-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-080820.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen 18-kale, kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay Xero ay leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 27-aad. Sida ay xaqiijiyeen waaxda Gaadiidka Gurmadka degdeg ah dadka dhaawaca ah waxaa la geeyay isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho si looga daweeyo waxyeelada gaartay, halka dadka dhintay qaarkood la dhigay Goobaha Caafimaadka. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeryootay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Xarunta la weeraray, waxaana suuragal ah inay tirada intaas ka badato maadaama gaariga qarxay uu gudaha u galay xerada. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda oo ku saabsan qaraxan, waxaana uu ku soo beegmayaa qaraxa iyada oo magaalada inta badan waddooyinkeeda yihiin kuwo xiran, isla markaana isgoysada la dhigay ciidamo. Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daa’uud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada. Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo.
-
Faahfaahin ku saabsan Qarax Ismiidaamin oo Goordhawyed ka dhacay Muqdisho Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca. Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daa’uud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada. Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo. Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta. Ciidamo ka tirsanaa booliska oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Qaraxaas uu ahaa Ismiidaamin, mana sheegin khasaaraha ka dhashay, waxaana uu tilmaamay in baaris xaqiiqo raadin ah ay socoto. Dhismaha Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo ballac ahaan ku fadhiya inta u dhaxeysa Waddooyinka Warshadaha iyo Soddonka, waxa u kala xir-xiran tahay qaybaha Cayaaraha, Dhismaha Xaruntii Xisbiga iyo Xeryo Cuuryaamiinta oo ay degen Ciidamada Militariga. Dhismaha Xero Cuuryaamiinta oo labo qayb ah, waxaa dhinac degen Askar katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan Guutada 12-ka April, halka qaybta dhanka laamiga Soddonka xigta ay deegaan u tahay dad rayid ah. Qaran News
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya Kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Xildhibaanada waxaa uu ahaa Mashruuc sharci ah oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada kaasi oo laga doonayay in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo furitaanka kulankaas ka hadlay ayaa si cad u diiday in ay Akhrinta Koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada. Sababta ay Xildhibaanada u diideen in ay sharcigaas akhrinta mariyaan waxaa ay ku sheegeen in ay tahay in sharcigaas uu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo diiday ka hadalka Hindise Sharciyeed la horgeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online). Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas kadib war qoraal ah oo kasoo baxay oo lagu faafiyey warbaahinta ku hadasho afkooda. “Mujaahidiinta ayaa qarax ismiidaamin ah ku beegsaday saldhigga guutada 27aad ee Ciidamada Dowladda oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid” ayaa lagu yiri war si hordhac ah ugasoo baxay Al Shabaab. Ciidamada Guutada 12-april waxa ay xeradaan ku leeyihiin Xeradii Cuuryaamiinta oo dhismo ahaan dhanka Garoonka Cayaaraha iyo Xaruntii Xisbiga ay ka degen yihiin, waxaana u xiran wadada isku xirta Isgoysyada Janaraal Daauud iyo Baar ayaan. Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii xirada ku sugnaa, dad Shacab ah oo meesha dagan iyo Shacab kale oo saarnaa baabuurta dadweynaha oo marayey goobta qaraxa ka dhacay. Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa khasaaraha ka dhashay qaraxaan Inshaa Allah.
