Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Prof Cabdi Isamaaciil Samatar oo u waramaayey Idaacada BBC laanteeda Afka Somaaliga ayaa sheegay in talabadii uu shalay qaaday Barlamaanka Federaalku ay aheyd mid ka [...] The post Wareysi Prof Abdi Ismaacil Samatar : – Dawlad bilaa sharaf ah oo Gacan ku rimis ah ayaa la soo dhisi donaa appeared first on . Source
  2. Soomaaliya oo wajahi doonta xaalad siyaasadeed oo Murugsan+Arrimo laga cabsi qabo Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad cakiran & jahwareer siyaasadeed, kadib markii uu shalay shaaciyay Guddoomiyaha baarlamaanka inay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre. Waxaa aad usii xumaanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka hey’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya. Waxaa hore u istaagay wada-shaqeyntii labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadda soo kordhay in la kala diray xukuumadii dalka, xilli lagu jiro waqti kala guur ah. Go’aanka ay shalay gaadheen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseedaya khilaaf dastuuri ah iyo cabsi laga qabo in uu dhaco muddo korarsi. Dhamaan waxaa istaagay shaqooyinkii wasaaradaha dowladda federaalka, iyadoo aan wax lacag laga bixin karin Bangiga dhexe ee dalka, wasaaradda maaliyadana la dul dhigay amar iyo caqabado kale oo waa weyn. “Tani waxay aheyd qarax is-miidaamin siyaasadeed kii ugu weynaa, waxaana ka dhalan kara caqabado horseeda bur bur iyo dib u dhac,” Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan ay dhalin karto daruufo adag oo aan laga soo kaban karin iyo in dib loogu laabto dhibaatooyinka badan oo laga soo gudbay. Villa Somalia ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ay ku rabto inay muddo kordhin ugu sameyso Farmaajo, iyada oo qiil ka dhiganeysa qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xiligan uu dalku u diyaarsaneyn. Baarlamaanka ayaa Kheyre xilka uga tuuray inuu ku fashilmay in dalka ka dhacdo doorashada ay rabto Villa Somalia, taasi oo haddii si kale loo dhigo noqoneysa in lagu qasban yahay muddo kororsi, marba haddii ay xukuumaddii ku fashilantay doorasho, sida uu rumeysan yahay Guddoomiye Mursal. Mursal iyo xulafadiisa Golaha ayaa iyagu dadaal badan galiyay sidii ay xilka uga tuuri lahaayen Kheyre, iyada oo dabada ka riixeyso Villa Somalia, isla markaana aan si dhab ah u xaqiiqsaneyn xaalada cakiran ee dalka galin karto arrintaasi. Qaar ka tirsan xukuumada Kheyre ayaa si adag uga hor-yimid xil ka qaadista baarlamaanka oo uu ayiday Farmaajo, taasi oo ka dhigan in xaalad adag oo siyaasadeed uu dalku galay, xili lagu muransanaa nooca doorasho ee dhaceysa. Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa hore uga digay in dalka loo horseedo qalaalase siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni kara geedi socodka horumarka iyo dimuquraadiyada Soomaaliya, wallow xiligan laga cabsi qabo muddo kororsi. Qaran News
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, ayaa ka digtay in xafiisyada Nootaayooyinka sharcigu ay sameeyaan qoraallo iyo dhukumantiyo sharci oo dadka loogu kala wareejinayo hanti dowladdu leedahay, tallaabadaas oo ay wasaaraddu ku sifeysay inay tahay mid sharcidarro ah. Sidaasina waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Somaliland, oo soo baxay maalintii Khamiistii, laguna socod-siiyay Nootaayooyinka dalka isku duwayaasha wasaaradda cadaaladda ee goboladda dalka, lana ogaysiiyay agaasimaha waaxda mihnadlayaasha sharciyada iyo marin u helidda cadaaladda, maayiradda degmooyinka dalka, xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka, wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta , wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta, wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan. Ujeedo Reebanaanta kala Wareejinta Hantidda Dowladda ee Nootaayooyinka. “Mudanayaal anaga oo tix-raacayna qoraal naga soo gaadhay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka ee sumaddiisu tahay HAN/GQ/07/068/2020 kuna taariikhaysan 18 July 2020, kaas oo tilmaamaya in Nootaayooyinka Sharciga ah qaarkood ay u qoraan dadwaynaha kala wareejin aan sharci ahayn oo ay ku samaynayaan hantidda dowladda, waxaa laga bilaabo Maanta (Maalintii Khamiistii) oo ay taariikhdu tahay 23/7/2020, Nootaayada u kala wareejisa dadweynaha Hanti Dowladeed, waxaa laga qaadi doona tallaabo Sharciga waafaqsan, iyada oo loo raaci doono Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr 18/2001″ Sidaasi darteed waxaa lagu adkaynayaa Nootaayooyinka in ay ka digtoonaadaan in ay markhaati ka noqdaan falal aanu oggolayn” Ayuu ku yidhi qoraalkaasi agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Iscaaciil. ALLAA MAHAD LEH Source
