Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-14082020.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya inuu muddo sanad ah kadib shaqada agaasimaha madaxtooyada isaga tagay Dr. Nuur Diiriye Fuursade. Dr. Fuursade ayaa isaga tagay shaqada Villa Soomaaliya sababo isaga u gaar ah, waxaana la xasuustaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka looga hadal hayay baraha bulshada in loo magacaabayo xilka ra’iisul wasaaraha. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dib ugu laabtay dalka Canada, iyadoo aan la ogeyn haddii shaqo ka tagistiisa ay ku lug leedahay inaan la siinin xilka ra’iisul wasaaraha oo ilaa hadda banaan. Bartamahii sanadkii hore ayaa xilkaan loo magacaabay, waxaana la ogyahay inuu aad ugu dhawaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dr. Fuursade ayaa noqday agaasimahii 5-aad ee soo mara Villa Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabsaday.
  3. Riyadh (Caasimadda Online) – 2-bishii April 2020 taleefoon ay ku wada hadleen madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhaxal sugaha Sacuudiga (Amiir Mohammed bin Salman) ayaa shaki badan ku dhaliyay jiritaanka xiriirka labada dal ka dhaxeeyo. Donald ayaa u sheegay Bin Salman haddii Sacuudiga si dhaqsi ah u xallin waayaan dagaalka ay Russia kula jiraan ee ku saleysan qiimaha shidaalka sidoo kalena qiimaha shidaalka hoos u dhigi waayaan in xukuumada Washington ay ciidamadeeda kala bixi doonto boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ciidamada Mareykanka ka jooga Sacuudiga waxaa la kordhiyay sanadii 2019 markii Sacuudiga isku xumaadeen xukuumadda Iran oo cabsi laga qabo marwalbo inay weerar ku qaado dhulka boqortooyada gaar ahaan goobaha shidaalka. Sacuudiga ugu dambeyntii waxay la heshiiyeen Russia hoosna wey u dhigeen qiimaha shidaalka iyo saliida xilli ay heshiis la gaareen sidoo kale dalalka shidaalka soo saara ee ku mideysan ururka OPEC. Madaama madaxweyne Trump si adag ula hadlay madaxda Sacuudi waxaa muuqata in xiriirka labadan dal uu gaaray halkii ugu hoseesay, waxaana dhacday in xukuumada Riyadh ay yareesay lacagihii ay Mareykanka siin jireen halka Mareykanka iyagana ay haatan ku fakarayaan inay gudaha Sacuudi Carabiya ka qaadaan gantaalada difaaca iyo sidoo kale inay yareeyaan ciidamada ka joogaan dhulka boqortooyada. Arrintaan waxay waji gabax ku tahay xukuumadda Riyadh madaama ay kusoo badaneyso halista kaga imaan karta Iran, waxaana macquul ah iney waayaan taageerada mareykanka. Balse waa wax dhici kara in labada dal ay sii wada shaqeeyaan sidoo kalena is kaashadaan, inkastoo aysan muuqan dhaq-dhaqaaq xal looga gaarayo wax walba. Mareykanka iyo Sacuudiga waxaa ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo kasoo bilaabanayo 1940-kii balse wey jirtaa marar kala duwan oo uu xiriirkoodii xumaaday sida sanadii 1973kii markii cunaqabateynta shidaalka dhacday iyo qaraxii 11 September 2001 ee Mareykanka ku eedeeyeen in Sacuudi ku lug lahaa. Khilaafyadaas iyo kuwo kaleba labada dal wey ka heshiiyeen balse 18-kii bilood ee ugu dambeeyay xiriirkooda sii xumaanaya waxay ka dhigan tahay in labadan dal isku soo dhawaanshahooda dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha sii dhamaanayo.. Haddaba aan dib idiin xasuusino arrimaha sababay in xiriirka labadaan dowladood uu xumaado: Xiisaddii Dhalatay Xilligii Obama dib loo doortay. Xiriirka labadan dal wuxuu xumaaday markii Obama mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo mareykanka, wuxuuna la yimid siyaasad ku aadan Bariga Asia oo ah inay kaalintooda qaataan gaar ahaan Sacuudiga iyo dalal badan wuxuu ku tilmaamay inay Mareykanka ku hoos nool yihiin awood dhaqaale iyo mid Militari lagana rabo kaalintooda inay qaataan. Sidoo kalena wuxuu ku eedeeyay inay ku xad gudbaan xuquuqul insaanka iyo xuquuqda dumarka. Waxaa intaas dheer in Sacuudiga ay ka xumaadeen heshiiskii Mareykanka iyo dalalka caalamiga ah la gaareen Iran oo ku aadanaa arrimaha Nugliyeerka waxayna u arkeen Sacuudiga arrintaan mid halis ku ah gobolka oo idil. Xukuumadda Trump iyo habka ay Sacuudiga ula macaamileen bilowgii. Trump wuxuu soo dhawestay Sacuudiga iyo dalalka xulufada la ah Mareykanka, tiiyoo ay jirto in bilawgii xafiiskiisa shaqo uu booqday Riyadh halkaas uu heshiisyo badan Sacuudi kula soo gaaray kuna tilmaamay arrin ay labada dhinac dan ugu jirto. Trump wuxuu u sheegay Sacuudiga iney marwalbo ku hoos jiri doonaan hoggaanka awooda Militariga Mareykanka. Balse dadka reer Mareykan