Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeeni-26072020.mp3 Audio Player View the full article
  2. Wasiirka Warfaafinta Maareeye Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay jawaab ka bixisay dhaleecayntii uga timid dalal ka tirsan Beesha Caalamka oo si adag u dhaliilay Hannaanka loo maray Xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Axaddii Shalay Shir deg deg ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka codsaday dalalka Beesha Caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo Go’aannada ay gaaraan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka. Golaha ayaa sidoo kale dalalka Beesha Caalamka ka codsaday in wixii talooyin ah oo ay Soomaaliya u hayaan ay ku soo gudbiyaan marinka Dibloomaasiyadda waxaana ay ka mahadceliyeen taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Beesha Caalamku siiso Soomaaliya. Dhinaca kale Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay go’aamiyeen in la dardar geliyo Hawlaha shaqo ee Dowladda si aysan Shaqadaas hakad u gelin Kalsooni kala noqoshadii Golaha Wasiirada ayna u sii socdaan adeegyada Xukuumaddu u hayso Bulshada. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay dhaleecayntii uga timid Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta oo Isniin ah ku wajahan Magaalada Muqdisho halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaadanayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Socdaalkan deg dega ah ee Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre kadib markii ay ku eedeyeen in ay ku fashilantay Hoggaaminta Dalka iyo gaarsiinta Doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale wuxuu ku soo aaday xilli loo ballansanaa in Shir kale lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb si loo dhammaystiro Arrimaha ku xusan Heshiiskii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ku gaareen Shirkii hore ee Dhuusamareeb oo ay ku jirto Go’aaminta Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada soo socota. Waxaase walwal laga qabaa sida uu ku qabsoomi doono Shirka lagu ballansanaa Dhuusamareeb maadaama Ridistii Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ay abuurtay Xaalad Siyaasadeed oo cakiran islamarkaana aan la saadaalin Karin Cawaaqibkeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal deg deg ah ku tegaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Afarta jiho, ama Afarta gees ee magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buux dhaafiyay biyo xoog leh oo ka dhashay fatahaada Webiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah gobalka Shabeellada Dhexe. Qaar ka mid ah dadka degaanka iyo maamulka gobalka ayaa sheegay in biyaha oo si xowli ah ku socda ay qarka u saaran yihiin in magaalada soo galaan islamarkaana ay jirto walaac xoog leh. “Waa noo muuqdaan biyaha waxayna ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada mana jirto cid wax ka qaban kartam” ayuu yiri Nuur Canjeex oo kamid ah odayaasha Jowhar, kaasi oo la hadlay Caasimada Online . “Haddii aan ka bixi laheyn magaalada iyo biyaha soo socda, meel loo baxo ma leh, cir iyo dhulba,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Cajeex. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay wadaan dadaal biyaha looga weecinayo Jowhar islamarkaana ay howlgal ka bilaabeen dadka degaanka iyo maamulka gobalka Shabeellada Dhexe. Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay meelo badan oo kamid ah gobalada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, waxaana ku barakacay in kabadan 10 kun oo qoys.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo warramayaa in ka dalbatay wafdigii Itoobiya ka socday ee dhowaan tegay Hargeysa inay dhex-dhexaadiso xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahir oo isku haya wabiga Nile, sida uu qoray wargeyska caanka ah East Africa Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda. Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA oo warbixinta wargeyska wax ka qortay ayaa iyana shaacisay inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegay wafdigii uu hoggaaminayey wasiirka maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Masar iyo Itoobiya, si loo qaboojiyo xiisada u dhexeysa. Sidoo kale wargeyska ayaa ku warramay in Somaliland ay xulufo la tahay Itoobiya, islamarkaana xiriir wanaagsan kala leh dhanka dekedda magaalada Berbera. Illaa iyo hadda ma jiro wax jawaab ah oo ay dowladda Itoobiya ka bixisay dalabkaasi ka soo yeeray xukuumadda Hargeysa. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday & sida ay Somaliland oo aan weli heli ictiraaf ay ku dhex-dhexaadin karto dalalka Itoobiy iyo Masar oo sanado badan isku haya arrinta webiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso inay ka dhisto biyo xireen. Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-kii raadineyso madax banaani, xilligaas oo ay ku dhaawaqday inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.
