Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyeen ka tirsan golayaasha Dowladda Hirshabeele oo ku sugnaa caasimada Muqdisho. Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxayna imaatinka labadan Madaxweyne ku soo aadaysaa,xili Xasan Cali Khayre raysal wasaarihii hore Soomaaliya ay kalsoonid kala noqdeyn mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Sawiradda Imaantinka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. The African Development Bank said Monday it has approved grants worth about 25.1 million U.S. dollars to Somalia to shore up government efforts to mitigate impacts of the COVID-19 pandemic. The lender said the government will use the funds to carry out three interlinked responses to the pandemic that will enhance the health system, safeguard livelihoods and social protection, and support labor force productivity and economic activity. The Horn of Africa nation has so far confirmed 3,178 COVID-19 cases, 1,521 recoveries and 93 deaths as of Sunday. UN agencies and partners said they have scaled up their responses despite operational challenges due to COVID-19 containment measures such as most staff working remotely, in restricted environments, or from home. Somalia has also experienced swarms of locusts over the past year that have increased food insecurity. View the full article
  3. Somalia’s Internet has been restored on Monday, two days after the connectivity went outage on Sunday following the ouster of PM Hassan Ali Khaire by parliament. The Internet cut off has significantly affected the local and governmental departments as well as another trading in the southern regions of the Horn of Africa country. Netblock, an independent group that investigates digital rights, cyber-security, and internet governance says the blackout started at 10:30 am local time, making most of Mogadishu operations offline. Netblocks states that a preliminary analysis of the sub-sea cable networks shows that the disconnect was not a result of an accidental cut, suggesting that the service cut was intentional. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-270720220.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan cadde. Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socaalkaan uu yahay kii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo doorashadiisa, islamarkaana u jeedka uu u yimid ay tahay howlihii nabada iyo horumarka uu ka waday deegaannada Galmdug. Waxaa uu sheegay in inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka oo uu wada-tashiyo kala duwan la yeelan doono, inkasta oo uusan faah-faahin. Socdaalka Qoor Qoor uu ku yimid magaalada Muqdisho waxaa uu kusoo aadayaa xilli xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo kaalin weyn ku lahaa doorashadiisa, islamarkaana la rumeysan yahay inay aad isugu dhow yihiin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Qoor Qoor uu madaxweyne Farmaajo kala hadli lahaa isbadalka dhacay iyo in uusan saameyn ku yeelan shirka loo balansan yahay 15-ka Agoosto inuu dhex maro madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.