waxay dhaliil usoo jeediyeen madaxweyne Trump oo ku aadan in Sacuudiga iyo Israel ka caqli badiyeen oo danahooda gaarka ah loo fulinaayo halkii danta guud ee wadanka laga shaqeyn lahaa. Dagaalkii Yemen iyo dilkiii Khashoggi oo xukuumada Trump ka careysiisay: Sacuudiga waxay aad iskula shaqeeyeen xukuumada Trump iyo sida guud xisbigiisa Republican-ka ah madaama ay horey isugu dhaceen Obama iyo xukuumadiisii Dimoqraadiga ahayd. Laakiin Sacuudiga weeraradii Yemen ay ku qaadeen 2018 kuna dhinteen dad badan oo shacab ah waxay sababtay in xukuumadda Washington ay arrinkaas walaac xoogan ka muujiso lagana codsaday Sacuudiga inay joojiyaan gabood falka ay ka wadaan gudaha dhulka Yemen. Sacuudiga safaaradooda Istanbul waxey 2-dii October 2018 ku dhex khaarijiyeen wariye Jamal Khashoggi oo dagaansho joogto ah gudaha Mareykanka ku hestay lana shaqeenayay wargeyska Washington Post, waana arrin si weyn u saameeyay xiriirkii Mareykanka iyo Sacuudiga ka dhaxeeyay waxaana loo arkay amarkii lagu dilay wariye Jamal Khashoggi inuu bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Intaas kadib xukuumada Trump waxay qaaday tallaabooyin kala duwan sida in Mareykanka ciidamadooda ay joojiyeen duqeymihii gudaha Yemen, in la joojiyay hubkii Sacuudiga laga iibin jiray iyo sidoo kale taageeradii dhanka lojistikada ee ay siin jiren Sacuudiga iyo xulufadiisa dagaalka Yemen ku mideysan. Sidaa darteed tan iyo sanadkii hore Sacuudiga waxay u muuqdaan kuwo kaligood ku noqday arrimihii ay isla bilaabeen Mareykanka. Dagaalka Sicirka Shidaalka: Trump wuxuu ka quustay xukuumada Riyadh kadib marki ay cirka galiyeen sicirka qiimaha shidaalka ayadoo boqortooyada ay muujineyso dagaalka ay kula jirto Russia laakiin qasaaraha ugu weyn wuxuu soo gaaray shirkadaha Mareykanka ee shidaalka iibiya. Sacuudiga waxay ka xumaadeen markii dowladda Russia ay isaga baxday shirkii OPEC+ ee lagu gaari rabay heshiis ku aadanaa in qiimaha shidaalka la xadido sidoo kalena uu noqdo mid dagan. Balse talaabo walbo oo ay Sacuudiga qaadeen waxay ku dhaawaceyn xiriirkii Mareykanka kala dhaxeeyay dhanka shidaalka weliba waxay boqortooyada talaabadan qaadeen xili xukuumadda Washington ay dhanka dhaqaalaha ka liidatay. Intaas Kadib Trump wuxuu ku goodiyay iney si deg deg ah ciidamadooda gudaha Sacuudiga kala baxayaan heshiis walbo oo ay boqortooyada kula jireen dhanka militariga ahna ka baxayaan haddii Sacuudiga qiimaha shidaalka hoos u dhigi waayaan. Xiriirka Labada Dal Waa Lasoo Celiyay Laakiin Sidi Hore Uma Adko: Sacuudiga waxay qaadeen talaabooyin deg deg si ay Mareykanka u raali galiyaan, waxey durba xaliyeen murankii qiimaha shidaalka si aysan u weynin taageerada militari oo ay Mareykanka ka helaan. Laakiin weli arrimaha taagan sida dagaalka Yemen, dilkii Khashoggi iyo xad gudubyada xuquuql insaanka iyo dumarka oo aysan Sacuudiga xal ka gaarin awgeed waxay ka dhigan tahay in xiriirka labada dal ka dhaxeeyo uusan u adkeyn sidii shalay. Weliba si gaar ah haddii bisha November ee dabyaaqada sanadkan doorashada guud Mareykanka dhacdo xafiiskana kusoo laabtaan xisbiga Dimuqraadiga waxay Sacuudiga la kulmayaan dhibaatooyin badan sidaa darteed waa inay hadda ku dadaalaan soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee asal ahaan xisbigaan kala dhaxeeyay. Sacuudiga weli muhiim ayuu Mareykanka u yahay labo arrimood awgeed kuwaas oo kala ah in Sacuudiga dhanka qiimaha shidaalka iyo wax soo saarkiisa udub dhexaad u yihin iyo in Sacuudiga ay muhiim ugu yihiin arrimaha siyaasadda Bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka Carabta, labadaas arrimood awgeed Mareykanka kuma deg degi karaan inay Sacuudiga oo idil wada lumiyaan waxyaabaha soo jireenka ahaa ee kala dhaxeeyay. Ugu dambeyntii Dowladda Mareykanka iyo Sacuudiga waa labo isku baahan waxayna ku qasban yihiin inay hagaajiyaan xiriirka ka dhaxeeya haddii kale gacan sedexaad ayaa ka dhex faa’iideysan doonto.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah. Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidysteen. Doorashada dadban ayuu sheegay ay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka siihayaan, taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan. Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed filish waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho. Hadalka Guddoomiye Cumar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda oo ku aadan qaabka ay noqon doonto doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.
