Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan hay’adda dambi baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa shalay shan qof u xiray tuhunno la xariira weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar. Shanta qof oo ay saakay xireen ciidanka amniga ayaa kala ah 3 qof oo ka tirsan dhaqaatiirta xabsiga dhexe ee qaabilsan daaweynta maxaabista, iyo laba qof oo ahaa askar si gaar ah u qaabilsanaa haynta furayaasha qolalka maxaabiista. Sidoo kale xogta aan helnay aya sheegeysa in shanta qof, qof kamid ah ay tahay Haweeney dhaqtarad ah waxaana wali socda baaritaanka dadkaan. CID ayaa shalay iyo dorraad dhowr jeer tagtay xabsiga dhexe waxayna la kulmeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta waxaana loo sheegay in wali socdo baaritaano culus. Guddigii loo xil saaray in ay kiiskaan baaraan ayaa wada dadaalo xoogleh waxaana soconaya baaritaan adag. Tirada dadka loo xiray weerarkaan ayaa hadda gaaray 9 qof waxaana la aaminsan yahay in tirada intaan ka badan karto haddii la eego qaabka baaritaanka u socdo. Xariga shalay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale shalay halkaas laga soo xiray afar kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliya oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil sare. Sidoo kale, taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shalay bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga. Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee dalka, waxuuna sheegay in reer Muqdisho ay haatan ciil meel la jiifaan. Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay inay riyo ku jiraan dadka qaba doorasho qof iyo cod ah inay dalka ka dhaceyso, isaga oo sheegay in reer Muqdisho aysan yeeli doonin in magaaladooda doorasho lagu qabto. “Niman maraakiib suubsaday, laakiin bad ay ku wadaan aan qabin waaye xaalka hada ii muuqda, doorashada la sheegayana dalkan kama dhici karto, sababtoo ah tira koob dadkan laguma sameyn” ayuu yiri. Darba-weyne ayaa intaas ku sii daray, “Gobolka Banaadir ayey doorashadu ka dhaceebey ku leeyihiin gobolka Banaadir isagaanba dowlad-goboleed lahayn, canshuurna bixiya oo ciil meel la jiifa, cid aan ka yeelaynana malahan doorasho meeshaan halagu qabto, nin walba gobolkiisii ayuu aadaa, taas horayna waan u sheegay.” Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay in hadii la isku dayo in la tirakoobo dadka, si loo aado doorasho qof iyo cod ah, ay ka soo hor jeesanayaan dad uu sheegay inay baarlamaanka xoog ku heystaan. Waxa uu sheegay in sida u muuqata lagu qasbanaa doono in odayaasha dhaqanka ay soo doortaan xildhibaanada soo socda, isagoo soo jeediyey in odayaasha wax soo dooranaya cariiri la geliyo, si loo yareeyo musuq-maasuqa. “Koley odayaal dhaqameed ayaa wax soo dooran doona, laakiin iyaga xataa waxaan qabaa in cariiri la geliyo oo qof kasta 330 ayaa soo dooranee la dhaho, balse doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto, waase noo kal dambe” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey. Hoos ka Daawo
  3. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Xubno Ka Tirsan golaha wasiirada maamulkaasi, ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu muujinayay wax soo saarka gobalka iyo doorashada hoggaanka iskaashatooyinka beeraleeyda. Kulanka ayaa intii uu socday lagu doortay hogaanka iskaashatooyinka beeraleyda gobalka kadib codeyn ay sameeyeen gudiga iskaashatada beeraleyda gobalka iyadoona halkaasi lagu doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen waxaana loo doortay gudoomiyaha iskaashatooyinka beeraleyda gobalka Cali Cabdul Aadan (Daacad) halka gudoomiye ku xigeena loo doortay Cabdulqaadir Cabdullaahi Aadan (Xusuleey). Kulanakaasi waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriira ujeedka kulanka iyo baahida keentay,halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha doorshada hogaanka beeraleyda gobalka mudug siciid Maxamuud Jimcaale iyo Guddoomiyaha cusub ee iskaashatooyinka beeraleyda gobalka mudug Cali Cabdul Aadan (Cali daacad) PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo ka qayb-galay Doorashad Iskaashatada Beeraleyda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Imaaraadka iyo Isra’il oo Heshiis Xasaasi ah gaadhay+M/weyne Trump oo ka hadlay Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay isku raaceen inay sameystaan xiriir diblomaasiyadeed, kaasi oo qeyb ka ah heshiis ay Israel ku hakineyso goosashada dhulka Daanta Galbeed. Arrintan ayaa ka dhigeysa Imaaraadka Carabta dalkii ugu horreeyey oo ka mid ah kuwa Khaliijka, iyo dalkii saddexaad oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la yeesha Israel. Israel ayaa horey xiriir ula lahayd dalalka Masar iyo Jordan. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay warsaxaafadeed kasoo baxay labada dal, oo ay ku xaqiijinayaan heshiiska. Trump wuxuu weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad inay tahay “daqiiqad taariikhi ah.” “Maadaama hadda laga gudbay xujadii, waxaan filayaa in dalal badan oo Carab iyo Muslim ay ku daydaan Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri Trump. Xiriirka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul naadir oo diblomaasiyadeed u ah Trump ka hor doorashada madaxweynaha ee dhaceysa bisha November. Sarkaal sare oo Falastiini ah, Hanan Ashrawi ayaa dhaliishay heshiiska, waxayna qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku sheegtay inuu sii dheeraynayo haysashada Israel ee Daanta Galbeed. Qaran News
  5. Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro isxigxigay oo xalay lagu qaaday Xarumo Dawlada Somalia leedahay oo ku yaalla Muqdisho Waxaa caawa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro bambaano oo lagu qaaday qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo xarumo kale oo ciidanka dowlada ku sugan yihiin. Weeraradan bambaano ayaana ka dhacay magaalada Muqdisho caawa daqiiqado isku dhaw dhaw, dadka ag degan goobaha lagu tuuray bambaanooyinkan ayaana aad uga argagaxay, waxaayna ciidamada dowlada fureen rasaas jawaab celin ah. Goobaha caawa bambaanooyinka lagu tuuray ayaa waxaa kamid ah xarumaha degmooyinka Waabari, Shibis, Kaaraan, Dharkeenley ,Wadajir iyo xarumo waaxeedyo kale oo kuyaala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho . Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere oo Warbaahinta Muqdisho caawa la hadlay ayaa sheegay in dhawr goobood oo ay ku jiraan xarumo degmooyin lagu weeraray qaraxyo bambaano . Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxyadan ku dhaawacmeen afar qof oo sadex kamid ah yihiin shacab halka qofka kalana uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowlada, waxa uuna xusay in ciidamada qabteen labo qof oo la tuhmayo in weerarada qeyb ka ahaayeen. Magaalada Muqdisho amaankeeda ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid sii hagaagayey hase yeeshee waxay shacabka ku dhaqan caasimada ka cabsi qabaa in isbadalka ku yimid dowlada in ay abuuraan falal xasilooni daro ah. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo ahna mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa markale ka hadlay arrimaha doorashooyinka oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka. Xoghayaha ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo isa-siiyey kursiga, xili la fahamsan yahay inuu dhawaan daaqada ka saaray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxa uu xusay in madaxweyne Farmaajo uu si cad u baal-maray nidaamka dimquraadiga ah, maadama uu u haysto in isaga keligii loo shaqeeyo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Odowaa ayaa waxa kale oo uu sheegay in gebi ahaanba uu lumay isla xisaabtankii dowladdu, isagoona carabaabay in xukuumaddii Kheyre ay daaqada uga baxday arrintaasi oo horseeday khilaaf hor leh. “Xasan Cali Kheyre wuxuu u qaatay in Farmaajo kursiga sadaqo ku siiyey, Farmaajana wuxuu u qaatay kursiga in uu isagu leeyahay oo loo shaqeeyo, niyow dimuqraadiyaddu sidaas maahan” ayuu yiri Xoghaye Odowaa. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Xisaabinta ayaa ka maqan, waxay sameeyeen baarlamaankii, waa la gaday oo nus wasiira laga dhigay, nusna mushahar baa loo qoray, guddoonkii waa lala diriray, wixii waa la kala haatiyey, waxaa xumaadey isla xisaabtankii, markii dambe iyagaaba is-cunay”. Odowaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u taageeray xil ka qaadistii Kheyre oo ay horseed u aheyd khilaafkii doorashooyinka ee soo kala dhex-galay Farmaajo, inkasta oo uu sheegay inuu kasoo horjeedo aragtida Villa Somalia ee ay isku qabteen Kheyre ee muddo kororsiga.
