-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo uu wato guddoomiyaha Buulo-Burte iyo ciidamada Booliska saldhigga degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayo deegaano ka baxsan magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weli dagaalku uu socdo, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay. Lama oga waxa sababay dagaalkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, islamarkaana dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi xoogan. Buulo-Burte oo Hiiraan ka tirsan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray khilaafaad dhinaca maamulka ah oo hareeyey mas’uuliyiinta degmadaasi.
-
Nin ku taajiray hal maalin gudahood markii uu helay dhagaxaan qaali ah Laizer oo gacanta ku haya dhagxanta Nin u dhashay dalka Tanzania ayaa hal maalin gudahood ku taajiray kaddib markii uu helay labo dhagaxaan oo qaali ah- kuwaas oo lagu sheegay dhagxantii ugu weyneyd ee dalkaas laga soo saaro. Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer wuxuu helay 3.4 malyan oo doolar kaddib ay dhagaxaanta ka iibsatay wasaaradda macdanta ee Tanzania. Dhagaxaantaas ayaa laga helaa waqooyiga Tanzania oo kaliya ah, waxaana laga sameeyay qalabka laisku qurxiyo sida dhega-dhegaha. Saniniu Laizer wuxuu sheegay in maanta uu qaban doono munaasabad weyn uu ugu dabaaldegayo farxadda. Waxaa uu sheegay in uu dhiso iskuul iyo sidoo kale xarun weyn oo laga dukaameysto. Madaxweynaha Tanazania ayaa telefoon u diray ninka dhagaxanta soo helay , waanu u hambalyeeyay. Qaran News
-
Dawlada Maraykanka oo shaacisey inaaney Ciidamada Soomaaliya lahayn Awood ciidan oo ay kaga adkaan karaan Al-Shabaab Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeyeImage caption: Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin. ‘Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay tageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga’ ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ‘Al Shabaab’ uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka’ Ururka Al Shabaab ayaa gacanta ku hayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan doorashada 2020 illaa 2021 iyo sida ay ugu diyaar garoobeyso dowladda Soomaaliya. Geelle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka daabisay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo wada shaqeynta kala dhexeysa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu kula taliyey madaxda dowladda dhexe inay qabtaan doorashooyin la mid ah kuwii horey uga dhacay dalka, ayna u qabtaan sida hannaankii hore oo kale. Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwo la wada ogolyahan oo raalli ka yihiin daneeyeyaasha. “Dowladdu doorashooyinkii hore ha qabato, iyo hannaankii hore ha u qabato, kama aysan soo reyn xaga amniga, kama aysan soo reyn maamul goboleedyada iyo isla socodkii, hala wada hadlo, siyaasiyiinta aan ka mid nahay hala tashato, doorashooyin aan isla ogolnahay aan qabsano, kii calaf u helo aan la shaqeyno, waxaa ku jirta midnimadeena iyo walaaltinimadeena”ayuu yiri Dahir Maxamuud Geelle. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ay dalka ka dhaceyso dhamaadka sanadkan 2020/ 2021-ka, waxaana jira cabasho iyo qeylo dhaan ka soo yeereyso hoggaanka xisbiyada iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka.
-
MOGADISHU (HOL) - Over 100 Iranian vessels have been fishing illegally in Somali waters between January 2019 and April this year, the government has said noting the number could be way higher owing to low detection. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqa iyo dagaal ayaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan xarunta baarlamanka, kadib markii guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu is-hortaagay mooshinka matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaano gaaraya 130 ayaa shalay mooshin ay keeneen ku dalbaday in gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi, waxaana qorshuhu ahaa in maanta cod loo qaado mooshinkaas. Hase yeeshee, waxaa soo baxday in arrintaas uu diidan yahay Mursal, islamarkaana uu isku dayey inuu ajendaha ka saaro, taasi oo xildhibaano badan ay ka horyimaadeen ayaga oo ballan-qaaday inaan kulanka maanta looga hadli karin arrimo kale. Illaa iyo hadda ma cadda sababta Mursal u diidan yahay inuu mooshinkan miiska soo saaro, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in ku jiro xildhibaanada aragti ahaan qaba in gobolka Banaadir uusan yeelan wax matalaad ah. Aragtidan ayaa waxaa Mursal la wadaago xildhibaanada ku beesha ah qaarkood, iyo kuwa Daarood, mana cadda sababta. Arrintan matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka mid ahayd afar xeer oo ka harsanaa sharciga doorashooyinka oo lasoo dhameystiray, waxaana laba ka mid ah oo kala ahaa qoondada haweenka iyo doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi lagu ansixiyey mooshinno, hase yeeshee waxaa yaab noqotay in Mursal uu caqabad ku noqdo xuquuqda gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu doonayo inuu arrintan guddi u saaro, si ay sharci gaar ah uga soo tala bixiyaan, balse xildhibaannada mooshinka keenay ayaa aad uga biyo diidan, kuna adkeysanaya in la mariyo halkii la marsiiyey xeerarkii hore. Waxaan illaa iyo hadda furmin kulankii baarlamanka, waxaana laga cabsi qabaa in xarunta uu ka dhaco gacan ka hadal.