Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay xaalad walaac leh oo aad looga xumaado ku tilmaameen shaki iyo arrimo qarsoon oo ay sheegeen in uu ka jiro Heshiiska Madaxweyne Muuse Biixi iyo Waftigiisii ay Jabuuti kula soo saxeexdeen dhiggooda Soomaaliya, isaga oo WADDANI sheegay in ugu yaraan laba wasiir iyo Madaxweynuhu siyaalo kala fog oo is burinaya uga hadleen qaar ka mid ah qodobada heshiiskaasi ku jiray, gaar ahaan qodobka la xidhidha is dhex galka. Xisbiga WADDANI waxa uu sidoo kale ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee waddanku wajahay ee la xidhiidha hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen mid masiirkii umadda mugdi galinaya iyaga oo sheegay in aanay umadda Somaliland qaban maanta in lagu yidhaa Xamar baad fiisayaal u qaadanaysaa halkii bay yidhaahdeen laga filayay in Madaxweynuhu qodobada masiiriga ah ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya umadda uga caddayn lahaa. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Faarax Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Xukuumadda Somaliland saddex hadal oo kala duwan ayaa ka soo baxay. Waxa hadalladaa ka muuqata is burin fara badan. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland waxa uu ka hadlay in la is dhex galayo Somaliland iyo Soomaaliya, isku socodkana la fasaxay. Waxa haddana hadlay wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub oo sheegay in aanay jirin wax is dhex gal ahi oo isaguna wax kale halkaa ka soo saaray. Markii ugu dambaysayna Madaxweynaha ayaa hadlay oo isaguna wax kale kasoo saaray oo ka hadlay. Saddex hadal runtii aad bay isu khilaafsanaayeen. Waa hadallo is barbar yaacaya oo aanay umaddu maanta u baahnayn in ay masuuliyiintaasi ka soo baxaan. Waa nasiib darro maanta, Madaxweynaha waxa looga fadhiyay in umadda masiirkeeda uu meel ku hubsado oo ah qaranimada Somaliland. Madaxweynaha waxa laga sugayay khudbad weyn oo hufan oo waxa ay ka tabayaan wixii halkaasi ka soo baxay (Jabuuti) uu ku taabto oo ku caddeeyo. Tiina may dhicin oo Madaxweynuhu waxa uu arrintaa ku soo koobay fiisayaal loo qaadan doono Soomaaliya. Waxa is waydiintu tahay fiisayaasha halkee laga qaadanayaa. Safaaradda Soomaaliya ma guriga madaxtooyada ayaa laga furay?. Ma magaalada Hargeysa ayaa laga furay?, Halkee umaddu ugu hagaagaysaa fiisaha uu sheegayo. Madaxweyne umadda taasi wax qabta ma aha. Umaddani caqli iyo garasho iyo aqoonba way leedahay oo caamo ma aha. Nasiib darro Somaliland soo wajahday weeyaan in aad iska tidhaa dhaqanka iyo ciyaartoygu fiise ayay u qaadan doonaan Xamar iyada oo lagaa sugayay in aad umadda u caddayso qodobada madmadawgu ku jiro ee masiirka umadda taabanaya. Xisbi ahaan waan ka xunnahay waxaanan codsanaynaa in war-murtiyeedka shirkaasi la caddeeyo. Waxbaa huursane in waxaa huursadan umadda loo caddeeyo ayaa muhiim ah. Waxa u daliila arrintaa. Markii Madaxweynuhu arrintaa fiisayaasha ka hadlayay in Madaxweyne Farmaajana uu lahaa Muuse Biixi waa nin isagoo sheegay in ay ku heshiiyeen Midnimo. Marka la isu eego labadaa hadal umaddii wax badan oo werwer ah ayaa galay. Xukuumadda KULMIYE waxa looga fadhiyaa luuqadda uu ku hadlay Farmaajo jawaabteedii baa laga rabaa. Haddii ay ka jawaabi waayaana meeshaa wax badan baa ku jira”. Ugu dambayn xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdii loo yeedho lana waydiiyo faahfaahinta heshiiskaasi si umadda loogu caddeeyo. Source
  2. Golaha wakiillada Puntland oo goordhow war-murtiyeed soo saaray ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixinta golaha shacabka ee matalaadda Muqdisho,. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo saakay kulan deg deg ah ka yeeshay shirarkii iyo xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa soo saaray go’aano ay ku qaadayacaan xeerarkii ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya. Xildhibaanada Puntland waxay ku hanjabeen inay Puntland qaadayso go’aan ay ku sheegeen in lagu badbaadinaayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Baarlamaanka Puntland ayaa 13 qodob oo uu kasoo saaray go’aankii guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Somalia, xeerkii lagu ansixiyay matelaada gobolka Banaadir ee 13 Kurs ku yeelanayo aqalka sare iyo xeerka qoondadada haweenka ayey ku tilmaameen mid sharci daro ah oo la qaadan karin oo dano shaqsiyayeed laga leeyahay. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayey ugu baaqeen maadaama sharci ilaaliyaha dalka yahay inuusan saxiixin xeerarka baarlamaanka federaalka ansixiyay. Waxay sidoo kale qodobada ay soo saareen ku bogaadiyeen 72 xildhibaan ee diiday xeerka metalaada gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee Puntland u aragto inaysan dan ugu jirin. Qodobka13-aad ee ugu danbeeya ayay ku muujiyeen in iyadoo laga duulayo qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, in ay ku dhaqaaqayaan wax ay ku sheegeen tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Halkaan hoose ka aqriso:
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Cawad ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayay Abwaan Shuceyb Yare oo xalay la xidhay. Wasiirka ayaa xadhiga abwaanka ku tilmaamay in uu ahaa mid isfahan-waa ah. Source
  5. Puntland oo ka baaqatay shirweynihii Maamul-goboleedyada,kuna dhawaaqeysa go’aamo culculus Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland ay ka baaqatay shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo uu dhowaan shaaciyey madaxweynaha Soomaaliya in lagu qabanayo Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqayo go’aankaasi iyo kuwa oo la xariira arrimaha doorashooyinka oo ay horey uga hortimid Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baaqsashada shirka ku wargeliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoona lagu ballamayo kulamo kale. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay soo saarto warsaxaafadeed ku aadan xiriirka kala dhexeeyay dowladda federaalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada. Dhinaca kale waxaa haatan baarlamaanka Puntland ay leeyihiin kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan anisixinta xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi . Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aanno la xariirarrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Qaran News
  6. Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha siyaasadda Somaaliya, ayaa soo saaray saddex iyo toban go’aan. Baaralamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin go’aamadii ay Golaha Shababka Soomaaliya ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir, qoondada Haweenka iyo doorashada 2020/2021. Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa tilmaamay in isaga oo ka duulaya qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, uu qaadayo tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland. Hoos ka akhriso go’aamada ka soo baxay Baarlamaanka Puntland oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay kulankii deg dega ahaa ee Baarlamaanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland ay ka baaqatay shirka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo uu dhowaan shaaciyey madaxweynaha Soomaaliya in lagu qabanayo Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqayo go’aankaasi iyo kuwa oo la xariira arrimaha doorashooyinka oo ay horey uga hortimid Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweyne Siciid Deni ayaa ka baaqsashada shirka ku wargeliyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoona lagu ballamayo kulamo kale. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay soo saarto warsaxaafadeed ku aadan xiriirka kala dhexeeyay dowladda federaalka iyo arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada. Dhinaca kale waxaa haatan baarlamaanka Puntland ay leeyihiin kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan anisixinta xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi . Wararka qaar ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aanno la xariirarrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.
