Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayagoo isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka . Sidoo waxay hoosta ka wada xariiqeen muhiimadda ay leedahay ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka. Source: goobjoog.com
  2. Dowladda Turkiga ayaa shaacisay hannaan cusub oo ay u wajahayso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii uu fashilmay wareeggii 3-aad ee wada-hadallada. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan. Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo hannaan cusub u rogtay Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  3. Gudoomiyaha golaha aqalka sare oo kulan la yeeshay Danjiraha dalka Shiinaha Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Yu Wang. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xiriirkaas ka wada dhexeeya labada dowladood. Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa adkeeyay in Dowladda Shiinaha ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba, isla markaana uu ka shaqeynayo xiriir wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacbiga Qaran ee Shiinaha. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada kacsan ee Koonfur Galbeed ayaa u muuqata in haatan ay yeelatay weji cusub, waxaana soo baxay khilaaf horleh oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada maamulaas ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya. Khilaafka ayaa maanta bannaanka usoo baxay kadib markii Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba lagu celiyay garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayay si weyn ugu kala qayb-sameen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay kasoo horjeesteen in la hor istaago Xildhibaan Sareedo, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in laga celiyo magaalada Baydhaba oo ay saaka kusii jeedday. Sareedo oo qudheeda la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in lagu xagdubay, isla markaana saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen, kana reebeen dyaaradda. “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay is hortaagga lagu sameeyay xildhibaannada, isaga oo toos ugu eedeeyay inay ka dambeyso Villa Soomaaliya. “Xildhibaannadu ma’ah shaqaale Xasan Sheekh, waa xadgudub sharci iyo gef wayn in saaka xildhibaan qaran kahor istaago inuu u safro Baydhaba oo ah deegaan doorashadiisa” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi. Dhankiisa Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay war ka duwan midkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horay isaga iyo xildhibaanno kale uu maamulka Laftagareen u diiday Baydhaba, haddana aysan macquul ahayn in xildhibaan aan fasax haysan loo ogolaado Baydhaba oo uu tilmaamay inuu ka socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan sirdoonno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. “Maamulka Laftagareen wuxuu horey Xildhibaano reer Koonfur Galbeed ugu diidey in ay degaankooda tagaan. Maanta ma jirto sabab Xildhibaan aan fasax haysan uu Baydhabo u tago la kulanka sirdoon shisheeye” ayuu isna ku jawaabay Xildhibaan Mukhtaar Guuleed. Wasiirkii hore ee haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Hanifa Ibraahim Habsade ayaa iyaduna ku jawaabtay “Xildhibaankii isaga oo Mayd wado diyaarada laga soo dejinaayey shalay ma ahayno! Guddoomiye Jawaari Allah u naxariistee isaga oo Baydhabo loo diiday ayuu Xamar ku dhintay, xitaa Maydkiisa loo qaadin. Dadkii dad celin jiray oo diyaaradaha lahadli jiray lee Eedadayna (Xildhibaan Sareedo) maanta celiyey.” Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu Laftagareen ka horyimid gebi ahaan qorshaha Villa Somalia. The post Khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  5. Warbixin cusub oo ka soo baxday Oxfam ayaa muujinaysay waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay ka hor istaagtay fursadaha nabadda iyo horumarka ee qaaradda Afrika, taas oo keentay in baahiyaha bini’aadantinimo ay si xawli ah u korodhaan. In ka badan 80% go’aannada UNSC ee la soo saaray tobankii sano ee la soo dhaafay waxay quseeyeen Afrika, hase yeeshee midna ma gaadhin nabad waarta. Saameynta Veto-ga Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in xubnaha joogtada ah ee UNSC—Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, UK, iyo Maraykanka—ay ka faa’iideysanayaan awoodahooda gaarka ah si ay u ilaashadaan danahooda juqraafi ahaan. Tani waxay hoos u dhigeysaa awoodda Golaha inuu ilaaliyo nabadda iyo ammaanka caalamiga. Ruushka iyo Maraykanka ayaa si gaar ah u adeegsanaya awooddooda veto-ga, taas oo carqaladaynaysa horumarka nabadeed ee Ukraine, Suuriya, iyo Falastiin. Baahida Afrika Afar boqol oo million oo dad ah oo Afrika ku nool, ma haystaan wax kaalmo ah oo joogto ah oo ka mid ah UNSC, inkastoo qaaraddu ka kooban tahay 54 dal. Abuurista xaalado siman iyo matalaad toos ah ayaa lagama maarmaan u ah in la xoojiyo codka Afrika ee go’aannada caalamiga ah. Ms. Fati N’Zi Hassane, agaasimaha Oxfam ee Afrika, ayaa sheegtay: “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa la dhisay xilli ay ka talinayeen gumeystayaashu, waxaana lagu sifeeyey kala sooc qoto dheer oo aan ka tarjumayn xaqiiqooyinka maanta.” Dhibaatooyinka Bini’aadantinimo Baahida bini’aadantinimo ee Afrika ayaa ka badan afar laab tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo baahida lacagta loogu talagalay kaalmada bini’aadantinimo ay si weyn u kordhay. Intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2023, codsiga UN ee kaalmo bini’aadantinimo ee dalalka Afrika ayaa laba jibbaarmay, laakiin wax ka yar badh ayaa la fuliyey. Talooyinka Oxfam Oxfam waxay ugu baaqday in la sameeyo isbeddel weyn oo ku saabsan UNSC, oo ay ku jiraan joojinta awoodda veto. “Africa waxay u baahan tahay inay leedahay fadhiyo joogto ah oo ay ka qayb qaadato go’aan qaadashada, si loo xalliyo caqabadaha bini’aadantinimo iyo ammaanka,” ayay tiri N’Zi-Hassane. Marka la eego isbeddelka ugu dambeeyay, waqtigaan waxa uu u muuqdaa fursad lagu horumarinayo masiirka Afrika, iyadoo la tixgelinayo doorka muhiimka ah ee ay ciyaarayaan ururrada sida Midowga Afrika. Source: goobjoog.com
