Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha ururka 39-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa’uud ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga deegaanada hoos-taga gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya. Daa’uud ayaa xusay in y howlgallo ka fuliyeen deeegaanka Jawiil, islamarkaana uu ujeedkiisu ahaa in la soo qabto kooxo falal amni daro ah ka geystay halkaasi. Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaan amar ku siisay saraakiisha ciidanka in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo deegaanka Jawiil. Ugu dambeyn taliye ku xigeenka guutada 5-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan. View the full article
  2. Madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si loo muujiyo farxadda ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay Maalmaha xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afeworki ayaa socdaal ku tagay dalka Sudan maanta oo Khamiis ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sudan. Socdaalka Madaxweynaha Eritrea oo la sheegay inuu qaadan doono saddex maalmood ayaa waxa uu durtaba kulan la yeeshay Lieutenant General Abdul Fattah Al-Burhan, oo ah guddoomiyaha Golaha Sare ee hoggaamiya dalka Sudan iyo ku xigeenkiisa Lieutenant General Mohammed Hamdan Daqlo oo isaga laftiisu safar shaqo oo saddex maalmood qaatay kaga soo laabtay dalka Ethiopia todobaadkii la soo dhaafay. Kulanka labada hoggaamiye ee dalalka Eritrea iyo Sudan ay yeesheen ayaa diirada lagu saaray xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo wadashaqaynta ay leeyihiin. Hase yeeshee, xiisada xiligan ka aloosan gobolka ee ku saabsan Biyo-xidheenka dalka Ethiopia uu dhisay ee Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD) ee u dhaxaysa dalka Ethiopia, Masar iyo Sudan ayaa la filayaa inay abuurtay socdaalka Madaxweynaha dalka Eritrea uu ku tagay dalka Sudan, isla markaana Ajandaha ay labada hoggaamiye ay ka wadahadlayaan ay ku jirto arinta khilaafkaasi biyaha Wabiga Nile-ka. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay Tirada dadkii Xanuunka Covid_19 laga helay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay. Wasaaraddu waxay sheegtay in 24-kii saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyay 68 Qof, 6 ka mid ahna laga helay Xanuunka. Lixda Qof ee Xanuunka laga helay ayaa dhammaantood reer Somaliland ah, waxayna kala yihiin 5 Rag ah iyo 1 Dumar ah. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 29jir = 3 qof) (30jir ilaa 39jir = 2 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 5 qof iyo Ceerigaabo oo ah 1 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo Lix iyo Konton (156). Source
  5. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Bada iyo kuwa ladagaalanka Argagixaisada. Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Ciidamada soo [...] The post Madaxweyne Deni oo mar kale Tababar usoo xiray Ciidamada Puntland appeared first on . Source
  6. Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Fedraalka,Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacaya Muqdisho horaanta bisha Luuuliya. wariyaha Goobjoog Abdirahman Qaasim Savana ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho,isagoo wax ka waydiiyay aragtidooda ku aadan kulankaas. Halkan Ka Daawo Aragtida Shacabka Muqdisho Iyo Shirka Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Savanna.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Yuusuf Xasan Mursal oo ah guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, islamarkaana ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay. Guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ayaa u sababeeyey go’aankooda in guddiga uu ku si foobay dhex-dhexaad la’aan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeyo arrimaha Soomaaliya inay dib u eegis buuxda ku sameeyaan dhaqaalaha ay siiyaan guddiga doorashooyinka Qaranka, isagoo ku eedeeyey guddigaasi in lacagaha la siiyo ay ku bixiyaan dano gaar ah. Ugu dambeyn dambeyn guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal ayaa waxaa uu sheegay in aan lagu kalsoonaan karin shaqada guddiga doorashooyinka, islamarkaana aan lagu aamini karin qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka qabtaan dalka dhammaadka sanadkan 2020 illaa sanadka xiga ee 2021-ka. View the full article
