Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa diiday soo jeedinta Mareykanka ee ah in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Iran. Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay jimcihii ku sheegtay in Mareykanku uu xaq u leeyahay in uu wax ka badalo qodobada ka soo baxay qaraarkii Golaha Amaanka ee soo socda. Mareykanka ayaa kaliya ka helay taageerada soo jeedintiisa Dominican Republic. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka soo horjeeday halka Jarmalka, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo sideed kale ay ka aamuseen. Sida ku cad shuruucda qorshaha wadajirka ah ee waxqabadka (JCPOA) ee 2015, xayiraada hubka ee caadiga ah ee saaran Iran waxaa si sharci ah loo soo afjaray badhtamihii Oktoobar. Muddo bilo ah, Maamulka Trump wuxuu doonayey inuu kordhiyo cunaqabateynta inkasta oo uu ka baxay heshiiska niyucleerka, waxayna ahayd olole la saadaaliyay inuu fashilmi doono Maraykanka. Source
  2. Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xassan Ciise, ayaa Saaka oo Sabtiya ku geeriyooday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Geerida Marxuumka, waxaa xaqiijisay Madaxtooyada Puntland, waxaana ka tacsiyeeyay Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa Garoowe kadib markii ay Neefsashadu ku adkaatay, waxaana isla saaka la doonayay in loo qaado dhanka Magaaalada Muqdisho. Xilka Wasiiru-dowlaha waxaa loo magacaabay 21-kii October 2019 waxaana uu Xafiiska hayay mudda sagaal bilood iyo maalmo ah. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka istbitaal ku yaalla magaalada Garoowe ku geeriyooday wasiiru-dowlihii madaxtooyada dowlad Goboleedka Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Wasiirka oo xanuunsanaa saddex maalin ee la soo dhaafay ayaa ku geeriyooday isbitaalka Garoowe. Wararka ayaa sheegaya inuu u dhintay cudurka Covid-19, waxaana lagu soo warramayaa inuu naqaska ku xirmay. Sidoo kale waxaa geerida ku timid wasiiru-dowlihii madaxtooyada Puntland xaqiijiyey qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi oo tacsi u diray ehelladiisa. War ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland, gaar ahaan madaxweyne maamulkaasi, Axmed Cilmi Karaash ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo guud ahaa Ummadda Soomaaliyeed. Karaash ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Si kastaba ha’ahaatee bishii May ee sanadkan ayey aheyd markii wasiirkii beeraha Puntland, Marxuum Ismaaciil Gama’diid uu u geeriyooday Coronavirus.
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Sabtida Maanta Maxkamadda sare u gudbiyo Dalab uu ku waydiisanayo inay soo saarto Go’aan suurto-gelin kara in qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Madaxweynuhu uu Maanta ahaan Maxkamadda u gudbinayo dalabkiisa ah inay soo saarto Go’aan ah in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii hore. Warka ah in Madaxweynuhu uu Maxkamadda sare u gudbinayo Codsi la xidhiidha doorashada ayaa soo baxay, Maalin ka dib markii shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii lagu ansixiyey in Maxkamadda sare loo gudbiyo inay go’aan ka soo saarto Arrimaha doorashada. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Shacabka Reer Awdal ay dalbanayaan in la sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada, haddii kale aanay suurto-gal ahayn inay deegaannadooda Doorashadu ka dhacdo. Dhammaadkii Toddobaadkii hore ayaa Go’aamo ka soo baxay Shir Boorama uga socday Hal-doorka Bulshada Awdal waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen in aanay dhaqaale ku bixin doorasho aan heshiis lagu ahayn. Source
