-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The African Union Mission in Somalia said troops will continue to intensify fight against al-Shabab despite reducing troop numbers early this year and the disruptions brought by the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
“The Somalis are the Irish of Africa,” he continues, recalling a quote from the 19th-century explorer Richard Burton. “Surrounded by beautiful waters, a history of famine, a history of migration. And we always have trouble with our neighbours.” His past experience as an officer in the Irish Naval Service has also helped and he would welcome more Defence Forces members on his 111-strong team. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Acting Somali security minister Mohamed Abukar Islow Duale who attended a consultative meeting for the Mudullod clan in Mogadishu today spoke about the political crisis in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Gogoldhig Sida aan wada ogsoonahay Golaha Shacabka BFS ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii uu hogaaniyay Mdne: Xasan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 25-tii Luuliyo 2020. Wuxuu Golaha Shacabku codka kalsoonida siiyay 1-dii Maasrso 2017. Waxaana xukuumadda iyo barnaamijkeeda la ansixiyay, codka kalsoonidana Golaha Shacabku siiyay 29-kii Maarso 2017. Waxaa jira su’aala badan oo ay is-weydiinayaa bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan sababta Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ama isaguba iska-casilay aanu u hogaaminayn xukuumadda xil-gaarsiinta? Ma jiraa qodobo Dastuur ama mid Xeer oo ka reebaya in uu sii wado howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta ilaa laga soo magacaabayo cid kale oo beddesha? Ma go’aan Maxkamadeed ayaa looga joojiyay sii-qabashada shaqada? Yaa xilka ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha la soo magacaabay? Ma Ra’isul Wasaaraha xilka laga qaaday? Mise Ra’isul Wasaare Ku-xigeeka ku xukunka ah ee isaga la dhacay si waafaqsan Qod.97/4aad ee Dastuurka KMG? Maxaa kala fadilay Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa? Sharciyan iyo caqliyan ma la aqbali karaa in Ra’isul Wasaarihii Xil-gaarsiinta (caretaker prime minister) laga maarmo ee uu shaqada sii qabto ku xigeenkiisii sabab la’aan? Maxay tahay Xukuumadda xil-gaarsiinta? Xilkeeda iyo mas’uuliyaheedu ma waxay la mid yihiin tan xukuumadda caadiga ah?Yaa xakameynaya howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay dhacday, Baarlamaankuna aanu kor-joogtayn ku lahayn? Iyo su’aalo kale oo badan. Ma gaari kartaa xukuumadda xil-gaarsiintu go’aanno masiiri ah? Ma magacaabi kartaa guddiyo madaxbannaan oo Dastuuri ah? Ma gacaabi kartaa saraakiil sar-sare? Sidoo kale xilka maka qaadi kartaa? Haddaba Si looga jawaabo su’aalaha sare ku xusan, loona fahmo qoramada, waxaan soo bandhigaynaa macnaha iyo sharci ay ku tiirsan tahay xukuumadda xil-gaarsiinta (Caretaker Government) kadibna waxaan dul istaagaynaa mabaad’ida Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka anagoo raad-raac ku samaynayno sooyaal Dastuur iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku lahaan jiray, sidoo kale haddii ay jirtay fasiraad Dastuur oo arrintaas la xiriirta oo ay horey u go’aamiyeen hay’adaha garsoorka dalka. Ugma doodayno qoramadaan su’aalaha qaar aan sare ku xusnay, maadaama nuxurkooda aan doodi doonno, kuna falanqeyn doonno qoraalka. Maxay tahay xukuumadda xil-gaarsiinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta waa xukuumad lahayd awood dastuuri ah oo haysatay kalsoonida Baarlamaanka, hase yeeshee isu-bedeshay xukuumad ay xadidan yihiin awoodaha iyo xilalkeedu sababo la xiriira isbedel maamul iyo mid Dastuuri oo ku yimid xukuumadda, sida muddo xileedkeedii oo dhammaaday ama Baarlamaankii oo kalsoonidii kala noqday ama is-casilaad ama geeri ku timid Madaxa Xukuumadda iwm. Waxay xaaladdaasi abuuraysaa in howlihii xukuumadda uu ku yimaad hakad, loona baahdo waqti lagu soo dhiso xukuumad kale oo la wareegta xilka iyo mas’uuliyadaha, si ay joogto u sii noqdaan adeeggii bulshada iyo nidaamkii dowlad-nimada. Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo la xiriira awoodaha iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana aalaa arrimahaas xeeriya Dastuurka, Xeerka iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku leeyahay. Dalal qaar xukuumadda xil-gaarsiintu waxay ka imaanayso meel ka baxsan xeen-daabka xukuumadda xilkeedu dhammaaday ama dhacday, haddii si kale loo dhigo wax awood xil-gaarsiin ah ma yeelanayso xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaado. Saldhigga Sharci ee Xukuumadda xil-gaarsiinta Saldhigga sharci ee xukuumadda xil-gaarsinta wuxuu ku qotomaa labo mabda’a oo aasaasi ah. Mabda’a koowaad wuxuu ku salaysan yahaya hab-dhaqan maamul iyo mid nidaam kaasoo ah in eeyan joogsan howlihii xukuumadda iyo adeeggii bulshada, maadaama dowladdu tahay noolee aan dhiman, waxa is-bedelayana ay yihiin mas’uuliyadda iyo mas’uuliyiinta. Mabda’a Labaad waxaa gun-dhig u ah hab-dhaqan Dastuur, maadaama ay xukuumaddu lumisay sharciyaddii, haku lumiso kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka ama siyaabaha kale ee lagu lumiyo mas’uuliyadda sida is-casilaadda, geerida iwm. Labada mabda’a waxay ku dhisan yihiin falsafadda dastuuriga ee dhigaysa in howlihii xukuumaddu sii socdaan oo aan hakad ku imaan iyo in la xaddido mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay lumisay sharciyaddeedii. Aragtida Dastuur ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta (Dastuurka KMG iyo Dastuurradii hore ee Dalka) Dastuurka KMG ee la ansixiyay 1-dii August 2012 Dastuurka KMG si cad uma qeexin awoodda iyo xilka xukuumadda xil-gaarsiinta, sidoo kale wax tilmaan ah kama bixin xaaladaha sharci ee xukuumadda kalsoonida lagala noqday ama xaaladaha kale ee ay ka midka yihiin istiqaalada, geerida iyo xil gudasho la’aanta Madaxa Xukuumadda ee jireed ama maskaxeed. Haddii aan si quman u dhuganno murtida Dastuurka ee arrimaha la xiriira xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa inoo soo baxaya in ay ku uruurayaan arrimaha soo socda: 1 – Marka muddo xileedka xukuumaddu dhammaado oo doorasho la’aado, waxaa arrintaas nidaaminaya Qod.103 ee Dastuurka KMG. Nuqulka Afka Ingiriiska ku qoran ayaa si cad u qeexay shaqada ay qabanayso xukuumadda xil-gaarsiinta taasoo ah sii-wadidda shaqooyinka socda (routine duties). Ma tilmaamin qodobku wax xaddidaya xilalka iyo mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo waxyaabaha ka reeban oo aysan fulin karin muddadaas. Ma sheegin qodobku xaaladaha sharci marka Golaha Shacabka kalsoonidii kala noqdo Xukuumadda, sidoo kale ma tilmaamin xaaladaha sharci ee xukuumadda marka Ra’isul Wasaaruhu is-casilo ama uu geeriyoodo. 2 – Haddii Golaha Shacabka ee BFS uu kalsoonida kala noqdo xukuumadda sida ku cad Qod.69/2/E ee Dastuurka KMG. Wax faahfaahin ah Dastuurku kama bixin –sidaan horey ku tilmaanay- xaaladaha sharci ee ka dhasha kalsooni kala noqoshada xukuumadda. Ma cadda awoodda iyo xilalka xukuumadda dhacday, lama sheegin wax xakameynayaa mas’uuliyadaheeda maadaama Golaha Shacabku uu kalsoonidii kala noqday wax la xisaabtan iyo kor-joogtayn ah aanu ku lahayn. 3 – Hadduu Ra’isul Wasaaruhu geeriyoodo ama is-casilo ama uu gudan waayo xilkeesa sababo caafimaad sida uu jidaynayo Qod.90/d iyo 97/4 ee Dastuurka KMG. Wax tafaasiil ah oo dheeriya kama bixin Dastuurka marka ay timaado xaaladda sare ku xusan, sidoo kale ma sheegin xaaladda sharci ee xukuumadda, maadaama ay dacbeecad ahaan ka duwan tahay labada xaaladood ee hore oo midna mudda xileedka xukuumadduu uu dhammaaday, midda kalana kalsoonidii lagala noqday Xukuumadda oo ay lumisay sharciyaddii. Qod.97/4 ee Dastuurka KMG ayaa dhigaysa in xukuumaddu dhacayso marka uu xilkiisa waayo Ra’isul Wasaaraha, laakiin macadda awoodda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta ee xaaladdaan. Qodobka 101aad ee Qabyo-qoraalka 2aad ee Wax –ka- Beddelka Dastuurka KMG ee aan weli la ansixin ayaa ka hadlayaaXukuumadda Xil-gaarsiinta si la mid ah Qod.103 ee Dastuurka KMG, hase yeeshee wuxuu ku daray faqtad 2aad oo ka hadlaysa waxyaabaha ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta oo ay ka mid yihiin gelitaanka heshiisyo iyo wada-xaajoodyada caalami ah, iyo sidoo kale soo-jeedinta ku dhawaaqidda xaalad dagaal. Dastuurkii 1960-kii Dastuurkii 1960-kii wuxuu tilmaamay in marka Baarlamanku kalsoonida kala noqdo xukuumadda ay ay is-casilayaan dhammaan xubnaha xukuumadda, waxay se sii-haynayaan howlihii socday ilaa laga soo magacaabayo xukuumad cusub, waxaa sidaa caddeynaya Qod.82aad ee Dastuurka. Dastuurkii 1990-kii Sida ku cad 91/4aad ee Dastuurkii 1990-kii xukuumadda dhacday waxay sii wadaysaa oo keliya howlaha maamulka caadiga inta xukuumad kale la soo dhisayo. Nidaamka Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Dunida Kale England and Walles (Cabinet handbook- paras 2.27 to 2.31). Ingiriiska waxay xukuumadda xil-gaarsiin ahaan u shaqeyn kartaa marka ay jiraan saddexda xaaladood ee soo socda: Marka lagu guda jiro ololaha doorashada