Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qoramooyinkaan taxanaha ah waxay falanqeynayaan hindise-sharciyeedka dembiyada galmada ee ay dooddiisu haatan ka socoto Golaha Shacabka BFS. Source: Hiiraan Online
  2. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa ka hadlay Marxaladda dalku marayo xilligan, siyaasadda Arrimaha dibedda iyo Doorashooyinka soo foolka leh. Sheekha oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey ‘Wada-tashiga’ ayaa soo hadal-qaaday Hirdanka Somaliland gudaheeda ku dhex maraya Dawladaha Shiinaha iyo Taiwan, Itoobiya iyo Masar, waxaanu ku taliyey in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ay furdaaminta arrimahaasi iyo sidii looga gudbi lahaa Marxaladdan ay kala tashadaan Dadka u aqoonta leh. Sheekha oo Daliishanaya Aayaadka Qur’aanka kariimka ee dhiiri-gelinaya Wada-tashiga iyo Siirada Nebiga ee ka warantay siduu Nebigu ula tashan jiray Saxaabadiisa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Nidaamka xukunka ee Islaamku leeyahay Tiirarkiisa ugu waaweyn waxa ka mid ah Wada-tashiga, marka baahidu jirtana waa daruuri in Wada-tashiga la badiyo.” Sheekhu wuxuu sheegay in aanay Islaamka meelna uga banaanayn Qofka Talada isku kooba “Nin siyaasi ah oo yidhaahda Aniga ayay wax walba iga bilaabmaan, wax walbana aniga ayay igu dhamaadaan, Magaca uu doono ha yeesho ee Islaamka kuma jiro, Waayo? Wada-tashigu Islaamka dhexdiisa waa Mabda’ Aasaasi ah, weliba marka baahi jirto ee arrimuhu murugsan yihiin Qofku waa inuu Talada badsado.” Sheekh Aadan-siira oo khudbaddiisa sii wada ayaa sheegay “Waxaan Khudbaddan u soo qaatay, Somaliland Maanta waxay taagan tahay Afar Waddo oo iskala jaraya oo mid walba intaas oo Haad soo galayaan, wax kala hagana aan lahayn, markaa waxay u baahan tahay Caqli iyo xikmad iyo wada-tashi in lagaga gudbo, marka la eego danaha Masar, marka la eego Danaha Itoobiya, marka la eego Danaha Shiinaha, marka la eego danaha Taiwan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “China ayaa halkan soo fadhiya, Taiwan ayaa soo hor-fadhida, Itoobiya ayaa halkan soo fadhida, Masar ayaa soo hor-fadhida, Fursaddaa Somaliland weli may helin (Imika ka hor). Intaas oo Aqoonyahan oo Jaamacado Dibedda ah wax ka dhigayey ayaynu leenahay oo Gaalo xiijiyey. Maxaa dhib inoo keenaya, Dalka, Dadka iyo Diinta, maxaan dhib inoo keenayn, marxaladdan maxaynu kaga gudbaynaa, Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadkaaga Aqoonta la tasho, marxaladda aynu marayno Somaliland fursado badan baa ugu jiraan oo ay wax ku gaadhayso, haddii kalena jab baa ugu jira, Dadkii kala saari lahaa ee tuujin lahaa ee ka fikiri lahaa Qof kastana Sharkiisa inaga moosi lahaa, khayrkiisana qaadan lahaa la tasho. Waxaan uga jeedaa Qofku marka uu Ummad u talinayo waa inuu Dadkiisa la tashadaa, si aanay u keenin in Wakhtigaa ay Dadku leexdaan.” Sheekha oo ka hadlaya Arrimaha ka taagan Mandaqadda Geeska Afrika wuxuu sheegay “Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadkaaga la tasho, Waar arrintan innagu soo korodhay ee Geeska ee u baahan in la shiilo, waar Dadkii aqoonta u lahaa kala tasho oo keligaa Go’aan ha iska qaadanin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Doorashada “Waddooyin is kala jaraya ayay Somaliland taagan tahay marka la eego doorashooyinka oo u baahan talo, is-qancin iyo in Dadka la isku ururiyo. Arrinta doorashada, annagu doorashada waanu taageersanahay in la qabto, maxaanu u taageersanahay, waxaanu leenahay yaan la is-dilin ee Sanaaduuqdaa ha lagu tartamo, laakiin Doorashada waxa ka horreeya in Dadka la qanciyo, nimankii hore ee meeshan joogay Dadka ayay isku ururin jireen. Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa Dadka u dhibri, Dadka hala qanciyo, Dad u xul Dadkeenan cabanaya, si Dawladnimadeenu u adkaato.” Ugu dambayn, wuxuu Shacabka reer Somaliland u soo jeediyey inay Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada u soo xulaan Dad Amaano leh. Geeska Qaran News
  3. Warar rasmi ah oo iminka nasoo gaaray ayaa sheegay in Shirkii Dhusamareb ee lagu balansanaa Sabtida 15 Ogoosto uu din udgav ku yimid,Dib u dhacasoo [...] The post Breaking News— Shirkii Dhusamareb oo din u dhacay appeared first on . Source
