Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono. Wafdiga oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ee dalka ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasii sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani iyo Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale inoo sheegay in ujeedka safarka uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.
  2. Madasha Xisbiyada Qaran oo warmurtiyeed ka Soo saarey go,aankii Aqalka Sare ee ku aadanaa habraacyada been abuurka ah ee la sheegay lagu sameeyey xeerkii ay Soo wada diyaariyeen Guddigii Labada Gole BFS ka koobnaa ee lagu ansixiyey golaha shacabka, iyaga oo soo dhoweeyey mowqifka golaha aqalka sare. Madasha ayaa kula talisay hoggaanka sare ee dawladdu joojiyo cagajiidka iyo waqti lumiska ayna ka shaqeeyaan kaliya sidii ay dalkan doorasho heshiis lagu yahay uga dhici lahayd waqtiga hadhay. Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta kulankii u horreeyay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu yahay Shir iskaashi oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, kaasi oo looga hadlayo arrimaha labad maamul. Shirka waxaa ka qayb-galaya xubno ka socda Goleyaasha Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlaya Arrimaha Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, Nabadda iyo dhaqaalaha. “Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La taliyeyaal, waxaa looga hadlay kulanka Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan la qaadanayay Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Degmada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa, in uu dhowaan magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug, kadib markii Guddoomiyihii hore qarax lagu dilay bishii tagtay ee May. Wararku waxay sheegayaan, in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabayo Ex. Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ay walaalo yihiin Guddoomiyihii dhintay AUN Axmed Muuse Nuur. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadlayaan Deni iyo Qoor Qoor? appeared first on Puntland Post.
  4. Marxuum Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) Hal askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay dagaal maanta oo Jimce ah Ciidamo ka wada tirsan Puntland ku dhex maray gudaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) ayaa la sheegay in uu Gaaneri u ahaa Ciidan ka amar qaata Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee ku sugan Airport-ka Magaalada Badhan. Dagaalka oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay ayaa dhexmaray laba ciidan oo ku wada sugan Airport-ka Degmada Badhan kuwaas oo mid kood ka amar qaato Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato Taliyaha Turobataariyada Gobolka Sanaag Col. Cintile. Goob-joogayaal ku sugan gudaha Badhan ayaa ku soo warramaya in labada Ciidan uu dagaal toos ah ku dhexmaray gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan balse markii dambe lagu guulaystay in la kala qaado. PUNTLAND POST The post Khasaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Badhan appeared first on Puntland Post.
  5. Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheega in xarunta madaxtooyada Puntland ee Galkacyo ay kulan ku leeyihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Labada dhinac ayaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan xiriirka labada maamul ee amni, dhaqaale iyo bulsho iyo arrimaha federaalka ah oo ay ugu horeeyaan kulanka ay 5-ta bisha la yeelan doonaan madaxda dowladda federaalka ah, dhiggooda iyo gobolka Banaadir. Wararka shirka, halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa Magaalada Gaalkacyo Wuxuu ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor. Waa markii ugu horaysay oo labada Madaxweyne ay [...] The post Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug, Sawiro appeared first on . Source
  7. Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 60-sano guuradii ka soo wareegtay 26-ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi. Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen. British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii. Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur. 6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad. Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”. Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. 4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ” Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963 Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii. Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah. July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. Hargeisa wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani. Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan. Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland. Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto. Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  8. Ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa maanta oo Jimce ah ku dagaallamay garoonka diyaaradaha magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Goob-joogayaal ku sugan Degmada Badhan ayaa ku soo warramaya in rasaas culus oo laba dhinac ka dhacaysa laga maqlay gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan inkastoo aan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Labada Ciidan oo dagaallamay waxaa mid kood ka amar qaataa Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Col. Cintile. Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay dagaalkaas iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay midna waxaase faahfaahinta kala socon doontaan Puntlandpost.net The post Dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa ciidamo dhawaan tababar loogu soo xiray magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ku daabushay Gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland. Ciidamadaan oo ku hubeysan qoryaha culus iyo kuwa fudud isla markaasna wato baaburta dagaalka ayaa ku biiray ciidamadii Puntland ee horey ugu sugnaa jiidda dagaalka. Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan Wasiirada warfaafinta ee Puntland iyo Somaliland ay hawada isku mariyeen hanjabaad iyo hadalo colaadeed. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan daan-daansi kasta oo uga yimaada maamulka Puntland, xili ay ka dhex aloosan-tahay xiisad xoogan oo mararka qaar horseeda dagaal dhex-mara ciidamada kala taabacsan labada dhinac. Wasiir Koore ayaa sidoo kale hadalo qalafsan oo aflagaado u muuqday u adeegsaday madaxweynaha Puntland, taasi oo uu ka jawaab celiyay Wasiirka dhigiisa ah ee maamulka Puntland. Cabdilaahi Timacade, Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isagoo daba socda hadalka Wasiir Koore luuqad adag ugu soo jawaabay xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Cabdilaahi Timacade ayaa ku hanjabay inuu dhiig daadan doono, haddii ay Somaliland iskaga bixi weydo dhul xuduudkeeda ay ku muransan yihiin labada dhinac, kaasi oo uu sheegay inuu yahay dhul ka tirsan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa Saleebaan Koore ku tilmaamay nin maqaar saar ah oo dhulkiisa uu ku matalo xukuumada Somaliland lagu guumeysto, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono” ayuu yiri Wasiir Cabdilaahi Timacade. Tan iyo waqtigaas weli xiisadaha gobolka Sool ma degin, waxaana ciidamadu isku horfadhiyaan goobahoodii.
  10. On her balcony in a small apartment in Somalia’s capital Mogadishu, Nujuum Hashi Ahmed is concentrating on a new painting that springs from the depths of her imagination. Source: Hiiraan Online
  11. Munaasibad loogu dabbaal-degayo 60-guuradii kasoo wareegtay markii gobolada waqooyi ay xoriyada ka qaateen Ingiriiska ayaa lagu qabtay madaxtooyda Somaliland. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Khudbadii 26-Juun 2020 Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Halkan Ka Daawo Khudbadii Uuu Madaxweyne Farmaajo U Jeediyay Shacabka Soomaaliyeed Source: goobjoog.com
  13. Waa barnaamij gaar ah oo Shabelle ay ka diyaarisay maalinta Qaran ee 26-ka June. Halkan hoose riix, si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Barnaamijka-26-June-By-Cadaani-Safa.mp3 View the full article
  14. Gaalkacyo ( Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xalay ay ku wada hoydeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo la filayo inay wada kulmaan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa la hadal haayay in labada Madaxweyne ay wada kulmi doonaan,iyaga oo ka wada hadli doona arrimo muhiim. Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah Amniga Magaalada Gaalkacyo, la dagaalanka Al-Shabaab iyo iskaashi la xiriira ka hortegida Colaad Beeleedyada ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Mudug. Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo mas’uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Maamulka Puntland iyo Galmudug oo deris ah ayaa u bilaabanaya xiriir cusub oo wada shaqeyn ah, kaddib markii Galmudug ay gashay is bedel cusub. Wixii kusoo kordha waxaad ku akhrisan doontaan wararkeena dambe Inshaa Allah
  15. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Munaasabadda 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbiga gobolada Waqooyiga, oo maalintaa Ka xoroobay Gumeystihii Ingiriiska, taasi oo iminka laga joogo 60 sano, isagoo xusay in maalintani umadda Soomaaliyeed ay u tahay Maalin weyn oo xusuus mudan. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaaneyso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba, ayna muhiim tahay In mar walbo la xusuusto Dadaalka laga soo maray Xoriyada maanta aan heysano taasi uu sheegay Madaxweynaha In Naf iyo Maal lagu bixiyay Oo dad Soomaaliyeed ay Dhiigooda u horeen Xoriyada Soomaaliya. “Hambalyo hambalyo hambalyo ayaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbiga Gobolada Woqooyi Sanad Guurada 60-aad xoriyada dalka ee 26 Juun, maalintaas waxay i noo eheyd waa noo baryay oo aan dareenay Neecaaw xoriyadeed, oo ku timid dad Soomaaliyeed oo dhiig iyo dheecaan u huray Xoriyadeena, waxaana alla uga baryayaa Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee Gobonimo doonka ahaa in naxariistii Jano uu ka waraabiyo” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in muhiim ay u tahay dadka Soomaaliyeed Midnimadeena iyo Wadajirkeena, waxaana Walaalaha Gobolada Woqooyi ee Somaliland uu ugu baaqay iyagoo fiirinaya Halganka Xoriyada wadankeena laga soo maray In ay u tanaasulaan muhiimada Midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, waxaana dhinaca kale Madaxweynaha uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay sii laba jibaarto wadahadalada Somaliland islamarkaana xal loo helo Tabashada Walaalaheen Gobolada Woqooyi. Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa Hamablyada 27 Juune u diray shacbiga Iyo Dowladda Walaalaha aan nahay Ee Hiil Walaal Jibuuti oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Cumar maalintaasi oo ah maalinta Xoriyada Dalkaasi islamarkaana ay ka xoroobeen Gumeystihii Faransiiska. View the full article