  6. Dowlad-aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareeb. Waxa maalmo Ka hor soo xidhmay shirkii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb ee Dawlad Goboleedka Galmudug, oo ay dhawaan Ku dooyeysteen Shanta Dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Xukuumada maqaar-saarka ah ee Farmaajo. Magaalada Dhuusomareeb oo ah magaalo nabdoon oo kaladanbayn iyo haykal dawladeed leh, sidda awgeed waxay kasbatay in ay kulmiso dowlad gobaleedadii Soomaaliya oo idil, ammaanka ay sugtay kasokow waxay usoo dhawaysay si diiran oo gacaltooyo leh dhamaan madaxweynayaaahii dowlad goboleedada iyo Martidiiba, waxayna si gaar ah markii ugu horaysey ay ciidan Soomaali ah ilaalo uga dhigtay madaxweyne Farmaajo oo shishiiye goor iyo ayaan garbo joogi jireen iyaga iskaga deyraaya dad Soomaali ah oo cadaw lagu sheegaayo ,farmaajo waxa uu Iska soo horeysiiyey raysal wasaare Khayre si uu dawlada galmudug ugu qanciyo in Farmaajo askar shisheeye ah mooyee aanu Ku kalsoonayn askar Soomaali ah, hase yeeshee dowlada gogasha fidisay ganafkay ku dhufatay qorshahaa lagama aqbalin khayre dalabkii in uu ciidamo shisheeye ah uu la yimaado Farmaajo Dhuusomareeb, Xarunta shirku Ka dhacaayey ameenkeeda aad ayaa loo sugay, siddoo kale goobta waxay ahayd mid si here Sare ah loo habeeyey oo si farshaxanimo Ku dheehantahay loo qurxiyey loona nashqadeeyey, goobta horteeda waxa laga qotomiyey oo lataxay Calamaan tiro badan oo aragtida sheeda markaad Ka soo dhuganayso aad moodayso goobta, xaruntii Qaramada Midoobay waxa Calan caynba cayn ah ee hor Qotoma awgeed, rugta marka Gudaha loogalo waxa lagu dhex xardhay oo lagu dhex nashqadeeyey sawirada astaamaha qaran u ah dowladaha goobta isku wajahaaya,kuwaas oo ahaa astaamo sawiro kale gedisan, waxaana Ka Mid ahaa muuqaalada summadaha Ku dhex yaalay sidda Fool-maroodi, Girgire/burjiko, SHabeelo, Bisaas iyo Baqal naaxday, Kulanka shírka waxa sababay in mudo xileedkii ay shisheeyuhu u igmadeen dowlada Maqaar-saarka ah, ay gebogebo tahay siddaa awgeed waxa laysku ogaa in wakhtiga Maqaar-saarku marka uu dhamaado in lakeeno dowlad muwaadiniinta Soomaaliya leeyihiin oo shacabku igmado taas oo Ku imanaysa qof iyo cod, waxa jirta in dowlada Farmaajo ee maqaar-saarka ahi Soomaaliya kaga sugantahay Gobolka Banaadir, kaasna ayna awoow ay Ku maamusho lahayn, Se ay uga dhigtay shisheeyahaa garbaha hayaa goob shacabka tacadi ugu gaystaan oo keli. Dalka intiisa kalana ay Ka jirto nabad , xasilooni iyo Kala danbayn ay suuro geliyeen dowlad goboleedo. Siddaa awgeed marka runta lagu hadlaayo cidda talada Soomaaliya ay ka go’aysaa ay tahay dowlad goboleedada, Waxay ahayd dhawaan markii uu barlamaanka af-yuurura ee dowlada Maqaarsaarka ah isku weheshadaan Muqdisho uu ansixiyey qaabka doorashadu u qabsoomi doonto oo uu ku ansixiyey qof iyo cod, uuna saxeexay Farmaajo, waana kii Shirka hortii Marwo Xaliimo yarey gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Dhuusameeb usii diray si ay ugasii raarido qorshahiisa qof iyo codka ee uu mudo kordhinta uu Ku helaayo. Haddaba doodii Dhuusomareeb Farmaajo muxuu Ka faa’iiday madaxweynayaasha dowlad goboleedka ina maxay Ka koredhsadeen. Dowlad gobaleedku waxa ay meesha Ka muujiyiin in ay yihiin dad isku duuban iyo masuuliyiin xilkas ah, maadaama ay nabad sugan ay Ka jirto deegaamada ay Ka masuulka yihiin ciidama difaaca oo nabad dhowra oo Soomaali deegaanka u dhashay uu dowlad goboleed kastaa haysto aanay u baahnayn shisheeye deegaankooda la maamula oo dakhli ku qaata, waxay muujiyeen inay soomaaliya ay shirinkaraan si nabadgelyo leg oo aanay Karikarin dowlada Farmaajo se iyagu karikaraan, waxa kale oo cad’daatay cidda go’aanka Kama danbaysta ah inay yihiin madaxweynayaasha Dowlad gobaleedada maadaama gobalka Banaadir mooyee Dalkii Soomaaliya intii kale gacanta ugu jirto, markaa siddaa ay iyagu doonayaan ama u go’aamiyaan wakhtigan xaadirka ah, waa in doorashada loo galaa taas oo ah SI DADBAN, waana in wakhtigan xaadirka ah meesha laga saaraa doorasho qof iyo cod ah, sidda ay isku