  6. 460318130_1178596263222094_1610390718503568586_n Qaran News
  7. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaacisay qaab cusub oo ay u wajaheyso wada-hadallada ay ku dhex-dhexaadineyso Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa maanta sheegay in ay qorsheynayaan inay si kala gaar ah ula kulmaan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ay xal helaan kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah. Isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu, Fidan ayaa sheegay in Turkey ay sii waddo in Soomaaliya iyo Itoobiya ula hadasho si heer wasiir iyo heer madaxeed ah. Waxa uu intaas ku daray inuu rajo ka qabo in la helo xal maadaama ay dhinacyada ay “meel gaar ah isugu yimaadeen,” taasi oo qeyb ka aheyd wada-hadalladii Ankara. “Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan. Waxa uu sidoo kale sheegay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada. Turkey ayaa illaa hadda marti-gelisay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda. Wareeggii saddexaad ee wada-hadalalda oo la qorsheeyey in uu Ankara ka dhaco Talaadadii ayaa la baajiyey. Xiriirka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso. Muqdisho ayaa heshiiska ku tilmaamtay sharci-darro, waxayna uga aargudatay inay cayrisay safiirkii Itoobiya kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab. Kadib labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay ayada oo ay hawada isu mariyeen hadallo kulkul. REUTERS + VOA The post Hakan Fidan oo war cusub ka soo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiis dil oo loo haystay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ). Maxamuud AJ oo ka tirsanaa guutada 7-aad ee XDS ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo), markii taariikhdu aheyd 19/2/2024. Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in eedeysanaha uu rasaas ku furo marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed. Eedeysanaha oo dilka kadib baxsaday ayaa gacanta hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay 20-kii bisha 4 ee sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 3-dii bishaan September 2024. Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay ex-dable xoogga Maxamud Cabdulle Geesood (AJ) dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed (Qeylo). Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida. The post Askari sabab yaab leh dil uga geystay Xarardheere oo maanta la xukumay appeared first on Caasimada Online.
  9. 460129222_1298493578189971_1344103859064784964_n Qaran News
  10. Beirut (Caasimada Online) – Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen ayaa shalay ku qarxay meelo badan oo kamid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan. Tani ayaa imaneysa maalin kadib markii ay ku dhawaad 3,000 oo kamid ah dagaal-yahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaarsiineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac. Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah. Israa’iil si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Israa’iil Arbacadii sheegay in Israa’iil ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal. Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.” Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Israa’iil ’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto. The post Xogta aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xizbullah + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  11. Washington (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalkaasi Daahir Xasan Carab oo horay u ahaa guddoomiyaha guud ee Jaamacadda Simad. Danjire Daahir Carab oo si toos u guda galay shaqadiisa diblumaasiyadeed ayaa ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay Joe Biden, kadib markii uu ka qabtay warqadaha aqoonsiga. “Madaxweynaha Mareykanka maanta waa la kulanay waxaana u gudbinay warqadaha aqoonsiga oo si rasmi ah nooga qabtay” ayuu yiri danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Washinton. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in fariin uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ummadda Soomaaliyeed uu gaarsiiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Binde. “Waxaan gaarsiiyay salaan aan ka waday Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri mar kale yiri danjiruhu. Dhinaca kale Daahir Carab oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, isla markaana uu uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta. “Waxaan is weydaarsanay muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa” ayuu sii raaciyay Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Wuxuu madaxweynahu ballan qaaday inuu Soomaaliya ka caawin doono sidii ay dib ugu soo kaban lahayd arrimaha nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo tacliinta”. Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir qoto dheer iyo iskaashi buuxa, waxayna Washinton qayb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. The post Maxay tahay farriinta uu madaxweyne Xasan u direy Joe Biden ee la gaarsiiyay? appeared first on Caasimada Online.
