-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiyihii Waxbarashada Oo Xilka Looga Qaaday Murashax Ciro Dartii Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Hargeisa Aamina casayr Magan ayaa maanta wasiirka waxbarashadu xilka uga qaaday markii Murashax Madaxwayne Ee xisbiga Waddani lagu edeeyay in ay u Ogaalatay Inuu Khudbad U jeediyo Ardayda dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac dheer oo Ku yaala Magaalada Hargeisa. Aamina Casayr magan ayaa lagu Edeeyay In ay Waxbarashada Siyaasadaysay una ogolaatay In murashax xisbiyada Mucaaradka ka tirsani olole Ka dhex Bilaabo Goobaha Waxbarashada. Sidaad u aragtaa xilka qaadista lagu sameeyay Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shifay khatar badan oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo hiigsiga Itoobiyaanku ay ka leeyihiin kala qeybinta Soomaalida. Ninkaan ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heleyso qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qarka u saaran inay ku biiraan dalka Itoobiya oo xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay cod ka heystaan, kaas oo u saamaxaya in maalmaha soo socda ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu hadalkiisa u dhigay. Wareysiga laga qaaday masuulkaan ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay halis ku jirto oo ay ku dhacayso dabinada loo dhigay, hadii dadka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan baraarugin. La-taliyaha Abiy Axmed ayaa ku faanay inay Itoobiya taageereen shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hiiraan State, sida uu ku sheegay wareysigaan dadka gobolladaas wuxuu sheegay inay la dhacdan yihiin qorshaha Itoobiya. Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo mar hore ay ku kala tageen siyaasadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hadda ka fekerayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Itoobiya. “Xasan Sheekh wuxuu cadaadis kala kulmayaa maamul goboleedyadiisa, wax kasta waa uu ku fashilmay, dhowaana waxaad arki doontaan isagoo tabar dhigay,” ayuu yiri Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshe culus oo looga soo horjeedo imaashaha Gobolka ee Ciidamada Masar, kaasi oo suurtagal ka dhigaya in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, hadii uu ku sii madax-adeygo qorshaha uu ku soo dhaweysanayo Masaarida. Ninkaan oo si yaab leh u hadlay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaarisay qorshe uu sheegay inay ugu biirayaan maamul goboleedyada qaar, halka tobanaan sano kadibna la arki doono Galmudug iyo HirShabeelle oo ku soo biiraya Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay. The post La-taliyaha Abiy Axmed oo kashifay qorshe halis ah oo Itoobiya ay ka damacsan tahay Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaa loo tarjuban karaa haddalada Saylici iyadoo olole doorasho socdo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay dadka in ay doortaan cidda ay doonayaan ee ay u arkaan in ay waxqaban karto, xilli uu bilowday loollanka loogu jiro doorashada Madaxtinimada Somaliland. Cabdiraxmaan Saylici, oo hadallo uu maalmihii u dambeeyey ka jeedinayey fagaareyaal kala duwan, ayaa tilmaamay in dadka iyagu xor yihiin cidda ay dooranayaan, taas oo ka duwan Khudbada ay jeedinayaan masuuliyiinta Kulmiye ee kale oo iyagu dadka cod weydiinaya”Aniga wax qabanaya ma taalo, ee idinku aqoontiina cidda aad doonaysaan ku doorta. Waa in aqoontu idin bartaa ka dalka iyo dadkiina u danta ah” ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenkuWaxa uu intaasi ku daray “Annaga oo Kulmiye ah, ma lihin annagaa durduro malab ah samaynayna ee na doorta, Nin walba wixii uu qabtay waa la garanayaa ee caqligiina ku kala doorta”Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, toddobaadkii hore jeediyey hadal kale oo dhaliyey oo dood badan, kaas oo uu ka jeediyey Kulan Xisbigiisa Kulmiye ku soo bandhigayey Barnaamijkiisa siyaasaddeed, oo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Muuse Biixi.”Gaadhiga ninkii wadi og ha loo doorto, anigu odhan maayo ha loo daayo” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici, oo si dadban u sheegay in Somaliland loo doorto nin wadi og, taas oo dood iyo hadal hayn ka dhalisay Somaliland.Cabdiraxmaan Saylici, ayaa 14 sanno ee u dambeeyey Madaxweyne kuxigeen ka ahaa Somaliland, isaga oo laba muddo xileed Madaxweyne kuxigeen u soo noqday Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.Xisbiga Kulmiye, waxa sannadka murrashax Madaxweyne kuxigeen u ah Maxamuud Xasan Saajin, oo ah Wasiirka Ganacsiga. Qaran News
-
Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan la yeeshay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo sidii kooxdaas laga saari lahaa goobaha ay weli ku suganyihiin. Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Alshabaab, iyo sidii loo dardargalin lahaa. Taliyaha ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka u sheegay inay muhiim uyihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab, waxayna balan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxaha Alshabaab iyo Daacish. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa soo saartay liiska guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ee sanadka soo socda 2025-ka. Guddigaan ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara. Wasiirka Diinta Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa loo magacaabay xoghayaha guddigaan ka shaqey doona adeega Xajka. Waa sanadkii labaad oo Mukhtaar Roobow uu walaalkiis u magacaabay xilkaan, waxaana sanadkii hore qeylo dhaan ka soo saaray dad badan oo diidanaa qaabka loo qeybsaday xubnaha guddiga. Inta badan xubnaha guddigaan la soo magacaabay waa kuwii shaqeeyey sanadkii hore, waxaana ka mid ah culimo waaweyn, magacaabista guddigaan ayaa ku dhaqan geleysa sida uu u soo saaray Wasiir Mukhtaar Roobow oo awood buuxda u leh. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay sanadka soo socda yarey doonto qiimaha qofka Soomaaliga ah uu ku soo xajiyo, maadaama uu yahay qiime aad u sareeya. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga The post Mukhtaar Roobow oo magacaabay guddiga Xajka, walaalkiisna ka dhigay… appeared first on Caasimada Online.
-
Blinken iyo Badr waxay ku kulmeen Qaahira. Muqdisho (Wararka PP) — Kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirka Arrimmaha dibedda ee Masar Badar Cabdellaati iyo Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayay kaga wada hadleen arrimmo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Warsaxaafadeed kullankaas ku saabsan oo ay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Maraykanku soo saartay ayaa lagu xusay muhiimmada heshiis guntamaya oo ka dhowraya dalalka dhinaca hoose kaga yaalla Wabiga Niilka inay waxyeello ka soo gaarto biyoxireenka Itoobiya. Waxay kale oo labada Wasiir isku meel ka istaageen dhowrista qarannimada Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa dhowaan u soo diri doonta Soomaaliya ciidan ka mid noqon doona ciidanka nabad-ilaalinta ee ATMIS ku sugan Soomaaliya. © Puntland Post, 2024 The post Maraykanka iyo Masar oo Isku Mowqif Ka Istaagay Ilaalinta Qarannimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Waftigii uu hogaaminaayey Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI ee maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalada Borama ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Baki . Shacabka degmada Baki ee sida weyn u soo dhaweeyey Waftiga xisbiga WADDANI , waxaa qeyb ka ahaa Maayarka Degmada Baki iyo xildhibaanada golihiisa deeganka . Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-geli shirweyne caalami ah. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu ra’iisul wasaaraha ka qayb-geli doonaa kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ka jeedin doono khudbad xasaasi ah. “Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka. Sanadkan halku dhigga shirka ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. khudbadda Xamza Cabdi Barre ka jeedin doono madasha ayaa la filayaa inuu diiradda ku saaro doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab. Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa isugu tega madax kala duwan oo ka socoto caalamka, kuwaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka jeediyo khudbado kala duwan. Soomaaliya ayaa horay shirkan uga qayb-gashay, waxaana fagaaraha QM tegay ra’iisul wasaareyaal hore iyo madaxweynayaal uu ku jiro midka hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo kusii jeeda Mareykanka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan magaalada Newyork kaga qeyb-gali doona Kal-fadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku saabsan in si wadajir ah caalamku uga wada-shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Booliska HirShabelle ka sameeyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo isbaaro soo dhigtay halkaasi, waxaana la geeyay saldhigga degmada Jowhar. Taliyaha saldhigga Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan oo lagu soo qabtay 4 nin oo burcad ah, wuxuuna sheegay inay saaka ka war heleen, kadib ay ciidamo u direen, sidaasna lagu soo qabtay. “Waxaa saaka nasoo gaartay in niman burcad ah ay waddada ku jiraan dadka ay dhibaateynooyaan kadib ciidamada amniga ayaan u dirnay, waxaana lasoo qabtay iyaga oo qoryahoodii haysto iyo waxa ay dhaceen” ayuu tiri taliyaha saldhigga magaalada Jowhar. Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo isbaaro dhigato ay ka hortegi doonaan, ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan. “Dadka dhaca gaystay ee waddada u gala shacabka nooc kasto oo ay yihiin tallaabo ayaa laga qaadayaa sharcigana waan la tiigsaneynaa” ayuu mar kale yiri taliyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka isbaarada dhiganaayo dagaal ayaa naga dhexeeyo awooddooda haku tashadaano saacad kastana inaan umadda wixii dhibaayo ka qabanayo annaga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadnay”. Ammaanka waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaa, waxaana sidoo kale weeraro ka gaysta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. The post Koox halis ah oo lagu qabtay waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Doorshada Ka Wada Hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Hargeisa-21-09-2024-(Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi. Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire. ALLAA MAHAD LEH Maxamed Cilmi Xasan (Shiine) Agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Madaxtooyada JSL Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Somaliland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kasoo saaray qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi iyo arrimaha doorashooyinka. Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa marka hore warbixinno kala duwan looga dhageystay wasiirada arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha guud ee Somaliland. Sidoo kale shirka golaha ayaa waxaa looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka guud ee dhacaya 13-ka bisha November, ayada oo shacabka loogu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinkaas iyo difaaca qaranka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- WAR-SAXAAFADEED:-21-09-2024 Nuxurka qodobbo laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee Maanta Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka. Ugu horrayn, waxa shirka warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaaniyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire. Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa wasiirka warfaafinta, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda. Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qoto dheer ua dooday diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka. ALLAA MAHAD LEH The post Sawirro: Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta soo saaray qodobo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
460259328_1672708336845896_6587277690411902485_n Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay shir ku saabsan nabadda oo maanta Garoowe ka furmay ayaa sheegay in nabadda Soomaaliya ku imaan karto xal siyaasadeed. “Nabad dhalinta Soomaaliya waxaa ku gedaaman in la helo xal siyaasadeed. Haddaan xal siyaasadeed la helin nabaddu mar walba way nuglaanaysaa cid baana si’ uga faa’idaysanaysa dano siyaasadeed” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la ilaaliyo wixii Soomaali ku heshiisay si aysan mar kale u kala daadan dowladnimada dalka. “Waxaan ugu baaqaya madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee Soomaaliya ee State-yada madaxda ka ah iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadku heshiiska ku yahay” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in nabadda Soomaaliya ka degi la’dahay fara-gelin siyaasadeed oo dibadda kaga imaanaysa waxaana uu ka digay in aan dalka lagu celin heer dib u heshiisiin sidii shirkii CARTA ee dalka Jabuuti lagu heshiisiyay Soomaalida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo sheegay in nabadda Soomaaliya ku imaan karto xal siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan dowlad dhiska, maadaama ay taagan tahay xiisad maamulkiisa kala dhexeyso dowladda dexe iyo mid kale oo Soomaaliya kala dhexeyso Itoobiya. Saciid Deni ayaa guud ahaaneed uga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna jeediyay farriin culus isaga oo ka digay in dib Soomaaliya loogu celiyo xaaladdii laga soo gudbay ee Carte. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la saxo qaladaadka jira, isla markaana la xoojiyo meelaha ay ka dabacsan tahay dowladnimada Soomaaliya “Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haboon maanta meesha aan joogno inaanu dib uga noqonin Carte iyo shirarkii lamidka ahaa, laakiin meelaha ay ka liiceyso inaan ka toosino aan ku darsano xisaabta”. Dhinaca kale wuxuu toos ula hadlay madaxda dowladda dhexe, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaaiyeyaasha maamul goboleedka oo uu ugu baaqday inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda kale ee ay dadka Soomaaliyeed heshiiska ku wada yihiin. “Waxaa sidoo kale fursaddan uga faa’ideysanayaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadka heshiisku ku yahay” ayuu kusii daray. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay farogelinta shesheeyaha uu ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna yiri “Dagaalka Soomaaliya, Soomaali keliya hadii ay tahay waa hore ayey heshiin laheyd laakiin farogelinta deriska iyo Caalamka ayaa nagu jirta”. Hadalkan dabacsan kasoo baxay hoggaamiyaha Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad meel xun gaartay oo maamulkiisa kala dhexeyso dowladda federaalka, taas oo illaa iyo hadda aan laga gaarin xal rasmi ah. The post DENI oo Xasan iyo madaxda Soomaalida uga digay arrin aan laga soo kabsan karin appeared first on Caasimada Online.