  4. Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Kheyre – February 23, 2017 Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa muddo saddex sano iyo bar ah ayaa shalay si dhib yar xilka looga tuuray, ma ahan wax cusub marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxda sare ee dalka soo maray labaatankii sano ee u dambeeyey. Tan iyo 2000, Soomaaliya waxay yeelatay 13 Ra’iisul Wasaare, madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaarka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu yeeshay saddex Ra’iisul Wasaare oo kala ahaa Cali Khaliif Galeydh, Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, madaxweynihii ku xigay Cabdullaahi Yuusuf wuxuu isna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere. Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay muddadii uu madaxweynaha ahaa saddex Ra’iisul Wasaare oo u horeeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, si lamid madaxweynihii ku xigay Xasan Sheekh ayaa isaguna magacaabay saddex Ra’iisul Wasaare oo u horreeyay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Cumar Cadirashiid Cali Sharmaarke oo markii labaad Ra’iisul Wasaare ka noqday Soomaaliya. Madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabi doona Ra’iisul Wasaarihiisii labaad, kadib markii ay kala huleeleen Xasan Cali Kheyre oo ay ku faani jireen in aysan is khilaafi doonin, balse dad badan aaaminsanaayeen arrin soo daahday oo mar uun iman doonta. Muxuu eersaday Kheyre? Inkastoo muddo la maqalyay guux ah inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, hadana ma ahayn khilaaf si toos ah u shaacbaxay, basle arrintu waxay bannaanka timid markii ay soo dhawaatay doorashada dalka ee 2020/2021. Xasan Cali Khaeye waxa uu muddo wadey dhoolatus siyaasdeed, basle hadalkii ugu weynaa ee uu eersaday wuxuu ahaa markii shir ay muuqaal ahaan ku yeesheen Golaha Wasiiradaka ka sheegay in muddo kororsi ay horseedi karto qalalaase siyaaasadeed, sidaas darteed ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda. Kheyre waxaa hadalkaas uga jawaabay Madaxweyne Farmaajo oo shuruud uga dhacay doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, waxayna ahaayeen hadaladii ugu horreeyey ee banaanka keena khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Yaa kawada shaqeeyay shirkoolka Kheyre? Sid ay ogaatay Puntland Post, Xasan Cali Kheyer waxaa lagu riday shirqool siyaasadeed oo ay kawada shaqeeyeen dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Madaxdaweyne Farmaajo, Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo boobsiiyay si fudud oo lama filaana. Shirkii Dhusamreeb ayuu ahaa kii loogu dhammeeyey Xasan Kheyre, markii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ku heshiiyeen arrimo aan la soo bandhigin, kaas oo Madaxweyne Farmaajo soo xiritaankii si cad uga sheegay in waxyaabo badan oo aan la sheegi karin uu horgeyn doono Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa is-afagarad wali shuruudo ku xiran tahay la gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana la isla gartay in si hoose loo xaliyo tabashada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inta ka horreysa wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb. Fuley Xantiisa ma Mooga Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilihii u dameeyey u kala qabsanaayeen labo garab oo ay kala hoggaaaminiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Guddoomiyaha Aqalka Hoose Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa kowaad iyo Ra’iisul Wasaare xigeenka Mahdi Guuleed waxay la safanaayeen Madaxweyne Farmaajo, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqal Hoose Mahad Cawad ay la xulufo ahaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre. Bartimihii bishii Jun, Kheyre wuxuu casumaad qarsoodi ah ka helay dalka Qadar oo la safan Farmaajo, sid aan xog ku helnay Qadar waxay Kheyre kala hadashay inuu ka tago xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu Dooxa uga yimid aqbalaad iyo ballanqaad. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Fuley Xantiisa ma Mooga” waxaan murtidan u soo qaadaney in Xasan Cali Kheyre uusan moogeynta xanta ah inuu xilka Ra’iisul Waasarenimo waayi doono, sidaasna uu ugu daneeyay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Marka dib loo milicsado Ra’iisul wasaarayaashii hore ee baarlamaanku riday, waxay riditaankooda laga marijiray rafaad, waxayna gali jireen difaac adag, balse Kheyre waxaa muuqata inuu raali ka ahaa sida fudud ee looga takhalusay iyo aqbalaada uu marmarsiinyaha uga is casilaad. Dacama Farmaajo Madaxweyne Farmaajo waxaa u harsan muddo Lix bilood ah, waxaa xilhayntiisu ku egtahay 7 Feebaraayo 2021, sida muuqata Madaxweynuhu diyaar uma aha inuu dalka ka qabto doorasho ku dhacda xiligeeda. Farmaajo shalay wuxuu dhaliyay goolkii u horreeyay oo u horseedi kara in muddo kordhin loo sameeyo, maadaada ay meesha ka baxday Xukumaddii diidanayd kororsiimaha, ayna wakhti qaadanayso magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub oo soo magacaaba Xukuumadda, kadibna doorasha qabta. Shirka Dhuusamareeb 3, waxaa sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ku heli karaa muddo kordhin dhan ugu yaraan sanad iyo siddeed bilood, waa haddii mucaardka ay qeyb ka noqdaan shirka iyo xukuumadda cusub. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee keeni doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa looga dambeyn doonaa soo xulitaankiisa dowladda Qadar iyo Fahad Yaasiin oo dagaal weyn la galay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Dada badan oo siyaasadda fallaanqeeya waxay leeyihiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka iman doonaa degaanada Galmudug, raga la hadal hayo waxaa kamid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Hadalka Mareykanka Siyaasada Soomaaliya inta badan waxaa saameyn ku yeesha dano shiyeeye iyo hardan ka dhexeeeya dowlado iyo quwado is-haya, Dowladda Mareykanka oo noqotay shisheeyihii ugu horreeyay oo ka hadla xilka qaadista Xasan Cali Kheyre ayaa ka hortimid qorshahaas. Dowladda Maraykanku waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa “Qaswadayaash” ah ee doonaya in ay wiiqaan horumarka, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Dada badan ayaa isweydiinaya waa tuma cidd uu Mareynkaku ku sheegay Qaswadayaasha?, Mareykanka waxaa u muuqday in Turkiga iyo Qadar labaduba qorshe xoog badan kawadaan Soomaaliaya, ayna ku lugeeyihiin xilka qaadistii Kheyre. Xilka qaadista Kheyre ayaa muujisay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed oo soo noqnoqda. PUNTLAND POST The post Daldalaada Kheyre iyo damaca Farmaajo – FAALLO appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho & Qaybo kale oo ka mid ah Somalia oo maanta uu Internet-ku ka maqan yahay+Sababta Waxaa gebi ahaanba hawada ka maqan khadka Internet-ka magaalada Muqdisho, gobolada Hiiraan, Mudug, Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool iyo gobollada Jubbooyinka. Saaka ayey dadka ku waaberiisteen khad la’aanta iyadoo uu saameeyay shirkaddaha xawaaladaha, xarumaha warbaahinta iyo xafiisyada kale oo adeega internet-ka ay ku tiirsanaayeen howlahooda. Lama oga sababta loo waayay maanta Khadka internet-ka hase ahaatee waxaa loo aaneynayaa cilad farsamo oo shirkaddaha Hormuud iyo Global oo ah kuwa inta badan bixiya addeegga Internet-ka. Shacabka Muqdisho ayaa saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa maqnaanshaha adeegga internet-ka haddii uu sii socda, waxaana gebi ahaanba joogsan doono adeegyo badan oo khadka internet-ka ku xiran. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad cakiran oo jahwareer siyaasadeed oo xoogana dhalinaysa, kadib markii uu shalay shaaciyay Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan inay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Kheyre. Waxaa aad usii xumaanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka hey’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya. Waxaa hore u istaagay wada-shaqeyntii labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadda soo kordhay in la kala diray xukuumadii dalka, xilli lagu jiro waqti kala guur ah. Go’aanka ay shalay gaareen xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horseedaya khilaaf dastuuri ah iyo cabsi laga qabo in uu dhaco muddo korarsi. Dhamaan waxaa istaagay shaqooyinkii wasaaradaha dowladda federaalka, iyadoo aan wax lacag laga bixin karin Bangiga dhexe ee dalka, wasaaradda maaliyadana la dul dhigay amar iyo caqabado kale oo waa weyn. “Tani waxay aheyd qarax is-miidaamin siyaasadeed kii ugu weynaa, waxaana ka dhalan kara caqabado horseeda bur bur iyo dib u dhac,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in arintaan ay dhalin karto daruufo adag oo aan laga soo kaban karin iyo in dib loogu laabto dhibaatooyinka badan oo laga soo gudbay. Villa Somalia ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ay ku rabto inay muddo kordhin ugu sameyso Farmaajo, iyada oo qiil ka dhiganeysa qabashada doorasho qof iyo cod ah oo xiligan uu dalku u diyaarsaneyn. Baarlamaanka ayaa Kheyre xilka uga tuuray inuu ku fashilmay in dalka ka dhacdo doorashada ay rabto Villa Somalia, taasi oo haddii si kale loo dhigo noqoneysa in lagu qasban yahay muddo kororsi, marba haddii ay xukuumaddii ku fashilantay doorasho, sida uu rumeysan yahay Guddoomiye Mursal. Mursal iyo xulafadiisa Golaha ayaa iyagu dadaal badan galiyay sidii ay xilka uga tuuri lahaayen Kheyre, iyada oo dabada ka riixeyso Villa Somalia, isla markaana aan si dhab ah u xaqiiqsaneyn xaalada cakiran ee dalka galin karto arrintaasi. Qaar ka tirsan xukuumada Kheyre ayaa si adag uga hor-yimid xil ka qaadista baarlamaanka oo uu ayiday Farmaajo, taasi oo ka dhigan in xaalad adag oo siyaasadeed uu dalku galay, xili lagu muransanaa nooca doorasho ee dhaceysa. Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa hore uga digay in dalka loo horseedo qalaalase siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni kara geedi socodka horumarka iyo dimuquraadiyada Soomaaliya, wallow xiligan laga cabsi qabo muddo kororsi.
  7. Lasanod (PPM) — The Mayor of Lasanod Mr Abdiaziz Hussein Hassan has welcomed the egreement on local and parliamentary elections reached by Somaliland political parties. Abdiaziz H. Hussein ‘Taarwale’: Sool districts are entitied to commensurate parliamentary seats “Regular elections are what can boost the democratic credentials of Somaliland” the Mayor said. Responding to a question about the lopsided representation in Somaliland known by many people as the power-sharing element, the Mayor of Lasanod pointed to anomalies in the distribution of Somaliland parliamentary seats for Sool region. “Political representation is a burning issue among Sool constituencies. Sool has twelve parliamentary seats. Six parliamentary seats go to Aynaba district, the rest of the six seats are shared among three Sool districts: Lasanod, Huddun and Taleh” the Mayor of Lasanod said. Democratic deficit caused by the current system of political representation in Somaliland affects legitimacy of institutions and citizens’ cohesion. The distribution of parliamentary seats in Somaliland dates back to 2001, when Somaliland adopted a multiparty system. Only one district of Sool, Ainaba, was then under the jurisdiction of Somaliland. Since 2010 two presidential elections have taken place in Lasanod, Huddun and Taleh districts. Holding parliamentary and local elections without modifying the current parliamentary seat distribution system that awards less seats to districts in Sool and other parts of Somaliland will deepen the problem of voting without commensurate representation rights. Development aid in Somaliland gets distributed on the basis a constituency’s size. Most parts of Sool remains designated as disputed territories inaccessible to aid workers. The Lasanod Mayor’s views on the democratic deficit will animate debates about the hidebound political system of Somaliland. © Puntland Post Monthly, 2020 The post LASANOD MAYOR CALLS FOR AN END TO DEMOCRATIC DEFICIT IN SOMALILAND appeared first on Puntland Post.
