-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay waqiga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah kuwaas oo hakad galay kadib markii dunida uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19, kaas caalamka fara ba,an ku haayo. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay sedexda bisha soo aadan ee August 2020-ka dib loo furi doono duulimaadyada caalamiga ah ee dalka. Duulimaadyada caalamiga ah ayaa istaagay 19-kii bishii March, kadib markii dalka laga diiwaan geliyey kiisas dhowr ah oo la xariiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, kaas oo dunida kala xiray isku socodka dadyowga caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka. Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya. Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka. Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga rasmiga ah ay dib u furayso duullimaadyada dibada. Golaha Wasiirrada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona. Golaha Wasiirada ayaa shaaciyay in duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa goluhu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020. Dib u furidda dhammaan adeegyada ayaa golohu ku macneeyay saameynta xanuunka COVID-19 oo hoos u dhacay, waxaana goluhu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xiliga dib loo furayo duullimaadyada dibada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalkaas. Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in Saddexda bisha soo socoto dib loo furi doono duulimaadyadda Caalamiga ah. Golaha Wasiirrada ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xariira faafitaanka Feyruska Karoona. Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu ogolaaday Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka in dib loo furo Agoosto 15, 2020. Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga, hase yeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo cudurka COVID-19 looga baaro dadka garoonka kasoo dego. 19-kii Maarso ayaa la joojiyay dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo iyana qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameysano fayraska sababay cudurka safmarka ah. Horraantii bishan waxa ay dowladda dib u furtay duulimaadyadii gudaha isaga kala gooshi jiray. Inkasta oo duulimaadyada caalamiga ah ay si rasmi ah u xiran yihiin muddo bilo ah, haddana Caasimada Online ayaa ogaatay in diyaaradda Turkish Airlines ay Muqdisho imaneysay toddobaadyadii dhowaa, mana cadda sababta. Toddobaadkan oo kaliya waxaa Muqdisho yimid saddex duuliimaad oo Turkish Airlines ah, kuwaasi oo kasoo tegay Istanbul, kuna soo hakaday Jabuuti ka hor inta aysan iman Muqdisho. Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa tagtay Hargeysa, ayada oo si toos ah u jebineysa amarka dowladda Soomaaliya.
-
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed oo maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa sharcidarro ku tilmaamay xarigga Cabdimanaan Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Guud ee Astaan Cable, uu muddo 15 cisho ugu xiran yahay magaalada Hargaysa. Kulankaan oo ay ka soo qabgaleen odayaal gaaraya 30 oday dhaqameed oo isugu jira Ugaasyo, Salaaddiin, Wabarro, Imaamyo, Nabaddoono, Garaadyo iyo cuqaal kale ayaa sheegay in Cabdimanaan uu u xiray shaqsiyaad shaar maamul huwanaya oo damac gaar ahi uga jiro inay hantidiisa dhacaan, waxay carabka ku dhifteen Ku Xigeenka nabadsugidda Soomaaliland Faysal Guhaad uu si shaqsi u xirtay isagoo ay wehliyaan rag ka tirsan beesha Madaxweynaha Soomaaliland. “C/manaan waa nin aqoonyahan Soomaaliyeed oo hal abuur leh, waxaan aaminsanahay inuusan wax dambi ah ka gelin dadka iyo maamulka Soomaaliland toona, balse la doonayo in xoolihiisa lagu xalaalaysto iyadoo loogu marmarsiyoonayo inay qaraabo yihiin mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray shirkooda jaraa’id. Waxayna intaa ku dareen inaysan marnaba aqbali doonin damacaas qaldan oo shaqsiyaad gaar ahi ku doonayaan burburinta shirkadda Astaan Cable oo ay hanti ku wada leeyihiin ganacsato ka soo jeedda dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ganacsato ka soo jeedda Somaliland. Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa xusay in falkaas lagu xiray Cabdimanaan uu horseedi karo inuu kala shaki ku kala abuuro ganacsatad Soomaaliyeed ee sida xorta ah uga kala ganacsada magaalooyinka Soomaaliyeed, iyagoon u baqayn naftooda iyo maalkooda. “Marqaati uma baahna in ganacatada Somaliland ee ka ganacsata Koonfurta Soomaaliya inay Sharaf iyo magacba ku haystaan Muqdisho iyo magaalooyinka kaleba, mana qabaan welwel ku saabsan naftooda iyo hantodooda” ayuu yiri Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur oo ka mid ahaa odayaashii goobta ka hadlay, wuxuuna ka dalbaday maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi in Cabdimanaan xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo. Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed waxay farriin gaar ah u direen Waxgarada iyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Soomaaliland oo ay ka codsadeen inay arrinta Cabdimanaan soo farogeliyaan, oo aysan yaraysan si ganacsiga Soomaaliyeed aan xuduud loo kala yeelin. Cabdimanaan Yuusuf Guddoomiha Guud ee Shirkadda Astaan Cable waxaa goor habeen ah oo ku beegnayd 17kii bishan July xoog ku kaxaystay ciidan hubaysay oo la sheegay inay ka tirsanaayeen nabadsidda Soomaaliland, ilaa iyo haddana lama oga dambiga lagu haysto. Odayaashii Dhaqanka ee maanta ka qaybgalay shirkii jaraa’id waxaa ka mid ahaa: Ugaas Cali Xaashi Ugaas Axmed Nuur Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan Ugaas Bashiir Ereg Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Shire Ugaas Warsame Nabaddoon Max’ed Xuseen Axmed Nabaddoon Beddel Jamac Xirsi Nabaddoon Cabditoox Yare Nabaddoon Hilowle Macllin Yacquub Nabaddoon Max’ed C/llahi Goosaar Islow Cismaan Sheekh Xasan Garaad Xasan Garaad Max’ud Garaad Cagay Suldaan Mahdi C/risaaq Suldaan C/llaahi Waamo Iyo Odayaal kale.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441Hijriga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah. “Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda. “Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.” Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay munaasabaddan barakaysan geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-30072020.mp3 View the full article
-
Guddiga waxaa qeyb ka helay gobolka Banaadir Kusimayaasha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga farsamada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee ka baaraan degaya nooca doorashooyinka dalka 2020/2021. War ka soo baxay xafiiska Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed ayaa lagu sheegay in si aqlabiyad leh lagu meel mariyay Guddigan oo ka kooban 16 xubnood oo 6 kamid ah ay ka imaanayaan dowladda Federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir, halka10 xubnood oo kalana min 2 xubnood ka imanayaan dowlad goboleedyada. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in Xukuumadda ay fartay xubnaha Guddiga in shaqada loo igmaday si degdeg ah u gudagalaan. Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa horey u magacaabay min 2-dooda xubnood ee Guddiga farsamada. Qodobka 5aad ee war-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaysa 2020/2021. Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa 15-ka bisha soo socota ee Agoosto ku ballansan shirka Dhuusamareeb 3, inkasta oo ay walaac ka muujisay Puntland, kadib xilka qaadistii Xasan Cali Kheyre. PUNTLAND POST The post Golihii la riday oo Guddi ansixiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka. Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya. Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka. Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaan gaarka ah ay leeyihiin maalmaha barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada iyo midnimada dadka muslimiinta. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadka danyarta ah, si dhammaan loo dareenno farxadda ciidda. “Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo ku bogaadiyey ilaalinta amniga iyo nabadgelyada shacabka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda Carafo caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo jeediyey fikrad uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November. Trump ayaa, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo. “Dib u dhiga doorashada illaa inta ay dadka si sax, amni ah oo nabdoon ugu codeyn karaan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Trump ayaa shaki geliyey sharci ahaanshaha codeynta lagu dhiibto habka boostada ee dadka warqadaha codeynta kasoo diraan guryahooda, taasi oo gobollo badan oo ka mid ah dalka ay sare u qaadeen kadib faafitaankii cudurka Coronavirus. Warka kasoo baxay Trump ayaa yimid ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaan inuu ka dambeeyo musharaxa dimoqraadiga ee Joe Biden, suurta-galna ay tahay in looga adkaayo doorashada 3-da November. Taariikhda codeynta doorashada Mareykanka – oo ah Talaadada ku xigta Isniinta ugu horreysa ee bisha November ee sanad kasta oo afaraad – ayaa waxay ku dhigan tahay dastuurka Mareykanka, waxayna u baahaan doontaa in Congress-ka uu bedelo taasi oo aan muuqan. Sidaas oo ay tahay soo jeedinta arrintan ayaa ah mid qeyrul caadi u ah dal dunida u muujiya inuu tusaale ugu yahay taariikh soo jireen ah oo ah awood kala wareegis nabdoon. REUTERS + AP + VOA
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1441-ka Waxana uu u rajeeyey inay sannadkan,sannadkiisa ku gaadhaan Barwaaqo iyo nabadqab. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ummadda Muslimiinta ah ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal Adxada, isagoo xusay inuu sannadkani ku tilmaaman yahay mid aanay muslimiinta dunidu xanuunka Covid-19 dartii u gudan Karin waajibaadka Xajka, waxana uu yidhi, “Maanta waxan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa ummadda Islaamka ah oo dhan, gaar ahaan umadda Somaliland, sannadkanina waxa uu ka duwan yahay sannadihii hore ee Xajka, waxana uu noqday taariikhda inta la ogyahay, waxana uu yahay sannadkii xajka loo tegi waayey cudurka dunida Aafeeyey ee Covid-19, Ilaahayna ha inaga badbaadiyo.” Halkan Ka Daawo Fariinta Madaxweyne Biixi Ee Maalinta Ciida Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ee Somaliland ayaa soo saartay tallaabooyin iyo shuruuc lagu mamnuucayo lacago sharci darro ah oo ay dugsiyadda waxbarashadu ardayda ka qaadaan. Lacagahan ay wasaaradda waxbarashadu ka mamnuucday dugsiyadda waxaa ka mid ah in aan ardayga lacag laga qaadi Karin haddii uu ka bedelanayo dusgiga uu dhigto iyo sidoo kale lacagta diiwaangelinta ee la qaado marka arday cusub la qorayo. Go’aamadda kale ee ay wasaaradu soo soortay waxaa ka mida in la joojiyay in tiradda ardayda fasalka wax ku baranaysa aanay ka baan Karin 45 arday iyo in macalimiintu ay casharadda waraaqo ku soo qoraan kadibna ardayda lagu khasbo in ay soo rogtan. Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo maanta hadal ka jeediyay kulanka todobaad laha ah ee macalimiinta dugsiyadda iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda. Daawo: Wasiir Toorno Oo Arrimahaas Ka Hadlaya: Source
-
(SLT-Hargeysa)-Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah, ayaa ku dhacay Dawga Buurta Sheikh ee ay marto wadada isku xidha Berbera iyo Burco, kaasoo ku qalibmay laamiga badhtamaha Buurta, meel loo yaqaano Xero daayeer oo figta Dawga ku beegan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Sheikh. Gaadhigan oo siday Xamuul culus, kana yimi dhinaca Magaalada Berbera, ayaa shilku ku dhacay xilli ku beegan caawa Maqaariibtii, waxaana la sheegay in uu ka dhacay oo qayb kamida gaadhigu ka laalaado meel jar ah, halka qaybtiisa kalena xidhay labada haad ee wadada laamiga ah. Jidka Shilku ka dhacay, ayaa ah kan qudha ee sida tooska ah isugu xidha Gobolada Somaliland ee bariga iyo Galbeedka, waxaanu halbowle u yahay guud ahaan isu socodka dadka iyo Ganacsiga ee dalka. Lama oga sababta dhalisay Shilkan, hase yeeshee guddoomiyaha Degmada Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye oo khadka Telefoonka ugu waramay wariye ka tirsan Wargeyska Dawan, isagoo ku sugan magaalada Sheikh, ayaa ku tilmaamay shilkan mid aad u culus oo aan inta la xusuusto ka dhicin wadada Buurta dusheeda marta. Guddoomiye Cabsiiye, ayaa intaasi ku daray in lagu howlan yahay sidii gaadhigaasi looga toosin lahaa wadada, si loo baneeyo jidka oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dad tiro badan oo ku gooshayey wadadaasi. Waxa uu xaqiijiyey in Gawaadhi Wiish ah loo doonay Magaalada Berbera, kuna howlan yahay maamulka Gobolka Saaxil in la keeno Gawaadhi Wiish ah oo ay leedahay Shirkadda DPWORLD, “Wadadii gaadhi weynbaa xidhay oo ku kala jeestay, kaasoo si aan waligeedba ugu dhicin Baabuurtu ugu