raaceen madaxweynayaasha Dowlad gobaleedadu,waayo shacabka Dani uguma jirto, aan ahayn kharash badan oo lagu lunsado iyo Farmaajo oo mudo booli ah meesha garbaha lagu sii hayo mooyee, Dhanka Farmaajo waxa uu Ka faaiiday Sawirkii uu la galay ee uu isagu gaarka u fadhiistay madaxweynayaashii Dawlad goboleedadana iyo raysawasaare khayre geesaha iska soo fadhiisiyey, musawirkaa oo uu gato oo uu caalamkaa ka iibiyo oo uu yidhaahdo Xamar in aan yuururay haddii laygu ogaa baldaya waanigaa Dawlad gobaladii isoo wada hor fadhiistaye ee aan ku shiriyey galmudug, inkastoo hubaal tahay in shírka hoosta ka shisheeye dusha ka Soomaali uu caalamka u fadhiyey oona war Ku seeganeyn se Farmaajo indho adeeg waa xirfadiisa qudha oo sawirkaa waxbuu ku baayici, maxaayeeley ma ninka indho adkaantiisa Ku qudbadeeyey dawladeenii dhexe ee inaga burburtay wax dowlad ah taydaa Ku xigtay!!!. Hadda waa xukuumadii shuuciga ahayd ee diintii madnuucday ee waddaadadii Soomaali diinta u hayey laysay ee Soomaali kala irdhaysay ee iyadu wax walba burburisay, haday tahay Soomaalinimo iyo wax wada lahaansho iyo dowladnimo AYUU leeyahay wey inaga burburtay waa Dhako kale!! Tuu Ku sheegey tiisan shisheeyuhu garbaha hayo ee aan cago Ku taagnayn , yidhi wixii dowlado soo maray Soomaaliya ayey ugu wax tar badantahay!!, Hadda waa xukuumada Xamar shisheeyuhu Ku hayo ee intii ay joogtay Tiro shacabkii ugu badnaa lagu laayey ,halayso argagixiso ama askartan shishiiyaha ah ee isaga Ku dayran ee iminkana dayaaradaha usoo wada, intuu joogtay Farmaajo waxay ahayd intii aduunku jiray suntii ugu badnayd ee meel lagu aaso in Soomaaliya qoorigeeda bada cad lagu aasay kuwaas oo Kala ahaa qashinka sunta ah ee warshadaha dalalka horey u maray iyo hadhaaga qashinka Nukliyeerka, Sidda ay xaqiijiyeen ururka u dhaqdhaqaaqa noolaha bada iyo bariga iyo bay’ada dabiiciga ah ee layidhaa “Greenpeace”, waxa lagu sheegey in Soomaaliya oo kaliya lagu aasay 43% sunta guud ahaan aduunka lagu aasay, Soomaaliya malaha hal warshad ah oo samaysa walxo wax sun ahi Ku jirto, se waa sun lacag lagu qaatay si meesha loogu aaso ama duugo, inta Farmaajo joogay ayaa inta ugu badan lagu duugay bada inkastoo goobo aad u badan lagu aasay se Sidda urarkaasi sheegay xeebta ku beegan inta u dhexeysa labada magaalo ee Marka iyo Baraawe ayaa ugu badan goobta lagu aasay Sidda ay xaqiijiyeen,was goobo masaafo ahaan 15km u jira qooriga tahay, siddoo kale waxay sheegeen in waxyeelo aan Laga soo kaban Karin ay lasoo darsi doonto jiilasha dhalandoona aayaha danbe ee Soomaalida ah ee ku nool deegaamada xeebta badweynta hindiya iyo siddoo kale kuwa quuta waxa xeebtaa kaluun lagala soo baxo, inkastoo wakhti siddaa u dheeeba kaluun lagu gaadhi doonin, waayo Farmaajo wuxuu ruqsad kaluumaysi siiyey dalka Shiinaha oo dalalka aduunku ka madnuuceen in ay kaluunka ka gadaan mooyee in aanu isagu Ka jilaaban Karin xeebahooda, waayo wuu xaalufiyaa bada maxaayeeley waxa Ku dhexnool bada iska daaye dhagaxaanta bada AYUU shiitaa oo isticmaalaa markaa Farmaajo isaga oo dawladii uu yidhi wey inaga burburtay waxay 21 sanadood ugu geesatay guud ahaan ummada Soomaaliyeed AYUU isagu wax Ka badan oo waxyeeladeedu socon doonto kumanaan sano AYUU mudo dhawr sanadood ah uu u geystey markaasuu welina faanaya !!. Hadal iyo Dhamaan kulankii Dowlad-Aloolkii Soomaaliya iyo Doodii Dhuusomareen waxay kusoo gabagabowday Farmaajoy sii joogi maysid ee waa in Doorasho Dadban la qabtaa siday wadajir qalinka ugu duugeen masuuliyiinta ay taladu Ka go’ayso iyaga oo midaysan waa Shanta Madaxweyne Goboleed 1, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘QoorQoor’ 2, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Caddi Waare 3, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Daní 4, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdi-Casiis Xasan Maxamed ‘Lafta Gareen’ 5 Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ‘Axmed Madoobe’, Iyagoo wadajirana hal cod Ku wada dhawaaqay balanteenu waa siddaa, Iyo Farmaajo Maqaar-saar oo markii wuxuu rabay u socon waayey, goobtii Ka jaqaafiyey isagoo sii hoganaaya iyo aynu isku soo noqono markale ayey Dowlad-Aloolkii Soomaaliya Doodii kusoo xidheen.! Beenay waa Run. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  7. Madaxweynayaashii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa siyaabo kale duwan uga haddlay qaabka lagu xallin karro tabashooyinka beelaha darafyadda Somaliland iyo arrimaha uu muranku ka taagan yahay hadda ee saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada Somaliland. Beelaha ku dhaqan Galbeedka iyo Bariga dalka gaar ahaana gobolka Awdal, ayaa inta badan Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE ku eedeeya inay beesha dhaxe u sad-buriyeen, isla markaana ay xilalka dowladda kuwa ugu shilis lagu taxo beeshaas, halka beelaha darafyadda la siiyey xilal weyd ah, haseyeesha hadda waxay ka biyo diidsan yihiin in bilaa saami-qaybsi lagu golo doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee la filayo inay sannadkan dalka ka dhacdo, waxaanay ku doodayaan in saami-qaybsiga la sameeyo kadibna doorashada la galo, balse haddii kale aanay ka qayb-geli doonin doorashadaasi. Goboladoodana aanay wax doorasho ahi ka dhacayn. Dhanka kalene Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu cahdigiisii ku guuldarraystay inuu meel saaro muranka saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada, Ex Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu wakhtigiisii sheegay in uu isagu u arkayey xalka lagaga gudbi karro caqabada saami-qaysiga sidan “Waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka..”Ayuu yidhi. Siddoo kalena Afhayeenkii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa isaguna mar uu ka hadlayey qaddiyaddan sannadkii 2016-kii muranka saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada waxa uu yidhi sidan: “Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan doonayaa in aan la wadaago ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in tabashooyinka jira ee ay qabaan beelaha darafyadu (Bari Iyo Galbeed) in hoos loo eegayo oo tabashooyinkaasi, gaar ahaan saami-qaybsigu uu yahay mid miiska yaal oo si ay ku jirto walaaltinimo, muwaadinimo iyo caddaaladdi loo eegayo oo looga wadatashannayo, meelna la isla dhigayo saami-qaybsiga tabashooyinku ka jiraan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Markaa cid waliba ha ogaato saami-qaybsigu in aannu ahayn hadallo la tuurtuurayo ee in Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda ka yahay ay ka go’antahay in saami-qaybsigu uu yahay kii Qarankan isku tolayey ee walaalaynayey ee ka dhigayey dhammaystir,” ayuu yidhi wakhtigaasi Ex Wasiir Caddaani. Dhanka kalene Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo sannadkii hore 2019-kii dhammaadkiisii Magaalada Boorama kula hadlayeyTelefishanka Sahan TV, ayaa u arka jidka loo mari karo xallinta tabashooyinka iyo saami-qaybsiga sidan “Tabashadu maalinba meel ayey maraysaa, laakiin waxa la tabanaayo in laga wada hadlo oo loo fadhiisto miiska ayey u baahan tahay xalna looga gudbo wixii maanta la qabanayo la qabto, wixii aan maanta la qabanayna berri