  16. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 868. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 18 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Benaadir 11, Somaliland 6, iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,878. Bukaannada cusub 16 ka mid ah waa rag 2-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo View the full article
  17. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasabadda 26-ka June oo xalay lagu xusayay markii gobollada waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingariiska mar uu khudbad ka jeedinayey ayaa ka waxa uu ka dhawaajiyay in la aan aqbali karin is-dhexgalka dhanka siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa xusay in u caadi yahay horayna ay soo jiray is dhexgalka bulshada labada dhinac, sida isu socodka iyo is-dhaafsiga baayac-mushtarka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ay dambi tahay in qof siyaasi ah inta uu ka tago Somaliland uu tago gudaha Soomaaliya, islamarkaasina uusan ka qeybgali karin kulan siyaasadeed ama doorasho. Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa dhawaan wada-hadal ku dhexmaray dalka Jabuuti, balse durba waxaa soo if-baxaya in madaxda ay hadlo agdag isu marinayaan dhanka warbaahinta, kaasi oo wada-hadalada iyo dadaallada socda ku keeni kara in ay markale kala boodaan labada dhinac. View the full article
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Waxaa xusid mudan kaalintii SNL ay ku lahayd halgankii gobonimo doonka iyo xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koofureed. Labada urur waxay lahaayeen xiriir wanaagsan, ujeedooyin iyo aragtiyo mideysan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadahadalladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadallo miro dhal ah. “Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna bilaabay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.” Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hobollada Qaranka oo suugaan ku cabirayey qiimaha midnimada, wadaniyadda iyo wadajirka. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,hayeeshee waxaa munaasabadda sababo la xiriira khilaaf uga maqnaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Arbacadii soo saaray qoraal uu ku sheegay in xeerarka ay ka doodayaan Golaha Shacabka aheyn kuwii saxda ahaa ee guddiga labada Gole soo diyaariyeen. War-saxaafadeedka Guddoomiyaha ayaa dab ku sii shiday siyaasadda Soomaaliya oo markii horaba aheyd mid aan laheyn sal fadhiyo iyo xasilooni weyn. Waxaa jira hal qodob oo mar-qaati u noqonaya cabashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, kaas oo ah; doodda baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka ayaa waxaa diidan dowlad gobaleedyada dalka waxaana ka muuqato orod iyo boobsiis waana waxa sii xoojinaya qeyla dhaanta guddoomiye Cabdi Xaashi. Sidoo kale dooda Aqalka Sare ayaa waxaa marqaati u ah doodii madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada taas oo aheyd in Madaxweynaha ka codsadeen in marka hore la joojiyo sharciyada baarlamaanka horyaala iyo kuwii laga soo gudbay oo ay qeyb ka yihiin kuwa muranka dhaliyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlad gobaleedyada ka ogolaaday codsigaas inkastoo uusan wali dhaqan gelin. Dalabkaan ayey dowlad gobaleedyadu jeediyeen kulankii ugu dambeeyay ee dhacay Isniintii todobaadkaan. Puntland iyo Jublanad ayaa labadaba qoraallo ay soo saareen ku sheegeen in dowladda ay ka baxday ballanqaad uu Farmaajo sameeyey Isniintii. Wararka ayaa sheegaya in la doonayo in dhammaan xeerarkan la ansixiyo ka hor kulanka madaxweynaha iyo madax goboleedyada oo ku beegan 5 ilaa 7 July, taasi oo muujineysa boobsii la rabo in wax lagu marsado. Waxaa sii xumaanaya khilaafka u dhaxeeya labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxaana la aaminsan yahay in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso hujuumka ku socdo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS.
