Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha waxaa shir guddoomiyay ku sii simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. War ka soo baxay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska goluhu ay meelmariyeen ay horey u wadagaareen 55 wadan oo qaaradda Afrika ah, uuna qeexayo in dhammaan wadamada saxiixay heshiiska ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa si xur ah. Waxaana la tilmaamay in ujeeda aasaaska aagga ganacsiga xorta ah ee Africa (AfCFTA) ay salka ku heyso abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, fududeynta ganacsiga iyo kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha. Golaha wasiirada ayaa xusay in Janaayo 2012 fadhi ay isugu yimaadeen madaxda wadamada ku bahoobay Midoowga Afrika shirkoodii 18aad oo ka dhacay Addis Ababa dalka Ethiopia, lagu ansixyay in la aasaaso aagga ganacsiga xorta ah ee Africa (AfCFTA). Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka faa’iideysaneyso AfCFTA, ayna fursad u heleyso in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, hanacsi abuur iyo in si dhameystiran looga faa’iido soo saaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo. Golaha wasiirada Soomaaliya oo ku sii simayaal ah ayaa tan iyo intii Kheyre la tuuray waday ansixinta sharciyo iyo heshiisyo qaarkood walaac laga muujiyay. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay heshiis ay wadagaareen 55 dal appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa maanta gaaray heshiis nabadeed oo taariikhi ah, oo uu fududeeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo labada dal ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah. Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in Israel ay joojiso qorshihii ay ku goosaneysay qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed. Heshiiskan ayaa waxaa maanta lagu gaaray wada-hadal taleefon oo ay yeeseen madaxweyne Trump, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed. “Horumar weyn ayaa dhacay maanta. Heshiis Nabdeed oo taariikhi ahoo ay gaareen laba ka mid ah saaxiibadeena ugu weyn ee Israel iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka. Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiskan loogu magac daray Abrahams Accord, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay kala saxiixdeen Israel iyo Jordan 1994-kii. Heshiiskan ayaa wuxuu Trump siinayaa guul siyaasadeed arrimaha dibedda ah oo weyn, xilli uu raadinayo in dib loo doorto 3-da bisha November. Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen saddexdan dal ayaa lagu sheegay “inay si buuxda isugu raaceen in Israel iyo Imaaraadka Carabta ay caadiyeeyaan xiriirkooda.” Wufuud ka kala socota Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa kulmi doona maalmaha soo socda si ay u saxiixaan heshiisyo quseeya dhinacyada maal-gelinta, dalxiiska, duulimaadyada tooska ah, amniga, isgaarsiinta iyo arrimo kale, sida lagu sheegay bayaanka. Waxaa sidoo kale la filayaa in labada dal ay dhowaan isdhaafsadaan safiiro iyo safaarado laga kala furo laba caasimadood. Bayaanka ayaa intaas ku daray “natiijada heshiiskan dartiis, codsiga madaxweyne Trump iyo taageerada Imaaraadka Carabta, Israel waxay hakin doontaa inay madax-banaanideeda ku dabaqdo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.” Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii saddexaad oo Carbeed oo xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Israel, kadib Masar iyo Jordan, iyo dalkii ugu horreysay oo ka tirsan Khaliijka.
  3. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka hadashay shirka lagu ballansan yahay Dhuusamareeb 3 iyo doorashooyinka Somaaliya ee 2020/2021. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay daneynayaan natiijada ka soo baxda shirka Dhuusamareeb 3, dwladda federaalka, dowlad goboleedyada, baarlamaanka iyo daneeyaasha kalena looga baahan yahay isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda is afgarad laga gaaro nooca doorasho. @US2Somalia is eagerly waiting for #Dhusamareb 3 Mtg results. The need for wide spread consultations & genuine compromise is key. The election model needs broad based support from FGS, FMS, Parliament, & other stakeholders. Timely elections, no mandate extensions. #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 13, 2020 Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in doorashadu xiligeeda ku dhacdo, wuxuuna Mareykanku ka digay muddo kordhin. Iyadoo ballantii shirka Dhuusamareeb 3 ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya, ayaa waxaa dib u dhacay. Guddiga farsamada shirka Dhuusamareeb 3 ayaa intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna halkaas kulamo kula qaateen qaar kamid ah madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Xubnihii Puntland ku la hayd Guddiga farsamda ayaa ka qeybgalin shirarka Muqdisho, waxayna weli ku sugan yihiin Puntland. Shirka Dhuusamareeb 3 wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo la riday Ra’iisul Wasaare Kheyre oo qeyb ka ahaa Dhuusamareeb 2, welina aan la magacaabin Ra’iisul Wasaare cusub. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo isha ku haya shirka Dhuusamareeb 3 appeared first on Puntland Post.
