Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The post Breaking News : – Qaramada midoobay oo ku eedeysay Gudoomiyaha Barlamaanka Mursal inuu Sharci been abuur ah uu hor geeyey Barlamaanka maanta. appeared first on . Source
  2. Qaramada Midoobay yaa ka hadashay hindise sharciyeedkii dambiyada la xiriira galmada ee ay maanta akhrintiisa diideen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ee James Swan, Xoghaya gaarka ah ee Qaramad Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa walaac ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku daygii uu miiska ku soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay golaha wasiirrada ee Soomaaliya in ay dib-u-soo-celiyaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee asalka ah. “Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujinaya walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay. Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la horkeenay sharcigan ayaa diiday inay akhrinta mariyaan, iyagoo xusay inuu yahay sharci ka hor imanaya diinta iyo dhaqanka Suuban. PUNTLAND POST The post UN-ka oo walaac ka muujiyay isku day uu sameeyay Guddoomiye Mursal appeared first on Puntland Post.
  3. Daaciga Somaaliyeed ee Sheekh Cusmaan Usuuli ee fadhigiisu yahay magaalada London oo xalay ka qeyb galay Dood toos aheyd oo uu qabtay Telefishinka Universal ayaa [...] The post Daawo Sheekh Cusmaan Usuuli : – ” Doorasho hal qof iyo hal cod, Balan ka bax iyo Shacbiga oo Been lagu hogaamiyo waa Munaafaqnimo. appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin hor leh oo muwaadiniinteeda ay uga mamnuuceyso inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya. War kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada abaabulan ee la xiriira argagixisanimada. Sidoo kale waxa ay safaaraddu muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay tegaan gobollada ku yaalla xuduuda dheer ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya. “Sababo la xiriira argagixisanimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood.” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Maraykanka ee Kenya. Safaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay kordheen falalka la xiriira afduubka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah Al-Shabaab ay ka fulisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan.
  5. Mogadishu — The Grand Convention recently concluded in Mogadishu for a Somali clan was more interesting for more reasons than the statement of the Former Interim President Ali Mahdi Muhammad, who stole the show with his sabre-rattling. He said that his gun “is still loaded” and he would not hesitate to use it if his call for a good government is ignored. The one-time ruler of North Mogadishu sees parallels between 2020 and 1990, when he was an influential businessman and a fierce critic of the military dictatorship. It is not only Ali Mahdi’s unguarded remarks that threw a spanner in the works during the Convention. Two former Somali Presidents, Hassan Sheikh Mohamud and Sharif Sheikh whose political parties drive the Forum for National Parties agenda, attended and delivered speeches at the Convention. Have they given up on the votes of other Somali clans when the two former Presidents throw their weight behind a return to 1990s warlordism-based politics? They have shed any commitment to a multiparty system where ideas matter more than clan identity. Ali Mahdi Muhammed: My gun is still loaded Participants were supportive of a return to indirect elections based on 4.5 twenty years after it was introduced in Djibouti, where a reconciliation confrence for Somalis was held. It was a power-sharing formula cooked up in Mogadishu to assign more political power to clans with armed militias on the one hand and to institutionalise a warlord’s way of ruling a fiefdom. The 4.5 formula was the basis for five elections held since 2000. It stands for the marginalisation of Somali clans whose lack of involvement in the civil war is the justification for the continued political and economic subordination that Fifth Clans suffer. What Ali Mahdi Muhammad said at the Grand Clan Convention in Mogadishu is a reminder that one person can hijack the agenda to make incendiary remarks for publicity reasons. The Somali pastoral democracy is not all that it is cracked up to be. Political aspirants may be put under pressure to seek support from or show solidarity with their clansmen and clanswomen when forming a coalition based on ideas and the national interest could be the right strategy. Equality of opportunity, appointment based on merit, accountability at all levels — central and federal states — are core ideas that can underpin any political programme. If those themes dominate a clan’s confrence politicians will be able to make the impression that they are doing their bit to nurture and further develop political processes for a country still grappling with the impact of state collapse and predatory politics. By Issa Sheikh Dayib The post THE FOLLY OF THE SOMALI GRAND CLAN CONVENTIONS appeared first on Puntland Post.
