga dareemayaaa deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi ay ku guul darreysteen xalinta xiisada u dhexeysa laba beelood oo ka taagan halkaasi. Odayaasha labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaga adeegeen dadaallada Galmudug, iyaga oo ku doodaya in la joojin waayey deegaameysi cusub oo weli ka socda deegaankaasi, kaas oo ay isku hayaan beelaha ay u dhexeyso colaada. Sidoo kale maleeshiyaadka labada beel ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi. Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-kaabta dagaallo sokeeye oo u dhexmara maleeshiyaad ku wada sugan deegaanada gobolkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu xabsiga kasii daayay Fanaaniin muddooyinkaan dambe xidhnaa kuwaas oo kala ahaa Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda qaali, waxaana loo heystay in ay kasoo heeseen magaalada Muqdisho kadibna ay ku soo laabteen magaalada Hargeysa. Kadib sii deyntooda oo ay la hadleen Warbaahinta waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay dib u heleen Xorriyaddoodii iyaga oo tilmaamay in ay u mahadcelinyaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda, iyaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Bangiga Adduunka ayaa meel mariyay in la siiyo Soomaaliya lacag dhan $55 milyan oo dollar, kaasoo loogu tala galay kabka miisaaniyadda, xilligan adag oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay Cudurka Covid 19. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay aad uga faraxsan yihiin tallaabadan u qaaday Bangiga Adduunka, waxaana uu xusay inay ku timid habka wanaagsan ay ula shaqeeyaan Hay’addaha dhaqaalaha Adduunka oo ugu horreeyo Bangiga Adduunka. Mr Beyle ayaa sheegay in lacagtan ay ka dhaxeyso dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyay ku guuleystay hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda, waxaana ay ku muteysatay inay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay. Source
-
Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad iyo saraakiil kale oo katirsan guudada 5 aad qeybta 27aad ayaa siwada jir ah ugaaray deeganka kalabeyr oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyneee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmahaan ka jireen shiqaaqoyin qabiil. Maxkamada ciidamada oo ka duuleyso awaamirtii madaxda sare ee dalka ayaa kulan la qaadatay odiyaasha dhaqanka deegankaasi oo ka kooban labada dhinac oo ay dirirtu dhaxmartay. Odhiyaasha dhaqanka deeganka ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay shaqada ay maxkamadu kawado deeganno dhowr ah sida deegaanka jawiil iyo xadka Galgaduud iyo Hiiraan oo maalma kahor ay ku guuleysateen inay hishiis kala dhaxdhigaan dadkii ku dagaalamayay. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo baaritaanno ka bilabi goobta ow dilka ka dhacay ayaa codsaday in sharciga ay gacan ku siiyaan si looga gul gaaro qaswadayaasha. Guddomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamad Amiin Cabdule Aadan ayaa odoyaasha usheegay in cid walba oo isku dayda in ay kiciso shaqaaqa qabiil ay maxkamadu gacan birah ku qaban doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay labo fanaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Hargeysa. Fanaaniinta la sii daayey oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa muddo ka badan labo bil ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaaladaasi. Sababta loo xiray ayaa horey waxaa loogu sheegay inay la xariirto safar ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ku qabteen bandhig faneed, kadibna xabsiga la dhigay markii ay ku laabteen gudaha magaalada Hargeysa. Labada fanaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo u mahadceliyey dadkii ka qeyb qaatay sii deyntooda. Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Somaliland ay ogolaatay isku socodka koonfurta iyo waqooyiga, kadib wahada-hadalladii lagu qabtay dalka Jabuuti. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Somaliland ay xabsiga ka sii deysay Wariyaha caanka ee Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo u xirnaa xukuumadda maamulkaasi.
-
Baanka Aduunka ayaa Soomaaliya ka caawin doono Kasoo kabashada dhaqaalaha Xumada Shanta sono ee soo socota, lacagtasoo Sanadke Shanta sano ee soo socota, Aduun gaaraya [...] The post Dowlada Federaalka oo Bank Aduunka ku cadaadinaysa in lasoo shubo lacago loogu deeqay Soomaaliya, Maxay tahay ujeedku appeared first on . Source
-
Allah u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday, taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowladda goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheikh Cusman Axmed. Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Isbitaalka yallo magaalada caasimadda u ah dalkaasi, taliyaha ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday gudaha Isbitaalka. Allah u naxariistee S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed ayaa ka mid noqday saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Puntland, waxaan xilka taliyaha loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse). Taliya ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghyaha guud ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Qadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayey qodobada ka soo baxay shirkii Jabuuti ayaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday inuu faah faahin dheeri ah kala bixiyo qodobka la xiriira isku socodka Koofurta iyo waqooyiga. Qadar ayaa sheegay in shaku badan uu ka jiro qodobkaasi, islamarkaana looga baahan yahay xukuumadda inay cadeyso qodobkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad badan ay shaki weyn ka qabaan qodobka isu socodka ee lagu soo daray warmurtiyeedka wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. “Xukuumaddu waa in ay caddeysaa qodobka isu socodka Somaliland iyo Koofurta oo shaki weyn ay ka qabaan dadka intooda badan, ma diidin wada hadalka balse nuxurka qodobkaas dad badan kama aysan dhergin oo uma cadda” ayuu yiri xoghayaha Wadani. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la fahmo ujeedada rasmiga ee laga leeyahay qodobkaasi oo uu xusay inuu ka jiro mad-madow siyaasadeed. “Arrintaas waa ay caddahay, balse tan mad-madow siyaasadeed ayaa ka dhex muuqda, in la fahmo wax waliba waxa ay ka dhigan tahay in lagu qanco, marka aad wax fahamtid ayaad diidi kartaa ama yeeli kartaa, waana in aan laga gamban ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay”. ayuu markale yiri, Qadar Xuseen xoghyaha guud ee xisbiga Wadani. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka labada shacab ee koofurta iyo waqooyiga qodobkaas oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga.