-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane; Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed. Kulankan oo aad muhiim u ahaa ayaa looga hadlay dardargelinta mashruuca dhismaha Waddada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay maalgelineyso Dawladda Qatar. Masuuliyiinta ayaa iyo kale ka wada hadlay fulinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono degaannada Hirshabeelle. Safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed, ayaa sidoo kale dhowaan kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda maamul Goboleedyada Dalka, isagoo kala sheekeystay Mashaariicda ay Dowladdiisa ka waddo Gobollada Soomaaliya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa. View the full article
-
Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa maalintii saddexaad hilibka u dxiyada u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah, si ay uga qeyb qaataan farxadda ciida. Dhowr iyo toban neef oo Lo’ ah ayey Shabelle ugu talagashay inay uga faa’iideystaan udxiyada qoysaskaasi oo kakala yimid xaafadaha Muqdisho. Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) oo ka mid ah howl-wadeenada shabelle ayaa ka warbixiyay u dxiyad siinta dadka danta yar ee ku dhaqan Caasimadda, wuxuuna sheegay in qoysas badan iyo caruur agoon ah ay ka faa’iideysteen. Shabelle ayaa ah shabakad warbaahineed oo hadiya jeer u taagan caawinta qoysaska tabaaleysan iyo caruurta agoonta ah ee ku nool magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay dilal kala duwan. Xalay ayaa gudaha Garowe lagu dilay nin lagu magacaabo Cabdi Cismaan Cali oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Puntland, halka saaka lagu dilay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Shuceyb Cabdiqaadir Ismaaciil. Si dhab ah looga oga in gacanta lagu dhigay iyo in kale, ciddii geysatay dilalka ka dhacay Garowe. Booliska Puntland ayaa inta badan ka gaabsada in wax laga weydiiyo falalka la xiriira amniga. Magaalada Garowe oo ka caaganayd falalka amni-darrada ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray walaac amni. PUNTLAND POST The post Dilal ka dhacay Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka dib ugu soo celiso 11 Dhallinyaro ah oo muddo ku xayirnaa Waddanka Iiraan. Dhallinyaradan oo isugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxay qaarkood ku jireen Xabsiyo ku yaalla Iiraan, halka kuwo kalena ay deggenaayeen goobo ay Dowladda Soomaaliya ku ogeyd, sida uu sheegay Ambassador, Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo). Ambassador Awliyo oo ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay inuu Iiraan kasoo galbiyo maxaabiistan ayaa sheegay in Dhallinyaradan laga soo qabtay xilli ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ay xirnaayeen xilliyo kala duwan. Tallaabadani ayaa waxaa Gacan ka geysatay Madaxa Xafiiska Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha Ambassador; Maryan Yaasiin Xaaji iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirasaaq Xuseen Aadan, oo loo yaqaan Cabdirisaaq Caato, ayaa shalay noqday mid ka mid ah raggii ugu cimri xilka gaabnaa siyaasadda Soomaaliya, markii laga qaaday xilka xoghayahii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo uu hayey toddobaad kaliya. Cabdirisaaq Caato ayaa la mid noqday agaasimihii hore ee warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka Anthony Scaramucci, oo uu Trump xilka ka qaaday toban maalmood un markii uu xilka hayey. Caato iyo Scaramucci ayaa arrimo badan isaga mid ah, sida in labaduba la magacaabay bisha July, xilkana laga qaaday toddobaad ama toddobaad un ka badan markii la magacaabay, iyo inay xilka ku waayeen fudeyd iyo qaladaad ay sameeyeen. Sidee lagu magacaabay xilkana ku waayeen Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan Caato? Anthony Scaramucci Madaxweyne Trump ayaa Scaramucci u magacacay agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad 21-kii July 2017. Magacaabistiisa waxaa ka hor yimid Afhayeenkii Aqalka Cad ee xilligaas Sean Spicer, oo isla maalintii la magacaabay ku dhowaaqay inuu is-casilay. Sida ay xilligaas werisay New York Times, Spicer ayaa iscasilay marii uu Trump ku wargeliyey inuu kasoo horjeedo magacaabista Scaramucci. Madaxii shaqaalaha Aqalka Cad ee xilligaas Reince Priebus ayaa sidoo kale si xooggan u diiday magacaabista Scaramucci. 