  8. Embassies cannot be sued on behalf of their respective governments, the High Court has ruled in an unprecedented decision by Justice Mary Kasango. Source: Hiiraan Online
  9. Xisbiga Hayaan, ayaa soo dhoweeyay Iscasilaaddii Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, oo xalay si rasmiya u shaaciyay in uu iscasilay, kadib markii Shalay Golaha Shacabka ay sheegeen in ay Kalsoonida kala laabteen isaga iyo Xukuumaddiisa. War-saxafadeed ka soo baxay Xisbiga Hayaan, ayaa sidoo kale ku baaqay in Ra’iisul wasaaraha la soo magacaabayo uu ku yimaado Wada-tashi, Ka fiirsasho iyo Talo loo dhanyahay, islamarkaana wuxuu ka digay mudda kororsi horseedi kara fowdo iyo qalqal siyaasadeed. Xisbiga ayaa Golaha Baarlamanka, Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Saamileeyda Siyaasadda ugu baaqay in aysan marnaba ogolaan Ra’iisul wasaare jeebka lagala soo baxo oo fuliya Dano Shakhsiyadeed. War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan, waxaa sidoo kale loogu mahadceliyay Beesha Caalamka oo sida Xisbigu sheegay mar kasta Garab taagan Bulshada Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Hayaan oo si adag uga digay in Soomaaliya la geliyo fowdo iyo qalqal Siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  10. Somalia congratulated Turkey on Saturday on the reopening Hagia Sophia as a mosque after 86 years. Source: Hiiraan Online
  11. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has appointed Mahdi Mohamed Gulaid as the Caretaker Prime Minister following the removal of Hassan Ali Khaire from the position earlier on Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Two people were gunned down Saturday following a demonstration at the Garissa livestock market. Source: Hiiraan Online
  13. Somali Prime Minister Hassan Khaire resigned on Saturday after MPs passed a vote to impeach him. Source: Hiiraan Online
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ku sugan wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, kaasoo ujeedada socdaalkiisa la xiriirta dhameystirka heshiis bishii June Addis Ababa ku dhex maray Wasiirka warfaafinta xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasaarada warfaafinta Somaliland. Heshiiskaasi oo ku saabsan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa, islamarkaana loo abuurrí lahaa jawi sahlaya xiriir wanaagsan iyo isdhexgalka oo isku soo dhoweeya suxufiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa xukuumadda DF u saxiixay Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” halka Somaliland uu u saxiixay Wasir Cabdinaasir Cumar Jaamac. Waxaa kaloo heshiiskaasi qodobadiisa uu dhigayaa in si siman loo qeybsan lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ay ku taageerto warbaahinta Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta. Xubno ka socday beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskaasi dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiirka warfaafinta xukuumaddii dhacday Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaase ka baaqday ka qeybgalka wajiga labaad ee dhameystirka heshiiskaasi oo xiligaan wasiirka warfaafinta Somaliland uu u joogo Addis Ababa.
  15. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Dhigiisa Galmudug ayaa saaka oo Axada waxay khadka teleefoonka kula hadleen Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele waxayna [...] The post Breaking News-Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo TLF kaga wada hadlay Wixii ka dhacay Baarlamaanka iyo iscasilaadii Kheyre appeared first on . Source
  16. Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan oo magacaabay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee dalka Norway Eng Axmed Maxamuud Faarax . Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba hawada ka maqan khadka Internet-ka caasimada magaalada Muqdisho, gobolada Hiiraan, Mudug, Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool iyo gobollada Jubbooyinka. Saakay ayey dadka ku waaberiisteen qad la’aanta iyadoo uu saameeyay shirkaddaha xawaaladaha, xarumaha warbaahinta iyo xafiisyada dowladda oo adeega internet-ka ay ku tiirsanaayeen howlahooda. Lama oga sababta loo waayay maanta qadka internet-ka hase ahaatee waxaa loo aaneynayaa cilad farsamo oo shirkaddaha Hormuud iyo Global oo ah kuwa inta badan bixiya addeegga Internet-ka. Shacabka Muqdisho ayaa saameynta ugu badan uu ku yeelanayaa maqnaanshaha adeegga internet-ka haddii uu sii socda, waxaana gebi ahaanba joogsan doono adeegyo badan oo qadka internet-ka ku xiran. Shirkadda Hormuud, Global iyo Somtel ayaa ah shirkaddaha ugu awooda badan ee ka howlgala bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee bixiya adeega internet-ka.
