-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno ka Mid ah Oday Dhaqameedka Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa Cadeeyay inay si buuxda u Taageersan yihiin in Doorashooyinka Isku sidkan ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay ku dhacaan wakhtiga loogu talo galay iyagoo soo dhaweeyay Heshiiskii ay arrintaasi ka gaadheen Xisbiyadda qaranku. Sida uu ku soo Waramayo Weriyaha Solna ee Gobolka Awdal C.salaan Saaha Xubnahan Odayaasha ah oo Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Boorama ayaa Tilmaamay in doorashooyinkani uu ku yimid dib u dhacyo badan isla markaana baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa Golayaal cusub oo deegaan iyo Wakiillo oo ku yimaada codka rabitaanka bulshadda. Waxay Oday dhaqameedyada Goboladda galbeedka Somaliland iftiimiyeen inay diyaar u yihiin in doorashadu ka qabsoonto Goboladda Awdal iyo Salal iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin. Odayaashan ayaa sheegay in arrinta Saami qaybsiga loo helo wakhti ku filan si tiro koob sugan oo lagu wada qanco looga fuliyo dhamaanba goboladda dalka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta Daraasaadka Jiyooboolitikal fiijaris (Geopolitical Features (GPF) oo xarunteeda guud ku taallo Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxna ka baahisa falanqaynaha Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Millatariga Adduunka ayaa toddobaadkan waxa ay soo saartay barnaamij Podcast ah oo ay kaga warramayso dalabyo ay xukuumadda Masaaridu u kala gudbinayso Dawladaha Somaliland iyo Eretariya kuwaasi oo la xidhiidha sidii ay dawladda Masar Saldhigyo Milatari uga samaysan lahayd labadan dal mid ka mid ah haddiiba uu sii xumaado khilaafka u dhaxeeya Addis Ababa iyo Qaahira ee la xidhiidha Arrinka Biyo xidheenku. Afhayeen u hadlay Xarunta Geopolitical Features (GPF) ee Dalka Maraykanka oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee MENA (Middle East News Agency) waxa uu qoraalka ay soo saareen ee la xidhiidha xaaladda Masar iyo Itoobiya ku sheegay mid saamayn weyn ku yeelan doonta dhammaan dalalka Mandaqadda Bariga Afrika isaga oo si gaar ah u soo qaatay waftigii dhawaan dalka Somaliland yimid ee ka socday xukuumadda Masar kaasi oo uu ku tilmaamay mid u socday arrimo dhinaca Diblomaasiyadda iyo Milatariga ah xaqiiqo ahaanna la xidhiidhay danaha Masar ku doonayso in ay ku yeelato dalalka Mandaqadda Geeska Afrika ee jaarka la ah Itoobiya. Mr. Richard Edmen oo ka mid ah cilmi-baadhayaasha sare ee Machadka GPF waxa uu wakaaladda Wararka MENA u sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdulfataax Al Siisi ay qorshaynayso dalab rasmi ah oo Saldhig Milatari in ay u gudbiso caasimadaha Hargeysa iyo Asmara walise ay ku guda jiraan xaalad daraasad iyo hubsiimo ah oo ay xaaladda si weyn u rogrogayaan. “Isku daygoodu waxa weeyi sidii ay xeebaha Somaliland iyo Ereteriya mid ka mid ah saldhig weyn uga samaysan lahaayeen, dhammaanba dalalka Kulaalaya dalka Itoobiyana ay xidhiidho adag ula samaysan lahaayeen. Waxa ay Masaaridu danaynayaan marin biyoodka Baabul Mandab ee Badda Cas in ay degaan wax kasta oo Mashruucaasi ku qaadanayo. Waxa hubaal ah in ay adkaan doonto in Eretreriya oo dhawaan uun ay Itoobiya heshiis kala saxeexdeen aanay ku degdegi doonin in ay saldhig Milatari degdeg u siiyo Qaahira, halka aan sidoo kale la ogayn siyaasadda ay qaadan doonto Somaliland oo ah Maamul si xawli leh u soo galaya saaxadda siyaasadeed doorkiisana ka qaadanaya arrimaha mandaqadda isaga oo ka faa’iidaysanaya goobta istaraatiijiga ah ee uu ku yaallo, Inkasta oo aanu dalkaasi wax aqoonsi ah oo caalami ah ka haysan dunida” ayuu yidhi khabiir Richard oo la hadlayay wakaaladda MENA. Hadalkan ay soo saartay xarunta GPF oo ah waxa uu ku soo beegmayaa maalmo uun kadib markii uu dhawaan dalka Yimid wafti ballaadhan oo ka socday xukuumadda waddanka Masar kaasi oo kulamo Magaalada Hargeysa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo saraakiil sarsare oo xukuumaddiisa ka tirsan, kulankaasi oo labada dhinac aanay wax faahfaahimo ah ka soo saarin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Baaq Nabadeed U Diray Beelihii Dhawaan Ku Dagaalamay Deegaanka Adhi Cadeeye Ee Gobolka Sool. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay deegaanka Adhi Caddeeye ee Gobolka Sool, walaalayaal waxa aan idinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda joojisaan, colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba! Xukuumadda Somaliland, madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay u gurmadaan beelahaas walaalaha ah ee dirirtu dhex martay. Nabad baa naas la nuuga leh. Source
-
(SLT-Riyadh)-Xulufadda Sucuudigu hoggaamiyo ayaa la sheegay inay xayiraad kusoo rogeen dhaq-dhaqaaqa saraakiil Yemen u dhashay oo ka tirsan Dowladda Cabdurabbi Mansoor Hadi, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Yemen. Sida ay wakaaladdu sheegtay, ilo-wareed ka tirsan hay’adda duulista rayidka ah ee garoonka diyaaradaha Caden ayaa shaaaca ka qaaday in xulufaddu ay adkaaneyso wadiiqada socdaalka ee dadka ka baxaya Yemen iyo kuwa imanaya. Tallaabooyinkaan waxaa ujeedkoodu yahay in lagu raad-raaco duulimaadyada saraakiil ka tirsan Dowladda Haadi ee isaga safra Caden, Turkiga iyo Qatar iyadoo uu jiro walaac ah in saraakiil ka tirsan xukuumadda ay Hadi ay si qarsoodi ah xulufo ula sameysanayaan Turkiga. Xayiraadahaani waxaa ay yimaadeen iyadoo la faafiyay war sheegaya in Turkigu uu doonayo in uu lug ku yeesho Yemen isagoo kaashanaya saraakiil safaro ku martay Caden, Qaahira, Dooxa iyo Istanbul. Warbaahin uu maal-geliyo Imaaraadk Carabta ayaa warisay in Turkigu uu faro-gelinayo Yemen, isagoo taageeraya xisbiga Islaax, oo loo arko in uu xubin ka yahay Ikhaawanul Muslimiinka, in kastoo uu arrintaas xisbigu dafiray. Si kastaba Turkigu waxaa dhowaan uu ku dhawaaqay in uu hoggaamin doono howlgal budhcadda uu kala dagaalama Gacanka Caden. Horaantii bishaan, ayaa sidoo kale la wariyay in Sacuudigu uu bilaabay in uu saraakiisha Haadi ka saaro hoteeladda islamarkaana uu dejiyo guryo raqiis ah. Badhtamihii May, ayaa loo sheegay saraakiil Yemen u dhashay in ay banneeyaan hoteeladda maadaama ay Dowladda Sacuudigu dhaqaale ahaan awoodin ay bixiso kharashka hoteeladda ay deganyihiin. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxa arrimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hannaankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa “mid aan buuxin shuruudaha dastuuriga ah”. Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay wax badan u dhiman yihiin marka laga hadlayo doorasho ay shacabka u codeeyaan madaxdooda, inta xilligaasi laga gaaranaya ay hogaamiyayaasha siyaasadda dalka mas’uuliyad ka saaran tahay siyaasad qaran oo is ogol ku dhisan. “Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas’uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso,” ayuu yidhi Borrell oo war saxaafadeed ka soo saaray arimaha Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-27072020.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Den ayaa si adag ugu hadlay tallaabadii xilka baarlamaanka ugu qaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo qeexay waxyaabo badan oo loola dan lahaa xil ka qaadista Kheyre. Saciid Deni ayaa sheegay in tallaabadii xilka looga qaaday Xasan Cali Kheyre isagoo Cadaado u jooga qabsoomida jawi doorasho ay ku dhacdo in madaxweynuhu dhabarka toogto, taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid baal marsan sharciga dalka u yaal, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurkii ummada lagu dhaqayay. “Waxaa cajiib ah oo tallaabada