  5. (SLT-Garoowe)-Waxaa Goordhow cisbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe ee ku geeriyooday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada maamul Gobolleedka Puntland Maxamed Xasan Ciise. Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay cisbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe, hayeeshee goordhaweyd xanuunii haayay uu u dhintay. Geerida Marxuum Maxamed Xasan ayaa waxaa xaqiijiyay Qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Maanta oo sabti ah xaalad Caafimaad loogu soo qaadi rabay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xanuun saa’id qabtay. Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada maamul Gobolleedka Puntland ayaa la sheegay inuu u geeriyooday neef-qabatin ama naqaska oo ku xidhmay, 3 saddex maalmood, ayuu xanuunsanaa oo xumad, madax xanuun iyo naqasku qabanayey. Source
  6. Guddoomiyihii isboortiga Degmada Dharkenlay Cusmaan Carfaaye ayaa ka tagay shaqadii ku hayay demada, wuxuuna sababaha ugu weyn uu ugu tagay shaqada ku sheegay in doonayo in fursad la siiyo dhallinyarada ee doonaysa qabashada jagaadaas. “Waxaan degmada gaarsiiyay meesha aan rabay welina wax badan ayaan u dhiman,balse shaqsiyan waxaan gunaansaday in xafiiska u baneeyo kuna soo dhaweeyay cid kasta oo wax ku kordhin karta horomarka isboortiga Degmada Dharkenlay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore ciyaaraha Dharkenlay Cusmaan Carfaaye Cusmaam Carfaay wuxuu ahaa shaqsi si weyn ugu muuqday horomarka isboortiga degmada waxaana dadka deegaanka ay ugu mahad celiyeen guulaha uu ka tagay waxayna dhinaca kale sheegeyn in la xasuusandoono wax qabadkiisa. “Qof hadii uu ka tago shaqo waxaa booskiisa buuxinaya dad kale,hadii aanu nahay bahda isboortiga Degmada Dharkelnay waxaana u mahad celinaynaa wax qabadkii wanaagsanaa uu tagay mudane Carfaayay” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Xuseen Cali Caddow. Qaar ka mid ciyaaryahanadii degmada Dharkenlay la qaaaday tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa iyagana amaanay guddoomiyahadii hore,iyagoo tilmaamay in kaalin weyn uu ka qaatay hanashada ciyaaraha degmooyinka 2019. Si kastaba xidigaha Degmada Dharkenlay ayaa iyaga oo aanan laga badin hantay tartanka degmooyinka 2019,waxaana inta badan guusha loogu mahad celiyay guddoomiye Carfaayay oo waqti geliyay horomarka,balse wuxuu sheegay in uu xil walbo uu diyaar u yahay hadafyada iyo heegsiga ay la yimaadaan maamulka iskaga badalaya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guuddoomiyihii Hore Isboortiga Dharkenlay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp-3.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu– Somalia’s international partners (listed below)* look forward to the reconvening of the Federal Government and Federal Member States leaders in Dhusamareb on 15 August, as [...] The post INTERNATIONAL PARTNERS URGE SOMALIA’S LEADERS TO HOLD CRUCIAL MEETING ON ELECTIONS appeared first on . Source
