Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada Muqdisho waxa uu galabta ku qaabilay safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Danjire Xasan Bin Xamza Asad Maxamed. Madaxweyne Waare waxa uu safiirka kala hadlay arrimo dhowr oo u badan mashaariicda hor-marineed ee dalka dib loogu dhisayo, si gaar ah wadada xariirisa Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle. Dowladda Qatar ayaa sanad ka hor balan qaaday inay dhiseyso wadooyinka xariiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Inkastoo aan weli wax dhisme ah lagu bilaabin wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar, halka uu dhismuhu ku socdo tan aada Afgooye. Safiirka ayaa Madaxweyne Waare faah-faahin ka siiyey fulinta iyo sida loo qorsheeyey dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo ay dhiseyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, halka dowladda Qatar ay bixineyso kharashka lagu dhisayo. Safiirku waxa uu u sheegay madaxweynaha inay ka go’antahay dar-dargelinta mashruucaas lagu dhisayo wadada aada Jowhar, sidoo kale waxa uu faahfaahin ka siiyey dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dib u bilaawday. Madaxweyne Waare ayaa safiirka uga mahad-celiyey mashaariicaha hormarineed ee dowladda Qatar ka fulineyso dalka, iyagoo kulankooda uga wadahadlay sidii fursadaha ka jira ee deegaanada Hir-Shabeelle ay u maal-gashan laheyd dowladda Qatar dadka reer Hir-Shabeelle-n ay uga faa’iideysan lahaayeen. Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadkii hore soo gaaray Muqdisho, waxuuna xalay kula kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka, sida Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed.
  2. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-shabelle-02082020.mp3 View the full article
  3. Wanllaweyn (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ee dhanka maamulka iyo maaliyadda Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa caawa lagu dhex dilay hooygii uu ka deganaa magaalada Wanllawen. Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga guddoomiyaha, waxuuna goor dhaw u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray. Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisii oo loo qaaday xarumaha caafimaadka degmada oo aan sidaas u taag badneyn. Taliyaha Booliska degmada waxa uu sheegay in ragii geystay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay hadda ciidamada ammaanku wadaan howlgallo lagu baacsanayo ragii geystay weerarka. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna magaalada Wanllaweyn ay wajaheysaa jaha-wareer amni oo uga imaanaya maleeshiyo beeleedyo iska aar-goosanaya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
  4. The Federation of Somali Trade Unions (FESTU), its 12 affiliated trade unions and working people of Somalia applaud the developments of Thursday, 30 July 2020, where the Council of Ministers unanimously approved 5 eminent persons to be considered for appointment as members of the Judicial Service Commission (JSC) in the belief that it shall enhance the administration of justice, expeditiously select judges for constitutional court and enhance the administration of justice and strengthen the judiciary’s capability to effectively deal with case backlog. Though long overdue, the nomination of members of the Judicial Service Commission (JSC) signals a breath of fresh lease of life into the institution of the Judiciary. It is no secret that for a very long time, the institution of the Judiciary has been crippled by a multitude of factors rendering it inefficient in the performance of its constitutional mandate of administering justice to the citizens of Somalia. Chief amongst challenges this institution continued to face is absence of functioning JSC and understaffing of judicial officers who are at the forefront of administering justice. The absence of the Constitutional Court spells negative for the dispensation of justice and undermines the objective of the judiciary to dispense its constitutional mandate. The deep shortage of competent and incorruptible judges has nearly crippled operational capabilities of courts, almost rendering the institution of the judiciary ineffective from a service delivery perspective. FESTU and its affiliated unions have made several calls over a long period of time to the appointing authority to expeditiously fill the existing vacancies in the Judicial Service Commission so that it is properly established. Organised labour implores the members of the JSC to effectively carry out their Constitutional mandate to dispense justice to the citizenry with utmost fairness in sync with the laws of the land and Somalia’s international