guud. Marka Baarlamaanku (Aqalka Commons-ka) kalsoonida kala noqdo Xukuumadda. Haddii aysan ka soo bixin doorashada natiijo sugan oo aan dhinac guushu raacin. Inta lagu guda jiro xaaladdaas waxaa ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta soo bandhigidda barnaamij iyo siyaasad cusub oo aysan xukuumaddii hore ansixin ama ogolaan, waxaa kale oo ka reeban gelitaanka heshiisyo caalami ah iyo go’aan ka gaaridda arrimo masiiri ah, sidoo kale ma magacaabi karo xilal sare oo dowladeed. Portugal (Qod.186/5 ee Dastuurka) Xukuumadda xil-gaarsiinta waxay leedahay awoodo fulineed oo xaddidan, waxay fulin kartaa oo keliya arrimaha degdegga ah ee la xiriira sii wadidda howlaha maamulka guud ee horey u socday. Waxaa ka reeban go’aan gaaridda arrimaha siyaasadda ee caqabadda ku noqon kara xakuumadda la dooran doona, sidoo kale sooma saari karto xeer nidaamiyeyaallagu fulinayo barnaamijyo cusub oo aan horay go’aan looga gaarin. Xilalka iyo Awoodaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Marka aan tixraac iyo raac-raac ku sameeyno falanqeyntii iyo faaqidaadihii aan sare ku soo sheegnay, sidoo kale aan soo xiganno aragtida Dastuur iyo midda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta –guud ahaan dalalka ku dhaqma nidaamka baarlamaaniga ama nidaamka isku-dhafka – waxaa inoo soo baxay in xukuumadda xil-gaarsiinta ay yeelanayso awoodaha iyo xilalka soo socda: Socod-siinta howlihii ama shaqooyinkii socday (routine duties) ee la xiriira maamulka guud iyo adeegga bulshada ama haddii aan si kale u dhigno howl-maalmeedkii hay’adaha maamulka guud ee dowladda. Arrimaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto ee la xiriira danta guud, haddii aanay caqabad ku noqonayn xukuumadda la magacaabayo ama aysan abuurayn qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed. Xaqiijinta doorashada marka mudda xileedka xukuumadda dhammado, lana galo doorashada iyo ka shaqeynta dhisidda xukuumad cusub. Fulinta barnaamijyada iyo howlihii ay horay go’aannada uga qaadatay xukuumadda dhacday ama waqtigeedu dhammaaday. Waxyaabaha aysan go’aan ka gaari Karin ama aysan fulin Xukuumadda Xil-gaarsiinta Sidaan horey u sheegnaba inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka ama xil-gaarsiinta waa in la helaa aalad ama xeer xadeeya ama xakameeya mas’uuliyadaha iyo xilalka Xukuumadda Xil-gaarsiinta, maadaama Golaha Shacabka uusan ku lahayn la xisaabtan iyo kor-joogtayn ama xaaladaha qaar la kala diray Baarlamaankii oo lagu dhawaaqay doorasho, xukuumadda xil-gaarsiintuna ay lumisay sharciyaddeedii sida aan horay faaqidna. Haddaba markan tixraac iyo falanqeyn ku samaynay Dastuurka KMG, Sooyaalka Dastuur iyo Nidaamka Dowladeed ee Dalku lahaan jiray, si gaar ahna aan u daraaseynay Xeerar iyo xeer nidaamiyeyaasha xukuumadaha ee Dalku lahaan jiray, sidoo kale aan daraasad qoto-dheer ku samaynay xaaladaha sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta ee Dowladaha ku dhaqma Nidaamka Baarlamaaniga ama Nidaamka Isku-dhafka, sidoo kale aan dalaacanay Dastuurradooda iyo Xeer Nidaamiyeyaasha Dowladahooda, waxaan inoo soo baxday in xilalka iyo awoodaha xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku xaddidantahay arrimaha ku tilmaaman xilalka iyo awoodaha aan kor ku tilmaanay, inkasta oo ay jiri karaan arrimo kale oo soo raaca. Waxaan sidoo kale gaarnay natiijo ku qotonka daraaseyn iyo daalacasho hab-dhaqanka iyo xaaladaha sharci ee la soo gudboonaado Dalalka Caalamka iyo sida shuruucdoodu u maareeyaan, waxaa inoo soo baxay in ay ka reeban yihiin Xukuumadda Xil-gaarsiinta arrimaha soo socda: Soo-jeedinta wax ka beddelka Dastuurka. Curinta ama soo gudbinta hindise ama mashruuc sharciyeed. Soo saaridda qaraarro ama go’aanno tilmaamaya wax-ka-beddelka qodobo sharci. Kala diridda Baarlamaanka. Go’aanno wax ka beddelay qaab-dhismeedka hay’adaha iyo mu’assasaadka guud ee dowladda. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya xeer nidaamiyeyaasha dowladda. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya ama ku xadgudbaya xuquuq uu ay aqoonsadeen Dastuurka iyo Shuruucda Dalka. Magacaabid xil leh ahdaaf siyaasadeed aad u fog. Jaangoynta qiimaha badeecada, mushaaraadka iyo adeegyada kale ee saamaynaya dhaqaalaha qaranka. Go’aanno abuuray qalalaase ama khilaaf siyaasadeed. Gaaridda go’aanno siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa. Qabashada afti dadweyne. Ansixinta hindise sharci oo qabyo oo la xiriira miisaaniyadda dowladda. Curinta siyaasad ama barnaamij cusub oo ay yeelanayso xukuumadda xil-gaarsiinta ama wax ka beddelka siyaasaddii hore ee xukuumaddu ku shaqeynaysay. Gelidda heshiisyo caalami ah ama kuwo waqti dheer qaadanaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub. Magacaabidda ama xil ka qaadidda saraakiisha sar-sare ee dowladda. ILAHA IYO TIXRAACYADA: Dastuurka MKG ee soomaaliya. Dastuurkii 1960-kii. Dastuurkii 1990-kii. No. 21 of 17 March 1971(Amendment to law on the Organization of the Government). Government Formation and Removal Mechanism: International IDEA Constitution-Building Primer (2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA). Van Aelst Peter and Tom Louwerse, (2014) ‘Parliament without Government: the Belgian Parliament and the Government Formation Process’ West European Politics Vol 37,2 475-496. Conference of Presidents is a body comprising the Speaker and Deputy Speakers which plays a significant agenda-setting and presiding role. Library and Research correspondence with parliamentary official in Belgian Parliament, March 2016. Al-wasiit fil-qanun al-idaari al-cam(Jan Baz). Qanun Al-isaari al-cam:Dr. Faraxat(Xalabi 2002). Al-majmuuca al-dastuuriya: Anwar Khadib(Mu’assasah Asi). Qaanul al-dasturi: Dr. Mohamed Mahbub. Al-wajiz fi-nudum al-siyaasah bil-qaanun al-dasturi: Ibrahim Shekha. The Future Constitutional Structure of the Somali Republic: Federal or Decentralized Unitary State?” Accessed 25 January 2014. http://www.hiiraan.com/op2/2011/apr/the_future_constitutional_structure_of_the_somali_republic_federal_or_decentralized_unitary_state.aspx http://www.irishstatutebook.ie/eli/1977/act/28/section/1/enacted/en/html#sec1 http://www.irishstatutebook.ie/eli/1977/act/28/section/1/enacted/en/html#sec1 https://assets.publishing.service.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/60641/cabinet-manual.pdf http://static.moadoph.gov.au/ophgovau/media/images/apmc/docs/63-Caretaker-role.pdf https://journals.sagepub.com/doi/full/10.1177/2053168015622796#abst act-1. http://noticias.juridicas.com/base_datos/Admin/l50-1997.html https://www.constituteproject.org/constitution/Portugal_2005.pdf https://english.elpais.com/elpais/2016/03/29/inenglish/1459237300_043354.hml https://www.oireachtas.ie/en/debates/debate/dail/1992-12-15/ https://www.oireachtas.ie/en/debates/find/ http://www.dampress.net/mobile/?page=show_det&category_id=48&id=71666 . https://www.legal-agenda.com/article.php?id=3352 https://www.facebook.com/ConstitutionalandAdministrativeLaw/posts/553793238029103/ https://www.aljarida.com/articles/1575908668183915800/ http://www.pakistani.org/pakistan/constitution/ https://www.dekamer.be/kvvcr/pdf_sections/publications/constitution/GrondwetUK.pdf https://www.aph.gov.au/About_Parliament/Senate/Powers_practice_n_procedures/Constitution https://www.constituteproject.org/constitution/New_Zealand_2014.pdf?lang=en http://www.na.gov.pk/uploads/documents/1333523681_951.pdf https://www.ippr.org/files/images/media/files/publication/2014/01/the-constitution-of-the-united-kingdom_1991-2014_1420.pdf https://www.ippr.org/files/images/media/files/publication/2014/01/the-constitution-of-the-united-kingdom_1991-2014_1420.pdf https://www.pmc.gov.au/sites/default/files/publications/guidance-caretaker-conventions-2018.pdf http://press-files.anu.edu.au/downloads/press/p295441/pdf/ch032.pdf https://data.oireachtas.ie/ie/oireachtas/libraryResearch/2016/2016-06-28_caretaker-governments-and-caretaker-conventions_en.pdf WABILLAAHI-TOWFIIQ Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur – Qareen Zakariya waa qareen, bare Jaamacadeed iyo cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdishu, wuxuu xubin ka yahay Ururka Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay. waxaad kala xiriiri kartaa Zakariyei@gmail.com. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Turkiga looga baahanyahay in uu joojiyo faro-gelinta arrimaha Carabta, isagoo cambaareeyay hadal uu wasiirka difaaca Turkigu ka sheegay Liibiya. Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii warbaahinta Turkiga ay werisay in wasiirka difaaca Turkiga uu ka hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku saabsan cuno-qabateynta Imaaraadku saaray Liibiya. Imaaraadka oo kaashanaya Masar, iyo Ruushka ayaa taageera ciidanka jooga bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khaliifa Hafter, kaas oo xoogaggiisu ay dagaal kula jiraan dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Turkigu-na waxa uu tageerayaa dowladda Liibiya. “Xiriiradda hanjabaado laguma maareeyo mana jiro gumeysi xilligaan,” ayuu Twitter-ka kusoo qoray Anwar Gargash. Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa toddobaadkii sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.” Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria. Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.” Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara.
