-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, kuwaasi oo laga soo saaray Qodobbo Shacabku shaki ka muujiyeen. Qodobbada Shacabka reer Somaliland Shakiga ka muujiyeen waxa ka mid ah Qodob fasaxaya ‘Is-dhex-galka’ Bulshada Soomaaliya iyo Bulshada Somaliland, gaar ahaan Ciyaaraha, Ganacsiga, Dhaqanka iyo Fanka, laakiin Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay Telefiishanka Saab waydiiyey siduu u arko Qodobkaasi Shacabku shakiga muujiyeen, waxaanu ku jawaabay “Qodobka is-dhex-galku horeba way ugu jiray heshiiskii hore ee aanu haynay, in badana waynu ka dhex maqlaynay Murankii ka dhex taagnaa Guddiyadii labada dhinac arrintaa is-dhex-galka, waxaana ugu dambayn lagu soo gebogabeeyay wixii aan siyaasad ku shaqo lahayn inay is dhex socdaan, awalna may kala xidhnayn wixii aan siyaasad ku salaysnayn, hadday Fanaaniin tahay, hadday tahay Madax-dhaqameed, arday, Ganacsato, waxa kala maqnaa uun siyaasadda, imikana siyaasadda Heshiisku iskuma fasaxin oo way kala maqan yihiin, lama ogola.” Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Nin siyaasi ah oo Soomaaliya ka imanayaana halkan iman maayo (Somaliland), hadduu u dhashay iyo haddii kaleba, Nin siyaasi ah oo Reer Somaliland ahi halkaa tagi maayo isagoo Somaliland matalaya, markaa Qodobkaasi wax cusub oo uu ku soo kordhiyey Wada-hadalladii socday ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wada-hadallada bilowgoodii laga ansixiyey Goleyaasha Xeer-dejinta, sidaasi darteed Heshiis kasta loo baahan yahay in Goluhu ansixiyo, waxaanu yidhi “Wada-hadallada ama Heshiiskan waxa sannadkii 2012-kii Fasaxay Goleyaasha Xeer-dejinta dalka, mar kastana waxa lagu wada-hadlo ama Go’aamo kasta oo la isla qaato waxa waajib ah in Golaha la hor-keeno, Gebogabadiisa iyo Gunaanadkiisa Wada-hadal kasta Golaha ayaa la hor-keenayaa, markaa waxaanu rejaynaynaa in Golaha la horkeeni doono marka ay Guddiyadaasi is arkaan (Guddiyada Wada-hadallada u qaabilsan (Somaliland iyo Soomaaliya) ay soo baxaan heshiis ay labada dhinac wada qanacsan yihiin, la isla eegi doono, dibna loo ansixin doono.” Xildhibaanka oo la waydiiyey inay suurto-gal tahay in Golaha Wakiilladu u yeedho Madaxweynaha, si wax looga waydiiyo Heshiiskan Shacabku shakiga ka qabaan ayaa ku jawaabay “Ma Muuqato Sabab Madaxweynaha loogu yeedho oo Golaha Hor-taallaa, laakiin haddii laga maarmi waayo oo Arrin timaaddo waa lagu khasban yahay in Madaxweynaha loo yeedho..”ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saaka wuxuu dabka kacay barakaca xaafada isku raranta ah ee Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa. Ciidamada Dabdamiska, Booliska ee degmada Axmed Macalin Haaruun, ayaa si wada jira uga qayb qaatay daminta dabkaasi, kuna guuleystay inay bakhtiyaan. Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkani, iyo sababta dhalisay. Maaha dabkii koowaad ee sidan oo kale uga kaca xaagdani laguna guuleysto balhtiintiisa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ka soo baxay ee ku saabsanaa Wabiga Nile. Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah ayaa taageeray qaraarkaas, hase ahaatee Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar ayaa ka aamusay. Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in Soomaaliya ay labada dalba ay saaxiib la yihiin, laakiin ay eegayaan danaha gaarka ah iyo derisnimada kala dhaxeysa Itoobiya. “Annaga mowqifkeennu oo ay nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xidheenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xidheenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu yidhi Wasiir Cawad. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ku kala dooratay Masar iyo Itoobiya. “Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaadhayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” Dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay waxaa socday wadahadallo saddex geesood ah oo lagu doonayay in Masar iyo Itoobiya looga dhex dhaliyo heshiis ku aaddan arrinta ay isku hayaan. Source
-
(SLT-Tanzania)-Nin u dhashay dalka Tanzania ayaa hal maalin gudahood ku taajiray kaddib markii uu helay laba dhagxan oo qaali ah- kuwaas oo lagu sheegay dhagxantii ugu weyneyd ee dalkaas laga soo saaro. Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer wuxuu helay 3.4 malyan oo doollar kaddib ay dhagaxanta ka iibsatay wasaaradda macdanta ee Tanzania. Dhagxantaas ayaa laga helaa waqooyiga Tanzania oo kaliya ah, waxaana laga sameeyay qalabka la isku qurxiyo sida dhega-dhegaha. Saniniu Laizer wuxuu sheegay in maanta uu qaban doono munaasabad weyn uu ugu dabaaldegayo farxadda. Waxaa uu sheegay in uu dhiso iskuul iyo sidoo kale xarun weyn oo laga dukaameysto. Madaxweynaha Tanazania ayaa telefoon u diray ninka dhagaxanta soo helay , waanu u hambalyeeyay. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay degamada Hodon nee gobolka Banaadir lagu dilay Gabadh dhalinyaro aheyd xilli ay saarneyd Mooto Bajaaj. Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas uu ku furay Mootada ay saarneyd xilli ay maraysay Wershaddii hore ee caanaha kuna taalla degmada Hodon nee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka kadib askrigu uu gobta iskaga baxsaday iyada oo ay goobta soo gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fadhiisin ku lahaa goobta Meydka gabadhana goobta ka qaaday. Gabadha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Cabdillahi iyada oo wararaku ay sheegayaan in xilligaas ay ka timid goob dumara lagu qurxiyo o ay iyadu laheyd hoygeedan ay kusii jeedday. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraakiib shisheeye oo laga leeyahay dalka Iiraan ay si sharci darro uga jalaabtaan xeebaha Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu cadeeyey in intii u dhaxeysay bishii Janaayo ee 2020 illaa 14 april ee isla sanadkan ay Maraakiibtaas ka kalluumeysanayeen xeebaha dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay daba-gal ku sameysay Maraakiibtaasi, kuna ogaatay inay gaarayaan illaa 112 Maraakiib, waxayna ku eedeysay inay ku soo xad-gudbeen biyaha Soomaaliya. Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Kalluumeysiga sharci darrada ah, kana hortagi doonto, iyada oo tallaabo adag ka qaadeyso cid-kasta oo ku xad-gudubta biyaha dalka Soomaaliya.