  7. @US2Somalia is eagerly waiting for #Dhusamareb 3 Mtg results. The need for wide spread consultations & genuine compromise is key. The election model needs broad based support from FGS, FMS, Parliament, & other stakeholders. Timely elections, no mandate extensions. #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 13, 2020 Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadkii 2013-kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dooneysay in ay abuurto ciidan argagixiso la dirir ah, si ay u wajahaan Al-Shabaab oo doonaya in ay dowladda talada ka tuuraan. Kadib wadaxaajood ay Soomaaliya la gashay Maraykanka, ciidan gaar ah ayaa la sameeyay sanadkii 2014-kii, magacoodu waa Guutada Danab. Ciidankaasi waxay heleen sumcad ah ciidanka ugu tayada badan ee Soomaaliya, waxaana maal-geliya Dowladda Maraykanka. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Difaaca Maraykanka oo wax badan ka ogaa wadahadaladii lagu dhisay ee Mareykanka iyo Soomaaliya dhex maray, saraakiisha Maraykanka ayaa weli saameyn ku leh qaabka ay hadda u howlgalaan ciidanka Danab. Markii u horeysay maalgelinta Danab wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa loo soo marsiin jiray, waxana bixin jirtay shirkad military oo gaar loo leeyahay, taasi oo lagu magacaabo Bancroft Global Development. Shaqaalaha Bancroft ee sameeyay Danab ayaa weli tababara, isla markaana la-taliya ciidanka. Shaqaalaha Bancroft ma wada ahan American, waxaa ku jira kuwo u dhashay Koofur Africa, Ingiriiska iyo kuwo kale oo Europe u dhashay, mana qabto sharciga howlgallada ee military-ga Maraykanka. Tommy Ross, ku xigeenkii hore ee kaaliya wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in uu u malaynayo in xiriirka u dhexeeya Bancroft iyo wasaaradda arrimaha dibadda uu yahay “wado musiibo”, laakiin walaacaas kama uusan muujin ciidanka Maraykanka ah ee haga Danab. Ross ayaa sheegay in Bancroft ay shaqooyin kale ku heyso Soomaaliya. “waxaan ka werwersanahay daneysiga jira iyo ka faa’iideysiga cuuryaamin kara siyaasadda Maraykanka iyo danihiisa Soomaaliya” ayuu yiri. Maal-gelinta wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka weli waa ay socotaa, waxayna sidoo kale kaalmadu ka timaadaa military-ga Maraykanka, qaarkoodna waxaa toos loo siiyaa Danab. Maal-gelintaas waxay hoos tagtaa barnaamijka 127e, oo military-ga Maraykanka u ogolaada in ay ciidanka maxaliga ah u adeegsadaan howlgallada argagixiso la dirirka. Waxaa intaas dheer, AFRICOM ayaa baaraha guud ee wasaaradda difaaca u sheegay u sheegay in ay fududeeyaan qalabka loo soo iibinayo ama loo geynayo Danab. iyadoo ay indha-indheynayaan qaybta 333-aad, taasi oo ogolaata tababarrada iyo qalabka la siiyo wadamadda shisheeye si loo kordhiyo awoodda ciidamada shisheeye ay u leeyihiin argagixiso la dirirka. Sida uu sheegay hoggaankii hore ee Danab, maalgelinta tooska ah waxay ciidanka u ogolaaneeysaa in ay deg-deg ula qabsadaan xaaladaha is bedelaya. Ciidanka gaarka ah ee Maraykanka waxay sidoo kale Tababarro siiyaan askarta