Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Islamabad (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay in mintidiin ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidan oo marayey meel u dhow xuduudka Afghanistan, ayna dileen ugu yaraan 8 askari. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Khyber oo ah degmo xuduudeed ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, waxaana lala beegsaday askar ku soo laabatay saldhigooda kadib howlgal ka dhan ah fallaagada. Weerarka gaadmada ah ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari, oo mid ka mid ah xaaladdiisu ay aad u liidatay sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah saraakiisha amaanka oo diiday in la maagcaabo kuwaas oo la hadlay VOA. Iska horimaad kaa xigay ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku dhinteen dhowr qof oo weerarka soo qaaday. warbaahinta militariga Pakistan ayaan si degdeg ah uga hadlin weerarka dadku ku dhinten iyo khasaaraha la sheegay ee ka dhashay. The post 8 askari oo maanta weerar gaadmo ah loogu dilay… appeared first on Caasimada Online.
  2. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur & Madaxa Hay’adda UNOPS Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan Maaraynta daadka iyo Naqshadaynta Biyo-mareennada magaalada Baydhabo. Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa daraasadaha maaraynta daadka iyo Naqshadaynta biyo-mareennada magaalada Baydhabo, wuxuuna qeyb ka qaadanayaa yareynta halista fatahadaha roobka iyo daadka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalasda Muqdisho ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Cilmi waxa uu bogaadiyey qorshayaasha Maaraynta daadka iyo naqshadeynta biyo-mareennada ee hadda socda. Barnaamijkan oo socon doona muddo 15 bilood ah ayaa isugu jira qiimayn & qaabayn lagu samayn doona biyo-mareenno casri ah oo ay yeelan doonto magaalada Baydhabo. Source: goobjoog.com
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka soo jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka sheegay wasaaradda gaashaandhigga ee khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland uu kaga hadlay, isla markaana ugu hanjabay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xamsa Barre ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu ka baxay heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu saxiixay, kuwaas oo dhigayey in la mideeyo guddiga doorashada maamullada iyo dowladda federaalka, iyadoo dalka oo dhan laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Wasiirka Warfaafinta ee Jubaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, isagoo aad u dhaliilay hadalkii maanta ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha. “Ra’iisulwasaaruhu waa in uu isagu dib iskugu noqdaa, waxaan xasuustaa xilli uu ku doodayey in Jubaland ay doorasheedada u madaxbanaan tahay, halka uu maanta ku doodayo doorashada Jubaland ma aha mid sharci ah,” ayuu yiri. Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar ayaa waxaba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ra’iisul wsaaraha, isagoo sheegay in dalku yahay federaal waxa laga wadahadlayana ay tahay in ay noqdaan wax loo wada dhanyahay. “Shirka Wadatashiga Qaranka ee aan ka qeybgalnay aragtida ay gadayeen xilligaas kuma aysan qanacsaneyn Jubaland, waana ay qaadacday shirkaas, marka waxaba kama jiraan hadalka Xamse oo sheegay in Jubbaland saxiixday heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax. Wuxuu sheegay in aysan marna Jubbaland ogolaa doonin doorasho waqtigeeda dhaaftay, halka dowlada federaalka ay dooneyso in hal sano loo kordhiyo madaxda dowlad goboleedyada, si sanadka dambe loo qabto doorasho qof iuo cod ah. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse uma muuqato in go’aankaas uu ka hirgelayo Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha, maadaama Axmed Madoobe uusan ogoleyn doorasho furan. Jubaland ayaa horay u caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suurtagal ahayn inay ka dhacdo dalka, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee ugu dambeeyey, kaas oo hal sano loogu kordhiyey madaxda dowlad goboleedyada, waxaana soconeysa halkaas sano diyaarinta doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah. Jubbaland ayaa xiriirkii wadashaqaynta u jartay dowladda federaalka ee Soomaaliya intii uu jiray khilaafkaan, waxaana socda dadaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac in kastoo aan wax xog rasmi ah aysan wali ka soo bixin dadaalada socda oo siyaasiyiin ka soo jeeda Kenya ay wadaan. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay in 25-ka bishaan ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha, halka maalmaha ka horeeyana ay ka shaqey doonaan xulashada baarlamaanka, doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana toos loo guda galay shaqada. The post Jubaland oo si adag uga jawaabtay weerarkii uu maanta ku qaaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasho Cabdullahi Maxamed oo 14 sano ka tirsaneed Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay Shabaab u qaabilsaneed keydinta iyo kala gudbinta Qaraxyada. Sidoo kale ku dhowaad 10 gabdhood oo ahaa xaasaskii Al-Shabaab ayaa maanta Caasho lala keenay Maxkamadda, kuwaas oo guddoomiye Shuute uu toos u weydiiyey su’aalo lala yaabay sida ay uga jawaabeen. Gabdhahaan oo intooda badan ka yimid deegaanada Koonfur Galbeed ayaa laga qabtay busteejooyinka Muqdisho, waxayna u socdeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo haasaawe ama shukaansi dheer kadib ku qanciyey inay ugu tagaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug. Arrinta lala yaabay waa in gabdhahaani aysan garaneyn ragga ay u socdeen, balse ay ku dhiiradeen inay gaari raacaan oo duurka ugu tagaan, gabdhaha qaar waxaa bixiyey waalidkood, waana arrin murugo leh oo ka yaabisay dadka. Caasho oo aheyd haweeneyda ugu weyn hablihii maanta lasoo taagay maxkamadda ayaa sheegtay in Muqdisho ay joogi jirtay, isla markaana ay ka ganacsa jirtay Qudaarta, iyadoo shaqadeeda Shabaabnimada ku dhex wada jirtay. Lacag dhan $120 ayey Shabaab ugu shaqey jirtay Caasho, waxayna keydi jirtay oo kala gudbi jirtay qaraxyada, waxaana kiiskeeda ka sheekeeyey xeer ilaalinta. 14 sano oo Muqdisho ay isku dhex qarineysay kadib waxaa kashifay wiil ay Shabaab u qorsheeyeen inuu is qarxiyo, balse isku dhiibay ciidanka dowladda, kaas oo sheegay Caasho inay tahay keyd hayaha Al-Shabaab. Rag badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay qiratay inay soo guursatay oo caruur badan u dhashay, iyadoo sheegtay in caruurteedii ay jiraan gudaha Al-Shabaab oo aabahood oo Amiir ah uu heysto. Hoos ka daawo maxkamadeynta haweenkaas The post Daawo: Haweeney 14 sano oo Muqdisho ku keydi jirtay qaraxyada iyo gabdho badan oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay go’aanka ra’iisul wasaare Xamsa uu ku wajahayo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland iyo qorshaha meel ku dhegga ah ee Axmed Madoobe. Fahad Yaasiin ayaa horay u sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhex yaalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. “Ra’iisul Wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 wuxuu doortay inuu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 aysan ahayn xarun siyaasadeed oo 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 kaligiis u furan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa horay dagaal siyaasadeed ugu qaaday Axmed Madoobe, balse waxaba waa ka qaadi waayeen, wuxuuna hadda muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale ay Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay galaan loopan siyaasadeed, si Axmed Madoobe looga saaro saaxada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta si cad u sheegay in Axmed Madoobe aan laga aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed uu dhaafiyo fursadda dib loogu celinayo awoodooda doorashada madaxdooda. Xamsa ayaa maanta tusaale u soo qaatay sida madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay xilalka sugu wareejiyeen, intii Axmed Madoobe uu heystay Jubbaland, isagoo si murtiyeysan u yiri “Hadii gugii kuu kordhaa uusan garaad kugu kordhin, maxaad geedka dhaantaa?” Axmed Madoobe oo madaxda dowladda federaalka ka diiday in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa hadda guda galay qabashada doorasho dadban, si mar kale uu ugu soo noqdo xukunka. Dowladda Federaalka ayaa mowqif adag ka istaagtay doorashada Axmed Madoobe ku qabanayo Kismaayo, waxayna isugu dartay hanjabaad, waano iyo cagajugleyn, balse ma jirto cid dheg jalaq u siineysa oo Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka shaqeynayaa sidii xukunka uu u sharciyeysan lahaa 25-ka bishaan oo doorashada maamulkaas la soo gabagabey doono sida ku cad