-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-270720.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faahfaahfin ka bixiyay kulamo gaara oo Dhuusamareeb kula qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo markii hore laysku ogaa in aan saxaafadda lala wadaagin. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu labo shir oo gaara la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalak Soomaaliya, islamarkaana uu codsaday Farmaajo in Puntland kala shaqeyso doorasho qof iyo cod ah iyo muddo kororsi, hase ahaatee uu ka diiday dalabkaas. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in madaxda shirkii Dhuusamareeb ka qeybgashay intooda badan ay qabeen in dalka ay ka dhacdo doorashado dabdan oo horumarsan. Dhanka kale Madaxweynah Puntland ayaa sheegay in labo kulan oo saddex geesood ah uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo looga hadlay sidii soo afjari lahaa khilaafka Federaalka iyo Jubbaland. Ugu dambeynta Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulan gaara oo uu la qaaday Xasan Cali Kheyre ay kaga wadahadleen Guddiga farsamada iyo qaabka ay u shaqeynayaan. PUNTLAND POST The post Deni oo ka hadlay kulamo gaara oo la qaatay Farmaajo iyo Kheyre appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Gaalkacyo)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay raysal wasaare Khayre. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si furan uga xog-waremay waxyaabihii qarsoona ee aan saxaafadda lala wadaagin markii lagu sugnaa Dhuusamareeb, kadib markii ay u muuqatey in Madaxweyne Farmaajo ku wacad furey daacadna ka ahayn shirkii Dhuusamareeb. Madaxweynaha Puntland waxa uu qirey in Farmaajo la qaatey qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa in ay noqoto mid u dhexeysa tii 2016 iyo midda uu rabey ee ah hal qof iyo hal cod, si kale haddii loo dhigo doorasho dadban oo ka wanaagsan tii 2016, laakiin nooca ay tahay ayaan magac siin kari weyney waxaana ku heshiiney in guddi loo saaro dejiya qaabka, Halkan hoose ka DAAWO. Source
-
Jaamicigii basaasnimada u xuub siibtay Jun Wei Yeo oo ah nin u dhashay dalka Singapore isla markaana ahaa arday diyaarinayay shahaadada saddexaad ee Jaamacadda ee PhD-ga ayaa sanadkii 2015 lagu casumay bandhig aqooneed ka dhacayay magaalada Beijing ee dalka Shiina. Waxa uu xilligaasi wax ka qorayay arrimo la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, isaga oo si gooni ah ugu dedaalayay in uu helo xog ku saasban sida dalkaasi Shiinaha uu doonayo in uu caalamka saameyn ugu yeesho oo uu u noqdo quwad aan la dhayilsan karin. Ka dib markii uu khudbad cilmiyeysan ka jeediyay bandhigaasi ayaa Jun Wei oo sidoo kale loo yaqaan Dickson waxaa u yimid dhawr qof oo sheegay in ay u shaqeeyaan machadyo cilmi-baaris oo Shiinaha laga leeyahay. Waxa ayna u sheegeen in ay doonayaan in uu u soo diyaariyo warbixinno la xiriira arrimaha siyaasadda isla markaana ay lacag ku siinayaan. Markii dambe ayay u xaqiijiyeen in ay doonayaan in uu la wadaago wararka xanta ah ee laga helayo dadka ka ag dhow goobaha ay macluumaadkani ka doonayaan. Isla markiiba waxa uu ogaaday in dadkani ay yihiin mukhaabaraadka Shiinaha balse waxaa uu sii waday xiriirkii uu la lahaa, sida lagu sheegay dukumeentiyo la hor keenay maxkamad ku taal dalka Mareykanka. Ugu horreyn waxaa laga codsaday in uu diiradda saaro waddamada Koonfur Bari qaaradda Aasiya balse markii dambe ayaa loo caddeeyay in ay doonayaan arrimaha dowladda Mareykanka. Sidaa ayuuna Dickson Yeo ku noqday basaas u shaqeeya dowladda Shiinaha, oo markii dambe isticmaalayay shabakadda LinkedIn oo ah shabakad dadka shaqo doonka ahi ay macluumaadkooga ku keydiyaan, shirkad aan jirin iyo in uu iska dhigo aqoonyahan si uu u helo xogta shakhsiyaad iyo shirkado Mareykan ah. Shan sano ka dib, xilli ay xiisad ba’an u dhaxeyso Mareykanka iyo Shiinaha ayaa Yeo waxa uu maxkamad ka hor qirtay in uu u shaqeynayay quwad shisheeye oo ah dalka Shiinaha. Ninkan oo 39 sano jir ah ayaa muteysan kara qiyaastii toban sano oo xabsi ah. Huang Jing oo ahaa barihii jaamacadeed ee Yeo ayaa sanadkii 2017 waxaa laga eryay dalka Singapore, waxaana lagu eedeeyay in uu ahaa basaas u shaqeynayay waddan shisheeye oo aan la shaacin midka uu yahay. Balse Huang Jing waxa uu