Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Victoria councillor is nominated to be one of the country’s top immigrants. Source: Hiiraan Online
  2. Minnesota now has a senior-level leadership position explicitly dedicated to immigrants for the first time in the history of the state. Source: Hiiraan Online
  3. Haweeney Ra’isul Wasaare ah oo arooskeeda u baajisay ka qeyb galka shir Awgii Ra’isul Wasaaraha dalka Denmark, Mette Frederiksen ayaa mar kale dib u dhigtay xaflada arooskeeda, waxa ayna markan shaacisay in sababta arooskeeda dib uga dhacay tahay ka qeyb galka shir muhiim ah owgiis. Mette Frederiksen, ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka ku sheegtay in ay ka qeyb galeyso shir muhiim ah ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub, shirkan ayaana looga hadlayaa saameynta uu yeeshay Covid-19 iyo arimo kale. Arooska haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ee Bo Tengberg ayaa qorshuhu ahaa in uu dhaco 18-ka bisha July, hasa ahaatee shirka ay yeelanayaan Madaxda Midowga Yurub ayaa dhacaya 17-ka ilaa 18-ka july. Ra’isul Wasaare Mette Frederiksen, ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay ilaalinta danaha dalkeeda, waxa ayna sheegtay in arooskooda dib u dhacay sababo la xiriira shirka dhacaya, waxa ayna xustay in ninka ay guursaneyso uu yahay mid dulqaad badan. “Waxaan aad u rajeynayaa inaan guursado ninkan cajiibka ah. Laakiin sida caadiga ahba, taasi ma aha inay noqoto wax iska sahlan, shirka golahaha wuxuu dhacayaa Sabtida bisha July ee aan ku ballansaneyn xafladda arooska.” ayey tiri Mette. Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka Denmark iyo ninka ay u doonan tahay ayaa qorshuhu ahaa in markii ugu horeesay arooskooda dhaco sanadkii hore, hasa ahaatee arooska ayaa u baaqday doorasho dalkaasi ka dhaceysay owgeed. Qaran News
  4. Ra’isul Wasaare Caan ah oo shaaciyay in Osama Bin Ladin uu shahiiday Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan ayaa markii ugu horeesay shaaciyay in Hogaamiyihii kooxda Al Qaacida Osama Bin Ladin oo ay dileen ciidamo Mareykan ah in uu shahiiday. Imran Khan ayaa xili uu khudbad kahor jeedinayay Baarlamaanka Pakistan ayaa sheegay in Osama bin Ladin uu ahaa shahiiid, waxa uuna khalad dhacay ku tilmaamay in Pakistan iskaashi la sameesato dowlada Mareykanka. Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Mareykanka aysan kusoo wargalin dowlada Pakistan xiligii ciidamada Mareykanka gudaha Pakistan ka fulinayeen howlgalkii lagu dilay Osama Bin Ladin. “Waxaanu Mareykanka kala shaqeynay dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo ay inooga dhinteen 70 kun oo qof, balse halkan ayay yimaadeen oo waxaa ay dileen Osama, wuu shahiiday, waxayna nagu la kaceen aflagaado iyagoo aanan nagu wargelinin hawlgalka,” ayuu yiri Imran Khan. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaardaka Pakistan ayaa dhaliilay hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaare Imran Khan ee ahaa in Osama Bin Ladin uu shahiid ahaa, waxa ayna sheegeen siyaasiyiintan in Osama dalkooda kusoo hagaamiyay argagaxiso. Hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Pakistan ayaana buuq badan ka abuuray gudaha Pakistan iyo baraha bulshada, waxaana hadalkan siyaabo kala duwan uga hadlay shacabka Pakistan oo qaarkood dhaliilay halka kuwa kalana shahiid ku tilmaameen Osama. Qaran News
  5. Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Badhan Marxuum Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) Hal askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay dagaal shalay oo Jimce aheyd Ciidamo ka wada tirsan Puntland ku dhex maray gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Badhan-Sanaag. Marxuumka dhintay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) ayaa la sheegay in uu Gaandheri u ahaa Ciidan ka amar qaata Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee ku sugan Airport-ka Magaalada Badhan. Qaran News