  4. Sawir hore: Deni iyo Gen. Townsend Ilo wareedyo kala duwan oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraynka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ay kulan qarsoodiya ku yeesheen Caasimadda Waddanka Jabuuti. Kulankaas oo ay adagtahay in xog sugan laga helo, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray Arrimo la xiriira Saldhig Ciidan oo Taliska AFRICOM ka samaysanayo Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, kaas laga qaadi doono Hawlagallada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish. Saldhiga cusub, waxa Hawlgallo wadajir ah ka qaadi doona Taliska AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Puntland ee loo yaqaan PSF, si loo wiiqo Awoodda Al-shabaab iyo Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland. 13-kii February 2020, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) Gen. Stephen J. Townsend ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne Deni. Gen. Townsend iyo Madaxweyne Deni, ayaa xilligaas ka wada-hadlay Hawlgallada La-dagaallanka Argagixisada iyo Saldhiga Boosaaso, inkastoo Warbaahinta laga qariyay Arrimaha Saldhiga. PUNTLAND POST The post XOG: Dowladda Maraykanka oo Saldhig Ciidan laga siiyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  5. NAIROBI, Kenya — When Iman Elman decided to enlist in the Somali National Army in 2011, the officer distributing uniforms gave her one shirt and two pairs of pants. Puzzled, Ms. Elman asked about the missing shirt. There was none, he said. The extra set of pants was provided for her to sew into a skirt. Source: Hiiraan Online
  6. Hargeysa (PP) — Cabdulqaadir Jirde, oo ah Guddoomiyaha ku Meelgaarka ah ee Xisbiga Waddani ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in qarannimo wadaag noqon karto xalka ugu wanaagsan haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay samayso tanaasul. “Wadahadalladii 2012kii billowday Soomaaliya iyo Somaliland waxay u wada hadlayeen laba dhinac oo siman, haddase sidaas ma aha” ayuu Jirde ka yiri dood uu machadka ISIR soo abaabulay kana dhacday Hargeysa. Jirde wuxuu sababeeyay horumar la’aanta shirarka ay Somaliland iyo Soomaaliya yeesheen laga soo billaabo 2012kii. “Dalal shisheeye oo kala dano ah ayaa wadahadallada abaabulay. Ma ahayn wax dadka ama siyaasiyiinta ka yimid” ayuu Jirde sheegay. Wuxuu ku dhaliilay dowladda Soomaaliyeed ismahadin ku salaysan inay qarannimadu gacanta ugu jirto iyaga oo aysan waxba uga baahnayn Somaliland inkastoo Somaliland ay si madaxbannaan u gashay heshiis saldhig ciidan lagu siiyay Imaaraadka Carabta dhowr sano ka hor. Jirde: Somaliland waxay u baahan tahay inay qarannimada la wadaagto Soomaaliya haddii Muqdisho tanaasul laga helo Jirde ayaa xusay in sii jiitanka wadahadalladu keeni karo dagaal Soomaaliya ku soo qaaddo Somaliland. Laba sababood buu Jirde iftiimiyay oo kala saameeya raadinta aqoonsiga iyo midowga. Tan hore waa doodda gaboodfalka taliskii militariga Soomaaliya uu geystay, dooddaas oo uu Jirde ku tilmaamay “sheeko” hal beel ay soo bandhigto. Tan labaad waxay la xiriirtaa guushii jabhaddii SNM ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay taliskii militariga. “Jabhadaha guuleysta ma hoos tagaan dowlad ay ka guuleysteen. Dowladda hadda joogta waxay dhaxashay dowladdii dhacday” ayuu Jirde ku dooday. “Sow SNM ma ahayn urur beel keliya metelayay sida urruradii kale — USC, SSDF, SPM iyo SDM?” waa su’aal Jirde aan la weyddiinin si looga doodo sheekadan gaarka ah. © Puntland Post, 2020 The post Jirde: Soomaaliya iyo Somaliland may laha madax dadka isu soo jiidi karta appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirka Dhuusamareeb3 ee la hadal hayo inuu baaqan doono. Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in haddii uu baaqdo shirka Dhuusamareeb3 ay dalka u horseedi karto jahwareer ku saabsan kala guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Thaabit oo la hadlayey dadka ka shaqeenayo inuu qabsoomi waayo shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in arrintaas ay ku noqon doonto siriq siyaasadeed oo aan ka baxashaho laheyn. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddoomiye Thaabit uu soo dhigay bartiisa Facebook Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku qabsoomi waayo ama natiijadiisa la daciifiyo, ha ogaadaan iney ku noqon doonto siriq-siyaasaddeed oo aan ka baxsasho laheyn. Waxaan ka digeynaa in dalka la galiyo xaalad hubanti la’aan ah. Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu dadka Soomaaliyeed u yahay gacan dib-u-heshisiin iyo jihada deganaansho siyaasaddeed oo lagu gaari karo isfaham. Cidii diida fursaddaha “is ogolka siyaasadda” way iska caddahay togga dheer oo ay ku sii socdaan, balse dadka Soomaaliyeed ee garanaya meesha laga yimid wey soo jeedaan. Waqtigu waa gabaabsi, waxaana lama huraan ah in xaaladda kala-guurka ah laga heshiiyo. Waxaan ku baaqeynaa in tallada shacabka Soomaaliyeed iyo midda Xisbiyada dhug loo yeesho, oo dannaha shaqsiga ah laga tago, xooggana la isugu geeyo inuu qabsoomo shirka iyo in xal-waara la wada gaaro si danta caamka ah u guuleysato.
  8. Dalalka iyo Ururada ku midaysan Beesha Caalamka, oo Caawa soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah, ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb, ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishan Agoosto oo ku beegan Maalinta Berriya. War-saxaafadeedka Beesha Caalamka, waxaa lagu sheegay in haddii Madaxda qaar ay ka qayb-geli waydo Shirka soo socda ee Dhuusamareeb, ay taasi baabi’in doonto kalsoonida weli jilicsan ee lagu dhisay Shirkii hore, islamarkaana ay wiiqi doonto in Saamileyda Siyaadda Soomaaliya ay go’aan midaysan ka gaaraan Hannaanka Doorashada Dalka. Sidoo kale, waxay sheegeen in mudda saddex bilood oo keliya ay ka hartay wakhtiga la qorsheeyay in ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Dalka, sidaasi darteedna loo baahanyahay in Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya ay dhakhso uga heshiiyaan Hannaanka Doorashada soo socota, si aan dib dhac ugu imaan. Sida ku xusan War-saxaafadeedka, Beeshaa Caalamka, ayaa walaac ka muujisay in qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada Dalku aysan weli wakiiladooda ku darsan Guddiga Farsamada ee loo xil-saaray, in ay ka soo tala-bixiyaan Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada heer Federaal, waxaana Beesha caalamka ay ku boorrisay Dowlad Goboleedyadaas in ay Wakiiladooda ku biiriyaan Guddiga Farsamada. Ugu dambeyntii, Beesha Caalamku waxay ku baaqday in Dalka laga qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo ay heshiis ku yihiin dhammaan Saamileyda Siyaadda Soomaaliya, waxaase ay ka digeen in la qabto Doorasho aysan u dhammayn Saamileyda, taas oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka oo AF-Soomaali ku qoran PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Beesha Caalamka oo war-saxafadeed Wadajir ah ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  9. The Somali National Army (SNA) on Wednesday killed 16 Al-Shabaab extremists and injured 20 others in a fierce fight that also involved local pastoralists in Ba'adweyn town in the central region of Mudug, about 500 kilometres north of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu Xildhibaannada Golaha Shacabka u jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Kulanka Xildhibaannada oo lagu qaban doono xarunta KMG ah ee Villa Hargeysa ayaa la filayaa in ajandaha kulanka uu noqdo dhageysiga warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka. Hadal jeedinta Madaxaweyne Farmaajo ee beri ayaa ku soo aadeysa, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, sidoo kalena lagu ballansan yahay wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-1482020-ok.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri oo sabtiya hortagaya baarlamaanka. War ka soo baxay golaha shacabka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maalinta berri ah kulan ku yeelan doonaan xaruuntooda KMG ah ee Villa Hargeysa. Qoraalka ayaa lagu xusay in agendaha kulanka uu yahay warxbixin uu Madaxweyne Farmaajo u jeedinayo xubnaha golaha shacabka. Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsan doono muddo kororsi ay la ogyihiin guddoonka golaha shacabka. Xubno ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo dhawaan la soo xiriiray Puntland Post ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub. Farmaajo, Muudey iyo Mursal Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa ay isku afgarteen in aan la magacaabin ra’iisul wasaare cusub ilaa baarlamaanku sameeyo muddo korarsi, seddexdan nin ayaa isku raacay in ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi islamarkaana ay adkaanayso ama aysan suuro-gal noqon in si dhib yar loo rido ra’iisul wasaarihii taasina ay fashil ku keeneyso Farmaajo iyo dhammaan qorshayaasha dowladda. Xildhibaannadan oo dalbaday inaan magacyadooda la xigan sababo la xiriira ammaankooda, isla markaasna ahaa kuwo ka soo kala jeeda degaano kala duwan ayaa ku eedeeyay seddexdaas mas’uul inay qorshaynayaan arrimo horseedi kara inuu dalku ku dhaco khatar. Sidoo kale xildhibaannada ayaa tilmaamay in saddexdan mas’uul ay hadda gacanta ku hayaan qorshe deg deg ah oo dowladda Qatar maalgalinayso si galaangal loogu helo baarlamaanka si fadhiyada ugu horreeya ay ugu dhawaaqaan muddo kororsi labo sano ah, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta. Xubnahan xildhibaannada ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada iyo dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka digtoonaadaan arrintan oo ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in la fashiliyo go’aannadii iyo heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb 1, 2, isla markaasna khilaaf hor leh laga dhex abuuro dowlad goboleedyada. Berri ayaa ku began 15-ka Agoosto oo ah maalintii loo ballansanaa shirkii Dhuusamareeb 3, ee lagu go’aamin lahaa nooca doorasho 2020/2021. PUNTLAND POST The post Maxay tahay u jeedada madaxweyne Farmaajo u hortagayo baarlamaanka? appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu berito hortago golaha shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa berito isugu imaan doona xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa iyadoo ajanedaha uu yahay warbixin uu madaxweynaha JFS u jeedinayo xildhibaanada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado in loo kordhiyo mudada uu kusoo magacaabayo ra’iisul wasaaraha dalka. Berito waxey ku beegan tahay waqtigii loo balansanaa shirka dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, waana madasha kaliya oo ay dadka oo dhamin isha ku hayaan maadaama wadanka uu ku jiro xilli xasaasi ah iyadoo aan wali la isku fahmin nuuca doorashada ee la qaban doono.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in haddii ay is-waafaqaan Wada xaajoodyada siyaasadeed ee socda iyo sharciyadda baarlamaanka la gaari karo Doorasho xaqiiq ah oo dhaca waqtigii loogu talagalay Sii hayaha Wasiirka, Ahna Guddoomiyaha Guddiga farsamo ee ka talabixinta doorashooyinka oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka Jimcaha ee Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ay socdaan Wadatashi, loona baahan yahay in la isla meel dhigo wax la wada ogol yahay oo aasaas u noqda geedi socodka dimoqraadiyadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxa uu sheegay in Guddiga farsamo ee Doorashooyinka ay sameeyeen dadaal iyo cilmi baaris ku wajahan soo ururinta tallooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqon kara suurtagalnimada hannaan Doorasho lagu qanacsan yahay. Sii hayaha Wasiirka, waxa uu sheegay in wadatashiga u socda dhinacyada siyaasadda uu marayo meel wanaagsan ,isagoo rajo ka muujiyay in kulamada kale ee la filayo ay ka soo bixi doonaan natiijo wacan oo kor u qaada niyada iyo himilada umadda. Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxa uu soo jeediyay in dadka soomaaliyeed ay gacan ka geystaan taabagalka shirka wadatashiga, iyagoo maanka ku haya waxa wanaagsan ee ku soo kordhay dalka iyo duruufihii kala duwanaa ee la soo maray. Wasiir Saalax ayaa sheegay in muhiimadda Doorashada dalka la doonayo in ay ka dhacdo ay tahay in ay noqoto mid ka duwan middii 2016-kii ee dadbaneed. Abaabulka lagu hirgelinayo doorashadaas ayuu sheegay in diiradda lagu saarayo in la qabto doorashada ka duwan tan ay ku timid Dowladda Federaalka oo ah mid dadban oo 51-qof ay u codeeyeen Xildhibaanka. “2016-kii, waad garan kartaa arrintu sida ay ahayd, taas ayaa la rabay in laga guuro oo la hiigsado qof iyo cod, inta xisaab u dhaxeyn karta waad sawiran kartaa, ma waxaa la oranayaa kursigii 500 ha u codeyso, ma shan kun mise soddon kun, waxyaabo badan ayaa lasoo jeedin karaa, balse muhiimadda waa fursadda hala siiyo dadka” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka.
