Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beijing (Caasimada Online) – Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dilaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka. Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaaraya 500 kun oo qof. Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhaqaatiirtu sheegeen in hadda aysan jirin qatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka welwelsan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto. Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baaris lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa ee Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilawday dalka Mexico. Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof.
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dib uga laabatay go’aan hore ugula wareegtay gaadiid ay kusoo qabatay qaad/jaad, maadama xiligaasi ay deegaanadeeda ka mamnuucday. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta dib ugu celisay dadkii lahaa gaadiidkaasi, iyadoona dul dhigtay ganaax lacageed oo gaaraya labo ilaa afar milyan oo shilinka Somaliland ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay saaka xukuno kala duwan ku riday dadkii lagu soo qab-qabtay qaadkaasi, mudadii ay xukuumada Somaliland ka mamnuucday deegaanadeeda keenista qaadka. Dadkaasi lagu soo qab-qabtay qaadka ayey maxkamadu ku xukuntay 1-sano iyo dhowr bilood oo xarig ah, maadama ay jabiyeen awaamiirtii guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Covid-19 ee Somaliland. Xukunka ay maanta riday maxkamadda rafcaanku ayaa laalaya xukun ay hore maxkamada gobolka Maroodi-jeex ugula wareegtay gaadiidkaasi, iyada oo dhawaana lagu buufiyay astaanta ciidanka. Talaabada ay hore ugula wareegen ciidamadu gaadiidkaasi, ayey qareenada reer Somaliland ku tilmaamen mid lagu deg-degay, isla markaana aan si fiican looga fiirsanin.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, ,kadib markii la soo gebagebeeyey dib u dhis Studiumballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano. Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira ra”iisul wasaare kuxigeenka dalka ahna kusimaha ra”iisul wasaaraha ,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  4. Kooramka ama guntanka Kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka oo ku furmay 150-mudane waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana sidoo kale kulanka joogay guddoomiye kuxigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka. Labada Ajende ee kulanka oo kala ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn iyo sii wadida ka doodista xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacabka,waxaana goluhu uu ku hormaray Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan dowliga aheyn oo uu goluhu u faah faahiyay Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo sharci lagula xisaabtamo hay’ddaha dalka ka howl-gala si xogahooda iyo howlaha ay dalka ka hayaan loo ogaado. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u mahad celiyay wasaaradda qorsheynta oo sharciga soo diyaarisay ayaa tilmaamay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dalka, isla markaana uu xoojinaayo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda qorsheynta oo soo diyaarisay. Maadaamaa hindise sharciyeedkan uu maray keliya Akhrintiisa koowaad oo aysan jirin wax ka doodis ah oo xildhibaanadda uga furnaa ayaa waxa ay xildhibaanadda u gudbeen Ajnedaha labaad ee kulankaa oo ahaa xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacbaka,waxaana Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka uu goluhu ka hor akhriyay qodobo ka mid ah xeerkan oo uu guddigu kusoo daray fikradihii iyo talooyinkii Xildhibaanadda ay ka dhiibteen kulankii kan ka horeeyay,wuxuuna Goluhu ka codsaday in ay ansixiyaan. Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo codgeliyay xeerkan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 144-Xildhibaan sida uu natiijadda codeynta ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dowladda oo xariga ka jirtay xarumo ay ku shaqeeynayaan Wasaaraddo , Degmooyin iyo waddo dib loo dhisay. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xarumaha Cusub Ee Xariga Laga Jaray https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-xar-1.mp4 Source: goobjoog.com
  6. Guddiga Joogtada Ee Gollaha Wakiillada ee Somaliland oo kalsoonidii kala laabtay xisbiga uu hogaamiyo Eng Faysal Cali Waraabe. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guddiga Joogtada Ee Gollaha Wakiillada ee Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sml.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer ah,iyagoo booqday Xafiisyada Ururada Siyaasadda ee ku yaala Magaalada Garoowe. Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-garowe.mp4 Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afar maalmood kadib markii ugu horreysay maanta ka warbixiyey safarka uu ku joogo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha, oo Qatar tegay 26-kii June, ayaa tan iyo markaas aan wax war ah laga helin socdaalkiisa, hase yeeshee qoraal maanta kasoo baxay xafiiskiisa ayaa looga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyey ee uu Kheyre halkaas ku qaato. Sida lagu sheegay qoraalka , Ra’iisul Wasaaraha, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Xafiiska Kheyre, Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedka safarka Kheyre uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.