-
Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa saacaadihii la soo dhaafay waxaa ay taageereen dadaallada aqalka sare ee xal u raadinta iyo isu soo dhoweynta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale oo isku aragti ka noqdeen habraacyada aqalka sare been abuurka ku sheegay uu lagu ansixiyey golaha shacabka. Aqalka sare, oo ah midka baarlamaanka federaalka ah ku matala danaha maamul goboleedyada ayey sidoo kale ku taageereen go’aanka uu ka qaatay habraacyada horyaalla golaha shacabka ee lagu sheegay inuu ka duwan yahay midkii labada aqal isku afgarteen. Puntland ayaa qoraal ay xalay soosaartay ku sheegtay “Dowladda Puntland waxaa ay bogaadineysaa dadaallada uu hormuudka ka yahay guddoonka aqalka sare ee BF, kaas oo ka shaqeeyey in madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah DF ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah oo lagu lafagurayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxaa ay sidoo kale soo dhoweysay warsaxaafadeedkii ee aqalka sare ee BF ee 9-kii bishan June, 2020 iyo guddiyada loo saaray qabashada shirkaas. Dhankeeda, Jubbaland waxay aqalka sare ka tiri “ Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay soo dhoweyneysaa qaraarka maanta uu soo saaray guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabduulahi ee tix-raaciisu ahaa XG/428/B-10/20, ujeedkiisuna aheyd ka fal-celinta xeerka been abuurka ku saleysan oo ansixintooda ka shaqeeyeen qaar ka mid ah xubnaha golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay sababta ay Soomaaliya u diiday qaraarkii ka soo baxay Jaamacadda Carabta, islamarkaana ay ula safatay Itoobiya. Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadatay go’aankaasi, iyada oo eegeyso danaha gaarka ah ee darisnimada iyo saaxibtinimada labada dal. Wasiirka ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee soo gaara Itoobiya ay sidoo kale soo gaarayaan Soomaaliya, ayna dalkeena dan ugu jirin khilaafka ka dhexeeya dalalkaasi. “Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” ayuu yiri Mr. Cawad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka ay qaadatay dowladdda federaalka ay la qabeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Qatar. “Annaga mowqifkeennu – oo ah nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirku. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamada gobolka sida Itoobiya iyo Eritrea, waxaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u socday wada-hadallo saddex geesood ah ay yeelanayeen madaxda dalalkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilkan oo loo geystay gabar dhalinyaro aheyd ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xamadi Cabdulllaahi, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dilkeeda ayaa yimid, kadib markii askariga uu rasaas ku furay mooto Bajaaj ay saarneyd Allaha u naxariisteen marxuumad Xamdi oo xilligaas mareysay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.
-
Dowlad Goboleedka Jubaland, oo tixraacaysa Warqaddii Shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin Xeerarka Horyaalla Golaha Shacabka Baarlamanka, sidaasi darteedna ay tahay in la joojiyo. War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay joojiyaan akhrinta, ka doodista iyo ansixinta dhammaan Xeerarka ku xusan Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare oo been abuur ku tilmaamay Xeerarkaas. Jubaland, waxay kale oo codsatay in aan la gudbin Xeer kasta oo saamaynaya Arrimaha Masiiriga ah ee dalka, inta ay Wada-tashi buux ka yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in aysan qayb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka, kaas oo aan ku imaan Wada-tashi iyo Xal Siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saamileeyda Siyaasadda dalka. Ugu dambayntii, Jubaland waxay ka digtay in Qalalaase Siyaasadeed iyo dib u dhac weyni ka dhalan karo, haddii dalka laga qabto doorasho aan ku imaan wada-tashi Siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda dalka. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Jubaland PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in ay been abuur yihiin Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