  6. Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii Muqdisho+Sababta Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa soo saartay go’aan ay ku joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin dhawr ah oo ku yaalo Qaaradda Africa, islamarkaana ay ka mid ah magaalada Muqdisho ee Somalia. War-saxaafadeed ka soo baxay Kenya Airways ayaa lagu sheegay inay joojisay duulimyaadyada illaa 7 magaalo, iyadoo aysan shirkadda faahfaahin ka bixin sababta keentay. Todobada magaalo oo ay duulimyaadyadooda joojisay Kenya Airways ayaa kala ah: Muqdisho Bamako Maputo Brazzaville Blantyre Khartoum Luanda Warka ka soo baxay Kenya Airways ayaansidoo kale looga hadlin haddii uu go’aankaan yahay mid kumeel gaar ah iyo mid kama dambeys ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Bishii November ee sanadkii 2018 si rasmi ah u bilowday duulimaayeeda Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogoleyn sababta hadda keentay in la joojiyo duulimyaadaas. Soomaaliya ayaa 3-dii Bishaan dib u bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, inkastoo ay diiday inay fasaxdo duulimaadyada Qaadka ee Kenya waxaana laga yaabaa in go’aanka ka soo baxay Kenya uu jawaab u yahay arrintaan. Dowladda Kenya oo sidoo kale iyadana dib u fasaxday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalkeeda ayaa liiska wadamada loo fasaxay ka reebtay Soomaaliya, waxaana muuqato inuu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyo labada dhinac. Qaran News
  7. .@NCSCgov Director William Evanina issued an election threat update for the American public: https://t.co/3EgVTOBnjU pic.twitter.com/77pEAwb98R — Office of the DNI (@ODNIgov) August 7, 2020 Qaran News
  8. Hay’adda QM u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Dad kabadan 150,000 ay ka barakaceen fatahaadihii ka dhacay Soomaaliya tan iyo dabayaaqadii Bisha June ee Sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan 23,000 Qof oo iyaguna la diiwaan-geliyay Todobaadkii lasoo dhaafay. QM ayaa sheegtay in Dadka ugu daran ee ay fatahaaddu saameysay ay ku nool yihiin degaannada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku barakaceen in ka badan 650,000 Qof oo u baahan gargaar deg-deg ah. UNHCR ayaa sheegtay in Dad badan oo kamid ah Barakacayaasha ay ku nool yihiin Guryo ka samaysan cooshado, halisna ugu jira kufsi iyo dhibaatooyinka Isbeddelka Cimilada, kuwaas oo wajahaya cunta la’aan, nafaqa-darro iyo xanuunno uu kamid yahay Shubanka-biyoodka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dood badan ayaa ka dhalatay kulankii maanta ee Golaha Shacabka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka la horgeeyey hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada, si ay aqrinta koowaad u marsiiyaan. Xildhibaano badan ayaa dood ka keenay hindise sharciyeedkan, kuwaas oo ka hadlay kulanka, waxaana ay sheegeen inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka. Mudane Cabdullaahi Sheekh oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa marka hore is-weydiiyey ‘Baarlamaankii Soomaaliyeed baa manta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay’ isaga oo sheegay in hindise sharciyeedkan uu yahay mid lagu dilay sumcad dilayo baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigan xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay guddoonka baarlamaanka, sida ayugu soo gudbiyeen xeerkaasi xildhibaanada, isaga oo ku tilmaamay inuu la mid yahay bullaacad wasaq ah. ”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa manta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay waxay dhaawac ku tahay Sumcaddiinna guddoomiye iyo kan baarlamaankaba mana ahayn inuu baarlamaanka uu soo gaaro,Waa Bullaacad kan ee Sharci maahan,Guddoomiye biyo iyo bullaacad iyo wasaqba haddii aad baarlamaanka kusoo deysaan ilaahay ka baqe maxaa dhacaya guddoomiye?” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh. Si kastaba ha’ahaatee xildhibaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta iska diiday ka doodisa hindise sharciyeedkan, iyaga oo dalbaday in bedalkiisa laga doodo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.