  5. Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash, ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo shalay ku dagaallamay Degaanka Lafweyne oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool. Mudane Axmed Karaash, ayaa ugu baaqay labada in ay si deg dega oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan Dagaalka, islamarkaana ay nabad iyo walaalnimo ku beddelaan colaadda dhexdooda ka aloosan. Dhinaca kale, wuxuu bogaadiyay heshiis nabadeed oo laga gaaray colaaddii ka dhacday Degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool, taasi oo ay ku guulayteen Isimada dhaqanka Gobolkaas. Madaxweyne ku xigeenku, wuxuu sidoo kale ilaahay caafimaad deg deg ah uga baryay lab aka tirsan Isimada Gobolka Sool ee soo xalliyay Colaaddii Horufadhi oo shalay shil gaari galay. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq deg deg ah ka soo saartay Dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  6. Humanity may soon boast two motherlands. Source: Hiiraan Online
  7. DP World this week announced the completion of a 400-meter expansion of the Berbera port in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  8. Agriculture Cabinet Secretary Peter Munya has revoked the appointment of the entire Miraa Task Force Report Implementation Technical Team. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay. “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul Firdows.” View the full article
  10. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug, kaddib socdaal hawleed oo qaatay labo isbuuc ah oo uu kaga maqnaa deegaannada Galmudug. Qoor-Qoor oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa sheegay in shirka Dhuusamareb 3 uu qabsoomi doono waqtigii loo asteeyey, ayna diyaar u yihiin marti gelinta shirka. Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga inay adkeeyaan amniga, iskuna diyaariyaan shirkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beri ay ku beegan tahay 15- August oo ah xilliga lagu ballamay wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb, mana jiro illaa iyo hadda hal mas’uul oo gaaray magaaladaasi,marka laga tego MadaxweyneQoor-Qoor. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  11. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro saf-mareen ah oo loo adeegsaday bam-gacmeedyo oo xalay lagu weeraray illaa 10 degmo oo ku yaalla gobolkan Banaadir. Weeraradan oo xilli isku mid ah dhacay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay geysteen khasaare u badan dhaawacyo. Xarumaha degmooyinka ee la weeraray ayaa waxay kala yihiin Dharkenley, Wadajir, Waabari, Boondheere, Shibis,Yaaqshiid, Kaaraan, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley. Afhaayeenka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey qaraxyadaasi, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen illaa afar ruux oo uu mid ka mid ah yahay askari, halka 3 kalena ay yihiin shacab. Sidoo kale afhayeenka ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay illaa laba ruux oo uu sheegay in lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weeraradaasi. Xaaladda Muqdisho ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in xalay illaa saaka ay wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weeraradaasi saf-mareenka ah ee lo adeegsaday bam-gacmeedyada. View the full article
  12. Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Aaladda Fogaan aragga ee Internetka kaga qeybgashay kulanka Xog-Isweydaarsiga COVID-19 ee hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Wasiir Fawziya ayaa xaalada COVID-19 ee Soomaliya uga xog warantay Wasiirada, Madaxda Caafkmaadka iyo Madaxa ugu sareeyso Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus. Dr Fawziya ayaa intii uu shirku socday ka warbixasay guulaha la gaaray COVID-19 iyo caqabadaha jira iyo waliba dadaallada ay dowladda ugu jirto la tacaalida xanuunka saf marka ah ee COVID-19. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-14082020.mp3 View the full article
  14. JOHANNESBURG (AP) — An Africa-wide study of antibodies to the coronavirus has begun, while evidence from a smaller study indicates that many more people have been infected than official numbers show, the Africa Centers for Disease Control and Prevention said Thursday. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa gacan ka hadal shalay dhaxmaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga xilli uu socday shirka sii hayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Amardambe iyo wasiiru dowlihiisa Maxamed Cali Xagaa ayaa la sheegay in dood dhaxmartay ay sababtay in ay gacanta iskula tagaan, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo goobjoog ahaa kulankii maanta. Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in gacan ka hadalka labada wasiir uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay Baasaboor Diblomaasi ah Wasiiru dowlaha u dalbay Sarkaal, oo uu markii dambe Xasan Amar Dambe ka daba tagay, una qoray Wasaaradda Arrimaha Dibadda in amarkiisa oo kaliya ka shaqeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga. Tallaabada uu qaaday Wasiir Amar Dambe ayaa keentay inuu ka caroodo Wasiiru dowlaha Maxamed Cali Xagaa, oo markii ay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku murmeen uu si cad ugu sheegay inuu Wasaaradda ka taliyo amarkiisa ka shaqyenayo, taasoo keentay in Xagaa uu u gacan qaado. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu shirka ka baxay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Amardambe iyadoona wixii markaas ka dambeeyay si la soo gaba gabeeyay shirkii wasiirada. Labadaan wasiir ayaa sidoo kale ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu soo kala doortay Muqdisho iyo Baydhabo waxaana khilaafkooda uu noqday hadal weyn oo ka jirta Muqdisho.