mar kastaa beeninayay eedeymaha loo haysto, waxa uuna markiiba u wareegay dhanka madagaalada Washington DC, haatanna waxa uu ku nool yahay Beijing. Sida ku cad dukumeentiyo laga helay maxkamadda, Yeo waxa uu xubno ka tirsan sirdoonka Shiinaha kula kulmay dhawr meelood oo kala geddisan oo gudaha dalkaasi Shiinaha ah. Sida la sheegay waxaa mararka qaar loo diray in uu xog muhiim ah ka soo uruuriyo waaxda ganacsiga ee dalka Mareykanka iyo sidoo kale xog ku saabsan muranka ganacsi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha. Bilahari Kausikan oo ahaan jiray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Singapore ayaa sheegay in marnaba uusan shaki ka qabin in Dickson uu ogaa in uu la shaqeynayay sirdoonka Shiinaha. Yeo waxa uu in badan xiriir la sameeyay dadkii bartilmaameedkiisu uu ahaa isaga oo adeegsanaya shabakadda LinkedIn, oo ah shabakad ay adeegsadaan in kabadan 700 oo milyan oo qof. Dadka uu bartilmaameedsanayay waxaa ka mid ah shaqaalihii hore ee dowladda Mareykanka, shaqaalaha ciidamada milatariga iyo dadka ka shaqeeya arrimaha gaashaandhigga, kuwaasi oo inta badan macluumaadkooga soo dhigayay shabakaddan LinkedIn, iyaga oo ka sheekeynaya waxyaabihii ay ka soo shaqeeyeen si ay u soo jiitaan dadka iyo shirkadaha doonaya in ay ka faa’iideystaan aqoontooda iyo xirfaddooda. Balse mukhaabaraadka shisheeye ayaa inta badan arrimahan aad ugu baahan. Sidaa awgeed, dadka uu Yeo doonayay in uu xogta ka helo ayuu u dirayay in ay warbixinno u soo qoraan shirkad been abuur ah oo la magac ah shirkad caan ka ah caalamka. Ka dib macluumaadkaasi ayuu u gudbinayay mukhaabaraadka Shiinaha ee uu la shaqeeyo. Mid ka mid ah dadka uu xiriirka la sameeyay waxaa ka mid ah nin u shaqeynayay ciidamada cirka ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa diyaaradaha dagaalka ee F-35, kaa oo maxkamadda u caddeeyay in uu aad lacag ugu baahnaa. Nin kale oo uu la xiriiray ayaa u shaqeynayay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon, kaasi oo uu siiyay laba kun oo doolar si uu warbixin uga diyaariyo sida ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Afqaanistaan ay u saameyn karaan danaha dalka Shiinaha. Shabakadda LinkedIn ayaa aad uga caawisay Yeo in uu helo xogta iyo lambarrada dadka uu doonayo in uu la xiriiro. Sida lagu sheegay dukumeentiyada maxkamadda, la taliyeyaasha Yeo ayaa ku booriyay in marka hore uu qofku weydiiyo in uu nacay shaqada uu hayo iyo in uu lacag u baahan yahay oo ay haysato dhibaato dhaqaale. Sanadkii 2018, Yeo waxa uu soo xayaysiiyay shaqo aan jirin. Waxa uu u sheegay baarayaasha dacwaddiisa gacanta ku haya in ay soo gaareen codsiyo gaaraya ilaa 400 oo qof, kuwaa oo 90% ahaa shakhsiyaad ka tirsan ciidanka milatariga Mareykanka iyo kuwa dowladda, kuwaasi oo macluumaadkooga uu u sii gudbiyay mukhaabaraadka Shiinaha. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa sheegay in arrinta Yeo ay ka turjumeyso sida Shiinuhu uu u xadayo xogta shirkadaha iyo shakhsiyaadka Mareykanka ah, iyada oo la adeegsanayo shakhisyaad aan Shiinaha u dhalan oo ka yimid waddamo kale. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa goordhow Muqdisho kusoo gaaray safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha. Qoor Qoor ayaa ayaa safarkiisa kusoo aaday laba maalmood kadib markii xilka laga tuuray ra’iisul wasaarihii xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo ay saaxiib dhow ay ahaayeen. Safarka Qoor ayaa lagu waramayaa inuu la xiriiro laba arrin oo mid ay tahay xaalada cusub ee kusoo korortay siyaasadda dalka iyo sidii uu madaxweyne Farmaajo ugu hadli lahaa isbadalka dhacay iyo in uusan saameyn ku yeelan shirka loo balansan yahay 15-ka Agoosto inuu dhex maro guddiyo ka socda Dowladda iyo maamulada gobolada. Intaas kadib ayaa sida ay wararka qaar sheegayaan la filayaa in madaxweyne Qoor Qoor uu arrimo caafimaad u aado dalka Turkiga. Kalsooni kala noqoshada xukuumaddii Kheyre ayaa loo arkaa inay dhabar jab ku tahay yadadiiladii laga qabay shirkii kusoo dhamaaday Dhuusamareeb iyadoo loo balansanaa wajigii seddexaad ee shirkaasi si meel la isugu dhigo nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse ay arranta u muuqato muddo karorsi Villa Somalia u qorsheysan inay ku fashiliso shirkaasi loo balansan yahay.