-
Askar Sacuudiyaan ah oo lagu laayey xuduuda Dalka Yemen Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaadhay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xidhiidh la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen. Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogaga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga. Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii, markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca. Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulufo uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen. Xulufadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu caydhiyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii. Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay. Qaran News
-
Sanca (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaartay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen. Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga. Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii, markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca. Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen. Xulifadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu cayriyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii. Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.
-
Norway: Dad badan oo saaran markab Dalxiis oo laga helay Xanuunka covid19 In ka badan 40 ruux oo saaran markab dalxiis oo lagu magacaabo “MS Roald Amundsen” islamarkaana laga leeyahay dalkaasi Norway ayaa waxaa laga helay cudurka COVID-19. Boqollaal kale oo rakaab ah oo isla markabkaasi saarnaa ayaa iyana la geeyay goob karantiil oo lagu baarayo caafimaadkoosa. Markabkab oo ay leedahay shirkadda “Hurtigruten” ayaa kasoo shiraacday deked ku taal magaalada Tormsø ee waqooyiga dalka Norway Jimcihii, waxaana dhacdadan kadib ay shirkaddu qaadatay go`aan ah in ay shaqo joojin ku wada sameyso doomeheeda. Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay shaqo joojin ku wada sameyn doonto muddo 14 casho ah dhammaan doomaha qaada wax ka madan 100 ruux. Booliska oo soo faragaliyay dhacdadan markabkan ayaa sheegay in ay baarayaan bal in ay jiraan shuruuc la jabiyay oo ku aadan nidaamkii loo dajiyay cudurka COVID19. Qaran News
-
Taliye ciidan oo xilkiisa ku waayey xad gudub lagula kacay ilmo yar Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada dhowrista sharciga, General Saad Khalaf, laga qaaday xilkii, kadib markii ciidamadiisa lagu eedeyay fal dambiyeed lagula kacay ilmo yar oo ku sugnaa gudaha magaalada Baqdaad. Waxaa sidoo kale la sheegay in xabsiga la dhigay ciidamo lagu tuhmay in ay ku lug lahaayeen falkaas. Sabtidii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa lagu baahiyay muqaal muujinayay ilmo yar oo aan wax dhar ah xirneyn isla markaana dhulka fadhiya ayna ku wareegsan yihiin ama hareeraha ay ka taaganyihiin rag ku labisan dharka milatariga oo nin ka mid ahaa ragaas uu cunuga yar timaha ka jiidayo. Ilmaha yar oo ahaa wiil ayaa waxaa ka muuqday cabsi iyadoo qaar ka mid ah ragga ku wareegsanaa ay muuqaalo uga duubayeen telefoonnada gacanta. Muuqaalka ayaa laga maqlayay codka nin weydiinaya cunugga yar hooyadiis, midabkeeda iyo cidda la nool, haddii aabihiis nool yahay iyo hadii kale, ka dibna wuxuu weydiinayaa su’aalo ku saabsan jirka hooyadiis oo aflgaado ah. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ku wajahan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug. Socdaalka Madaxweynaha, oo ah kii u horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tago Degmada Galdogob, waxaa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta Degmada, Hoggaanka Dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed, oo horay Dowladdu u ballan-qaaday in laga fulin doono Degmada Galdogob. Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee Puntland oo booqda Degmada Galdogob, oo qiyaastii 80KM dhanka Galbeed kaga beegan Gaalkacyo, islamarkaana Soohdin la wadaagta Dowlad Degaanka Soomaalida DDS. 13 April 2014, Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqday Madaxweynihii u horreeyay ee Puntland, oo booqda Degmadaasi Galdogob, oo muhiimad gaar ah u leh Difaaca Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Degmada Galdogob appeared first on Puntland Post.