-
Kooxda kubbadda cagta Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa si weyn ugu dabaal dagtay hanashada Horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka 2019-2020 waxaana guushan ugu hambalyeeyay kooxaha waaweyn ee Soomaaliya iyo bahda kubbadda cagta dalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dabaal Daga Kooxda Muqdisho City Club https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp.mp4 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Hanashada Horyaalka MCC Kooxda Dowladda Hoose Oo Ku Guulaystay Horyaalka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Milletariga Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhashay Biyo-xidheenka Abaay ee Itoobiya ka dul dhistay Webiga Niil, kaasi oo Dawladda Masar diiddan tahay. Milletariga Itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay Colaadda muddada dheer jirtay ee u dhaxaysa dalkooda Itoobiya iyo Masar, dedaallada ay xilligan Masar kaga soo horjeeddo Biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil iyo Wefti ay dhawaan Masar u soo dirtay Somaliland, kaasi oo shaki weyn ku abuuray Itoobiya isla-markaana Warar la xaqiijiyey sheegeen inay Somaliland waydiisteen Saldhig Ciidan. Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula oo u warramay Warbaahinta Gudaha ee Itoobiya ayaa ugu horrayn la waydiiyey sida ay Masar dhaqdhaqaaqyada uga bilowday Mandaqadda Geeska Afrika, iyadoo raadinaysa Jid ay Cadaadis ku saari karto Itoobiya, si uu u joojiyo buuxinta Biyo-xidheenka Abaay oo ay aamisan tahay inuu yaraynayo qul-qulka Biyaha Webiga Niil oo 90% Dadka reer Masar ku nool yihiin. Taliye ku-xigeenka ayaa ugu horrayn la waydiiyey su’aal u dhignayd sidan “Dawladda Masar, Arrimaha aynu isku hayno awgeed waxay u soo guurtay Mandaqadda Geeska Afrika, waxayna doonayaan inay Saldhig Ciidan waydiistaan Somaliland, taana Somaliland jawaab bay ka bixisay, Adigu sideed arrintaas u aragtaan ? Taliye ku-xigeenka oo Su’aashaa ka jawaabayaana wuxuu yidhi “Arrintani arrin cusub maaha, 400 sano ee aynu ka soo gudubnay Masaaridu waa istaraatiijiyad ay ku dhaqmi jirtay, dagaalo ay si dadban noola gashay, taasna guul-darro ayay kala kulantay. Ta labaad Qorshaheeda 400 sano ka hor hadday ku fashilantay, 400 sano ka dib, wax badan baa isbeddelay (Adduunka), haddii aan iyaga ahay Istaraatiijiyaddaa gabowday waan beddeli lahaa, taasi oo ku salaysan dagaal, maxaa yeelay Waddamadii dhaqaale ahaan way isbeddeleen, Bulshada ayaa is beddeshay, siyaasaddii ayaa isbeddeshay, Tiknoojiyadda, sidaasi darteed Istaraatiijaddaa gabowday ee dagaalka ku salaysan inay beddesho ayay ahayd, Waayo? Istaraatiijiyaddaa gabowday u saamixi mayso inay yeelato Maamulka Biyaha Webiga Niil.” General Berhanu Jula wuxuu sheegay oo kale “Webiga Abaay, Mulki ahaan cidda iska leh waa Annaga (Itoobiya) inuu dal kale iska soo boodo oo uu Lahaanshiyihiisa sheegto dhicimayso, Lahaanshiyaha Itoobiya ee Abaay way Caddahay, Masaaridu si kasta oo ay dagaal isugu dayaan ka macaashi maayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey Wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, Waayo? Somaliland mowqifkeeda way caddaysay.” Geeska Qaran News
-
A Somali police officer says a suicide bomber has detonated an explosives-laden vehicle at the gates of a military base in Somalia’s capital. Col. Ahmed Muse says the bomber struck the base near the newly reopened sports stadium in Warta-Nabadda district. There is no immediate word on casualties. Witnesses say ambulance sirens can be heard as police cordon off the scene. Huge clouds of smoke are billowing. The al-Qaida-linked al-Shabab often targets military sites in Mogadishu. View the full article
-
