-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Wakiillada Puntland ayaa laalay heshiis is-afagard ah oo ay 2011 wadagaleen Puntland dowladda Seychelles Fadhi ay maanta yeesheen Baarlamaanka Puntland oo shir-guddoomiyey Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa yaa Goluhu dood dheer ka yeeshay xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland, kadib markii ay shalay warbixino ka dhageysteen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland Iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta. Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay in la laalo heshiiskii is-afgaradka ee dhexmaray Seychelles iyo Puntland, kaas oo la galay bishii 15 Maarso, 2011. Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa Guddi farsamo u saaray ka shaqeynta sii-deynta Maxaabiista Burcad-badeedka ugu xiran xabsiyadda Puntland. PUNTLAND POST The post Heshiis dal Shisheeye iyo Puntland wadagaleen oo Baarlamaanku laalay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ku soo korortay dalka, kadib markii uu shalay is-casilay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre. Xasan Sheekh ayaa muujiyay in tani looga gol leeyahay muddo kordhin ay Villa Somalia qorsheynayso, ha yeeshee muddo kordhin aan dastuuri ahayn waxaa uu ku sheegay mid aan gebi ahaanba ikhtiyaar ahayn. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in loo hoggaansamo dastuurka ay tahay khad cas, oo aanu qofna ahayn in uu isu dayo inuu ka gudbo. “Muddo kordhinta aan dastuuriga ahayn gebi ahaanba ma’aha ikhtiyaar. Sidoo kale isku dayga dib u dhaca, keliya waxay kaga sii dareysaa xaaladda. Waa khad cas qofna maaha inuu isu dayo in uu ka gudbo. Si kastaba ha-ahaatee xaaladda waxaa ay u muuqataa mid gud-cur ah, waxaanse hubaa in dadka Soomaaliyeed ay mar walba ilaashan doonaan shumaca rajada,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in fursado badan loo khasaariyay dib u dhiska Soomaaliyada cusub, balse uu maanta jiro nidaam uu muujiyay inuu horu-socodkeeda caqabad ku yahay. Xasan Sheekh ayaa ugu dambeen ku taliyay in caqligu shaqeeyo, isla-markaana laga wada shaqeeyo, sidii dalka loogu hoggaamin lahaa is afgarad siyaasadeed, isla-markaana ay doorashadu noqoto mid loo wada dhan yahay. “Fursado badan ayaa loo lumiyay taariikhda dhismaha ee Dowladnimada Soomaaliya, maantana waxaa jira mid cusub oo ah hoggaanka haataan jira, waxaana loo baahan yahay go’aan caqli leh, si loo gaaro is afgrad siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo helo doorasho waqtigeeda ku haboon, lana aqbali karo ku dhacda.” Ayuu yiri Xasan Sheekh. Danleyda Siyaasadda ee dalka ayaa qaarkeed Villa Somalia ku eedeysay inay xusul-duub ugu jirto, sidii ay mudada u dheereysan laheyd, taasoo ayna ku sheegeen mid uun qalalaase siyaasadeed u horseedi doonto dalka.