-
A few reflections on recent events in Somalia, esp the need: for inclusive political dialogue, building on Dhusamareb; to respect the Constitution; and for Somalis to find progressive solutions that maintain + strengthen the country’s partnership with the international community. pic.twitter.com/7v1Q2bnluq — Ben Fender (@benfenderfco) July 29, 2020 Qaran News
-
Degaanka Saaxdheer ee Koonfurta Gobolka Sool waxaa ka socota qaban-qaabadii u dambaysay ee Wejiga labaad ee dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Degaanka Horufadhi ee Gobolka Cayn. Ergooyin ka kala socda Beelihii dagaallamay iyo Xubnaha Guddiga Isimada dhex-dhexaadinaya labada dhinac ayaa haatan ku sugan Degaanka Saaxdheer waxaana sida qorshaysan saacadaha soo socda halkaasi ka furmaya Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta. Shirka Saaxdheer ayaa la doonayaa in lagu dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta Degaanka Horufadhi oo ay marar kala duwan ku dagaallameen Beelo halkaasi wada deggan balse ugu dambayn Heshiis Nabadeed laga gaaray. Guddiga Nabadaynta labada dhinac waxaa hoggaaminaya Garaad jaamac Garaad Cali oo ay weheliyaan Cuqaal iyo Isimo kala duwan oo ka yimid Degaannada Sool iyo Cayn. PUNTLAND POST The post Wejiga Labaad ee Shirka Nabadaynta Horufadhi oo ka furmaya Degaanka Saaxdheer appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Cusub ee Degmada Gaalkacyo loo magacaabay Muxiyadiin Xassan Jaamac (Ashkir). Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo in ay fuliyaan Dhaqan-gelinta magacaabidda Xoghaya cusub. Dhinaca kale Wasiir Dhabancad ayaa baabi’iyay Xilka Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo isagoo sheegay in xilkaasi uusan waafaqsanayn Xeerka Dowladaha Hoose. PUNTLAND POST The post Wasiir Dhabancad oo Xoghaye cusub u magacaabay Degmada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
XASILOONI LA’AAN SIYAASADEED IYO BAA XAA DEGA XAALADAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA SOO FOOD SAARAA WAXA AY SABABI KARAAN DIB U DHAC WEYN !! Gobolka Geeska Africa waa mid isku wada xidhan oo ay dhibtiisa iyo dheeftiisuba isla markaaba ay gaadhayaan dalka wax ay ka dhacaan maaha e dalalka kale ee la jaarka ah , taasi waxa ay sababaysaa in laga werwero xasilooni darro kasta oo siyaasadeed iyo amni oo soo food saarta dawladaha Geeska Africa iyo waliba Gacanka cadmeed oo aan isaguna waxba ka dheerayn. Gobolkani waxa uu ku sugnaa ama soo maray xaalado badan oo kala wada duduwan oo khataro iyo haliso badan laga soo gudbay taasi waxa ay keenaysaa in laga werwero marka dal ama dawlad gobolkani ama gobolada kale ee ku dhow ay gasho ama looga werwero xaalado xasilooni daro siyaasadeed oo keeni karta xasilooni daro amni iyo burbur aan ku ekaan kaliya halka wax ka dhaceen ee looga baqo in uu inta kalena gaadho. Somaliland waxa ay sagaal iyo labaatan sanadood oo ay dawladnimadeeda dib ula soo noqotay kaalin weyn kaga jirtay xaaladaha amni , dhaqaale iyo siyaasadeed ee Gobolkani iyo gobolada kale ee la jaarka ah , iyada oo ay khatar badani hareereheega ka jirto oo ay jireen argagixiso ka dagaalamaysa Somalia , budhcad badeed kala xidhatay bada cas iyo badweynta Hindiya marka laga reebo inta Somaliland baddeeda ah. Waxa ay tusaale wanaagsan u tahay in marka dalka arimaha gudihiisa ah wax badan ka qabto uu sidaa si la mid ah wax uga qabtay guud ahaan xaaladaha gobolka , qaarada iyo aduunkaba oo ah wax iskuwada xidhan oo aan marnaba kala maarmeyn, sidaasi oo ay tahay ayaad moodaa in aan dalalka gobolkani dareensanayn in dalkasta wax kaga gudban yahay kaalin