Danab. Ugu yaraan hal howlgal oo 12-kii July 2019-kii ka dhacay meel u dhow deegaanka Shanta Baraako ee gobolka Shabeellada Hoose oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen, ayey ciidanka Mareykanku goob joog ka ahaayeen markii Danab laba qof oo rayid ah dileen. Afayeenka taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in ciidanka Maraykanku ay joogeen goobta, balse aysan ku lug lahayn dagaal toos ah. Taliyeyaashii hore ee Danab iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in dilka dad shacab ah iyadoo ay goobta joogaan ciidanka Maraykanka iyo kuwa Bancroft aysan joogto ahayn. Sanadkii lasoo dhafay Danab iyo Maraykanka ayaa lagu eedeeyay waxyeeladda rayidka iyo xarig aan sharci ahayn. Xildhibaan Mahad Dhoore oo kasoo jeeda magaalada Marka ayaa diiwaan geliyay ugu yaraan lix dhacdo oo shacab lagu dilay, isla markaana hanti lagu bur-buriyay. Waxaa la weydiiyay waxa wadamada Afrika ay u baahanyihiin in ay ogolaadaan marka ciidanka Maraykanku ay dalkooda imaanayaan, waxuuna Xildhibaan Dhoore ku jawaabay “waxay ku xirantahay sharciga wadankaas, haddii uu sharci la’aan yahay sida Soomaaliya, waxaba ma hagaagayaan.” Awooda Moodeelka ah Guutada Danab waxay si toos ah shaqada ula wareegeen sanadkii 2015-kii, sida uu sheegay Paul Williams, oo ah professor ka tirsan Jamaacadda George Washington, isla markaana howlaha Danab u baaray sidii ay isugu xigeen. 2017-kii waxay tusaale u noqdeen sida ay ciidan gaar ah ee Soomaaliya u ekaan karaan, kuwaas oo ah ciidan aad u hubeysan, aad u tababaran, oo isku-dhafan, tayona lagu qoray, isla markaana la siinayo mushaar joogto ah. Danab waxay cayaareen door muhiim ah, iyagoo la safab Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Waa AMISOM. Howlgal ay qayb ka ahaayeen ciidanka Danab ayaa ku guulleystay in Al-shabaab si nadiif ah looga xoreeyo Bariirre oo ahayd magaalo muhiim u ahayd howlgalka, balse ciidanku waa ay awoodi waayeen in ay sii heystaan. Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan Danab ayaa lagu dilay markii ay Al-shabaab magaaladda dib u qabsadeen dabayaaqadii September ee sanadkii 2017-kii. Taasi waxay cadeysay meelaha ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ka nugulyihiin, inkastoo ay Al-shabaab ka saari karaan magaalooyinka, hadana waa ay ku adagtahay in ay sii heystaan. “Ciidanka Qaranka Soomaaliya uma tababarna in ay sii heystaan magaalooyinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ahaa wasiirkii amniga ee sanadkii 2015-kii ilaa 2017-kii. Waxaa uu hadalkiisa ku daray, “Danab inta badan waxay howlgallada sameeyaan habeenkii, waxay leeyihyihiin bartilmaameedyo qorsheysan in ay weeraraan, waxayna dib ugu soo laabtaan saldhigyadooda.” Bishi March ee sanadkaan, agaasime ku xigeenka howlgallada ee Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika Miguel Castellanos ayaa sheegay in Maraykanku taageerada Danab sii wadi doono ugu yaraan ilaa sanadka 2027-ka, ciidankana waxaa la gaarsiin doonaa illaa 3,000 oo askari, sida xilligaas uu balan qaaday.