  12. Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024. Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed. Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo” Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay xadka u dhexeeya gobollada Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Jalalaqsi, waxaana uu u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhammaan maleeshiyaadkii dagaalamay. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka diriray oo wada is uruursi ciidan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah. Sii socoshada dagaalladan ayaa laga digayaa, maadaama ay saameyn karaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda HirShabelle, kuwaas oo horay looga gaaray guulo waa wayn. The post Wararkii ugu dmabeeyay dagaal culus oo ka qarxay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  14. Degmadda Sabawanaag waxa laga qoday hal dhaam kaasi oo ay hirgalisay hay’ad laga leeyahay dalka Norway maantana uu Muuse isku soo sawiri doono. Dhaamkani ayaa la kala shaxaaday oo Muuse uu meelo kale geeyay lacagtii loogu talo galay in dhasmkaasi lagu hirgaliyo Qaran News
  15. Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uusan xiriir la sameyn doonin Israa’iil ilaa la dhisayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin, taasoo dhabarjab ku ah dadaalka Mareykanka uu ku doonayo inuu labada dhinac heshiis caadi ah ugu sameeyo. “Waxaan dib u cusbooneysiineynaa diidmada Boqortooyada iyo cambaareynta xooggan ee dembiyada maamulka Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan oo la hadlayay golaha shuurada ee dalkaas. Wuxuu intaa ku daray in Sucuudigu uusan joojin doonin dadaalkiisa hagar la’aanta ku aaddan dhismaha dowlad madax-banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin, taas oo caasimaddeedu tahay magaalada Quddus. Heshiisyadii Israa’iil iyo dalalka Carabta ee uu dhexdhexaadinayey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sannadkii 2020-kii ayaa sababay in ay xariir diblomaasiyadeed maamulka Yuhuudda la yeeshan Imaaraadka, Baxrayn, iyo Suudaan, balse Boqortooyada Sucuudiga arrintaas way diiday. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo soo saaray qoraal xasaasi ah ayaa ka falceliyay hadalkii carada dhaliyay ee kasoo yeeray agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo dhawaan ku dhawaaqay hadal ay ka caroodeen reer Koonfur Galbeed. Yuusuf Garaad Maay iyo Maxaa tiri kusoo jawaabay ayaa sheegay in gef wayn ay tahay in ilmo Itoobiyaan lagu tilmaamo dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in arrinaas ay dhaawaceyso midnimada dalka. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in tallaabo adag laga qaado mas’uulka yiri hadalkaas ee u gefay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf Garaad Cumar. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:- Doogey Naaduwaa. Maay (kor) iyo Maxaa tiri (hoos) ku hoo jawaabteyda: Bini’aadamké way eya noolegé sheleedis Ilaahey owood ing siyi ini ku dowahé sah iyoonay qaléd shal sheegowsho. Qalédné qaléd mal ké sahaw. Doogé ané dhugunsidey dad Soomaaliyeed ké tilmaamayi ini eying owlaad Itoobiyaan dhaley Soomaali isku dhikaayang, gef wiino liinku shib erré korné wu. Gef shal gooyaw Soomaalidé, dhaawa’é koré ini dalké lé wadé difaa’idé, amingki liing baahédéwu. Way waajib ehé ini tillaabé léku qaadé qofki doogas erré, hoobbé usé hangku hoohine raalligiling maangal eh ingku biiné. ….. Aadanuhu waa nafleyda keliya ee Rabbi awood u siiyay in ay hadasho, si ay sax iyo qalad u kala sheegto. Qalad laguma saxo qalad. Hadalka aan dhegeystay ee dad Soomaaliyeed ku tilmaamaaya in ay yihiin carruur Ethiopian dhalay, oo Soomaali iska dhigaya, waa gef ay tahay in aan laga aammusin. Waa gef kala geynaya Soomaalida, dhaawicina kara in dalka la wada daafaco marka loo baahdo. Waxaa waajib ah in tallaabo laga qaado qofkii yiri hadalkaas, haddii aanuu soo hoyan, raalli gelin macquul ahna ka bixin. The post Yuusuf Garaad oo soo jeediyay in tallaabo laga qaado mas’uul u gefay reer K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  17. 460138930_444769964637418_6051030020664609227_n Qaran News