jadwal uu soo saaray guddiga doorashada Jubaland. The post FAHAD Yaasiin oo ka hadlay dagaalka siyaasadeed ee Xamza iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyay doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Somaliland, taas oo aheyd mid qof iyo cod ah oo si xor ah uga dhacday deegaanada maamulkaasi. Xamza ayaa waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay ku ciqaabeen doorashadii dhacday xukunkii Biixi, oo uu sheegay inuu isku-dayey inuu dooriyo isirkooda Soomaalinimo, isagoo doorashadaas ugu soo hal qabsaday qorshaha doorasho qof iyo cod ee damcsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan hambalyeenayaa oo aan bogaadinayaa doorashada xorta ah ee ka dhacay Somaliland, shacabka Somaliland waa shacab leh biseyl iyo wacyi sare oo ay ku codkoodi ku ciqabeen madaxdooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ciqaabeen kuwii isku dayay inay beddelaan abtirka iyo isirkooda Soomaaliyeed, kuwii isku dayay in ay baddooda iyo barrigooda laaluush ku bixiyaan, kuwii aloosay colaadda iyo dagaalada sokeeye oo boqolaal qof ay ku dhinteen, hambalyo ayaan leeyahay shacabkaas.” Sidoo kale wuxuu sheegay in waxa ugu yar ay sameyn karaan ay tahay wixii ka dhacay deegaanada Somaliland oo kale inay ka qabtaan guud ahaan Soomaaliya, si shacabka ay u doortaan hoggaankooda. “Waxa ugu yar ee aan idinku abaal-gudi karno waa in aan waxa quruxda badan ee aad sameyseen u ogolaano shacabka Soomaaliyeed intiisa kale inay sameeyaan, islamarkaana ay ku ciil baxaan codkooda si xor iyo xalaal ah.” Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay nidaamka doorasho qof iyo cod ah oo uu ku dhagan yahay Xasan Sheekh, iyadoo uu baarlamaanka meel-mariyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha. Nidaamka doorasho ee ay rabto Villa Somalia ayaa wajahaya diidmo xooggan, iyadoo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ay ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”. The post Xamza oo kusoo hal-qabsaday Somaliland si u dhaqaaqo qorshaha Xasan appeared first on Caasimada Online.
  7. Waxaa magaalada Hargeysa maanta aas qaran loogu sameeyay, Allah u naxariistee madaxweyinihii hore ee Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Source
  8. Hargeisa (HOL) — Somaliland political leaders and thousands of mourners gathered in Hargeisa on Monday to attend the funeral prayer of former Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo, a towering figure in the region's history. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dalkaasi uu Soomaaliya ku lahaa. Heshiiskaan ayaa yimid ka dib wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”. Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) — Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa bilaabay hirgelinta habraaca soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland. Guddiga ayaa shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee doorka ku leh soo xulidda xildhibaannada, iyagoo ka wada-hadlay hannaanka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub, si waafaqsan qaabka awood qaybsiga ee beel walba u soo xulato xildhibaannada matalaya. Habraacan cusub ayaa ka duwan kii sanadkii 2019-kii oo ahaa mid saddex xubnood kasta xubin laga xulayay beelaha, waxaana oday dhaqameed kasta uu soo gudbinayaa hal xubin oo Bbesha metela. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa dhawaan soo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo goorta la shaacinayo xubnaha baarlamaanka Jubbaland, iyagoo u muddeeyay doorashada madaxweynaha maamulka inay qabsoomto 25-ka bishaan November. 18 ilaa 19 bishaan ayaa lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland. 20-ka bisha ayaa guddiga qorsheeyay in la qabto codsiyada musharaxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo 21-ka bishaan la qorsheeyey inay khudbadahooda jeediyaan, islamarkaana la gudagalo doorashada. Sidok kale, 21-ka ilaa 23-ka ayaa la qorsheeyey in la qabto araajida musharaxiinta madaxweynaha, iyagoo khudbadahooda jeedin doona 24-ka bishaan. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la aaminsan yahay in doorashadaan uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa kursiga, waxaana taas ka dagaalamaysa dowladda federaalka, oo ka hortimid qorshahaan. The post Guddiga doorashada Jubbaland oo bilaabay habraaca xulista xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.