  8. WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag 3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. 4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd. 5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley. 6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  9. Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy ayaa Caawa ka qeeyb galay munaasabadda Xuska 20 guurada dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee Dijbouti sanadkii 2000. Guddoomiye Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa hadal kooban ka jeediyay xaflada waxa uu ugu horeen u mahadcaliyay Madaxweynaha dalka aynu walalaha nahay ee Dijbouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka dowalada Dijbouti oo uu sheegay in ay si weyn ugu qeeb qaateen dib u u yagleelida dowladnimada Soomaliya Shacabka Soomaliyeedna aysan marnaba iloowi doonin abaalka ay ugu galleen walalahooda Dijbouti Ugu danbeeyntii guddoomiyaha ayaa umahadceliyay qabanqaabiyaasha xaflada oo ay ugu horeyaan Wasiirka Wasaarada Warfaafitnta dhaqanka iyo dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayyir Maareeye iyo Wasiirka Wasaarada dhalanyarada iyo ciyaaraha marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guud ahaan inta ka soo qeeb gashay Xuska 20 guurada Dib u yagleelida Dowladnimada Soomaaliya Degmada Carta Dijbouti ee Sanadkii 2000. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  10. Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolada Somaliland. Muuse Biixi ayaa wareegto uu soo saaray xilkii ka qaaday Guddoomiyihii ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Guddoomiyihii ee gobolka Hawd ee Somaliland Yaasiin Maxamed Shide, sidoo kale isku baddelay guddoomiyeyaashii gobolada Sanaag, Saaxil, Gabilay iyo Saraar. 1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf ,Guddoomiyaha gobolka Awdal. 2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Sanaag 3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil. 4. Axmed Cige Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha gobolka Hawd. 5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Gabiley. 6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Saraar. PUNTLAND POST The post Somaliland: Mas’uuliyiin xilalkii laga qaaday iyo kuwo la isku baddelay appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu wareegtooyin madaxweyne u xilalkii kaga qaaday guddoomiyeyaal gobol, halka uu u magacaabay gudoomiyeyaal cusub gobolada qaar ee Somaliland. Halkaa Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ka leh mataaladda gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Kulanka oo ah mid deg-dega ah ayaa goor dhow ka furmay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe. Xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday xeerkan ayaa la filayaa in go’aano ay ka soo saaraan kulankaasi oo haatan doodiisu bilaabtay. Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa intooda ku doodaya in hanaan qaldan loo maray xaqsiinta gobolka Banaadir oo 13 xubnoood ku yeelanaya Aqalka Sare. Wararka qaar oo ay heshay caasimada Online ayaa sheegaya in golaha wakiilada Puntland ay soo saari doonaan go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda dhexe, laguna qaadacayo arrimaha doorashooyinka la filayo inay la qabto dhamaadka 2020/2021-ka Arrinta mataaladda la siiyey gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka waxaa ka soo horjeestay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse; Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  14. Xisbiga Gurmad oo qoraal kasoo saaray hadaljeedinta Xaliimo Yarey ee golaha shacabka ayaa sheegay in guddiga doorashada uu ku milmay siyaasadda iyaga oo intaa raaciyey in warbixintoodu ay sharci darro ah isla markaana u golol xaareyso muddo kororsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dr. Cabdiraxman Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha Dastuurka. Baadiyow ayaa sheegay in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu noqday mashruuc ay faraha kula jiraan wadamo shisheeye, isaga oo arrintaasi nasiib darro ku tilmaamay. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in dowladnimada Soomaaliya ay taagan tahay, balse ay jiraan caqabado ku hor gudban oo u ugu horreeyo dhameystirka Dastuurka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda, islamarkaana ay kala shaqeeyaan horumarka dalka. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaar. Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood. Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tumanayo shuruucda dalka, kuna sii ridayo god dheer, isaga oo kula shirkoobay guddoonka Golaha Shacabka. “Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay horey uga hortimid mataaladda G/Banaadir, waxaana arrintaasi maanta xasaasi ah ka leh golaha wakiilada maamulkaasi.