-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iran oo waaran soo qabasho u jartay madaxweyne Donald Trump
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Tehran (Caasimadda Online) – Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ay rumeysan yahiin iney ka dambeeyay duqeymahii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Tehran. Iran ayaa booliska caalamiga ah ee Interpol ka codsatay iney gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa Donald Trump, waxaana loo heystaa dilkii Qassem Soleimani. Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran. Hay’adda Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaan wax war ah kasoo saarin hadalka kasoo yeeray dowladda Iran. Donald Trump wuxuu aaminsan yahay in sarkaalkii laga dilay Iran uu qorsheynayay weeraro waaweyn oo ka dhan ah xukuumadda Washington. -
(SLT-Tehran)-Dawladda Iiraan ayaa soo saartay amar xadhig ah oo ka dhan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ka codsatay Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL inay gacan ka geystaan soo qabashadiisa. Iiraan ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump iyo xubno kale oo badan ay ka dambeeyeen duqeyntii lagu dilay Taliyihii ugu sarreeyay Ciidanka Iiraan ee Qaasim Suleymaani, kaasi oo la dilay horaantii Bishii January ee 2020 Xeer Ilaaliyaha Tehran Ali Alqasimehr ayaa Maanta oo Isniin waxaa uu sheegay in Trump iyo in ka badan 30 qof oo kale ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay General Qassem Soleimani , waxaana falkaas ay ku tilmaameen inuu ahaa mid argagixisanimo, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee ISNA. Sidoo kale Alqasimehr ma caddeynin qof kale oo raadinaya oo aan ahayn Madaxweynaha Mareykanka Trump, hayeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay inay Iiraan sii wadi doonto sii wadida dacwad ka dhan ah Trump. Source
-
Dowlad Iiraan ayaa soo saartay warqad waaran ah oo booliiska caalamiga ee Interpol uga dalbaneyso in lasoo xiro Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald iyo xubno kale oo u dhashay Mareykanka. Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa maanta sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil iyo argagixiso. Madaxweyne Trump iyo xubnaha kale ee dooneyso dowlada Iran in lasoo xiro ayaa loo heestaa Dilkii magaalada Bagdaad loogu geestay Janaraal Qaasim Suleymaan oo madax u ahaa Cutubka Qudus oo katirsan ciidamada Kacaanka iran. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa fuliyay weerarka lagu dilay Jeneraal Qaasim Sumeymaani iyo saraakiil kale oo katirsanaa ilaalada Kacaanka Iiran, dilkan ayaana xiisad ka dhax abuuray Iiraan iyo Mareykanka. Qaran News
-
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay labadii nooc doorasho ee Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinkan Qaranka u soo bandhigeen Golaha Shacabka Soomaaliya. War-saxaafadeed ay maanta wada jir u soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa looga mahadceliyay Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda sanadka soo socda. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ee 5 bisha soo socota ee July ka furmaya Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii heshiis deg deg ah looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka Qaran iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay warbixintii Xaliimo Yarey appeared first on Puntland Post.