  16. ANKARA (Reuters) - President Tayyip Erdogan said on Thursday that any attack on a Turkish ship exploring for oil and gas in disputed Mediterranean waters would incur a “high price” and suggested Turkey had already acted on that warning. Source: Hiiraan Online
  17. The claim: President Barack Obama resettled 70,000 Somali immigrants in Minnesota, specifically the state's 5th Congressional District. Source: Hiiraan Online
  18. A series of tweets allegedly targeted at lawyer Ahmednasir Abudllahi have become the subject matter of an ongoing defamation case before a the High Court in Nairo Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, oo muddooyinkii dambe si weyn ugu faafay dunida, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Mareykanka. Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa arrintan ku shaaciyey warbixin uu dhawaan soo saaray, oo uu uga hadlayey howl-galada la dagaalanka iyo hoos u dhigida awooda argagixisa ee qaarada Africa. Warbixintaasi oo uu u gudbiyay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in hogaamiyeyaal ka tirsan kooxdaasi ay u geeriyoodeen cudurkaasi, inkasta oo si cad loogu sheegin tirada saraakiisha uu cudurkaasi ka dilay Al-Shabaab iyo magacyadooda intaba. Dagvin Anderson, Taliyaha howl-galada gaar ah ee AFRICOM oo warbixintaasi gudbiyay, ayaa sidoo kale xusay in cudurkaasi uu soo ritay saraakiil kale oo ka tirsan kooxdaasi, wuxuuna taasi ku macneeyey inay meesha ka saareyso sheegashada ‘in cudurkaasi uu gaalada gaar ku yahay’, sida uu hadalka u dhigay. “Cudurka ma soo ridan saraakiishooda (Al-Shabaab) oo keliya, balse qaarkood ayaa u geeriyoodayba cudurkaasi,” ayuu yiri Dagvin Anderson. Al-Shabaab ayaa hore guddi u saartay cudurkaasi oo dunida ku faafay. Mana jiro wax war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, mana jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada Taliska AFRICOM.
  20. .Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Shiikh Cusmaan Shiikh Cabdiraxmaan oo ku dhintay magaalada Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday.” Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay. “Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul Firdows.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. The Foreign Affairs ministry will now deal with the standoff between Kenya and Somalia over miraa imports from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  22. As the Horn of Africa nears its elections seasons, Somaliland’s quest for statehood takes regional and international angles. Source: Hiiraan Online
  23. ARAAR: Qoramooyinkaan taxanaha ah waxay falanqeynayaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee ay dooddiisu haatan ka socoto Golaha Shacabka BFS. Waxay aragti guud ka bixinayaan aasaaska sharci, qaab-dhismeedka qoraaleed, nuxurka iyo macnaha qaanuuneed ee uu xambaar san-yahay hindise-sharciyeedku. Waxay daraasad iyo raadraac ku sameeynayaan mabaadi’da iyo halbeegyada xeer-dejineed ee Caalamiga ah, waxay sidoo kale soo bandhigayaan mabaadi’da guud ee xeerisa sharciyada dembiyada iyo ciqaabta. Waxaan faallo iyo naqdin cilmiyeed ku samaynaynaa cutubyada, qodobada iyo faqrooyinka uu ka kooban yahay hindise-sharciyeedku, anagoo soo bandhigi doonna khaladaadka iyo dhaliilaha xagga nuxurka, fahamka iyo, macnaha ee ku jira hindise-sharciyeedka. Waxaan sidoo kale diiradda saaraynaa isburinta ku jirta qoraalka hidisaha iyo siduu u khilaafsan yahay Shareecada Islaamka. Waxay qoromooyinkaani ku qotomaan daraasad sharci oo ku dhisan soo-bandhigadda mabaadi’da ee la xiriira xeer-dejinta, waxay sidoo kale indha-indhayn ku samaynaysaa aragtiyada sharci ee la xiriiraa xeer-dejinta dembiyada iyo ciqaabta. Waxay soo gudbinayaan dood ku dhisan falanqeyn iyo naqdin, waxay si gaar ah u tixraaceyaan mabadi’da la xiriirta sharciyadda xeerarka dembiyada iyo ciqaabta ee caalamiga ah iyo tan Shareecada Islaamka. GOGOLDHIG: Waxaa jira Hindise-sharciyeed ku saabsan dembiyada Galmada oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka BFS. Hindise-sharciyeedkaasi wuxuu abuuray muran badan iyo kala aragti-duwanaashiyo bulshada dhexdeeda, waxaa sidoo kale walaac ka muujiyay Culimada Soomaaliyeed oo bayaanno kala duwan ka soo saaray. Hindisahaan sharci waxa uu