human rights obligations. Though this is a positive step taken in the right direction, trade unions still continue to take note of the fact that these nominations for appointments are merely a drop in the ocean. The appointment processes of Constitutional Court judges ought to be made more procedurally transparent so as to build more credence, acceptability and legitimacy for persons holding these positions. The selection process of judges must move away from head-hunting and nominations by allowing applications from all persons seeking judicial offices. The process must take into consideration the quality of the persons in character and values and must not rest more emphasis on the academic qualifications. Trade unions call upon the Judicial Service Commission (JSC) to ensure detailed and standardized criteria of appointment for judges be made known to the public. Particularly, nominations for appointments of Constitutional Court judges should be based on merit, also taking into consideration the integrity, character and attitude of those seeking judicial offices. A clear, merited and competence-based criteria for assessing candidates must be developed to ultimately restore acceptability and dignity of the institution of the Judiciary. These nominations for appointments of members of the Judicial Service Commission comes in with a huge measure of responsibility and high level of expectations for enhanced performance and accountability from the general citizenry on whose behalf the judiciary exercises its power of administering justice. Therefore, Somali workers and their organisations expect the institution of the judiciary to take these nominations for appointments with great measure in its stride to improve on the administration of justice from a service delivery perspective across the country. Finally, trade unions call upon the Federal Government and the Federal Parliament to support the Judicial Service Commission, by giving the judiciary a measure of administrative and financial autonomy as specified in the Provisional Constitution of Somalia. View the full article
  5. The Somali National Army (SNA) on Sunday killed 5 al-Shabab militants during an operation in the southern region of Lower Juba. Source: Hiiraan Online
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia ay safiir buuxa u direyso magaaladda Hargeysa. Tani waxay kusoo aadeeysaa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisaneyso Somaliland. Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xiriir xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile. Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka sameysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa. Falcelintaani waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka sameeysato Somaliland. “Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xiriir la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yiri Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar. Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xiriiradda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartiis. “Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yiri. “Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu yiri. Weli lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxaa la sheegay in labada dhinac ay heshiis gaareen, isla markaana ay isdhaafsanayaan wakiillo heerkoodu sarreeyo. Ergo ka socotay dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda Axmed Shide ayaa tagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib booqashadii wafdiga Masaarida. Laakiin Muft waxaa uu diiday wararka sheegaya in booqashada Ethiopia ay ku timid walaac ay ka qabto qorshaha Masar. “Waxaa jira jadwal joogto ah oo u jeedkiisu yahay in looga wadahadlo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka u dhexeeya, waxna kama quseeyaan Masar wafdiga Ethiopia ee tagay Somaliland.” Isda uu egyahay muranku, Somaliland waxay u muuqataa in ay heleeyso faa’iidada ugu weyn, iyadoo kordhineeysa baadi goobkeeda aqoonsi caalami ah oo ay riixaysay muddo 30 sano ah. Aqoonsi ay ka hesho Ethiopia iyo Masar oo ah cadowga ugu weyn ee qaaradda iyo qorshaha ay waddo Kenya waxay Somaliland u horseedi doonaan in boos adag ay doodooda uga helaan Midowga Afrika dhexdiisa.