-
Golaha wasiiradda Soomaaliyaa yeesheen kadib ceyrintii Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaalioya fasaxday dhamaan adeegyadii u xayirmay faafida cudurka Covid-19. Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa yidhi “ golaha waxa uu go’aamiyay maadaama uu hoos u dhacay xanuunka Covid-19 in si dhaqaallaha dalka dib kaco dib loo furo garoomada diyaaradaha, iskuulada, jaamacaddaha iyo goobaha kale ee xiran”. Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19. Halkan Ka Daawo Sii Haya Wasiirka Warfaafinta Oo Sharxaya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-8.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay Adhi Caddeeyae, Sool, waxa aan idinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda joojisaan, Xukuumadda JSL, madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waa in ay u ay u gurmadaan beelahaas walaalaha ah. pic.twitter.com/P3pV7y2dBu — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) July 27, 2020 Qaran News
-
Ku-simaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa shir guddoominayey shir ay iskugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah maalin uun kadib ceyriyentii ra’isul wasaare Xasan Kheyre. kulanka golaha wasiirada laga soo saaray war saxafeedeed lagu sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamka ay ixtiraamto madaxbannaanida Soomaalida, si la mid ah ay tix geliyaan go’aan ka Golaha shacabka. Kulanka golaha ayaa sidoo kale bidhaamiyey sida dowladda Soomaaliya ay abaal ugu heyso beesha caalamka laakin muhiim ka oo ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada soomaaliya waxa ayse xoojiyeen in ay hey;adaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta xushmeeyaan madaxbannaanida qarankeenna iyo sidoo kale heshiisyada diblomaasiyadeed. Dowladda federaalka ah waxaa ka go’an horumar” ayaa lagu yiri Arrintan ayaa timid kadib markii ay beesha caalamka sheegtay in la la xisaabtami doono cidda ka dambeysay wixii dhacay iyaga oo ceyrinta ku sheegay mid sharci darro ah. Golaha shacabka Soomaaliya ayaa Sabtidii la soo dhaafay codka kalsoonida kala noqday xukuumadda uu hoggaaminayay Xasan Cali Kheyre, taasi oo abuurtay walaac siyaasadeed iyo in uu shaki galo qabsoomida shirkii 15 Agoosta 2020 lagu balansanaa inuu ka furmo Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni siday rakaab oo shalay gelinkii dambe ku qalibantay dhanka bari ee xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in doonidaas oo ka baxday xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho inay ku degtay meel qiyaastii 18 KM u jirta magaaladaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in doonida ay la socdeen illlaa 11 qof, kuwaas oo qaarkood la soo bad-baadiyey. Sideed ka mid ah dadkii la socday doonida ayaa lagu soo warramayaa inay soo bad-baadeen, halka qof ka mid ah rabaabka uu geeriyooday, kaas oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay ku sii jeeday deegaan ka tirsan gobolka Sh/ Hoose. Sidoo kale waxaa nolol iyo geeri lagu la’yahay laba ka mid ah rakaabkii la socday doonta, kuwaas oo haatan laga baadi goobayo xeebaha magaalada Marka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shilkan uu sababay dabeylo xoogan oo haatan ka jira xeebaha Soomaaliya. Inta badan dadka u safra Marka ayaa isticmaala doonyo ka baxa Muqdisho, cabsi laga qabo darteed dagaalyahanada Al-Shabaab oo go’doomiyey jidadka mara Sh/Hoose.
