-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, ka dib howlgal ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Ninkan gacanta lagu soo dhigay ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda iyo askareynta carruurta, waxaana inta howlgalku uu socday ay sidoo kale Ciidanku soo qabteen saanad ciidan oo isugu jirta qori AK-47 ah iyo caag rasaas ah, iyo gaari noociisu yahay Suzuki. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad u soo badanayay xubnaha Alshabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas ee Boqortooyada Britain, Alison Blackburne, oo ay weheliyeen Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal iyo arrimaha amniga gobolka, intii uu socdayna kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo amniga, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee halista ku haya gobolka. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu xasilinayo gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay qaababka cusub ee lagu xoojin karo xiriirka Soomaaliya iyo Britain. Ergeyga Gaarka ah iyo Danjiraha ayaa dhankooda ku adkeeyay sida ay dowladooda uga go’an tahay in ay taageeraan Soomaaliya, iyagoo ammaanay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada amniga iyo xasilinta. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cali Geelle ayaa waxaa lagu soo qabtay howl-gal qorsheysan oo ciidamada iskaashanaya ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Horjoogahan gacanta lagu dhigay ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda hantida shacabka iyo askareynta carruurta, sida ay shaacisay dowladda. Sidoo kale inta uu howl-galka socday sidoo kale ciidanka gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Suzuki, qori AK-47 iyo caag rasaas ah oo halka uu horjoogahan ku dhuumaaleysanayay laga helay. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa haatan deegaanada dhaca gobolka Galgaduud ka wada howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan lagu wado inuu bilowdoa wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dadaal xooggan gelinaysa howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana isla maanta kooxda laga dilay 12 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed, kadib weerar ka dhacay gobolka Baay. Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka oo heer geba-gebo ah maraya ayaa tan iyo markii uu bilowday waxaa kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah, kuwaasi oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda. The post Dowladda oo shaacisay xogta horjooge SHABAAB oo usoo gacan galay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa u magacaabay xubin ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Sunniga ah, inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Kurdistan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda. Arash Zerehtan ayaa loo magacaabay barasaabka gobolka galbeedka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani. Waa Sunnigii ugu horeeyay ee laga dhigo barasaabka gobol ka tirsan dalka ay Shiicadu u badan tahay tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii. Zerehtan, oo 48 jir ah, waxa uu soo noqday xildhibaan laga soo doorto magaalada Paveh intii u dhaxaysay 2020 ilaa sanadkan. Sunniuyiinta ayaa ah boqolkiiba 10 dadka reer Iran, halkaas oo ay u badan yihiin Shiicada, Islamarkaana diinta Shiicada ay tahay diinta rasmiga ah ee dowladda. PUNTLAND POST The post Iran oo yeelatay guddoomihii u horreeyay ee Sunni ah mudda ku siman 45 sano appeared first on Puntland Post.
-
VID-20240918-WA0008 Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Arbacadii u magacaabay xubin ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Sunniga ah, inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Kurdistan, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda. Arash Zerehtan ayaa loo magacaabay barasaabka gobolka galbeedka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Fatemeh Mohajerani. Waa Sunnigii ugu horeeyay ee laga dhigo barasaabka gobol ka tirsan dalka ay Shiicadu u badan tahay tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii. Zerehtan, oo 48 jir ah, waxa uu soo noqday xildhibaan laga soo doorto magaalada Paveh intii u dhaxaysay 2020 ilaa sanadkan. Sunniyiinta ayaa ah boqolkiiba 10 dadka reer Iran, halkaas oo ay u badan yihiin Shiicada, Islamarkaana diinta Shiicada ay tahay diinta rasmiga ah ee dawladda. Waxay ahaayeen kuwo aad naadir ugu ah inay qabtaan jagooyinka muhiimka ah ee awoodda tan iyo billowga kacaanka. Pezeshkian oo 69 jir ah ayaa xafiiska la wareegay bishii Luulyo kadib doorasho lasoo hormariyey oo dhacday ka dib geeridii madaxweynihii aadka muxaafidka u ahaa Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed helikobtar ah. Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, Pezeshkian waxa uu dhaleeceeyay matalaad la’aanta qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay, gaar ahaan Kurdiyiinta Sunniga ah, oo xilal muhiim ah aan hayn. Bishii Agoosto, wuxuu xubin kale oo ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee Sunniga, Abdolkarim Hosseinzadeh ka dhigay mid ka mid ah madaxweyne ku-xigeenadiisa. The post IRAN oo yeelatay barasaabkii ugu horeeyey oo Sunni ah 45 sano kadib appeared first on Caasimada Online.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qarax culus ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya, xilli ay ku socdaalayeen gudaha degmadaasi, waxaana soo gaaray khaasaro. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta qaraxa, kadibna ay xigtay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Itoobiya ee miinada lala beegsaday. Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa goota ku dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacmeen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in khasaare xoogleh ay gaasiisay ciidanka Itoobiya, balse ma sheegin wax tiro ah. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana lasoo wariyay in kolonyada ciidamada Itoobiya ay horay usii wateen socdaalkooda, kadib howlgalo kooban oo ay ka sameeyeen goobta. Inta badan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, qaybtana ka ah ATMIS. The post Ciidamada ITOOBIYA oo qarax culus lagula eegtay GEDO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diray ergay cusub si uu ugu kala dab qaado isaga iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wakiil ka ah madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna u tegay arrimo la xiriira sidii loo qaboojin lahaa xiisadda. Shub oo ah sodoga madaxweyne Laftagareen ayaa inta uusan bixin kahor kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha oo ay ka wada-hadleen sidii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo keeni lahaa magaalada Muqdisho, kadibna loo dhammeyn lahaa xiisadda haatan taagan. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo aqbalay dalabka madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tegay Baydhaba, wuxuuna haatan wada-hadallo la leeyahy Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugu qanciyo inuu yimaado Muqdisho, ulana kulmo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Lama oga natiijada kasoo bixi doonto safarka taliye Shub ee Baydhaba, waxaana ka horreeyay ra’iisul wasaaraha oo waji gabax kala soo kulmay maamulka Koonfur Galbeed. Ujeedka Villa Soomaaliya ayaa ah inay la qaboojiyo xiisadda, kadibna la qabto shirka golaha wadatashiga qaranka oo ay muhiim tahay inay kasoo qaybgasho Koonfur Galbeed, maadaama shirkaas iyo dhammaan kulamada kale ay isaga baxday Puntland. Si kastaba, xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba ayaa sii laba kacleysay kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hortimid qorshaha dowladda ee ku aadan arrimaha Itoobiya oo ay si weyn Soomaaliya isugu hayaan xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi. The post VILLA SOMALIA oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay maalgashi dhan 5 bilyan oo dollar oo ay ku maalgelinayaan Masar, Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha (PIF) xilli uu salaasadii kulan kula yeeshay magaalada Riyadh Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly. Ku dhawaaqista ayaa qeyb ka ah dadaalka ballaadhan ee lagu xoojinayo xidhiidhka dhaqaale ee labada dal. Madbouly, ayaa ammaanay xidhiidhka adag ee ka dhaxeeya Qaahira iyo Riyadh. “Waxaan hadda ka shaqeyneynaa dhameystirka heshiiska ilaalinta maalgashiga wadajirka ah, taas oo gacan ka geysan doonta kordhinta maalgashiga labada dal,” ayuu yidhi Madbouly. “Tiro aad u badan oo ka mid ah shirkadaha maalgashiga Masar ayaa ka shaqeeya Sacuudiga, marka lagu daro maalgashiga Sacuudiga ee Masar.” Madbouly ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay Sacuudiga marka loo eego Hiigsiga 2030, isagoo ku tilmaamay horumarka dalka mid aan hore loo arag. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay doorka muhiimka ah ee Amiirka dhaxalsugaha ah ee ku wajahan horumarkan iyo u adeegida danaha qaranka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika si uu u soo galo suuqyada Afrika ee wax soo saarka Masar iyo Sacuudiga. Waxa uu iftiimiyay suurtogalnimada iskaashiga qaybta baabuurta, iyada oo la tixgelinayo horumarka la taaban karo ee Sacuudi Carabiya ee aaggan iyo dhiirigelinta Masar ee hadda ee warshadaha. “Badeecadaha Masaarida waxay mar hore aasaaseen joogitaanka guul ee suuqyada Afrika,” ayuu yidhi Madbouly. “Waxaan aaminsanahay in iyada oo loo marayo iskaashiga iyo isfahamka u dhexeeya Masar iyo Saudi Arabia, iyo taageerada Golaha Ganacsiga Masar-Sacuudi, ujeedo istiraatijiyadeed lagu gaai karaa: in la dhiso joogitaanka weyn ee suuqa Afrika saddexda sano ee soo socda ee qaybaha gaarka ah, iyadoo si cad diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta leh.” Source
-
Dowladda Turkiga ayaa haatan qaadeysa tallaabadii ugu horreysay ee ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska ay la gashay dowladda federaalka, waxaana xukuumadda Ankara ay soo direysaa maraakiibta dagaal oo la filayo inay dhowaan soo gaadhaan xeebaha dalka. Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkga ayaa ku warramay in xukuumadda Ankara ay qorsheyneysa in ay xeebaha Soomaaliya ay u dirto markiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda, kawaas oo maalmaha soo socda gaadhi doono Soomaaliya. Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markab ka socda dalkooda oo ka shaqeynaa howlaha sahanka iyo cilmi-baadhista tamarta oo lagu wado in bisha soo socota uu gaadho biyaha Soomaaliya. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa dhankiisa toddobaadkii hore sheegay in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada badda Turkiga ay si taxadar leh u ilaalin doonaan markabka ka shaqeynaya cilmi baadhista , maadaama uu ka howlgeli doono badweynta furan. “Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu horay u yidhi wasiir Alparslan Bayrakta. Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda ah iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya. Source
-
Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan inay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro colaadda, taasoo soo jiitamaysay in ka badan sanad. Bayaan ka soo baxay Madaxweynaha ayaa ku booriyay Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF) inay dib u soo celiyaan ciidamada, una fududeeyaan gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladayn. Mr Biden ayaa xusay in macaluul ay ka dilaacday gobolka Darfur, ayna qarka u saaranyihiin malaayiin dad ah oo ku sugan dalka Suudaan. Sheekooyinka dilka sharci darrada ah ee labada dhinac ayaa soo shaac baxay tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana horraantii bishii June soo shaac baxday mid ka mid ah eedeymahaas. RSF ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysatay tuulada Wad al-Nurah ka dib markii ay madaafiic ku garaacday isla markaana ay dad ku toogteen guryahooda. Source
-
Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen in ka badan 2,800 oo kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay hal mar wada qarxeen aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaadh-siineed oo lagu wada xidhiidho, farriimahana is isugu gudbiyo. Qalabkan ku qarxay xubnaha ka tirsan ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa lagu soo sameeyay Jasiiradda Taiwan. Gugi dhawaa kooxdu ka dalbatay shirkadda soo sameysay ilaa 5,000 oo xabbo ka hor inta aysan qarxin salaasadii shalay. Saraakiisha Xisbullah ayaa ku eedeeyay sirdoonka Isra’il ee Mossad. Isra’il wali kama aysan hadlin weerarkaan. Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Matthew Miller ayaa sheegay, in Dowladda Mareykanka aysan horay u sii ogeyn weerarkasi. Wuxuu intaasi raaciyay in ay hadda billaabeen ururinta xogta. Ilo-wareedyada dhanka amniga ayaanan wali caddeynin nooca iyo awoodda qaraxyada lagu weeraray Lubnaan, balse mid ka mid ah khubarrada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, qaraxyada lasoo geliyay aaladda Pager-ka ee dhanka isgaarsiinta uu ahaa wax yar oo la eg saddex garaam. Pager-ka ayaa ah qalab elektaroonic ah oo dhumucdiisu ay gaareyso kalkuleetarka, waxaa lagu xidhan karaa suunka ama la gashankaa jeebabka. Farriim qoraaleedyada iyo codadka ayaa la isugu diri karaa. Xisballah waxay wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Israa’iil, oo ay ku eedeysay weerarkaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Warsame oo ah Awoowaha carruurta ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta la hadlay warbaahinta, kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare oo dil ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud. Awoowaha ayaa si adag uga horyimid go’aanka maxkamadda, wuxuuna sheegay in xaqa carruurta uu awoowaha u yahay la dood-siiyay, sida uu ku dooday. Maxamed Cabdullahi ayaa sheegay inuu rabay in kiiska lagu dhameeyay waxa ay ka qabto shareecada islaamka, isla markaana la tixigeliyo go’aanka carruurta yar yar oo ugu yaraan lala sugu inta ay ka qaan-gaarayaan waa sida uu ku dooday Sodogii hore ee Luul C/casiis. “Maxkamadda Sare ee dalka dukumintiga way iga qaban weysay xukunkii xaqa Ilaahey waa diiday waxaan u sheegeynaa wax alaale wixii arrimahaas ku shuqo leh iyo caalamka inaan ku dul-manahay haddii aan ahay aabaha dhalay caruurta aabahood” ayuu yiri Awoowaha. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay yeelanayaan in laga qayb-geliyo go’aanka haddii la gaarsiinayo marka ay qaan-gaar noqdaan iyo haddii uu xukunka dhacayo, arrintaasi ma dhicin”. Dhinaca kale ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa soo saaray war ka duwan midkan, waxayna soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka. “Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan.Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay” ” ayuu yiri mid kamid ah ehellada. Si kastaba, Tallaabad ay qaaday Maxkamadda Sare ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali Macalin, maadaama aanu haysan fursad kale oo uu uga qaadan racfaan karo xukunka dilka ah ee maanta mar kale lagu xukumay. The post Awoowaha carruurta LUUL oo war yaableh kasoo saaray go’aanka maxkamadda sare appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan qaadeysa tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dhaqan-gelinta heshiiska ay la gashay dowladda federaalka, waxaana xukuumadda Ankara ay soo direysaa maraakiibta dagaal oo la filayo inay dhowaan soo gaaraan xeebaha dalka. Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkga ayaa ku warramay in xukuumadda Ankara ay qorsheyneysa in ay xeebaha Soomaaliya ay u dirto markiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda, kawaas oo maalmaha soo socda soo gaari doono Soomaaliya. Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markab ka socda dalkooda oo ka shaqeynaa howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta oo lagu wado in bisha soo socota uu soo gaaro biyaha Soomaaliya. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa dhankiisa todobaadkii hore sheegay in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada badda Turkiga ay si taxadar leh u ilaalin doonaan markabka ka shaqeynaya cilmi baarista , maadaama uu ka howlgeli doono badweynta furan. “Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu horay u yiri wasiir Alparslan Bayrakta Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda ah iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya, waxayna arrintan kusoo aadeysa, xilli ay halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee iyana ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy iyo Muuse Biixi. The post Turkiga oo maraakiib dagaal usoo diraya Soomaaliya + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
-
Wardheer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo saaka ka dhacday magaalada Wardheer ee dowlad deegaanka Soomaaliya, kadib markii halkaas lagu laayay culumo aan waxba galabsan. Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen masjid ku yaalla gudaha magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Doolo, waxayna ku dhex-dileen 6 wadaad oo ka tirsan culimada Ahlu Sunna Waljamaaca, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daray in culimada la laayay ay 5 kamid ah isku hayb ahaayeen , waxaana mar qura rasaas ku furay dabley aan weli la aqoosan haybtooda, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Dadka deegaanka ayaa rumeysay in culimadan loo dilay aano Qabiil darteed, maadaama colaad beeleedyo ay ka jiraan deegaanka Soomaalida. Dhinaca kale waxaa haatan falka ku baxay ciidamada ammaanka oo wada baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha oo baxsad ah. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ismaamulka deegaanka oo la xiriira dadkaasi lagu laayay magaalada Wardheer, kuwaas oo ahaa dad culimo ah oo ku sugnaa gudaha masjidka lagu weeraray. Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay dadka deegaanka, waxaana soo wajahday cabsi, maadaama masaajidkii dhexdiisa lagu beegsaday dhalinyaro culimo ah. The post Wadaado badan oo lagu dhex dilay masjid ku yaalla magaalada Wardheer appeared first on Caasimada Online.