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Sabtigii hortagay Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyaga oo sheegay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid waqti iyo kharash badan u baahan. Guddiga ayaa cadeeyay in nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaas oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo u baahan lacag dhan $69,670,725. Hadaba Maxaa saldhig looga dhigay qorshahaan?. In la helo shuruuc doorasho oo la fulin karo laguna heshiiyay. In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal In diiwaangalinta codbixiyaha la qabanayo ka hor doorashada In la samaynayo 500 xarun codbixineed In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed. In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 oo codbixye In hal maalin codeyntu dhacayso In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa dawlada Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. In la isticmaalo qandaraaslihii hore loo sameeyay ee laga iibin lahaa qalabka diiwangalinta loo isticmaalayo ee (Biometric) kaas oo qandaraaskiisa ku eg bisha Luulyo 2020. In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka Kan labaad ee Guddigu soo bandhigay Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah. Qaabkaan ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan $46,192,389 taas oo ka yar lacagtii ku baxaysay diiwaan galinta qaabka casriga ah. Maxaa saldhig u ah qorshaha 2 aad ee diiwaan galinta gacanta? In wax laga baddalo sharciga doorashooyinka sida uu hadda u qoran yahay. In isku mar la qabanayo doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka. In diiwangalinta codbixiyaha la samaynayo maalinta codbixinta. In la samaynayo 500 xarun codbixineed. In ay codeynayaan qiyaasta 3 milyan oo codbixiye. In laga codeynayo 5,000 goob codbixineed. In halkii goob ay ka codeyn doonaan ugu badnaan 600 codbixye In codeyntu soconayso maalmo badan In uu diyaar yahay dhaqaale ku filan doorashada ayna bixiyaa Dawlada Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. In Miisaaniyad gaar ah ah loo diyaariyo sugida amniga doorashooyinka Labadan hab doorasho oo kiiba u baahanyahay waqti iyo qarash kala badan ee uu soo bandhigay guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa taageeray Xubanaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan. Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dhankooda diiday qorshahaan iyaga oo guddiga u baaqay in ay iscasilaan,arintaana salka ku hayso mudo kororsi ay gadaal ka riixayso Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya. Marka lagaaro xilligaan oo kale waxaa Magaaladda Muqdisho ku soo laabta siyaasiyiinta Magaca ku leh Soomaaliya, waxaana bata eedaymaha iyo isku jawaabida siyaasiyiinta sida caadada u ah Siyaasada Soomaaliya oo mudo burbur ku jirtay balse xalku waxa uu ku jiraa wada hadal iyo isqancin dhexmarta. Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya in ay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.
  18. Waxaa deegaanka Feerfeer ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya, ka socda kulamo lagu xalinaayo colaad dhowaan ka soo cusbaanatay, deegaanka Abaaleey oo dhaca xadka gobolka uu la wadaago dalka Itoobiya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galayo odayaal dhaqameedka labada dhibnac, wakiillo ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle, iyo mas’ uulyiin uu hor kacaayo, guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida. Labada dhinac ayaa dhowaan kulan ku soo qaatay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan , waxaana la isku soo raacay in laga wada shaqeeyo nabad galyada deegaannada xadka, waxaana lagu wadaa in ay wadajir ay soo saaraan war-murtiyeed ay ku cadeynayaan hiiska ay isku afgarteen, kadib dilalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Abaaleey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Karachi)-Rag hubaysan oo weerar ku qaaday suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi, ayaa ugu yaraan dilay laba qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay. Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa. Wararka ayaa sheegaya in booliska ay dileen qaar ka mid ah dablaydaan hubaysan, balse uu weli weerarka socdo. Weli ma cadda tirada ay yihiin nimanka dhismaha weeraray iyo waxa ay damacsanaayeen. Source
  20. Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo sida qorshaysan 5-ta bisha soo socota ee July ka qabsoomi lahaaa Magaalada Muqdisho. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland post u xaqiijiyay in Xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba Shirkaasi ka baaqsatay islamarkaana ay soo saari doonto War-saxaafadeed si faahfaahsan uga hadlaya sababaha ay uga baaqsatay Shirka. Sidoo kale Baarlamanka Puntland ayaa waxa haatan u socda Kulan deg deg ah oo ku saabsan Go’aankii laga qaadan lahaa Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada soo socota kadib markii Golaha Shacabku ansixiyeen Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir. Waxaanse weli caddayn Go’aanka Baarlamanka Puntland uu ka qaadan doono Arrimaha Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sidoo kale Doorashada Madaxtinimada ee 2020/21. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka baaqatay Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka appeared first on Puntland Post.