ISTANBUL/SANAA - “You just don’t get it,” one young man told me as I stepped over a pile of trash to enter 19-year-old Mohammed’s single room in the Yemeni capital, Sanaa. “People die in their homes here all the time.” Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray Kulankii Khadka Video-ga ahaa ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxd heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaasi oo la isla gartay in la joojiyo Xeerarka horyaalla Golaha Shacabka. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Dowladda Puntland, yay kaga digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damaca iyo rabitaanka gaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka, islamarkaana abeen abuur lagu samaynayo Xeerarka iyo Shuruucda Waddanka. War-saxaafadeedka Dowladda Puntland, ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Go’aannada ay gaareen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ee la xiriira arrimaha Doorashada iyo Qaybsiga Khayraadka aysan Puntland qayb ka noqon doonin dhaqan gelintooda. Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda, kaas oo ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON - Major victories against terror groups such as the Islamic State and al-Qaida have so far failed to stem their spread across the world, part of a worrisome trend identified in a new U.S. government report on terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qarank oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Shirkaasi qabsoomi doono inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 islamarkaana ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa adkaysay muhiimadda shirkaas maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
H.E President @M_Farmaajo will, from 5-8 July, 2020, host FMS Presidents and the Governor of Banadir Region for a National Security Council meeting in Mogadishu. pic.twitter.com/ak4sSSz6Hu — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) June 24, 2020 Qaran News
-
Turkiga oo jawaab kulul u diray Faransiiska iyo xiisadda labada dal oo kasii dartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in mowqifka Faransiiska uu iska indho tirayo xaqa sharciga ah ee Turkigu u leeyahay Bariga Mediterranean-ka, islamarkaana damaciisa xagjirka ah uu dhaawacayo nabadda iyo xasiloonida. Hadalkan ayaa yimid ayada oo dhowaanahan ay sii kordheysay xiisad u dhaxeysa Paris iyo Ankara ee ku saabsan Libya. Wasaaradda arrimaha dibedda waxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku boorisay in uu joojiya talaabooyinka khatarta gelinaya amniga iyo mustaqbalka Libya, Syria iyo Bariga Mediterranean-ka, badelkeedana uu sameeyo hanaan wadaxaajood. “Faransiiska oo aan xeeb ku lahayn Mediterranean-ka, waa in uu fahmaa in u dhaqanka sidii dal xeeb ku leh aysan xaq u siineyn go’aaminta arrimaha gobolka. Nasiib darro, waa ay iska caddeyd muddo fog in Faransiiska uusan dooneyn in uu horumarka Bariga Mediterranean-ka u qiimeeyo si dhex-dhexaad ah oo caafimaad qab leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga. “Madaxweyne Emmanuel Macron in uu taageeradda Turkiga ee Dowladda Libya ku tilmaamo cayaar halis ah, keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu xaqiiqda ka baxsanayo,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda. Qoraalka waxaa lagu cadeeyay in Faransiisku uu door muhiim ah ku lahaa in Libya la geliyo qalalaase, uuna cayaarayo “cayaarta qatarta ah” ee Libya, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in ka aamusnaanta