26-kii July 2017, Ryan Lizza oo ka tirsan wargeyska New Yorker ayaa shaaca ka qaaday inuu soo wacay Scaramucci uuna ka codsaday inuu u sheego cidda siisay xog ku saabsan khilaaf u dhaxeeyay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus iyo la-taliyahii Trump ee xilligaas Steve Bannon. Maalin kadib Scaramucci ayaa twitter soo dhigay inuu wedyiistay FBI-da inay baaraan Priebus isaga oo rumeysan inuu yahay qofka xog maaliyadeed oo isaga ku saabsan uu siiyey wargeyska Politico. Qoraalkaas twitter ayuu daqiiqao kadib tiray. 28-kii July 2017, waxaa is-casilay Preibus, waxaana Trump uu isla maalinkaas madaxa shaqaalaha Aqalka Cad u magacaabay jeneralka howl-gabka noqday ee John Kelly. 31-kii July 2017, Trump ayaa xilka ka qaaday Scaramucci, kadib markii uu sidaas dalbaday Kelly. Kelly ayaa Scaramucci ku sheegay nin aan aadaab lahayn, fudfudud, oo lumiyey kalsoonidii lagu qabay, kadib markii toddobaad gudihiisa uu qaladaad badan sameeyey. Scaramucci ayaa 10 maalmood gudahood ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan Aqalka Cad. Cabdirisaaq Caato 25-kii July 2020, Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa saacado kadib markii la magacaabay wuxuu isna Cabdirisaaq Caato oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Villa Somalia, si ku-meel gaar ah ugu magacaabay xilka xoghayaha joogtadaha ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Xilkan wuxuu u dhigmaa xilka agaasimaha madaxtooyada oo kale, waana shaqsiga kala wada dhammaan howlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, oo ay hoos yimaadaan shaqaalaha xafiiska. 26-kii July waxa uu Cabdirisaaq Caato billaabay olole uu doonayey inuu ku xisaabiyo dhammaan baabuurta aanay xabadda karin ee ay isticmaali jireen shaqsiyaadkii ku dhowaa ama la shaqeyn jiray ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre, isaga oo doonaya inuu ka wada qaado. 29-kuu July, qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo lasoo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay inay wajahayaan cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, oo kaga imanayey maamulka cusub. 31-kii July, waxaa is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaraaha Calinuur Salaad. Calinuur Salaad ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre. Calinuur ma sheegin in iscasilaaddiisa ay la xiriirto dhib uu ka tirsanayey Caato. Galabnimadii 1-dii August, Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ayaa xadgudub kula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah raggii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada. Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Caato ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri. Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad uga carooday arrintaas ayaa u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka lagula kacayo raggii la shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Isla shalay galab, Madaxweyne Farmaajo waxa uu la xariiray sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dalbaday in Cabdirasaaq Caato uu si deg deg ah u bedelo, taasi oo Mahdi Guuleed uu horey ka fuliyey, xilkana ka qaaday Caato. Cabdirisaaq Caato ayaa toddobaad gudihiisa ku helay kuna waayey mid ka mid ah xilalka ugu muhiimsan dalka. Anthony Scaramucci iyo Cabdirisaaq Caato-ba waxay na barayaan cashar ku saabsan in marka xil lagu dhiibo, wax kasta oo aad horey maskaxda ugu haysayba, ay habboon tahay inaad marka hore sal dhigato, kadib qorshayaashaada aad tartiib u fuliso.