sharci darada baarlamanka kasii daran in madaxweynihii jamhuuriyada oo ku cel celin jiray waxaan ilaalinayaa dastuurka inuu si deg deg ah ku aqbalay arrintaasi sharci darada oo muuqato inuu buriyay qodobo dastuuri ah, waxaa intaa ka daran ra’iisul wasaarihii oo Dhuusamareeb ka tegin isla waqtigaasi inuu madaxwynuhu daqiiqado kadib wareegto kusoo saaray inuu xilka sii hey doono ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Gulled” ayuu yiri Saciid Deni. Wuxuu sheegay in Puntland ay si adag u diiday tallaabooyinka baarlamaanka iyo go’aanka madaxweynaha DF oo ay u aragto in lagu maja xaabinaayo shirkii Dhuusamareeb oo ay u aragtay in xalka Somalia uu ku jiray. “Waxaa aad u muuqaneysa in madaxweynuhu raali ka aheyn in doorasho dalka geliyo, in dalku si dimuqraadi ah u maamulo, wuxuu cadeeyay in wareegto isaga u gooni ah ku maamulo uusana ixtiraameyn dastuurka, sidaasi darteed markaan derisnay muwaaqiftaasi Puntland waxay shaki gelineysaa ku dhaqanka iyo xeerarka dastuurka dalka u degan, waxaana u aragnaa in wixii dhacay lagu maja xaabinaayo shirkii Dhuusa mareeb oo wixii quruxda badan kasoo baxay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu xagal daacinaayo shirkii Dhuusamareeb iyo balantii loo balansanaa Agoosto 15-keeda iyo inuu keeno guddigii loo balansanaa. Dhinaca kale wuxuu khudbadiisa ku xusay dadaaladii uu ra’iisul wasaare Kheyre uu ka waday Dhuusamareeb xiligii la dhabar jabiniyay, isagoo sheegay in ra’iisul wasaaruhu ka go’neyd in dalku doorasho xiligeeda ku dhacda la qabto, dadaalkeedana uu u joogay Galmudug, balse nasiib daro laga horyimid in dalku dorasho ka dhacdo. Hadalka Saciid Deni oo aad u dheeraa ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan in dalka la badbaadiyo, isagoo beesha caalamka ugu mahad celiyay falcelintii iyo taageerada shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay badalaan nidaamka taageerada iyo inaysan madaxda xiligaan kusii deyn inay wixii ay doonaan sameeyaan, hantidii caalamka ka gashay dalkana khasaarin. Fariinta madaxweynaha Puntland ayaa u muuqata mid culeyskeeda leh, dhalinna karta xaalad hor leh oo madaxda maamul goboleedyada ay ku midoobaan, taasoo dab kusii shidi karta xaalada xiligaan ee kala guurka.
-
The way you left this world was unthinkable. Some days, I still wonder if it is really true. I remember being in Mogadishu that night unable to sleep, wondering if it was really true; that you were really gone. It was so difficult for my mind to reconcile that with the fact that just two weeks previously you had encouraged me to come to Somalia after I had been away for so long. I had just arrived the day before, and that night, a terrorist attack in Kismayo took your life. I felt a great sense of loss, twofold —f or my homecoming and for the loss of you. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khudbaddii uu ka jeediyay Muqdisho waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxda ka ahaa ay ku guulaysatay arimo muhiim u ah siyaasadda dalka. Xasan Cali Kheyre ayaa nodqay ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib, isagoo xilka hayay ku dhawaad saddex sano iyo bar ama 1247 maalmood. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod uu Sabtidii u qaaday xukuumadda Kheyre kalsoonida kala laabtay. “Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Haddaba maxaa u qabsoomay Kheyre intii uu xilka hayay, maxaa se lagu xasuusan doonaa? Waxaan halkan ku soo koobnay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa lagu eedeynayo in xukumaddiisu ay ka gaabisay. Deyn cafinta Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisii ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadda Soomaaliya oo ay “soo celisay kalsoonidii uu caalamka ku qabay hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasoo saamaxday in