-
Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa go’aanka lagu ceyriyey Xasan Kheyre ku sheegay fursad la seegay isaga oo ku adkeystay doorasho la isla ogol yahay, oo waqtigeeda ku dhacda. Xasan Sheekh oo goordhow qoraal soo dhigay bartiisa Twetterka ayaa yiri “”Fursado badan oo la seegay ayaa soo maray taariikhda dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo maanta uu mid cusub sameeyey hoggaanka jira. Waxaa loo baahanyahay go’aan xikmad leh si loo dhiso is afgarad siyaasadeed oo horay si wadajir ah loogu dhaqaaqo qabashada doorasho la aqbali karo, oo waqtigeeda ku dhacdo” Dhanka kale, waxaa uu ka digay waqti kororsi sharci darro ama xeelad kasta oo doorashada lagu daahiyo waxaa uuna yiri “Muddo kororsi aan dastuuri aheyn ma aha ikhtiyaar furan, sidoo kale xeelad daahis ah waxay xaaladda xun ka dhigeysaa midda ugu xun. Waa jidgooyo aanu qof isku dayin inuu ka gudbo. Si kasta oo xaaladdu ugu muuqato mugdi waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay si shidi-doonaan shumaca rajada”. Arrimahan ayaa imaanaya kadib markii shalay ay golaha shacabka ay madaxweyne Farmaajo si fudud uga hor wareejiyeen ra’isul wasaarihii loo heystay midkii ugu awoodda badnaa 20-kii sano ee la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mobile platform helps Mandera traders know commodity prices
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The business community in Mandera County and across the border in Somalia and Ethiopia are now able to know market prices of commodities by use of mobile phones. Source: Hiiraan Online -
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay waxa ay ugu yeereen habka qaloocan ee madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka u mareen ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaas oo sii hurinayo xaaladda qasan isla markaana uu laalayo heshiiskii Dhuusamareeb ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. ” Habkan qaloocan waxaa uu dib u celinayaa dib u habeynno badan oo ay taageereen Mareykanka. Xasiloonida Soomaaliya, amniga iyo barwaaqyo waxaa lagu gaari karaa uun wada hadal, wada shaqeyn iyo isu tanaasul dhex mara hoggaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. Mareykanka waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan doorasho laga wada tashtay iyaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileyda iney ka shaqeeyaan xasiloonida, amniga iyo inuu miro dhalo shirkii Dhuusamareeb. Ugu dambeyntii, Waxaa ay Mareykanka u dhaarteen kuwa ay ku sheegeen “ku wax haleeya” iyaga oo yiri ” Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa wax haleynaya isla markaana caqabad ku ah horumarka laga gaaray xasiloonida, amniga, dowlad wadaagga iyo barwaaqada Soomaaliyda. Ma dooneyno in Soomaaliya jid qaldan lala aado” . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Farsama yaqaanada xoogsatada ee soo saara alaabta laga sameeyo geeddaha la qoray, biraha la tumay iyo qalabka kale ayaa ah warshadaha kallya ee xiligaan ka shaqeeya Somalia, kuwaasi oo aysan jirin meel ay ka tirsan yihiin iyo dowlad madasha. Qalabka ay soo saaraan farsamayaqaanadaan la ciilay lana heyb soco ayaa shacabka u leh munaacafaad nolosha ku xeran, waxayna soo saaraan alaabta guryaha, tacbashada beeraha, xoolaha iyo alaabta kale ee maacuunta sida midiyaha, maacuunta iyo in kale oo badan. Mududii burburka ee nidaam la’aanta ilaa iyo iminkana waxay yihiin warshada kaliya ee dalka ka howlgala ee buuxiyay kaalintii dowladnimada. Xoogsatada biraha iyo geedaha farsameeyo ayaa Soomaalida inteeda kale takoor kala kulma, waxayna arrintaani tahay mid soo jireen ah oo dhaqanka iyo diinta Islaamka raad ku laheyn, balse sanadihii danbe u muuqatay mid kasoo yara dabceyso fahamkaasi qaldan.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudayaanasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka digay Doorashooyin dambe oo dib u dhaca, waxaanu ku taliyey in xal deg-deg ah laga gaadho wax kasta oo dib u dhigi kara. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddo 15 sanno ah ayaanu Golaha Wakiillada joognay oo Doorashadii 2005-kii Doorasho ka dambaysay oo dhacday ma jirin oo dhinaca Doorashada Wakiillada ah, marar badan muddo kordhin ayaa naloo sameeyey, kadib markii ay qabsoomi wayday, sidaas darteed anaga Gole ahaan lexe-jeclo nagama hayso in aanu sii fadhino kuraasta, ee wax kasta oo lid ku ah Doorashooyinka ha laga heshiiyo, oo xal ha laga gaadho, cid kasta oo cabasho iyo tabasho qabtana ha la qanciyo”. Mar uu ka hadlayey maalmaha fadliga badan ee lagu jiro ayaa yidhi “Mid ka mid ah rukunnada iyo tiirarka islaamka oo ah waajibaadka xajka ayaa maalmo koobani inooga hadheen, maalmo khayr badan baynu ku jirnaa, inkasta oo aan xanuunka Koronuhu uu sabab u noqday in aan la soo xaji karin, haddana guud ahaan umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogto waan u ducaynayaa, waxaana ILLAAHAY inooga baryayaa inuu inoo naxariista, jidka toosana uu mar kasta inagu rido” Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni) ayaa ka warbixiyey safar