loo ballamo, taas ayey u baahan tahay.” Ayuu yidhi Ex Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Ugu Dambeyn Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inuu cahdigi Dowladdiisa uu arrimaha noocan ah uu xisbinimo ku xalin jiray, balse hadda Xisbiyaddii laga baxay oo xaafado la marayo, waxaanu ku taliyey in Xisbinnimo laga noqdo “Annagu markaa Xisbinnimo ayaan wax ku wadnay, laakiin waxaad mooddaa hadda in waddadii Xisbinimada laga baxay, taas oo wax yaabo badan keentay, markaa Xisbinimada ha lagu noqdo ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi ex Madaxweyne Daahir Rayaale Source
  8. Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay khilaaf ka dhex abuurtay Shirkadda Gaadiidka Rarka qaada ee Berbera ee TAWFIIQ, Shirkadaasi oo shalay laba garab u kala jabtay kadib markii ay dhex gashay wasaaraddu iskuna dayday inay maamul iyada waafaqsan usamayso. Masuuliyiin Wasaaradda ka tirsan oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Sayid Cumar oo muddo todobaad ah ku maqnaa Berbera ayaa Shalay khilaaf xoogleh ka dhex abuuray Masuuliyiinta Shirkaddaasi kadib markii lagu eedeeyay inay farogalin ku sameeyeen hanaankii doorasho ee gudida shirkaddaasi, waxaanay arintaasi keentay inay aqlabiyadda xubnihii shirkadaasi fadhiyay ay hoolkii shirka ka dareeraan islamarkaana ay kasoo horjeestaan maamul cusub oo Wasaaraddo badhi taageeraysay oo shirkaasi kasoo baxay, islamarkaana ay kuwo kale banaanka Hoolka ku doortaan. Agaasimaha oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan horena idiinku sheegay in xafiiska WFP ee Itoobiya ay warqad wasaaradda u soo direen oo ay leeyihiin Xafiiskii Gaadiidka Berbera La shaqayn kari mayno, aqoondaro darteed ula shaqayn kari mayno, Emailka aanu u dirna kasoo jawaabi maayaan, Haddaanu teleefan ka garaacno is afgaran mayno, oo anagana dad ajaaniib ah ayaa noo shaqeeya, markaa waxaanu idinku boorinaynaabay yidhaahdeen in xafiiska Gaadiidka “Transport” ee Somaliland ay dad aqoon lihi ay hogaamiyaan, warqaddii halkan ayaa shalay la idinkula wadaagay, iyada ayaynu ku go’aan gaadhnay”. Agaasime Cumar Sayid. Dhinaca Kale iskaashatada Gaadiidlayda ayaa qaadacay doorashaddaasi uu goobjoogga ka ahaa Agaasime Sayid waxaanay sheegeen in xafiiskoodii ay Ciidan Booliis ahi la wareegeen islamarkaana ay Shirkaddii gaadiidlayda ay laba ukala jabisay Wasaaradda Gaadiidku iyagoo sidoo kalena sheegay inay Goob banaanka ka ah Xafiiskooda ay dib ugu doorteen Gudoomiyahaoodii hore, Gudoomiye Xigeen iy Xoghaye kale oo cusub, waxaanay Xukuumadda dhexe ugu baaqeen inay kasoo gaadho Wasaaradda Gaadiidka oo ay sheegeen inay farogalin ku hayso Shirkadda Gaadiidlayda. Waxa hadaladoodii ka mid ahaa “Waxaanu sheegaynaa dawladii dhamayd ee dalka ka masuulka hayd anaguun bay nagu meraysanaysaa kolba, oo ay naga dhamaan la’dahay, guddoomiyaha aanu samaysanaba way soo faragalinaysaa maanta guddoomiyahayagaa ayaa noo guddoomiye ah dawladdana uma jeedno ugu danbayntii waxaanu fariin udiraynaa cidkasta oo ay khusayso inay naga dulqadaan culayska ay wasaaraddu nagu hayso inankan yar ee agaasimaha ah mooyi dee waxan uu nagu arkay ee nagu soo afgooyay dooraashadayada, halkaa gadiidka dhexdiisa ayaanu ku qabsanaynaa ururkan oo gudoomiye u doortay Cumar Ismaaciil Cali hore’na u ahaa guddoomiyihii iskaashatada gaadiidlayda TAWFIIQ, Wasaaradda Gaadiidka halanaga soo gaadho Madaxweyne”. Source