  8. Qaar ka mid ah Khuburrada iyo Warbaahinta Masaarida ayaa ka hadlay dareenka Cadhada iyo shakiga ah in Dawladda Masar ay Saldhig Millateri waydiisatay Somaliland. Wargeyska Al-Monitor oo ka soo baxa Masar ayaa Toddobaadkan Qoray War-bixin uu Ciwaan uga dhigay ‘Itoobiya oo ka cadhootay Saldhig Millateri oo la sheegay in Masar ka samaysanayso Somaliland’, waxaanu Wargeysku sheegay in dareenkaas cadhada leh ee Itoobiya uu daba socdo Wefti Masaari ah oo tagay Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha JSL, kuwaas oo Warar aan la xaqiijin sheegeen inay ka wada-hadleen Qorshe ay Masar ku doonayso inay Saldhig Millateri ka samaysato Somaliland. Wargeyska Al-Monitor wuxuu sheegay in Warkaasi oo aan ka soo bixin Dawladda Masar laga soo xigtay Warbaahin laga leeyahay Dalka Kenya, iyadoo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya Dina Mufti uu 27-kii bishii July, 2020 si adag uga jawaabay Warkaasi. Maj. Gen. Abdul Menhem oo ah Taliye hawl-gab ka noqday Ciidammada Masar ayaa Wargeyska u sheegay in Dawladda Itoobiya doonayso in Dunida kale iyo Afrikaanka ay ka horkeento Masaarida, iyadoo u tusaysa in Dawladda Itoobiya dhinac laga wada yahay. Maj. Gen. Abdul Menhem wuxuu sheegay in Wararka Itoobiya ee ah Masar inay Saldhig Ciidan ka doonayso Somaliland aanay ahayn kuwo sax ah oo run ku fadhiya. Hani Raslan oo isna ah Khabiir Jaamici ah ayaa Wargeyska u sheegay in aanay Itoobiya xaq u lahayn inay faro-geliso Cidda ay Masar ilaaqaadka la yeelanayso. Jamal Zahran oo ah Khabiir bartay Cilmiga Siyaasadda ayaa isaguna Wargeyska u sheegay in Itoobiya ay diblumaasiyadda iyo Hanaanka Nabadeed ee Masar u marayso Xal u helidda khilaafka Webiga Niil kaga jawaabayso Been abuur ay samaynayso Geeska Qaran News
  9. Garoowe (Caasimada Online) -Ilo wareedyo lagu kasoon yahay ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu ka qeyb-galayo wejiga saddexaad shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Dhuusamareeb. Deni oo haatan booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la sheegauyinuu soo gabagabeyn doono socdaalkaasi, islamarkaana uu ku laaban doono Garoowe, kadibna uu uga sii gudbi doono caasimada Galmdug ee Dhuusamareeb. Madaxweynaha Puntland ayaa isaga iyo Axmed Madoobe waxay horey saluug uga muujiyeen qabsoomida shirkan,maadaama ay wax badan is-bedaleen, kadib shirarkii ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada weli aysan maamullada Puntland iyo Jubbaland aynsan magacaabin xubnaha ku metelaya guddiga arsamo ee ka shaqeynaya arrimaha doorashada, kuwaas oo shirar ku yeeshay Muqdisho. Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday Deni iyo Axmed Madoobe inay ka soo qeyb-galaan shirka Dhuusamareeb, sidoo kalena ay qeyb ka noqdaan shirarka ka socda caasimada. Shirka Dhuusamareeb 3 oo saaka lagu waday inuu furmo ayaa dib u dhacay, balse maanta ayaa waxaa la filayaa in wufuudii ugu horreysay ay gaarto gudaha magaaladaasi.
  10. Alla ha u naxariistee Waxaa Garowe ku geeriyoodey Wasiir u Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise, Marxuumka ayaa in mudo ah xanuunsanaa. Shacabka Puntland , [...] The post Wasiir u Dowlihii Madaxtooyada Puntland oo geeriyooday appeared first on . Source