dhulka ah oo uu uga amba-baxay magaalada Dhuusamareeb, kuna gaaray magaalada Gaalkayo ee gobolka Mudug. Ugu horreyn Siciid Deni ayaa ku boggaadiyey ciidamada Galmudug, sid weyn ee ay uga shaqeeyeen amniga waddooyinka isku xira gobollada Galgaduud iyo Mudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is-dhexgalka siyaasadeed iyo bulsho ee maamullada Putland iyo Galmudug uu ka dhashay xasilooni muuqata “Is dhexgalka Siyaasadeed iyo tan Bulsho ee Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhashay xasiloonida muuqata, waxa dhiman waxaa lagu gaari karaa in la kordhiyo wada shaqeynta iyo isku xirnaanta oo ah habka kaliya ee looga adkaan karo falalka liddiga ku ah xasiloonida” ayuu yiri Deni. Dhanka kale Waxa uu bogaadiyay in lasii kordhiyo wada shaqeynta xasiloonida Magaalada Gaalkacyo oo Koofur iyo Waqooyi kala maamulaan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, marar hore waxaa ku dagaalamay maleeshiyo beeleedyo hubeysan. Hadalkan ayaa ku soo adaaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay Siciid Deni uu ku sugnaa deegaanada Galmudug oo kulamo kala duwan kula qaatay madaxda maamulkaasi, sidoo kalena uu uga qeyb-galay shirkii magaalada Dhuusamareeb.
-
(SLT-Muqdisho)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aankii kalsoonida ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kagala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aankii kalsooni kala noqoshada Ra’iisul Wasaare Kheyre ay aad uga xun tahay, islamarkaana arrintaas ay korseedi karto amni darro iyo khalkhal ku yimaada arrimaha siyaasada dalka. Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in habraac khaldan loo maray xilka qaadistii Kheyre, taasina ay dib u dhac u keeni karto taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Soomaaliya. “Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka Safaaradda. Mareykanka ayaa shaaciyay inuu sii wadayo taageerada uu ka geysanayo sidii doorasho dalka Soomaaliya ay ugu dhici laheyd waqtigii loogu tala-galay, taasina ay ku timaado wadatashi iyo wadahadallo ay yeeshaan saamileyda siyaasadeed ee dalka. “Safaarada maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda” ayaa la sii raacsiiyay Qoraalka Safaaradda Mareykanka. Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira iyo Golaha Shacabka ugu baaqday inay fuliyaan heshiisyadii bilowga ahaa ee lagu gaadhay Shirkii Magaalada Dhuusamareeb. Source
-
Mogadishu (PPM) — In a strongly worded statement the United States Embassy in Mogadishu described the resignation of PM Hassan A. Kheire as one fraught with irregularities. “The U.S. Embassy regrets the actions of the President and Lower House of Parliament to withdraw confidence in Prime Minister Ali Hassan Khayre and his government, which heightened political tensions and undermined the ongoing process of dialogue and negotiation between the Federal Government of Somalia, Federal Member States, and other key stakeholders” reads the statement. In a tweet the United States Embassy used the word ‘spoiler” as in “ spoilers ≠ tolerated“ apparently aimed at the Presidency and the Parliament. “The US Embassy interfered in the Somali political process by criticising the Somali Parliament and using words that tarnish the integrity of Somali political leaders” said Hassan Ali Yare, a retired civil servant. Mohammed Mursal, the Speaker of the Somali Federal Parliament, cited a failure to prepare Somalia for one person, one vote elections as the main reason the Federal Government lost the Vote of Confidence yesterday. The Federal Parliament insists on the primacy of the Electoral Law as opposed to the repeat of the 2017 Indirect Elections favoured by some Federal Member States. The US Embassy in Somalia has long been viewed as being partial to leaders of the Federal Government of Somalia. Its change of stance this time round to imply the Presidency and the Federal Parliament are spoilers may earn Ambassador Donald Yamamoto few friends in Somali politics. “ It is absurd to argue our legislatures are independent when a foreign embassy harangues our MPs” said Aweys Mumin, an undergraduate student in Mogadishu. Mohamud Dahir, a supporter of the umbrella of Somali opposition parties, begs to differ. “Donald Yamamoto has given the Federal Government a free reign by endorsing its policies. His call for consensus by stakeholders will not be taken seriously” Dahir told Puntland Post. The US Embassy in Somalia stands accused of seeking to damage the credibility of the Somali Federal Parliament. Recently, Ambassador Yamamoto made a diplomatic gaffe when he told a Westpoint counterterrorism periodical that USA was a partner of Ethiopia when, in 2006, the later invaded Somalia to overthrow the Union of Islamic Courts. “Yamamoto did not even mention the former Transitional Federal Government in whose defence Ethiopia partly justified its invasion in 2006” said Mumin. © Puntland Post Monthly, 2020 The post US EMBASSY FINDS FAULT WITH WITHDRAWAL OF CONFIDENCE IN SOMALI PM appeared first on Puntland Post.