NAIROBI, Kenya (AP) — A Somali police officer says a suicide bomber has detonated an explosives-laden vehicle at the gates of a military base in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah, islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray xero ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 12-ka April ay ku leeyihiin dhabarka dambe ee garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxaasi, balse ma cadda inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)- Damaca Booska Gudoomiyenimada Xisbi Xaakimka Kulmiye Cidda noqonaysa Madxweyne Biixi dabadii ayaa uu Guuxiisii mar kale soo laba kacleeyay kadib markii ay soo dhawaatay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Oo la filayo inuu qabsoomo bisha Tobnaad ee fooda inagu soo haysa. Wararka isasoo taraya ee ku aadan arinta ku saabsan Damaca Gudoomiyenimada Kulmiye Madaweyne Muuse Biixi dabadii oo in muddo ah dhaq dhaqaaqeeduu hakad galay kadib markii dib loo riixay bilawgii sanadkan qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa hadda soo laba kacleeyay waxaana si weyn booskan ugu hanqal taagaya oo uu damac ka hayaa oo u sibir duuban Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Bariga Burco kuwaasi oo qaar ka agdhaw yihiin Madaxweynaha halka kuwa kale oo damaca ka hayo booskani aanay wax xidhiidh ah la lahayn Madaxweynaha balse ay culays ku saarayaan hanaan beeleed inuu sidii loogu wareejiyay u wareejiyo booskan. Hadaba shir weynaha Xisbiga Kulmiye oo la sheegay inuu si rasmi ah doorkan u dhici doono bilawga Bisha Tobnaad ee inagu soo socota ayaa waxaan si fiican loo ogayn in Gudoomiyenimada Kulmiye si daah furan loogu tartami doono iyo in Madaxweyne Muuse Biixi oo Wali Xilkaasi haya in loosii cusboonaysiin doono oo uu sii hayn doono isagu iyo in kale. Culayska ugu badani waxa uu ka imanayaa Siyaasiyiin kasoo jeeda Bariga Burco oo doonaya inuu Madaxweynuhu iska wareejiyo Booskaasi islamarkaana uu ku wareejiyo Beesha Bariga Burco. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka Beesha Bariga Burco ay todobaadkan soo socda kulan culus la qaadanayaan Madaxweyne Biixi kaasi oo in muddo ahba qaban qaabadiisii socotay islamarkaana odayaashaasi horseedkoodii ay hadda soo gaadheen Hargeysa. Kulankan ayaa waxa ugu weyn ee ay Madaxweynaha kala hadlayaan ay noqon doonaan Wareejinta Booska Gudoomiyenimada Kulmiye iyo Cabashooyin kale oo badan oo Beeshaasi ka tirsanayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi kuwaasi oo iskugu jira Arima Ganacsi, Shaqaale dawladeed iyo siyaasadba. Waxaana la sugi doonaa xaaladani halkay marto. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca. Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daa’uud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada. Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo. Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta. Ciidamo ka tirsanaa booliska oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Qaraxaas uu ahaa Ismiidaamin, mana sheegin khasaaraha ka dhashay, waxaana uu tilmaamay in baaris xaqiiqo raadin ah ay socoto. Dhismaha Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo ballac ahaan ku fadhiya inta u dhaxeysa Waddooyinka Warshadaha iyo Soddonka, waxa u kala xir-xiran tahay qaybaha Cayaaraha, Dhismaha Xaruntii Xisbiga iyo Xeryo Cuuryaamiinta oo ay degen Ciidamada Militariga. Dhismaha Xero Cuuryaamiinta oo labo qayb ah, waxaa dhinac degen Askar katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan Guutada 12-ka April, halka qaybta dhanka laamiga Soddonka xigta ay deegaan u tahay dad rayid ah. Wixii kusoo kordha khasaaraha ka dhashay qaraxaas kala soco Caasimadda Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay dib ugu celiyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI mid kamid ah labadii xubnood ee uu xisbigaas u soo magacaabay inay sida joogtada ah ula shaqeeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka (Task Force), waxaana la sheegay inay ka dalbadeen in ay xubintaas ay baddalkeeda soo magacaabaan. Labada xubnood ee uu xisbiga WADDANI u soo magacaabay inay farsamo ahaan ula shaqeeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa kale ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare ” iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, balse Komishanka Doorashooyinka ayaa diiday oo dib ugu celiyey Xisbiga WADDANI Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay ka codsadeen inay baddelkiisa soo magacaabaan,iyadoo uu Xisbiga WADDANI uu u soo magacaabay xubintaas Khadar Xuseen Cabdi. Dhanka kalena Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay diidista Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid inay ku sababeeyeen inuu yahay Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. Geesta kalena saddexda Xisbi Qaranka ayaa min laba xubnood oo farsamo ahaan ula shaqeeya Komishanka Doorashooyinka Qaranka