Soomaaliya laga cafiyo deyn lagu lahaa muddo dheer.” Waxa uu sheegay in arintaasi ay xukuumaddiisii gelisay dedaal iyo waqti badan. Inkastoo aan weli Soomaaliya si rasmi ah looga cafin deynta lagu qiyaasay inay ka badan tahay 5 bilyan oo dollar, ayaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii March ee sanadkan waxa ay sheegtay in dalku gaaray marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka deyn cafinta ee loo sameeyo wadamada faqriga ah. Arintaasi ayaa horseeday in Soomaaliya ay soo ceshato xiriirkii ay la lahayd hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, taasoo horseedi karta hormarinta dhaqaalaha dalka iyo in malaayiin qof laga saaro saboolnimada ay ku nool yihiin. Dib u dhiska ciidamada Xukuumaddii Kheyre ayaa bilowday hannaan diiwaangelin rasmi ah loogu sameynayo ciidanka Soomaaliya, si loo ogaado tiradooda saxda ah iyo tayadooda. Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda Soomaaliya ay si muuqata ugu tiirsanaatay ciidamo boqolaal ah oo ku tababartay xerada Turkiga uu ka dhisay Muqdisho ee TurkiSom. “[Hawlaha aan qabanay] waxaa kamid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxalgal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Sidaa oo ay tahayna, xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ciidamadaasi qaarkood u adeegsatay qaab siyaasadeed. Horraantii bishii March 2019, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa magaalada Beled Xaawo kula dagaallamay ciidanka Jubbaland oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Maraykanka ayaa dhaliilay ciidamadaasi ay dowladda geysay gobolka Gedo, waxaana uu ku tilmaamay kuwo laga weeciyay qorshihii sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab. La dagaalanka musuq maasuqa Kheyre ayaa khubaddiisii “iscasilaadda” ku sheegay in xukuumadda uu hogaaminayay ay waxbadan ka qabatay la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya. Inkastoo ay jireen agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda oo loo xiray musuq maasuq, haddana ma jirin cid inta maxkamad loo soo taagay lagu riday xukun ku aaddan wax isdaba marin dhaqaale. Cabdirashid Axmed oo ahaa lataliyaha Kheyre ee dowlad wanaaga iyo isbedallada laga sameynayo dalka ayaa BBC-da u sheegay in waxbadan oo khaldan ay ka dhaceen intiii uu xafiiskaasi joogay. “Soomaaliya waa waddan shaqooyinka la qabto oo dhan ay maalgeliso beesha caalamka. Xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa uu sameeyay hannaan mashaaciida dalka oo looga wareejiyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo la isugu keeno xafiiskaasi, si loo kontoroolo dhammaan qandaraasyada, dhaqaalaha iyo tirada shaqaalaha ku lugta leh,”ayuu yiri yiri Cabdirashiid. Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Transparency International, Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana ay gashay kaalinta ugu hooseysa ee 180/180. Amni darrada (Qaraxii Zoobe) Inkastoo bilihii u dambeeyay ee sanadkan uu soo hagaagayay amniga caasimadda Muqdisho ee ah xarunta dowladda Federaalka, ayaa haddana qaraxii ugu dhimashada badnaa maalin qura ah inta la ogyahay taariikhda Soomaaliya waxa uu dhacay intii uu xilka hayay ra’iisal wasaare Kheyre. 14-kii October 2017, xilli galabnimo ah ayaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee Muqdisho. Qaraxaasi ayaa galaaftay noolasha dad ku dhaw 600 oo qof, sida ay sheegeen hawlwadeennada caafimaadka ee caasimadda. Ma jirin cid ka tirsan mas’uuliyiinta sarsare ee ammaanka oo xilka looga qaaday qaraxaasi dadka badan halaagay, gaar ahaan wasaaradda amniga. Qalbi-dhagax Dabayaaqadii August 2017, dowladda Soomaaliya ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) u gacan gelisay Itoobiya, arintaasi oo caro badan ka dhex abuurtay bulshada Soomaalida. Xukuumaddii Kheyre ayaa sheegtay in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, Qalbi-dhagaxna uu ahaa nin Alshabaab xiriir la ah oo argagixiso ah. Xigasho: BBC