  7. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka dib ugu soo celiso 11 Dhallinyaro ah oo muddo ku xayirnaa Waddanka Iiraan. Dhallinyaradan oo isugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxay qaarkood ku jireen Xabsiyo ku yaalla Iiraan, halka kuwo kalena ay deggenaayeen goobo ay Dowladda Soomaaliya ku ogeyd, sida uu sheegay Ambassador, Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo). Ambassador Awliyo oo ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay inuu Iiraan kasoo galbiyo maxaabiistan ayaa sheegay in Dhallinyaradan laga soo qabtay xilli ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ay xirnaayeen xilliyo kala duwan. Tallaabadani ayaa waxaa Gacan ka geysatay Madaxa Xafiiska Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha Ambassador; Maryan Yaasiin Xaaji iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. The Somali National Army (SNA) on Sunday killed 5 al-Shabab militants during an operation in the southern region of Lower Juba. Isma’il Abdi Malik Malin, commander of SNA’s 16th Unit, told reporters that the troops conducted an operation in Jamame town inflicting casualties on the militants. “Our forces destroyed many bases used by the militants as hideouts in the area and we killed five of them in a fierce confrontation between the army and the militants,” said Malin. He said that a senior al-Shabab leader who represented the militants in finance was also killed during the gun battle. The latest operation was conducted amid intensified attacks against al-Shabab militants in the southern region of Somalia. View the full article
  9. According to sources from (the national) government, the Chinese Ambassador to Somalia Mr. Qin Jian arrived in (the Somaliland capital) Hargeisa for talks with officials from the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperations and representatives from the President’s office. Sources add that the ambassador’s itinerary does not include a meeting with President Muse Bihi Abdi. This is the third visit by Mr. Qin Jian to Somaliland. The ambassador’s (previous) visits were centered around dissuading Somaliland from establishing bilateral ties with Taiwan. According to sources, Somaliland has strongly rebuffed the Ambassador’s offer for a Chinese liaison office in Hargeisa in exchange for ceasing talks with Taipei. (The) Chinese Ambassador together with the President of Somalia Mr. Mohamed Abdillahi Farmajo issued a strong statement opposing the bilateral ties between Somaliland and Taiwan (in July), and reiterated their mutual commitment to the territorial integrity of China and Somalia. Similar to Somalia’s territorial claim over Somaliland, China claims Taiwan as part of its territory and opposes any diplomatic ties with Taipei. It is unclear if Ambassador Jian’s mission to Somaliland is to deliver an ultimatum from Beijing given his country’s (previously) strong statement and commitment to Somalia’s territorial integrity, and opposition to Somaliland’s independence. China and Somalia recently reached an agreement for joint patrols of Somaliland’s territorial waters. Efforts to reach Somaliland government officials for more information about Ambassador Jian’s current visit were unsuccessful. View the full article
  10. Let me begin by saying that “The thrill of Nabad iyo Nolol is gone". Some including myself believe there was no thrill to begin with. I truly have some reservations about the sudden but organized removal of former Prime Minister Kheyre from office. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Ambassador Hasan Bin Xamza Asad Maxamed waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta deegaannada Hirshabelle, iyo dar dargalinta mashruuca Dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qadar. Safiirka ayaa Madaxweynaha faah faahin ka siiyay fulinta dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay dar dargalinta mashruucaasi, waxaana madaxweynaha Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo kan Muqdisho iyo Jowhar. Sidoo kale inta Kulanka uu socday Waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen fursadaha Maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan fursadaha maalgashiga ee Hirshabelle maadaama Hirshabelle ay tahay dhul qani ah Kheyraadka dhinac kasta ah sida beeraha,Kalluunka iyo Xoollaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. SAADAASHA SIYAASADA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO SOMALILAND OO WUFUUD HEERKII UGU SAREEYEY AHI KU SOO WAJAHAN YIHIIN BILAHA IYO TODOBAADADA SOO SOCDA ? ( Waxa laga yaabaa in uu dhowaan Hargeisa iyo Muqdisho isku maro raisal wasaaraha Ethiopia , sidoo kale wafti sare oo Madaxwayne Ordogan u gogol xaadhayana waa la filayaa iyagana ) Waxa aad moodaa in Somaliland ay isbadel mug leh waxna iyadu siyaasadeeda arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ku sameysay waxna uu wakhtigu keenay marka aad eegto talaabooyin wax ku ool ah oo ay qaaday oo dhinaca diblomaasiyada macno weyn sameynaya . Waxaa talaabo layaab leh noqotay markii Somaliland xidhiidh la sameysay dalka Taiwan oo