-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Maanta oo Sabtiya ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sida qorshaysan ka hor inta uusan Dhuusamareeb u duulin, waxa uu warbixin ka hor jeedin doona Golaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka warbixin doona Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Dalku haatan marayo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo xaqiijiyay Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Madaxweynuhu halkaasi u tegayo sidii hore loogu dhaqaajin lahaa Wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. “Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Cabdinuur. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb ku wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Kulanka golaha Xildhibaannada shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goor dhow uu ka furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa. Kulanka oo ah mid aad u xasaasi ah ayaa waxaa golaha shacabka khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farriin xalay loo diray xildhibaannada ayaa loogu sheegay in kulanku uu furmayo 9-ka subaxnimo waxaana la faray in ay kasoo qeyb galaan View the full article
-
Warar lagu kalaoon yahay ayaa sheegaya in Shirka dhuusamareeb uu bilaabanayo bero oo Axada.Shirka oo laguwaday inuu maanta furmo ayaa dib u dhacaya hal maalin, [...] The post Shirkii Dhuusamareeb oo beri furmaya appeared first on . Source
-
Golaha shacabka ee Baalmaanfederaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa kulan ku leeyhay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, Golaha ayaa lagu wadaa inuu horyimaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyo sida lagu helayo wararka. Waxaan la ogeyn ajendaha khudbadda Farmaajo uu ka jeedin doono golaha iyo waxa uu uga hadli doono, maadaama aan horay loo sii shaacin golahana aan lasiinin noqolada khudbadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo kooban oo kasoo baxay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada in berito uu madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warbixin siin doona gollaha. Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo BBC-da u xaqiijiyay kullanka baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu warbixin siin doonaa baarlamaanka. Inkastoo aanan si fahfaahsan loo ogeyn waxa uu madaxweynaha ka sheegi doona baarlamaanka haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku qotonta arrimaha hadda taagan oo ay kamid tahay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta. “Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlay BBC-da. Madaxweyne Farmaajo ayaa gabagabeda shirka Dhusamareeb ka sheegay in is-faham wa’ dhanka doorahsada uu u dhaxeeyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo wakhtigeeda ku dhacda halka gudidga doorashada iyo baarlamaanka oo isku dhinac ahna ay doonayaan in doorasho qof iyo cod ah lagu soo doorto madaxda xigta. Farmaajo ayaa horay u sheegay in isaga uu yahay ilaaliyaha sharciga, kana shaqeyn doona sidii wax lamisugu waafaqi lahaa. “Xildhibanaada iyo shuruucda la meelmariyay sida laga yeeli lahaa iyo duruufta jirta ayay arrinta taagan tahay hadda, anniga waxaa iga aadan waxay tahay in aan isu soo noqono oo qofwalba uu ku noqdo meeshii uu ka yimid oo wadatashi ugu noqdo, anigu waxaan dib ugu noqonayaa baarlamaanka, waxaana kusoo wargelinayaa wixii aan ku sheekeysanay, waana isu soo noqoneynaa”, ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay gabagabada shirkii Dhusamareeb. Maanta oo ay taariikhda ku began tahay 15-ka bisha Agost ayaa loo ballansanaa in la isugu tago magaalada Dhusamareeb, haseyeeshee dad ku sugan magaalada Dhusamareeb waxay BBC-da u sheegeen in aysan muuqanin qabanqaabada qabsoomidda shirka. View the full article
-
Safriirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland in ay ka soo qeyb galaan shirka magaalada Muqdisho uga socda Guddiga Farsamada ee doorashooyinka oo horay loogu heshiiyay shirkii Magaalada Dhuusamareeb. War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyay ka maqnaanshaha Shirka ee maamuladaasi. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ka hartay Saddex bilood oo kaliyah loona baahan yahay in si weyn loo ilaaliyo Waqtiga doorashooyinka. “Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo” ayaa lagu yiri Warka beesha Caalamka kasoo baxay. Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan” Warka Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli maamulada Puntland iyo Jubbaland xubnihii ka socday aysan ka qeyb galin Shirkii dhawaan Muqdisho uga furmay guddiga Farsamada ka baarandegga doorashooyinka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-1582020.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faah faahin kooban ka bixiyey kulanka maanta ee Golahaasi, kaas oo la filayo inuu hortagayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Mursal oo u warramay BBC-da ayaa ayaa sheegay Madaxweynuhu uu warbixin siin doono xildhibaanada Golaha Shacabka, taas oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warbixintiisu ay la xiriirto ballan qaadkii uu ka sameeyey Dhuusamareeb ee ahaa in dib ugu laaban doono baarlamaanka Soomaaliya, si uu ula tashado. “Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka Golaha Shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa saacadaha soo socda ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhammaantooda lagu war-geliyey inay soo xaadiraan kulanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu uga qeyb-galayo wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacayaan 2020 illaa 2021-ka. Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay safarka Madaxweynaha uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Illaa iyo hadda ma jiro oo hal Madaxweyne goboleed oo gaaray magaaladaasi, waxaana qorshuhu ahaa in shirka uu furmo 15 Augus oo maanta ku beegan, balse sida muuqata uu dib uga dhacay. Shirkaan ayaa ku duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadaya, xilli ay ka sii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii la riday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo kooban oo kasoo baxay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay xildhibaanada in Maanta uu madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warbixin siin doona gollaha. Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo BBC-da u xaqiijiyay kullanka baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu warbixin siin doonaa baarlamaanka. Inkastoo aanan si fahfaahsan loo ogeyn waxa uu madaxweynaha ka sheegi doona baarlamaanka haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku qotonta arrimaha hadda taagan oo ay kamid tahay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta. “Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlay BBC-da. Madaxweyne Farmaajo ayaa gabagabeda shirka Dhusamareeb ka sheegay in is-faham wa’ dhanka doorahsada uu u dhaxeeyo maamul goboleedyada oo uu sheegay inay doonayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo wakhtigeeda ku dhacda halka gudidga doorashada iyo baarlamaanka oo isku dhinac ahna ay doonayaan in doorasho qof iyo cod ah lagu soo doorto madaxda xigta. Farmaajo ayaa horay u sheegay in isaga uu yahay ilaaliyaha sharciga, kana shaqeyn doona sidii wax lamisugu waafaqi lahaa. “Xildhibanaada iyo shuruucda la meelmariyay sida laga yeeli lahaa iyo duruufta jirta ayay arrinta taagan tahay hadda, anniga waxaa iga aadan waxay tahay in aan isu soo noqono oo qofwalba uu ku noqdo meeshii uu ka yimid oo wadatashi ugu noqdo, anigu waxaan dib ugu noqonayaa baarlamaanka, waxaana kusoo wargelinayaa wixii aan ku sheekeysanay, waana isu soo noqoneynaa”, ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay gabagabada shirkii Dhusamareeb. Maanta oo ay taariikhda ku began tahay 15-ka bisha Agost ayaa loo ballansanaa in la isugu tago magaalada Dhusamareeb, haseyeeshee dad ku sugan magaalada Dhusamareeb waxay BBC-da u sheegeen in aysan muuqanin qabanqaabada qabsoomidda shirka.