  15. Agaasimihii Madaxtooyada Somalia oo shaqadii ka tegay Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya inuu muddo sanad ah kadib shaqada agaasimaha madaxtooyada isaga tagay Dr. Nuur Diiriye Fuursade. Dr. Fuursade ayaa isaga tagay shaqada Villa Soomaaliya sababo isaga u gaar ah, waxaana la xasuustaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka looga hadal hayay baraha bulshada in loo magacaabayo xilka ra’iisul wasaaraha. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dib ugu laabtay dalka Canada, iyadoo aan la ogeyn haddii shaqo ka tagistiisa ay ku lug leedahay inaan la siinin xilka ra’iisul wasaaraha oo ilaa hadda banaan. Bartamahii sanadkii hore ayaa xilkaan loo magacaabay, waxaana la ogyahay inuu aad ugu dhawaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dr. Fuursade ayaa noqday agaasimahii 5-aad ee soo mara Villa Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabsaday. Qaran News
  16. Hanjabaado lagu hurgufay R/Wasaaraha Canada,Yaase u hanjbay Justin Trudeau rai’sul wasaaraha Canada Tirada hanjabaadaha loo jeedinayo rai’sul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sare u kacay marka loo barbardhigo isla waqtigan sanadkii aanu Arrintan ayay micnaheedu tahay in hanjabaadaha ay sare u kaceen 100 jeer marka loo barbar dhigo isla waqtigan sanadkii 2019. Warbixinta ay soo saareen booliiska Canada ayaa ka dambeeysay ka dib markii ay dhaceen dhowr dhacdo oo dhanka ammaanka ah kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan dowladda fedaraalka Canada. Bishii July, dad looga shakisan yahay inay hubaysnaayeen ayaa la xiray ka dib markii ay ku soo xadgudbeen albaabka laga galo dhismaha uu ku nool yahya Mr Trudeau. Markii ay dhacdadani ay dhaceysay rai’sul wasaaraha kuma uusan sugnayn goobtaasi. Mr Trudeau iyo qoyskiisa ayaa imika ku nool dhisma ku yaalla goobta lagu magacaabo Rideau Hall estate, maadaama goobtii uu sida rasmiga ah u daganaa imika dayactir lagu wado. Dhacdooyiinka kale ee dhacay waxaa ka mid ah isku day weerar oo loo gaystay barasaab General Julie Payette – oo isla dhismaha uu Mr Trudeau, dagan yahay ku nool. Waxaa sidoo kale la isku dayay in la weeraro wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Catherine McKenna. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa la arkayay nin aflagaadeynaya islamarkana habaaraya Ms McKenna iyo Mr Trudeau . MPP Lisa MacLeod oo iyaduna ka tirsan golaha wasiirada ayaa lagu qasbay in booliiska ay ilaalo gaar ah ka hayaan ka dib markii ay heshay Emailo hanjabaado ah. Daniel Brien, oo ah afhayeen u hadlay booliiska ayaa u sheegay wargeyska Toronto Star in booliiska aysan faahfaahin ka bixinayn nooca hanjabaadaha ay ku dabajira Warbixin kale oo uu soo saaray machadka istaraatijiyada wadaxaajoodyada ee loo soo gaabiyo (ISD), ayaa waxaa lagu sheegay in dhiilooyiinka looga soo horjeedo dowlada gaar ahaan Mr Trudeau – “ay yihiin kuwa aad u sareeya. Mowduucyada ay barahooda ku qoraan kooxaha xagjirinta midig fog ayaa waxaa lagu qoraa hadalo ka dhan ah islaamka iyo Yahuud naceybka. Magaca Justin Trudeau ayaa 11.4% lagu xusay qoraalo ay barta facebook soo dhigeen kooxaha xagjirka ah, halka barta Youtube lagu xusay 28%. Kooxahan midigta fog ayaa waxa ay ka soo horjeedaan shuruucda socdaalka ee ay ansixisay dowlada garabka bidix ee Mr Trudeau. Qaran News
  17. Kunturwaareey (Caasimadda Online) – Waraka naga soo gaaraya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Danab ay la wareegeen degmadda Kunturwaareey, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab. Howlgalka Ciidamada ku qaadeen Kuntuwaarey maanta oo jimco ah ayaa qeyb ka ahaa howlgalada muddooyinkii u dambeeyay ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, ciidamada Danab ay la wareegeen degmada Kuntuwaarey. Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjoogeyaal sare oo Shabaab kamid ah, ka dib howlag qorsheysan oo laga fuliyay Degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay u baxsadeen dhanka deegaanka Sablaale. Saraakiisha Ciidamada DANAB waxa ay dhanka kale sheegeen in howlgalo baaris ah oo isugu jiro Miino baaris iyo raadinta saraakiil katirsan Al-Shabaab in ay ka wadaan Xaafadaha Degmadaasi. Ciidamada ayaa sii daayey dad Shacab ah oo Kooxda Alshabaab ay ku heysteen Degmada kunturwaareey sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowladda. Ilaa haatan Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan oo saraakiisha Ciidamada DANAB sheegeen in ay gacantooda ugu saareen Degmada Kuntuwaarey Gobolka Shabeelaha Hoose.