-
Waxaa maalmhan dambe qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ku soo badaneyey jidgooyooyin lacago xad dhaaf ah dadka socotada ah iyo gadiidkaba looga qaado, taasi oo naloo sheegay in aysan dowladdu ka war qabin. Melahaasi waxaa ka mid ah degmooyinka ku yaalla cirifka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi yaalla isbaarooyin sharci darro ah, dadkana lagu dhibateey. Aagga dadkaasi lagu dhibateeyo waxaa maamullo oo isbarooyinkaasina ay hoostagaan sarkaal Boolis oo lagu magacbo Yuusuf Xundubey. Degmooyinka Kaxdda, Dharkinley iyo Wadajir oo dhammantood dhaca galbeed Muqdisho ayuu mas’uul ka yahay Yuusuf Xundubey, sidaaas darteed cabasho dad-weyne oo soo gaartay Shabelle ayaa sababtay inaan ka war doono dhibaatooyinka ka jira halkaasi. In kabadan 7 isbaaro ayaa waxay yaallaan galbeed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lacago xad dhaaf ah looga qaAdo maatidda ku safreysa halkaasi, waxaana intaasi sii dheer in ciidamo ka mara qata sarkalkan ay handadaad ku hayaa dad degan xaafaadahaasi, kuwaas loogu hanjabay in xabad looga saari doono guryahodda, sida ay Shabakadda Warbaahinta Shabeelle u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Halkan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WAR-KHADAR-DHIBATADA-SHACBKA-LAGU-HYO-.mp3 View the full article
-
Wasiirkii Xilka laga qaaday Saalax Maxamed Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Maamulkaas Saalax Maxamed Xassan. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare oo xilka looga qaaday Wasiir Saalax ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xildhibaan Shucayb Cabdikariin Mu’min Wasiirka Cusub ee wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Hirshabeelle. Xilka qaadista lagu sameeyay Wasiir Saalax Maxamed Xassan ayaa lala xiriirinaya cod dhowaan lagu baahiyay Baraha Bulshada oo uu ku sheegayo in uusan Madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdi Waare. Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa Wasiiru-dowle cusub u magacaabay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle waxaana xilkaasi loo dhiibay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo xilka ka qaaday Wasiir sheegay in uusan isaga aqoonsanayn appeared first on Puntland Post.
-
Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen dhaleeceynta loo jeedinayo Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka ayaa waxaa arrintaasi si faah-faahsan uga hadlay, Maxamed Yuusuf Keynaan oo ah guddoomiye ku xigeenka maxkamadda gobolka Galgaduud. Keynaan oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xaq u leedahay magacaabida Golahaasi, balse looga baahan yahay inay talo-geliso dowlad goboleedyada dalka, ururada bulshada rayidka iyo cid walbo oo ay duqeyso arrintaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay khilaafka ka dhashay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka uu sababay xilliga lagu soo aadiyey oo uu dalku jiro marxalad kala guur ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo 30-kii bishii la soo dhaafay July Golaha Wasiirada xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay meel-mariyeen xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka dalka oo si weyn loogu dhaliilay, maadaama xukuumadda federaalka dhowaan lagala noqday codka kalsoonida, islamarkaana aan weli la soo dhisin xukuumad cusub. View the full article
-
JOWHAR (HOL) - HirShabelle state president Mohamed Ware has replaced two ministers fired yesterday in a restructuring of government ahead of elections later in the year. Source: Hiiraan Online
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo Dowladdu leedahay. Ujeeddada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed, ogaalka xubnaha laamaha amniga ee Dowladda, iyo in hoggaanka sare ee Dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan oo ku saabsan amniga Qaranka. Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tallaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga Dalka. Dowladda ayaa dedaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga Dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga Dalka. Arrintaas ayaa sahashay in degaanno badan oo Argagaxisadu ay Dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta Dowladda, kuna soo laabatay noloshii caadiga aheyd ee Bulshada. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Gaashaanle Ismaaciil C/Maalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku tagay xerada ciidamada ururka 5-aad ee Danab. Taliyaha wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay sarakiisha ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo, wuxuuna kala hadlay sidii loo fulin lahaa hawlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Taliyaha wuxuu u sheegay ciidamada iney dar-dar galiyaan hawlgallada dalka looga saarayo ururka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Jubbaland. Al-Shabaab waxey badanaa weeraro ka geystaan deegaanada Jubbooyinka, waxeyna isku dayaan iney saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM mar walba beegsadaan.