-
Dowlad Goboleedka Galmudug oo marti-gelinaysa Shirka Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shaacisay in uu dib u dhac ku yimid Wakhtiga Furitaanka Shirkaasi. Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu dib dhac ku yimid Shirka Dhuusamareeb oo lagu waday in uu furmo 15-ka Agoosto oo ku beegan Sabtiyada Maanta ah. Balse Wasiir Falagle ayaa laga soo xigtay in Madaxda ka qayb-galaysa Shirka ay isla Maanta tegi doonaan Magaalada Dhuusamareeb isagoo xusay in Shirka furmi doono marka ay soo dhammaystirmaan Wufuudda ka qayb-galaysa. Dhinaca kale Wufuudda ka qayb-galaysa Shirkaasi ayaa qaarkood lagu wadaa in ay Maanta gaaraan Dhuusamareeb waxaana Madaxdaasi kamid ah Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Wakhtiga uu furmayo Shirka Dhuusamareeb oo dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Nuradin Osman, a Somali entrepreneur who knows first-hand what famine means, is determined to accelerate a new era in African agriculture, offering profitable agribusiness investment and solutions to address existing gaps in African agriculture and eradicating extreme poverty across the continent. He spoke to African Business about his new ventures Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal u muuqday cannaan iyo digniin ku wajahan hay’addaha dowladda federaalka, madaxtooyada iyo baarlamaanka ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Dhuusamareeb 3 ayna waajib tahay in si wada jir ah loogu qeybgalo. Qodobada warsaxaafadeedkaan oo aad u adag ayaa qodobka ugu culus wuxuu qeexayaa in aysan cid gaar ah, hadey ahaan laheyd DF, maamul goboleedyada ama xisbiyada siyaasadeed inaysan soo saari karin go’aan, tasoo loogu gol leeyahay in mudo xileedka dowladda waxna lagu dari karin xitaa haddii baarlamaanku go’aamiyo.z Qoraalka ayaa sidoo kale baarlamaanka iyo hay’addaha kale ee dowladda looga digay mudo kororsi hareer marsan sharciga iyo in laga wada shaqeeyo qabsoomida doorasho la isla ogal yahay. Wuxuuna Warsxaafadeedka u qornaa sidan. Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan)* waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon. Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah. Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan. Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda. Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin. Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka. Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada. Dowladaha Beesha Caalamka ee warka soo saaray ayaa kala ah: Belgium, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.
-
Somali elite forces freed 33 children Friday in a military operation against Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab in the southwestern region of lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasi oo uu ka furmayo shirka Dhuusamareeb 3 ee DF iyo maamul goboleedyada. Qoraal uu barta facebook uu soo dhigay agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Abdinur Maxamed ayuu ku sheegay in madaxweynha uu maanta u ambabixi doono Dhuusamareeb si uu ugu qeybgao shirka halkaasi ka furmi doono oo looga hadli doono mustaqbalka dalka iyo arrimaha doorashooyinka. “Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu ku yiri agaasime Abdinur qoroolkiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa kahor inta uusan u ambabixin Dhuusamareeb wuxuu khudbad u jeedin doonaa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn ajandaha khudbadiisa waxa ay ku saleysan tahay. Madaxweyne Farmaajo oo laga sugayay inuu si dhaqso ah usoo magacaabo ra’iisul wasaare ayaa waxaa uu la kulmayaa culeysyo ka imaanaya beesha caalamka iyo kooxaha mucaaradka oo si wada jir ah ugu niyad jabsan qabsoomida shirka Dhuusamareeb inuu baaqdo iyo dib u dhac ku yimaada doorasho ku dhacda waqtigii loogu talagalay. Qoraal shalay kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu dalbaday in la qabto shirkii Dhuusamareeb kana qeyb galaan dhammaan guddiyadii farsamada, waxaana farriin adag loogu diray Golaha Shacabka oo loogu caddeeyay inuusan awood u lahayn muddo kororsi cid kasta oo tallaabadaasi qaadana ay sharci daro ku dhaqaaqeyso.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ka hadlay khudbadda uu Maanta Madaxweyne Farmaajo ka hor jeedin doono kulanka Golaha Shacabka. Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay inuu rajeenayo in Madaxweyne Farmaajo garowsan yahay xaalada adag ee dalku ku sugan yahay isla markaasna uu kulanka Maanta ee Xildhibaanad uu ka hor sheegi doono wax dalka lagu badbaadiyo. “Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, Maantana uu xildhibaanadda la hor iman doono wax dalka lagu badbaadinayo oo ah jidkii loo mari lahaa doorasho laga wada raalli yahay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Xildhibaan Odawaa ayaa xusay in wadada kaliya ee Madaxweyne Farmaajo u furan ay tahay inuu qabsoomo shirka Dhuusamareeb3 si xal looga gaaro khilaafka ka taagan nooca doorashso ee ka dhici karto dalka. “Jidka kaliya ee u furan Madaxweynaha waa in Dhuusamreeb 3 loo wada guntadaa sidii la isugu wada tagi lahaa ugana soo bixi lahaayeen qaab doorasho oo la isla ogolyahay”ayuu yiri. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dalbaday kulanka Golaha Shacabka, horayna u balan-qaaday inuu Baarlamaanka warbixin siinayo, kuna salleysan tahay warbixintiisa xaalada doorashada dalka. Inkastoo aanan si fahfaahsan loo ogeyn waxa uu madaxweynaha ka sheegi doona baarlamaanka haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku qotonta arrimaha hadda taagan oo ay kamid tahay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta.