  6. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu riday Ra’íisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in arrintaasi ahayd mid qorsheysneyd oo lagu burburinayay shirkii Dhuusamareeb, laguna raadinayo muddo kordhin. Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan jeediyay kadib kulan deg deg ah oo Gaalkacyo kula qaatay Golaha Wasiirada iyo La-taliyeyaal. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo caddeysay mowqifka ay ka qabto rididii Kheyre appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Gulled ayaa kulankii ugu horeeyay ee shirka golaha wasiirada codka kalsoonida lagala noqday shir guddoomiyay, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelinta beesha caalamka, arrimaha amniga iyo tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii Kheyre. Qoraalka GOlaha wasiirada ay soo saareen ayaa jawaab u ahaa baaqyadii adkaa ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ee ku socday madaxweynaha iyo baarlamaanka, kuwaasi oo looga soo horjeeday xil ka qaadista Kheyre. Golaha Wasiirada ayaa waxay ugu baaqeen saaxiibada Soomaaliya oo ay ula jeedaan beesha caalamka inay ilaaliyaan madax bannaanida dalka, hammaan talooyinka ay siinayaana dowladda ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda. Hadalkaasi oo ka dhashay baaqyadii beesha caalamka ay ku cambaareeyeen tallaabadii baarlamaanka ku riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre kuna xuseen in dib u dhac u keeneyso hannaanka dimoqraadiyadda iyo rajada caalamka ka qabay Soomaaliyada cusub. Qoraal kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa walaac looga muujiyay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana warbixin safaaradda Mareykanka ee Somalia lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo baarlamaanka ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda Kheyre, taasoo ay sheegtay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada. Sidoo kale, war murtiyeed kasoo baxay Midowga Yurub iyo IGAD ayaa walaac looga muujiyay habkii uu u dhaqmay baarlamaanka federaalka Somalia, madaxweynuhuna ku raacay. Dhinaca kale, kulanka golaha wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha COVID19 iyo sidii dib loogu furi lahaa adeegyadii ku xirmay halista cudurkaasi. waxayna sidoo kale goluhu boggaadiyeen howlihii adkaa ee uu soo qabtay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
  8. Brussels (Sh M Network) Midowga Yurub ayaa ka hor yimid go´aankii ay Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya xilka kaga tureen shalay RW Xasan Cali Kheyre , arinkaa oo ay ku sheegeen Midowga Yurub in uu yahay arin dib u dhac u keenaysa horumarka Soomaaliya. Waa nasiib darro, arrimaha ka dhacay xarunta Baarlamaanka shalay (Sabti) falkaasi oo dib u dhac ku ah Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay war saxaafdeed uu soo saaray Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell. Josep Borrell.ayaa ku xusay war saxaafadeedkiisa in Midowga Yurub uu si taxaddar leh dib ugu eegi doono sida ay ku timid dhacdadan iyo cidda qaadanaysa mas’uuliyadda wixii dhacay iyo ilaa heerka ay Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameyneysay. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay in habka loo maray xil ka qaadista Xasan Cali kheyre aysan waafaqsanayn qodobada Dastuurka Soomaaliya xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri Waxa kale oo lagu xusay war saxaafdeedka uu soo saaray Josep Borrell in xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyre in lagu soo beegay uun maalin kadib markii uu soo dhamaaday shirkii Magaalada Dhuusamareeb kaasi oo lagu balamay in shir kale la isugu yimaado 15-ka August. War saxaafadeeddka ay soo saareen Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay ay Dawladda Maraykanka ay si adag uga hadashay kalsooni kala mooshadii xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Cali Kheyre. View the full article
  9. Somalia is still on a long journey of national recovery to become free of insecurity, free of debt and free to vote leaders into power. Until that time, the leaders of the Somali nation bear a special responsibility to ensure that a consensus is achieved and maintained in national politics. Regrettably, the developments in the House of the People of Somalia on Saturday represent a setback for Somalia and for the confidence of the European Union in the progress of Somalia. The procedures under which a motion of no confidence in the cabinet was passed did not meet minimal constitutional requirements. This vote occurred a day after the conclusion of a much anticipated meeting between the President and Federal Member States at which it was agreed that consultations would follow and a further meeting would occur on August 15. These actions entail a serious disrespect for the constitutional foundations of Somalia, on which the European Union has been investing. The European Union will review carefully how these events have come to pass, who bears responsibility and to what extent they deviate Somalia from the progress it was making and to which it had committed itself to its international partners. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka horayna usoo noqotay wasiiradda arrimaha dibada Somalia, ayaa soo dhoweysay xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqday. Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay in Kheyre uu hortaagnaa islamarkaana caqabad ku ahaa doorasho qof iyo cod ah in dalka ka dhacdo, iyadoo tilmaamtay inuu doonayay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban. “Marar badan oo aan dhageystay hadalka ra’iisul wasaare Kheyre waxaan ka dhadhansaday hadalkiisa inuusan ogoleyn in dalka doorasho dadweyne ka dhacdo, haddii uu hor istaago wixii shan sano aan usoo diyaar garooownay oo waqti badan nooga lumay waan ku qanacsanahay in malaga hor leexiyo,” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya oo u warameysay idaacadda BBC. Xildhibaan Fowsiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Kheyre inuu shaki geliyay kana soo horjeestay sharciga doorashooyiska oo labada aqal ee baarlamaanka ansixiyeen, aakhirkiina madaxweynaha uu saxiixay. Mas’uuliyadda dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ayay dusha u saartay xukuumaddii Kheyre oo ay tilmaamtay in Kheyre uu xafiiska ku haystay sharciyadii loo baahnaa in la dhameystiro. Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa ka mid ah xildhibaanada aan mowqifkooda siyaasadood meelna jirin haddey ahaan laheyd dhinacyada xisbiyada mucaaradka ama dowladda Nabad iyo Nolol.