-
Deldelaada Kheyre & Damaca farmaajo+Yaa ka wada shaqeeyay Shirqoolka Kheyre & wuxu eersaday Kheyre Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Kheyre – February 23, 2017 Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaa muddo saddex sano iyo bar ah ayaa shalay si dhib yar xilka looga tuuray, ma ahan wax cusub marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxda sare ee dalka soo maray labaatankii sano ee u dambeeyey. Muxuu eersaday Kheyre? Inkastoo muddo la maqalyay guux ah inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, hadana ma ahayn khilaaf si toos ah u shaacbaxay ee arrintu waxay bannaanka timid markii ay soo dhawaatay doorashada dalka ee 2020/2021. Xasan Cali Kheyre waxa uu muddo wadey dhoolatus siyaasdeed, hase yeeshee hadalkii ugu weynaa ee uu eersaday wuxuu ahaa markii shir ay muuqaal ahaan ku yeesheen Golaha Wasiiradaka ka sheegay in muddo kororsi ay horseedi karto qalalaase siyaaasadeed, sidaas darteed ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda. Madaxweyne Farmaajo ayaa islamarkiiba ku xujeeyay Kheyre inay noqoto doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, waxayna ahaayeen hadalo kala fog oo banaanka keenay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Yaa kawada shaqeeyay shirkoolka Kheyre? Sida ay ogaatay Puntland Post, Xasan Cali Kheye waxaa lagu riday shirqool siyaasadeed oo ay kawada shaqeeyeen dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Madaxdaweyne Farmaajo, Guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo boobsiiyay si fudud oo lama filaana. Shirkii Dhuusamareeb ayuu ahaa kii loogu dhammeeyey Xasan Cali Kheyre, markii madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ku heshiiyeen arrimo aan la soo bandhigin, oo Madaxweyne Farmaajo soo xiritaankii shirka si cad u sheegay in waxyaabo badan oo aan la sheegi karin uu horgeyn doono Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa is-afgarad wali shuruudo ku xiran yihiin la gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana la isla gartay in si hoose loo xaliyo tabashada Siciid Deni iyo Axmed Madoobe inta ka horreysa wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb. Fuley Xantiisa ma Mooga Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bilihii u dambeeyey u kala qaybsanaayeen labo garab oo ay kala hoggaaaminayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Guddoomiyaha Aqalka Hoose Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa kowaad iyo Ra’iisul Wasaare xigeenka Mahdi Guuleed waxay la safanaayeen Madaxweyne Farmaajo, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqal Hoose Mahad Cawad ay la xulufo ahaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre. Bartamihii bishii Jun, Kheyre wuxuu casumaad qarsoodi ah ka helay dalka Qadar oo la safan Farmaajo, sida aan xog ku helnay Qadar waxay Kheyre kala hadashay inuu ka tago xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu Dooxa uga yimid aqbalaad iyo ballanqaad. Marka dib loo milicsado Ra’iisul wasaarayaashii hore ee baarlamaanku riday, way dagaalami jireen oo is difaaci jireen, rididoodana waxaa loo marijiray rafaad, ee maxay tahay sababta Kheyre sida fudud looga takhalusay ee haddana u bixiyay aqbalaada uu marmarsiinyaha uga dhigay is casilaad?. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Fuley Xantiisa ma Mooga” waxaan murtidan u soo qaadaney in Xasan Cali Kheyre uusan moogeyn xanta ah inuu xilka Ra’iisul Waasarenimo waayi doono, sidaasna uu ugu daneeyay mustaqbalkiisa siyaasadeed. Damaca Farmaajo Madaxweyne Farmaajo waxaa u harsan muddo Lix bilood ah, waxaa xilhayntiisu ku egtahay 7 Feebaraayo 2021, sida muuqata Madaxweynuhu hadda diyaar uma aha inuu dalka ka qabto doorasho ku dhacda xiligeeda. Farmaajo shalay wuxuu dhaliyay goolkii u horreeyay oo u horseedi kara in muddo kordhin loo sameeyo, maadaama ay meesha ka baxday Xukumaddii diidanayd kororsiimaha, ayna wakhti qaadanayso magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub oo soo magacaaba Xukuumad, kadibna doorasho qabata. Shirka Dhuusamareeb 3, waxaa sida muuqata Madaxweyne Farmaajo ku heli karaa muddo kordhin dhan ugu yaraan sanad iyo siddeed bilood, waa haddii mucaardka ay qeyb ka noqdaan shirka iyo Xukuumadda cusub. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee keeni doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa looga dambeyn doonaa soo xulitaankiisa dowladda Qadar iyo Fahad Yaasiin oo dagaal weyn la galay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Dadka siyaasadda fallaanqeeya waxay leeyihiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka iman doonaa degaanada Galmudug, raga la hadal hayo waxaa kamid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Hadalka Mareykanka Siyaasada Soomaaliya inta badan waxaa saameyn ku yeesha dano shisheeye iyo hardan ka dhexeeeya dowlado iyo quwado is-haya, Dowladda Mareykanka oo noqotay shisheeyihii ugu horreeyay oo ka hadla xilka qaadista Xasan Cali Kheyre ayaa ka hortimid qorshahaas. Dowladda Maraykanku waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto wax ay ku tilmaantay “Qaswadayaal” doonaya in ay wiiqaan horumarka, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. Dada badan ayaa isweydiinaya waa tuma cidda uu Mareynkanku ku sheegay Qaswadayaasha?, Mareykanka waxaa u muuqda in Turkiga iyo Qadar labaduba qorshe xoog badan kawadaan Soomaaliya, ayna ku lugleeyihiin xilka qaadista Kheyre. Xilka qaadista Kheyre ayaa muujisay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed oo soo noqnoqda. Liibaan Yuusuf Qaran News
-
Fewer than 100 people have died of Covid-19 in Somalia, according to official figures. Source: Hiiraan Online
-
CAIRO: Sudan wants a decisive round of negotiations on the Renaissance Dam with Egypt and Ethiopia, provided the latter adheres to a timetable and agenda to address disagreements, Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Xulufadda Sucuudigu hogaamiyo ayaa la sheegay in ay xayiraad kusoo rogeen dhaq-dhaqaaqa saraakiil Yemen u dhashay oo ka tirsan Dowladda Cabdurabbi Mansoor Hadi, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Yemen. Sida ay wakaaladdu sheegtay, ilo-wareed ka tirsan hay’adda duulista rayidka ah ee garoonka diyaaradaha Caden ayaa shaaaca ka qaaday in xulufaddu ay adkaaneyso wadiiqada socdaalka ee dadka ka baxaya Yemen iyo kuwa imanaya. Talaabooyinkaan waxaa ujeedkoodu yahay in lagu raad-raaco duulimaadyada saraakiil ka tirsan Dowladda Haadi ee isaga safra Caden, Turkiga iyo Qatar iyadoo uu jiro walaac ah in saraakiil ka tirsan xukuumadda ay Hadi ay si qarsoodi ah xulufo ula sameysanayaan Turkiga. Xayiraadahaani waxaa ay yimaadeen iyadoo la faafiyay war sheegaya in Turkigu uu doonayo in uu lug ku yeesho Yemen isagoo kaashanaya saraakiil safaro ku martay Caden, Qaahira, Dooxa iyo Istanbul. Warbaahin uu maal-geliyo Imaaraadk Carabta ayaa warisay in Turkigu uu farogelinayo Yemen, isagoo taageeraya sixbiga Islaax, oo loo arko in uu xubin ka yahay Ikhaawanul Muslimiinka, in kastoo uu arrintaas xisbigu dafiray. Si kastaba Turkigu waxaa dhowaan uu ku dhawaaqay in uu hogaamin doono howlgal burcadda uu kala dagaalama Gacanka Caden. Horaantii bishaan, ayaa sidoo kale la wariyay in Sacuudigu uu bilaabay in uu saraakiisha Haadi ka saaro hoteeladda islamarkaana uu dejiyo guryo raqiis ah. Bartamihii May, ayaa loo sheegay saraakiil Yemen u dhashay in ay faarujiyaan hoteeladda maadaama ay Dowladda Sacuudigu dhaqaale ahaan awoodin ay bixiso kharashka hoteeladda ay deganyihiin.