  11. Askarigii ugu dambeeyay ee is dhiibay markii Japan laga adkaaday Hiroo Onoda Dhexda) oo duurkii uu ku jiray ka soo baxay sanaddii 1974 Askarigii ugu dambeeyay ee is dhibay ka dib markii Japan looga adkaaday dagaalkii labaad ee aduunka ayaa ahaa Hiroo Onoda. Onoda ayaa ugu dambeyntii hubkiisii wareejiyay bishii 9 bishii March sanadii 1974. Waxaa uu ku dhuumanayay keyn ku taalla dalka Philippine muddo 29 sano ah. Wareysiiyo iyo qoraalo laga sameeyay ka dib markii uu ku soo laabtay Japan ayaa waxaa uu sheegay Onoda in uu aqbali waayay in Japan dagaalka lagaga adkaaday. Dad badan oo ku nool dibadda Japan ayaa waxay u arkaan qisada Onoda mid cajiib ah. Balse boqortooyada Japan ayaa u aragta in ficiladiisa ay ahaayeen kuwa caqli gal ah. Onoda waxaa uu u dhaartay in uusan is dhiibin islamarkana uu u dhinto boqorkiisa, balse taasi ma dhicin. 15 bishii August 1945, boqorkii sare ee Japan Hirohito, ayaa waxaa uu sameeyay wax uusan bqoor kale sameyn. Waxaa uu idaacadda ka sheegay in hubka Atoomikada lagu burburiyay Hiroshima iyo Nagasaki. Maalinkii Bamkii labaad ee Atoomikada lagu duqeeyay Japan ayaa waxaa uu Joseph Stalin ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Japan. Islamarkiiba waxa ay ciidamada Soofiyeedka gaareen goobta lagu magacaabo Manchuria. Muddo toddobaadyo ah gudahood ayaa waxay ka dagyeen jasiiradda ku taalla waqooyiga ee lagu magacaabo Hokkaido. Boqorkii Japan Hirohito ayaa waxaa uu aqbalay in isu dhiibidda Mareykanka ay tahay khiyaarka kali ah ee u furan. Burburkii Hiroshima ka dib markii hub niyukleer ah lagu weeraray Khudbaddii is dhiibidda ma aysan dhicin islamarkana subaxnnimadii 15 August, koox askar oo dhalinyaro ah ayaa waxay isku gadaameen dhismaha qasriga boqortoyada. Waxay askartaasi doonayeen in ay gacanta ku dhigeen khudbadda la duubay ka hor inta aan la baahin. Waxay askartaasi rumaysnaayeen in Japan wali aan dagaalka looga guuleysan, islamarkana aan wali xitaa la soo galin dhulka Japan. Ciidamadan ayaan xilligaa walaac badan ka qabin khasaaraha duqeynta Mareykanka ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku sugan magaalooyiinka Japan. Balse waxay askartani diiradda saarayeen in boqortooyada Japan ay badbaado. Saraakiishii da’a yarta ahayd ayaa se ku guuldareystay in ay joojiyaan khudbadii is dhiibidda ee uu boqorka jeediyay. Balse way heleen wixii ay doonayeen, ka dib isdhiibidda ayaa waxaa ay Mareykanka go’aansadeen in Hirohito aan wax dacwad dambiyo dagaal ah lagu soo oogin. Waxaa sidoo kale Mareykanka ay aqbaleen in boqor Hirohito uu xukunka sii joogo isaga oo daacad u ah Mareykanka. Waxay arrintani tallaabo wanaagsan u ahayd Douglas MacArthur, oo ahaa janaraalkii Mareykanka ee xukumayay Japan tan iyo sanadii 1949. MacArthur ayaa waxaa uu boqorka u isticmaalay ajandihiisa ahaa in dalka Japan loo badalo dimuqraadiyadda casriga ah islamarkana ay qaataan qaabka dastuurka Mareykanka. Askartii Japan oo isu dhiibaysa Mareykanka 1945 Isbahaysigii dagaalkii labaad ee aduunka ku guulaystay ayaa maxkamadeeyay 28 shaksi oo uu ka mid ahaa xubnihii hogaaminayay Japan dagaalkii labaad ee aduunka. 7 sargaal oo uu ka mid ahaa rai’sul wasaarihii Japan Hideki Tojo ayaa la daldalay. Balse waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo aan la maxkamadeyn, waxaana ka mid ahaa dhaxal-suge Yasuhiko Asaka, oo adeer u ahaa boqorkii Japan iyo waliba sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii Japan ee kufsigii arxan-darada ahaa ka geystay caasimaddii Shiinaha ee xilligaasi Nanjing. In saraakiishaasi aan la maxkamadeyn ayuu u arkaa MacArthur tallaabo xun oo lagama maarmaan ahayd. Qofka kale ee ka baxsaday in la maxkamadeeyo ayaa ahaa Nobusuke Kishi. Kishi ayaa waxaa uu door