aad aduunka oo dhami hadal hayntiisa iyo saameyntiisa loo qaadaa dhigayey taasi oo si isku mid ah uga cadheysiisay dal weynaha China oo aan ogoleyn madax banaanida Taiwan iyo Somalia oo aan ogoleyn madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa haddana talaabo kale oo wax ku ool ah noqotay oo aduunkuna isha ku hayo markii ay Jamhuuriyada Somaliland yimaadeen wafti heersare ah oo ka socda dalka masar, taasi oo kaliftay wafti culus oo Ethiopia ka socdaana in uu degdeg u soo gaadho caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, iyada oo Ethiopia baryahaa dambe Somaliland xidhiidhkii iyo meeqaamkii ka dhaxayn jiray Ethiopia aanu sidiisii aheyn intii Abiy Ahmed yimid dalkaasi. Kaliya Somaliland waxa looga baahan yahay in ay ka faaiideysato fursadaha maadaama ay siyaasadu dan tahay, Somaliland na danaha ay leedahay ay ka raadsato meelkasta oo ay ka heli karto, waana nidaamka diblomaasiyada aduunku u shaqeyso oo ma jiro dal u xidhan cid gaar ah oo aanay dano isku qabin. Somaliland waxa ay aduunka tustay waxna uu ogaaday in ay muhiim tahay oo aanay kaliya baahnayn ee loo baahan yahay marka aad eegto muhiimada dhulkeega, badeeda, halka ay Afrika iyo aduunkaba kaga taallo, khayraadka dalkeeda ku duugan ee noocwalba leh iyo waliba danaha muhiimka ah ee aan looga maarmayn oo ay badhna keeneen duruufuhu in badan oo kalena ay soo socoto. Waxa Somaliland ku soo wejahan wufuud badan sida la saadaalinayo marka la eego duruufaha iyo danaha laga leeyahay waxaa ugu culus wafti la saadaalinayo in uu raisal wasaaraha Ethiopia ku yimaado Hargeisa ka dibna uga gudbo muqdisho todobaadada soo socda, sidaasi oo kale ayaa waxa isagana la saadaalinaya in wafti Turkey ah oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibadu in ay isku mari doonaan Hargeisa iyo Muqdisho iyaga oo u gogol xaadhaya wafti uu Madaxwayne Ordogan isaguna Hargeisa iyo Muqdisho ku iman doono. Waxa sidoo kale Somaliland ku soo wejehan wufuud culus oo ka socota dalweynaha China oo laga yaabo in iyaguna Somaliland soo gaadhaan dhawaan , isku soo wada xoori Somaliland waxa ku soo wejahan fursado badan oo badhna ay iyadu abuurtay badhna ay xaaladaha iyo halka ay ku taallaa sababeen kuwaasi oo dalal badani rabaan in ay yimaadaan badeeda iyo barigeegaba oo ay ka helaan degsiimo ay danahooga ka ilaashadaan. Mohamed Dhimbiil Qaran News
  13. HARGEISA (HOL) - Chinese ambassador to Somalia Qin Jian Sunday held talks with senior officials in Somaliland government amid diplomatic row over the Muse Bihi’s dalliance with Taiwan. Source: Hiiraan Online
  14. HARGEISA (HOL) - Chinese ambassador to Somalia Qin Jian Sunday held talks with senior officials in Somaliland government amid diplomatic row over the Muse Bihi’s dalliance with Taiwan. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habennimo-02082020.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa marna ka soo muuqan shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya tan iyo markii kalsoonida lagala noqday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in wasiirka amniga uu ka maqnaa labadii shir ee qabsoomay kadib riditaankii Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka. Waa wasiirka kaliya ee shirka diiday marka laga reebo wasiiro farsamooyin iyo howlo kale uga baaqday. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in wasiirku uu madaxda qaranka u sheegay in uusan ku qanacsaneen qaabkii loo riday xukuumadii hore iyo sida ay hadda wax u wado Villa Somalia. Weriyaheena magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale maanta xaqiijiyay in qof ka socda wasaaradda amniga uusan maanta goob joog aheyn munaasabaddii lagu furayay machadka sare ee daraasaadka amniga oo laga daah furay Muqdisho. Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday xil ka qaadistii Xasan Cali Kheyrre, waxa uuna ka soo muuqday kaamirada isagoo buuq ka sameynaya fadhiga baarlamaanka. Waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee ka tirsan xukuumadda Kheyre ee si shaacsan u diida xil ka qaadista Kheyre, kuna dhiiraday inuu mowqifkiisa caddeeyo, inkasta oo ay jireen wasiiro ku fakar ahaa balse aan mowqifkooda banaanka soo dhigin. Villa Somalia ayaa aad uga carootay tallaabada Ducaale, waxaana maalmo kadib xil ka qaadistii Kheyre soo baxay warar sheegayey in Ducaale xilka laga qaadayo, waxayna u badan tahay inuusan soo gelin golaha wasiirada cusub, ee lasoo dhisayo marka la magacaabo ra’iisul wasaare cusub. Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaa lagu tiriyaa inuu ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Ra’iisal Wasaare Kheyre. Waxa uu ka mid yahay wasiiro faro ku tiris ah oo aan la bedelin tan iyo markii uu xafiiska yimid Kheyre.