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-.mp3 View the full article
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka. Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo muxuu kaga hadlay Khudbaddiisi Munaasabadda 26-ka June? appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gebo-gebo ah maraya dayactir lagu sameeyay dhismihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, dhismahaas oo ku yaala agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Dhismahaan oo lagu soo koobay oo kaliya wareegga xaruntii baarlamaanka ayaa loo sameeyay fadhi qurux badan, beero iyo geedo lagu talaalay waxaana sidoo kale loo sameeyay goobo lagu sheekeesto inkastoo ay wali bur bursan tahay gurigii baarlamaanka. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ay ku jiraan siyaasiin iyo Xildhibaano ay tartan ugu jiraan sidii ay halkaas uga furi lahaayeen maqaayad cuntada fudud lagu sameeyo si looga iibsado dadka usoo damaashaad taga. Masuuliyiintaan ayaa qaarkood la kulmay maamulka gobalka Banaadir, waxayna weydiisteen in ganacsi ka sameystaan xaruntaan inkastoo aan wali loo ogolaanin sidoo kalane aan loo diidin. Waxaa sidoo kale jira mas’uuliyiin kale, oo ay ku jiraan xildhibaano, oo iyagana maraya madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, si loo siiyo qandaraaska. Muqdisho oo ka soo kabaneysa dhibaatooyinkii gaaray ayaa ku jirta tartan ganacsi oo weyn iyo dhismiyaal qurux badan. Sidoo kale magaalada ayaa gashay jawi nabad galyo ah kadib markii ay aad u yaraadeen weeraradii iyo qaraxyadii ka dhi
  23. Amiir Maxamed bin Salman oo laga xaday Dokumenti ay ku jiraan sir xasaasi ya Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa amray in lasoo xiro qoyska sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka si cadaadis loogu saaro in uu soo gacan geliyo dokumentiyo xasaasi ah oo uu la baxsaday, Reuters ayaa sidaas werisay. Afar ilo-wareed oo xaalada ka warqaba lana hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in dhaxal suguhu uu amray in la xiro qaraabadda Saad Al-Jabri iyadoo ujeedadu ay tahay in sarkaalka sirdoonka horay uga tirsanaa lagu qasbo in uu Sucuudiga uu kusoo laabto kana yimaado Canada oo uu hadda deganyahay. Xarigga ilmaha waa-weyn ee Al-Jabri, waxaa la sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ku doonayo in uu ku helo qoraalo sir ah oo la qoray xilligii uu xafiiska joogay saraalka baxsadka ah, xilligaas oo uu muddo fog la taliye u ahaa Maxamed bin Nayef. Bin Nayef oo ah Maxamed bin Salmaan ina adeerkiis waxaa uu ahaa dhaxal sugihii hore ee taajka sucuudiga, waxaana jagadaas laga tuuray 2017-kii. Ka skoow in uu doorkii dhaxal-sugenimo wareejiyay, bin Nayef waxaa mar kale la xiray bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay taasi oo qayb ka ahayd xarigga saraakiil boqortooyada ka tirsan kuwaas oo Maxamed bin Salmaan uu u arkayay in ay khatar ku yihiin awooddiisa. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in maalmo kadib markii dib loo xiray amiirka, wiil 21 jir ah iyo gabar 20 jir oo uu dhalay Al-Jabri in iyagana la xiray kadib markii la weeraray gurigii ay ka degenaayeen Riyadh, waxaana ku xigay Al-Jabri walaalkiis oo la xiray May. Mid ka mid ah ilo-wareedka ayaa Reuters u sheegay “Muddo ayey doonayeen in Al-Jabri maadaama uu ahaa gacanta midig u ahaa Maxamed bin Nayef.” Qoraaladaas xasaasiga ah ee uu hayo sarkaalka hore ee sirdoonka, sida ay Reuters sheegtay, waxay ka kooban yihiin akhbaar loo isticmaali karo kuwa siyaasadda uga soo horjeeda Maxamed bin Salmaan iyo sidoo kale akhbaar si dhab ah u dhaawici karta dhaxal sugaha iyo aabihiis boqor Salmaan. Sidoo kale qoraaladdu waxay ka koobanyihiin akhbaar ku saabsan hanitida uu dibadda ku leeyahay Maxamed bin Nayef, taasi Maxamed bin Salmaan uu u adeegsan karo amiirka xiran. Mid ka mid ah ilo wareedka ayaa, oo ahaa sarkaal hore oo amni gobol, ayaa sheegay in Al-Jabri uu sidoo kale heysto feylal ay ku jiraan faah-faahin lacageed iyo macaamilka saraakiil sare ee boqortooyadda ka tirsan. Qoyska Al-Jabri waxay raadinayaan taageeradda Maraykanka oo ah xulufo u dhow Sacuudiga, iyagoo rajeynaya in cadaadis uu boqortooyadda ku saaro sii deynta xubnaha qoyska ee xiran. Qaran News