-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa faahfaain ka bixiyey howlgallo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlaglladaas ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa tababarayaasha sare ee Al-Shabaab, kaas oo u dhashay dalka Nepal ee ku yaalla qaaradda ASIA. Saraalkaas waxaa magaciisa lagu sheegay Ashraf Azmi Abu Hamdan, waxaana lala dilay seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa, sida uu sheegay sarkaalkan u hadlay Danab. Taliyaha ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalladaas ka fuliyeen ay kala yihiin Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo dhamaantood hoos taga degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe. Sidoo kale Taliye Ismaaciil oo sii hadlayey waxa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu uu ahaa inay beegsadaan saraakiisha sare ee Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada nuucaan oo kale ah. Arbacadii shalay ayey aheyd markii ciidamada Dana bee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalkaas saraakiishii hoggaamineysay ee Danab waxa ay sheegeen inay ku dileen illa lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta soo macasaaleemay Guulna uu u rajayey Ciidamada Bada iyo Ciudanka sida Gaarka ah u Tababarab ee Ladagaalanka [...] The post Ciidamadii Tababarka loosoo xiray oo howlgal ka dhan ah Argagixisada u ruqaansadey appeared first on . Source
-
DF oo Cambaareysay weerarkii Xuutiyiinta Yemen ee Sacuudiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June, waxaase ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin, waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah. Soomaaliya waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka. Halkaan hoose ka akhriso:- View the full article -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-25062020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay sheegtay inuu qaldan-yahay qodob kamid ah war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in qodobka lagu xusay in labada dhinac ay wada maamulayaan hawada Somaliland, uu yahay qalad ka dhacay xubnihii soo saarayey war-murtiyeedkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha qaladkaasi ka dhacay ee qoray war-murtiyeedkaasi ay raali-gelin ka siiyeen xukuumadooda, isla markaana ay dib u sixid ku sameynayaan. Waxaana hadalka Wasiirka kasoo wareegay muddo ka badan 24-saac ah, ilaa haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti ama dib u sixid lagu sameeyay war-murtiyeedkaasi. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid ka been sheegtay ‘qalad’ ahaanta qodobkaasi, maadama aysan jirin meel si cad loogu soo bandhigay, iyada oo la rumeysan yahay in hadalka Wasiirka lagu dajinayo shacabka reer Somaliland. Madaxtooyada Somaliland ayaa iyadu si rasmi ah u baahisay war-murtiyeedkaasi, iyada oo aan wax sixid ah ama iftiimin ah ku sameyn qodobka uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland inuu yahay qodob qaldan oo aan ku jirin war-murtiyeedka. Madaxda Somaliland ayaa u muuqda kuwo wax badan ka tanaasulay qadiyada gooni isu-taaga ee muddada badan ay ku doodayeen, sida ay aaminsan-yihiin qaar kamid ah mucaaridka Somaliland. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana ay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyada, walow aysan jirin aqoonsi caalami ah oo ay ka heshay beesha caalamka.
-
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda” Halkan Ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo Iyo Hambalyada Todobaadka Xoriyada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-farm.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yidhi af-hayeenku. Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood. Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sanno. Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sanno oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda. Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan. Illaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaadhayo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay saartay ku cambeereysay weerar gantaallo ahaa oo ay kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen Arbacadii ku qaadeen magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudiga. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June” “Gantaalladaas ayaa waxaa ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan.” Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Sacuudiga difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin. “Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in “si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka.” Hoos ka arag qoraalka Soomaaliya
-
MOGADISHU, June 25 (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) on Wednesday killed six al-Shabab militants in an operation in the outskirts of Jamame and Kismayo towns in the southern region, a military officer confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Waa maalin mudan xasuus ay ku dheehantahay xurmayen xeerin xiiso aan go’ayen’ bulsho walba waxay leedahay saacad maalin iyo sanad ku suntan astaan qaran oo muxubo iyo xushmayen iyo qaderin xambaarsan. waxa ku waajib ah in si fiican loo soo dhaweeyo ciidal calanka somaliland oo ku beegan 26 june 1960 oo fooda ina soo saartay viiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiva somaliland national day. sanad guuraagii lixdanaad awguuliyo maalintaa hala soo dhaweeyo oo hala dabaaldego KA REEBAN CUDURDAAR IYO CARQALADEYEN MAXAA YEELAY WAA SUMADA DAL IYO DAD AAN ADUUNKA SAAMIGEENA KU XARDHAN. MUSA AW HASSAN LODOON DUBAI UAE. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta gaaray Gaalkacyo, Madaxweynaha oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan labada Gole ayaa lagu wada inuu Mashaariic Xariga [...] The post Sawiro. Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo Gaaray appeared first on . Source
-
MOGADISHU, Somalia - Somalia has flagged more than 100 Iranian ships fishing illegally in the Horn of Africa country, which boasts the longest coastline in the mainland Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka ka codsaday inay hal mid wada sameeyaan. Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Waxa uu sidoo kale ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah.