Faransiiska ee faro-gelinta Masar ee Libya ay tahay xaqiiq mudan in la xuso. Isagoo ka hadlayay hadalkii Macron ee la xiriiray Turkiga iyo Libya, ayaa afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga (AK Party), Ömer Çelik waxaa uu cambaareeyay mowqifka Madaxweynaha Faransiiska waxaana uu yiri “Faransiisku waa taageereaha siyaasadaha horumarinaya xasilooni daradda Libya iyo Mediterranean-ka.” “Dadka Libya ayaa go’aamin doona mustaqbalka Libya, Faransiisku ma go’aaminayo,” ayuu Çelik hadalkiisa ku daray. “Siyaasadda Macron waxay taageereysaa mucaaradka isku deyaya in ay xadaan sharciyadda iyo mustaqbalka dadka Libya. Waxaa si cad loo arki karaa, kuwa eedeynaya madaxweyneheena iyo kuwa ay taageradda Turkiga ee Libya hor-istaagtay in ay yihiin gumeysi cusub.” Warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu Macron isniintii ku eedeeyay in Turkiga uu cayaar halis ah ku dheelayo Libya taasi oo khatar ku ah gobolka oo dhan. Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Paris ayaa korortay sanadkii lasoo dhaafay, markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in hadii aysan NATO jawaab ka bixin howlgalka argagixiso la dirirka ee Turkigu ka wado Woqooyiga Syria ay muujineyso in maskaxda xulifadu ay dhimaneyso. Xiisadda Ankara iyo Paris waxay kasii dartay todobaadkii lasoo dhafay markii Faranisiisku dhaleeceeyay “gardarro halis” ah oo maraakiibta Turkigu u geysteen kuwa Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO ee Mediterranean, taasi oo Ankara ay ku tilmaantay mid aan “sal lahayn.” Macron ayaa tilmaamay in taas caddeynteedu ay NATO quseyso. Qaran News
-
Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano Codbixin xilli hore ah oo qeyb ka ah aftida 2020-ka ee loo aadayo isbaddalka dastuurka Ruushka oo ka dhacday gobolka Khanty-Mansi Autonomous “Putin la’antiis Ruushka ma jiraayo.” Tani waa fikradda uu aaminsanyahay ku xigeenka madaxa shaqaalaha madaxtooyada ee dalkaas. Sidoo kale waxaa sidaasi aaminsan malaayin shacabka Ruushka ah oo toboneyo sano u soo dooranaayay Vladimir Putin, inuu noqdo Raisul wasaare ama madaxweyne. Kalsoonidaan ayaa laga yaaba in dib loo cusbooneysiin 1da Luulyo, ka dib markii ay dhacdo afti dadweyne oo loogu talagalay in wax lagaga beddelo dastuurka Ruushka, kaas oo u oggolaanaya Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo muddo lix sano ah oo dheeraad ah ee madaxweynenimada dalkaas. Hogaamiyahan 67 sano jirka ah ayaanan meesha ka saarin inuu mar labaad u tartamayo jagada madaxweynaha wixii ka dambeeya 2024, marka waqtiga hadda la joogo uu dhammaado – wuxuuna awood u yeelan karaa inuu xukunka sii hayo illaa 2036. Aftidan ayaa la qaban doonaa maalin kadib markii la xuso sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay xukunkii Jarmalka iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee addunka ee Yurub. Maxaa loo qabanayaa afti? Madaxweyne Putin wuxuu siyaasadda Ruushka gacanta ku hayay 20 sano Bishii Janaayo 2020, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu soo jeediyay in la helo codad badan si wax looga baddalo dastuurka. Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee codka loo dhiibanayo ayaa ah suurtagalnimada ah in loo oggolaado Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo jagada madaxweynenimo si uu xilkaasi u haayo lix sano oo dheeri ah. Aftida, ayaa markii hore qorshahu ahaa in la qabto 22 Abriil balse waxa dib loogu dhigay sababa la xiriira xayiraadda feyraska Corona, balse hada waxa la qaadi doono aftida 1da Luulyo. Si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka kala fogaanshaha, codadka ayay dadka dhiiban doonan muddo shan maalmood gudahood ah. Waxayna sidoo kale aftida ka dhici doonta gobolada sida daran uu u saameyay xanuunka Covid-19. Dad kooban ayaa loo oggolaan doona inay galaan goobaha codbixinta ay ka dhaceyso, magaalooyinka qaarna, sida