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed , ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Mahdi Guuleed, ayaa lagu sheegay in ujeedada machadka loo a’saasay ay tahay kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga dalka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga Waddanka. Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda ay dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga islamarkaana guul laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka. PUNTLAND POST The post Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Xariga Ka Jaray Machadka Sare Ee Daraasaadka Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-020820.mp3 View the full article
-
Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaano DANAB ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo la socday sida ay ku warrantay Wakaaladda SONNA. Wakaaladda oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegtay in hawlgalkaasi laga fuliyay Degaanka Koban oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose. Sarkaalka laga dilay Al-shabaab oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Garweyne ayaa sidoo kale lala dilay afar xubnood oo ilaalo u ahayd. Taliyaha ayaa sheegay in ay wadada u dhexaysa Jamaame iyo Kismaayo ka soo saareen Miinooyin ay galiyeen Malleeshiyaadka Al-Shabaab,si ay dhibaato ugu gaystaan. PUNTLAND POST The post Kumaandooska DANAB oo dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadaha Isgaarsiinta Somtel iyo Amtel oo ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka jira ayaa madaxda dowladda federaalka u gudbiyay cabsho ka dhan ah xubno ka mid ah hay’adda Isgaarsiinta qaranka. Labadaan Shirkadood ayaa sheegay 20/7/2020 in ay cabasho u gudbiyeen Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyaga oo ka cabanaya 3-xubnood oo ku jira hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin qoyska maamulka sare ee shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Hormuud, Golis iyo Telesom. Qoraalka ay soo saareen Shirkadahaan ayay ku sheegeen in Shirkadaha Isgaarsiinta ee kala ah Hormuud,Golis iyo Telesom ay yihiin Shirkado isku mid ah, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay in xubno intaas la’eg ay ku yeeshaan hay’adda Isgaarsiinta qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay dalbadeen in la ilaaliyo Dastuurka KMG ah ee dalka, isla markaana laga saaro dhammaan xubnaha ku jira hay’adda Isgaarsiinta qaranka ee xiriirka wadashaqeyn iyo midka qoysnimo la leh Shirkadahaas Isgaarsiinta ayaa lagu yiri qoraaalka kasoo baxay Shirkadahaan. Shirkadaha Somtel iyo Amtel ayaa hay’adda Isgaarsiinta qaranka ugu baaqay in ay ka fogaato go’aan kasta oo si toos ah ama si dadban u dhaawici kara tartan xorta ah oo ay wadagalaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka, iyo in la ilaaliyo xuquuqda Shirkadaha Isgaarsiinta, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara si-xun wax u isticmaalidda awoodda Suuqa ee Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka jira.
-
MOGADISHU (HOL) - International flights to and from Somalia will resume tomorrow (Monday) about five months after they were suspended following the outbreak of the COVID19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey sanadguurada 22aad ee dowlad goboleedka ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyey iney la timid xadgudbyo dhanka dastuurka ah isaga oo intaa raaciyey in sidoo kale ay sharci darro tahay dhismaha guddiga adeegga dastuurka. Mudane Saciid Deni oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri” Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamto Dastuurka, muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa socda xadgudubyo dastuur oo dhowr ah, kuwo horay ayaan u sheegay ma rabo inaan ku noqdo, kuwa hadda socda waxaa ka mida xukuumaddii dhacday oo sida sharci darrada ah loo riay oo sida sharci darrada ah ra’iisalwasaaraha hadda xilka sii hayo uu ku joogo oo dadkoodii indhuhu ka fiirsadeen. Hadda ayey waxay sixiixeen golaha adeegga Garsoorka oo qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya oo hey’adda sedexaad ee aasaaska u ah weliba sharciga oo weliba uu ka dhalan doono hey’addii maxkamaddii dastuuriga ah, Sida sharci daarada ah ee loo maray iyo iyaga oo awood u laheyn in ay sixiisaan oo garyaqaanadii ay ka qaylisay, oo bulshada rayidka ah ay kaqeyliyeen oo cid weliba ay sheegtay waxaan leeyahay dowladda Soomaaliyeed aniga oo dhahaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arrintaa haka digtoonaato , dalkaan hadda ayuu soo kabanayaa yaan dib loogu celin kala burburkii, qodobkaas waa qodob muhiim ah. Mar uu ka hadlayey Kheyraadka iyo Shidaalka: Arrinta ku saabsan kheyraadka iyo Shidaalka yaan lagu kadsoomin, caalamka waxaan u sheegayaa hantida umadda Soomaaliyeed iyadoo heshiis ku aheyn ciddii gadata ayaa mas’uul ka ah, Puntland waxaa ay sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la yeegaayey cid kuma darsan, dowaladda hadda afarta bilood u hartayna, haddii ay ra’iisalwasaare sax ah haddii ay soo magacowdaan in ay arrintaas isku mashquuliyaan maahan. Arrinta magacaabista ra’isul wasaaraha waxaa uu madaxweyne Deni ka yiri “Ra’iisalwasaaraha uu soo magacaabayo xukuumaddiisu waxaa laga rabaa muddo xileedka dhiman dalka in ay doorasho geliyaan, wax kale in ay wqti ku dhumiyaan lama rabo arrintaasna waa fariin cad aan tabo inaan dowladda Soomaaliya aan diro, waxaana rajaynaa sidii lagu balansanaa inuu shirkii Dhuusamareeb uu u qabsoomo oo dowaldda iyo dowladaha xubnaha ka ah ay isku yimaadaan oo niyad sax ah lala yimaado markii hore niyadsami ayaan ku tagnay laakiin hadda dowladda xisaabtan ayaan la geli doonna niyad wanaagii iyaga ayaa ku ciyaaray waa la xisaatamayaa dalkana si sax ah ayaa la rabaa in danihiisa looga shaqeeyo cid ci marti uga ah ma leh dowladda weliba danaheeda ayaa la rabaa in ay dhiibato waxa dadka danta u ah aay ka hadasho waan rajaynayaa Soomaali isku duuban oo marxaladaan ka gudubta in la helo Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Deni yiri “Waxaan ku soo gabagabeynayaa baaq aan u dirayo dadka Soomaaliyeed meel weliba ay joogaan in dalkooda ay u naxaan danihiisa ay ka shaqeeyaan duruufaha adag ee soo wajahana ay mid ka noqdaan. Puntland haddii aan nahay Maxamed Gaarad Shirwac uu igu yiri inaan mar weliba aan ka shaqeyno danaha umadda, oo aan u dhimrino oo annagu marweliba aan dulqaad muujino. laakiin waxaan rajaynayaa wixii qalad ku ah Soomaali iyo Puntland inaan ka hadalno ayaan rabnaa inagoo hadda ixtiraamayno waxaana rajaynayaa in intaas nalala garto hadalkeenna waxaa uu ku aadan yahay waa wax dhis waa Soomaali midaysan waa Soomaali Demuquraadi ah waa Soomaali federaal ah . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo xalay ka qeyb galay munaasab lagu waynaynaayey aasaaska maamulka oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynha oo hadalka ka jeediyey goobta ayaa yiri “ Waxbadan ayey Caasho Geelle iyo Gaagaab oo qaasatan xusay xaaladii lagu jiray oo adkeyd, xilikaas aniga oo dhallinyaro ah ayaan ergada ku jiray, marka waxaan rabaa sedex qof inaan xuso oo aan aad u xasuusanahay. Waxaan aad u xasuusanahay noloshii adkeyd ninkii qeybta kaa soo qaatay oo Muuse Diiney la oran jiray anigu waxaan rabaa inaan xuso sheeg sheegaay, waxaan kale oo rabaa inaan xuso abwaanad la yiraahdo Xaliimo Puntland oo door weyn ku laheyd in ay qabsoonto Puntland