  4. MOGADISHU (HOL) - No term extension in Somalia, the U.S ambassador to Somalia Donald Yamamoto has said calling for consensus in the upcoming talks in Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan E-maillada afar qof oo kamid ahaa masuuliyiintii ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dib loo furay, iyada oo la billaabay in farriimo laga diro, lagalana dego xogta xiriirradii ay mas’uuliyiintaas sameeyeen, sida ay sheegeen qaarkood. Agaasimahii warbaahinta iyo xiriirka Calinuur Salaad ayaa shaaciyay inay la soo xiriireen dad farriimo looga diray e-mailkiisii hore ee shaqada iyada oo magaciisa la isticmaalayo. “Waxaa isoo gaaray in E-mailkaygii shaqada xafiiska ra’iisul wasaaraha xiriirro laga sameynayo iyada oo magacayga la isticmaalayo, sidaas darteed E-mail kasta oo alinur@opm.gov.so kaaga yimid kadib 30.07.2020 waxaa soo diray koox isu key ekeysiineysa oo xirfad xumadoodu halkaas gaarsiisay,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Calinuur. Caasimadda Online ayaa ogaatay in maalintii shalay ahayd ku simaha Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska ra’iisul wasaaraha uu wasaaradda isgaarsiintaka codsaday in maamulka e-maillada lagu soo wareejiyo, kadibna ay la wareegeen. E-mailladii Xogahaya joogtada ahaa, Axmednuur Maxamed, La taliyihii Kheyre Samiira Qaacid iyo agaasimihii warfaafinta Calinuur Salaad oo dhamaan ku dhowaa Kheyre ayaa dib loo furtay. E-maillada ayaa hawada laga saaray markii ay shaqada ka tageen, balse sababta keenta in dib loo adeegsado ayaanan wali caddeyn Inta badan E-maillada rasmiga ah ee dowladda laguma wadaago xog xasaasi ah, balse walaaca ayaa yimid kadib markii E-maillada lagala xiriiray mas’uuliyiin kale, taas oo abuurtay jahwareer. Isticmaalka E-maillada wata summadda Dowladda waxaa la billaabay 2010 waxaana gacanta ku hayay Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhistay nidaam lagu kalsoonaan karo, sida uu qoraalkiisa ku sheegay Calinuur Salaad.
  6. MOGADISHU (HOL) - he Federal Government has dismissed claims that the electoral talks slated for Dhusamareb this week have been postponed noting the meeting bringing together national and state leaders is on course. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal cusub kasoo saartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan shirka Dhuusamareeb 3 iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Qoraal kooban oo safaaradda Mareykank ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ku sheegtay inay si aad ah u sugeyso natiijada shirka saddexaad ee Dhuusamareeb, inkasta oo ay jirto cabsi la xiriirta inay u eg tahay in shirka uusan qabsoomi doonin waqtiigii loogu talo-galay oo ah 15-ka bishan Dowladda Mareykanka waxay sidoo kale dalbatay in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku dhacdo, islamarkaana aan la sameyn wax muddo kordhin ah. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay si aad ah u sugeysaa natiijada shirka Dhuusamareeb 3. Baahida loo qabo wada-tashi ballaaran iyo isu-tanaasul dhab ah waa muhiim. Hanaanka doorashada waa inuu noqdaa mid ay saldhig u tahay taageerada guud ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka. Doorasho waqtigeeda ku dhacda, muddo kororsi la’aan,” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa ah mid kale oo u muuqda inay hadallo kulul farriin ugu direyso dowladda Soomaaliya, oo aad loo rumeysan yahay inay ku howlan tahay muddo kororsi. Mareykanka ayaa markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aad u dhaliilay Villa Somalia iyo baarlamanka, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono koox uu ugu yeeray qas-wadayaasha Soomaaliya, oo aan la magacaabin.