  11. Berbera port is among the few corridors in the Horn of African region, which serves for both military and commercial purposes. Source: Hiiraan Online
  12. Halkan ka dhageyso wareysiga Ex-Raisal Wasaare Cumar C/rashiid The post Dhagayso Ex-Raisal Wasaare Cumar Cabdirshiid oo ka hadlay Xil ka qaadistii RW Kheyre appeared first on . Source
  13. Mogadishu (HOL) - Internet connectivity across much of southern Somalia has been cut off on Sunday, according to local residents and an independent group that investigates digital rights, cyber-security and internet governance. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sharci-darro ku tilmaamay habka loo maray xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saacado kadib isna sheegay inuu iscasilay. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in baarlamanka uu sharci ahaan leeyahay awood uu xilka uga qaado ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee in la jebiyey xeer hoosaadka baarlamanka, taasi oo tallaabadaas ka dhigay mid sharci darro ah. Cumar waxa uu sheegay in marka hore ay ahayd in la eedeeyo xukuumadda, kadibna la siiyo fursad ay isku difaacdo, markaas kadibna loo qaado codka kalsoonida, arrimahaas oo dhammaantood aan la sameyn. Waxa uu sheegay in baarlamanka laga yaabo inuu haystay codad ku filan oo lagu ridi karay xukuumadda Kheyre, balse usuan garaneyn sababta ay uga cabsadeen inay nidaam sharci ah maraan. Xil ka qaadista Kheyre ayaa waxaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay oo dhaleeceeyey Midowga Yurub oo sheegay “in hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda uusan buuxin xitaa shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.” Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya. Hoos ka dhageyso wareysiga Cumar Cabdirashiid https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/a304719c-5a4b-45ef-8e46-4fb4e7fb58a0_48k.mp3
  15. POSTED ON JULY 26, 2020ShareTweet Network data from the NetBlocks internet observatory confirm that internet has been cut across much of Somalia with high impact to [...] The post Breaking News NetBlocks : – Somalia internet shut down after parliament votes to remove prime minister appeared first on . Source
  16. Somalia is still on a long journey of national recovery to become free of insecurity, free of debt and free to vote leaders into power. Until that time, the leaders of the Somali nation bear Source: Hiiraan Online
  17. Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ka horyimid xil ka qaadistii ay Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo ururka uu ku qeexay inay dib u dhac ku tahay horumarka Soomaaliya. “Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell. “Hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri. Codkii shalay ee Golaha Shacabka ayaa yimid maalin kadib markii lasoo geba-gebeeyey kulankii madaxweynaha dalka iyo madaxweyne goboleedyada, kaasi oo la isku raacay inuu xigo kulan kale oo dhacaya 15-ka August. “Ficilladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aas-aasyada dastuuriga ah ee Soomaaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayey,” ayuu yiri Borell. “Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh dib ugu eegi doonaa sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda iyo heerka ay Soomaaliya ka weecin karaan horumarka ay sameyneysay,” ayuu yiri. Qoraalka Midowga Yurub ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay shalay sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya. VOA
  18. Somalia is still on a long journey of national recovery to become free of insecurity, free of debt and free to vote leaders into power. [...] The post EU: Statement by the High Representative/Vice-President Josep Borrell on the recent developments in the House of people OF Somalia appeared first on . Source
  19. Halkan ka daawo Barnaamijkii Iska jir Dawladnimo ma dhawee ee Aqoonyahan Cabdi Abshir Dhoore uu bulshada Somaaliyeed ugu iftiimin jiray Fawda iyo Dhaqan-xumada Siyaasadeed ee [...] The post Daawo Abdi Abshir Dhoore iyo Barnaamijkii ” Iska Jir Dawladnimo ma dhawee, Dawlad wada qaraabo ah “. appeared first on . Source
  20. Prof Cabdi Isamaaciil Samatar oo u waramaayey Idaacada BBC laanteeda Afka Somaaliga ayaa sheegay in talabadii uu shalay qaaday Barlamaanka Federaalku ay aheyd mid ka [...] The post Wareysi Prof Abdi Ismaacil Samatar : – Dawlad bilaa sharaf ah oo Gacan ku rimis ah ayaa la soo dhisi donaa appeared first on . Source
  21. Marka (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalane waa la la’yahay kadib markii ay qalibantay doon ka baxday Muqdisho kuna sii jiiday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo badbaadiyeen 8 qof, waxaana wadarta dadkii saarnaa lagu sheegay 11 qof, oo ay ku jirta hal qof oo dumar ah. Qaar kamid ah dadka la soo badbaadiyay oo qaba dhaawacyo culus ayaa hadda lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose. Qaar kamid ah doonleyda magaalada Marka iyo dad kale oo dabaal yaqaan ah ayaa ku baxay sidii loo soo Badbaadin lahaa labada qof ee maqan. Badweynta Hindiya ayaa maanta aad u kacsan waxaana maanta sidoo kale qal qal xoog leh laga dareemay dekadda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaar kamid ah maraakiibta ku xiran Dekadda Muqdisho ayaa la sheegay in maanta xargaha goosteen inkastoo aysan dhicin dhibaato weyn, sida aan xogta ku helnay.