  18. Mogadishu (HOL) – Somali Council of Ministers, chaired by Prime Minister Hamse Abdi Barre, approved the nomination of two new ambassadors and endorsed a National Procedure Policy for the reporting and monitoring of human rights during a meeting in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay inuu gacan ka geysan doono xoojinta xariirka iyo iskaashi Soomaaliya iyo dalalka Carabta. Furitaanka golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqeeyay madaxa wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, sidoo kalena dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ku lahayd. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa furitaankii golah ka sheegay in ay muhiim tahay midnimada dalalka Jaamacadda Carabtu, islamarkaana ay ahmiyadda gaar ah u leeyahay Soomaaliya, asagoo intaa ku daray Jaamacadda Carabtu ay mowqif adag ka istaageen damaca guracan ee Itoobiya ku doonayso badda Soomaaliya. Haddaba furitaanka golahan ayaa ka qeyb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya uga hortagayso tillaabooyinka gardarrada ah ee ay waddo xukuumadda Addis Ababa, waxayna xeeldheereyaasha rumaysanyihiin in tillaabadan ay xoojinayso saameynta Soomaaliya ee dhinaca diblumaasiyadda iyo kor u qaadista xariirka iskaashi iyo walaalnimo ee kala dhexeeya dalalka Carabta. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, ayada oo tallaabo horleh ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Sareeda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in saaka loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen. Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gebi ahaanba laga reebay diyaaraddii ay raaci lahayd oo kusii jeeday deegaan doorashadeeda Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in arrintan ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada Digil iyo Mirifle, sida ay hadalka u dhigtay. “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Horay waxaa u jirtay in garoonka sidoo kale lagu xayiray taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Baay iyo Bakool, walow markii dambe la fasaxay. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii hurinayo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si aad ah la’isugu qabtay arrinta Itoobiya, kadib markii ay koonfur Galbeed ka hortimid qorshaha Villa Somalia. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase soconayo dadaallo ay waddo dowladda oo lagu qaoobjinayo xiisadda, ayada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhaba si uu usoo qanciyo C/casiis Laftagareen. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  21. 460150631_1895766770917245_4161300511792449014_n Qaran News
  22. Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan. Madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay Arbacadii in dowladda Sudan ay diyaar u tahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka holcaya dalkaas. Dhankiisa hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo ayaa asna Khamiista maanta ah sheegay inay oggolyihiin wada-hadallo nabadeed oo xal loogu helayo dagaalka ku dhowaad labada sano ka socda dalka ku yaalla bariga Afrika. “Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay wada xaajoodka xabad joojintu, waxaan aaminsanahay in dariiqa nabada ay ku jirto wada-hadal, ma aha rabshado aan kala sooc lahayn, waxaana sii wadi doonaa inaan galno hababka nabada ah si aan u xaqiijino mustaqbal wanaagsan, loogana gudbo cabsi iyo silic ay dhammaan dadka rayidka ah ee Suudaan soo wajaheen,” ayuu yiri Mohamed Dagalo. Si kastaba ha ahaatee, labada nin ayaa muujiyay niyad wanaag ku aaddan soo afjaridda colaadda ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii April ee sanadkii 2023. Source: goobjoog.com
  23. Mogadishu (HOL) – Several Arab League ambassadors gathered in Mogadishu on Wednesday to inaugurate the Arab League Council of Ambassadors to enhance diplomatic relations between Somalia and Arab states. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Carbeed ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin, waxaana Muqdisho ay ku qabsadeen munaasanad ballaaran oo ay ku shaacinayeen dhismaha golahaasi cusub. Munaasanadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayada oo sidoo kale joobjoog ahaayeen dhammaan safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya gudaha Soomaaliya. Ujeedka golahan loo dhisay ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka waddamada Carbeed iyo Soomaaliya, si sare loogu sii qaado iskaashiga dalalka iyo Soomaaliya. Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda furitaankan golahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya. Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xadgudbka ay kula kacday Itoobiya. Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer laleh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC. The post Safiirada Carabta ee jooga Somalia oo ku dhawaaqay gole cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.