  9. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-13082020-ok.mp3 View the full article
  10. Somali National Army (SNA) on Wednesday killed 16 al-Shabab extremists and injured 20 others in a fierce fight in Ba'adweyn town in the central region of Mudug, a military officer confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf sababay gacan ka hadal ayaa maanta dhaxmaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga xilli uu socday shirka sii hayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Amardambe iyo wasiiru dowlihiisa Maxamed Cali Xagaa ayaa la sheegay in dood dhaxmartay ay sababtay in ay gacanta iskula tagaan, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo goobjoog ahaa kulankii maanta. Doodda labada wasiir ayaa salka ku heysay arrimo shaqo, waxaana la sheegay in aysan jirin cid kala dhax-gashay ilaa ay gacanta iskula tagaan waxaana goobjoog ahaa sii haya xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa Caasimada Online u sheegay in maamul xumo, is barbar yaac iyo nidaam la’aanba ay ka jirto shirka wasiirada tan iyo markii uu xilka ka digay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu shirka ka baxay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Amardambe iyadoona wixii markaas ka dambeeyay si la soo gaba gabeeyay shirkii wasiirada. Labadaan wasiir ayaa sidoo kale ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu soo kala doortay Muqdisho iyo Baydhabo waxaana khilaafkooda uu noqday hadal weyn oo ka jirta Muqdisho.
  12. Israel and the United Arab Emirates have reached an agreement - brokered by the United States - to work towards a "full normalisation of relations", a deal the Palestinians called a "treacherous stab in the back". Source: Hiiraan Online
  13. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Lemma Megerssa, oo mar ay xulufo dhow ahaayeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa la geliyey xabsi guri, sida ay werinayaan warbaahinta dalkaas. Wargeyska Addis Standard iyo sidoo kale, Ethiopia Insider ayaa labaduba xaqiijiyey warkan oo baraha bulshada aad u haystay tan iyo shalay. Xogta Addis Standard ayaa sheegeysa in taliyaha ciidamada difaaca Itoobiya Jeneral Adem Mohammed uu habeenkii Talaadada u sheegay Lemma inuu ku negaado gurigiisa oo ku yaalla waddada Bole ee magaalada Addis-Ababa illaa “amar dambe laga soo saarayo.” Sidoo kale, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda difaaca, oo ay ku jiraan xoghayihiisa ayaa loo diiday inay galaan xafiiska wasiirka, waxaana goor dambe baaritaan ku sameeyey ciidamada booliska federaalka. Lemma oo Oromo ah ayaa waxaa wasiirka difaaca loo magacaabay 18-kii April 2019. Xiriirka Lemma iyo Abiy Ahmed ayaa xumaaday kadib markii uu si furan u cambaareeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, isaga oo kasoo horjeestay qorshihii lagu burburiyey isbahaysiga EPRDF, kaasi oo lagu bedelay xisbiga PP. Xiisadda labada mas’uul ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xiro shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira dibad-baxyadii looga soo horjeeday dilka. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa Addis Standard u xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xiriir la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy.
  14. The Somali government said it will reopen primary and secondary schools on Saturday, four months after closure due to the COVID-19 pandemic. The Education Minister Godah Barre said on Wednesday the government has put in place the necessary preventive measures to ensure smooth learning resumes across the Horn of Africa nation. Barre said all learners will be required to wear face masks and maintain social distancing among other measures in accordance with the ministry’s health guidelines to help contain the respiratory disease. Somalia closed learning institutions in April following a spike of the COVID-19 cases in the country. The country’s total number of COVID-19 cases reached 3,227 as of Tuesday with 1,728 recoveries, according to the ministry of health. The ministry said some 93 people have succumbed to the disease since the first COVID-19 case in the country was first reported in April. View the full article
  15. Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Heshiiska Goluhu ay meel mariyeen oo ay wada gaareen 55 wadan oo Qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaan si xur ah. Ujeeda aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha. Janaayo 2012 ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay Midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu ansixyay in la aasaaso Aaagga Ganacsiga Xorta ah ee Africa (AfCFTA). Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa Guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso Qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga Qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khaamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya maanta waxaa lagu ansixiyey heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda heshiiska goluhu ay meel mariyeen, waxaa wada gaaray 55-dal oo qaaradda Afrika ah, waxuuna qeexayaa in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga, si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa, weliba si xur ah. “Ujeedka aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaq-dhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maal-gashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika, iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha” ayaa lagu yiri qoraalka. Bishii Janaayo ee sanadkii 2012-kii fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika, shirkoodii 18-aad oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaa lagu ansixyay in la aas-aaso Aagga Ganacsiga Xorta ah ee qaaradda Afrika (AfCFTA). “Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda. Dhanka kale kulankii maanta ee golaha wasiirrada waxaa looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda cudurka COVID-19, waxaana shir guddoominayey sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.