  8. Shirka todobaadlaha ah, golaha wasiirada Koofur Galbeed oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaa looga hadlay fatahaadda webiga Shabeelaha uu ka geystay gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo sidoo kale warbixin amniga ku saabsan laga dhageystay wasaaradda amniga. Kulanka waxaa shir guddoomiyaha, madaxweynaha Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana la dhaariyay wasiirada cusub ee dhowaan uu madaxweynaha magacaabay. Wasaaradda Gargaarka, ayaa soo bandhigtay warbixinta fatahaadda webiga, waxayna golaha ka wada hadleen sida gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay degaanadooda oo fatahaadda saameysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Lubnaan)-Baarlamaanka Dalka Lubnaan ayaa meel-mariyey ama ansixiyey Xaaladda deg-deg ah oo lagu soo rogay Dalkaasi, taasi oo ay Maamulayaan Ciidammadu, waxayna xaaladda deg-degga ahi ka dambaysay Qaraxa weyn oo ka dhacay Caasimadda Bayrtuud Salaasadii hore. Ansixinta Baarlamaanka ee Xaaladda Deg-degga ah ayaa awood Sharci siinaysa Ciidammada Maamulaya Xaaladda deg-degga ah. Golaha Wasiirrada ee Dawladda Lubnaan ayaa 5-tii August, 2020 Dalkaasi ku soo rogay Xaalad deg-deg ah, taasi oo ah Maalin ka dib Qarax sababay Dhimashada 200 Qof iyo dhaawaca Dad tiradoodu ku dhowdahay 6000. Baarlamaanka Lubnaan ayaa Khamiista Maanta Cod u qaaday Xaaladda deg-degga ah oo socotay muddo 8 Maalmood ah, marka laga soo bilaabo 5-tii August ee la soo rogay, waxayna sharciyeeyeen Xaaladda deg-degga ah, maaddaama oo Duruufaha xilligan ka jira Lubnaan khasabtay, inkasta oo hadhow qaadiddeeduna Cod u baahan doonto. Qaraxa Bayruut ka dhacay ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dhismayaal Tiradoodu gaadhayso 70.000 kun. Qaraxa ka dhacay Dekedda Bayruut ayaan si dhab ah loo ogayn waxa sababay, laakiin Masuuliyiinta Dalkaasi ayaa sheegay inay sababay 2,750 tan oo ah Kimikada loo yaqaano Amuuniyam Naytarayt. Source
  10. Hoggaamiyihii Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin ee Waddanka Masar Essam al-Erian ayaa Maanta oo Khamiis ah ku geeriyooday Xabsi ku yaalla Magaalada Qaahira sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Masar. Marxuumka oo da’diisu ahayd 66 sano jir ayaa Xabsiga ugu geeriyooday Xanuunka dhanka Wadnaha oo uu mudda ka sheeganayay balse aan dhaqtar la gayn sida uu sheegay looyar ka tirsan Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin. Looyarka ayaa intaasi ku daray in Hoggaamiyaha geeriyooday aysan mudda lix bilood ah arag Qoyskiisa iyo Looyarada u doodaya midna kadib markii Maamulka xabsigu diiday in la booqdo sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19. Marxuum Essam al-Erian ayaa xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2013 xilligaas oo lagu xukumay xabsi dhan 25 sano oo xarig ah kadib markii lagu soo eedeeyay dhawr Qaddiyadood oo la xiriira Amniga iyo Jiritaanka Masar. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Ikhwaanul Muslimiinka Masar oo xabsiga ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  11. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in maanta la geeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si ay u xoojiyaan amniga guud ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu bixiyey amarka lagu geeyey Gaalkacyo ciidamadaasi oo isugu jira milatari iyo Boolis. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in durbo dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo cusub ay ka bilaabeen halkaasi. U jeedka ciidamadaan loogu daad-gureeyey Gaalkacyo waxaa lagu sheegay sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha maleeshiyaadka ah ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaaladaasi, sida ay u sheegeen Caasimada Onlien saraakiil laamaha amniga. Gaalkacyo oo kala qeybisa maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Gaalkacyo lagu dilay taliyihii madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed, kadib iska hor imaad dhex-maray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa magaaladaasi.