haatan horyaal Golaha Shacabka BFS oo ka doodaya, weli waxaa socda akhrintiisa iyo ka doodistiisa, haddii Golaha Shacabka BFS ansixiyo waxa uu u gudbiyaa Aqalka Sare ee BFS si uu uga doodo una ansixiyo. Haddii Labada Gole ee Baarlamaanka BFS ansixiyaan waxaa si rasmi ah degreeto ugu meel marinaya Madaxweynaha JFS, kadibna waxaa lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda sidaas ayuuna ku noqon doonaa xeer dhaqan-gal ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xadgudub-yada iyo tacaddiyada jinsigu waa dhibaata jirta oo aan la inkiri-karin, una baahan in laga hortago loona helo xeerar ku habboon si gabood-faleyaasha loola tiigsado caddaaladda. Doodda qoromooyinkaani kuma salaysna dhibaatada kufsiga ee waxay ku saabsan yihii hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee horyaal golaha shacabku xal ma u noqon karaa, ma yahay xeerkii ku habboonaa, malagu saleeyay aragti sharci oo aad u fog oo xallin karta dhibaatooyinka la xiriira tacaddiyada jinsiga ee a jira dalka. Maqaaladaan taxanaha ah waxay falanqeynayaa su’aalahaas iyo kuwa kale oo aad u badan oo la xiriira hindise-sharciyeedkan. Waxa uu qoralaakani u qeybsan yahay araar, gogoldhig, dul-mar guud oo aan ku samayn doonno caqabadaha xeer-dejinta ku gadaaman, mabaadi’da guud ee xeer-dejinta iyo aragtiyada la xiriira seeska sharci ee dembiyada iyo ciqaabta iyo hannaanka loo maro xeer-dejintooda. Waxaan sidoo kale maqaallada xiga ku faalaeynaynaa isla-markaana ku lafa-gureynaa qodobada hindise-sharciyeedka, anagoo qodob qodob u dul istaagi doonna una faaqidi doonna –haddii Eebe idmo-. CAQABADAHA KU XEERAN XEER-DEJINTA SOOMAALIYA Soomaalidu waxay lahayd hido-dhaqan soo-jireen ah iyo xeerar ay ku dhaqanto, kuna sar-go’an duruufaheeda nololeed. Xeerkaasi ma qornayn waxay ahaayeen kuwa ab ka ab layskaga dhaxlo, jiilba jiil u sii gudbiyo, waxaa saldhig u ahaa hidaha iyo dhaqanka suuban iyo diinta islamka oo ay Soomaalidu haysatay. Markii gummeysteyaashii Reer Yurub qabsadeen dhulkii Soomaalida waxay la yimideen xeerarkii iyo dhaqamadii dalalkooda. Markii laga xuroobay gumeysigii waxaa haray oo aan laga xuroobin dhaqankii iyo xeerarkii ay inooga tageen, waxaana nabaad-guuray xeerkii hore ee soomaalida ee mugga iyo miisaanka weynaa. Kolkii la qaatay dowladda nimada casriga waxaa abuuray saddex nidaam xeer oo saldhig u noqday sharcigii dalka kuwaasoo kala ah Shareecadii Islaamka, Xeer-dhaqankii Soomaalida iyo labadii nidaam xeer ee ay inooga tageen Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaan intaa dheer in xeerarka aasaasiga ee dalka ay ku qoran yihiin Afafka qalaad, sidoo kale aan wax ka beddel iyo casriyayn waqtiga iyo duruufaha dalka la socda lagu sameyn wixii burburka ka dambeeyay. Caqabadaha kale ee ku gadaaman xeer-dejinta waxaa ka mid ahsaamaynta shisheeyaha, sharci-yaqaannada wax ku soo bartay dalalka shisheeye ee dalka ku soo noqday misena aan helin machad ama iskuul dowladeed oo ay tababar ku qaataan oo dalka gudahiisa ku yaal. Wixii burburkii ka dambeeyay xeer-dejintu waxay iska noqotay mashruuc lagu raadsado dhaqaale oo aan ku dhisnayn ujeeddooyin fog-fog iyo raadraac wax faa’iido iyo waxtar ahna aan u lahayn aayaha dembe ee jiilalka imaanaya. Caqabadahaas oo is biirsaday ayaa keenay in aan si xirfadeysan loo diyaarin xeerarka dalka, sidoo kale aan la tixgelin saamaynta dhaqan-dhaqaale iyo midda deegaan ee xeerka yeelanayo iyo sida loo waafajin karo diinta, dastuurka iyo sooyaalka xeer ee dalka. Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmadu wuxuu la wadaagaa xeerarka kale caqabadaha aan sare ku tilmaanay, hase yeeshee wuxuu leeyahay dhaliilo iyo cillado aad u waaweyn oo u baahan soo bandhigid, falanqeyn iyo naqdin intaba. MABAADII’DA GUUD EE XEER-DEJINTA Inta aan la diyaarin qabyo-qoraal xeer waa in marka hore la diyaariyaa mashruuc xeer oo ku qotoma daraasad iyo cilmi-baaris qoto dheer oo ku saabsan xeerka la diyaarinayo iyo ujeedka loo dejinayo. Daraasadda iyo cilmibaarista la xiriirta mashruuca sharci waxay saadaal ka bixinaysaa isla-markaana ka jawaabaysaa su’aalaha la xiriira ujeeddada loo dejinayo xeerka, muskiladda uu xallinayo, habka iyo hannaanka loo diyaarinayo, natiijada laga filanayo hanka iyo fal-celinta bulshada ee xeerka. Waxay sidoo soo bandhigaysaa