-
Mareykanka oo ka horyimid xil-ka qaadistii R/wasaare Khayre
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
War qoraal ah oo ka soo baxay Danjiraha Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa looga hadlay go’aankii Golaha Shacabka codka kalsoonida ugula noqdeen Xukuumaddii Xasan Cali Khayre. Safaaradda ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay xaaladda doorashada dalka, iyada laga tusaalo qaadanayo ficilka dastuuriga ah oo ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, waqti lagu guda jiro kala guurka Dowladda. “Safaaradda Mareykanka waxay ka qoomameyneysaa ficillada Madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka si ay meesha uga saaraan kalsoonidii ay ku qabeen Ra’iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo Xukuumaddiisa, taas oo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka iyo wadahadalka u dhexeeyay DFS iyo DG xubnaha ka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda mareykanka ee Soomaaliya. “Tallaabadaan waa mid sababi karta dib u dhac doorasho, walwal laga muujiyo mustaqbalka Doorashooyinka Soomaaliya, Xasiloonida iyo barwaaaqada, dib u dhaca hirgelinta howlo badan oo Xukuumadda horyaalla” ayaa hadalka lasii raaciyay. Safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqday in aan laga maarmin iskaashi, isu tanaasulid, isu duwin iyo ku dhiiranaanta hirgelinta howlaha laga doonayo in ay sameyso Dowladda Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay hirgelinta Doorashada 2020/2021-ka. “Samaynta qaab doorasho oo laga wada shaqeyn karo oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa dhammaan daneeyayaasha in ay si iskaashi leh ula shaqeeyaan ayna raadiyaan tanaasul si loo yareeyo halista qalalaasaha dastuuriga ah. Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa DFS, DG xubinta ka ah federaalka, Baarlamaanka iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo ku dhawaaqay mooshinka, isla markaana codka geliyay waxa uu sheegay in Xukuumaddii Xasan Cali Khayre kalsoonida kala noqdeen, kadib markii go’aaankaas u codeeyeen 170-Xildhibaan. View the full article -
Xasan Cali Khayre: “Anigoo dalka u turaya ayaan is-casilay”
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in xilka laga qaaday loo maray waddo aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana hareermarsan dastuurka dalka. Khayre oo muuqaal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay aheyd sharci-darro isla markaana aan loo marin hab-raaca saxda ah ee xil ka qaadista xukuumadda. Waxa uu ku adkaystay in xil ka qaadistiisa aysan xitaa ku jirin ajandihii kulanka Golaha Shacabka balse uu hadda qaatay in uu iscasilo isaga oo sida uu sheegay u turaya dalka isla markaana aan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. “Aniga oo og in waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci-darro, aan loona marin hab-raacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, aniga oo og in aanay ku jirin ajendaha, aniga oo og in aan laga doodin, aniga oo og inaan loo codeyn, aniga oo og in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay,” ayuu yiri mudane Khayre. ‘Dalka ayaan u turay’ Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intaasi ku daray inuu doonayo inuu tusaale u noqdo umadda: “Aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed…mid dhaqaale, amni iyo bulsho ayaan sida ummadda Soomaaliyeed igu baratay, waxaan u noqonayaa tusaale, inaan marna halkan xukun u joogin laakiin aan u joogay inaan shacabka Soomaaliyeed u adeego,” Khayre ayaa ku adkaystay in muhiimaddiisu ay tahay