-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in maanta guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, natiijada kalsooni kala noqoshada xukuumadda uu uga dhawaaqay meel ka baxsan fadhiga baarlamaanka. Sideed xildhibaan oo aad u diidanaa kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ayaa ku buuqay Guddoomiye Mursal, waxuuna ka istaagay kursigii uu ku guddoominayey kulanka, isagoo galay xaafiiskiisa halkaas oo loogu geeyay weriyaasha si uu ugu dhawaaqo natiijada. “Codeyn ma dhicin, guddoomiyaha xafiiskiisa ayuu galay markii leesku buuqay kadibna cod ayaa laga soo duubay, isagoo ku dhawaaqay kalsooni kala noqosho waana xaaraan” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Muqdisho warbaahinta kula hadlay. Muuqaalka laga soo duubay guddoomiyaha ee ku dhawaaqista natiijada ayaa muujinaya inuu fadhiyo meel xafiis ah oo aan aheyn fadhiga baarlamaanka. Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay kulankii maanta, waxaana la sheegay inuu ahaa mid aan loo marin waddo sharci ah, iyadoo ay jiraan doodo waa weyn oo arintaas ku saabsan.
-
MOGADISHU (AFP) - Somalia’s parliament removed the prime minister, Hassan Ali Khaire, from his post in a vote of no confidence on Saturday for failing to pave the way towards fully democratic elections, the speaker said. Source: Hiiraan Online
-
Raysal wasaare Xigeenka Dowlada Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed oo Qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa si wayn ugu mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo magacaabida uu u [...] The post Mahdi oo Madaxweyne Farmaajo u mahadceliyey appeared first on . Source
-
Qaar kamid ah xisbiga siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadkay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga Wadajir ee hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame yaa lagu sheegay in sifo sharci ah loo maray xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Kheyre, islamarkaana uu xisbiga Wadjir si xooggan u diidan tallaabadaas. Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xilka qaasista Kheyre aysan ku jirin ajandaha Golaha ee maanta, mooshin eedeyn ah iyo saxiix 50 xildhibaana aan Golaha laga akhrin, sidoo kale aan laga doodin mooshinka. Xisbiga Wadajir ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu ku legleeyahay xilka qaadista Kheyre, si muddo kordhin loogu sameeyo. Dhanka kale xisbiyada ku bahoobay (Madasha Xisbiyada Qaranka) ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga horyimid go’aanka Baarlamaanka ee xilka qaadista Kheyre. Madasha Xisbiyada Qaranka ayaa sheegtay in kalsooni kala noqoshada Xukuumadda ay u arkaan carqaladayn iyo burburin go’aannadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, taas oo ay tilmaameen in loogu gogol xaarayo muddo kororsi aan sharci ahayn. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada xisbiyada PUNTLAND POST The post Xisbiyo siyaasadeed oo ka horyimid xilka qaadista Kheyre appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war kasoo saartay tallaabadii uu baarlamaanku kalsooni kala noqday xukuumada Kheyre, iyada oo uu si rasmi ah u ayiday Madaxweyne Farmaajo. Madasha ayaa si weyn u cambaareysay xil ka qaadista lagu sameeyay Kheyre iyo xukuumadaasi, taasi oo ay sheegtay inay carqaladayneyso go’aannadii shirka Dhuusamareeb, isla markaana looga dan leeyahay muddo kororsi aan sharci aheyn. War-murtiyeedkaasi kasoo baxay Madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay Madashu ka xuntahay in xiligan uu madaxweynuhu uu hormuud ka noqdo qalaalase siyaasadeed oo xaalad adag galiya dalka. Madasha ayaa sidoo kale ku baaqay in xiligan kala guurka ay muhiim tahay ilaalinta sareynta sharciga iyo xasiloonida dalka, iyada oo ay ka go’antahayna. Waxayna si adag uga digtay hanaan kasta oo la iskugu dayo muddo kororsi aan sharci aheyn, maadama xil ka qaadista Kheyre ay horseed u tahay hirgelinta qorshaha Villa Somalia. Ugu dambeyntiina waxay soo jeedisay in la ilaaliyo is-fahamka siyaasadeed ee bilowga ah, iyada oo laga fogaanayo waxkasta oo keeni kara qalaalase siyaasadeed oo uu dalku galo. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka Madasha oo dhameystiran