  17. TARTANKA QUWADAHA ADUUNKA EE QAARADA AFRICA , GEESKA AFRICA IYO KU SOO URURKA MARIN BIYOODKA BADDA CAS !!! Waa maxay sababta ay dawladaha aduunku u danaynayaan Africa, Geeska Africa iyo marin biyoodka badda cas ? Waa su’aal qofkasta oo la socda xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa iyo Guud ahaan siyaasada aduunkuba isweydiinayo ? Qaarada Africa guud ahaan waa qaarad ka kooban shan gobol oo kala ah Afrikada Bari , Afrikada waqooyi Afrikada Galbeed , Afrikada koonfureed iyo Afrikada dhexe , shanta gobol ee Afrika dhamaantood waa qaar leh muhiimado waaweyn oo qaarada Afrika iyo aduunkuba aanu ka maarmin. Qaarada Africa waa qaarad guud ahaan dihin oo khayraadkeedu wali aan la fur-furin oo uu duuban yahay amaba u aasan yahay , siyaasada aduunka ka socotaa guud ahaan waxa ay ka kooban tahay oo lagu tartamayaa sadex shay oo kala ah 1- Dhaqaale 2- Awood 3- Gudbin aragti iyo mabaadii oo uu dalwaliba xulafo ku raadinayo. Sanadahaa ugu dambeeyey waxaa dhacay in qaarada Africa uu dalka shiinuhu shir u qabtay maadaama oo uu yahay quwadaha maanta aduunka isku haya ee ku tartamaya xaga dhaqaalaha iyo awoodaba , sidaasi oo kale dalka ruushka ayaa isna la shiray guud ahaan Africa oo aad u danaynaya in soo galaangalo tartanka loogu soo jiro qaarada Africa. Waxa aan la yareysan karin dalka Turkiga oo isna ah quwad imika iskala bixinaysa oo guud ahaan Africa ku soo bilaabay galaangal iyo xidhiidh wadamo badan oo galbeedka , Bariga iyo Waqooyiga qaarada Africa ah xidhiidho la saameeyey dhinacyo badan leh . Sadexdan dawladood ee China , Russia iyo Turkey waa qaar hadda saameyntooda laga dareemayo guud ahaan aduunka Africa na waxa ay tahay meelaha lagu tartamayo ee la rabo in midwaliba uu suuq siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ka hello . Waxa iyaduna cusub oo aduunka aad loo qaadaa dhigayaa xidhiidhka dhex maray Jamhuuriyada Somaliland oo aan aduunka aqoonsi caalamiya ka haysan oo ay hore isugu dawlad ahaan jireen Jamhuuriyada federalka Somalia iyo Taiwan oo iyaduna dalal dhawr ahi aqoonsan yihiin laakiin uu dalweynaha shiinuhu aanu ogoleyn in ay madax banaanaato . Xaalada kale ee xiligan hadal haynteeda saameynteedu Qaarada iyo Gobolkaba haysataa waa xiisada ka dhalatay biyo xidheenka dalalka Ethiopia iyo Egypt isku hayaan oo saameyntiisa xoogan ee siyaasadeed iyo xaaladeed ba ay muuqato iyo dhaq-dhaqaaqyadiisuba. Dhinaca kale waxa Africa hore u soo maray oo ilaa maanta saameyn siyaasadeed nololeed , cilmiyeedba ku leh dawladaha reer Yurub oo inta badan aan marnaba ka qoob qaadin ilaa 1884 kii markii qaarada Africa ay Berlin ku qaybsadeen in ay gumeystaan , waxa isaguna jira dawlada maraykanka oo ah quwada aduunka ee hadda oo aanay siyaasad ahaan kala fogeyn reer yurub oo leh isaguna xulfi siyaasadeed oo Bariga dhexe iyo aduunka guud ahaan wadamo badan ku leh. Qaarada Africa waa qaarada sidaasi loo danaynayo ee ahmiyada intaa leeg ku leh aduunka oo maanta xiliga la joogo loo wada baahan yahay, waa xiligii ay Africa iyaduna ku biiri lahayd quwadaha aduunka hadii ay wax badan oo dib u dhigay ka xorowdo wax badan oo kalena ku midoobi karto. Hadii aynu u soo noqono Gobolka Geeska Africa waxa ahmiyada gaar ah loo siinayaa dhawr wax oo ay muhiimada u yeelatay oo kala ah; 1- Gobolka Geeska Africa waxa uu ku yaalaa goob istraateji ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay, waxaana ka mid marinbiyoodka Badda cas iyo badweynta Hindiya oo gobolku wejahad ku leeyahay gaar ahaan dalalka Somaliland iyo Somalia. 2- Waa Gobol leh kheyraadka dabiiciga ah ee aduunka ka sii gabaabsiga noqonaya ee kala ah , Saliida caydhiin , gaasta dabiiciga ah , dhuxul-dhagaxda , macdanaha kala duwan ee loogu baahida badan yahay, iyo waliba dhul ku haboon wax beerashada , bad dihin oo khayraad ka buuxo iwm. 3- Waa Gobol u ah albaab Africa laga gallo oo aad loo wada danaynayo in dalwaliba badiisa iyo barrigiisa yimaado oo uu ka sameysato xarun . DURUUFAHA KU XEERAAN GOBOLKA GEESKA AFRICA Gobolka Geeska Africa waxa ku xeeran duruufo badan oo adag oo aad ula hadhay oo u suurogalin waayey in uu noqdo gobol horumarsan marka loo eego gobolada kale ee qaarada Africa oo uu aad uga dambeeyo kuwaasi oo ay ka mid yihiin; 1- Colaado iyo dagaalo guun ah oo aanu gobolkani madaxaba kor uga qaadin ilaa inta taariikhda la garanayoba kuwaasi oo u dhaxeeyey dadka Gobolkan wada degen iyo dawladihii iyo boqortooyooyinkii ka talinayey wadamada Ethiopia, Somalia, Erateria iyo intii aanay dalalkani magacyadan lahaynba kuwaasi oo ilaa maanta aanay riiqdoodii hadhin. 