  6. 2-Shirkadood oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka oo Heshiis la galay 2-Shirkad oo laga leeyahay Israel+Nooca heshiiska Shirkado ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Isarel ayaa xooggooda isugu gayn doono cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyad lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Khamiistii ku dhowaaqay labada dal oo aan lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday warka wada-shaqeynta u dhaxeysa dalka Yahuudda iyo Dalka Carbeed, kadib “xiriiro dheer oo xasaasi ah”. “Wada-shaqeyntan waxay ku saabsanaan doontaa agga cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyadda, taasi oo horumarin doonto amniga caafimaadka gobolka,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaan uu soo saaray. Saacado kadib, wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa xaqiijisay qorshahan. “Laba shirkadood oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Imaaraadka ayaa heshiis la galay laba shirkad oo laga leeyahay Israel si ay u horumariyanaan cilmi-baaris iyo teknoolajiyad lagula dagaalamo COVID-19,” ayey tiri WAM. Lama shaacin magacyada labada shirkad iyo faah-faahino intaas dheer. Marka laga reebo dalalka Masar iyo Jordan, dalalka Carabta wax xiriir rasmi ah lama lahan Israel. Hase yeeshee dalalka Carabta ee Khaliijka, oo Imaaraadka Carabta ay ku jirto, ayaa sanadihii tegay waxay xiriiro aan rasmi ahayn la sameysanayeen Israel oo wadaagaan walaac la xiriira Iran, oo Israel ay u aragto cadowgeeda koowaad. “Hadba sida aan u xoogganahay ayaan awood ugu yeelan doonnaa inaan iska leexino cadawgeena oo aan soo dhoweysano saaxiibadeenna,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaanka uu soo saaray. Hadalka Netanyahu ayaa yimid maalmo un ka hor xilliga la filayo in Israel ay billowdo qorshe Mareykanka uu taageerayo oo ay ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay haysato iyo Dooxada Jordan. Qaran News
  7. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambsador Cabdifatax Siciid Axmed oo Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey Maalinta Xornimadooda ay ka Qaateen Gumaystihii Faransiiska Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku Hambalyey sanaad-guurada 43-aad ee kasoo wareegtay Maalintii ay Qaranka Jabuuti xornimadooda ka qaateen gumaystihii Faransiiska oo ku beegaan caawa oo ay Taarikhdu tahay 27-ka Jun 1977-kii. Sidaas daraadeed, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumada Somaliland, ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo ka Shacab-weynaha Somaliland, waxaan Hambalyo halkan uga dirayaa 43-guurada kasoo wareegtay xornimada Jabuuti. Waxanan si gaar ah ugu Hambalyeynayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, Raysal-wasaaraha, Marwada Qaranka iyo golaha Xukuumadiisa iyo weliba Shacab-weynaha Jamhuuriya Jabuuti, waxanaan leenahay ku waara Bash-bash iyo Barwaaqo iyo xornimo sii jirta. Guntii iyo gebo-gebadii waxaan Shacab-weynaha Jamhuuriyadda Jabuuti usoo jeedinaya inay ilaashadan amnigooda iyo dawladnimadood, isla markaana wada-jir ku waaran. Alla mahad leh. Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la filayaa berri oo sabti ah, taariikhduna tahay 27-ka June ay xarunta baarlamanka ku yeeshaan kulan xasaasi ah, oo looga hadli doono laba ajende oo muhiim ah. Xildhibaanada ayaa waxaa caawa lagu wargeliyey inuu jiro kulankii Golaha ee loo balansanaa inay hor-timaado Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo jeedin doonta Warbixin ku saabsan doorashooyinka. Waxaa sidoo kale la filayaa in xildhibaanada ay cod u qaadaan xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay laga doodayay, ayada oo uu horyaallo mooshin dalbanaya in 13 kursi la siiyo gobolka. Wararkii ugu dambeeyey ee aan caawa helno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo diidanaa matalaadda gobolka la qanciyey kadib wada-hadallo lala galay. Si kastaba, waxaa hadda soo baxday, sida aan xogta ku helnay in xildhibaano ay ku jiraan Wasiiro oo u badan hal beel ay wadaan olole ka dhan ah codeynta berri Xeerka Mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaanadan oo badankood kasoo jeeda beelaha Harti iyo Absame, ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Wasiir ku-xigeenka Boostada. Xubnahan oo kulan yeeshay ayaa caawa ku ballamay iney hor-istaagaan Matalaada Gobolka Banaadir ama iney xiraan fadhiga Baarlamaanka ee berri. Waxaa aad looga cabsi qabaa cabsi in codeynta berri ay fowdo iyo buuq hareyso, ayada oo xildhibaanada Mogadishu Clan ay sheegeen in wax kasta u sameeynayaan in kulanka berri uu dhaco.