-
Magaalada Zwolle oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin jaaliyadaha Soomaalida ee waddanka Nederlands, waxaa muddo ku dhow 2 sanno ka taagan khilaaf kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah taas oo dad badan oo waxgarad ah niyad-jab ay ka muujiyeen. Khilaafkani, wuxuu dhashay markii guddi metala jaaliyada oo muddo 10 sanno ah uu guddoomiye u ahaa C/qaadir Cali oo loo yaqaan [Nuune] iyo xubno ka tirsan isla guddiga uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay in 3 xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa ay dhinac u baxaan, xilkana ka qaadaan guddoomiyaha oo cod aqlabiyad leh ay ku doorteen inta ugu badan Soomaalida dagan Zwolle iyo nawaaxigeeda. Saddexda xubnood ee guddiga ka tirsanaa, xil ka qaadistana ku sameeyey Guddoomiyihii jaaliyada ayaa u doortay Axmed Hayaan inuu jaaliyada madax ka noqdo, taas oo xubnihii kale ee guddiga ka tirsanaa ay u arkeen tillaabo shari darro iyo qar iska xoornimo ah, iyaga oo qaadacay xil ka qaadistaas, sheegayna in ay hogaanka jaaliyada u aqoonsan yihiin C/qaadir, waxaana ay taasi sababtay in 2da guddi oo magaalo qura wada dagan ay 2 goobood kala dagaan, dhinac waliba na uu howlihiisa si habsami leh u wato. Guddiga uu madaxda u yahay C/qaadir Nuune, ayaa haysta aqlabiyadda ugu badan ee jaaliyada sida ay dad badani ictiqaadsan yihiin, haddana qudhiisa waxaa daba socda eedo badan oo loo jeedinayo iyada oo la leeyahay; waa shaqsi keligii ku muraad-qunsada magacii jaaliyada, oo aan doonayn in ay garbihiisa soo buuxiyaan dad aqoon leh, shirarka uu Soomaalida ku metalo na uu kaligii tago, iskana ilaaliyo inay guddiga la soo galaan dad aqoon ahaan u diyaarsan. Guddiga kale ee uu hogaamiyo Axmed Hayaan, inkastoo marka la barbar dhigo dhinaca kale aad looga tiro badan yahay, haddana waxaa aad loogu ammaanaa inay waqti iyo juhdi badan geliyaan in ay caawiyaan caruurta Soomaalida, oo maalin walba oo Axad ah ay ka caawiyaan casharada iskuulaadka iyo barashada dhaqanka iyo diinta, sidaas oo ay tahay qudhoodu ma dhaliil la’a, waxaanna lagu dhaliilaa: in ay yihiin dad fara ku-tiris ah oo gaar uga baxay jaaliyada, markii ay qoonsadeen taageerada iyo kalsoonida ay jaaliyada ku qabaan C/qaadir Nuune oo ah shaqsi aalaaba caawiya qof kasta oo Soomaali ah xittaa haddii uu la soo xiriiro habeen-barkii. Cabbaas Cali Nuur, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aasaasay jaaliyada muddo 26 sanno ka hor, isaga dhowr jeer isku dayay inuu u kala dab-qaado 2da dhinac, si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii ay jaaliyadu muddo ka badan 20 sanno ku soo caana-maalaysay, hasse ahaatee isku dayga iyo niyad-samida Cabbaas waxa ay meelmar noqon waysay markii 2da daraf uu daraf kastaba ka meermeeray in la isku yimaado. “Khilaafka waxaa dhaliyey is afgaran waa u dhexeeya Axmed Hayaan & C/qaadir Nuune, haddii khilaafku yahay wax shaqsi ah xal looma heli karo, hadduu khilaafku yahay danta & maslaxada Soomaalida waxaan oran lahaa waxyaabaha aan isku khilaafsanahay aan iska deyno, oo waxyaabaha aan ku middeysanahay aan isla qabano, kana hormarino danta gaar ah. Dadkii ayaa u kala baxay dad kala raacsan 2-da dhinac, sababtaas waxeey dhalisay in xal loo waayo dhexdhexaadinta & middeynta ururka Jaaliyadda” Ayuu yiri Cabbaas. Dhinaca kale, Maamulka degmada Zwolle [Gemeentehuis], oo ku soo baxay khilaafka 2da dhinac ee Soomaalida ayaa u xilsaaray Wim van Hattum, xalinta khilaafkaasi. Wim, wuxuu sheegay in kala qaybsanaanta guddiga jaaliyada ay sabab u noqonayso dib u dhac soo wajaha kalsoonidii iyo fursadihii degmadu ay siin lahayd dadka Soomaalida ah. “Wax badan ayaa lagu gaari karaa midnimadda, dadku marka ay wada socdaan degmadu waxay siisaa fursado wax loogu qabanayo mushtamaca ay matalaan, fursadahaasi waxaa ka mid ah; tababaro, wacyigelin, guddiga uu metelo Axmed waxay ka faaídeysteen fursado xirfad loogu samaynayo, wuxuuna ahaa barnaamij guul ku dhammaaday” Ayuu yiri Wim van Hattum, isaga oo ku ammaanay Guddiga uu madaxda u yahay Axmed Hayaan kuwa waxqabadkoodu muuqdo, isla markaanna fursadihii ay maamulka degmadu siiyeen kaga faa’ídeystay sidii loogu talogalay.