-
Creative zone: Journalist Hodan Nalayeh was an inspiration to fellow Somalis, both in the country and the diaspora, as she helped them to find their purpose through finding her own. (Hamdi Sbaa) Dear Hodan, The way you left this world was unthinkable. Some days, I still wonder if it is really true. I remember being in Mogadishu that night unable to sleep, wondering if it was really true; that you were really gone. It was so difficult for my mind to reconcile that with the fact that just two weeks previously you had encouraged me to come to Somalia after I had been away for so long. I had just arrived the day before, and that night, a terrorist attack in Kismayo took your life. I felt a great sense of loss, twofold —f or my homecoming and for the loss of you. There was so much more that you were supposed to do. Watching your later videos shows that you were just getting the fire under your feet. You were in your creative zone, and in search of those positive Somali stories that you knew you were destined to tell. Hodan, I know we all die, but when I saw the picture of your grave, I became undone. I just couldn’t believe it. I thought to myself, “Ma meeshaas baa noo dambeyso? Is that where we all end up?” In a grave, gone from this world. Then I remembered listening to a speech you gave about finding your purpose. When you reflected on your life, and how you were so busy that you didn’t stop to take a look at your community, you asked yourself: “Is this what education got me? To live a life in another country and not think about the people I came from?” I was so proud of my education. In 2019 I had completed my master’s degree. And I had fought so hard for it, but here you were challenging me to think beyond that. “Okay, what now? What really is my purpose?” Purpose is something much more meaningful than degrees and money. Purpose really makes a difference in the world; makes a difference in people’s lives. Your purpose in telling positive Somali stories has left a mark on this world. I have never met you in person and have only interacted with you online, but you were one of the first people I contacted when I contemplated on travelling back to Somalia for the first time in 26 years. I will never forget what you said to me about having faith and taking chances. Your absence in this world is felt deeply. We are so angry at losing you. I know there was so much more that you were going to do. There were so many more stories you were going to tell, so many more hugs you were going to give, so much more hope you were going to give. There is so much that the world will miss out on with your absence. In watching your videos, I marvel at how you struggled with the Somali language and how that didn’t stop you from trying to speak it, no matter how it sounded; no matter how it was evident that you struggled with it. You were brave. Many of us can’t do that. We don’t want to risk looking bad. But you made it look courageous, daring to speak your mother tongue, forcing the words through the Canadian accent you acquired when you were six years old. There are so many of us Somalis who have been displaced from our home country, who have had to start over, who have had to learn other languages just to survive. You understood that, Hodan, and that’s why you wanted to forge a connection between us, and our homeland. You were that connection. You volunteered as tribute with your broken Somali. How many of our parents speak broken English, broken other languages? They had to start over, try to adjust to new environments, raise children in other countries. I think of their braveness because starting over in a new country is terrifying to me. You understood that. You went back home and connected with the beautiful, resilient Somali people your parents told you about. Your purpose was to connect Somalis in the diaspora to their motherland. And Hodan, your efforts were not in vain. So many of us have learned more about our motherland through you. We have seen the beauty of Somalia and Somali people through your eyes. In nearly every video it is like you are marvelling at the beauty around you: “Look at this, guys! Look at this beauty! This is our country, this is Somalia!” And we see the beauty along with you. You have opened many of our eyes. You have shown us that we are from a beautiful place, so far from the images the Western media has sold us. Yes, we have been welcomed as immigrants, and many of us have been raised here. Some are born citizens, and many others are naturalized citizens at this point. Yes, there