  8. Wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gaaray Beledweyne ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wasiirka madaxtooyada Hirshabelle Cabdullahi Maxamed Cadow, wasiirro kale oo Hirshabelle ka mid ah, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ka socday ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan amniga, is-dhaxgalka iyo horumarka dadka degan dhulka dowlad deegaanka yo kuwa Hirshabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, ayna dhammeyn doonaan shaqaaqooyinka ka dhacay deegaanADA xuduuda gobolka Hiiraan uu la wadaago is-maamulka Soomaalida. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa mas’uuliyiinta labada dhinac waxa ay wadeen dadaallo nabadeed oo looga hortagayo xiisadaha colaadeed ee ka taagan halkaasi. View the full article
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Khamiis ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Madaxweyne Deni oo saaka safar kooban oo dhanka Cirka ah ku tegay magaalada Boosaaso ayaa tababarka u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF oo mudda 5 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Ciidanka Badda ee ku taalla duleedka Boosaaso. Madaxweynaha ayaa markii uu tababarka soo xiray wuxuu Boosaaso uga sii duulay dhanka magaalada Gaalkacyo halkaas oo kulamo kala duwan kula qaadan doono mas’uuliyiin dowladda iyo bulshada Gaalkacyo. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimka u ah labada maamul. PUNTLAND POST The post Wararka ku xeeran safarka madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta saacado hakad ku jiray ayaa ugu dambeyn ka furmay xarunta baarlamanka, ayada oo looga doodayo matalaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare. Kulanka ayaa hakad galay kadib markii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu is-hortaagay mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas. Hase yeeshee, waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale. Si kastaba, saacado kadib, ayaa Guddoonka baarlamanka uu la kulmay Guddi ka socday Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in maanta laga doodda matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la soo gabagabeeyo, isla markaana maalinta Sabtida cod loo qaado. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa qabay in isla maanta cod la geliyo, balse Guddoonka ayaa diidanaa in codeyntaas in xaalad fowdo iyo qas inay horseedo, waxaana la isla meel dhigay in Guddoonka iyo Xildhibaannadab ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ay caawa shir gaar yeeshaan, Sabtida gelinka horena la ansixiyo. Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo lasoo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno. Wararka qaar ayaa sheegayey in Guddoomiye Mursal uu markii hore doonayey inuu arrintan guddi u saaro, si ay sharci gaar ah uga soo tala bixiyaan, balse xildhibaannada mooshinka keenay ayaa aad uga biyo diiday, kuna adkeystay in la mariyo halkii la marsiiyey xeerarkii hore. Dagaal iyo dood dheer kadib, Mursal ayaa aqbalay codsiga xildhibaanada, kadib markii uu arkay sida ay u tiro badan yihiin iyo inay arrintan ka go’an tahay.
  11. Dhacdo argagax leh ayaa saaka waxa ay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa uu toorey ku dilay walaalkiis. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Kaaraan, waxaana nin lagu magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe. Gurigooda hortooda ayey isku qabsadeen, waxaana Xasan Nuur Ciroobe uu sameeyay inuu la soo baxay toorey, kadibna uu la dhacay Allaha u naxariistee Marxuumka. Illaa 10 mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda, kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka. Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaaraan oo meesha tagay ayaa waayay gacan ku dhiiglaha oo baxsaday, waxaana socota baadi-goobka loogu jiro ninkaasi. Lama garanayo sababta ay isku qabteen ee kaliftay inuu toorey la dhaco walaalkiis oo ugu dambeyn dhintay. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wali ah kuwa ‘aan awood u laheyn’ in ay ka saaraan meelaha ay ku xoogan yihiin ee Al-Shabaab, taas oo u suurta gelisay in Al Shabaab gacan ku hayso qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka. Wasaarada Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa ku xustay warbixinteeda wadaniga ah ee laxiriira argagixisannimada 2019, in ay muuqato in aan guul laga gaarin Al Shabaab ka dib 13 sano oo dagaal ah waxa ayna sanadkii la soo dhaafay fuliyeen in kabadan 1000 weerar oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo waqooyiga Kenya sida ku cad bayaanka Maraykanka. Qaybta Soomaaliya ee sahanka sanadlaha ah ee adduunka ayaa ku qiyaaseysa in Al-Shabaab dhanyihiin tiro ahaan inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 9,000 xubnood. Maalgalinta Al Shabaab ayaa ku maalgalisa howlaheeda “soosaarka dhuxusha sharci darrada ah iyo dhoofinteeda, canshuuraha shacabka iyo ganacsiyada, iyo lacagaha loogu diro xawaalaha Soomaalida,” ayay warbixintu intaas ku dartay. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ma sheegay lacagaha ay u qoondaysay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo inta ay la egtay lacaga soo galaha Xoogga gacansaarka la leh Al Qaacida ee ku sugan Soomaaliya. Howlgallada la bartilmaameedsaday Al Shabaab oo ay fulinayaan cutubyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ee Mareykanku tababaray ayaa lagu sheegay warbixinta in ay u taagan yihiin dagaalka Al Shabaab si ka duwan weerarada kale ee ciidamada qaranka. Laakiin warbixinta ayaan xusin ololaha sii xoogeysan ee weerarada cirka ee ay fuliyeen Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ee ka dhanka ah Xoogga Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya iyo waqooyio barI Kenya. Africom waxa ay fuliyeen 63 shaweerar oo cirka ah sanadkii hore, marka la barbar dhigo 47 sanadkii 2018 iyo 35 sanadkii 2017. Dib-u-habeynta amniga. Mas’uuliyiinta Soomaaliya “waxa ay ku guul darreysteen hirgelinta isbadallada amniga qaranka iyo sharci u dejinta oo gacan ka geysan kara kor u qaadista awoodda dowladda ee sugidda iyo Maamulidda si hufan dhammaan heerarka DFS iyo Goboleedyada dalka,” ayaa lagu sheegay warbixinta. Laakiin waxa ay ku amaantay dowladda federaalka ” in ay raali katahay dadaalada Mareykanka ee lagu hagaajinayo tayada xarumaha booliska ee waddanka oo dhan.” Dowladda Kenya ayaa warbixintu ku tilmaantay “iskaashi Mareykan ah oo raali ka ah” baarista, maxkamadaynta iyo ka jawaabista weerarada Al Shabaab. Sikastaba, warbixintu waxa ay xustay in ciidamada amaanka Kenya lagu soo wargaliyay in ay ku xad gudbeen xuquuqul insaanka howlihii la dagaalanka Al shabaab, Xadgudubyada loo haysto waxa ka mid ah dilal sharci-darro ah, xiritaan iyo jir-dil. Weerarkii DusitD2 Booliska Kenya iyo ciidamada kale ee dalkaasi ayaa lagu amaanay sida ay ugu jawaabeen weerarkii Janaayo 2019 DusitD2 Hotel. Wax qabadkooda munaasabaddu waxay ahayd “si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee looga jawaabayo halista argagixisada iyo weerarada,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixinta wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Maxkamadaynta Kenya ee dadka argagixisada looga shakisan yahay ay muujineyso horumarin iyo qaladaadka dhacay garsoorada sida ku cad warbixinta Maraykanka. “Maxkamadaynta kiisaska argaggixisannimada ayaa inta badan si tartiib tartiib ah oo aan habooneyn u bilaabma,” warbixinta ayaa sheegtey, iyadoo la tixraacayo in saddexda eedeysane ee hartay weerarkii Westgate Mall ee 2013 ay wali maxkamad ku jiraan dhamaadka 2019. “Guul muhiim ah” oo la gaarey sanadkii la soo dhaafay waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta xukunnadii iyo 15 sano oo xukunno ah oo laba Iiraaniyiin ah oo ku lug lahaa qarixii bambaanooyinka ee sanadkii 2012. Sidoo kale sanadkii hore, maxkamad ku taal Kenya ayaa ku heshay saddex ka mid ah afarta eedeysane in ay ka qayb galeen xasuuqii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015.
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-25062020.mp3 View the full article
  14. Puntland iyo Jubbaland ayaa iska fogeeyey sharciga doorasho ee lagu ansixiyey golaha shacabka iyaga taageeray aqalka sare. Halkan Ka Aqriso Puntland Iyo Jubaland Oo Diiday Habraac Doorashada Puntland iyo Jubbaland oo Iska diiday Habraaca Doorashada Ay Golaha Shacabka Ansixiyeen Halkan Ka Daawo Muuqaal Ku Saabsan Jubaland Iyo Puntland Oo Diiday Habraaca Doorashada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/WHATS-JUB.mp4 Source: goobjoog.com
  15. Farmaajo oo Dowlad Goboleedyada u Diray Casuumaad Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Madaxweynaha Oo Casuumay Maamul Goboleedyada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats-far.mp4 Source: goobjoog.com
  16. Aadan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog Sports ka hadlay qiimihii uu lahaa garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho iyo dib u soo celinta mudo dheer ka dib,isagoo guul u rajeeyay dhallinyarada soo koraysa ee bahda ciyaaraha Dalka. “Stadium Muqdisho waa garoon caalami ah lamana mid ah garoomada ku yaala qaarada Africa waxaan ku faraxsanahay in dib loo soo celiyay” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay laacib Aadam Maxamed. Waxa uu sheegay in Stadium Muqdisho uu ku dheelay,isagoo ka tirsanaa kooxdii Badda waqtigii barisamaadka wuxuuna intaa ku daray in xili qurux badan ayuu ku soo qaateen tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho. “Waxaan ku dheelay ciyaaro badan oo xasuus ii leh,waxaana ka mid ahaa kulankii aan kula dheelnay stadium Muqdisho naadiga reer Uganad ee Kampala City Authority 1970,isagoo ku tilmaamay in ay ku soo qaateen waqtiyo wanaagsan oo kala duwan” ayuu