  10. At least nine people were killed and 14 others injured on Saturday in a suicide car bombing in the Somalian capital, officials said. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government has appealed to residents of storms-affected regions in Jubbaland to be vigilant warning the situation is still unpredictable following the death of ten people Friday. Source: Hiiraan Online
  12. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saf-ballaaran ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiyo ciidan oo ku yaalla gobolka Gedo. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu eekeeyey saldhigyo ay degmada Luuq ku leeyihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ka howl-gala halkaasi. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerarka, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore xero ciidan oo ku taalla agagaarka garoonka Stadium Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa fuliyey ruux naftiis halige ah, kaas oo beegsaday xero ay leeyihiin milatariga Soomaaliya. Illaa 10 qof ayaa ku dhintay qaraxan oo isugu jira askar iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xerada la weeraray ayaa waxaa degan taliska 12-ka April ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana halka laga hago howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ciidamadaasi ka fuliyaan gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online bartilmaameedka weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa ahaa mid lala damacsanaa taliyaha ciidamada guutada 27-aad ee April Genaraal Maxamed Axmed Tareedisho oo la sheegay inuu ku wajahnaa xerada inta uusan dhicin qaraxa, waxaana la soo wariyey inuu ku dhintay darawalkii waday gaarigiisa. Sidoo kale wuxuu dhaawac halis ah soo gaaray taliyaha xerada la weeraray oo lagu magacaabo, Xasan Maxamuud Garaad (Xasan Dhuux), sida aan xogta ku helnay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan oo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana ay shaacisay inay rabtay inay ku wiidqo awooda qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaatee 13-kii bishii hore ee July ayey aheyd markii qarax kan la mid ah uu ka bad-baaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage, kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan.
  14. Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka wadaan magaalada Guriceel ee gobolkaasi. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi. U jeedka howl-galladan ayaa ah sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxo hubeysan oo xalay bam-gacmeed ku weeraray hoy u Guriceel ka dagan yahay sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugida Galmudug, kaas oo lagu magacaabo, G/ Sare Cabdullahi Cabdi Raage. Guriceel ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray is-qab qabsi la xiriira muran ka dhashay furista masaajidyo ay horey u xirtay Ahlu Sunna Waljamaaca. View the full article
  15. Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa diiday ansixinta ajandaha maanta oo ahaa mashruuc sharci oo ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dambiyada la xiriira Galmada. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa ka horyimid hindise sharciyeedkaasi, waxaana ay sheegeen inuu ka hor imaanayo Diinta Islaamka. Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen xildhibaanada kulanka ka hadlay in ka hor inta aan la marsiin akhrinta koowaad loo baahan yahay in wax ka bedal lagu sameeyo. Intaasi ka dib xildhibaanada ayaa soo jeediyey in laga doodo arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacaan dhammaadka sanadkan 2020 illaa sanadka xiga ee 2021-ka. Golaha Shacabka oo ku jira kalfadhigiisii ugu dambeeyey ayaa wada ka doodista sharciyo muhiim ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. View the full article