  21. Addis Ababa (HOL) - Somalia's Ambassador to Ethiopia, Ambassador Abdihakim Abdullahi Omar 'Amey', has said that Somalia is fully behind Ethiopia in its water dispute with Egypt. Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Denmar)-Maxkamad ku taalla magaaladda Roskilde ee dalka Denmark ayaa toddoba sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin heysta dhalashadda dalalka Iran iyo Norway, kaasi oo lagu helay inuu basaasayay, isla markaana uu qorsheynayay inuu dilo dad Iran kasoo jeda oo xidhiidh la leh Sacuudiga, xilli loolanka u dhexeeya dalalkan ku hardamaya Bariga Dhexe uu ku faafay Qaaradda Yurub. Maxamed Davoudzadeh Loloei waxaa sannadkii 2018-kii loo xidhay in uu basaasayay seddax nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaas dibed joog ka ah dalkoodii, kuna nool Denmark, waxayna sheegteen ragaas in weerar dhimasho ay ka geysteen Iran. Maxamed waxaa uu akhbaarta ragaas u gudbin jiray madaxda iyo Sirdoonka dalka Iran. Ragga uu ninkaan bartilmaameed sanayay waxaa iyagana lagu xidhay dalka Denmark horraantii sanadkaan, waxaana lagu eedeeyay in ay Sacuudiga u basaasayeen. Waxay sheegteen in aysan dambi lahayn. Jimcihii, ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Roskilde waxay Davoudzadeh ku heshay dembi, kadib billo ay socotay dacwad qaadis dheer. Xukunsanahu waxaa uu racfaan u qaadan doonaa Maxkamadda Sare ee Denmark, sida uu sheegay qareenka difaacayay. Xeer-ilaalinta ayaa xukunka waxay ku tilmaantay mid taariikhi ah. Safaaradaha dalalka Iran iyo Sacuudigu ay ku leeyihiin Copenhagen ayaa diiday in ay arrintaan ka hadlaan. Dowladda Iran toos ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay. Laakiin markii sanadkii lasoo dhaafay Midowga Europe uu cune-qabateyn kusoo rogay wasaaradda sirdoonka Iran oo lagu eedeeyay inay shirqool ka qorsheysay gudaha dalalka Netherlands, France, iyo Denmark, ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Javad Zarif waxaa uu seddaxda wadan ku eedeyay inay argagixisada qarinayaan. “Muddo 14 sano ah Booliiska dowladda Denmark waxay ilaalinayeen koox dad ah, iyagoo ka war qaba in ay argagixiso yihiin,” ayuu maxkamadda ka sheegay xukunsane Maxamed Davoudzadeh. Iran iyo Sacuudiga ayaa ku tartamaya hoggaanka Bariga Dhexe, waxayna isku adeegsan jireen ururro hubeysan oo ay isku weerari jireen gobolka dhexdiisa – laga soo bilaabo dalalka Yemen iyo Lubnaan. Fadhiyadda maatanaha ah ee maxkamadda kasoo muuqaneysa Europe waxay muujineysaa in labada dal ay tartankoodi ka rarayaan Bariga Dhexe, isla markaana Isku qabsanayaan gudaha qaaradda Yurub, iyagoo is basaasaya, is shirqoolaya, isuna adeegsanaya argagixisada, taasi oo khatar gelin karta xidhiidhka diblamaasiyadeed ee muhiimka u ah labada Dowladood. Markii bishan June la ogaaday in seddax qof oo Iran u dhashay loo maxkamadeynayo in ay Sacuudiga u basaasayeen, goobo militari oo Iran leedahay ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Denmark Jeppe Kofod waxaa uu u yeeray safiirka Sacuudiga u qaabilsan Denmark Source
  23. Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka looga hadli doonaa , Akhrinta 1aad ee Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka. Golaha ayaa markii dib loogu soo laabtay kalafadhigii 7-aad ayaa waxaa ay ku guuleysteen meel marinta asteynta kuraasta gobolada Woqooyi ee baarlamaanka, iyo xeerka matalaadda Muqdisho ee Aqalka sare oo 13 xubnood ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Sanetor Bilaal Idiris Cabdullaahi oo ka mid ah Golaha Aqalka Aare ayaa soo jeediyey in xal laga gaaro khilaafka ka dhex aloosan guddoonka labada Gole ee baarlamaanka Somalia. Sanetor Bilaal Idiris Cabdullaahi oo kamid ah seneterada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa soo jeediyay in xal laga gaaro khilaafka kadhex aloosan gudoonka labada aqal ee baarlamaanka Somalia Labada Aqal ayuu kutilmaamay inay yihiin mas-kaxda dowladnimada Soomaaliya, sidaa darteedna wuxuu ugu baaqay guddoonka labada Aqal inay meel isugu yimaadaan oo ay wada hadlaan, islamarkaana ay isku tanaasulaan. Sidoo kale wuxuumeesha kasaarayeedeemo dhawaan loo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya kuwaasi oo ku qotomay in madaxweynuhu uu is-hortaag ku sameeyey howlhihii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Khilaaf dhinaca sharciga ayaa ka dhex taagan guddoonka labada Aqal, kaasi oo salka ku haya mideynta kulamada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article