-
Xisbiga Wadajir ayaa ka horyimid go’aankii Golaha Shacabka ee xil-ka looga qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Qoraal ka soo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay inuu diidan yahay kalsooni kala noqoshada xukuumadda, isaga oo sharci darro ku tilmaamay tallaabadaasi. Sidoo kale wuxuu xisbigu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay muddo kororsiga uu damacsan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-25072020.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka iyo Madasha ayaa qoraal uu bartiisa Faceboogga goordhow soo dhigay waxaa uu ku beeniyey qoraal loo tiiriyey Madasha oo la isla dhex wareegayo kaas oo ceyrinta Xasan Kheyre ku sheegay mid qalalaaso abuuri karto iyo mid lagu doonayo waqti kordhin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii uu maanta soo xiray kulankii baarlamaanka ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu deg deg usoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub. Guddoomiye Mursal ayaa ku doodaya in xukuumada Kheyre ku fashilantay qabashada doorashada 2020/2021, isla markaan uu goluhu kala laabtay kalsoonidii uu hore u siiyay xukuumada Kheyre. Waxaa uuna sheegay in 170 Xildhibaan ay xilka ka qaadeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo gebi ahaanba xukuumaddiisa, arrintaasi oo lama filaan noqotay. Mursal ayaa raba in Farmaajo uu si deg deg ah usoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub, oo muddo kooban kusoo dhisa xukuumad cusub oo dar-dar gelisa howlaha qaranka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah. Xil ka xayuubinta uu maanta shaaciyay Mursal ayaa noqotay mid lama filaan ah, taasi oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixayso Villa Somalia oo Kheyre u aragta caqabad hor taagan muddo korodhsiga.
-
(SLT-Addis Ababa)-Safiir ku xigeenka Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa shaaciyey inay Itoobiya tahay dalka ugu muhiimsan ee ay cilaaqaad Ganacsi iyo mid Nabadgelyo la leh Somaliland. Danjire Kaariye wuxuu sidaas ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey Wargeyska Addis Standard oo Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ay soo koobtay. Safiir ku-xigeenka Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya, danjire Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid cad, waxaanu tusaale u soo qaatay in qofka sita baasaboorka Soomaaliya aanu geli karin dalka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo aan xafiisyada dalku ku leeyahay dibadda aan ka sidan dal-kugal. Sidoo kale, Danjire Kaariye oo ka hadlayey dhinaca wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay inay u wada hadlayaan labada dal. Waxaanu tilmaamay in JSL ka rabto Soomaaliya inay aqoonsato guulihii Somaliland gaadhay 30 kii Sannadood ee la soo dhaafay oo ay ka madax bannaanayd Soomaaliya inteeda kale isla markaana ay u Halgamayso Aqoonsi buuxa oo ay hesho. Mr. Kaariye waxa kaloo uu ku dooday inay Soomaaliya la gudboon tahay inay qirato masuuliyadda xasuuqii ay dawladdii Millatariga aheyd u geysatay shacabka Somaliland intii midowgii labada dal aanu burburin. Taasi oo uu madaxweyne Farmaajo qirtay isla markaana raaligelin ka bixiyey, wuxuuna ku booriyey inay Soomaaliya la gudboon tahay inay u aqoonsato Somaliland dal madaxbannaan. Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya, waxa uu soo dhaweeyey qorshaha dib u bilowga wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ay dhawaan bilaabeen Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti iyo himilada isdhexgalka dalalka Geeska Afrika oo ah oo ku sifeeyey mid waxtaraysa xasiloonida dalalka jaarka ah. Barkhad Kaariye oo la weydiiyey waxa uu ku tilmaami kari xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka la jaarka ah, waxa uu bayaamiyey inay Somaliland ay muddo 30 Sannadood ah ku naaloonaysay nabad iyo xasilooni, waxaanu xusay inay ilaaliso ammaanka xuduuddaheeda oo ay ku kharash garayso inta ugu badan miisaaniyad Sannadeedka Qaranka, si loo xaslado ammaanka soohdimaha ay Somaliland la leedahay mandaqada Waxaanu intaas ku daray inay Somaliland aaminsan tahay nabad iyo wax wada qabsi kula noolaato jaarkeeda. Mr. Barkhad oo la weydiiyey waxa uu ku sifeyn karo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu ku tilmaamay cilaaqaad walaaltinimo, waxaanu caddeeyey in aanu xidhiidh diblomaasiyadeed oo kaliyi aanu ka dhexaynin, balse Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan iskaashi bulsheed oo labada ummadood ka dhexeeya. Danjire Barkhad waxa uu xaqiijiyey inay labada dal wadaagaan soohdin dheer oo ay si wadajir ah u ilaashadaan. Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir ula dagaalamaan ganacsiga sharci darrada ah,isla markaana ay u arkaan Itoobiya inay tahay dalka ugu muhiimsan ee ay la leeyihiin iskaashi Ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada shacbi. Danjire Barkhad Kaariye, waxa uu Waraysiga uu siiyey Wargeyska Addis Standard, si qotodheer uga hadlay sida ay Somaliland u istaahisho inay aqoonsi caalamiya ka hesho Adduunka, waxaannu si adag u difaacay madaxbannaanida Saxaafadda, Xuquuqda Aadanaha iyo marxaladihii kala duwaa ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo martay madaxbannaanideeda. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaadh ah. Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaadhka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020. Source
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen Waxay Xilka qaadista Raysal wasaaraha ku macneeyeen Carqaladayn Shirkii Dhuusamareeb . Qoraalka kasoo baxay [...] The post Madasha Xisbiyada Qaran oo kasoo horjeestay Xilka qaadistii Raysal wasaaraha appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah. Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii guddoomiyaha baarlamanka uu maanta shaaca ka qaaday in xilka laga qaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, taasi oo madaxweyne Farmajao uu soo dhoweeyey. “Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada. “Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale qoraalka ka ballan-qaaday inay ka go’an tahay dhaqan-gelinta qodobadii shirka Dhuusamareeb, iyo in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacdo. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumaddii la riday, si kumeel gaar ah ugu idmaday sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in idmashadu ku saleysan tahay in aysan hakad gelin qorsheyaasha dowladda inta madaxweynuhu ku soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare cusub. “Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri wareegtada Villa Somalia. Sidoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaano ku adkaysanayo in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka. Ugu dambayna wareegtada ayaa lagu soo gabagabeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo howlaha Xukuumadda u idmaday Mahdi Guuleed appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magacaabay Raysal wasaaraha kumeel Gaarka ah, Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa ku bilowday sidaan. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa [...] The post Breaking News — Raysal wasaare Xigeen Mahdi oo loo magacaabey Raysal wasaaraha Kumeelgaarka ah appeared first on . Source
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah. Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed. Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020. View the full article
-