hormuud ah ka qaatay qabsashadii Manchuria islamarkana waxay aad isugu dhawaayeen hogaamiyihii dagaalka Hideki Tojo. Mareykanka ayaa waxay go’aansadeen in aysan maxkamadeyn, taa badalkeedana sanadii 1948 Kishi xabsiga ayaa laga siidaayay. Kishi ayaa hasa yeeshee laga mamnuucay siyaasadda intii uu Mareykanku haystay Japan. Balse sanaddii 1955, Kishi ayaa waxaa uu asaasay xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabi jiray – the Liberal Democratic Party. Waxaa uu xisbigaas ka noqday hogaamiye markii dambe na waxaa uu noqday rai’sul wasaarihi japan. Xisbigii uu asaasay ayaa Japan xukumayay muddo 65 sano ah. Rai’sul wasaare Nobusuke Kishi Bidix) iyo safiirkii Mareykanka ee Japan Douglas MacArthur sanaddii 1957 Nobusuke Kishi gabadh uu dhalay ayaa waxaa guursaday nin kale oo awood siyaasadeed lahaa oo lagu magacaabo Shintaro Abe. Waxaa uu Shintaro ka dib noqday wasiirkii arrimaha dibadda Japan iyo aabaha wiil uu ku magacaabay Shinzo. Rai’sul wasaare Shinzo Abe ayaa ka fog in uu yahay nin saaxadda taariikhda qoyska ku cusub. Siyaasadda Japan ee ku dhisan qoyska ayaa muujisay adkeysi la yaab leh. Shinzo Abe ayaa la sheegay in uu aad ugu dhaw yahay awoowgii. Askari Japan u dhashay oo la ooynaya guuldarada Japan Khudbaddii uu jeediyay 1965, Kishi waxaa uu ku baaqay in Japan ay dib isu hubayso taasi oo ah buu yiri”qaab lagu ciribtiri karo cawaaqibkii japan ay kala kulantay dagaalkii looga adkaaday iyo qabsashadii Mareykanka”. Marka dadka dhaliila Japan ee ku sugan Shiinaha iyo Kuuriya ay leeyihiin Japan raaligalin kama aysan bixin wixii ay sameysay dagaalkii labaad ee aduunka, waa ay qaldan yihiin. Japan ayaa marar badan raaligalin ka bixisay khaladaadkii dagaalkii labaad ee aduunka. Balse dhibaatado waxay tahay erayada iyo tallaabooyiinkii kale ee ay qaadeen hogaamiyayaasha siyaasadda ee Japan. Rai’sul wasaarihi hore oo dambiyo dagaal lagu soo oogay sanaddii 1948 Hadaba markii uu dhintay Hiroo Onoda 2014 isaga oo ay da’diisu ahayd 91 jir, afhayeen u hadlay rai’sul wasaare Abe ayaa si aad ah uga tacsiyeeya Afhayeenka kama uusan hadlin dhibaatadii uu geystay dagaalka uu kaligii ku jiray iyo dadkii tuulooyiinka Philippine ee uu dilay ka dib markii ay Japan is dhiibtay, Afhayeenka rai’sul wasaare Abe ayaa taa badalkeeda Hiroo Onoda ku tilmaamay halyeeyka dalka japan.y . Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa goor dhow ka amba-baxaya magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo lagu kasloon yahay. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan oo qeyb ka ah shirka Dhuusamareeb 3 ay ka sii hormarayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Waare ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayo wasiiro ka tirsan labadaasi maamul, halka uu Duqa Muqdisho ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan gobolka Banaadir. Mas’uuliyiintan oo saacadaha soo socda ka tegaya Muqdisho ayaa waxa ay raacayaan diyaarad gaar ah oo loo qorsheeyey inay qaado mas’uuliyiinta diyaarinta madaxtooyada u qaabilsan in ay ka sii hormaraan Madaxweynaha marka uu safrayo. Shirka Dhuusamareeb oo la filayey inuu maanta furmo ayaa dib u dhacay sababo farsamo darteed, balse Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inuu bilaabmi doono, marka ay soo wada-xaadiraan wufuuda ka qeyb-galeysa shirkaasi oo ah mid xasaasi ah oo diirada lagu saarayo doorashada 2020 ilaa 2020.