-
Kadib kulan ay maanta ku yeesheen uqdisho mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen inay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga dalka ee 4.5. Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer-weyne ayaa waxa ay sheegeen in wadanka uu hadda galay nidaam doorasho, beelahana ay isku howli doonaan sidii ay markale uga soo muuqan lahaayeen siyaasadda dalka, iyaguna uu maqan yahay doorkoodiii. Tan iyo shirkii Carto ayey sheegeen in ay ku dulman yihiin nidaamka awood qeybsiga ee 4.5, waxaana ay hoosta ka xariiqeen in haatan wixii ka dambeeya aysan aqbali doonin in xuquuqda siyaasadeed la dudsiiyo, sida ay hadalka u dhigeen. Beesha Jareer-weyne ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, man’ahan markii ugu horreysay oo ay cabasho ka muujinayaan nidaamka beelaha ee haatan wax lagu qeybsado. View the full article
-
Ma jirin taariikhda Soomaaliya maalin ay ugu farxad badanayd dhalashadii & israacii Woqooyigii iyo Koofurtii dalka. Dadka Soomaaliyeed, iyagaa isdoontay oo isku hiloobay inay dawlad noqdaan. Markii taladu ay ka soo maaxatay Ururkii SYL in la raadsho shantii Soomaaliyeed. Ingiriiska iyo Talyaanigu ba way ogaayeen halka Soomaalidu u socoto Xornimada kaddib. Calankii laga taagay Hargaysa June 26, 1960, waxaa la saaray calanka buluugga ah ee xiddigta shangeeska ah dhaxda ku leh. Laba maalmood kaddibna waxaa Xamar ka yimid Wafdi uu hoggaaminayo Aadan Cabdulle oo Woqooyi iskula soo afgartay in July 1, 1960 noqoto maalinta Xorriyadda Koofur iyo israaca labada gobol. Awoowayaasheen waxay ahaayeen dad is-oggol oo danta guud ka hormariya danta gaar. 5 maalmood kaddib israacii labada gobol, waxaa warqad ay u qoreen Golaha loo dhan yahay ee Qarsmmada Midoobay si loogu aqoonsado dal madax banaan. Waxayna UNka Soomaaliya u aqoonsaday dal madaxbannaan September 20, 1960. Waxaana lagu qeexay sharciga 76aad, Xeerka 1479 (XV). 60 sano kaddib waxaa wali jira Jamhuuriyadda Soomaaliya, waloow aan soo marnay hagardaamo iyo turunturooyin badan. Jiilalka cusub ee hadda jira, waa kuwa la wareegi doona Mas’uuliyadda dalkan. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad la wareegtaan Mustaqbalka iyo ayaa-katalinta Soomaaliya sidii dhallinyaradii SYL ay sameeyeen oo kale. Xisbiga Garsoor Madaxdiisa iyo Xubnahiisaba, waxaa ka go’an in ay isku soo dunto dhammaan shucuubta Soomaaliyeed iyo inay u horseeddo Caddaalad buuxda oo loo siman yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay warar soo baxay maalmihii dhowaan oo sheegayey in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda ayaa idaacadda VOA u sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid beddeshay. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku. Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood. Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano. Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda. Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan. Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.
-
Sawirka labada gaari ee shilka galay Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo oo qiyaastii 120km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaas uu ka dhacay shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Goob-joogayaal ayaa soo sheegaya in gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca Raaxad ah oo ka yimid dhinaca Boosaaso waxaana shilku ka dhacay dalcad qiyaastii 5km dhanka Garoowe ka soo xigtay degmada Dangoroyo. Gaariga Raaxad ah waxaa saarnaa saddex ruux oo laba goobta ku dhimatay halka dhaawac qofkii saddexaadna loo qaaday isbitaalka magaalada Garoowe oo hataan lagu dabiibayo. Labada ruux ee dhintay midkood ayaa isna weli gaariga ku hoos jira sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Taraafikada gobolka Nugaal. Sawir goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga xamuulka ah oo ku taagan gaariga yare ee Raaxad ah waxaana burbur xooggan ka muuqdaa gaariga yar oo daasad noqday balse ma jiro wax khasaare ah oo gaaray dadka saaran gaariga xamuulka ah. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay. “Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.” Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna. “Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah. View the full article