Sawir hore Wararka ka imaanaya Degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ku warramaya in halkaasi uu Galabta ka dhacay Dagaal u dhexeeya laba Malayshiya-beeleed. Colaadda Labada Beelood ayaa mudda sannado ah soo jiitamaysay balse sida wararku sheegayaan Dagaalka Maanta wuxuu ka bilwoday bogcado dhul oo ku yaalla Degaanka Adhicaddeeye kadib markii ay isku qabsadeeb Malayshiyaad ka tirsan Labada dhinac. Khasaaraha Dagaalkaas ilaa iyo haatan laga soo weriyay waa dhaawaca hal ruux iyadoo uu haatan Dagaalka joogsaday islamarkaana ay halkaas gaareen Ciidamo ka tirsan Somaliland Gobolka Sool waxaa sannadihii u dambeeyay ka dhacayay Dagaal beeleedyo khasaare badan dhaliyay kuwaas oo dhexmaray Beelo ood wadaag ah inkastoo qaarkood markii dambe Xal Nabadeed laga gaaray. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed ka dhacay degaanka Adhicaddeeye ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa maanta war kasoo saaray tallaabadii uu baarlamaanku kalsooni kala noqday xukuumada Kheyre, iyada oo uu si rasmi ah u ayiday Madaxweyne Farmaajo. Xisbiga ayaa gebi ahaanba ka hor-yimid xil ka qaadista lagu sameeyay Kheyre, taasi oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah oo sharciga baalmarsan. Wadajir ayaa sheegay in xil ka qaadista Kheyre aysan ku jirin ajendaha golaha, iyada oo aan laga aqrin golaha shacabka saxiixayaasha mooshinka looga soo horjeeday, isla markaan aan wax cod qaadisa la sameysan, xili uu Guddoomiye Mursal shaaciyay in lagu kala baxay codeyntaasi. Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in sababta ugu wayn ee xil ka qaadista Kheyre loogu sameeyay ay tahay in la carqaladeeyo shirka Dhuusamareeb, si aysan natiijo buuran uga soo bixin. Waxa kale oo war-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir lagu sheegay in ujeedka Farmaajo uu yahay muddo kordhin sharci darro ah, taasi oo dalka u horseedi karta qalaalase siyaasadeed iyo mid amni. Wadajir ayaa ku baaqay in arrintaasi looga baaqsado in shacabka Soomaaliyeed, saamileyda siyaasada iyo beesha caalamkuba ay gacan ka geystaan ka miro dhalinta shirka Dhuusamareeb ee doorashooyinka. Ugu dambeyntii waxa uu xisbigu ka digay in sharci darada taagan ay horseedo muddo kororsi god mugdi ah ku rida kara Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Wadajir
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare “Firimbi” ayaa ka hadlay xil ka tuuristii Ra’iisal wasaare Kheyre ee uu maanta shaaciyay Guddoomiye Mursal, kadib kulankii ay isugu yimaadeen xildhibaanada Goluhu. Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshin rasmi ah aan la keenin Golaha oo ajendihii maanta lagu hoos qariyey arrintaasi, isla markaana uu Guddoomiye Mursal iskaga dhawaaqay natiijada uu ku shaaciyey xil ka tuuristii, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xildhibaan Firimbi ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadinta xukuumadda Kheyre, taasi oo uu ku macneeyay mid looga dan leeyahay muddo kororsi aan sharci aheyn. Wuxuuna sheegay inaysan jirin xukuumad xilka laga tuuray, iyada oo daqiiqado kadib uu ayiday Madaxweyne Farmaajo go’aaanka kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka. Firimbi ayaa waxba kama jiraan ku sheegay tiradii uu guddoomiyuhu sheegay inay u codeeyen xil ka qaadista Kheyre, maadama uu buuq badan uu hadheeyay kulankii golahaasi. Xil ka qaadista Kheyre ayaa banaanka keentay khilaafkii mudada badan huursanaa ee kala dhaxeeyay Madaxweynaha, kaasi oo ku qotomay qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga.
-
Qaar ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan ka bixiyay sida ay u arkaan kalsooni kala noqoashada Xukuumadda Soomaaliya ee maanta ka dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Halkan Ka Daawo Aragtida Shacabka Muqdisho Ee Kala Laabashada Xukumadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Diiriye, Gudoomiye Ku xigeenka Barlamaanka Muuday iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa barah ay ku leeyihiin aaladaha Social Media [...] The post Daawo maswirka maanta : – Wasiirada Khadiijo Diiriye, Xildhibaan Dalxa iyo Muday oo soo dhigay masawiro farxad ah appeared first on . Source