su’aalaha soo socda si looga baaraan-dego jawaabaha ku habboon: Maxay yihiin xaaladaha sharci, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee hadda jira? Raad iyo saamayn ceynkee ah ayaa ka dhalanaya xeerka la dejinayo? Ma xallinaya mushkiladda jirta ee xeerka loo dejinayo? Ma jiraa xeer kale ama xal kale oo sharci oo xallin kara mushkiladda iyo arrinta xeerka loo dejinayo?. Maxaa qorshe siyaasadeed ah oo loo diyaariyay xallinta mushkiladda dhalisay xeer dejinta?. Maxay tahay aragtida bulshada ee dhibaatada xeerka loo samaynayo? Ma jiraan xuluul ay soo bandhigeen ama soo jeediyeen bulshadu oo lagula tacaali karo arrinta xeerka loo dejinayo? Siduu u guulaysan karaa qorshaha ama mashruuca xeereed ee la diyaarinayo? Ma guul-darreysan karaa? Maxaa ka khladan hannaanka ama qaabka loo wajahayo caqabadda taagan ee xalka xeereed u baahan?. Si looga jawaabo su’aalahaas sare ku xusan waxaa lagama maarmaan ah in ay jiraan hal-beeg loo raaco diyaarinta mashruuca sharci ee ka horreeeya hindise-sharciyeed kaasoo ku qotoma tixgelinta arrimaa soo socda: In la ogaado dhibaatada si loo helo xalkeeda, waayoo cudurka marka la helo ayaa la daaweyn karaa. In la tixgeliyo Dastuurka iyo sooyaalka sharci ee dalka, raadraacna laga dhigto. In la diyaariyo qorshe siyaasadeed oo ku jaan-go’an ujeeddada xeer-dejinta. In la qiimeeyo, la odoraso saameynta iyo raadadka maaliyadeed, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhalanaya xeerka. In la raaco hannaanka isbar-bardhigidda khatarta iyo faa’iidada(risk/benefit analysis). In la soo bandhigo xulashooyin ama xuluul kala duwan oo lagu xallin karo dhibaatada loo samaynayo xeerka. In la tashiyo lala sameeyo indheer-garad, xirfadleyda iyo guud ahaan bulshada. In la diyaariyo warbixin qoto-dheer oo ku saabsan hannaanka loo maray daraasadda, wadatashiyada lala sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada. In la diyaaryo mashruuc sharci oo si faah-faahsan u sharxaya xeerka la doonayo in la dejiyo, kadibna loo beddelo hindise-sharci si hay’adaha xeer-dejinta uga doodaan, talooyinkooda ugu daraan kadibna u ansixiyaan. Waxaa intaa dheer in la tixgeliyo hannaan qoraalkeedka hindise-sharciyeed, si wanaagsanna loo siiqeeyo isla-markaana loo qodobeeyo iyadoo lala kaashanayo khubarada sharci iyo xirfadleyga qalin-maalka ah. Haddii aan raadraac ku sameyno hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee aan falanqeynayo waxaa muuqanaysa in aan la tixgelin mabaadi’da aan tilmaanay, sidoo kale aan lagu qorin luqad sharci oo leh macno iyo nuxur qaanuuneed. MABAADII’DA XEER-DEJINTA DEMBIYADA IYO CIQAABTA Waxaa jira mabadi’i guud oo ay tahay in la xeeriyo marka la qorayo ama la dejinayo xeer la xiriira dembi iyo ciqaab. Waa mabaadi’ iyo qaaciddooyin saldhiggoodu yahay Shareecada Islaamka iyo Shuruucda Caalamiga, oo ay ka mid ah kuwa soo socda: Mabda’a sharciyadda dembiga(principle of legality) ee dhigaya in aan dembi iyo ciqaabi sharci la’aan jireyn. Mabda’a sharciyadda dembiga iyo ciqaabtu waa mid ka mid ah tiirar xeerka dembiyada iyo ciqaabta, wuxuu sugayaa in aanay ciqaab iyo dembi midkoodna jirayn sharci la’aan. Yoolka ugu weyn ee mabda’aani waa in aan dembiga iyo ciqaabta lagu dhisin aragtida iyo rabitaanka hay’adaha dowladda iyo garsooreyaasha. Wuxuu reebayaa in dembi iyo ciqaab aan xeerka dalku sheegin lagu eedeyo isla-mar-ahaantaana lagu ciqaabi karin muwaadiniinta. Waa qaacidda qaanuuni ah oo dhigaysa in aanay dembi iyo ciqaabi jiri -karin sharci la’aan(nullum crimen, nulla poena sine lege). Waxaa sidoo kale mabda’aan gun-dhig u ah Addillada Shareecada oo dhigaysa in aan qofna lagu eedeyn-karin fal aan dembi-nimadiisa iyo ciqaabta ka dhalanaysa oo aan cuskanayn Nas iyo Addillo Sharci, ha ahaado dembigaasi xuduud ama qisaas ama tacsiir. Waxa uu mabda’aani ku sugnaaday Aayadaha Qur’aanka ee Suuradda Israa(15) iyo Suuradda Nisaa(165). Waxaa kale oo sugaya Qawaaciida Asuuliga iyo kuwa Fiqiga (لا حكم لأفعال العقلاء قبل وُرود الشرعِ). Waa mabda’a ay sugayaan Dastuurka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed sida ku cad Qod.35/13aad Dastuurka KMG iyo Qod.1, 161aad XCS. Dib-u-nogosho la’aanta sharciga ciqaabta(Principle of non-retroactivity). Mabda’aan wuxuu sugayaa in xeerka aan lagu dabikhi-karin ama lagu fulin-karin xaalad