u magacaaba, waxaana hadda Xisbiga WADDANI ugu qoran Ismaaciil Adan Cismaan Iyo Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa si adag u dhaliilay nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku maamusho isaga oo dhinaca kale xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE ku eedeeyey halka ay mareen Boqollaal Guri oo dan guud ahaan oo ku kala yaallay xaafadaha shacabka iyo Indian Line-ka ee Magaalada Hargeysa iyo waliba sidoo kale isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdo uu dhawaan dalka Turkiga ka maqlay oo ah in ay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku taallo xaafad loo bixiyay Booli Qaran oo ah goob ay guryo waaweyn ka iibsadeen saraakiil hore xilal uga soo qabtay Somaliland. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg) oo shalay khudbaddii salaadda Jimce ee Masaajidka Alnuur ku soo qaatay Arrimo badan oo dalka ku saabsan waxa uu si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada Musuqmaasuqu ku hayo waddankeena iyo sida ay umadda u dayaceen cidda hadba masuul looga dhigaa waxaanu Bulshada ku boorriyey in ay fadhiga ka kacaan oo ay dadka ay xilalka u dhiibteen la xisaabtamaan. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre waxa uu wasaaradda hawlaha guud u diray su’aal waxaanu waydiiyay in umaddu ka sugayso inay jawaab uga keenaan halkay ku dambeeyeen dhawr boqol oo guri oo ku yaallay shacabka ilaa Hindiya Laynka. Sidoo kalena ay faahfaahin ka bixiso siday guryahani ugu kala maqan yihiin wasiirro hore iyo masuuliyiin kale. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in haddii ay wasaaraddu arrinkan ay jawaab ka bixin weydo loo arkayo wasaaradda lafteeda la-tuhme eedaysan ah. Sheekh Ismaaciil Dheeg oo hadalkiisa sii wataa waxa uu baaq u diray shacabka Somaliland oo uu ku dhaliilay in aanay waligood xisaabtamin ee ay yihiin ummad ciddii ay dirteen dulmayso isaga oo ku boorriyay in ay fadhiga ka kacaan oo ay xisaabtamaan, waxaanu yidhi: “Maxaynu u xisaabtami la’nahay? Wallaahi haddaynaan xisaabtamin tallaabo qaadi meyno” Dhinaca kale Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Xaafad dhan oo ku taalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo uu sheegay in loo bixiyay Booli Qaran taasi oo ay rag dalkan xilal ka qabtay ka dhisteen guryo waaweyn oo hantidii umadda ah, waxaanu ka digay in dadka umadda dhacay ama xukunkooda ku takri falaya lagu difaaco qabyaalad waxaanu yidhi: “Qabyaaladdu waxa ay inoo noqotay sanab ilaahay sokadii la caabudo”. Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ayaa dhawaan sheegay in go’aanka iyo talada masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ay tahay in marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga ee la filayo inuu bisha tobnaad ee sannadkan ka qabsoomo Magaalada Hargeysa in dib loogu dooranayo Guddoomiyenimada Xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo aanay jirin cid kale oo kula tartami doonta jagadaas. “Maxamuud xaashi waa nin Xisbiga ka tirsan xaqna wuu u leeyahay inuu isa soo sharraxo isaga iyo cid kale oo badaniba marka xilligeedda la gaadho hawsheeda ha noqoto, laakiin waxa weeye hadda xisbi ahaan taladayadu ama go’aankayagu wuxuu ahaa iyadoo laga faa’iidaysanayo khilaafkii berigii hore soo dhexmaray Xisbiga Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo kala soocan, in muddada shanta sannadood ee koobaad ee muddo xileedka Madaxweynaha inuu Madaxweynuhu isku hayo Guddoomiyaha iyo jagada Madaxweynaha intaa wixii ka dambaysa Maxamuud Xaashi iyo cid kasta iyo annigaygan iyo cid walba wuu u furan yahay .” Ayuu yidhi Xasan Siciid. Dhanka kalena Guddoomiyaha qaban-qaabada shir weynaha Afraad ee KULMIYE Cabdikariin Xinif ayaa sheegay inuu ergo ahaan ugu tegay Siyaasi Maxamuud Xaashi, isla markaana uu u sheegay in aanu jaaniskan maanta lahayn Maxamuud ,balse in aanu iska xumayn jaanisyadda dambe “Maxamuud waxaan doonayaa siyaasadda uu Xisbigu qaatay inuu la qaato waan u tegay waxaan ku idhi Maxamuudow maanta jaaniskan ma lihid ee ha iska xumayn jaanisyada dambe,waa laga yaabaa wakhtigan wakhti ay dhaanto in aad jaanis yeelatee ha iska xumayn jaanisyadda dambe Xisbigana dani uguma jirto, wuxuu yidhi arrintaas Maskaxdayda hore uguma jirin Madaxweynuhuna inuu tartamayo oo guddoomiyaha Xisbiga uu noqonayo