  12. Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran. Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (koroona), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021. Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamullada gobollada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta Villa Hargeysa kula kulmay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Xildhibaan C/naasir Saciid Muuse iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar. U jeedka kulanka ayaa ahaa is xog wareysi ku saabsan xaalada guud ee amni ee dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho., Sidoo kale wasaarada amniga iyo taliska Booliiska ayaa guddiga waxa la wadaageen warbixin ku saabsan amniga Qaranka iyo horumarada laga gaaray. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan weerar khasaare geystay uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaas oo ay fuliyeen maxaabiis ku jirtay xabsigaasi. View the full article
  14. Degdeg:Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka Halkan ka Daawo Muqaalka Habka Shirku u qabsoomay: Halkan ka Akhri warka oo dhamaystiran:- Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka, Siyaasado Qaranna Ansixiyey. Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran. Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021. Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  15. Sii hayaha xil-ka wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalmihii u dambeeyey sameeyey magacaabis is-daba joog ah, xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub. Waxaa xusid mudan in magacaabista xubnahan uu sameeyey wasiirka markii kalsoonida lagala noqday xukuumaddii Khayre kadib, hasa’ahaatee Cawada ayaa la sheegay inuu taariikhda magacaabista bedelay, isaga oo ka dhigay mid ka horeysay dhicista xukuumada. Wasiirka arrimaha dibadda ayaa magacabay illaa 8 xubnood xoghayeyaal isugu jiro koowaad, labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah, kuwaas oo ka gaarsiis ah, una badan hal beel, iyada oona sidoo kale wasiirka uu sameeyay dalacsiin. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey, kadib dhicitaankii xukuumaddii uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020-ka, si looga dhigo in la sameeyey intii ay jirtay xukuumaddii la riday, kadib go’aankii ka soo baxay Golaha Shacabka Somalia. Halkan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay:- Nasra Maxamed Maxamuud: xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada. Farxaan Maxamed Diiriye: xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Ibraahim Xasan Maxamuud : xoghayaha koowaad eesSafaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Axmed Cabdi Bille: oo loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka South Afrika. Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Axmed Ceydiid Cismaan: xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan. Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga. Dhankiisa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Cabdinaasir Saalax Maxamed umagaacaby u qeybsamaha arrimaha amniga ee garoonka Aadan Cadde. Inta badan xilal-ka ay magacaabeen wasiirada arrimaha dibadda iyo amniga ayaa la sheegay inay u magacaabeen dad ay isku heyb yihiin oo ay kaga faa’ideesteen xil- ka qaadistii raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ee la riday, Mudane Xasan Cali Khayre. View the full article