  11. Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xizbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xizbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xizbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xizbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Israa’iil ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Israa’iil ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof. Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Israa’iil. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza. Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) — Allaha u naxariistee waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey aas qaran madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Siilaanyo oo dhawaan geeriyooday. Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro iyo wufuud ka socotay Itoobiya iyo dalalka deriska. Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay aaska madaxda axsaabta Somaliland, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee Somaliland ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey. Madax kala duwan oo halkaas ka hadashay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Axmed Siilaanyo. Waxay dhamaantood ka marag kaceen dedaalkii iyo naf-hurkii uu horumarka Somaliland ka geystay muddadii uu hoggaanka hayay Axmed Siilaanyo. Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federalka Ethiopia Aadan Faarax, xubinna uu ka yahay madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa ka qabgalay aska qaran ee madaxweyne hore ee Somaliland, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay. Madaxweynihii Afraad ee Somaliland ayaa kamid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee hoggaaminayey Somaliland, waxaana uu muddo ka badan toddoba sannadood ahaa madaxweynaha maamulka. Siilaanyo ayaa intii uu talada hayay fuliyey waxqabad ballaaran oo gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa muddadaas uu hoggaaminayey. The post Sawirro: Wafdi sare oo ka socda Itoobiya oo maanta Hargeysa uga qeyb-galay… appeared first on Caasimada Online.
  13. AQOAq1UhXep-5bk3msHlpU0uYsCtCO8D-swgXtG-AHc3HlmNKTGkSG7s1_g63irtMByP_7R0WZf_I9x4iQvrQ3Cv Qaran News
  14. Steen Sonne Andersen The Danish Ambassador to Somalia. Mogadishu (PP Editorial) — Denmark is one of the countries that host Somali refugees. Danish agencies carry out projects in several parts of Somalia. In Hargeisa last week, the Danish Ambassador to Somalia referred to Somaliland as a country. Although it is unclear whether by “country” he meant the Federal Republic of Somalia or the self-proclaimed Republic of Somaliland, the careless choice of words landed the ambassador in trouble with the Somali Foreign Ministry. The Foreign Minister of Somalia, Ahmed Moallim Fiqi, stated that his ministry would summon diplomats who referred to Somaliland as a country. The delegation of foreign diplomats who went to Hargeisa on the eve of the election day issued a statement after the elections. The prominence given to the elections taking place in part of Northern Somalia that claims to have seceded from Somalia reflects a condescending diplomatic attitude towards the Federal Republic of Somalia. Somaliland hosts Taiwan “diplomatic office” and seeks to lease a coastal district of Somalia to Ethiopia, violating the sovereignty of the Federal Republic of Somalia and its one-China policy. The tweet Mathias Kjaer had to untweet. Today, Mathias Kjaer, Head of Danish Representation Office in “Somaliland” reposted a tweet by Rashid Abdi containing the following sentence: “The international community must push back against the surge in ugly Somali nationalism and instrumentalisation of sovereignty represented by men like Ahmed Fiqi.” Kjaer had to un-tweet after realising he had promoted the agenda of Rashid Abdi, who advocates secession in Somalia. In 2023, Rashid Abdi misleadingly tweeted about the conflict in Laas Anood: “Al-Shabaab now involved in Laas Anood violence. This is no longer just a claim by Somaliland. Intelligence agencies operating in the Horn now deem info credible.” There has never been solid evidence that Al-Shabaab is or was operating in Las Anood. The claim that Al-Shabaab was operating there was made by the President of Somaliland’s administration, Muse Bihi Abdi, to justify the shelling of the administrative capital of Sool by his forces. Diplomats are expected to uphold social media etiquette when reposting tweets by other people. Reposting a tweet by a diplomat implies endorsement. © Puntland Post, 2024 The post The Undiplomatic conduct of Danish Diplomats in Somalia appeared first on Puntland Post.