is that sense of gratitude for a second chance at life. But I can’t help but always ask: At what cost? When you search Somalia on Google, words and phrases like “piracy”, “terrorism”, “civil war”, “warlords”, “violence”, and “failed state” show up. That has been devastating to our collective psyche, because that is not the full story. We are more than that, and we have more history than these 30 years of civil war. More history than colonialism. We are an ancient people with a long history since the earliest human civilisations. We are known for being the Nation of Poets, for frankincense, for the longest coastline in Africa, for being some of the first people to accept Islam and the earliest Muslim scholars, for being proud defenders of our land, and our people. And so much more. That is who we really are. Hodan, thank you for reminding us. Thank you for reminding me, someone like you who grew up in the West, what being Somali actually means. When you said: “What does it mean to be Somali? Does it mean if you don’t speak the Somali language, well, you’re not Somali?No, that’s not what it means,” you were speaking to so many of us; you were answering our questions of identity. I have often thought about what it means to be Somali. Being Somali is very important to me. It is my way of being in this world. I’ve wrestled all through my youth and my 20s with reconciling my way of being Somali with what was expected of me from the greater Somali community, along with fighting the box that the world put me in. And there you were Hodan, someone like me — like many other Somalis who grew up in the diaspora — saying that my way of being Somali is good enough, that I am Somali because I am. Yes. I am. Source: Mail & Guardian The post On Hodan Nalayeh’s brave legacy, and what it means to be Somali appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada xukuumadda Soomaaliya, Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cilada ku timid qadka Internet-ka ee Soomaaliya. Canshuur oo wareysi gaar aha siiyey Shabelle ayaa sheegay in cilad lama filaan ah ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda. Sidoo kale wuxuu beeniyey in arrimo siyaasadeed loo jaray qadka Internet-ka oo shalay ka go’ay koonfurta iyo bartahama Soomaaliya. Ugu dambeyn wasiirka ayaa xusay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega Internet-ka oo shalay gabi ahaan ka go’an magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay Internet-ka u jartay arrimo siyaasadeed, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya arrintaasi. Wasiir Canshuur ayaa carabka ku dhuftay in cilad aan la fileyn ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda hoosteeda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo. “Waxaa si cad u sheegayaa waxa dhacay waa cilad farsamo, laakiin ma’ahan cilad siyaasadeed iyo howlo kale.”ayuu yiri wasiirka boostada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed aysan dhibaato ku aheyn shacabkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in aan la’iska eedeyn. “Tecnolojiyada, aqoonta iyo waxyaabaha dhaqaalaha saameynaayo, marna dowladda ma siyaasadeyso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka. Adeegga Internet-ka oo ay inta badan ku xiran yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa maqnaashiyihiisa wuxuu saameeyey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira khasaare badan oo ka dhashay, walow aan la shaacin karin inta uu la’egyahay.
-
Wasiirka Isgaarsiinta: Waxaa La Baarayaa Ciladda Internetka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in Internetka u baxay ciladda ku saabsan xargo badda ah oo jarmay. Mudane Canshuur ayaa intaasi ku daray in shirkadda Dalkom ee Internetka ay baaris waddo, laguna kabi doono haddii loo baahdo khubaro caalami ah. Mar aan weydiiney in dowladda ay jartay, Wasiirka arrintaas waa iska fogeeyey isaga oo rajeeyey in sida u dhaqasaha badan la cilad bixin doono. Wasiirka waxaa uu sheegay in Internetka uu ka maqan yahay uun caasimadda, oo gobollada ay heystaan isaga oo ka hadlay iney la heli doono qaabab kale oo Internet lagu helo inta la sugayo midka xargaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Qoraal ka soo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lagu baaro wixii ka dhacay golaha shacabka, cidda mas’uulka ka aheyd iyo in arrintaas ay dib u keeni karto dib u dhaca horumarka Soomaaliya iyo in kale “Midowga Yurub waxaa uu dib u eegayaa sida dhacada loo meelmariyey, cidda mas;uulka ka aheyd iyo in ay wiiqeyso horumarka Soomaaliya taas oo ay ku heshiiyeen beesha caalamka” ayaa lagu yiri. Midowga Yurub waxaa ay ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegeen iney sharaci darro aheyd iyada oo ka digay iney dhaawaceyso heshiiskii Dhuusamareeb iyo balanta August 15. Source: goobjoog.com