  16. Guddoomiyihii kooxda kubbadda cagta Elman Sports Club Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa hambalyo u diray maamulka,macallimiinta iyo taageerayaasha kooxda Muqdisho City Club oo ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2019-2020. “Waxaan hambalyo u diriyaa maamulka,macallimiinta iyo taageerayasha naadiga Muqdisho City ee ku guulaystay horyaalka Soomaaliya 2020,wuxuu ahaa sanad cajiib ah iyo loolan adag sidoo kale waxaan hambalyo qaas ah u diriyaa laacibiinta kaalmaha hore ka galay gool dhalinta horyaalka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) Halkan Ka Aqriso Dabaal Daga iyo Hanashada Kooxda Muqdisho City Club Muqdisho City Club Oo Si Weyn Ugu Dabaal Dagtay Hanashada Horyaalka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxo laga soo buuxiyey oo maanta ka dhacay xaro ay degan yihiin ciidamada xoogga dalka oo ku taallo inta u dhaxeyso xarunta xisbiga iyo isgoyska Baar Ayaan ee degmada warta nabadda, kaas si xoogan looga maqlay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa xigay rasaas ay rideebn ciidamada dowladda ee ku sugnaa xerada la weerar, ciidamada ayaana xiray aaga udhow xirada kadib markii uu qaraxa dhacay, waxaana laga hor istaagay wariyeyaasha in ay tagaan goobta wax ka dhaceen si ay u soo gudbiyaan xaqiiqada ku saabsan qaraxa ka dhacay degmada Warta-nabadda. Ila kala duwan ayaa sheegayo in dhimashada qaraxii maanta ay qaarayso ilaa 8 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 14 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa soo saartay go’aan ay ku joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyin dhawr ah oo ku yaalo Qaaradda Africa, islamarkaana ay ka mid ah magaalada Muqdisho ee Somalia. War saxaafadeed ka soo baxay Kenya Airways ayaa lagu sheegay inay joojisay duulimyaadyada illaa 7 magaalo, iyadoo aysan shirkadda faahfaahin ka bixin sababta keentay. Todobada magaalo oo ay duulimyaadyadooda joojisay Kenya Airways ayaa kala ah: Muqdisho Bamako Maputo Brazzaville Blantyre Khartoum Luanda Warka ka soo baxay Kenya Airways ayaansidoo kale looga hadlin haddii uu go’aankaan yahay mid kumeel gaar ah iyo mid kama dambeys ah. Shirkadda Kenya Airways ayaa Bishii November ee sanadkii 2018 si rasmi ah u bilowday duulimaayeeda Muqdisho, waxaana illaa hadda la ogoleyn sababta hadda keentay in la joojiyo duulimyaadaas. Soomaaliya ayaa 3-dii Bishaan dib u bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, inkastoo ay diiday inay fasaxdo duulimaadyada Qaadka ee Kenya waxaana laga yaabaa in go’aanka ka soo baxay Kenya uu jawaab u yahay arrintaan. Dowladda Kenya oo sidoo kale iyadana dib u fasaxday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalkeeda ayaa liiska wadamada loo fasaxay ka reebtay Soomaaliya, waxaana muuqato inuu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyo labada dhinac.
  19. (SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka. Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyriyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19. Muwaadiniinteeda Maraykanka waxaa si gaar ah looga digay inay u safraan Xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha cabsida la xidhiidha argagixisada awgeed. “Sababo la xidhiidha argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya. Source
  20. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu shir Guddoominayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan. Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban, sidoo kale waxay diideen xataa in akhrinta koowaad la marsiiyo loona baahan yahay in marka hore wax laga soo badalo. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dalbaday in laga doodo Arrimaha doorashooyinka xilli ay jirto tuhun ku aadan in baarlamaanka uu Maanta sameysto muddo kordhin. Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in Kulanka maanta uu yeelanayo Golaha Shacabka laga qabo tuhun ah inuu mar qura ajandihiisa is bedelo, si la mid ah qaabkii loo riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ajandaha aan ku jirin markii codka kalsoonida loo qaadayay Xukuumaddiisa. 25-kii bishii hore ee July ayay aheyd markii Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray Ajandaha kulanka ka doodista Doorashooyinka 2020/21 uu mar qura isu bedelay kalsooni u qaadista Xukuumadda, waxaana durbadiiba si fowdo iyo buuq ku jira loo riday Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
  21. Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku dhintay 14 kalena waa ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari miinaysan ayaa lagu weeraray Xero ciidan oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Studium Muqdisho sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Qaraxa ayaa sababay burbur hantiyeed oo gaaray dhismaha Xerada la weeraray. Ururka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ayaa tilmaamay in ay halkaas ku dileen ilaa 9 qof inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka sii bixin. PUNTLAND POST The post In ka badan 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.