ama fal ka horeeyay maalinta la soo saaray ee uu dhaqanka-galay. Waxaa la raacaa nidaamkan marka la fulinayo xeerka ciqaabta, waxaana reeban in qof lagu eedeeyo fal markuu ku kacayay ama samaynayay aanu sharcigu dembi u aqoonsanayn, sidoo kale aan lagu ciqaabo falkaas. Waxaa jira xaalado gaar ah oo la tixgelinayo hadba xeerka danta iyo maslaxadda u ah eedeysanaha marka la eego ciqaabta. Waxaa sugaya mabda’a sare ku xusan Qod.35/13aad ee Dastuurka KMG. Mabda’a isu-dhigmidda dembiga iyo ciqaabta(Principle of proportionality) Mabda’aan wuxuu dhigayaa in ciqaabtu u dhiganto dembiga, si looga fogaadi ciqaab arxan darro ah ama aan caadi ahayn oo ka culus dembiga qofku galay. Mabda’a wargelinta iyo ogaysiinta Bulshada ee Xeerka(Principle of legal certainty) Mabda’aan wuxuu tilmaamayaa in xeerka la faafiyo lana ogayso bulshada inta aan la dhaqan-gelin, sidoo kale in qof kastaahi heli karo xeerka. Yoolku wuxuu yahay in bulshada la siiyo fursad ay kula qabsadaan xeerka cusub, sidoo kale ay ku beddelaan xaaladdii xeer ee horey u jirtay. Mabda’a ilaalinta xuquuqda muwaadinka(Principle of vested rights) Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuq uu sugay Dastuurka ama shuruucda dalka, sidaasi darteed waxaa reeban in la soo saaro xeer lagu duudsiinayo xuquuqdaas sharcigu ogolaaday. Mabda’a ka fogaashiyaha xeerka aan qeexnayn(Void for vagueness) Mabda’aani wuxuu dhigayaa in xeerku noqonayo mid aan la aqbali-karin haddii uusan si cad u qeexayn, waayoo waxay arrintaasi abuuraysaa shaki iyo hubaal la’aan, waxaana adkaanaysaa in la dabakho xeerkaan, gaar ahaan xeerka dembiga ama xeerka ciqaabta. Mabda’a filashada ama naawilidda sharciga(principle of legitimate wxpectations) Mabda’aan wuxuu ilaalinayaa filashada iyo hanka bulshada ee la xiriirta xeerka la dejinayo iyo sida uu u daboolayo baahidooda. Waa in ujeedda xeer-dejinta laga gaaraa danti laga lahaa, kana soo baxdaa natiijadiii ay naawilayeen bulshadu ee ahayd in uu xal iyo dawo u noqdo mushkiladda loo dejinayay xeerka. DHALIILAHA IYO KHALADAADKA HINDISE-SHARCIYEEDKA Hindise-sharciyeedka dembiyada galmada la xiriira ma tixgelin isla-markaana ma dhowrin mabaadi’da saldhiggeedu yahay Shareecada Islaamka, Dastuurka, Xeer Ciqaabta Dalka iyo Xeerarka Caalamiga ee aan sare ku falanqeynay. Waxaa nasiib darro ah in uu tilmaamayo dembiyo haddana aanu dhigayn ciqaabta ka dhalanaysa dembigaas, waxaa kale oo ka sii daran in dhammaan dembiyada ku xusan hindise-sharciyeed ciqaabtooda loo-celinayo ama la sheegayo in loo raacayo si waafaqsan Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyadoon la xusayn ama la sheegayn Daliilka ama Naska Sahreecada ee ciqaabta iyo dembiga dhigaya, sidoo kale qodobka Xeerka Ciqaabta ee dhigaya dembiya iyo ciqaabtiisa. Hidisaha sharci ma tilmaamayo haddii la dabakhayo qodobada xeerka ciqaabta soomaaliyeed ama la raacayo xeerka dembiyada galmada ee bilaa ciqaabta ah, haddii qof dembi fal kufsi ah galo kaasoo ka dabeecad duwan kan lagu sheegay xeerka ciqaabta sida la yeelayo iyo ciqaabta la dabakhayo, maadaama nuxurka falka kufsiga ee lagu sheegay hindise-sharciyeedkan uu ka duwan macno ahaan iyo nuxur ahaanba kan lagu sheegay xeerka ciqaabta soomaaliyeed. Waxaa sidoo ku jira dembiyo ciqaabtooda aan lagu sheegin xeerka ciqaabta, sidoo kale aan lagu caddeyn ciqaabta shareecada ee ku habboon dembigaas, misana ku jira hindisaha. Waxaa muran abuuri kara fulinta iyo dabakhaadda ciqaabta dembiyada xeerka lagu xusay ee loo tixraacayo Shareecada iyo Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed labada, taasoo abuuri karta in lagu jaha-wareero kan la qaadanayo iyo kan laga tagayo marka la dabakhayo ciqaabta, ma shareecada ayaa la qaadanayaa msie xeerka ciqaabta. Wuxuu sidoo kale hareer-marsan mabda’a aasaasi u ah xeerka ciqaabta oo dhigaya in qodobka dembiga iyo ciqabtu ay cad, sidoo kale aysan dhalinayn muran iyo shaki fasiraaddeed ama faham la’aaneed, taasina waa mid aad ugu badan guud ahaan qodobada hindise-sharciyeedka. Dhaliilaha, gefefka iyo khaladaadka hindise-sharciyeedku aad ayay u badan yihiin, waxana si gaar ugu faalleyn doonaa qoromooyinka soo socda, hase yeeshee waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah gefefkaas oo aan si guud ugu soo bandhigayno maqaalkan, waxaana ka mid