  9. Hambalyo Umadda Soomaaliyeed usbuuca xorriyadda iyo sandaguuradii 60aad ee madaxbannaanida dalka. Haldoor badan Soomaaliyeed waxay is waydiinayaan ma mudan tahay in aan u dabaal degno mise waxay mudan tahay in aan isla xisaabtan iyo garnaqsi aan la galno xorriyadda aan dayacnay. Bal wax yar ila milicso wax qabadka iyo guulaha 60 sano kadib: • 60 sano kadib, Soomaaliya dastuur umadda Soomaaliyeed talo ka dhiibatay ma laha; Waa qabyo qoraal aan afti weli loo qaadin! • 60 sano kadib, Soomaaliya hawadeeda, berigeeda iyo baddeeda ma madax bannaaana! • 60 sano kadib, Jamhuudiyaddu ma laha ciidan qaran sugi kara madaxbannaanida xuduudaheeda kala duwan! • 60 sano kadib, Jamhuuriyaddu waxay u guurtay si qabyo qoraal ah nidaamka loo yaqaan Federal System dooddiisuna harreysay dhammaan go’aan qaadashada dalka iyo awood qaybsiga guud! • 60 sano kadib Jamhuuriyaddu marnaba kuma guuleysan inay la soo baxdo kheyraadka dhulkeeda ceegaaga, shidaal, macdan …iwm. • 60 sano kadib Jamhuuriyaddu gacan kuma hayso gobolladi Waqoyi taasoo ka dhigan in midnimadu dhaawacan tahay! • 60 sano kadib, xuquudda asaasiga ee muwaadin kasta Soomaaliyeed waa dhaawacan yahay. Tusaale xanuun badan waxa kugu filan in qayb ama qabaail ka mid ah bulshada Soomaaliyeed aysan xaq u laheyn in ay wax doortaan ama la doorto, waa markaad eegto nidaamka 4.5. Ma qiyaasi karta xanuunka ay leedahay muwaadin cashuur bixiye ah, dalka difaaca haddana sharicga u diidayo in doorasho u galo xubinninada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya? Wax ka sii daran in loo diiday in uu wax ka doorto mar haddii uusan tartami karin. “ Reer hebel ayaa kursiga leh, reer hebel ayaana is dooranaya” Waa sida uu ku dhisan yahay Baaralaanka 10 aad Federalka Soomaaliya iyo kuwii ka horeeyay! suurta galna ay tahay Baarlamaanka 11 aad sidaa in lagu soo dhiso!!! • 60 sano kadib Jamhuuriyaddu mugdi baa kaga jira nooca doorashada iyo waqtiga ay dhaceyso; markaad u fiirsato khilaafka xooggan ee dhexyaala Golaha Shacabka, Aqalka Sare Xukuumadda Dhexe iyo dawlad gobileedyada! • 60 sano kadib Jamhuuriyaddu waxay ku wareersan tahay maqaamka iyo nidaamka siyaasadeed lagu maareyn karo caasimadda Mogadishu! • 60 sano kadib Jamhuuriyaddu ma laha Maxkamad Dastuuri ay ku kala baxdo! • Ugu dambeyn waxaa u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed inay u dabaal degto sanadka soo socda iyadoo ka gudubtay caqabadaha hortaagan in aan dawlad madax-banaan noqono. Soomaaaliya ha noolaato! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. GALKAYO (HOL) - Puntland President Abdullahi Deni and his Galmudug counterpart Ahmed QoorQoor today met for the first time since both came into office in what sources said was aimed at crafting a working relationship between the two neighbourly states. Source: Hiiraan Online
  11. Allah u naxariistee Daahir Shidane Abdi, wasiirkii hore ee Shaqaalaha dowlad goboleedka Galmudug , ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaalka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wasiir Daahir Shidane ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray, kadib markii siga dhowr kamid odayaal dhaqameedka Galmudug ah ay isku dayeen in ay ku baxay xiisad ka colaadeed oo taagneyd deegaanka Xananbuure, una dhaxeysay labo maleeshiyo beelood oo halkaasi wada dega. Dagaalka ayaa si kadis ah u qarxay, taas oo sababtay in wasiirkii Daahir uu dhaawac ka soo gaaro xabadihii labada dhinac ay isku ridaayeen, dhaawaca wasiirka ayaa la geeyey Isbitaalka Cadaado, xili uu qabay dhaawac aad u culus, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday gudaha isbitaalka. Wararka aan ka helayno degaanka ayaa sheegayo in dagaalka uu weli ka soconaayo wariyaasha ayaa soo sheegayo in ilaa iyo hadda kudhowaad 10 ruux ay ku geeriyoodeen, halka ay jiraan dhaawacyo badan oo soo kala gaaray labada maleeshiyo beeleed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Join us for an inspiring evening hosted by the Somali Hope Foundation to support the education of underprivileged youth in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. Galkayo (HOL) - Puntland President Said Abdullahi Deni met with his Galmudug counterpart Ahmed Abdi Kariye on Friday. Source: Hiiraan Online
  14. Tel Aviv (Caasimada Online) – Shirkado ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Isarel ayaa xooggooda isugu gayn doono cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyad lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Khamiistii ku dhowaaqay labada dal oo aan lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday warka wada-shaqeynta u dhaxeysa dalka Yahuudda iyo Dalka Carbeed, kadib “xiriiro dheer oo xasaasi ah”. “Wada-shaqeyntan waxay ku saabsanaan doontaa agga cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyadda, taasi oo horumarin doonto amniga caafimaadka gobolka,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaan uu soo saaray. Saacado kadib, wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM ayaa xaqiijisay qorshahan. “Laba shirkadood oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Imaaraadka ayaa heshiis la galay laba shirkad oo laga leeyahay Israel si ay u horumariyanaan cilmi-baaris iyo teknoolajiyad lagula dagaalamo COVID-19,” ayey tiri WAM. Lama shaacin magacyada labada shirkad iyo faah-faahino intaas dheer. Marka laga reebo dalalka Masar iyo Jordan, dalalka Carabta wax xiriir rasmi ah lama lahan Israel. Hase yeeshee dalalka Carabta ee Khaliijka, oo Imaaraadka Carabta ay ku jirto, ayaa sanadihii tegay waxay xiriiro aan rasmi ahayn la sameysanayeen Israel oo wadaagaan walaac la xiriira Iran, oo Israel ay u aragto cadowgeeda koowaad. “Hadba sida aan u xoogganahay ayaan awood ugu yeelan doonnaa inaan iska leexino cadawgeena oo aan soo dhoweysano saaxiibadeenna,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaanka uu soo saaray. Hadalka Netanyahu ayaa yimid maalmo un ka hor xilliga la filayo in Israel ay billowdo qorshe Mareykanka uu taageerayo oo ay ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay haysato iyo Dooxada Jordan.