  9. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay muranka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland, wuxuuna sheegay inay jirto tabashadaasi, isla markaana ay muuqato in dawadeedii laga war-wareegayo. Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo Beesha uu dhalashi ahaan ka soo jeedaa ka mid tahay beelaha sida weyn uga qaylinaya caddaaladda saami qaybsiga ee Kuraasta dalka gaar ahaan Golaha wakiilada ayaa sheegay in tabashada saami-qaybsiga aanay ku koobnay reer Awdal oo qudha, balse ay beelaha barigu la qabaan, waxaanu sheegay in aanay is qabanay in la yidhaahdo Qaranka hala wada yeesho, isla markaana ay Beesha dhexe ay awooddii oo dhan qaadato. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu dhawaan u warramay Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Tabashada reer Awdal u badan tahay ta Golaha Wakiillada. “Cabashada ugu badan ee reer Awdal waa Golaha Wakiillada Saamiga ay ku leeyihiin, kaasina maaha wax Madaxweyne uu keligii Qalin ku beddeli karo. Lixdankii waxay Beesha dhexe lahayd saddex Dalooloow 2, beelaha kale oo dhana saddex Dalooloo 1 ayay lahaayeen iyo Qaranka ha la wada yeesho (Maanta) isma qabanayso, markaa Tabashadaas ayaa jirta, taana waxaad mooddaa in Dawadeedii laga war-wareegayo, Maalinta doorashadana uun la soo qaato oo Cid walba ku dagaalanto.” Ayuu yidhi. Waxaanu intaa sii raaciyey in Beelaha Gobollada bariga laftooda Tabashada ay qabaan la mid tahay ta reer Awdal “Bariga laftiisuna wuxuu dareensan yahay arrintaa Lixdankii ku fadhida. Lixdankii Maalintii la tagay haddii la eego Dadka kale Saddex Dalooloow hal ayuu ahaa oo halkaa ayuu fadhiyey, laakiin Beeshii dhexe 2-deedii way haysataa (Imika).”ayuu yidhi. Dhanka kalena Madaxweyn ku-xigaanka ayaa sheegay in saamiga xilalka xukuumadda ay beelaha darafyadda iyo beesha dhexe ay sinnaayeen, balse hadda aan lagu dhaqmin ee lixdankii qaybo laga soo qaato, waxaanu ku taliyey haddii saamigii lixdankii la wada qaadanayo in la soo wada qaato “Wakhtigaa markii Xukuumadda la qaybsaday waalla is leekaa, laba darafyada ah iyo mid ta dhexe ah ayay ahaayeen, tii Maanta lama soo qaado, Waayo? Xukuumaddii waxaad mooddaa in saddex Dalooloow 2 uun lagu fadhiisanayo (Xilalka), markaa haddii Lixdankii la wada qaadanayo ha la wada qaato oo Dadka ha lagu Raalli-geliyo oo lagu soo dhaweeyo Dadkii Dadkan wada lahaa. “ Geesta kale Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ku taliyey haddii la xalin kari waayo arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, in xagga saami-qaybsiga xilalka Xukuumadda laga xaliyo oo uu sheegay in aad loo kale fog yahay “Aniguna waxaan qabaa haddii aan la xallin karayn (Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada) in sidii kale ee loo xalliyo oo Xukuumaddii la isku soo dhawaado oo iminka aad loo kala fog yahay.”Ayuu yidhi. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Golaha Arrimaha Islaamka ee Magaalada Harta Sheekha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay gabi ahaanba magaaladaasi ka mamnuuceen arrimo badan oo la xidhiidha hannaanka ay wakhtigan u dhacaan aroosyadu sida Gaadiidka badan ee arooska lagu galbiyo, Fijaannada Ama Xeedhooyinka Soddohuhu sameeyaan, taashka cad ee aroosaddu xidhato, Jaadka, Lacagaha Gabbaatiga ah ee Hordhaca ah, Agabka Badan ee Soddohdu inanteeda aroosadda ah soo raaciso iyo arrimo kale. Halkan ka akhri liiska 17 Arrimood oo wadaadadu ka mamnuuceen Magaalada Harta Sheekha iyo nawaaxigeda aroosyadii ka dhici jiray: Source