-
Qaran News
-
Donald Trump walaalkii oo Cisbitaal loola cararay Sida ay qorayaan warbaahinta CNN iyo ABC, waxaa aad u xanuunsanaya oo isbitaal la dhigay wiil la dhashay madaxweyne Donald Trumo kaas oo lagu magacaabo Robert Trump islamarkaana da`ahaan ka yar madaxweynaha. Xaaladdiisa caafimaad ayaan wax sidaas ah laga ogeyn balse waxaa lagu sheegay mid daran. Aqalka Cad ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee Robert Trump, waxaana ay xaqiijiyeen in isbitaal la dhigay. Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu saacadaha soo socda warbaahinta uga warbixin doono xaaladda caafimaad ee walaalkiis iyo sida loo hayo. Waxaa isdoo kale lagu wadaa in uu booqdo madaxweynaha isbitaalka uu ku jiro walaalkiis. Madaxweyne Trump iyo walaalkii ayaa la sheegay in ay leeyihiin xiriir wanaagsan. Waa markii labaad oo isbitaal loola cararo Robert Trump, waxaana bishii July uu muddo isbuuc ah ku jiray isbitaal. Qaran News
-
Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay Doorashada Somalia+Baaq ay u dirtay…… War saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa looga hadlay qabsoomida shirka Dhuusomareeb 3 oo lagu waday in beri furmo ,balse u muuqda mid dib uga dhacaya waqtigii lagu balan sanaa. Beesha Caalamka ayaana ugu baaqday Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusomareeb 3 ee lagu balan sanaa 15-ka bishan oo beri ku beegan u furmo dhinacyadaasi. Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in laga maarmaan tahay in doorashada ku dhacdo waqtigeeda lagana fogaado wax kasta oo keeni kara dib u dhaca doorashada iyo khalalaase. Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Beesha Caalamka #Somalia’s intl. partners urge Fed. Govt. and Fed. Member State leaders to hold crucial meeting on #elections as scheduled in #Dhusamareb & to avoid unilateral decisions on #electoral models and term extensions to maintain country on stable political path: https://t.co/y4ZaUtsDvk pic.twitter.com/fkaXD4aCHD — UNSOM (@UNSomalia) August 14, 2020 Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon. Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah. Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan. Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda. Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin. Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka. Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada. Qaran News
-
Madaxweyne Dalka Turkiga Erdogan oo si kulul uga hadlay heshiiska Imaaraatka carabta & Israa’iil Madaxweyne Erdogan Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra’iil. Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra’iil. “Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Erdogan ayaa intaa sii raaciyay “waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo.” Israa’iil iyo dalka imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis si dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac. Israa’iil ayaa waxay aqbashay inay joojiso qorsheeda ay isku sii ballaarinayso qeybo ka mid ah daanta galbeed. Bayaan la yaab lahaa ayaa waxaa uu madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, oo hsehiiskan gar-wadeen ka ahaa ayaa waxay dalalka heshiiska ku tilmaameen “mid taariikhi ah” iyo guul nabadeed. Isra’iil ayaa wixii imika ka horeeyay aan wax xiriir ah la lahayn dalalka Carbeed ee gacanka. Balse waxay Israa’iil iyo dalalkan wadaagaan walaaca ay ka qabaan Iiraan taasi oo sababtay in ay yeeshaan xiriir aan rasmi ahayn. Hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa la sheegay inay tallaabadani ay la yaab ku noqotay . Afhayeen u hadlay madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas ayaa heshiiskan ku tilmaamay ” khiyaano qaran “, islamarkana waxaa dib loogu yeeray safiirkii Falastiin u fadhiyay Imaaraadka. Madaxwayne Trump ayaa heshiiskan u dhaxeeya rai’sul wasaare Netanyahu iyo boqorka Imaaraadka Mohammed Al Nahyan ku tilmaamay”waqti taariikhi ah “. Waa heshiiskii saddexaad ee ay gaaraan israa’iil iyo Carabta tan iyo intii sanaddii1948, lagu dhawaaqay madaxbanaanida Israa’iil . Maxaa lagu heshiiyay? Benjamin Netanyahu iyo Mohammed Al Nahyan Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa’iil si loo saxiixo heshiisyo laba geesood ah. Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga,dalxiiska,duulimaadyo toos ah, ammaanka,isgaarsiinta, tiknoolajiyada,tamarta,caafimaadka,dhaqanka iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiiro. Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadak aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “. Sida looga falceliyay? Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe. Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka gooni u goosadka Somaliland ayaa kala saaray labo boys oo isku haystay nin la sheegay inuu 43 sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kaasoo markii xorriyadiisa helay lasoo gaarsiiyay magaalada Hargeysa. Axmed Siciid Aw. Ismaaciil oo ah Kaftan ka tirsanaa ciidamadii Dawladdii Soomaaliya ayaa si weyn baraha bulshada uu faafay, waxaana qoys ka mid ah labada dhinac ee isku haystay ninkaani inuu dhashooda yahay, tilmaameen inuu maskaxda ka jiran yahay, maadaama mudo aad u fog uu ka maqnaa, laguna qabtay dagaaladii Somalia iyo Itoobiya, hase ahaatee dhinac ka mid ah qoyska ay beeniyeen arrintaasi. Maamulka magaalada Hargeysa iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo arrinta isku qabsashada ninkaan odayga ah kusoo baxay ayaa u kala gar qaaday labada dhinac, waxaana si rasmi ah ula wareegay masuuliyadiisii qoys ka mid ah labada qoys ee midkood kasoo kaxeeyey Gobolka Shiniile oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyagoo u haystay nin ka maqnaa 43 Sanno (Dagaalkii1977), balse aakhirkii loo xukmiyay qoys kale oo cadeeyay in ninkaan yahay qof dhimirk la’a. Qoyskaan ayaa sheegay inuu 24 sanno ka maqan yahay Magaciisa oo Sadexanna uu yahay Axmed Siciid Aw. Ismaaciil ahaan jirayna askari Kabtana oo ka tirsanaa Dawladdii Soomaaliya. Deegaanada Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay kusoo badanayay dad isku qabsanayay dad kale inay iyagu dhaleen, sida sheekadda ilaa weli muranka ka taagan yahay ee fannaanada Nimco Yaasiin Caraale oo labo qoys ay ku muransan yihiin dhasheeda iyo halka ay kasoo geed.
-
Kooxda Barcelona ayaa siddeed dhammaaadka tartanka kooxaha Yurub (Champions League), kala kulantay jab lama ilaawaan ah, kadib markii ay Bayern Munich 8-2 ugu awood sheegatay. Kulan labada kooxood ayaa ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal, wuxuu ahaa hal kulan oo kooxda badisa ay ugu baxaysay afar dhammaadka Champions League, maadaama uu tartankan dib u dhac ku keenay musiibadii Coronavirus. Philippe Coutinho oo Barcelona amaah kaga maqan iyo Thomas Muller ayaa kulanka dhaliyay min labo gool, halka Lewandowski, Perisic, Gnabry iyo Kimmich ay min hal jeer shaqaba soo taabteen. Bayern Munich ayaa si layaableh ugu soo baxday afar dhamaadka tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions league, markii ay bahdilaadii ugu xumayd u xambaariyeen Barcelona. Waa markii ugu horreysay oo guuldarro intaas le’eg ay Barcelona ka soo gaarto tartanka kooxaha Yurub ee Champions league. Barcelona ayaa laga yaabaa inay fadeexadan awgeed ku cayriso tababaraha kooxda Setien. PUNTLAND POST The post Barcelona oo si fool xun looga reebay tartanka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