dhacay, waana Baabuur weyn oo is jiid ah oo afar Taayir waxay ka laallaadaan jarka, afar kalena Buurta ayey saaran yihiin, xaggii dambena wadadiibuu ku xidhay labadii haad oo dhan laga dhaafi karaa ma jirto”ayuu yidhi Guddoomiyaha intaasi ku daray “hadda waxaanu daad guraynaynaa dadkii ku xayirnaa xagga huddusay oo aanu keenaynaa magaalada, meeshuna waa qabow, ilaa haddana dad badan iyo gaadiidbaa buurta dusheeda ku xaniban” Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamul degmo ahaan iyo gobol ahaanba ay deddaal xooggan ugu jiraan sidii ay saameynta shilkan u xallin lahaayeen “iminka Dekeddiibaa lagu maqan yahay oo waxa doonay Cagafyadii waaweynaa ee ay isticmaalaysay DPWORLD si ugu yaraan hareeraha loo baneeyo, ayaa lagu maqan yahay”ayuu raaciyey. Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in maamulka Gobolku la xidhiidhay Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, taasoo dhankeedana gurmad laga sugayo. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Shilkan, hase yeeshee waxa guddoomiyaha Degmada Sheikh walaac ka muujiyey qaabka gaadhigu u dhacay “gaadhigu wuxuu u dhacay si aad iyo aad u xun, markaa howshiisu ma yara oo wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo wixii saarnaa, wadaddiina laga qaado”. Geesta kale, Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ayaa baadhaya sababta dhalisay Shilka, iyadoo dhinaca kalena lagu hakiyey gaadiidka magaalooyinka Sheikh iyo Hudusay oo buurta labada dhinac ka ah. Warar ayaa sheegay in Gaadhiga dhacay ee wadada kala xidhay u rarnaa Shirkadda bixisa adeegga Korontada ee SOMPOWER, hase yeeshee warkaasi wali cid xaqiijisay ma jirto. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay inuu jiro isbedel ku yimid mowqifkii Madasha Xisbiyada Qaran, xili xubno ka tirsan Madashu ay gacan saar la yeeshen madaxda sarre ee dowladda federaalka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuusan jirin isbedel ku yimid mowqifkoodii ku aadana doorashada, taasi oo gaashanka u daruureysa xubno ka tirsanaa Madasha oo lasoo wariyey inay tartan ugu jiraan xilkii uu baneeyay Ra’iisal wasaare Kheyre. Xasan ayaa waxa kale oo uu sheegay inuusan jirin Ajende siyaasadeed oo uu guddoonka golaha shacabku u waday Madasha, maadama ay maalmihii u dambeeyay u socdeen kulamo gar ah oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Madasha ay ka go’antahay in doorashadu ay xiligeeda ku qabsoomto, iyada oo heshiis lagu yahay nooc doorasho oo ay isku raacday saamileyda siyaasada ee dalku. “Waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.” ayuu yiri Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixinayey kulankii guddoonka Golaha Shacbka iyo Madasha Xisbiyada Qaran. Kulanka labada dhinac dhexmaray ayuu sheegay inuu la mid ahaa oo kaliya kulamadii hore, balse aysan jirin wax gaar ah oo diirada la saaray. Wuxuu yiri “Waxa kale oo rabaa inaan faah-faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay isoo weydiyeen siyaabo kala duwan, waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah” “Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay”. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax fariin ah oo ay ka guddoomeen guddoonka Golaha Shacabka, iyo mid ay iyaga u dhiibeen. “Kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah.” ayuu markale yiri Xasan Sheekh oo ka mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ballaariyo wada-tashiyada siyaasadeed ee hadda socda, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Soomaaliya todobaadkan gashay is-bedal siyaasadeed oo xoogan, kadib markii ay si lama filaan ah xildhibaanada Golaha Shacabka xil-kii uga tuureen, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre. Hoos ka daawo Xasan Sheekh
-