-
Dooni ay la socdeen dad shacab ah oo ku degtay xeebta Marka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dooni ay la socdeen dad shacab ah ay ku degtay xeebta magaalada Marka ee gobolkaasi. Doonidaas oo ka baxday xeebta deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku degtay meel qiyaastii 18 KM u jirta magaalada Marka ee xatunta gobolka Sh/Hoose. Illaa 11 qof ayaa lagu soo warramayaa inay doonida saarnaayeen, kuwaas oo 8 ka mid ah ay soo bad-badeen halka qof ka mid ah rakaabka uu geeriyooday, kaas oo askari ahaa. Sidoo kale waxaa la sheegay in illaa iyo hadda la la’yahay illaa labo qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonidaasi qalibantay, waxaana socda baadi goob loogu jiro dadkaasi. View the full article -
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, oo magaalada Gaalkacyo ku shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirrada maamulkaasi ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey ra,iisalwasaarihii dalka , isaga oo sharci darro ku tilmaamay wixii ka dhacay golaha shacabka iyo inaan habraac loo marin cayrintii Xasan Kheyre. Madaxweyne Deni ayaa xusay in arrintaan lagu lagu hagal daacinaayo shirkii lagu balamay in la isugu soo laabto magalaada Dhuusamreeb, waxaana mas’uuliyadda arrintaas uu ku eedeeyey madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmajo” Maalintii 25 aheyd, waxaa dhacay, waxaan ku tilmaami karno inuu salsaal siyaasad ahaa oo annagu aanan filaneyni Puntland ahaan xogtiisana aan war u heynin. Lakiin shalay ilaa xalay markii aan dib u akhrinay waxii dhacaayey doodo badanna aan ka galnay, ay noo soo baxday wixii halkaas ka dhacay in ay aheyd wixii quruxda badanaa ee ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahaa in horay loo socdo wax lagu hagal- daacinayo , oo la rabo in lagu burburiyo” ayuu yiri madaxweyne maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. Madaxweynaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Arrintaas waxaan mas’uuliyadeeda saarayaa madaxweynaha jamhuuriyadda, waayo wixii uu noosheegayey iyo wixii aan ku heshiinay dhan waxaan aheyn ayuu ku dhaqaaqay, habeenkii shirku dhacaayey innaga oo la nimidsam, khudbadihii dadkuna u arkaayeen kuwo isku soo dhaweyn ah, khudbaddiisa waxaa ay hordhac u aheynd inuu wixii aan meesha aan ku gaarnay uusan raali ka aheyn, ajandayaal kale uu watay, waxaana aad uga xumay wixii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Deni. Sidoo kale madaxweyne Deni maamulka Puntland ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre ay ka go’neyd fulinta wixii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu intaas ku daray inuu ahmiyad weyn u hayey inuu gaarsiiyo dalka doorasho waqtigeeda ka dhacda oo suurto gal ah” Waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed aan u cadeeyo muddadii wada shaqeyntu naga dhaxeysay dowladda federaalka, wada shaqeynteenuna aysan fiicneyn aniga oo kala saareyn madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha, laakiin muddadii aan joognay Galmudug, waxaa ii muuqanaysay ra’iisalwasaaha inuu diyaar u ahaa inuu fuliyo wixii lagu heshiiyey, oo uu nagala hadlayey waxyaabaha iyo sida ay u fuli doonto oo ahmiyad uu u hayey inuu dalka doorasho la gaarsiiyo waqtigeeda ku dhacda oo suurto gal ah oo ah midda qof weliba u filaayey oo ah doorasho dadban inuu qanaacadaas qabay” ayuu yiri Siciid Cabdillaahi Deni. Dhanka kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xusay in xil ka qaadista ra’iisalwasaaraha ay sabab u tahay inuu daacad wixii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka dowlad goboleedyada markii ay ku kulmeen magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug” Xilka sida sharci darrada ah ee laga qaaday ee la yidhi waa laga qaaday, waxaa uu sababsaday in wixii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku heshiiyeen inuu daacad ka ahaa inuu fuliyo, cidda ka qaaday waxaa ay u muuqanay wixii halkaas looga heshiiyey in aysan daacad ka aheyn .Baarlamaanka wixii uu sameeyey waxaa muuqanayso in uusan marin hab raacyadii, xilku waa meerto ra’iisalwasaaraha shalay waa la magacaabay, baarlamaanka ayaa ogolaaday balaamank awood ayuu u leeyahay inuu ka qaado, wixii meeshaas ka dhacay waxaa dhammaan ka hor imaanayaan shuruucdii dalka u yaalay” ayuu madaxwene Siciid Cabdillaahi Deni. Ugu dambeyn madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay shaaciyey wixii looga hadlay kulankii saxaafadda dibad jooga ka aheyd ee dhx maray isaga madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe” Madaxweynuhu waxaa uu aad diiradda u saarayey inaan kala shaqeeyo, ajande dalka uu markaa u dhigayey doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo, oo muddada lagu gaari karo aysan ciyimneyn, inta ay qaadanayso oo u muuqanaysa dowladdu in ay rabto in waqtiga loo kordhiyo. Waxaan aad u faahfaahiyey marxalada hadda dalka marayo ay tahay marxalad xasaasi ah ay adag tahay inaan ka shaqeyno wax aysan suurto gal aheyn in dalka uu samatobixiyo dadka Soomaaliyeedna ay soo dhoweeyaan war-murtiyeedkii dowladaha xubnaha ka ah ka soo baxay ay ka hor imaanayso maadaama cid weliba ay sheegtay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo”ayuu yiri Siciid Deni. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka gollaha wasiirada oo uu shir gudoominayay sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa looga hadaladii kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub. “Gollaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay gollaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wuxuu intaa raaciyay in wixii tala ah ee ay hayaan ay tahay inay u maraan wado diblomaasiyadeed. Sidoo kale sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, Mahdi Guuleyd ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “gollaha wasiirada waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in saaxiibadeen beesha caalamka ay ixtiraamaan madaxbanaanida dalkeena iyo dastuurkeena”. Hadalka dowladda federaalka ayaa yimid kaddib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in xil ka qaadistii Kheyre ay ahayd mid aan waafaqsaneyn nidaamka. View the full article
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gaabiyey Safarkiisii uu ku marayay qaybo ka tirsan Gobolka Galgaduud wuxuuna saaka kasoo degay Magaalada Muqdisho oo Xiisad [...] The post Breaking— Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho ka degay appeared first on . Source
-
Shirkadda la socota Internet-ka ee NetBlocks ayaa sheegtay in la jaray ama hawada laga saaray Internetka, taasi oo meesha ka saareysa sheegashada dowladda ee ah in xarig la jaray. NetBlocks waxaa ay ku doodeysaa in hawada ay ka hooseyso sidii loogu talo-galay isla markaana aaney awood u laheyn iney jarto. Dhankiisa, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Internet la’aanta ay ka dhalatay xarig jarmay, isla markaana lagu hawlan yahay in la ogaado sababta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Sabtidii xil-ka laga tuuray ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa isa-soo taraya baaqyada kala duwan ee loo dirayo madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo. Aqooyahanada iyo dadka falan-qeeya arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in loo baahan yahay is-bedal dhanka xukuumadda ah, taas oo loo wajahayo qaab ka duwan qaababkii hore ee loo soo dhisi jiray xukuumadihii soo maray dalka. Haddaba ra’iisul wasaare noocee ah ayey xilligan u baahan tahay Soomaaliya?. Prof. Cabdiraxmaan Daqare oo ka mid ah aqooyahanada Soomaaliyeed, islamarkaana si aad ah ula socda xaaladda dalka ayaa qaba in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay ra’iisul wasaare aqoon leh, waayo arag ah, islamarkaana wax ka yaqaana nidaamka dowladnimada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in ra’iisul wasaaraha uu soo xulayo uu noqdo mid dal joog ah oo la socda xaaladda wadanka, waxna ku bartay. Daqare ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xuttaa loo baahan yahay in golaha wasiirada ay noqdaan siyaasiyiin xog-ogaal ah, islamarkaana aan ka bixin dalka. “Waxaan ku talineynaa in ra’iisul wasaaraha la soo xuli doono kow inuu noqdo qof aqooyahan ah, labo inuu noqdo qof ku soo shaqeeyey nidaamka dowladeed, waxna ku soo bartay gudaha dalka, sidoo kale xubnaha golaha wasiirada waxaana uga fadhinaa in laga soo dhex qabto siyaasiyiinta xog-ogaal ah ee dalka jooga.” ayuu yiri Prof. Daqare. Shalay ayey aheyd markii la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kadib markii ay codka kalsoonida kala noqdeen illaa 170 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si KMG ah xil-kaas ugu magacaabay inuu sii hayo, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, kadib go’ankii Golaha Shacabka Soomaaliya.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntlandi oo si caro ka muuqato uga hadlay qaabkii ay Baarlamaanka xilka uga qaadeen Raysal Wasaare Khayre ayaa wuxuu sheegay in Dastuurkii la [...] The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Si cad Dastiurka u jabiyey, Si adagna uga hadlay xilka Qaadistii RW appeared first on . Source