hadalkiisa raaciyay laacib hore Aadam Maxamed. Laacibkii hore Badda Adam Ibraahim ayaa Goobjoog u sheegay in iminka ay jirto garoomo la’aan,balse hadii la helo qeybaha uu ka kooban yahay Stadium Muqdisho laga bixidoono garoomi yarida ka jirta Muqdisho. “Hadii si wanaagsan loo dhameystiro gegida Stadium Muqdisho waxaan helaynaa tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo qeyb ka noqon kara horomarka iyo guulaha ciyaaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raacyay xidihii hore naadiga Badda Aadan Maxamed Ibraahim. Si kastaba ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay soo celinta garoonka Stadium Muqdisho,iyagoo u mahad celiyay cid walba oo ka kaalin ka qaadatay quruxda iminka ka muuqata Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Laacib Aadam Siiyay Goobjoog,Isagoo Ka Hadlay Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in sanadkan maalmaha xoriyada darteeda Dowladda ay daahfuri doonto mashaariic waa- wayn. Halkan Ka Daawo Wasiir Maareeye Oo Warbaahinta La Hadlay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-xyir.mp4 Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay Kulanka golaha wasiirada maamulkaas oo ka qabsoomay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo looga warbixiyay kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay Amniga gudaha Galmudug iyo Arrimaha dowladaha hoose. Sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in kulankaas looga hadlay dekedaha iyo kalluumaysiga iyo arrimaha boostada iyo isgaarsiinta Galmudug. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii golaha wasiirada Galmudug? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyey dilkii xalay loo geystay, Xamdi Cabdullaahi oo aheyd gabar dhalinyaro ah oo ku nooleyd magaalada Muqdisho. Magaca askariga dilkaa geystay ee la soo qabtay ayaa waxaa saraakiisha ammaanka ay innoogu sheegeen, Dable Cabdi Cali Guuleed, kana tirsan ciidanka xoogga, kaasi lambarkiisu uu yahay No:1272 XDLS. Sidoo kale saraakiisha aan la hadal-nay oo ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay inay haatan baaritaano dheeraad ah ku hayaan askarigaasi, islamarkaana ay soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga. Allaha u anaxariistee Marxuumad Xamdi ayaa xilliga la dilayey saarneyd Mooto Bajaaj mareysay agagaarka Warshadii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan. Qaar ka mid ah ehelladeeda ayaa sheegay in xilligaas ay Xamdi ka timid goob lagu qurxiyo dumarka oo ay ka shaqeyneysay, iyada oo ay ku tiirsanaayeen qoyskeeda. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, iyadoona ay weli socdaan baaritaanadeeda. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.
  20. Xisbiga Aminga Iyo Cadaaladda Oo Eedeyn U Jeediyay Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xisbiga Aminga Iyo Cadaaladda Oo Eedeyn Guddiga Doorashooyinka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sh.mp4 Source: goobjoog.com
  21. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmada Bulo-Burte iyo kuwa saldhigga Booliska ee degmadaasi. Wariyaha Shabelle ee Beledweyne, Cabdiwaaxid Maxamed Aadan ayaa soo sheegaya in dagaalka uu weli socda, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaaasi iyo sidoo kale waxa uu salka ku hayo. Wixii soo kordho kala soco: Radioshabelle.com View the full article
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna. View the full article
  23. Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlaayey diyaargarowgii loo soo galay xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya ku qabtay xarunta Wasaaadda ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka,oo ka hadlaayey diyaargarowga xusaska todobaadka xoriyadda, waxa uu caddeeyey in dabbaaldegyada sanadkaan ay yihiin kuwo loogu talagalay in dadka Soomaaliyeed lagu tuso waxqabadka dowladda ee sanadihii tagay iyo furitaanka mashruucyo dib u dhis ah oo laga hirgaliyay gudaha dalka. Wasiir Maareeye, waxa uu qiray in sanadkaan uu yahaysanadkii soo kabashada dalka iyo dadka,sidaa daraadeedna lagu guuleystay horumarinta adeegyada bulshada,soo celinta amniga,helitaanka dugsiyo waxbarasho oo lacag la’an ah,soo celinta awooddii dhinaca arimaha dibadda iyo kuwo kale. Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in si farxad leh ay uga qeybqaataan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,isagoo sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyadana ku dhiirigaliyay in la weyneeyo xusaska todobaadka xoriyadda. Ugu dambeyntii Wasiirku,waxa uu hambalyo ku aadan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda aawadeed,u diray guud ahaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. View the full article