  11. Shabakadda Netblock oo la socota dhaqdhaqaaqa intarnet-ka ayaa maqnaasha internetka ee magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Somalia ku xidhiidhisay arimo siyaasadeed oo ku lug leh riditaanka Xukuumada Ra’iisal-wasaare Kheyre. Qoraal shabakadan soo dhigtay Barta Twitterka ku leedahay ayey ku sheegtay in jaritaanka Internetka ay la xidhiidho dhacdadii Xildhibaanada golaha shacabka dhawaan xilka uga tuureen Xukuumadii Kheyre. Halkan ka akhri Qoraalka Rasmiya oo:- Confirmed: Internet shutdown across much of #Somalia as parliament votes to remove Prime Minister Hassan Ali Khaire over lack of democratic elections; real-time metrics show connectivity below ~30% of ordinary levels with high impact to #Mogadishu https://t.co/Dqtp0RXkSB pic.twitter.com/QiV145Ib7D — NetBlocks.org (@netblocks) July 26, 2020 Qaran News
  12. (SLT-Muqdisho)-Tan iyo markii baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa amar adag uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo oo amrayay in qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada, kuna adkeeyay wasiir Beyle in wax kharash ah aan lagala bixi karin qasnada wasaaradda maaliyada ilaa amar danbe. Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda. Source
  13. Toban Sanno Iyo Khaladaadkii Siyaasadeed ee Xukumadihii Xisbiga KULMIYE Qaranka ka galeen!! Khaladaadka ay Xukumada Kulmiye Qaranka ka gashay Tobankaa Sanno waa in aan qiimeyn ku samaynaa. Kolay qaar baa wanaageedii nagula meeraysan, se wanaag ma ahayn ee waajib saarnaa oo ay gudatay, weliba sidii ugu liidatay ay u guteen buu noqonayaa haddii ay waxqabteena. Khaladaadka siyaasadeed ee ay galeen: Furitaanka wada hadalada Soomaaliya, ee aan illaa hadda la aqoon jiho iyo mustaqbal laga leeyahay, ee maalin ba dabayshu dhan u qaado. Samayntii iyo kordhintii Gobolada dalka, ee ilaa hadda manfac laga dheefay aan la garanayn muran ay inagu kordhisay mooyee. Maamul daadejin la’aanta illaa maanta ka jirta dalka oo aan wax uga qorashaysnaa illaa hadda na uga qorshaysan jirin. Iibintii hantida dawladda ee dhuleed, taas oo aan manfac shacabka lagaga soo celiyey aanu jirin illaa hadda. Badalaadii Manhjka waxbarashada oo mashruuc mooyee midho dhal iyo ka raadintoona loo samaynin haddana weli sidii uun lagu wado. Siyaasaddaynta arrimaha dhaqanka iyo madax dhaqameedka iyo kala geynta shacabka oo aan ilaa hadda na xal laga daba keenin. Wareejintii hawada ee ay bud-dhiga u ahayd xukumadda Kulmiye, ilaa hadda na aan wax lagaga hadlo jirin. Lagama gayoon karo haddii aan wadno uun inta ay qaranka ka galeen oo kaliya. Iska dhaaf Xisbi ahaan dhexdiisa khaladaadka dhacay iyo ismijoxaabinta la sameeyey ee sawirka xisbi qaran dhaawac ku keentay. Isweydiin: Kulmiye, halkuu ku dambeyndoonaa? Ma jiraa qorshe sii jiritaan oo uu leeyahay oo ka badbaadin kara in uu u baaba’o sidii xisbigii UDUB? Ma sii haysan doonaan reeraha Bah-siyaasadeedka ku noqday? Source
  14. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ayaa safar ku yimid magaalada Muqdisho waxaana si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyeen ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa amar adag uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo oo amrayay in qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada, kuna adkeeyay wasiir Beyle in wax qarash ah aan lagala bixi karin qasnada wasaaradda maaliyada ilaa amar danbe. Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda. Arrintaani ayaa u muuqata mid xafiiska madaxweynaha uu ugu hortegaayo in xafiiskii ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu ku colaadinaayo. Dhaqan ahaan dowladdaha Somalia soo maray mar walba oo xukunka laga qaado ra’iisul wasaare ama guddoon baarlamaan iyo xiliyada kala guurka waxaa dhacda in xanibaad la saaro qasnadaha dowladda.