  18. Waddan aan weli la xaqiijin hal kiis oo Covid19 ah Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa dadka khasab ku ah in maaskarada wajiga la xirto Kuuriyada Waqooyi ayaa soo werisay waxa ay ku tilmaantay kiiskii ugu horreeyay ee looga shakiyay fayraska corona. Wakaaladda Wararka ee KCNA ayaa sheegtay in qofka looga shakiyay fayraska korona uu toddobaadkii hore ka soo laabtay Kuuriyada Koonfureed kaasi oo muddo 3 sannadood ah ku maqnaa dalkaasi. Hogaamiye Kim Jong-un ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay saraakisha sar-sare ee dalka, kaasi oo bandow loogu soo rogay magaalada xuddduuda ku taalla ee Kaesong. Kuuriyada Waqooyi oo ah dal aanu macluumaadkiisa si sahlan lagu helin ayaa sheegay in hal kiis oo fayraska corona ah aanan laga xaqiijin dalkooda hase yeeshe dadka wax naqdiya ayaa sheegay in warkaasi aanu xaqiiqda ku saleysnayn. Wakaaladda KCNA ayaa intaasi ku dartay in Mr Kim uu sidoo kale bilaabay baaritaan ku aaddan sida qofkaasi uu uga soo gudbay xadka aammaankiisa aadka loo adkeeyay waxa uuna ku hanjabay dadka ku lugta leh arrintani ay ciqaab adag la kulmi doonaan. Dhanka kale Kuuriyada Koonfureed ayaanan soo werinin qof si sharci darro ah uga gudbay xadka maalmihii la soo dhaafay. Kuuriyada Waqooyi ayaa xirtay guud ahaan xadkeeda waxayna muddo lix bilood ah gooni yeeshay kumanaan qof markii uu xanuunlkan saf-marka ah dunida halakeeyaynay. Bilowgii bishaan aynu ku jirno, Mr Kim ayaa ku faanay inuu dalkiisa ku guuleystay sida uu ula tacaalay fayraska corona. Qaran News
  19. This parliamentary coup is a short-term tactical win which carries significant dangers for Farmaajo When too many conflicting interests are at stake in politics, something eventually has to give. Whilst Khaire knew a servile Parliamentary Speaker and Villa Somalia were in each other’s pockets, he probably did not think his ousting would be so brazen without the need for any parliamentary process pretence. The irony of today’s events is that, for most Somalis, the fact that Khaire is out is not necessarily the worst- outcome if it leads to the meaningful change that takes the country forward. Khaire had always been a political cross-dresser who understood little about the expectations of his role. He led a ministerial circus of sycophants, was all form over substance and never stood up for the country’s interest. In trying to frame his ousting as a” resignation in the national interest” Khaire’s attempt to draw strength from a position of humiliation would have resonated had he done so weeks ago when it was becoming apparent the country was heading for a fog political and security uncertainty. It is simply too little, too late. A tactical success but a strategic blunder Whilst today’s coup looks like a tactical win for Farmaajo and buys him more time, it is a strategic blunder which weakens Villa Somalia. By going for the nuclear option, Khaire’s removal takes away Farmaajo’s political buffer but does not remove the dial on a host of pressing political and constitutional issues. The fact the Speaker of Parliament is moonlighting for the highest bidder means he could pull the trick again – this time against Farmaajo or could well be on the receiving end of one himself. What happened in parliament has therefore unwittingly created a far bigger problem for Villa Somalia: parliament’s apparent enthusiasm for Farmaajo will drain way as soon as they can see the best way of securing their interest lies in self-preservation or another earner opportunity arises. We have now opened the door to parliamentary profiteering and factionalism. The other problem for Farmaajo is the political trouble of having to appoint a suitable prime ministerial lackey who is agreeable to many but can also be trusted to deliver on the priorities of his master. Whilst there is no shortage of applicants, the danger for Farmaajo here