2- Gobolka Geeska Africa oo xarun dagaal u noqday aduunka ka dib markii uu gabaad u noqday argagixisada caalamiga ah iyo wadamada la dagaalama oo isla soo gallay Gobolka Geeska Africa isla markaana dagaalkoogaasi gobolkii ka dhigey garoon dagaal ( battle ground ) taasi oo saameyn nololeed , dhaqaale iyo dib u dhac ku keentay bulshada ku nool gobolkani. 3- Siyaasada Bariga dhexe iyo wadamada khaleejka oo saameyn xoogan ku yeelatay arimaha siyaasadeed iyo hogaamineed ee gobolkani iyo waliba wadanka Turkey iyo dawlado badan oo kale oo ku cusub oo iyaguna raba in ay gobolkani door siyaasadeed ku yeeshaan , oo iyaguna dar-dartooda wata. 4- Badda Somalia oo ay ka dilaacday budhcad badeed ka dib markii ay burburtay Jamhuuriyada Somalia isla markaana ay u kala jabtay Somaliland iyo Somalia oo midina nidaam dawladnimo dhisatay midna intaasiba aduunku isku dayayey in uu wax u dhiso oo hadda aad moodo in ay cagaha dhulka la soo helayso. SIDEE AY AFRICA IYO GEESKU UGA FAAIIDEYSAN KARAAN ADUUNKA KU SOO WEJAHAN ? 1- Africa waa ay ka faaiideysan kartaa dhamaan wadamadaa danaynaya ee qaarada u soo ooman , hadii midowga Africa ka soo saaro siyaasad guud oo aan qaaradana dib loogu qabsan dalwalibana uga faaiideysto cidii horumar wadda. 2- Africa waxa ay tahay suuqa ugu weyn ee aduunku wax keeno , taasi waxa ay u baahan tahay gorgortan iyo in Africa waxa ay iibsanayso cida ka iibinaysa ay kula shuruutanto mashaariic maalgashi oo siyaasad ka madax banaan oo dadka Africa oo aduunka ka dambeeyaa ka faaiideystaan. 3- Africa in ay abuurto walaalnimadii iyo wadaniyadii isjacaylka Africa ee xiligii gobanimo doonka jirtay , oo wax badan la fududeeyo isla markaana go’aanada midowga Africa iyo hawshooda la dardar galiyo iyada oo lagu soo bislaynayo urur goboleedyada qaarada. 4- Africa waxa ay u baahan tahay hogaamiyeyaal hami fog iyo himilo sare leh oo ay ku dheer tahay in ay qaaradani noqoto mid aduunka hogaamisa kana baxda dib u dhaca , dagaalada , faqriga , gaajada iyo horumar la’aanta oo ka midho dhaliya fursadaha . Waxa aduunka la isla yaqaanaa in marba meel aduunku ku ururo oo lagu tartamo imika waxa la saadaalinayaa qarnigan socda in Africa aduunka oo dhami danaynayo meelaha ugu mudan ee la wada rabo waxa ka mid ah Gobolka Geeska Africa iyo Marin biyoodka aduunka u muhiimka ah ee Badda Cas oo labadaasiba ay Somaliland tahay dalka ugu haboon albaabka u ah Gobolka Geeska Africa, Isla markaana Badda cas ay tahay dalka ugu dheer ee xuduud la leh 900 km ku dhow. Fursado badan ayaa ugu jira dalka Jamhuuriyada Somaliland oo aan isagu aqoonsi caalamiya haysan laakiin xidhiidho wanaagsan la leh dawlado badan oo aduunka ah , kuwaasi oo u sahli kara in uu sii sameeyo xidhiidhi diblomaasiyadeed iyo qaar ganacsi iyo horumarineed oo ay Somaliland dadkeeda ugu abuurto nolol wanaagsan iyo horumar la taaban karo hadii ay ka faaiideysato tartanadaa ! Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  18. Maalinta berri ah golaha shacabka waxaa uu yeelan doonnaa kulankooda caadiga ah. Ajendaha waxaa uu ahaan doonaa: 1. Sii Wadida Dib u eegista Miisaaniyadda 2020 2. Ka Doodis iyo u Codeyn Wax Ka Badalka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa erey bixin cajiiba u sameeyay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo muddo xileedkeedu ay ka hadhay bilooyin dhowr ah. Madasha ayaa xukuumadda Farmaajo ku sheegtay mid ‘Xil-Gaarsiineed’ taasi oo ay ku macneysay inaysan xiligan laheyn awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aano masiiri ah. Dowladda Farmaajo ayaa muddo xileedkeedii waxa ka hadhay dhowr bilood, taasi oo kaga eeg horaanta bisha February ee sanadka 2021-ka. Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay muddooyinkii dambe waday qorshe muddo kororsi, kaasi oo si cad uga hor imanaya heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulada dalka, iyo weliba baaqyadii kala duwanaa ee saamileyda siyaasadda. Qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga ayaa dhawaan galaaftay xilkii ra’iisal wasaare Kheyre oo si lama filaan ah ay xilka uga tuuren xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo gacan ka helaya xukuumadda. Farmaajo iyo Kheyre ayaa isku mari waayey arrimaha doorashooyinka, taasi oo ugu dambeyntiina daaqada ka saartay xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaarihii hore ee dalku, Xasan Cali Kheyre. Dowladda Farmaajo ayaa wajaheysa cadaadisyo badan oo dhanka beesha caalamka iyo saamileyda siyaasada, kaasi oo aan la ogeyn inuu si dhab ah u horseedi doono inuu meesha ka baxo rabitaankiisa muddo kororsiga.