ah kuwa soo socda: Waxaan hindise-xeeredkan laga soo minguuriyay xeerar dad-yow kale oo aanan isku-diin, dhaqan iyo nidaam xeereed ahayn. Hortabinta 1aad iyo qabyo-qoraalka asalka ee hindisaha waxaa lagu diyaariyay Afka Ingiriisiga. Turjumidda hindise-sharciyeedka ee Afka Soomaliga waa mid si toos ah looga soo tujumay Gogol, wax tifaftir xirfadaysan ahna aan lagu samayn. Cinwaanka hindis-sharciyeedka ama magaca xeerka oo aan raacsanayn nuxurka qoraalka ka kooban 39-ka qodob. Eray-bixinta sharci ee qoraalka hindise-sharciyeedka oo aad u hooseysa, kana hor imaanaysa macnaha saxda ah ee erayadu ku qotomaan ee xagga luqadda caadiga iyo luqadda qaanuunka intaba(Qod.2, 5,aad). Qoraallada hindise-sharciyeedka oo aan mararka qaar wada socon, lagana yaabo in faqradaha ku jira hal qodob ay kala xambaarsan yihiin macno iyo nuxur qaanuuneed oo kala duwan. Erayga galmo oo ah fal ka mid ah falalka jinsiga, sidoo kale aan tilmaamayn tacaddiyada kale ee aan ahayn galmada ee ku saabsan jinsiga(Qod.3aad). Hindise-sharciyeedka oo sheegaya dembiyo isla-markaana aan dhigayn ciqaabta loo dejiyay dembiyada la tilmaamay, haddii aan si kale u dhigno dembi bilaa ciqaab ah(guud ahaan 39-ka qodob). Erayada Jinsi iyo galmo oo macno iyo nuxur ahaan aad u kala duwan, hase yeeshee isku sidkan mararka qaar. Ciqaabta dembiyada xeerka lagu sheegay oo loo-celinayo ama loo tixraacayo jiraan shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoon la sheegayn adillada shareecada ama qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya ciqaabta falka dembiga ee xeerka lagu sheegay. Dembiyada qaar ee ku jira hindise-sharciyeedka oo ciqaabtooda loo celinayo xeer aan ahayn shareecada iyo xeerka ciqaabta, iyadoo mara-mar la arkayo in loo celinayo arrimaha qaar Xeerka Madaniga, ama xeer anshaxa oo aan la aqoon waxa uu yahay. Dembiga Kufsiga ee lagu sheegay Hindise-sharciyeedkan oo macno iyo nuxur ahaan ka duwan yahay kan lagu sheegay 398 XC taasoo abuuray muran la xiriira ciqaabta la dabakhayo iyo xeerka la qaadanayo ama laga tagayo (Qos.12aad). Ma qeexna nuxurka iyo ujeedka dembiyada ku xusan guud ahaan hindise-sharciyeedkan(39-ka qodob). Waxaa ku jira hindise-sharciyeedka mugdi iyo faham la’aan ku saabsan nuxurka iyo macnaha xeereed ee dembiyada qaar. Waxaa ku jira isburrin aad u weyn oo ay adagtahay in qodobada qaar ay yeeshaan fulin ama murti qaanuun. Waxaa ku jira qodobo aan ka hadlayn dembiyo oo ka hadlaya siyaasad iyo talo ku wajahan hay’adaha dowladda(Qod.38aad). Qodobada qaar oo si cad uga hor imaanaya Shareecada Islaamka(Qod.3,4, 7, 8, 9, 18, 25). WABILLAAHI-TOWFIIQ Zakariya Ismaaciil Nuur – Waa qareen, bare Jaamacadeed iyo cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdisho, wuxuu xubin ka yahay Ururka Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada kala duwan. Waxaad kala xiriiri kartaa Zakariyei@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Kamala Harris oo durba weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Donald Trump Gabadha uu u xushay musharraxa madaxweyne ee dalka Mareykanka ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa maalin ladib xulashadeeda waxaa ay weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iminka talada dalkaasi Haya ee Donald Trum. Kamala Harris oo olole doorasho xalay la qabatay Joe Biden ayaa ku sheegtay madaxweyne Trump mid isaga keliya iska fekera islamarkaana dadka iyo dalka uu masuuliyadda u hayo uusan xil iska saarin. Waxaa ay ku eedeysay in xanuunkan COVID19 ee Mareykanka ragaadiyay uu si aan aan masuuliyadi ku dheehneyn uu u maareeyay madaxweyne Trump. ” – Xaaladda uu iminka dalku ku jiro waa mid khatar ah. Waxa alle iyo wixii aan shinsaneynay sida dhaqaaleheena, caafimaadka iyo caruurteena waa lagu ciyaarayaa. Waddan sidee ah ayaan ku noolnahay?”, ayay tiri ms. Kamala. Waxa ay intaasi raacisay in ay ku jiraan xaaladdii ugu xumeyd ee caafimaad muddo qarni ah. Waxa ay sheegtay in ay ka xuntahay in ay haystaan madaxweyne naftiisa keliya ka fekeraayo. Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku dhiisa weerar qoraal ah ku qaaday markii Kalama lagu dhawaaqay in loo xushay madaxweyne ku xigeen, waxaana qoraal uu sii dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegyay haweeneydaasi mid “nasty” ah. Qaran News