-
Puntland oo tan iyo markii dhidibada loo taagay door weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya, marar badanna loo arkayey mashiinka laga dhaqaajiyo ama laga hago siyaasadda Soomaalida ayaa hadda u muuqata in doorkeedii meesha ka sii baxayo. Puntland oo isugu yeedha ” Hooyada Federaalka” ayaa xilligan waxaa soo food saaray jaah-wareer siyaasadeed oo muujiyey in Puntland ay ku fashilantay sida looga gudbayo ama ugu yaraan loo wajahayo. Madaxweyne Deni oo markii uu xukunka qabtay isku muujiyey nin horseed u ah siyaasad furfuran, judhiibana qaaday tallaabooyin yididiilo leh, oo caleemo saarkiisiina ku kulmiyey madaxda Soomaalida mucaarad iyo muxaafadba ayaa markii dambe la soo baxay weji kale oo keliya ku dhisan in la mucaarado Dawladda Federaalka ah ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Farmaajo. Mucaaradnimada Puntland waa mid aan ku dhisnayn mabaadi’ iyo aragtiyo la garan karo, marka laga reebo dagaalka, kursi doonka ah ee ay weligeed Garoowe ku soo jirtay. Mucaaradnimada Puntland kuma salaysna danta Puntland, doonista shacabka reer Puntland, umana danaynasyo qarannimada Soomaaliyeed iyo Dawladnimadooda. Puntland wax ay weyday taageerada maamul goboleedyada kale ee ay muddo hoggaanka u haysay, marka laga reebo Jubbalaan oo iyana Axmed Madoobe oo kursi ilaashanayaa madaxa kaga taagan yahay. Waxa ay Puntland u muuqatay maamul hor taagan oo caqabad ku ah in Soomaaliya hesho Dawlad xoog leh oo bulshadeeda u adeegta. Waxaa sii kala furfurmaya goboladii dhistay Puntland 1998dii. Sool iyo Sanaag waxa lagu tilmaamay dhul lagu muran san yahay, Gobolka Gardafuu waxaa qabsaday ciidamo taabacsan ama taageersan Dawladda Federaalka ah, Gaalkacayana Madaxweynuhu wuxuu ku tegay diyaarad iyada oo uu safar dhulka ah ku tegi waayey sababo amaan awgeed. Waxa magaalada Boosaaso xoog lagu baajiyey banaan baxyo lagu taageerayey Dawlada dhexe , iyadoo tikniko iyo ciidama la soo dhoobay jidadka waaweyn ee magaalada. Dhacdooyinkaa oo dhami waxay tilmaamayaan siyaasad xumida iyo taag darada Puntland ku habsatay. Waxaa se nasiib darro ah in iyada oo intaa oo dhami jirto in haddana lagu socdo jidkii guuldarada keenay. Puntland waxaa ka soo baxa bayaano is daba jooga oo goodis iyo hanjabaado isugu jira oo loo dirayo Xamar iyo Dawlada Federaalka ah, balse baaqyadaa Muqdisho lagama dhegaysto, maxaa yeelay halkii Puntland joogtay shalay, maanta ma joogto. Waxa Puntland qiimo riday waa siyaasadda gabowday ee labaatankii sano ee la soo dhaafay Puntland lagu soo hagayey, waana dhab haddii maanta la yidhaahdo ” Puntlandeey, waa la dhaafay intii aad tiqiinay”. Siciid Cabdi Xasan – Cirmadow – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: siciidcabdixasan77@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Xukuumadda ugu baaqay inaysan ka qaybgalin Shirkii Madaxwayne Farmaajo ku baaqay ee u dhaxeeya Dowladda Fedraalka iyo Maamul Goboleeedyada. Halkan Ka War-murtiyeed Ka Soo Baxay Golaha Wakiillada Puntland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-19.mp4 Source: goobjoog.com
-
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka dalka, gaar ahaan matalaaddda gobolka Banaadir laga siiyey golahaasi. Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay maalin ka hore meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood. Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay horey uga hortimid mataaladda G/Banaadir, waxaana arrintaasi maanta xasaasi ah ka leh golaha wakiilada maamulkaasi. View the full article
-
Xasan Aadan Xasan oo lagu eedeeyey inuu dil bareer ah u geystay laba marxuum oo kala ahaa Madiino Cabdullahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe bishii 4-aad-ee sanadkan 2020-ka ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey Xasan ayaa ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, horraantii bishii Ramadaan , kaasi oo sababay banaan-bax xooagn oo ay sameeyeen qaar ka mid ah shacabka M/ Muqdisho oo ka carooday falkaasi dilka ah. Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Fiqi oo ahaa baaraha kiiskaasi ee laanta dambi baarista CID-da ayaa maxkamadda u soo gudbiyey cadeymo muujinaya in eedeysanaha uu galay dambiga lagu soo eedeeyey, islamarkaana uu si ku talagal ah uu udilay marxuumiintaasi. Sidoo kale Qareenadii u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday in loo qafiifiyo ciqaabta uu muteysan karo. Xasan Aadan Xasan. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray dhageysiga dacwadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’an kama dameys ka soo gaari doonto kiiskaasi, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonto. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay ansixinta qoondada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo doodda iyo diidmada ay ka keeneen reer Puntland. Guddoomiye Cabdulaahi Shiikh Xasan oo wareysi siiyey Telefishinka Dalsan TV ayaa ugu horeyn Dowladda ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey sidii ay uga soo shaqeysay ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir. Cabdulaahi Shiikh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ah inaysan aqbali doonin xaqsiinta Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadalka ay soo saartay Puntland uu yahay mid muujinayo xaasidnimada ay u qabaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa soo baxayey warar lagu diidayo xaqsiinta Gobolka Banaadir, haba u badnaadaan Maamulka Puntland oo diiday, taas waxay muujineysaa xaasidnimada ay u qabaan shacabka Muqdisho, Dadka Muqdisho qabiil gaar maahan, waa lagu kala badnaan karaa balse waa magaalo la wada degan yahay, haddii 13 xubnood loo ansixiyeyna taas kama dhigno in reer gaar ah la siiyey,” ayuu yiri Cabdullaahi. Wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu dagaal ku hayo dadka Muqdisho “Runtii waxaan aragnaa in Maamulka Puntland uu dagaal kula jiro Shacabka Muqdisho, taasna waa mid aan aad uga xunahay”. Cabdullaahi ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ka yimaado Puntland ay xilal ka qaban jireen Muqdisho sida inay noqdaan madaxweynayaal iyo Ra’isul wasaarayaal, wuxuuna xusay in dadka Muqdisho ay si fiican ula shaqeyn jireen si shuruud la’aan ah. Ugu dambeytii Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inaysan madaxdooda ku daba kicin qaladkaan ay sameenayaan. Halkaan hoose ka daawo wareysigiisa oo dhameystiran
-
Baarlamaanka Puntland ayaa kasoo horjeestay lamana aqbalaan ku tilmaamay Hadalkii kasoo yeeray Gudiga Doorashada ee ahaa inay soo diyaarinayaan Doorasho Xor ah. Golaha Baarlamaanka Puntland [...] The post Akhriso Go’aamada kasoo baxay Golaha Dhacabka Puntland oo sharci daro ku tilmaamay Go’aamadii Golaha Shacabka Soomaaliya,iyo Wakhti kororsimada Xukuumada appeared first on . Source
-
Dowladda Soomaaliya ayaa billowday dib u dhiska Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu dherekeedu yahay 90 KM. Mashruucan waxaa fulineysa Dowladda Qadar oo horay u ballan qaadday dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar. Howsha dib loogu dhisayo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe oo shalayto billaabatay ayaa waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, C/xakiin Cumar Cabdille (Jacfaan), Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay howl-wadeennada dhismaha Waddada, wuxuuna kula dar-daarmay in ay muujiyaan dhabar adayg, maaddaama ay ku xeeran yihiin duruufo badan. Inta badan Waddooyinka isku xira Gobollada Dalka ayaa waxaa ku yimid bur-bur xooggan Soddonkii Sano ee ugu dambeysay, iyadoo ay dhibaato kala kulmaan Gaadiidleyda. Hakan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerar ka dhacay Beledweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen saldhigga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday madaafiicda. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramaya ain ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay howl-gallo kooban ka sameeyeen gudaha iyo duleedka Beledweyne. View the full article -
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in guddigooda uusan laheyd wax eed a, islamarkaana ay horey u shaaciyeen inay maqan yihiin waxyaabihii lagu qaban lahaa doorashada. Xaliimo Yarey oo ka jawaabeysay eedeyn uga timid xisbiyada qaar ayaa intaas ku dartay in guddigu uusan laheyn wax dambi ah oo la xariira shaqada loo igmaday, iskuna isku casili karto. “Annaga waxan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo shaqadii naloo diray aan qaban weyno,Feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan ayay tiri” Guddoomiye Xaliimo Yarey. Ugu dambeyn Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa soo jeedisay in laga wada shaqeeyo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa waxyaabaha aas-aasiga ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-29062020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta bilaabatay dhageysiga dacwadda kiiska Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay laba qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga Maanta ay dacwadiisa u fadhiisatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waqtigii Muqdisho lagu soo rogay bandowga sababo la xiriiro COVID19 wuxuu gurigiisa ku hor toogtay Allaha u naxariistee Xasan Cali Cadaawe, iyadoo isla xabadaasi dishay Madiino Cabdullaahi Cabdi. Dilkaas ayaa sababay kacdoon ay sameeyeen shacabka Muqdisho oo lagu gubay sawirrada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna soo riday tabeelooyin ay ku dhegnaayeen. Askarigaan ayaa waqtigaas wuxuu fulinayey amarka Dowladda Soomaaliya ee ahaa in Magaalada ay bandow noqoneyso Hal saac habeenimo iyadoo markii hore uu bandowga ahaa Laba Saac Habeenimo, balse wuxuu adeegsaday rasaasta nool oo mamnuuc ah in loo adeegsado dadka Shacabka ah. Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Dable Xasan Aadan Maxamed oo ah askariga dilalkaas geystay lagu fuliyo ciqaab u qalanto falka uu geyustay oo ah khisaasta marxuumiintii uu dilay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga maxkamadda ayaa sheegay in maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiisaska loo heysto Dable Xasan Aadan Maxamed. Dilalka uu dadkaas shacabka ahaa u geysatay askarigan waxa ay sababaeen dibadbaxyo waaweyn oo gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadkii dibad baxayey lagu qanciyey inay cadaalad heli doonaan gacantana lagu soo dhigay askarigii geystay falkaas. Sidoo kale waxaa wixii markii ka dambeeyey fashilmay bandowgii Muqdisho saarnaa, waxaana dib usoo noqday isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ee jidadka Caasimadda.
-
(SLT-Hargeysa)-Sida uu dhigayay heshiiskii Wufuudda Somaliland iyo Soomaaliya ay Jabuuti iskula qaateen, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay wararku sheegayaan in uu dhammays tiray Liiska magacyada Guddi Hoosaadyada uga qayb gali doona Somaliland wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay maalmaha soo socda wajiyadiisa kale dib u bilaabmaan dalka Jabuuti. Ilo wareedyo Xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in Madaxweynuhu diyaariyay xubnaha noqon doona Guddi hoosaadyada farsamo (Technical Sub Committee) ee sii amba qaadi doona wada xaajoodkii aynu la lahayn Somaliland kuwaasi oo dhawaan u safri doona waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb galaan wareegga xiga ee guddi hoosaadyada Farsamo ee sii ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gaar ahaan la xidhiidha arrimaha dib loogu dhigay in kulamadaasi ay guddiyadani ka shawraan. Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi u xushay Liiska Guddiyada wada hadallada Somaliland ee Arrimaha Hawada, Deeqaha Caalamiga ah, siyaasadda iyo waliba Amniga, inkasta oo aanay Madaxtooyadu si rasmi ah u shaacin, haddana wararka hoose ee arrintan la xidhiidhaa waxa ay tibaaxeen in ay ka kooban yihiin xubno xukuumadda xilal ka haya, xubno ka socda Ururrada Bulshada rayidka ah, siyaasiyiin iyo Aqoonyahan kale kuwaasi oo la filayo in magacyadooda dhawaan si rasmi ah madaxtooyadu u shaaciso. Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Iyana sheegaya in Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu isna dhiniciisa ka diyaarsaday guddida u matali doonta wareegyadaasi kale ee dalka Jabuuti ka qabsoomi doona maalmaha soo socda sidii ay ballantu ahayd. Guddiyadan labada dhinac ka kala socda ayaa waxa ay noqon doonaan kuwo ka wada xaajooda saddex Arrimood oo lagu faahfaahiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ugu dambeeyey kuwaasi oo kala ah: Guddida wada xaajoodka ee ka wada hadali doonta sida ay Somaliland iyo Soomaaliya u qaybsanayaan kaalmooyinka dhaqaale, iyo gargaarka caalamiga ah ee lagu soo bixiyo magacii Soomaaliya. Guddida ka wada xaajoon doonta Arrimaha Hawada Guddida sidoo kale Iyana ka wada hadli doona Arrimaha Nabad galyada Waxaana xusid mudan in dhammaanba guddiyadaasi la qorsheeyey in ay muddo 15 Maalmood ah kadib kulmaan laga soo bilaabo maalintii war murtiyeedka laga soo saaray shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya uga qabsoomay Waddanka Jabuuti. Source