  17. Roobab ka da’aya Buuralayda Itoobiya, ayaa sababay in uu soo buuxsamo Wabiga shabeelle, taa oo sare u qaadday cabsida laga qabo in uu Webiga sameeyo fatahaado. Degmooyinka Beledweyn iyo Jowhar uu maro Wabiga Shabeelle ayaa heerka Wabiga ayaa sare u kacayay maalinba maalinta ka danbeysa taas oo hadda ka dhigan in cabsida laga qabo qatar fatahaadeed oo dhacda in ay tahay mid aad u sarreysa. Saadaasha Roobabka Itoobiya labada toddobaad ee soo socota ayaa tilmaameysa in Buuralayda uu ka soo bilaabmo Wabiga Shabelle ay ku di’i doonaan Roobab aad uga badan qiyaasti ay hore u heli jirtay. Taas oo sare u qaadeysa baaxadda biyaha soo galaya Wabiga iyo qatarta fatahaadda,Sidaa darteed, 72 da saac ee soo socota ayaa waxaa laga cabsi qabaa in degmooyinkaasi uu Wabigu ku fataho, taas oo saameyn ku yeelan karta hab nololeedka dadka iyo duunyadaba. Hadaba, waxaan uga digaynaa bulshada ku dhaqan hareeraha wabiga in ay qaadaan tallaabooyinka muhiimka u ah badbaadada naftooda iyo hantidoodaba. Ujeedka aan warbixintan idinla wadaageyno waxey tahay la xoojiyo diyaar garoowga bulshada, in la isku dayo in la yareeyo saameynta ay fataahadda ku yeelan karto nafta iyo maalka dadka ku nool meelaha ay halista ka jirto. Iyadoo ay wali jiraan saameynta fatahaadaha ee bishi la soo dhaafay ka dhacay degmooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa waxey wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan Magaalooyinka uu Webiga Shabelle maro. Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladahaan, waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda. Halkan Ka Daawo Warbioxin Ku Saabsan Cabdsida Laga Qabo Fataahadaha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp-2.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Agriculture Cabinet Secretary Peter Munya has revoked the appointment of the entire Miraa Task Force Report Implementation Technical Team. In a Gazette notice dated Wednesday, August 12, the CS noted that the revocation ... Source: Hiiraan Online
  19. Qoraal ay Safaarada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya ay soo dhigeen Bartiisa Twitterka ayay ku sheegeen in ay sugayaan Natiijada Shirka Dhuusamareeb. Qoraalkaan ayaa yimid kadib [...] The post Maraykanka oo sheegay inay indhaha ku hayaan Shirka Dhuusamareeb , Kana digay.. appeared first on . Source
  20. Mogadishu (PP) — Somalia’s transformation from a failed state to a semi-functioning polity is being hampered by superpowers jostling to control resources in the Horn of Africa country. This is the impression given by a tweet of the Chinese Embassy in Somalia. The tweet stated the politically obvious mantra that resources in Somalia belong to Somali people and that resources can contribute to the economic development in Somalia. The tweet hints at a new stage for the superpower competition for resources in the Horn of Africa. Its indirect foray into resources in Somalia began with the fisheries agreement with the Federal Government of Somalia. The agreement gives the Federal Government of Somalia the authority to issue fisheries licenses. Five key players in oil exploration in Somalia. Somalia was a major recipient of China’s aid from 1960 to 1990 in addition to the cancellation of debts Somalis owed China. China cancelled the debt “without requiring any programme of reforms” writes Deborhan Brautigam in China–Africa and an Economic Transformation. China did not contribute “troops to the two UN missions and the US-led operation in Somalia between 1992 and 1995 and subsequent two UN Missions but it endorsed all operations due to humanitarian goals. China is eyeing offshore oil exploration in Somalia. Its companies have a foothold in South Sudan and Ethiopia (where Haile Selassie granted Sinclar Oil exploration rights during 1940s to consolidate Ethiopia’s sovereignty in the Ogaden. The competition for resources in Somalia has two aspects. One between major western superpowers – USA and Britain. “Somalia