wax ku ool ahna ugu jiro dalwalba oo ka mid ah gobolka. Isku xidhnaanta nololeed, dhaqaale iyo isku tiirsanaanta dadka kuwada nool Geeska Africa ayaa sababaysa in ay isa saameyso hadii mid ka mid ah dalalka ay wax Iska badelaan oo keenaysa in Isla markiiba dalalka kale dareemaan saameynta arinkaasi keenay isla markaana ay cabsi gasho in uu sii fido dhibta dhacday oo laga yaabo in aanay meeshaasi uun ku ekaanin. Haddaba marka xaaladahan gudaha gobolku jiraan iyaguna waxa iman kara xaalado siyaasadeed iyo dano ka baxsan gobolkani in ay dibada ka yimaadaan taasi oo iyaduna khatarteeda leh hadii aanay dawladaha gobolku u arag in ay wax badan isku dan ka yihiin isla markaana ay uga digtoonaadaan in dalal iyo dawlado ka baxsan gobolku gacan togaaleeyaan. Arimahani iyo hawlahani waxa garan kara hogaan siyaasadeed oo bisil isla markaana ka aragti iyo hamiba fog inta kooban ee u muuqata , kuwaasina waxa lagu heli karaa hadba hab fekerka iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin dadka gobolka ku nooli xaga aragtiyaha mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka fogba oo noqda qaar baraarugsan oo hami iyo himilo durugsan oo mustaqbal leh. Gobolka Geeska Africa waxa ka dhacay isbadelo siyaasadeed oo kala duduwan oo wax badan ka badelay xaaladihii iyo xulfiyadii siyaasadeed ee hore uga jiri jiray, kuwaasi oo uu ibo fur iyo bar bilow u ahaa kacdoonkii qoomiyada Oromia ee ka bilaabmay dalka Ethiopia sanadihiii u dambeeyey kaasi oo dhalay in uu kursiga ku yimaado raisal wasaaraha Ethiopia ee hadda talada haya Dr Abiy Ahmed Ali . Runtii isbadeladaasi waxa ay ahaayeen qaar sameeyey dhacdooyin la yaab leh oo guud ahaan Gobolka Geeska Africa ah waxaana ku heshiiyey labadii dal ee isugu colaada xumaa dhawr iyo labaataneyadii sanadood ee ugu dambeeyey oo ahaa Ethiopia iyo Erateria , markii intaasi dhacday ayaa waxa abuurantay yididiilo kale oo ah in gobolkani wax badani iska badelaan oo uu la jaanqaado gobolada kale ee qaarada Africa iyo caalamka intiisa kaleba. Nasiib daro wali wax badani ma hirgalin xaaladaha siyaasadeed ee dalka Ethiopia na maaha qaar degen oo gudaha dalkaasi waxa jira is diidooyin siyaasadeed oo waaweyn, kuwaasi cabsi badan laga qabo in ay dhaliyaan colaado hor leh oo qoomiyadeed iyo gobolo oo halis ku ah mandaqada oo dhan , tani waxa ay meesha ka saartay u hanqal taag iyo himilo uu gobolkani wax badan wadaagi karo, furfurnaan iyo horumar badan la gaadhi karo oo intii hore la isaga soo dhawaan lahaa. Ilaa hadda lagama rajo dhigi karo in wanaag wax wada qabsi iyo nabad kuwada noolaansho guud ahaan gobolkani gaadhaa ay keenayso horumar iyo hore u socod nololeed, bulsheed, ganacsiyeed, iyo dhaqaale oo uu gaadho gobolka Geeska Africa , walow uu dalwaliba gudihiisa isku mashquulsan yahay hadana waxa haboon in kor la eego oo laga gudbo wax badan oo hoose , la iskuna kaashado halka wax ka yimaadaan in loowada gurmado oo sidii looga qayb qaadan lahaa xal ku soo dabaalida iyo xasilinta dalkaasi la isku garabsan lahaa. Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Taipei, Aug. 3 (CNA) The Ministry of Foreign Affairs (MOFA) on Monday declined to comment on a report by the Somaliland Chronicle that the self-declared East African state is preparing to recognize Taiwan. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Britain u jooga Soomaali Ben Fender ayaa sheegay in Soomaalida ay u taallo in ay go’aan ka gaaraan hoggaamiyaha ay doonayaan, waqtiga doorashooyinka soo socda iyo nooca ay noqonayaan, hadalkaas oo u muuqda in uu kasoo degay meeshii uu markii hore ka istaagay doorashooyinka oo uu dalbanayey in ay xilligooda ku qabsoomaan. “Waxaan ixtiraameynaa madax-banaanida Soomaaliya. Qofka hoggaminaya Soomaaliya iyo doorashada, Soomaali keliya ayaa go’aan ka gaareysa,” ayuu yiri Fender oo twitter-kiisa kusoo daabacay muuqaal soconayay laba daqiiqo. Siyaasiyiinta Soomaalidu hadda waxay heystan mddo afar bilood ah oo ka xigta xilliga ay tahay in la qabto doorashadda baarlamanka 27-ka December 2020-ka, iyo midda madaxtooyadda oo ku began 8-da Febraayo 2021-ka. Xisbiyadda mucaaradka ah iyo madaxda maamul goboleedyadu waxay ku adkeysanayaan in la qabto doorashadda xilligeedii, iyadoo la adeegsanayo hanaan dadban, halka madaxda dowladda federalkuna ay ku adkeysanayaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la kordhinayo mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah. Guddiga doorashooyinku waxay cosadeen $70 million si ay u qabtaan doorasho ka duwan middii la qabtay 2016-2017, taasi oo la rumeysanyahay in uu musuq hareeyay. Safiirka UK, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu dadka la wadaago go’aanka dalkiisa ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, kadib markii uu helay su’aalo badan oo ku saabsan meesha ay UK ka taagantahay arrimaha dalka ka taagan. Isagoo og in Dowladda iyo mucaaradku ay si dhow erayadiisa ula socdaan ayuu ka weecday cayrintii Ra’iisul Wasaare Khayre oo baarlamanku ku eedeeyay in uu ku guul darreystay in uu diyaariyo doorasho xilligeeda ku dhacda. Fender waxaa uu doortay in uu diiradda saaro baahida ay Soomaaliya u qabto wadahadal iyo tanaasul, waqti yar ayuuna ku kharash gareeyay ka hadalka doorashooyinka soo socda. “Waa muhiim in uu jiro wadaxaajood siyaasadeed oo loo dhanyahay si horay loogu socdo loona dhiso hanaankii lagu heshiiyay ee shirkii Dhuusamareeb,” ayuu yiri isagoo soo xiganaya heshiiskii 22-kii July ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyadda. Heshiiskaas waxaa uu ku baaqayay in dalka laga qabto doorasho xilligeeda ku dhacda isla markaana “lagu wada qanacsanyahay” iyo in la aas-aaso guddi farsamo oo ka shaqeeya nooca doorashadda. “Waxaan ugu baaqaya qof walba in gacanta la is qabsado la isuna tanaasulo,” ayuu yiri Fender. Sanadkii lasoo dhaafay, ayuu Fender ka careysiiyay dad badan markii uu si furan u cambaareeyay doorashadii ka dhacday magaaladda Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe. Markale ayuu hadana bedelay aragtidii Dowladdiisa ee doorashadii Kismaayo markii uu ku biiray 13 dowladood, Qaramadda Midoobay iyo Midowga Europe oo soo dhoweeyay heshiiskii gaareen Axmed Madoobe iyo raggii kasoo horjeeday. “Waa ay wanaagsantahay in la arko dhinacyadii iska soo horjeeday oo heshiiyay, laakiin waxaa loo baahanyahay siyaasad loo dhanyahay,” ayuu safiirku ku sheegay farriintiisa. Waxaa uu madaxda Soomaalida iyo mucaradkaba ku booriyay “in ay ka fogaadaan ficiladda goonida ah ee dareenka kicinaya.” “Qof kasta waxaa faa’iido u ah in arrimaha siyaasadda lagu xaliyo wadajir,” ayuu yiri safiirka UK. Waxaa uu yiri “xasiloonida mudada dheer ee Soomaaliya waxay ku xirantahay adkeynta ku dhaqanka sharciga.” Safiirku waxa uu muujiyay rajadiisa ah in hogaamiyeyaasha Soomaalidu ay “go’aan caqliyeysan” qaadan doonaan si loo xaliyo muranka ku saabsan doorashadda, “sababtoo ah saaxiibadood waxay doonayaan dib u dhiskooda, sida aan ugala shaqayneynaba amniga iyo deyn cafinta.” “Waxaan rajeynayaa” ayuu yiri in “madaxdu ay heli doonaan xal xoojinaya saxiibtinimadeena, taasi oo mar hore la gaaray.”
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-03082020.mp3 View the full article