iyo Jaamac. auu yiri. Sidoo kale Siciid Deni ayaa sidoo kale soo hadal qaaday cilaaaqaadka Puntland iyo Galmudug, waaxaana uu aad ugu dheeraaday in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan mar weliba” Waxaan uga mahad celinaayaa Kalmadiii Fiqi, oo Galmudug oo ayadu marmar dood ka qabi jirtay Federaalka in ay nala difaacaeyso, waxaad ogtihiin Galmudug markii ay Mudug kaliya aheyd Puntland waa ay garab istaagtay, wax ayey ka dhistay, dhaqaale ayey ku bixisay, mar weliba waa ay garab taagnaan jiray .Hadda oo ay Galmudug ay dhameystiran tahay sidii ayey u garab taagan tahay waxaana ay jeceshahay in ay hormarto ay meel gaarto” ayuu madaxweyne Deni. Magaaladda Gaalkacyo ayaa marti galisay xalay xuska 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka, oo muddo kadib labada dhinac bulshadu si nabad ah ay isugu gooshaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The post Daawo Sawirada Xafladii 1 Ogoosto Gaalkacyo appeared first on . Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo xalay Gaalkacyo uga qeyb-galay munaasabadda xuska 22-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Puntland ee 1-da August ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub iyo xaaladda guud ee dalka uu marayo xilligan kala guurka ah. Siciid Deni ayaa marka hore shaaciyey in Puntland aysan raali ka aheyn ansixintii golaha adeegga gasoorka iyo hay’adda batroolka, wuxuuna tilmaamay in dowladda federaalka ah Soomaaliya laga rabo in bilaha yar ee u haray aynan isku mashquulin arrimahaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha la soo magacaabi doono kaliya laga rabo inuu dalka doorasho geliyo. “Arrinta ku saabsan kheyraadka oo Batroolka iyadana yaa lagu kadsoomin caalamka waxaa u sheegayaa Hantida Soomaaliyeed oo heshiis ku aheyn cidii gadata ayadaa mas’uul ka ah, Puntland horay u sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la sheegayay cid kuma darsan, dowladda hada 3-da bilood u hartay shuruucdaas inay inay isku mashquuliyaan ma ahan xataa dowlad rasmi ah ama Ra’iisul wasaaraha soo magacaabaan, muddo xileedka yar ee u dhiman waxaa laga rabaa inay dalka doorasho geliyaan, wax kale inay waqti ku dhimaan lagama rabo, arrintaas waa farriin cad oo aan rabo inaan dowladda Federaalka u diro.”ayuu yiri Madaxweyne Siciid C/laahi Deni. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay ilaaliyaan Dastuurka iyo shuruucda kale ee u taalla dalka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan golaha wasiirada Soomaaliya ay asixiyeen golaha adeega garsoorka, taas oo si weyn loogu dhaleeceeyey dowladda dhexe.
-
Si kastoo la isugu dayay in wax looga bedelo dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya soo ragaadiyay ee mudada dheer la iska soo dhaxlayay, misna waxaa muuqata in dhaqamadaas laga maarmi waayay oo ugu dambeyn waxey noqdeen Wax kastoo dhacay sidoodii hore, sida Baarlamaan mooshin wada,Madaxweyne iyo Reysalwasaare kala taga, khilaaf siyaasadeed abuurma xiliga doorashada iyo beesha Caalamka oo ku fal celisa cambaareyn, •Madaxweyne Farmaajo, oo madaxdii kaga horeysay kursiga ku dhaliili jiray iney wada shaqeyn waayeen Reysalwasaareyaashii ay soo xusheen oo uu isaguba ka mid ahaa (Kampala Accord)-na ku baxay , ayaa maanta ka mid noqday liiska saaxiibadiisii hore, islamarkaana maray wadadoodii. •Baarlamaankan, oo la filayay inuu ka qaan gaaray dhaqamadii hore ayaa isaguna mudadiisa miiska soo saaray 2 Mooshin oo xilalkii looga kala qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Reysalwasaarihii hore ee xukuumadda, sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in Baarlamaanka oo kaashanaya Madaxweynaha iney meesha ka saareen shaqadii Aqalka Sare, oo haatan Gudoomiyahoodii