  15. Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay soo dhamaadeen isu gaynta tirinta codadkii dhamaan gobollada Somaliland. Codadkii dadweynuhu ay ka dhiibteen doorashooyinkii isu sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururada siyaasadda, ayaa hadda ka soo gudbay heer goobeed iyo heer degmo, iyadoo wixii hadda ka dambeeya loo gudbayo heer gobol iyo heer guud oo ah qaybihii ugu dambeyay . Muuse xasan Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in qaybaha haray ee tirinta codadkii la dhiibtay aaney waqti badan qaadan doonin, isagoo intaa raaciyay in ay weli haystaan waqtigii sharcigu siinayay marka ay timaaddo ku dhawaaqista natiijooyinka doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember. Dadka ayuu ugu baaqay in ay ka war sugaan guddiga, wixii ka dambeeya aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo la filayo in maanta uu ka dhaco Hargeysa. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa uga digay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ciidamada amniga u adeegsado danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah. Xamza oo ka hadlayay munaasabadda xil-wareejinta taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa Axmed Madoobe u direy digniintan, isaga oo tilmaamay inay tahay dambi aan la isaga hari doonin haddii ay dhacdo. “Walaalkey (Axmed Madoobe) waxaa ugu baaqayaa in uusan ciidamada marna u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan la iskaga hari doonin haddii ay dhacdo. Waxayna keeni doonta haddii ay dhacdo burbur ku yimaada ciidamada muhiimka ah ee mudada lasoo dhisayay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale wuxuu ciidamada kala duwan ee ku sugan Jubbaland ugu baaqay inay ka fogaadan arrimaha siyaasadda, isagoo dadka reer Jubbaland u jeediyay inay ka tashadaan sidii uusan u dhici laheyn firaaq siyaasi ah. “Ciidamada ammaanka ee kala duwan waxaan ugu baaqayaa inay ka fogaadaan siyaasada, si professional ahna ay shaqadooda u qabsadaan, difaacan dalka, lana jihaadan oo la dagaalamaan cadowga oo ay joogaan furimahooda, ilaaliyaana nabad-gelyada shacabka.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan guud ahaan reer Jubbaland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan midnimadooda, nabadooda iyo xasiloonaatooda.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu reer Jubbaland ka dalbaday inay taageeraan dadaalka ay dowladda federaalka ugu jirto sidii ay awoodooda ugu soo celin laheyn, una dooran lahaayeen madaxdooda. “Waxaan diyaar u nahay in aan tagno deegaanka, kana qeyb qaadano isku keenida dadka, maslaxayntooda, mideyntooda iyo walaaleyntooda, islamarkaana ka ilaalino waxkasta oo keeni kara inay dhacaan qalaalaso iyo qul-qulatooyin aan loo baahneyn.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Xamza oo u digay Axmed Madoobe, farriina u diray reer Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  17. Maydigo Omar Yarow, a 60-year-old widow and mother of six, wakes up before dawn and heads to a livestock slaughter site on the outskirts of Baidoa to scavenge for discarded bones and hide. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Denmark ayaa maanta heshiis cusub ku saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo Soomaaliya looga cafinayo deyn. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo safiirka dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan oo dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee dowaldda Denmark ay ku laheyd Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo wasiirka maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen. Go’aankaas ayaa sidoo kale wuxuu waajibinayaa in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dowladda Denmark uga mahad-celiyay tallaabadan, isaggoo ku sifseryay saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee dalka “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya,” ayuu wasiir Biixi ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib. Waxaa xusid mudan in safiirka uu maanta wasiirka maaliyadda la saxiixday deyn cafinta ay dhawaan ku eedeysay Soomaaliya inuu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya. Inkasta oo dowladda Denmark ay raali-gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya ee safiirkeeda uu ka sheegay magaalada Hargeysa, ayey weli dowladda federaalka ka laaban yeeristii safiirka ee Arbacada, si su’aalo looga weydiiyo hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa. The post Somalia iyo Denmark oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo looga cafinayo… appeared first on Caasimada Online.