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isna dhismihiisu meel wanaagsan marayo. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray. Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo. Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ayaa meel wanaagsan uu maraya dhismihiisu , waxaana uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ballan qaaday in Dowladdu dhameystiri doonto dhismaha garoonka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. MOGADISHU (PP EDITORIAL) — The resignation of the Somali Prime Minister Hassan Ali Kheire after losing a parliamentary Vote of Confidence does not sit well with Donalad Yamamoto, the US Ambassador to Somalia. In a tweet the United States Embassy implied that spoilers had been behind the resignation of the Somali Prime Minister. Given how the Speaker of the Federal ParliamentMohamed Mursal explained the causes of the resignation, it is clear that Ambassador Yamamoto has placed himself on high moral ground and thinks he micromanages the Somali political process. If a major super power claiming to be a supporter of state-building endeavours in Somalia expressly undermines the budding legislature by hastily tweeting about alleged spoilers, it is time to reduce Somalis’ expectations of the United States of America as a key player along with other countries in nurturing institutions of fragile Somalia. Ambassador Donaland Yamamoto’s gubernatorial approach leads to a diplomatic failure in Somalia The evolution of the Somali political system since 2000 has brought about a more complicated governance system. The bicameral legislature is the prime example of this trend. It was for Yamamoto to leave to Somali political leaders the task of working out a solution to the deadlock on the electoral model. No self-respecting legislature can allow its laws to be abrogated by sub-national administrations (aka Federal Member States).Ambassador Yamamoto is partly to blame for the rift between the Federal Government and Federal Member States. For a long time he backed the Federal Government on security policies when some FMs questioned the wisdom of forming a national army in the absence of political settlement as specified in the Security Architecture unveiled at the 2017 London Somalia Conference. How can one believe Ambassador Yamamoto’s seriousness about his call for consensus-based political decision-making between the Federal Government of Somalia and Federal Member States? America’s economic and security interests, and the interests of Somalia to build accountable institutions do not coalesce. His intervention makes Somalia look like an occupied country. His role is not ambassadorial; it is gubernatorial, similar to the role of Paul Bremer in Iraq more than ten years ago. US policies towards Somalia are unpopular among Somalis. Between the second half of nineties and the first half of nougties America financed warlords in Mogadishu, a complete reversal of the humanitarian intervention policy of 1992 that earned USA a reputation for making a bold decision to end man-made famine in Somalia. Ambassador Donald Yamamoto should not have fallen prey to diplomatic delusion of grandeur by pursuing the failed diplomacy to come across as the diplomat issuing communiques that smack of superpower arrogance. © Puntland Post, 2020 The post AMBASSADOR YAMAMOTO’S FAILED DIPLOMACY IN SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  18. Xildhibaan Xasan Xersi Xaashi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey inuu socdo qorshe la doonayo in lagu diyaariyo mooshin xil-ka looga qaadayo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal. Mudanahan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in mooshin ay wadaan xildhibaano ka cabanaya mushaar la’aan, kaas oo ka socdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax mushaar ah oo laga goostay xildhibaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maalmahan soo baxeysay cabasho ka soo yeereysay xildhibaanada qaar oo eedeeyey guddoonka baarlamaanka Galmudug. View the full article
  19. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Kulan gaar ah ayaa waxa uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal. Warar hoose oo heshay Shabelle ayaa sheegaya in kulankaasi labada mas’uul ay uga tashadeen arrimo ku aadan magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee bedalaya Khayre. Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal, isagoo kala hadlay dardar-gelinta howlaha horyaalla xukuumadda iyo baarlamaanka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana sidoo kale maanta Muqdisho soo gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Sabtidii ayey aheyd markii si lama filaan ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala noqdeen ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre. View the full article
  20. Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo kormeer shaqo ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo in isbedelku uusan saameyn ku yeelan howlaha ay qaranka u hayso wasaaraddu. Siihayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo sii hayaha ra’iisul wasaaraha ku soo dhaweeyay wasaaradda ayaa sheegay in ay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo qodobo kale. “Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’iisul wasaaraha dar-dar galinta howlaha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saameynta dhaqaale ee Covid-19” ayuu yiri sii hayaha Wasiirka maaliyadda”ayuu yiri wasiir Beyle.Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  21. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qoor-Qoor oo wafdiga uu hoggaaminayo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa waxaa Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Hadal kooban oo uu madaxweyne Qoor-Qoor siiyey warbaahinta ayaa waxa uu ku sheegay in socdaalkiisa uu la xariiro sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabihii looga wada-hadlay shirkii magaalada Dhuusamareeb iyo u diyaar garowga midka soo socda . Dhowaan ayey aheyd markii madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay shir ballaaran ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. View the full article