Kulan ay isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo culuma-u-diin oo lagu qabtay gudaha Muqdisho ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa mid looga soo horjeeday xariga madaxa Astaan Cable, Cabdimanaan Yuusuf oo ku xiran magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa isla qiray in Cabdimanaan uu yahay nin ganacsade ah, balse waxyaabo been abuur ah lagu eedeynayo. Sidoo kale waxay si kulul u cambaareeyen xarigga madaxa Astaan, waxayna ay ku tilmaameen mid af-duub ah, islamarkaana baalmarsan sharciga. Ugu dambeyn waxa ay baaq u direen madaxda maamulka Somaliland, iyaga oo ka dalbaday in dib loosiiyo xorriyaddiisa. Madaxa Astaan Cable Cabdimanaan Yuusuf ayaa in ka badan muddo laba todobaad ah sabab aan la aqoon ugu xiran yahay Somaliland. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si faahfaahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo qabsoomay 28 bishan. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan jirin wax ajande siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajande ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka. “Waxaan rabaa inaan faahfaahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan, walaalayaal waxaan rabaa in aan idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah” “Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Xassan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in uusan is baddelin mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay, waxaana aaminsanahay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed, si looga gaaro natiijo wax ku ool ah. PUNTLAND POST The post Ma waxbaa iska baddelay mowqifkii Madasha Xisbiyada Qaran? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxwaynihii Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaafin ka bixiyay ujeedka kulan magaalada Muqdisho ay kula qaateen isaga Madaxweynihii Dowladdii ku-meel gaarka Shariif Sheekh Axmed Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulankaas ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi iyo kala warqaadasho xaalada siyaasadeed ee dalka. Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in shirkaas uusan ahayn mid siyaasadeysan isla markaana aan loo fasiran mid laga lahaa ujeedo gaar ah. “Ma jirin qorshe gaar ah oo ay inoo keeneen Guddoonka Golaha shacabka , mana jirin qorshe kale oo gaar ah oo Madasha Xisbiyada Qaran ay dhiibtay madaxda Golaha shacabka ” ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran waa mid cad waligiisana cadaa waa in doorashadu ay ku dhacdaa jawi degan oo wada ogol ah” Mar uu ka hadlayay wajiga seddaxaad ee shirka dhuusmareeb waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in muhiim ay tahay in ay ka qayb galaan madaxda Xisbiyada iyo dadka ay ka go’do siyaasadda dalka Halkan Ka Daawo Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Hadlay Warbaahinta Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aviation industry battles to restore confidence that flying is not as risky as it may seem Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi caan ah oo mar aad ugu dhawaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Siyaasigan oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raagge ayuu madaxweynuhu waxa uu u magacaabay la taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online. Siyaasigan ayaa weli si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa, ayaa haddana waxa ay banaanka keenay isbedel weyn oo ku yimid qorshihii Villa Somalia ee uu hormuudka u yahay Farmaajo. Villa Somali ayaa la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ay waday qorshe ay Farmaajo ugu sameynayso muddo kordhin, waxaase magacaabistan ay muujineysaa inay u muuqato in madaxweynaha uu aqbalay doorasho dadban, sababtoo ah Cabdi Cali Raagge waxa uu horey uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waana aad ugu dheereeya. Cabdi Cali Raagge ayaa la rumeysan yahay in Farmaajo uu xilkaasi ugu magacaabay sidii uu uga shaqeyn lahaa inuu dib ugu soo laabto nooc doorasho oo ka duwan midka uu hore ugu dhaganaa ee qof iyo cod. Cali Raagge oo hore uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii federaalka iyo Jubbaland ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo guddiga farsamo ee dowladda federaalka ku matali doona shirka wada-tashi ee Dhuusamareeb, oo looga doodi doono nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa. Farmaajo ayaa u muuqda mid siyaasad cusub ciyaaraya, maadama si weyn looga digay inuu sameeyo muddo kororsi sababi kara qalaalase siyaasadeed, isla markaana hoos u dhigaya sumcadiisa siyaasadeed. Isbedelka Farmaajo ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay hanjaabadda beesha caalamka iyo cadaadisyada kala duwan ee ku wajahayey doorasho hal dhinac ah oo aan heshiis lagu aheyn.
-
Somalia is on the brink of civil war once again. Source: Hiiraan Online