  16. Xukuumadda Giriigga ayaa ugu baaqday Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka soo ambabaxay dekad ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka. Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka Gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto. Markii xukuumadda Turkiga ay bishii July ku dhawaaqday in Markab baaritaan shidaal sameeya ay jasiiradda Kastellorizo, ayaa waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo imika haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub. Balse imika markii uu markabka Turkiga oo ay weheliyaan 5 markab oo kale ayaa waxaa mar kale soo cusboonaaday muranka. Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan. Dowladda Giriiga ayaa wacad ku martay inay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay. Siduu u xumaaday xiriirka? Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya keydka Gaas islamarkana waxay isku khilaafsan yihiin cidda xaqqa u leh goobo muhiim ah oo ku yaalla bariga badda Mediterranean-ka . Waxay ku muransan yihiin goobo cayiman oo dal walba uu sheeganayo inay dhulkiisa ka tirsan yihiin. Bishii July, Turkiga ayaa waxay bixiyeen digniin dhanka badda ah taasi oo loo yaqaano Navtex waxayna sheegeen in markabka Oruc Reis oo ah mid sahmiya shidaalka ay u dirayso meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo, oo masaafo yar u jirta xeebta koonnfur galbeed ee dalka Turkiga. Markii ay Turkiga digniinta bixiyeen kama uusan soo shiraacan dekadda Turkiga ee Antalya. Balse digniintaasi ayaa markiiba sababtay in milatariga Giriigga heegan sare la galiyo, waxaana bilaabatay cabsida laga qabo in uu isku dhac ka dhaca meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo. Xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga ayaa muddo bilooyiin ah waxaa uu ahaa mid wiiqmay. Labada dal waxyaabaha kale ee ay ku muransanayeen waxaa ka mid ahaa muhaajiriinta ka soo gudbiyo dhanka Turkiga ee u soo talaabaya Giriigga. Giriigga ayaa sidoo kale aad uga naxay ka dib markii madxafkii Hagia Sophia ee ku yaalla Istanbul loo badalay masaajid. Waxay labada dhinac mujiyeen inay ka go’an tahay wadaxaajood ka dib markii Jarmalka ay soo faragaliyeen islamarkana dagtay xiisadda labada dal. Balse horraantii bishan August Giriiga ayaa waxay heshiis dhanka badda la galeen Masar taasi oo Turkiga ka careysiisay. Wadahadaladii ayaa la baajiyay islamarkana waxaa 10 August dekadda ka soo shiraacday markabka Oruc Reis. Maalinkii xigtay markabka Oruc Reis ayaa la sheegay in uu joogay biyaha u dhaxeeya jasiiradaha Crete iyo Qubrus. Maxaasoo cusboonaysiiyay xiisadda? Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya sidii ay u hormarin lahaayeen kheyraad dhanka tamarta ee bariga badda Mediterranean-ka. Sanooyiinkii u dambeeyay ayaa waxaa keyd dhanka Gaaska ah laga helay biyaha Qubrus, taasi oo keentay in dowladdaha Qubrus, Giriiga, Masar, iyo Israa’iil ay ka wada shaqeeyaan sidii ay kheyraadkaasi inta badan ula soo bixi lahaayeen. Sanadkii aanu soo dhaafnay Turkiga ayaa waxay dardargaliyeen inay shidaal ka baaraan galbeedka Qubrus oo kala qeybsanayd tan iyo 1974, islamarkana ay Turkiga gacanta ku hayaan wuqooyiga Qubrus oo ay Turkiga kali ah aqoonsan yihiin. Turkiga ayaa mar walba ku dooda in jasiiradaa khayraadka ku jira la qeybsado. Bishii November 2019, xukuumadda Ankara ayaa waxay heshiis la saxiixatay Liibiya taasi oo Turkiga ay sheegeen in lagu abuuray aag dhaqaale oo gaar ah oo u dhaxeeya xeebta koonfurta Turkiga ilaa waqooyi bari Liibiya. Dowladda Masar ayaa tallaabadasi ku tilmaamtay mid sharci daro ah, halka xukuumadda Gariiga ay ku tilmaamtay mid aan caqligal ahayn maadaama aan la xusin jasiiradda Crete ee Giriiga ku taalla. Dabayaaqadii bishii May, ayay Turkiga shaaciyeen inay qorshaynayaan in ay qodida Gaaska bilaabaan bilooyiinka soo socda taasi oo ay ka sameyn doonaan dhowr goobood, waxaana arrintan qaaylo dhaan ka muujiyay midowga Yurub, Giriiga iyo Qubrus. Dhowr shati ayaa horey loo soo saaray taasi oo ah in shirkadaha shidaalalka Turkiga ay shidaal qodis ka bilaabi karaan bariga badda Medatareeniyanka, taasi oo ay ku jiraan jasiiradaha Gariiga ee Rhodes and Crete. Maxay yihiin arrimaha sharciga ee ku xeeran? Qaar badan oo ka mid ah jasiiradaha Gariiga ee ku yaalla Aegean iyo