  9. (SLT-Addis ababa)-Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya gaar ahaan Qoomiyadda Oromada ayaa xabsiga loo taxaabey. Jawaar waa siyaasi hormuud ka ahaa kacdoonkii Oromada, isagoo ah aas-aasaha shabakadda warbaahinta Oromada ee OMN. Sababta xadhigiisu illaa hadda ma cadda, hase ahaatee waxaa dalkaasi ka taagan xiisad ka dhalatay dilka Fanaan saameyn ku lahaa Oromada. Source
  10. Lyon (Caasimada Online) – Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay dalabkii Iran ee soo qabashada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhawaan soo saartay waaran lagu xirayo madaxweyne Trump, iyada oo Interpol kaga codsatay inay ka gacan siiso soo qabashada Trump. Interpol ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabka dowladda Iiraan, iyada oo si cadna u sheegtay inaysan tix-gelin doonin dalabkeeda ee soo xirista madaxweynaha Mareykanka oo xiligan xiisad adag kala dhaxeyso. Dowladda Iiraan ayaa rumeysan in Trump uu yahay maskaxdii ka dambeysay duqeymihii lagu dilay sarkaalkeedii sarre ee Qassem Soleimani. Diidmada Interpol ayaa meesha ka saareysa khatar xarig oo uu wajahi lahaa madaxweynaha Mareykanka oo dowladda Iiraan ay u jartay waaran soo qabasho oo ay ku wehlinayeen xubno kale oo ay Tehran la xiriirisay dilkii sarkaalkeeda. Interpol ayaa diidmada dalabkaasi ku saleysay in waarankaasi yahay mid siyaasadeysan, isla markaana ay mamnuuc ka tahay qawaaniinteeda wax ay ugu yeertay ‘faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed’. Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
  11. Interpol oo ka jawaabtay dalabkii Iran ee ahaa in la soo xidh Trump Dowlada Iran ayaa warqad ay u dirtay booliiska caalamiga ee Interpol kaga dalbatay in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xubno kale oo Iran ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dilka Jeneraal Qasim Sulemani. Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil , waxa uuna ka dalbaday Interpol in dadkaasi lasoo xiro. Booliska caalamiga ah ee Interpol oo saldhigiisu yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa dhagaha ka fureestay dalabka dowlada Iran, waxaana xubno katirsan Interpol sheegeen in aysan tixgalin doonin codsiga Iran . Interpol ayaa sheegtay in sharciga u yaala uu ka mamnuucayo inay sameeyaan tallaabooyin ku aadan siyaasad, milateri, arrimaha diimaha la xiriira iyo waliba midab takoorka. Warbaahinta caalamka ayaana wali aad u hadal heysa codsiga dowlada Iran u dirtay booliiska Caalamiga ee ku aadan in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Mareykanka. Qaran News
  12. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay agagaarka garoonkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan inay soo saareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, balse uu ka qarxay Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya Dhinaca kale waxaa garoonka Stadium Muqdisho haatan ka socota munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo garoonkaasi oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Madaxweynaha oo furaya garoonkan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaasi. View the full article
  13. Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka oo maalimihii la soo dhaafay ay ka doodayeen xildhibaanada baarlaamka federaalka Soomaaliya. Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay afartii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada ee aqal ee baarlamaanka u qaabilsanaa xeerarka dhamaystirka doorashooyinka ayaa waxaa ogolaaday 144 mudane, afar xildhibaan ayaa diiday ansixinta, halka 2 mudane ay ka aamustay xeerkaan. Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12-aad ee maanta waxaa shir guddoomiyey guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. Ajandihii kulankii maanta ayaa ahaa; 1-Sii Wadida Ka Doodista Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka 2-Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn Ugu dambayn gudoomiye Mursal ayaa soo xiray fadhiga maanta ee baarlamaanka, waxa ayna ka dhigan tahay in dhamaan la ansixiyey 4-tii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada gole ee baarlamaanka Somalia ee lagu kabaayay xeeraeka doorashooyinka dalka. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 144 mudane ay ogolaatay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diiday halka ay 4 xildhibaan ka aamuseen. Maalmahii lasoo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaanada qaarkood meel ka baxsan deegaan doorashadooda la geeyay kuraastooda. Maamul goboleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, waxaana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyiinta kuna aadan tallaabda ay maanta qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
  15. Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Kulanka dhex maray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. View the full article
  16. Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in manata askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey askari ka tirsan ciidamada ammaanka, kaas oo goobta ka baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay marxuumka iyo askariga dilka geystay. Laamaha amniga ayaa sheegay inay ku raad-joogaan askariga ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid xasilan, waxaana howlgllo ballaaran ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. View the full article
  17. Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka waxa ay ansixiyeen in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 40 million oo Dollar ee Taageeradda Horumarinta Caalamiga, taasi oo qeyb ka ah Maaliyada Degdegga ee Soomaaliya looga taageerayo La-dagaalanka Ayaxa Lama-degaanka. Qoraal la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa lagu muujiyey in ay Taageradaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Jawaab-celinta Degdega ee looga hortagayo Khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo Nidaamka U-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo Bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Duullaanka Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn xoogan ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Somalia Agaasime-Gobaleedka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Carlos Felipe Jaramillo waxa uu sheegay in duullaanka Ayaxu khatar ku hayo sii-socoshada Xaalladda Aadminimo ee haatan ka jirta Somalia iyo inuu horseedo yaraanshaha helitaanka cuntada, khasaaro dhinaca Dakhliga iyo Iska-horimaad ku salaysan Kheyraadka iyo xulashada dhaqdhaqaaqyada guurguuritaanka oo xadidan. Haweeneyda Hoggaamiyaha u ah Kooxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Soomaaliya, Afrah Alawi Al-Ahmadi waxay sheegtay in Mashruucan taageeri doono qiyaastii 100,000 oo Qoys, kuwaasi oo laga taageeri doona Lacagaha Kaashka iyo Baahiyayaalka Asaasiga ah, si loo badbaadiyo Noloshooda inta lagu jiro Qalalaasahaasi. Deeqda cusub ee ay Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka shalay anixiyeen ku soo beegmaysaa, hal isbuuc kadib, markii ay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanad-maaliyadeedka haatan socda, Maaraynta Maaliyadda, sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Soomaaliya, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo in dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka. View the full article