dibad wareeg yahay. •Mr Kheyre, oo isna runtii ka nasiib iyo hooda badanaa Reysalwasaare yaashii xilka kaga horeeyay, marka laga fiiriyo mudada 3 sano iyo barka ah ee uu xilka hayay iyo awoodaha dheeriga ah ee uu isticmaalayay oo ah labo fursadood oo aaney helin saaxiibadii kursiga kaga horeeyay,ayaa isagana xil ka qaadistiisii kedisada aheyd waxey dibada u soo saartay in isaga iyo Madaxweynehiisu ay khilaaf ku kala tageen, sidaana wuxuu uga mid noqday liiska Reysal wasaarayaashii khilaafka kaga baxay xeyndaabka Dowlada. -Dhanka kale, inkastoo MD Farmaajo iyo Ex RW Kheyre ay in mudo ah khilaaf kooda hoos u qarsanayeen hadana waxaa la rumeysan yahay in Shirkii Dhuusamareeb uu ahaa midka waxkastoo jiray dibada u soo saaray, maadaama uu madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu tegay qorshe halis ku ah oo ay RW kheyre iyo Madaxweyne Goboleedyadu isla diyaariyeen,kaas oo ahaa in marka ugu horeysa meesha laga saaro Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo. Qorshuhuna waxa uu ahaa marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb in Madaxweyne Goboleedyadu ay qaab wada tashi ah ugu yeertaan xubnaha maamul goboleed-yadooda ku matala Baarlamaanka iyo Aqalka sare, si marka ay u kala ambabaxaan deegaanada laga soo doortay loo kala mashquuliyo iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo waqtigana looga dhameeyo, marka la gaaro balanta kulanka 2 aad ee 15ka August loo madlan yahay Dhuusamareebna leysugu tago iyadoo MD Farmaajo aaney xarigiisa xoolo ku jirin, dabadeedna miiska loo soo saaro in doorashadu noqoto mid dadban oo ay maamulaan Odayaasha dhaqanku, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo sidaa lagu kala diro. Balse Madaxweyne Farmaajo, oo arinkaas u gows qaniinay ayaa soo xiristii Shirkii Dhuusamareeb carabka ku dhuftay in Baarlamaanka leyskula tegi doono, markuu soo laabtayna wuxuu Gudoonka baarlamaanka dhegaha ugu shubay shirqoolka loo maleegay, isaga oo ka dalbadaday in ugu horeyn meesha laga saaro Saaxiibkiis Kheyre, si uu u kala dhantaalo awooda siyaasadeed ee lee Diyaariyay, waxeyna shaxda Dhuusamareeb isku doon wada saartay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo qorshahoodu yahay in aaney gacantooda ka bixin doorashada la filayo 2021-ka iney dalka ka dhacdo, iyo in la helo waqti dheeriya oo howlahaa lagu maareeyo maadaama lagu eedeeyay Xukuumadda lakala diray iney ka gaabisay qabashada doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, waxeyna labadooduba waa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadee weli ku adkeysanayaan iney waqtigeeda ku dhici doonto doorasho QOF iyo COD ah, inkastoo ay arinkaas shaki weyn ka muujinayaan Siyaasiyiinta mucaaradka ah, Reysalwasaarihii hore, Maamul Goboleedyada, iyo dadka rogroga Siyaasadda Soomaaliya, hadana Ciyaar Siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanku ay dhowaan soo bandhigeen kuma ekaan xil ka qaadista RW Kheyre, ee waxaa wax ka bedel degdeg ah lagu sameeyay shaqaalihii Xaafiiska Reysalwasaarihii hore qaarkood, waxaana shaqadoodii dardar geliyay Golihii lakala diray ee Wasiirada, oo markaan iyagoo KMG ah durba ansixin iyo magacaabis ku sameeyay 7-aadkan Sharciyo iyo heshiisyo mudo dheer miiskooda yaalay, sida -Heshiiska ka faa’ideysiga kheyraadka dalka,Heshiisyada Turkiga iyo Geeska Africa iyo Ansixinta Golayaal Garsoor oo sida la rumeysan yahay salka ku haya dhismaha Maxkamad Sare oo Dastuuriya oo kala go’aamisa go’aanada Hey’addaha dowlada iyo muranada Siyaasadeed ee dalka, taas oo la gelin karo shaki ah sababta keentay xiligan in qorshe kale laga leeyahay, hadana hadiiba la dhiso waa tilaabo wanaagsan oo ay ku dhiiran waayeen dhamaan Madaxda dowladihii hore ee dalka