anniga cidi iima sheegin manaan ogeyn, wuxuu yidhi talo ayaan iskugu noqonayaa taladiina go’aankeedii waan ka sugayaayo odeyn weyn oo is xil qaamay ayaan ahay oo is yidhi waxani inta aanay meel kale gaadhin halkan haddii ay ku bakhtiyi karayso haku bakhtido .” Ayuu yidhi Xinif Waxaanu Guddoomiye Xinif uu intaas ku daray inuu Guddoomiyaha Xisbiga iyo ku-xigeenka uu ku kale dhisayo Madaxweynaha iyo Maxamed Kaahin marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga, isla markaana aanay jirin cid kale oo la tartamaysaa “Han waan leeyahay oo wax ayaan doonayaa, laakiin Guddoomiye Xisbi iyo ku-xigeen toona ma rabo labadaba labadan nin ee jooga ayaan ku kale dhisayaa wakhtigan iminka annigu wakhti kale kama haddal , lakiin jaaniska iminka labadooda ayaa leh warcad saw mahaa ..” Ayuu yidhi Xinif Sidoo kale Guddoomiye Axmed Cabdi dheera ayaa isna mar uu war-baahinta la haddlayey sheegay sidan :- “Musharaxnimada Xisbiga waxay ka soo baxdaa oo gooya hoggaanka Xisbiga iyo golaha fulinta annaga ayaa soo bandhigna qofka aanu ka iibinayno shacabka soo hordhigayno aanu doonayno inuu Xisbiga hore u qaado Xisbiga ayaa keenay kama yimaado banaanka kama yimaado gole deegaan oo la isku sharaxayana maaha waa Xisbi himilo leh ninkii himiladiisa hore u sii qaadayaa Xisbiga ayuu ka dhex yimadaa, arrinkaa Maxamuud-na xor ayuu u yahay wuxuu odhanayo, lakiin Guddoomiyenimada Xisbiga maanta waxa ah oo haya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Xisbiga ah isma uu soo sharixin oo war-baahinta, iska muu soo sharixin Xisbiga dhex-diisa ayaa laga sharaxay Siilaanyona Xisbiga dhex-diisa ayaa Xisbiga dhex-diisa ayaa laga sharaxay labadaa Guddoomiye ayaa soo maray Xisbiga, iminkana wuxuu ka soo dhex baxayaa Xisbiga Musharaxa Guddoomiyaha Xisbiga noqonaya marka ay gaadho wakhtigeeda “Ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere. Si Kastaba ha-ahaatee Guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ku dhawaaqday toddabaadkii hore inuu bisha tobnaad ee sannadka 2020-ka uu shir weynihii afraad ee Xisbigu uu ka qabsoomidoono Magaalada Hargeysa, waxaanay masuuliyiinta Xisbiga ay horay u sheegaan in Guddoomiyenimada Xisbiga dib loogu dooran doono Madaxweyne Muuse Biixi oo hadda haye xilkaas, balse waxay bulshada reer Somaliland ay dhawrayaan halka uu ku dambayn doono hankii Siyaasi Maxamuud xaashi iyo damaciisii Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE,waxaynu dhawrnaa waa shir weynaha afraad ee KULMIYE iyo bisha fooda inagu soo haysa ee Oktoobar 2020-ka . Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu dhawr jeer oo uu war-baahinta la haddlay shaaciyay inuu yahay musharrax u taaggan jagada Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE marka la gaadho shir weynaha afraad ee Xisbiga,kaas oo la filayo inuu ka qabsoomo bisha tobnaad ee sannadka 2020-ka Magaalada Hargeysa sida ay sheegeen guddida qaban-qaabaada shirkaas. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa ah siyaasiga kaliya ee ilaa hadda caddeeyay hankiisa Hoggaanka Guddoomiye xisbiga KULMIYE oo uu guddoomiye ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi,haseyeeshee hankaa Siyaasi Maxamuud ayaa wax sas ka qaaday masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay qarkood sheegeen inay ugu tageen ergo,isla markaana ay u sheegeen inuu ka laabto go’aankiisa,iyagoo u caddeeyey in Madaxweynaha dib loogu dooranayo Guddoomiyenimada KULMIYE marka la gaadho shir weynaha Xisbiga ee muddaysan bishan tobnaad ee sannadka 2020-ka Source
-
Muqdisho (Caasimadad Online) – Qarax aad u xoogaan ayaa daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska General Daa’uud. Warar hordhac ah oo laga helay qaraxa ayaa sheegayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xerada Guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo ku taalo dhabarka dambe ee Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium una dhow Xarunta Cuuryaamiinta. Si rasmi ah looma xaqiijin karo waxa loo adeegsaday qaraxaan, balse waxaa jiro warar kala duwan oo kasoo baxayo, wararka qaar ayaa sheegayo inuu ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo xaruntaas lagu weeraray. Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Dowladda iyo dad shacab ah, kala soco Caasimadda Online wixii kusoo kordha Inshaa Allah.