bariga Mediterranean-ka ayaa waxay u jiraan xeebta Turkiga masaafi aad u dhaw, islamarkana muranka la xiriira biyaha waa mid adag labada dal-na dhowr jeer ay ku sugteen inay dagaalamaan. Haddii Giriiga ay isku soo ballaariyaan 6 mayl dhanka xeebta , Turkiga ayaa ku andacoonaya in badooda ay arrintaasi saamayn ku yeelanayso. “Turkiga ma aqbali doono qorsha kasta oo la isku dayayo in lagu soo xiro biyaheeda,” waxaa sidaasi sheegay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Maxay yihiin jawaabaha laga bixiyay? Wadamada Yurub ee xulufada la ah gariiga ayaa waxay taageereen go’aanka Giriiga inkastoo dalalka kale ee Yurub sida Jarmalka ay ku baaqayaan wadaxaajood. Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa taageero buuxda u muujiyay Gariiga iyo Qubrus , wuxuuna cambaareeyay “jabinta la jabiyay madaxbanaanidooda”. Xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Faransiiska ayaa ahaa bilooyiinkii ugu dambeeyay ahaa mid murugsan , gaar ahaan arrinta Liibiya. Mareykanka ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay wadahadlaan islamarkana xoghayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa dhankiisa ku baaqay in arrintani “la xaliyo iyada oo la eegay is xulufeysiga laguna saleynayo shuruucda caalamiga ah.”
  17. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran. Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021. Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  18. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta Puntland ciidamo dheeraad ah ay dhigtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay xoojin doonaan amniga, iyaga oo durbo howl-gallo baaritaano ah ka bilaabay halkaasi. U jeedka ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha maleeshiyaadka ee weli ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Dhowaan ayey aheyd markii taliyihii madaxtooyada Puntland lagu dilay magaaladaasi, kadib iska hor imaad dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan. View the full article
  19. Laascaanood (PP) — Seddex qof ayaa lagu dilay aagga Jidbaale ee gobolka Sool kaddib iska horimaad ka dhashay muran dhul daaqsimeed. Sida warar aan la xaqiijinin tilmaamayaan seddexda qof waxaa dilay koox hubaysan oo ku doodaysaa in beesha seddexda nin u dhasheen aysan degi karin Jidbaale. Waa xiisaddii labaad kaddib iskahorimaad hubaysan oo dhowaan ka dhacay Ari Caddeeye. Puntland Post way soo gudbin doontaa faahfaahin dheeri ah ku saabsan dilalka Jidbaale ka dhacay dhowr saacadood ka hor. © Puntland Post, 2020 The post Iskahorimaad Sababay “Geerida Afar Qof” oo ka Dhacay Jidbaale appeared first on Puntland Post.
  20. Waxaa goordhow xabsiga Dhura ee dalka Masar ku geeriyoodey hoggaamiyaha ikhwaanka Muslimiinka Casaam Al-caryaan. Al-caryaan oo ka tirsan hoggaanka ugu sareeya xarakada caalamiga ah ee Ikhwaanka ayaa la sheegayaa inuu wadnaha istaagay. Horay waxaa isla xabsigaas dartii u geeriyoodey madaxweynihii la afgambiyey Maxamed Musri oo isna wadnaha istaagay isaga oo maxkamad la taagayo. Waxaa xabsiga ku xanuunsanaya hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xarakada Ikhwaanka, kuwaas oo qolada afgambiga ee SISI ay si xun ula dhaqmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada kajira dalka iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraandeggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami u socodka Doorashooyinka Dalka,waxaa doodaga dhinacyadaasi ay kusaleysan Doorasho Nooce ah ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansaxiyay Doorasho Qof iyo Cod balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurtagalinta daruufaha amniga ee ku xeeran ee waqtiga iyo sida ay u qabsoomi karto. Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho loodhanyahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida ee nasoo aadan. View the full article