-
Ururka Midowga Yurub ayaa ka horyimid xil ka qaadistii ay Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo ururka uu ku qeexay inay dib u dhac ku tahay horumarka Soomaaliya. “Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Wakiilka Sare iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell. Recent developments in #Somalia entail a serious disrespect for the constitutional foundations and represent a setback for the country and the confidence of the European Union in the progress of Somalia. #AUEU https://t.co/uw0tC7iNd5 — Josep Borrell Fontelles (@JosepBorrellF) July 26, 2020 “Hanaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada xukuumadda xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah,” ayuu yiri. Codkii shalay ee Golaha Shacabka ayaa yimid maalin kadib markii lasoo geba-gebeeyey kulankii madaxweynaha dalka iyo madaxweyne goboleedyada, kaasi oo la isku raacay inuu xigo kulan kale oo dhacaya 15-ka August. “Ficilladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aas-aasyada dastuuriga ah ee Soomaaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayey,” ayuu yiri Borell. “Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh dib ugu eegi doonaa sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda iyo heerka ay Soomaaliya ka weecin karaan horumarka ay sameyneysay,” ayuu yiri. Qoraalka Midowga Yurub ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dowladda Mareykanka ay shalay sheegtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya. The EU in Somalia wants to praise PM Khaire's determination to conduct strategic reforms. On its journey to become free of insecurity, free of debt and free to vote leaders into power, PM Khaire represented the future, the modern Somalia citizens and partners all aspire to. https://t.co/CA690iLBwh — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) July 26, 2020 Qaran News
-
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilowday Abaabulka Mooshin xilka qaadis, oo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Maxamed Nuur Gacal. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, ayaa la sheegay in ay wadaan Abaabulka Mooshinkaas ,kadib markii ay Guddoomiyaha ku eedeeyeen Qodoba dhawr ah, inkastoo uusan weli si rasmiya bannaanka ugu soo bixin Mooshinka. Xildhibaannada, ayaa Guddoomiye Gacal ku eedaynaya in uu si qaldan u isticmaalay Awoodihiisa, islamarkaana xushmad la’aan u muujiyay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Galmudug. Sidoo kale waxay ku eedaynayaan in uu lacag ka badan Saddex boqol oo kun oo Dollar ($300, 000 Dollar) ku Kharash-gareeyay Xafiiskiisa gaarka ah, xilli Xildhibaannadu ay mushahar la’aan yihiin mudda saddex bilood ah. Balse, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Mooshinkaas uu salka ku hayo Arrima siyaasadeed, ayna dabada ka riixayso Villa Somalia, si meesha looga saaro Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal oo xiriir dhow la-lahaa Ra’iisul wasaare khayre. PUNTLAND POST The post Abaabulka Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Dhuusamareeb ka bilowday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda, iyadoo ugu hambalyeysay furitaanka masjidka weyn ee Hagia Sophia oo horay u ahaa madxaf ku yaal magaalada Istanbul. Masjidkaas ayaa furitaankiisa muran badan dhaliyay oo dowladdaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ugu horeeyaan ay ku dhaliileen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Somalia waxay u hambalyeyneysaa guud ahaan dunida muslimka ah, gaar ahaan shacabka walaalaheena Turkiga, qaadashada go’aanka ah in dib loogu celiyo xaruntiisii hore masjidka Hagia Sophia,” ayay ku soo qortay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Somalia barteeda Twitter. Masjidka Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah magaalada Istanbul. Hagia Sofiya waxay kaniisad ahaan jirtay ilaa 916 sanadood ilaa laga qabsaday magaalada Istanbul, waxayna masaajid ahaan jirtay laga soo bilaabo 1453 ilaa 1934 – ku dhawaad 500 sano, xiligaasi wixii ka danbeeyayna waxaa loo badalay matxaf 86 sano. Mid ka mid ah dhismayaasha taariikhiga ah ee sida weyn loo booqday ee ay leeyihiin dalxiisayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, Hagia Sophia waxaa lagu dairy Liiska dhaxalka dunida la wada aqoonsan yahay ee diiwaanka UNESCO sanadkii 1985, waqtigaas oo ahayd madxaf. Maxkamad Turki ah ayaa baabi’isay qaraarkii golaha wasiirada xukuumaddii jirtay 1934 taasoo u beddeshay Hagia Sophia madxaf, taasoo wadada u xaareysay in mar kale loo isticmaalo masjidka kadib 86 sano. Dowladdaha reer Galbeedka oo ugu horeeyo Mareykanka ayaa si caro leh ugu hadlay mowqifka masjid mar kale loogu badalay Hagia Sophia, waxayna madaxweynaha Turkiga ay ku eedeeyeen inuu meel ugu dhacay diimaha dadka ay aaminsan yihiin. Halka Dunida Islaamka qaar si weyn looga soo dhoweeyay, inkastoo dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay ku dhaliileen arrintaasi Turkiga.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-26072020-ok.mp3 View the full article