-
Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo, arrinta ciidamada Itoobiya eek u sugan gobolkaasi.. Cali Xaashi oo wax laga waydiiyay wararka la xiriira in garoomada Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada Itoobiya ay horay u joogeen gobolka, hadana ay ku sugan yihiin, balse aanu jirin garoon ay si buuxda ula qabsadeen. Sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga muujiyay ciidamo badan oo Itoobiya ay soo gelisay gobolka, si ay dhaq-dhaqaaq uga sameeyaan halkaasi. “Ma fahmin in la leeyahay gobolka Gedo, Itoobiyaankii ayaa la wareegay ciidamada Itoobiya awalbaka gobolka waa joogee ee ma ciidamo cusub baa yimid miyaa laga wadaa ma kuwii joogay ayaa meelo horleh la wareegay miyaa laga wadaa ma fahmi karayo” ayuu yiri Cali Xaashi. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda dhexe iyo Jubbaland oo lagu xaqiijiyay in Gedo ay la wareegeen ciidamada Itoobiya. “DFS qoraal rasmi ah oo kasoo baxay oo ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa la wareegtay ma jiro, inta aan xogta hayo sidoo kale ma jirto Gedo waxay ka tirsan tahay Jubbaland qoraal cad oo ay dowladda Jubbaland soo saartay oo leedahay waxaa la wareegay Itoobiyaan baa la wareegay ma jiro” ayuu sii raaciyay. Taliyihii hore ee amniga Gedo wuxuu qiray in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin inta badan degmooyinka gobolka, balse aanu awood u laheyn in garoon ay qabsadaan ama ay dad u diidaan. “Ciidamada Itoobiyaanka waa joogaan gobolka, horayna waa u joogeen oo waxay ka howlgalaan inta badan degmooyinka oo dhan, marka hadda sax ma’aha warka la baahiyay” ayuu mar kale yiri. Hadalkan wuxuu ksuoo aadayo, ayada oo walaac xoogan uu ka dhashay dhaq-dhaqaaq ay Itoobiya ka bilowday gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay ka caroortay dowladda dhexe. The post Maxaa ka jira in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen garoomada gobolka GEDO? appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad oo ka howlgasha gobolka Bakool ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Qeydar-Cadde oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada madaxda Gobolkaaas ee Xuddur. Inta uu socday howlgalkan oo ka dhan ahaa kooxda Alshabaab ayaa sababay iska hor imaad uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira sida ay sheegtay warbaahinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysay ayaa soo bandhigay hubkii laga soo furtay iyo godadkii difaaca u ahaa kooxda Alshabaab ee deegaankaas ku sugnaa, waxayna tillaabadani qeyb ka tahay gulufka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda meelo badan oo dalka kamida. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka khilaaf xooggan oo u dhexeeya isaga iyo madaxweyne William Ruto, asagoo xaqiijiyay inuu wajahayo cadaadis iyo caqabado ka dhan ah awooddiisa fulineed. Wareysi uu siiyay TV-ga maxalliga ah ee Citizen ayuu Gachagua ku sheegay in xafiiskiisu uu culays kala kulmaya saaxiibada madaxweynaha, wuxuuna ballanqaad beenoobay ku tilmaamay hadal-jeedintii William Ruto ee xilligii ololaha doorashada, taas oo ay qeyb ka ahayd inuusan oggolaan doonin in madaxweyne ku xegeenkiisa la xaqiro . Si kastaba ha ahaatee, Gachagua, ayaa daboolka ka qaaday mad-madow xoogani uu soo kala dhex galay asaga iyo Ruto, wuxuuna xusay in saaxiibada madaxweynuhu ay xil gudashadiisa caqabad ku yihiin, taas oo ah dhaqan madaxweyneyaashii soo maray dalkan ku yaalla bariga Afrika intooda badan lagu eedeyn jiray. Source: goobjoog.com