  20. Dilal ka dhacay Puntland Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay dilal kala duwan. Xalay ayaa gudaha Garowe lagu dilay nin lagu magacaabo Cabdi Cismaan Cali oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Puntland, halka saaka lagu dilay nin kale oo magaciisa lagu sheegay Shuceyb Cabdiqaadir Ismaaciil. Si dhab ah looma oga in gacanta lagu dhigay iyo in kale, ciddii geysatay dilalka ka dhacay Garowe. Booliska Puntland ayaa inta badan ka gaabsada in wax laga weydiiyo falalka la xidhiidha Dialalka & Amniga. Magaalada Garowe falalka amni-darrada gabood u noqotay sanadihii ugu dambeeyay,Waxaana ka jiray walaac amni. Qaran News
  21. Dalka kaalinta koowaad Qaarada Afrika kaga jira Feyriska Corona? Madaxwayne Cyril Ramphosa In ka badan nus malyuun qof ayaa imika la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika uu haleelay feyriska Corona, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi. Zwelini Mkhize ayaa ku dhawaaqay in Sabtidii oo kali ah dalkaasi laga helay 10,107 oo kiis oo cusub, taasi oo tirada guud ka dhigtay 503,290. Waxaa sidoo kale cudurka dalkaasi ugu dhintay dad gaaraya 8,153 qof. Dalka Koonfur Afrika ayaa noqonaya dalka sida ba’an uu ugu dhuftay feyriska Corona marka la eego guud ahaan qaarddda Afrika. Guud ahaan tirada dadka uu haleelay feyriska Corona qaaradda ayaa kala bar waxay ku nool yihiin dalka Koonfur Afrika . Sidoo kale Koonfur Afrika ayaa kaalinta shanaad kaga jirta caalmka dhanka tirada kiisaska oo waxaa ka horeeya oo kali ah Mareykanka, Brazil, Ruushka iyo Hindiya. Khubarada dhanka caafimaadka ayaa sheegaysa in tirada dhabta ah ee feyriska Corona ugu dhimatay Koonfur Afrika laga yaabo in ay ka sareyso inta imika la ogyahay. South Africa is grappling with the largest outbreak on the continent Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa waxay sheegeen in tirada dadka uu soo ridanayo feyriska ay aad sare ugu sii kacaysay muddooyiinkii u dambeeyay islamarkana kiisas badan laga helayo magaalada, Pretoria. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xayiraad lagu soo rogay bilihii April iyo May taasi oo la sheegay inay gacan ka geysatay hoos u dhigidda in cudurka uu sii faafo. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii hay’adda caafimadka aduunka ee WHO waxay ka digtay in dalka Koonfur Afrika in ay hormuud u noqon doonto dhanak feyriska guuda haan qaaradda. Qaran News
  22. Guddiga xuduudaha iyo fedaraalka dalka oo maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho xubno ka socday dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kala hadlay si loo dhameystiri lahaa sharciyada dowlad gobaleedyada loona sixi lahaa xuduudaha u dhaxeeya dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo konfur galbeed Soomaaliya. Intii shirku uu sacoday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku aadan qaab dhismeedka dhuleed ee maamulka Hirshabeelle iyo dhameystirka shaciyadda Dowlad goboleedyada,taasi oo masuuliyiinta Hirshabeelle ka socotay iyo Guddigu ay meel wanaagsan wada gaarsiiyeen. Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowlad gobaleedka Hirshabeelle Abuukar Xasan Cali ayaa uga ugu horeyn uga mahadceliyay Guddiga dadaalka ay gelinayaan sidii loo heli lahaa xuduudihii ay sameysay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. “Waxaan uga mahadcelineynaa guddiga dadaalka uu soo galiyay iyo hogta dhameystiran ee uu nala wadaaga waxaana rajeyneynaa in aan raacno xuduudihii ay hore u sameysay dowladdii dhexe. Guddoomiyaha xuduudaha iyo fedaraalka dalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn shirka ay tahay inay la wadaagaan masuuliyiinta Hirshabeelle, waxyaabaha ay ka diyaariyeen arrimaha dhameystirka sharciyadda dowlad gobaleedyada, taasi oo ay horeuga soo talagaliyeen maamulka kale ee dowladda qeybta ka ah. “Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla kulano waxaa shirkaan aan uga gol leenahay inaan idinla wadaagno waxyaabaha aan soo diyaarinay,inagoo hore ula soo shaqeynayay dowlad goboleedka kale ee dalka ayuu yiri guddoomiye Khaliif Cabdikariin Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Doorasho Mise Duduuc? Bulshada reer Somaliland guud ahaanba waa bulsho da’yar oo ay ku cusubtahay DAWLADNIMADU. Fahamka ay u leeyihiin system-kan dawladnimo (democracy) ee ay doorteen aan weli sifiican badankoodu u fahmin. Sidaan wada ognahay, doorasho xildhibaan (Somaliland) waxaa loo qabtaa baarlamaanka, iyo dawladaha hoose. Labada nooc oo xildhibaanba waxay ku soo baxaan HAL-QOF oo dhiibta HAL-COD. Waxaynu kaloo ognahay in bulshada reer Somaliland badankeedu weli beelo ku codeeyaan. Taasina waa sababta keenta in odoyaal – laga yaabo badankoodu in ayna systemkan dawladnimo aad uga dheregsanayn, soo xulaan qofka musharaxa u noqonaya reerkaas inta aan doorashada la gaadhin. Qaladkuna halkaas buu ka iman karaa. Hadii arinku ahaa in qofwalba oo reer Somaliland ah oo xaq u leh in uu codeeyo, uu u codeeyo qofka uu isagu rabo, may ahayn in odoyaal dhowra u dooraan qof inta aan doorashadiiba la gaadhin. Arinkan, laakiin waxay reeruhu uga jeedaan maamul wanaag iyo in la hubiyo in reerka codkiisa meel lagu wada hubsado, oo aanu codkoodu maalinta codbixinta kala firdhin. Ficilkan waa ficil horumarka reerka iyo dawladnimadaba khatar ku ah, marka aan loo wajehin sidii saxda ahayd. Aduunyada meelkasta oo doorashooyin ka dhacaan way ka jirtaa is-abaabul ka horeeya maalinta codbixinta, iyo habab lagu soo saaro mushaxiinta meteleysa xisbi/gobol/degmo/ama community. Waxaa markaa WAAJIB ah in cida hogaanka beel ah in ay diyaariyaan saaxooyin cidii HAN leh ay ku soo bandhigaan afkaartooda, doodna loo qabto, kadibna halkaa cida reerka metelaysa/musharax u noqoneysa lagu doorto. 70% dadkeenu waxay ka yaryihiin 40 jir. Waana dadka mustaqbalka leh, waxna bartey. Waa in number badan oo kuwaas ka mida ay goobtaas musharaxooda lagu soo saarayo goobjoog ka ahaadaan, si ay u doortaan ashkhaastii ay maalinta codbixinta codka siin lahaayeen. Oo isu soo sharaxaysey labada gole (baalamaanka iyo dawladaha hoose). Dariiqan reerka iyo dhalintiisa waxay u horseedeysaa kobac, faham dawladnimo iyo kalsooni. Hadiise qof aan cidi reerka dhexdiisa kala tartamin oo aan dood lala gelin, odayaashu soo dooraan, waxay taasi keeneysaa dhalinta oo ka hadha fahamka iyo activism dawladnimo ee dalka ka socda. Waa dictatorship iyo jujuub, ee reerka sidaa sameeyaa doorasho Somaliland kama qayb gelin. By Abdi Osman Jama, Institute for Strategic Initiatives, Hargeisa, Somaliland abdi.jama@isi-inistitute.org Qaran News