  19. In 2019, Hamza was the Chairman of the Jubaland Electoral Committee. He defended the electoral independence of Jubaland State. Mogadishu (PP Editorial) — Today, the Prime Minister of Somalia, Hamza Abdi Barre, lashed out at the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam. Hamza claimed that the Jubaland administration lacks the legitimacy to conduct presidential elections in Kismayo. The electoral dispute between the Federal Government of Somalia and Jubaland echoes a similar rift in 2019, when Mogadishu imposed an aviation embargo on Kismayo after Jubaland held presidential elections. In 2019, Hamza was the Chairman of the Jubaland Electoral Committee. He defended the electoral independence of Jubaland State. The Jubaland President rewarded Hamza for his loyalty and lobbied President Hassan Sheikh to appoint the former Jubaland Electoral Commission Chairman as the Prime Minister of Somalia in 2022. Ahmed M. Islam, the Jubaland President, has called for a nationwide consensus-based approach to national electoral matters. The Prime Minister’s statement on the Jubaland election reflects the short memory of a politician determined to make his words the rule of law. The Federal Government of Somalia attempted to render the 2013 Jubaland elections impossible by supporting a six-region administration declared in Baydhabo in 2012 and by arming Barre Hirale, a former warlord, to attack the new Jubaland forces operating in Kismayo after the liberation of the coastal district from Al-Shabaab. In 2019, President Hassan Sheikh Mohamud flew to Kismayo to attend the inauguration of the Jubaland President, yet in 2024, his Prime Minister labels the same electoral process as illegal. The Federal Government of Somalia is undermining peace in Jubaland in much the same way as the previous federal administration did. The Jubaland President rejects the 2026 electoral model proposed by the Federal Government of Somalia, which asked the Jubaland administration to extend its mandate by one year instead of holding presidential elections in2024. With Puntland and Somaliland outside the National Consultative Council, the Jubaland President has called for a nationwide consensus-based approach to electoral matters. For this reason, the position of the Prime Minister of Somalia is untenable. © Puntland Post, 2024 The post The Position of the Somali Prime Minister is Untenable appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) — Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xillka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, islamarkaana ay xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii aas-aasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd. Taliyaha cusub ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in laga doonayo dardar-gelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo kooxaha argigixisada, oo ay ugu horeyso Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya. Mudan Xamza ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii xukuumaddan ay jirtay oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid yihiin; Qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay. Ku biirista bulshada bariga Afrika. Xubinnimada golaha ammaanka Qaramada Midoobay. The post Sawirro: Taliye Odowaa oo xilka la wareegay iyo arrin culus oo hortaalla appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd, wuxuunna sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya. Mudan Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) — Hoggaanka maamulka Jubbaland ayaa haatan ka shaqeynaya isku-day lagu rido xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha laftigiisa. Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga ayaa arrintaan ka sheegay, xilli ay meeshii ugu xumeyd gaartay xiisadda maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe. Ra’iisul wasaaraha oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland ayaa wuxuu si weyn u duray Axmed Madoobe oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu isku caano shubo markale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hoggaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland uu ka shaqeynayo qorshe lagu ridayo xukuumadda Dan-qaran, sida uu hadalka u dhigay Xamza. “Hoggaanka Jubbaland wuxuu rabaa inuu isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda Dan-Qaran” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Madaxweyne Axmed Madoobe ma uu haysto sharciyad uu ku maamulo Jubbaland waxaana uga digayaa inuu adeegsado awood Ciidan”. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa farriin u diray shacabka Jubbaland, oo oo ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda, sidoo kale wuxuu faray ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda, ee ay diiradda saaraan howlgallada iyo xoreynta deegaannada Jubbaland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay ka socdaan abaabulkii ugu dambeeyay ee doorashada maamulkaasi, taas oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda federaalka, maadaama Axmed Madoobe uu doonayo inuu qabsado doorasho gaar ah. The post Axmed Madoobe oo ka shaqeynaya in la rido xukuumadda Xamza – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay munaasabad uu Xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Ciidamada Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubaland. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in uu isaga baxay dhammaan heshiisyadii dalka loogu jihaynayay doorashada qof iyo Codka ah oo uu markii hore saxiixay islamarkaana doorasho sharci-darro ah ka wado Kismaayo. “Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah” ayuu yuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland in aysan ku milmin khilaafka siyaasadeed ee taagan, Waxa uu uga digay Madaxweyne Axmed Madoobe in ciidamada maamul goboleedka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, isagoo sheegay in falalkaasi ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo. “Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka Jubaland burburaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Halkaan ka daawo Hadalka Ra’iisul Wasaaraha PUNTLAND POST The post R’iisul Wasaare Xamse: Waa sharci-darro hannaanka doorasho ee Axmed Madoobe ka wado Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPJQpQywnGUN8mR7TDaabVMPh_IiRM9AStLxw0fODOJ6r3pUcva6kaZskntY_umHzR9n67lbSLMYkNjsJRC62JZ.mp4 Qaran News