-
(SLT-Addis Ababa)-Milletariga Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhashay Biyo-xidheenka Abaay ee Itoobiya ka dul dhistay Webiga Niil, kaasi oo Dawladda Masar diiddan tahay. Milletariga Itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay Colaadda muddada dheer jirtay ee u dhaxaysa dalkooda Itoobiya iyo Masar, dedaallada ay xilligan Masar kaga soo horjeeddo Biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil iyo Wefti ay dhawaan Masar u soo dirtay Somaliland, kaasi oo shaki weyn ku abuuray Itoobiya isla-markaana Warar la xaqiijiyey sheegeen inay Somaliland waydiisteen Saldhig Ciidan. Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula oo u warramay Warbaahinta Gudaha ee Itoobiya ayaa ugu horrayn la waydiiyey sida ay Masar dhaqdhaqaaqyada uga bilowday Mandaqadda Geeska Afrika, iyadoo raadinaysa Jid ay Cadaadis ku saari karto Itoobiya, si uu u joojiyo buuxinta Biyo-xidheenka Abaay oo ay aamisan tahay inuu yaraynayo qul-qulka Biyaha Webiga Niil oo 90% Dadka reer Masar ku nool yihiin. Taliye ku-xigeenka ayaa ugu horrayn la waydiiyey su’aal u dhignayd sidan “Dawladda Masar, Arrimaha aynu isku hayno awgeed waxay u soo guurtay Mandaqadda Geeska Afrika, waxayna doonayaan inay Saldhig Ciidan waydiistaan Somaliland, taana Somaliland jawaab bay ka bixisay, Adigu sideed arrintaas u aragtaan ? Taliye ku-xigeenka oo Su’aashaa ka jawaabayaana wuxuu yidhi “Arrintani arrin cusub maaha, 400 sano ee aynu ka soo gudubnay Masaaridu waa istaraatiijiyad ay ku dhaqmi jirtay, dagaalo ay si dadban noola gashay, taasna guul-darro ayay kala kulantay. Ta labaad Qorshaheeda 400 sano ka hor hadday ku fashilantay, 400 sano ka dib, wax badan baa isbeddelay (Adduunka), haddii aan iyaga ahay Istaraatiijiyaddaa gabowday waan beddeli lahaa, taasi oo ku salaysan dagaal, maxaa yeelay Waddamadii dhaqaale ahaan way isbeddeleen, Bulshada ayaa is beddeshay, siyaasaddii ayaa isbeddeshay, Tiknoojiyadda, sidaasi darteed Istaraatiijaddaa gabowday ee dagaalka ku salaysan inay beddesho ayay ahayd, Waayo? Istaraatiijiyaddaa gabowday u saamixi mayso inay yeelato Maamulka Biyaha Webiga Wiil.” General Berhanu Jula wuxuu sheegay oo kale “Webiga Abaay, Mulki ahaan cidda iska leh waa Annaga (Itoobiya) inuu dal kale iska soo boodo oo uu Lahaanshiyihiisa sheegto dhicimayso, Lahaanshiyaha Itoobiya ee Abaay way Caddahay, Masaaridu si kasta oo ay dagaal isugu dayaan ka macaashi maayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey Wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, Waayo? Somaliland mowqifkeeda way caddaysay.” Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomaniyo ayaa waxaa soo dhoweeyay diiran loogu sameeyay deegaanka Horogle e gobolka Mudug. Soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada oo u badan dhallinyaro iyo wax-garadka deegaan. Dhinaca kale madaxweynaha punland waxaana soo dhaweynta kaddib socdaalkiisa deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ku tagay Cagaaran waxaana uu kulan looga hadlayay amniga la qaatay nabadoonada iyo Waxgaradka deegaanka Cagaaran isagoo kala hadlay xaaladda guud ee deegaanka, ka shaqeynta Amniga iyo horumarka guud. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhaggax dhigay Ceel-Biyood laga hirgalinayo deegaankaasi. Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweynaha punland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago gobolka Mudug deegaannadiisa qeybta ay maamusho punland tan iyo markii uu qabtay hogaanka dowlad goboleedka Punland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku waajahan doodda la sheegay in Golaha Wasiirrada Kenya ka doodi doonaan aqoonsiga Somaliland, waxayna xustay inay Caalamka xaqa ugu leedahay aqoonsi caalamiya inay ka hesho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xidhiidh dhinacayo badan leh leenahay, weftiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si leeg weftiyo ayeynu u dirnay, markaas