in dalka la badbadiyo “Dalkan rajo ayaan ka leenahay kulligeen, dalka ayaa kulligeen innaga weyn, cid waliba waa in ay aqbashaa in dalka loo turo, maanta waa maalinteydii aniga ayaa u turay dalka.” Hadalka Khayre ayaa imaanaya saacado ka dib markii xildhibaannada Golaha Shacabka ay cod uu khilaaf ka dhashay u qaadeen kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu hoggaaminayay Khayre. Sidoo kale, muddo kooban kaddib, ayuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in uu aqbalay go’aankaasi baarlamaanka, wuxuuna Mahdi Guuleed u magacaabay in uu noqdo ra’iisulwasaare ku meel gaar ah. ‘Howlo badan ayaan qabtay’ Kheyre waxa uu sheegay in muddadii uu xilka hayay, xukuumaddii uu hoggaaminayay ay dib u habaysay ciidammada qaranka, nidaamka maaliyadda dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa, bixinta mushaarka shaqaalahala iyo ciidammada, dowlad wanaag iyo soo celinta sida uu sheegay sharafta Soomaaliyeed. “Muddaasi saddexda sano iyo barka ah, xukuumadda iyo aniguba waxaan ku guuleysannay hawlo waa weyn. Waxaa ka mid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxal gal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin in ay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri. “In aan dib u habeyn ballaaran ku sameynay nidaamka maaliyadda dalkeenna oo dunidu noo soo istaagtay, soo celinay kalsoonidii uu caalamku nagu qab, taas oo inoo saamaxday in la inaga cafiyo deyn lagu lahaa dalkeenna muddo dheer. Dedaalkaasi waxa uu ku dhacay soo jeed iyo iyadoo la geliyay wakhti badan,” ayuu yiri Kheyre oo ka hadlayay waxa ay xukuumaddiisu qabatay muddadii ay xilka haysay. Dhanka kale waxa uu Xasan Cali Khayre ku dheeraaday sida ay xukuumaddiisu musuq maasuqa ula dagaalantay, meelmarinta shuruuc badan iyo bixinta mushaarka shaqaalaha dolwadda iyo arrimo kale. “Waxaan la dagaallanay musuqmaasuqa, waxaan gudbinnay shuruucdii ugu badnaa ee xukumadi ay gudbiso, waxaan ku guuleysannay mushaarka shaqaalaha bixinteeda iyo mushaarka ciidanka oo bil waliba laga soo billaabo Janaayo 2017-kii oo qof waliba qaatay. Waxaan ku guuleysannay dowlad wanaag iyo amaano, waxaan ku guuleysannay annaga oo dib u soo nooleynay sharaftii ummadda Soomaaliyeed.” ‘Muddo kororsi baan ka digayaa’ Ka sokow in uu u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay in uu fursad u siiyay in uu u shaqeeyo shacabka, haddana Khayre waxa uu u muuqday in madaxweynaha iyo Golaha Shacabkuba ku eedeynayo in ay doonayaan muddo kororsi, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay horseedi karayso qalalaaso siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale. Waxa uu ka digay muddo kororsi, isaga oo ku baaqay in doorashadu ay ku dhaqco xilligii loogu tala galay, waxa uuna sheegay in laga maarmaan ay tahay in la ilaaliyo nidaamka awood isku wareejinta dalka oo si dimuquraadi ah u dhacda. Kheyre waxa uu sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ka shaqeeyay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho isla markaana looga fogaan lahaa muddo korarsi. Waxa uu intaasi ku daray in xukuumaddiisa ay ka soo shaqeysay kulankii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo madaxda maamul-goboleedyada. “Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka…si go’aan loo dhan yahay looga gaaro doorashada hadda dalka ku soo fool leh.” Haseyeeshee waxa uu sheegay in wali uu jiraan dad ku fikirayo muddo korarsi, arrintaa oo sida uu sheegay salka ku haysay xil ka qaadistii ay xukuumaddiisu ku sameeyeen Golaha Shacabka. “Inkasta oo kulamadii Dhuusamareeb horumar fiican laga sameeyay, haddana waxaa muuqata in wali uu socdo fikirkii ku aadanaa muddo korarsiga oo salka ku hayay wixii ka dhacay Golaha Shacabka. Fikirkaasi oo aan mar hore ka digay oo aan aaminsanahay in uu keeni akro khalkhal siyaasadeed, dalkana dib u celin karo, ayaa waxaan mar kale xasuusinayaa ummadda Soomaaliyeed, in dalka afartii sanaba ay mar doorasho ka dhacdo, iyadoo xukunka yahay qori isu dhiib in ay tahay dhaqan sax ah oo dalkan lagu bartay oo ay tahay in kulligeen aan ilaalinno,” ayuu yiri Khayre. View the full article -