  13. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wata Doyaarad khaasa ayaa wuxuu Galabta kasoo degi doonaa Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb . Wafdiga Madaxweyne Deni Waxay [...] The post Breaking News—Madaxweyne Deni oo Dhuusamareeb kusoo wajahan appeared first on . Source
  14. War qoraal ah oo ka soo baxay saaxibada beesha caalamka ayaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la qabto wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, si heshiis rasmi ah looga daaro doorashada 2020/2021-ka. Sidoo kale beesha caalamnka ayaa ka digtay in laga fogaado go’aan kasta oo hal-dhinac ka raran oo ku saabsan doorashada. Halkan hoose ka akhriso: Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon. Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah. Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan. Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda. Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin. Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka. Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada. View the full article
  15. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay la wareegtay 4 markab oo sida Shidaal laga leeyahay IRAN islamarkana ku sii jeeday dalka Venezuela. Waaa shixnaddii ugu ballaadhnayd oo shidaal ah oo ay Mareykanka gacanta ku dhigaan. Ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa gacanta lagu dhigay iyada oo gacan laga helayo “wadamo saaxibo la ah Mareykanka “, sida ay sheegtay wasaaardda caddaaladda Mareykanka. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Maraakiibtan ay jabiyeen cunaqabataynta Mareykanka ay Iiran ku soo rogeen. Safiirka Iran u fadhiya dalka Venezuela ayaa sheegay in ayna jirin maraakiib shidaal sidda oo ay Iiran leedahay oo gacanta lagu dhigay. Garsoore ku sugan Mareykan ayaa soo saaray warqadda lagu soo qabtay shixnadan shidaal ee saarneyd afarta Markab ka dib markii ay dowladda Mareykanka kiis u gudbisay maxkamada bishii aanu soo dhaafnay. Bayaan ay soo saartay wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay “in ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda “shidaal malaayiin doolar ah oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iiraan”. Ciidamada ilaalada kacaanka Iraan ayaa ah laan ka tirsan ciidamada Iran kuwaasi oo ay Mareykanka u aqoonsan yihiin in ay yihiin urur argagixiso. Source
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Caasimadda Waddanka Jabuuti, ayaa la xaqiijiyay in uu ka qayb-geli doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Deni, oo socdaalkiisi soo geba-gabeeyay ayaa Maalinta Berriya ku soo wajahan Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu uga sii gudbi doono Magaalada Dhuusamareeb, si uu Shirka uga qayb-galo. Dalalka iyo Ururada ku midaysan Beesha Caalamka, oo xalay soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah, ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb, si heshiis loo dhanyahay looga gaaro Arrimaha Doorashada. War-saxaafadeedka Beesha Caalamka, waxaa lagu sheegay in haddii Madaxda qaar ay ka qayb-geli waydo Shirka soo socda ee Dhuusamareeb, ay taasi baabi’in doonto kalsoonida weli jilicsan ee lagu dhisay Shirkii hore, islamarkaana ay wiiqi doonto in Saamileyda Siyaadda Soomaaliya ay go’aan midaysan ka gaaraan Hannaanka Doorashada Dalka. PUNTLAND POST The post Deni oo la xaqiijiyay in uu ka qayb-galayo Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  17. Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay degmada Kunturwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed, halkaasi oo aheyd xaruntii ugu weyneyd ee Al-Shabaab ayaa howl-gal ka fuliyey halkaasi. Dagaal kooban oo ka dhacay halkaasi ayaa waxaa la sheegay lagu dilay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, iyaddoo qaar kalena nolosha lagu qabtay. Sidoo kale ciidanka Danab ayaa xabsi ku yaalla Kunturwaarey ka sii daayey dad Shacab ah oo u xirnaa Al-Shabaab. Xubnaha lagu dilay howlgal-kaan ayey dowladda ku kala sheegtay. 1- Madaxa Jugta Culus ee Gobalka Sh.Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq) 2- Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix. 3- Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada Muxsin Shiikh Cali. 4- Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey (Saalaxudiin) Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda koonfurta iyo martamaha Soomaaliya. View the full article