  18. Makadaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubo ka tirsan golaha wasiirada ayaa ka qeyb-galay xaflad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo lagu shaacinayay natiijada imtixaankii fasalada sideedaad ee dugsiyada maamulkaasi. Munaasabadaan oo lagu shaaciyey natiijada imtixaanka qaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda waxbarashada Galmudug,waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan. Wasiirka waxbarashada galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu horreyn waxa uu ka warbixiyey sida imtixaanka Ardaydu u gashay iyo sida kaalimaha loogu kala sareeyey. Wasaarada waxbarashada galmudug ayaa ku guulaysatay in deegaannada Galmudug iskuulada ku yaal ay ka qaado imtixaan mideysan kaasi oo arday ka badan laba kun ay u fariistaan sanad dugsiyeedka 2019-2020 waxaana kaalimah sare galay ilaa toban Arday. Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug oo munaasabada soo gabagabeeyey ayaa sheegay in madaxda galmudug ay muhiimada siineeyso waxbarashada deegaannada galmudug. View the full article
  19. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa cadeeyey mowqifkiisa ku aadan doorashada soo socota ee 2020/21-ka. Cumar Filish oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah ayaa sheegay inuu taageerayo qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda hadda jirta ay fursad muhiim ah siisay dhalinyarada, si ay qeyb uga noqdaan hoggaanka dalka iyo dhaq-dhaqaaqyada dhanka siyaasadda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli aan lagu heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020 illaa marka la gaaro sanadka xiga ee 2021. View the full article
  20. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada milatariga Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Kuntuwaarey oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo howl-gallo ku qaaday deegaano u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Marka ayaa la wareegay gacan ku heynta Kuntuwaarey oo saldhig ay ku lahaayeen Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay xalay saq-dhexe ka baxeen deegaankaasi, kadib markii ay ka war-heleen dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay howl-gallo ka sameeyeen deegaankaasi, kuna soo qab-qabteen dad lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  21. APSA Impact Report’s entry point into and added value to the existing body of policy research on conflict in the continent is that it is a comprehensive African study that aggregates disjointed analyses produced by other publications on AU and/or REC interventions and offers a continental view of all APSA interventions. The report serves as a relevant reference tool or report card that captures the efforts and challenges faced by the AU, RECs/RMs and member states in their regional and continental efforts in conflict prevention, management and transformation. The main findings of the implementation of the fit-for-purpose methodology and the study that produces this report are as follows. In 2018, Africa continued to be home to a little more than a quarter of all conflicts worldwide. 27% of violent and non-violent conflicts recorded in the world took place in Africa. National power, system/ideology, subnational predominance and resources were the most prominent conflict drivers on the continent, with system/ideology overtaking subnational predominance as a conflict driver for the first time. While this may be a result of the Heidelberg Conflict Barometer (which this report uses as a source material to identify conflicts) tweaking its definition of what constitutes system/ideology as a conflict item, it may also be an indication that conflicts in the region, particularly those in Sub-Saharan Africa which traditionally are predominantly fought over national power, subnational predominance and resources, are developing an ideological edge. The APSA reportDownload The post The APSA Impact Report appeared first on Puntland Post.