inaynu xidhiidhkeena iyo iskaashiga aynu leenahayna weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya, Waddamada aynu jaarka nahay iyo Caalamkaba inay inay ka marag kacaan qaranimadeena iyo dawladnimadeena oo ay aqoonsiga aynu xaqa u leenahay ina siyaan ayeynu ka rabnaa”. Mar uu ka hadlayey is beddelka ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa wuxuu yidhi “Xidhiidh fiican baynu leenahay Waddamada kale ee Caalamka, markaas mar walba diyaar ayaanu u nahay in xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka sii laba jibaarno, maxaa yeelay waxaynu nahay dal jira oo jiri doona haddii Allaah yidhaahdo, waxaynu nahay dal leh wax walba oo dal iyo dawladnimo looga baahan yahay, shuruudihii dal madax banaan looga baahnaana weynu buuxinay, sidaas darteed halgan waxaynu ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, iskaashigeena Diblamaasiyadeedna u sii balaadhin lahayn, ee Shacabkeena reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ku dhiirigelinayaa inay dalkooda ogaadaan, oo noqdaan muwaadiniin qaranimadooda meel kasta ku soo bandhiga, waxaan ku dhiirigelinayaa inay isku duubnadaan oo qarankooda meel uga soo wada jeestaan” Source
-
Maanta Waxaa kulan yeelanaya Baarlamaanka walhtigiisu dhamaadka yahay, kulankaasoo laga cabsi qabo inuu isu badalo buuq iyo sawaxan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa lagusoo waramayaa [...] The post Breaking News— Xiisad ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmaya appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta ay yeeshaan kulan, kaasoo ka dhici doonto xarunta Golaha Shacabka Muqdisho. Kulankaan ayaa ah mid walaac badan laga muujinaayo maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Olole ay ku doonayaan Muddo korosi, waxaana Xildhibaanada qaar ay sheegeen in ay rabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah. Warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo in Kulanka maanta uu yeelanayo Golaha Shacabka laga qabo tuhun ah inuu mar qura ajandihiisa is bedelo, si la mid ah qaabkii loo riday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ajandaha aan ku jirin markii codka kalsoonida loo qaadayay Xukuumaddiisa. Ajandaha Maanta ee kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah Akhrinta koowaad ee Sharciga Dambiyada Galmada la xiriira sida lagu sheegay fariimaha uu guddoonka Baarlamaanka Xalay u diray Xildhibaanada. 25-kii bishii hore ee July ayay aheyd markii Xildhibaannada farriin qoraal loogu diray Ajandaha kulanka ka doodista Doorashooyinka 2020/21 uu mar qura isu bedelay kalsooni u qaadista Xukuumadda, waxaana durbadiiba si fowdo iyo buuq ku jira loo riday Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre. Shirar gaar gaar ah oo maalmihii la soo dhaafay lahaayeen Xildhibaannada ayaa shaki weyn dhaliyay, kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada ay sheegeen in Baarlamaanka bedeli kara oo kaliya uu yahay mid la soo doorto, iyagoo taageeray doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda. Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigii ugu dambeeyay muddo xil-heyntooda ayaa meelmariyay qodobo laf-dhabar u ah doorashada dalka gaar ahaan qof iyo cod. Golaha ayaa sheegay in haatan dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne si looga gudbo mid dadban oo lagu soo dhigay Dowladda haatan talada heysa, waxaana ay si cad u sheegeen Xildhibaannada iyo Guddoonkooda in halis nafeed ka dhalatay ergada wax dooraneysa. Qodobo dhowr ah ayay Aqrin, Dood iyo codeyn geliyeen, inkasta oo Golaha Aqalka sare BFS oo loo gudbiyo xeerarka iyo qodobada Golaha Shacabka mara ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen ansixinta Aqalka Shacabka. Guddoomisada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa golaha u bandhigtay bilo dheeraad ah oo ku eg Agoosto sanadka soo socda 2021-ka oo haddii loo ogolaado ay ku hirgelin karaan Codeyn Dadweyne.