Moscow waxay dadka codka u dhiibnayaan qaab elektiroonigga ah. Muxuu yahay qorshaha Putin? Qarnigii kow iyo labaatanaad oo dhan shacabka Ruushku waxay Vladimir Putin u yaqaaneen inuu yahay ninka ugu sareeya. Dadka dalkaasi badankood ayaa u soo joogay iyadoo Putin loo magacaabay Rai’sul wasaare sanadii 1999-kii, hadanna sanadii 2000 – 2008, waxaa loo doortay madaweyne, hadana wuxu dib ugu laabtay ra’iisul wasaarenimo intii u dhaxeysay 2008 – 2012, isla 2012- ayaa hadana dib loogu doortay madaxweyne nimo. In kasta oo Madaxweyne Putin aanu sheegin inuu raadinayo dib-u-doorashada, haddana ma uu beenin, dhaleeceeyayaasha waxay ku eedeeyeen inuu jidka u xaaranaayo in awoodda dalkaasi uu si haayo illaa 2036. Waxay u muuqata in taageero badan loo haayo Putin oo markii ugu dambeysay ee la sameeyo codbixinta sanadka 2018, wuxuu helay in kabadan 76% codbixinta. Xilligan, “waxa uu sameeyay intii karaankiisa ah ee u ku muujin karay inuu ka qoomameynaya inuu aqbalo soo jeedinta ah inuu tartamo, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad ka hooseya oo dalbanaayo arrinkaas,” ayay tiri weriyaha BBC-da ee Ruushka, Sara Rainsford. Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ruushku aan wali la horumarin oo ku filan isbedel madaxweyne. “Dad badan ayaan wax dhibaato ah ku qabi doonin arrinta ah in awoodda dalkaas uu sii haayo. Haddii aysan dhab ahaan jeclayn Mr Putin, iyagu xitaa dhab kama aha. Ma jiraan wax kale oo lagu beddelan karo ayaa sidoo kale dad badan aaminsanyihin,” ayay tiri Rainsford. Sidee Putin ku noqday lama huraan? Xilligii uu Vladimir Putin ka tirsanaa sirdoonka Ruushka Maalmihii u dhamaanayay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey shuuciyada iyo galbeedka ayaa ahaa maalmihi uu soo can baxay Vladimir Putin. Kacaankii 1989 ayaa la wareegey isaga markii lagu dhajiyay inuu yahay wakiilka Jarmalka. Arrintaas ayaa ku ridday meel cidlo ah, balse waxa uu ka dhaxlay labo aragti oo waarta: cabsi laga qabo kacdoonno caan ah – ka dib markii la arkay mudaharaadyo dadweyne oo sababay burburka derbiga Berlin iyo daahii birta – iyo nacaybkii ku yimid awooddii ka soo baxday Moscow ka dib burburkii USSR. Siduu awoodda ku qabsaday? Vladimir Putin waxaa lagu yaqaannay inuu mar walba la yimaado waji cusub oo siyaasadeed Kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Leningrad ee uu ka soo jeedo wuxuu durbaba gacan yare u noqday duqa magaalada. Dhanka bariga Jarmalka, Putin wuxuu qayb ka ahaa shabakad shaqsiyaad laga yaabo inay waayaan kaalimadoodii hore, laakiin waxaa si wanaagsan loogu meeleeyay inay shakhsi ahaan iyo siyaasad ahaanba ku barwaaqeeyaan Ruushka cusub. Putin ayaa caan noqday – wuxuu xitaa ka badbaaday Sobchak dhicitaankiisii cajiibka ahaa ee nimcadiisa wuxuuna sii waday inuu si guul leh ula qabsado Rushka cusub . Wuxuuna marki dambe u wareegay Moscow halkaas oo uu shaqo ka helay xukumaddii markaas maamuleysay Ruushka. Markaas iyada ah waxa dalkaasi xukumaayay oo madaxweyne cusub oo ahaa Boris Yeltsin. Ganacsato sida Boris Berezovsky ayaa taageerayaal muhiim ah u noqday Yeltsin, waxayna noqdeen kuwa saameyn xoogan ku leh aragtida dadweynaha waqti ay doorashada madaxweynanimo lagu jiray. Markii la gaaray 1999 madaxweyne Yeltsin wuxuu Raisul was are u magacaabay Vlatimir Putin. Si lama filaan ah ayuu madaxweyne ku noqday Dhaqanka Yeltsin ayaa is badaley, wuxuuna ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah shaqada isaga casiley 31kii Diseembar 1999. Putin, oo ay taageersan yihiin Berezovsky iyo xuno kale oo muhiim ah, ayaa si buuxda isugu meeleeyey inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha, ka hor inta uusan guushii rasmiga ahayd ee doorashada bishii Maarso 2000. Dadkii taageersanaa markaaasi iyada ah waxay u arkaayeen mid ka tallin doona danahooda balse 3 bilood gudahood Putin wuxuu kula wareegay awoodda warbaahinta. Warbaahinnom