-
Afhayeen Maxamuud Oo Muddo Dhowr Bilood Ah Debad Wareeg Noqday Iyo Qasriga Madaxtooyadda Oo La Weriyey In Albaabada Laga Xidhay. (SLT-Hargeysa) Warar soo baxaya ayaa sheegay in aanu muddooyinkii ugu dambeeyey fooda soo gelin qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo goobtiisa shaqo Afhayeenkii Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jamaac, kaasi oo aan safar dabadeed ku maqnay, balse dalka ku sugan . Arrintan ayaa la sheegay in ay tahay mid ka dhalatay khilaaf hoose oo muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Masuuliyiinta Qasrigaas, kaas oo gaadhay heerkii ugu sareeyey, isla markaana sababay in aanu albaabka Madaxtooyadda soo gelin muddo dhawr bilood ah Afhayeen Warsame, kaas oo aan lagu arag goobtiisa shaqo ee uu awal sida joogtada ah u tegi jiray. Dhanka kalena Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan ka dhex muuqan kulamada mihiimka ah ee Qasriga Madaxtooyadda ka dhaca, isagoo aan sidoo kalena kasoo muuqan shaashadaha war-baahinta aqalka looga taliyo dalka, halka uu markii hore ka dhex muuqan jiray inta badan, haseyeeshee arrintan ayaa muujinaysa inuu jiro khilaaf hoose oo soo kale dhex-galay isaga iyo masuuliyinta Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo kale irdheeyey masuuliyiintaa sida joogtada ah u wada shaqayn jirtay saacad walba. Geesta kalene Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku sugnaa Magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu kullamo kula lahaa Beeshiisa, kuwaas oo uu kaga xod-xodanayey inay u codeeyaan Musharaxnimada Golaha Wakiilada ee gobolka Sanaag oo uu u tartami doono doorshada fooda inagu soo haysa ee Aqalka Wakiilada, Si kastaba ha-ahaatee Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland ayaa muddo dhawr bilood ah aan lagu arag Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo aan xataa ka soo xadirin kulamada mihiimka ah ee ka dhaca qasrigaas, waxaana la sheegay inuu jiro khilaaf soo kale dhax-galay isaga iyo Masuuliyiinta kale ee Madaxtooyadda, haseyeeshee ma jiro illaa hadda wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Qasriga Madaxweynaha Somaliland, marka laga tago xogahaas, balse waxaynu dhawrnaa halka ay saldhigato xaajadu iyo go’aanka Madaxweyne Biixi uu ka gaadhi doono. Source
-
Sadexda xisbi labada mucaaradka waa run oo way ka go’an tahay in doorashadu ay qabsoonto, weliba Kulmiye waxay la wadaagaan in labada doorashado aan la kala qaadin ee mar la wada qabto. Kulmiye doorashadu inay ka go’an tahay iyo in kale waxay ku xidhan tahay hadba mawqifka Madaxwaynaha oo isagu ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay isaga ku xidhan tahay dhamaystirka Xeerka Doorashada Baarlamanka. Golaha Wakiilada oo uu ku xidhan yahay go’aanka in doorashada lagu galo sidii hore ee lagu doortay golahan oo hadda fadhiyay 15 sanadood 54 xildhibaanna ay ka tirsan yihiin xisbiga Madaxwaynaha ee Kulmiye. Laakiin waxa muuqata in xildhibaanada aqalka Wakiiladu aanay diyaar u ahayn in ay wa-ka-bedel ku sameeyaan xeerka si loogu geli karo doorashada, heshiiskii xisbiyadana loo dhaqangeliyo. Hadii hadaba ay jirto in Madaxwaynuhu soo jeedintiisii u gudbiyay Wakiilada kana codsaday in ay ansixiyaan wax-bedelka loo baahan yahay dabcan waxay ahayd in mudnaanta koowaad la siiyo oo markiiba ajandaha qodobka ugu horeeya uu noqdo. Wakiiladu marka ay ka doodaan waxay ahayd in ay cod u qaadaan oo ama ay ansixiyeen uu gudbo ama diidaan dibna ugu celiyaan Madaxwaynaha. Taas oo markaa waxa keliya ee Madaxwaynaha u furan, hadii ay doorasho ka go’an tahay ay noqon lahayd Maxkamadda Sare in uu u gudbiyo. Nasiib darro taasi may dhicin ilaa hadda. Marka ay intaasi jirto heshiiska xisbiyadu wax ahmiyada ah ma yeelanayo waayo kaalin kuma laha dhamaystirka xeerka doorashada, hadiiba ay ku leeyihiin waxa u furanayd inay ka hawl galaan xildhibaanada ka soo kala jeeda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI oo ay ku qanciyaan xubnahooda in ay u codeeyaan wax-ka-bedelka xeerka. Marka aynu eegno sida wax loo wado doorasho iska daa sanadkan eh 2021ka in ay qabsoomi karto weli su’aal baa saaran waayo mawqifka Madaxwaynaha laftiisa ayaad moodaa in aanu weli cadayn in uu daacad ka yahay kana go’an tahay in sidii ay sadexda xisbi ku heshiiyeen doorashadu ku qabsoonto sanadkan oo ay ka hadhsan yihiin shan bilood oo keli ahi. Markaa in la yidhaa Madaxwayne is-cadee saw gar noqon mayso. Caligurey Hargeysa, Somaliland Source