is that a new prime minster will be keenly aware of the purpose for which he has been recruited and the few precious months he has. He might be tempted to capitalise on the resentment against Villa Somalia to create some political headroom for his future ambition, knowing full well that it would be best not to spend political capital on a weakened president. As Farmaajo would not be in a position to lose another prime minster so soon, a new round of political discord and shadow-boxing will inevitably follow. The longer this goes on, the larger the political hit for Farmaajo. Opportunity in a crisis For those watching this crisis unfold, it is difficult to distinguish the abnormal from the absurd. Rather than focusing on what is in the national interest, Farmaajo will try to set off a war of attrition between communities and grease the Qabiil ideology wheels. In the coming days, we will hear more about how he intends to help the country move forward, and how others should asses the politically advantageous route of term extensions for himself and parliament. Were these sentiments true, the country would have had much to think about. Unfortunately, this is Farmaajo Nowhere who, for almost four years, has done more to divide the country than unite it. It is not that he has tried and failed, but that he has not tried at all. It is a hopeless fantasy to assume this would change in the next few months. There is an important opportunity in this crisis. They say do not interrupt your opponent when he is making a mistake. Farmaajo wants an extension but the political mess he is creating means he is likely to be out before his term is over. Today’s episode highlighted the fact that all of this is an exercise in Farmaajo self-preservation. Rather than getting entangled with the undignified political brawl that Farmaajo wants, leave it to him to tie himself in more political knots. Everyone’s continued unwavering focus must be on timely elections and an alternative to Farmaajo Nowhere. Abdi Ali – Can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  20. Mareykanka oo ay musiibo labaad ku habsatay Sawir satarlyt-ka lagu qaaday oo muujinaya dufaanta Hanna Dufaantii ugu horreysay ee sannadkan 2020-ka ayaa ku dhufatay xeebaha koonfurta Texas. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay waxyeellada ay geysan karto duufaanta Henna oo wadata roobab iyo dabeylo xooggan. Barasaab Greg Abbott ayaa 32 maamul uga dhawaaqay inay ka jirto musiibo, waxa uuna sheegay in fayraska corona uu sii adkeynayo adeegyada gargaarka deg degga ah. Duufaanta Hanna ayaa Sabtidii ka bilaabatay Jasiiradda Padre, waxayna haatan ku faafeysaa inta u dhaxeysa magaalooyinka Corpus Christi iyo Brownsville. Duufaanta oo uu xawaareheedu gaaray ilaa 145km saacadiiba ayaa waxay si xowli ah guryaha uga qaadeysaa saqafyada. Xarunta Duufaannada ee Mareykanka ayaa ka digtay in dhibaatooyinka duufaantan ay ku sii baaheyso qeybo ka mid ah xeebaha Texas. Waxayna xarunta dadka deegaanka ku boorisay iney raacaan hadalka hay’adaha ka shaqeeya adeegyada deg-degga ah. Waxaa la filayaa in duufaantu ay inta baan deegaanka Houston ku dhufuto waa sida laga sigtay warbixinta Houston Chronicle. Dhanka kale Duufaanta Douglas oo wadata dabeylo xawaarahooda gaarayaan 90 mitir saacadiiba ayaa ku soo fool leh Hawaii sida ay sheegtay Xarunta Duufaannada ee Mareykanka waxayna ka digtay in dufaanta ay wadato roobab horseedi kara daadad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay in maamulkiisa ay si dhow ula socdaan duufaannada” Waxaanu sii wadeynaa inaan si dhaw ula sii socono labada gobol,” ayuu yiri Trump. Duufaanta Hanna ayaa ku dhufutay Gobolka Texas oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyinka uu horseeday fayraska corona. In kabadan 380,000 oo kiis ayaa laga xaqiijiyay gobolka halka dhimashadana ay ku dhowdahay 5,000 oo qof. Qaran News