has reached an agreement with a dormant Royal Dutch Shell and ExxonMobil joint venture to settle payments for rental fees for offshore blocks, as the east African nation seeks to promote the development of its resources. The [petroleum] ministry is also expected to honour legacy contracts including the one signed in 2014 by Soma Oil and Gas, which was chaired by former Conservative party leader Michael Howard up until June of last year” reported the Financial Times. Soma Oil has since changed its name to Coastline. Eni, an Italian legacy company, is reportedly included in companies seeking oil productions rights. “Somalia has better benefit from its resources. The burning question is do Somalis have political leaders at all levels, federal and sub-federal, who are able to help Somalia make better use of its resource bonanza? ” asks Ali Yusuf, a political analyst in Hargeisa . The resource-sharing agreement and the Petroleum Law are two paths that could ease Somalia into an age of prosperity. This optimism does not hold water given the goals of oil exploration strategies. The Financial Times reported that sale of oil blocks to Western companies would “ fund rebuilding”. The annual peace-keeping bill for the The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is $600, 000, 000 to contain the threat of Al-shabaab to global security. This increasing bill of the peace-keeping mission impedes the reconstruction of Somalia. Funds that could be channeled into reconstruction now get used for AMISOM operations. So much depends on how the Somali political class reduces reliance on AMISOM and shows the ability to fight corruption. As for now the clash between reconstruction imperatives for Somalia and the need to make Somalia less of a threat to global security prompted superpowers to persuade the Somali political leaders to accept footing the AMISOM peacekeeping bill through funds from any successful offshore oil drilling in Somali waters. The Federal Government of Somalia has been accused of keeping citizens in the dark about oil exploration agreements and that superpowers could put pressure on Somali political leaders to refuse to honour legacy agreements with some companies. “It is unfair to Somalis if the Federal Government of Somalia became a tool to advance the interests of foreign countries. Lack of separation of powers and absence of transparency and debate about offshore oil exploration in Somali waters foreshadows a future in which resource curse will befall Somalia if its political leaders remain indifferent to the plan to make Somalia pay peacekeeping forces through funds from hydrocarbon resources if and when Somalia becomes an oil-rich country. © Puntland Post, 2020 The post SUPER POWER COMPETITION FOR RESOURCES IN SOMALIA HEATS UP appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,kaddib socdaal hawleed qaatay mudo labo usbuuc ah. Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Xubno katiran Golleyaasha Xukuumadda & Baarlamaanka, maamulka caasimadda yo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug. Madaxweynaha oo hadal kooban siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareb 3 Waqtigii loo asteeyey uu ku qabsoomayo. Halkan Ka Eeg Sawiradda Qoor Qoor Oo Gaaray Galmudug Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. Heshiiska goluhu ay meel mariyeen oo ay wada gaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah ayaa qeexaya in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah. Ujeeda aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha. Janaayo 2012 ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa lagu ansixyay in la aasaaso Aaagga Ganacsiga Xorta ah ee Africa (AfCFTA). Kulanka maanta oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda COVID-19 ayaa waxaa guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo. Halkan Ka Daawo Go’aanadii Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-13082020.mp3 View the full article