(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabku ay xilka ka qaadeen, ayaa sheegey isaga oo ilaalinaya danaha dalka iyo duruufta jirta in uu u hoggaansamey go’aankii aan sida sharciga waafaqsaneyn uga soo baxay golaha shacabka. Raysal wasaare Kheyre oo oggolaadey go’aankii baarlamaanka ayaa yidhi: “Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro ahaa, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha, anigoo og in aan laga doodin, Aniga ooog in aan la codeyn hadana wxaa go’aansaday inaan umadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii Umadda Soomaaliyeed u haayay” Source
-
On July 25, 2020, the Federal Parliament of Somalia (House of the People) ousted Prime Minister Hassan Ali Khaire in a vote of no confidence. Khaire was the longest-serving Prime Minister since the fall of the Somali state, and his tenure was marked with many noble achievements. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-26072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee la sheegay in kalsoonida loogala noqday xukuumadda Xasan Cali Kheyre waxaa soo xaadirtay 179 xildhibaan. Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maaxmed Mursal, waxaa kalsoonida in lagala noqdo xukuumadda u codeysay 170 xildhibaan, waxaana soo hartay 9 xildhibaan. Caasimada Online waxay soo ogaatay magacyada sideed xildhibaan oo si adag uga hor yimid wixii ka socday xarunta ee lagu tilmaamay kalsooni kala noqoshada iyo halka uu ka baxay codka xildhibaanka sagaalaad oo aan isagu dhanba u codeyn. Xildhibaanka aan dhana u codeyn ee ku sugnaa xarunta waa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna wasiirka warfaafinta xukuumadda la riday. Weriye ku sugnaa xarunta xilliga sida dirqiga ah codka loogu qaadayey xukuumadda ayaa Caasimadda Online u sheegay in Maareeye uu soo baraarugay goor dambe, isla markaana uu yiri oo kaliya “oo hadda xukuumadii ma la cunay?” Sideeda xildhibaan ee kale aad ayey uga dagaalameen codeyntii dhacday, waxayna qaarkood sameeyeen gacan qaad, kuwaas oo kala ah. 1 –Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ahna Waiirka amniga xukuumadda la riday ee Ra’iisul wasaare Kheyre, 2 – Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xassan ahna Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda dhacday, 3 –Xildhibaan Cismaan Cabdi Daallo ahna Wasiir ku xigeenka dekadaha iyo gaadiidka Badda, 4 – Xildhibaan Aadan Isaaq Maxamed ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda dhacday, 5 – Xildhibaan Xasan Cabdi (Xasan Firinbi) 6 – Xildhibaan Xuseen Iidow, 7 – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, 8 – Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud. Xildhibaan Aadan Isaaq Maxamed sidoo kalena ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta waxa uu sameeyey gacan qaad isagoo qalan uu gacanta ku hayey xildhibaan kale wajiga uga dhuftay. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ahna Waiirka amniga waxa uu jar-jaray fiilada marafoonkii uu ku hadlayey guddoomiye Mursal, isaga aad u careysan.