adaxbanaana sida NTV ayaa albaabada loo laabay. La wareegidda xukunka warbaahinta waxay madaweynaha cusub u lahayd faa’iidooyin laba geesood ah: in meesha laga saaro dhalleeceeyayaasha awoodda leh saameynta ay leeyihiin iyo qaabaynta sheekada, laga bilaabo dagaalkii Chechen ilaa weeraradii argagixiso ee Moscow. Waxay sidoo kale kor u qaadday qiimeynta madaxweynenimada, waxay saadaalisay muuqaal awood badan oo ku saabsan Ruushka cusub iyo hogaamiyaheeda, waxayna gacan ka geysatay qeexida cadaawayaasha cusub ee dowlada. Xilligaas wixii ka dambeeyay, dadka degan gobolada Ruushka waxay kaliya daawanayeen waxa Putin uu doonayo inuu daawado. Ku dhawaad 3,000 kanaal telefishan oo ku yaal Ruushka, badankood waxay ka fogaadaan wararka gebi ahaanba, iyo haddii warbixin kasta oo siyaasadeed dhacdo, lama baahiyo ilaa dawladda ay si buuxda u sharciyeeyneyso. “Ha igu khaldamin”: farriin ku socota gobollada Putin wuxuu tartiib tartiib ula wareegay 83-da gobol ee Russia isagoo u magacaabay siyaasiyiin aamin ah inay goboladaasi ka noqdaan barasabyo. Wuxuu meesha ka saaray doorashadii gobolada ee barasabyada sanadii 2004 – wuxuuna la yimid liiska ay ku qoran yihiin seddex murashax oo baarlamaanka gobolka ah si ay u doortaan gudoomiye kuxigeenkooda. In kasta oo dadka dhaleeceeya Putin ay ku eedeeyeen ‘in uu mesha ka saaraayo dimuqraadiyadda’, haddana istiraatiijiyaddiisu waxay ka shaqeysay gobolada gaar ahaan Chechnya. Doorashadii ka dhici jirtay goballada waxyar bay soo noqotay sanadkii 2012 kadib mudaaharaadyo dimoqraadiyada lagu dalbanaayay, laakiin bishii Abriil 2013 kontaroolka tooska ah ee Putin ayaa dib loo soo celiyay iyada oo la soo saaray sharciyo xaddidan oo cusub. Marmarsiiyada dib u xoreynta, oo magaca kaliya ah Mudaaharaadyo tiro badan oo isdaba joog ah ayaa ka dhacay Moscow iyo meelo kale oo ka tirsan Ruushka laga soo billaabo 2011-kii illaa 2013-kii, kuwaasoo lagu dalbanayay doorashooyin nadiif ah iyo dib-u-habayn dimuqraadiyadeed. Kuwani waxay ahaayeen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee Russka laga sameeyo tan iyo 1990-meeyadii. Waxaa sidoo kale jiray gugii carabta iyo ‘kacdoonno midabbeysan’ oo laga sameeyay waddamada deriska ah, taasoo dib u soo celiyay xusuustii 1989. Putin wuxuu dibadbaxyadaasi u arkay kuwo ay dabada ka rixayaan dowladdaha reer galbeedka si loo fashilo xukumaddisa. Qabashadii gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine Qabsashadii Ruushk uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxay Putin u ahayd guul siyaasadeed, waxayna dharbaaxo ku noqotay dalalka reer galbeedka. Ruushka waxaa uu muujiyay in uu la wareegi karo qeybo kamid ah dalka deriska la ah, xilli dunida ay indhaha ka daawaneysay, ayna ku guul dareysatay in ay wax ka qabato. Sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha gobolkaas, Putin waxa uu fahmay in Ruushka uusan u baahneyn in dalkiisa uu noqdo awoodda dunida, sidii ay waayadii hore ahaan jirtay ba. Putin waxa uu heystay awood ku filan oo uu dalalka reer galbeedka iyo NATO wax uga badeli karay. Crimea waxay ahayd duullaankii ugu weynaa ee Ruushka uu qaado waayahan, balse ma aysan noqonin mid lagu takooro. Garab istaaggii Suuriya Russia’s President Vladimir Putin speaks to troops in Moscow following Russia’s annexation of Crimea In muddo ahna, Putin waxaa la sheegay in uu tijaabinayay sal ballaarsiga siyaasadeed ee dibadda, waxaana meelihii uu tallaabooyinka ka qaaday kamid ahaa dalka Suuriya oo dowladda dalkaas uu ku gacan siiyay dagaalka ay kula jirto mucaaradka. Dhinac ahaan waxa uu xaqiiqsaday in uu gacanta ku dhigay dal udub dhexaad u ah bariga dhexe, halka uu sidoo kale fursda u helay in uu tijaabiyo xeeladdiisa milateri. Ma jirto cid saadaalin karta mustaqbalka dunida balse dadka daraaseeya dalkaas waxay aaminsan yihiin in Putin uu dejin karo qorshe siyaasadeed. Qaran News