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government has once again expressed dissatisfaction with federal legislatures and the electoral law signed into law by President Mohammed Abdullahi Mohammed four months ago. Puntland State questions legality of electoral and resource-sharing bills passed by the Upper House and the Federal Parliament. “The electoral law conflates the 4.5 powersharing system and multiparty system” reads the statement. Puntland calls for consultations with federal member states as a basis for addressing political uncertainties during “the transition period”. It is not clear if Puntland had accepted the invitation from Villa Somalia to attend the summit for the Federal Government of Somalia and Federal Member States. President Deni questions legality of laws passed by Somali legislators The statement from Puntland State Government commends the Speaker of the Upper House Abdi Hashi for his intervention in the addendum to the electoral law and his call for rapprochement between the Federal Government and Federal Member States. During the 2019 Garowe Summit for the Federal Government and Federal Member States, Puntland was the only Federal Member State that demanded consultations on bills before submitting them to the Federal Parliament and the Upper House for discussion. Puntland views a collective leadership modelled on the 2016 Somali Leadership Council as the steppingstone to adopting an electoral model. President Farmajo rejected the suggestion to form a leadership council for a country with bicameral legislatures. Abrogation of laws passed by the Upper House and the Federal Parliament, as demanded by Puntland State, could plunge Somalia in an unprecedented constitutional crisis. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND CALLS FOR ABROGATION OF THE ELECTORAL AND RESOURCE-SHARING LAWS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah falkan naxtinta leh ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin ku hubeysnaa Mindi uu walaalkiis ka yar ku dilay gudaha degmadaasi. Ninka dilka geystay oo goobta ka baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Xasan Nuur Ciroobe, halka marxuumka lagu magacaabi jiray, Cabdinaasir Nuur Ciroobe. Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaasi oo argagax weyn ku reebay dadka deegaanka. Qaar ka mid ah dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in falka dilka ah uu ka dhacay afafaaka hore ee gurigooda oo ku yaalla xaafadda Siisii ee degmada Dayniile. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo bilaabay baaritaan la xiriira dhacdadaasi. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan falkan mid ugub ah, iyadoona bishii May ee sanadkan 2020-ka isla Dayniile lagu dilay Marxuum Cabduqaadir Fooldibi oo ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi, kadib markii ay Toorey ku soo weerartay xaaskiisa.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, kuwaasi oo laga soo saaray Qodobbo Shacabku shaki ka muujiyeen. Qodobbada Shacabka reer Somaliland Shakiga ka muujiyeen waxa ka mid ah Qodob fasaxaya ‘Is-dhex-galka’ Bulshada Soomaaliya iyo Bulshada Somaliland, gaar ahaan Ciyaaraha, Ganacsiga, Dhaqanka iyo Fanka, laakiin Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Shalay Telefiishanka Saab waydiiyey siduu u arko Qodobkaasi Shacabku shakiga muujiyeen, waxaanu ku jawaabay “Qodobka is-dhex-galku horeba way ugu jiray heshiiskii hore ee aanu haynay, in badana waynu ka dhex maqlaynay Murankii ka dhex taagnaa Guddiyadii labada dhinac arrintaa is-dhex-galka, waxaana ugu dambayn lagu soo gebogabeeyay wixii aan siyaasad ku shaqo lahayn inay is dhex socdaan, awalna may kala xidhnayn wixii aan siyaasad ku salaysnayn, hadday Fanaaniin tahay, hadday tahay Madax-dhaqameed, arday, Ganacsato, waxa kala maqnaa uun siyaasadda, imikana siyaasadda Heshiisku iskuma fasaxin oo way kala maqan yihiin, lama ogola.” Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Nin siyaasi ah oo Soomaaliya ka imanayaana halkan iman maayo (Somaliland), hadduu u dhashay iyo haddii kaleba, Nin siyaasi ah oo Reer Somaliland ahi halkaa tagi maayo isagoo Somaliland matalaya, markaa Qodobkaasi wax cusub oo uu ku soo kordhiyey Wada-hadalladii socday ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wada-hadallada bilowgoodii laga ansixiyey Goleyaasha Xeer-dejinta, sidaasi darteed Heshiis kasta loo baahan yahay in Goluhu ansixiyo, waxaanu yidhi “Wada-hadallada ama Heshiiskan waxa sannadkii 2012-kii Fasaxay Goleyaasha Xeer-dejinta dalka, mar kastana waxa lagu wada-hadlo ama Go’aamo kasta oo la isla qaato waxa waajib ah in Golaha la hor-keeno, Gebogabadiisa iyo Gunaanadkiisa Wada-hadal kasta Golaha ayaa la hor-keenayaa, markaa waxaanu rejaynaynaa in Golaha la horkeeni doono marka ay Guddiyadaasi is arkaan (Guddiyada Wada-hadallada u qaabilsan (Somaliland iyo Soomaaliya) ay soo baxaan heshiis ay labada dhinac wada qanacsan yihiin, la isla eegi doono, dibna loo ansixin doono.” Xildhibaanka oo la waydiiyey inay suurto-gal tahay in Golaha Wakiilladu u yeedho Madaxweynaha, si wax looga waydiiyo Heshiiskan Shacabku shakiga ka qabaan ayaa ku jawaabay “Ma Muuqato Sabab Madaxweynaha loogu yeedho oo Golaha Hor-taallaa, laakiin haddii laga maarmi waayo oo Arrin timaaddo waa lagu khasban yahay in Madaxweynaha loo yeedho..”ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saaka wuxuu dabka kacay barakaca xaafada isku raranta ah ee Naasa Hablood ee magaalada Hargeysa. Ciidamada Dabdamiska, Booliska ee degmada Axmed Macalin Haaruun, ayaa si wada jira uga qayb qaatay daminta dabkaasi, kuna guuleystay inay bakhtiyaan. Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkani, iyo sababta dhalisay. Maaha dabkii koowaad ee sidan oo kale uga kaca xaagdani laguna guuleysto balhtiintiisa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ka soo baxay ee ku saabsanaa Wabiga Nile. Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah ayaa taageeray qaraarkaas, hase ahaatee Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar ayaa ka aamusay. Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in Soomaaliya ay labada dalba ay saaxiib la yihiin, laakiin ay eegayaan danaha gaarka ah iyo derisnimada kala dhaxeysa Itoobiya. “Annaga mowqifkeennu oo ay nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xidheenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xidheenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu yidhi Wasiir Cawad. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ku kala dooratay Masar iyo Itoobiya. “Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaadhayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” Dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay waxaa socday wadahadallo saddex geesood ah oo lagu doonayay in Masar iyo Itoobiya looga dhex dhaliyo heshiis ku aaddan arrinta ay isku hayaan. Source
-
(SLT-Tanzania)-Nin u dhashay dalka Tanzania ayaa hal maalin gudahood ku taajiray kaddib markii uu helay laba dhagxan oo qaali ah- kuwaas oo lagu sheegay dhagxantii ugu weyneyd ee dalkaas laga soo saaro. Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer wuxuu helay 3.4 malyan oo doollar kaddib ay dhagaxanta ka iibsatay wasaaradda macdanta ee Tanzania. Dhagxantaas ayaa laga helaa waqooyiga Tanzania oo kaliya ah, waxaana laga sameeyay qalabka la isku qurxiyo sida dhega-dhegaha. Saniniu Laizer wuxuu sheegay in maanta uu qaban doono munaasabad weyn uu ugu dabaaldegayo farxadda. Waxaa uu sheegay in uu dhiso iskuul iyo sidoo kale xarun weyn oo laga dukaameysto. Madaxweynaha Tanazania ayaa telefoon u diray ninka dhagaxanta soo helay , waanu u hambalyeeyay. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay degamada Hodon nee gobolka Banaadir lagu dilay Gabadh dhalinyaro aheyd xilli ay saarneyd Mooto Bajaaj. Dilkan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas uu ku furay Mootada ay saarneyd xilli ay maraysay Wershaddii hore ee caanaha kuna taalla degmada Hodon nee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka kadib askrigu uu gobta iskaga baxsaday iyada oo ay goobta soo gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fadhiisin ku lahaa goobta Meydka gabadhana goobta ka qaaday. Gabadha dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Xamdi Cabdillahi iyada oo wararaku ay sheegayaan in xilligaas ay ka timid goob dumara lagu qurxiyo o ay iyadu laheyd hoygeedan ay kusii jeedday. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraakiib shisheeye oo laga leeyahay dalka Iiraan ay si sharci darro uga jalaabtaan xeebaha Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu cadeeyey in intii u dhaxeysay bishii Janaayo ee 2020 illaa 14 april ee isla sanadkan ay Maraakiibtaas ka kalluumeysanayeen xeebaha dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay daba-gal ku sameysay Maraakiibtaasi, kuna ogaatay inay gaarayaan illaa 112 Maraakiib, waxayna ku eedeysay inay ku soo xad-gudbeen biyaha Soomaaliya. Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Kalluumeysiga sharci darrada ah, kana hortagi doonto, iyada oo tallaabo adag ka qaadeyso cid-kasta oo ku xad-gudubta biyaha dalka Soomaaliya.