  18. Waxaa aad loo wada sugayaa Khudbada uu Madaxweyne Farmaajo uu ka jeedin doono Baarlamaanka maanta oo sabti ah, inkastoo Ajandaha Maanta uu ahaa in Madaxweynuhu [...] The post Madaxweyne Farmaajo lahadalkiisa Baarlamaanka ee Maanta oo dhagaha loo taagayo appeared first on . Source
  19. Guddiga joogtada ah ee golaha aqlka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ku leh magaalada Muqdisho, Ajanadaha kulanka waxaa lagu sheegay sedex qodob, kuwaas oo kala ah. 1 –Warbixin kooban (Documentary) oo la xiriirta wax-qabadka Aqalka Sare, intii u dhaxeysay sanadihii 2017-2020-ka. 2 –Hadal-jeedinta guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. 3 – Iyo Muddeynta dhageysiga warbixinta doorashada dalka ee 2020/2021-ka, oo goluhu uu ka dhageysan doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Dib u dhac ayaa ku yimid wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo la filayey inuu maanta furmo. Sababta ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay tahay arrimo farsamo, mana jiro illaa iyo hadda hal Madaxweyne goboleed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, balse waxaa lagu wadaa inay tegaan saacadaha soo socda. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinta dambe ee maanta ku wajahan halkaasi, sida ay xaqiijisay Villa Somalia. Ammaanka ayaa sidoo kale loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayo waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Shirka Dhuusamareeb-3 oo diirada lagu saarayo xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2020/2021-ka ayaa ku aaday, xilli la riday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre. View the full article
  21. Waxaa dib u dhacay shirkii shirkii Dhuusamareeb 3 oo lagu madlansanaa inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Shirka ayaa ballanku ahaa inuu furmo in la daah furo maanta taariikhdu tahay 15 bisha August 2020, sida lagu soo heshiiyey shirkii Dhuusamareeb 2, oo lagu dhisay guddi farsamo. Madaxweyn, dowlwadda federalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb. Madaweyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa marar badan ku celiyey inuu qabsoomayo shirka Dhuusamareeb 3, wolow maanta uusan furmin. Madaxweynaha dowkladda federaalka Soomaaliya ayaan weli fulin ballankii ahaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo bagacaabayo ra,iisalwasaare bedela xukuumaddii dhacday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu waday inuu maanta oo ah 15-ka August uu si rasmi ah uga furmo magaaladaasi. Illaa iyo hadda ma jiro hal Madaxweyne Goboleed oo gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, balse waxaa la filayaa inay gaaraan saacadaha soo socda. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaaladaasi, sida lagu xaqiijiyey war kooban oo ka soo baxay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ah marti-geliyaha shirkaasi ayaa dhankiisa sheegay in shirka uusan baaqa, balse uu furmi doono maalmaha soo aadan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka Dhuusamareeb. Wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ku duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadayaa, xilli ay ka sii dartay xaaladda dalka, kadib markii la riday ra’iisul wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Khayre.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, uu Madaxweyne Farmaajo maanta tegi doono magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareega labaad ee shirka wadatashiga. “Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa maanta magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”ayuu yiri agaasime Cabdinuur. Shirka Dhuusamareeb oo la filayey in maanta uu furmo ayaa dib u dhacay, balse waxaa lagu wadaa inuu bilowdo maalmaha soo socda, kaas oo diirada lagu saaray doorashada 2020/2021-ka View the full article