-
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan ayaa Sabtidii Shalay Golaha Wakiilada Puntland Warbixin ka siiyay Xaaladda Maxabiista loo haysto Burcad-badeednimada ee ku xiran Xabsiyada Puntland. Xeer Ilaaliyaha ayaa warbixintiisa ku sheegay in uu Sharci-darro ahaa Heshiiskii Puntland loogu soo wareejiyay Maxaabiista ku eedaysan Barcad-badeednimada ee ku xirnaa Waddanka Seychelles maadaama sida uu sheegay Heshiiskaasi ka hor-imaanayay Dastuurka Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland ee Seychelles xukuntay ay ku xiran yihiin caddaalad-darro maadaama uu markii hore ku dhacay xukun cadaaladda ka fog islamarkaan dhammaantood aysan wada-ahayn Burcad-badeed. Xeer ilaaliye Maxamuud Xassan Aw Cismaan wuxuu sidoo kale caddeeyay in Maxaabiista loo haysto Burcad-badeedda ee ku xiran gudaha Puntland aysan gargaar-sharci ka helin Dalkooda maadaama markii laga soo wareejinayay Waddanka Seychelles dhammaantood laga saxiixay in aysan Rafcaan ka qaadan karin Xukunka. Sidoo kale wuxuu xusay in la sii wada daayay Maxaabiistii kale ee Caalamka Burcad-badeednimada ugu xirnaa oo ay ku jiraan kuwii ku xirnaa Seychelles taasina ay Caddaalad-darro ku tahay Maxaabiista weli ku xiran Puntland. Halkaan ka daawo Warbixintiisa PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland oo sharci-darro ku tilmaamay maxaabiista Burcadnimada ugu xiran Xabsiyada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shalay mar kale qaatay go’aan aad u qaraar oo dalka geliyay xaalad siyaasadeed aad u adag. Sharci yaqaanada dalka oo ay ku jiraa xildhibaano ayaa sheegay in maanta Golaha Shacabka markii 3-aad ay galeen qalad weyn oo horseedi kara bur-bur iyo kala tag, waxaana markii lagu daray laba qalad oo horey ay saddexda qalad kala yihiin:- 1 – Golaha Shacabka ayaa bishii June warbixin ka dhageystay guddiga madaxda banaan ee doorashooyinka qaranka, waxayna arrintaas ka hor imaaneysaa sharciga doorashooyinka, oo tilmaamaya in labada aqal ee baarlamaanka oo wadajir ah ay guddiga warbixin ka dhageestaan. 2 – Golaha Shacabka ayaa sidoo kale qaraar u badalay afar xeer oo uu ku jiro xeerka metelaada gobalka Banaadir, waxayna arrintaas ka hor imaaneysaa sharciga doorashooyinka qaranka ee Madaxweynuhu saxiixay oo dhigaya in xeer lagu soo saaro, balse ay u badaleen qaraar. 3 – Golaha Shacabka ayaa shalay ku xadgudbay dastuurka dalka oo dhigaya in Mooshinka Ra’iisul wasaaraha soo jeediyaan ugu yaraan 50 xildhibaan, kadib ajandaha lagu daro, laga doodo, kadibna cod la geliyo, balse intaasba ma dhicin. Arrimahaan oo dhan ayaa laga cabsi qabaa in dalka ay geliyaan bur-bur iyo dhibaatooyin kale oo laga soo gudbay. Qubarrada sharciga ayaa ka digay in dalka loo celiyo xaaladihii adkaa ee laga soo gudbay sanadihii la soo dhaafay.
-
As states adopt measures to halt the spread of Covid-19, an ‘Iron Curtain’ has descended across the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka waxaa sharci darro noqoneysa in madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda u magacaabo sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka. Qodobka 103-aad ee dastuurka dalka waxa uu qeexayaa xil-gaarsiinta xukuumadda ee inta madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo wasiirka koowaad ee xukuumadda bedeleysa. Qodobkaas waxuu dhigayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirrada ay xilka sii heynayaan, iyaga oo shaqada dowladda sii gudanaya illaa xukuumadda lasoo dhiso ay kala wareegto. Qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa u dhigan sidan, “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.” Kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, durbadii Madaxweyne Farmaajo waxa uu sameeyey magacaabis cusub. Madaxweynaha oo wareegtadiisa ku balan-qaaday in uu deg-deg u soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub ayaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed u magacaabay sii-hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, taas oo sida uu dhigayo dastuurku sharci darro ah. Dastuurku waxa uu dhigayaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu shaqada u sii wado si caadi ah, isaga iyo golihiisa wasiirrada, isla markaana uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynuhu, balse ma dhicin. Inkasta oo Kheyre markii dambe is-casilay, haddana madaxweynuhu wuxuu sharci-darrada sameeyey taas ka hor.