soo maray, waxeyna u muuqataa in meel marinta qodobadaan uu in mudo ah hortaagnaa kuna fadhiyay Reysalwasaarihii hore Mr Kheyre, Markase indho fog lagu eego xaalada Siyaasadeed ee dalka waxaa hareeraha Madaxtooyada ka muuqda Walaac laga qabo sida ay wax u socdaan, balse Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa taa bedelkeeda rumeysan……….LA SOCO QEYBTA LABAAD EE WARBIXINTA……oo aan ku eegi doono qodobadan:- -Maxkamad Sare oo Destuuriya oo ay suurtagal tahay in la dhiso doorashada ka hor… -Maxaa horyaala Reysalwasaaraha cusub ee la filayo… -Maxaa la filan karaa mucaaradka iyo Madaxda M/Goboleedyada marka la gaaro………… -Waa maxeyse doorka beesha Caalamka waqtigaan oo kale uga banaan Siyaasadda Soomaaliya……. Maxaa yaab isdabayaal.!! W/Q:- Abdulkadir Dulyar. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday labo ka mid ah golihiisa wasiirada, isagoona u magacaabay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi. Waare ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Biyaha iyo Tamarta Hirshabelle Saalax Maxamed Xasan, isaga oona u magacaabay Xildhibaan Shuceyb Cabdikariin Muumin, Sidoo kale wuxuu xilka qaadis ku sameeyey wasiiru dowlihii wasaaradda Beeraha iyo Waraabka HirShabelle, iyadoona lagu bedlay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow. Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa sidoo kale lagu faray laamaha amniga iyo cid walba oo ay quseyso inay la shaqeyso mas’uuliyiintaasi. Ujeedka arrintaan ayaa waxaa dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ku sheegayaan in Madaxweynaha maamulka HirShabelle uu doonayo inuu saameyn badan ku dhex yeesho xubnaha baarlamaanka, isaga oo horey xildhibaano kale ugu daray golihiisa wasiirada. HirShabelle oo wajaheysa caqabadoo badan oo is-biirsaday ayaa dhowaan galeyso is-bedal dhanka hoggaanka ah, iyadoo haatan gaba-gabo uu yahay muddo xileedka Waare oo noqday Madaxweynihii 2aad ee HirShabelle, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda dalkaasi, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga. Weli ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Faratoon uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Turkida ah, balse waxaa xusid mudan in Somaliland ay dhawaan Wakiil cusub u magacowday dalkaasi. Sidoo kale, Turkiga ayaa horey qayb uga ahaa Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wallow la sheegay in aanu hadda qayb ka ahayn wada-hadallada socda. Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamee Cabdi Waare ayaa Xilkii Ka qaaday wasiirkii biyaha Iyo Tamarta Hirshabelle Saalax Maxamed Xasan, Waxaana xilkaasi Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta loo magacaabay Xildhibaan Shuayb Abdikarim, waxaana sidoo kale wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle loo Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta war cusub ka soo saartay dib u furista duulimaadyada caalamiga ah ee dalka. Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in beri oo Isniin ah dib loo furayo duulimaadyada dibadda, iyada oo la fulinayo go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa shuruud ku xirtay dadka kala duwan ee ka imaanaya dalka dibaddiisa, waxaana ay shaacisay in qof walba laga rabo inuu heysto shahaado caddeyneysa in uusan qabin cudurka faafa ee COVID-19, taas oo uu qofka qaatay ugu badnaan 72 saacadood ka hor, inta aanu safarka soo gelin. Waxa kale oo ay hay’addu ugu baaqday shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay macaamiishooda ku wargeliyaan siyaasadda cusub ee lagu xakameynayo COVID-19. Si kastaba ha’ahaatee Golaha Wasiirada ayaa 30-kii July shaaciyey in dib loo furayo duulimaadyada dibadda oo hakad loo geliyey Coronavirus dartiis.