  15. One witness said he had heard a drone overhead. “It is the ‘oooooooo’ sound,” he told investigators. “Everyone recognizes it because they live in an al-Shabab place.” Source: Hiiraan Online
  16. Kadib dib u dhac horay ugu yimid ku dhawaaqista waqtiga doorashada ayey mar kale berri oo sabti ah u balansan yihiin guddiga madaxbannaan ee doorashada si ay ugu cayimaan maalinta la aadayo doorashada 2020/2021. Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada u qabtey iney ku hortimaado 27-ka oo ku beegan berri subax, iyada oo la doonayo ku dhawaaqista waqtiga doorashada 2020/2021. Guddiga doorashada waxaa ay heyseen 5 sano, waxaa u haray hal sano iyaga oo dhici-doona July 2021-ka, kahor waa iney qabtaan doorasho qof iyo cod ah, waana shaqada loo abuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Since the beginning of the week, Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, has launched two suicide bombings on two military bases across Somalia. One of the bases targeted was Turkey’s military base in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. IT STARTED IN Minneapolis. The murder of George Floyd by Minneapolis police officers, the ensuing uprisings, and the work of Black women abolitionists like Mariame Kaba, Ruth Wilson Gilmore, and Angela Davis have sparked a global conversation with demands to defund the police. Source: Hiiraan Online
  19. A report estimates that the number of victims of female genital mutilation in Germany has increased by 44% since 2017, and nearly 15,000 girls may be at risk. The minister responsible linked the increase to migration. Source: Hiiraan Online
  20. In april david beasley, the head of the World Food Programme (wfp), warned of the danger of “multiple famines of biblical proportions” as a result of covid-19. History suggests that Somalia’s 16m people are especially vulnerable. Famines in 1992 and 2011 each claimed more than 200,000 lives. A drought in 2016-17 displaced more than 1m people and caused losses and damage of over $3bn. This year, in addition to the pandemic, crops have been swept away by floods and ravaged by desert locusts (with a new swarm on the way). The triple blow means that 3.5m people, more than a fifth of the population, face hunger between July and September, according to an agency of the un and the Famine Early Warning Systems Network, an American-funded outfit that monitors some 30 countries. Source: Hiiraan Online
  21. Doha: HH the Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani held Thursday via telephone a conversation with HE President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo. Source: Hiiraan Online
  22. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kulanka Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Siciid Cabdulllaahi Dani ayaa maanta ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in iskaashi ay labada Maamul ka wada yeeshaan xoojinta Amniga, dib u heshiisinta iyo Siyaasadda. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana shirka diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeyn dhex marta labada dhinac iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynayaasha labada dowlad gobaleed Siciid Cabdullaahi Dani iyo Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku soo dhamaaday is afgarad ku aadan in labada dowlad gobaleed ay ka wada shaqeeyaan Amniga iyo iskaashi dhex mara labada Maamul, iyagoo dhinaca kalana hambalyo ku aadan 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xoreebeen Goballada Waqooyi ee dalka u diray Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo. Labada Madaxweyne oo Warbaahibta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin heshiis wadashaqeyneyd oo ay wada gaareen,isla markaana la fulin doono waxyaabaha lagu heshiiyay.
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-26062020.mp3 View the full article
  24. JOHANNESBURG - A half-year into the most momentous pandemic in decades, it’s hard to imagine that anyone, anywhere has not heard of the coronavirus. But scores of migrants arriving in Somalia tell United Nations workers every day that they are unaware of COVID-19. Source: Hiiraan Online