  18. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab. Waa markii saddexaad oo muddo todobaad ah la weerarayo ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab. View the full article
  19. The World Bank Board of Directors today approved a $40 million International Development Assistance (IDA) grant for Somalia as part of the Emergency Locust Response Program, which seeks to respond to the threat posed by the locust outbreak and strengthen systems for preparedness in affected countries in Africa and the Middle East. The locust invasion has gravely impacted the livelihoods of nearly 2.6 million living in forty-three districts of Somalia. The agriculture sector remains the backbone of the economy and accounts for about 75 percent of GDP. The Shock Responsive Safety Net for Locust Response (SNLRP) will focus on addressing the immediate impact of the locust infestation on poor and vulnerable households by meeting their short-term food security and consumption needs and protecting their livelihoods and human capital assets through emergency cash transfer. The project builds on the new and Government-led “Baxnaano” (meaning uplifting in Somali) national cash transfer program. It also complements the recently approved Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), which focuses on measures to control the spread of locusts and to restore the livelihoods of smallholder households by providing re-engagement farming packages. “The locust invasion risks are aggravating the ongoing humanitarian crisis in Somalia and leading to reduced access to food, loss of income, resource-based conflict and limited migration options,” said World Bank Country Director for Somalia, Felipe Jaramillo. “We are supporting the Federal Government of Somalia to put in place a social protection system under the Baxnaano program that can respond quickly to protect subsistence farmers and pastoralists, from falling into deeper levels of food insecurity, as well as preventing the sale/loss of their productive assets.” After more than two decades of conflict and insecurity, Somalia is gradually establishing the foundations for stability and a new political settlement. However, wide-spread poverty and vulnerability to natural disasters, epidemics and unemployment shocks, threaten this progress and the well-being of millions of Somalis. For example, Somalia has experienced 14 droughts since 1960, averaging one every four years. Today, nearly 70 percent of Somalis live below the international poverty line with poverty being more acute in rural areas, making Somalia the third poorest country in the region. “During crisis, poor and vulnerable households are hit hard because they have the least ability to adapt in times of crisis, so they adapt negative copying mechanisms, such as eating less food or less nutritious food, selling off their productive assets and taking children out of school, in order to meet their short-term needs,” said World Bank Task Team Leader for Somalia, Afrah Alawi Al-Ahmadi. “Such measures have a long-term negative impact on the accumulation of human capital of impacted households. The Project will support around 100,000 households with cash assistance to access food and basic needs and therefore, enable them to protect their human and physical assets during the crisis.” World Bank Group Locust Response: The World Bank Group approved on May 20, 2020 a $500 million multi-phase program of emergency financing, complemented by policy advice and technical assistance, to support countries in Africa and the Middle East affected by the locust outbreak. The Program provides immediate support to affected households through targeted social safety nets like cash transfers, while investing in the medium-term recovery of agriculture and livestock production systems and rural livelihoods in affected countries, as well as strengthen national systems for preparedness and enhancing regional coordination. View the full article
  20. The UN mission in Somalia said it welcomes the election of the country’s representative to the world body, Amb. Abukar Baalle as a Vice-President of the UNGA’s 75th session. This is the first time since 1986-87, and a sign of Somalia’s progress since then and its return to international affairs. Somalia’s ambassador to the UN mission Abukar Osman Bale was elected as the Vice President of the 75th session of the UN General Assembly on Monday, June 29. Together with the new UNGA President Volkan Bozkir from Turkey, ambassador Abukar will preside over important affairs at the United Nations [UN]. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, dhismahaasi oo ka kooban 28 qol. Xaflada xariga loogga jarayey dhimasha wasaaraddaasi, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26-ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan, kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Dayac-tirkan lagu sameeyey Wasaaradda, ayaa waxa qabatay hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysa hay’adda dhinaca horumarinta ishkaashiga u qaabilsan dawladda Talyaani. Dhinaca kale, ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled oo uu wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaakhshiid, Jidka laamiga ah ee isku xira Isgoysyada Bakaaraha Iyo Black Sea oo dhamaantood isxilqaan lagu dhisay. Furitaanka dhismaayinka dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu soo aadayay munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan markii xornimada gobolada Koonfur ka haaqen gumeystihii Talyaaniga 1960-kii. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna la filayaa inuu xariga ka jaro dayactirka lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Muqdisho oo si gurux badan loo habeeyay.