-
Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa saacaadihii la soo dhaafay waxaa ay taageereen dadaallada aqalka sare ee xal u raadinta iyo isu soo dhoweynta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale oo isku aragti ka noqdeen habraacyada aqalka sare been abuurka ku sheegay uu lagu ansixiyey golaha shacabka. Aqalka sare, oo ah midka baarlamaanka federaalka ah ku matala danaha maamul goboleedyada ayey sidoo kale ku taageereen go’aanka uu ka qaatay habraacyada horyaalla golaha shacabka ee lagu sheegay inuu ka duwan yahay midkii labada aqal isku afgarteen. Puntland ayaa qoraal ay xalay soosaartay ku sheegtay “Dowladda Puntland waxaa ay bogaadineysaa dadaallada uu hormuudka ka yahay guddoonka aqalka sare ee BF, kaas oo ka shaqeeyey in madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah DF ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah oo lagu lafagurayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxaa ay sidoo kale soo dhoweysay warsaxaafadeedkii ee aqalka sare ee BF ee 9-kii bishan June, 2020 iyo guddiyada loo saaray qabashada shirkaas. Dhankeeda, Jubbaland waxay aqalka sare ka tiri “ Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay soo dhoweyneysaa qaraarka maanta uu soo saaray guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabduulahi ee tix-raaciisu ahaa XG/428/B-10/20, ujeedkiisuna aheyd ka fal-celinta xeerka been abuurka ku saleysan oo ansixintooda ka shaqeeyeen qaar ka mid ah xubnaha golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay sababta ay Soomaaliya u diiday qaraarkii ka soo baxay Jaamacadda Carabta, islamarkaana ay ula safatay Itoobiya. Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadatay go’aankaasi, iyada oo eegeyso danaha gaarka ah ee darisnimada iyo saaxibtinimada labada dal. Wasiirka ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee soo gaara Itoobiya ay sidoo kale soo gaarayaan Soomaaliya, ayna dalkeena dan ugu jirin khilaafka ka dhexeeya dalalkaasi. “Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” ayuu yiri Mr. Cawad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka ay qaadatay dowladdda federaalka ay la qabeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Qatar. “Annaga mowqifkeennu – oo ah nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirku. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamada gobolka sida Itoobiya iyo Eritrea, waxaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u socday wada-hadallo saddex geesood ah ay yeelanayeen madaxda dalalkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilkan oo loo geystay gabar dhalinyaro aheyd ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xamadi Cabdulllaahi, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dilkeeda ayaa yimid, kadib markii askariga uu rasaas ku furay mooto Bajaaj ay saarneyd Allaha u naxariisteen marxuumad Xamdi oo xilligaas mareysay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.
-
Dowlad Goboleedka Jubaland, oo tixraacaysa Warqaddii Shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin Xeerarka Horyaalla Golaha Shacabka Baarlamanka, sidaasi darteedna ay tahay in la joojiyo. War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay joojiyaan akhrinta, ka doodista iyo ansixinta dhammaan Xeerarka ku xusan Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare oo been abuur ku tilmaamay Xeerarkaas. Jubaland, waxay kale oo codsatay in aan la gudbin Xeer kasta oo saamaynaya Arrimaha Masiiriga ah ee dalka, inta ay Wada-tashi buux ka yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in aysan qayb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka, kaas oo aan ku imaan Wada-tashi iyo Xal Siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saamileeyda Siyaasadda dalka. Ugu dambayntii, Jubaland waxay ka digtay in Qalalaase Siyaasadeed iyo dib u dhac weyni ka dhalan karo, haddii dalka laga qabto doorasho aan ku imaan wada-tashi Siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda dalka. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Jubaland PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in ay been abuur yihiin Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
ISTANBUL/SANAA - “You just don’t get it,” one young man told me as I stepped over a pile of trash to enter 19-year-old Mohammed’s single room in the Yemeni capital, Sanaa. “People die in their homes here all the time.” Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u qaadacday Xeerarka doorashooyinka ee horyaala Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ay walaac ka muujisay in aan la tixgelin is afgaradkii lagu gaaray Kulankii Khadka Video-ga ahaa ee 22 bishan June ay yeesheen Madaxd heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaasi oo la isla gartay in la joojiyo Xeerarka horyaalla Golaha Shacabka. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Dowladda Puntland, yay kaga digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damaca iyo rabitaanka gaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka, islamarkaana abeen abuur lagu samaynayo Xeerarka iyo Shuruucda Waddanka. War-saxaafadeedka Dowladda Puntland, ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Go’aannada ay gaareen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ee la xiriira arrimaha Doorashada iyo Qaybsiga Khayraadka aysan Puntland qayb ka noqon doonin dhaqan gelintooda. Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda, kaas oo ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.